Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur
Cali Muxumed (Good Lawyer)
Hordhac.
Sahamis qaatay sannado kadib,
sahamiyihii dalka Ingiriiska u dhashay ee Richard Burton iyo kaaliyihiisii J.
H. Speke dhawr jeer ayey ku soo noqnoqdeen Somaaliland ilaa sannadkii 1855kii.
sannadkii 1884kii ilaa sannadkii 1887kii dawladda Ingiriisku waxay ku hawlanayd
sidii ay heshiisyo ula saxeexan lahayd madax-dhaqameedkii beelaha Soomaaliland.
Sannadkii 1887kii ayuu ingiriisku ku guuleystay inay Soomaaliland noqoto
maxmiyad uu Ingiriisku maamulo (British Somaliland Protectorate).
Halgan dheer oo sannado qaatay
kadib, 26kii Juun 1960kii ayey Soomaaliland heshay xornimadeedii. 1dii Julaay
1960kiina waxay la midoowday Soomaaliya oo isla maalintaasi xoroowday.
Midowgaasi kumuu iman rabitaan iyo laab-la-kac reer waqooyi oo keliya ee wuxuu
ahaa himilo soomaaliyeed, waxaa jiray hami soomaali weyn oo la rabay in lagu
mideeyo shantii soomaaliyeed ee kala qaybsanaa; Soomaaliland, Soomaaliya, Jabuuti,
gobolka Soomaali Galbeed ee Itoobiya iyo NFD ama gobolka waqooyi bari ee
Kiiniya. Maadaamaa ay Soomaaliland iyo Soomaaliya oo keli ahi ay xoroobeen,
waxay noqotay inay iyagu horta ku midoobaan dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
1969dii, ayey ciidankii xooga
dalka Soomaaliyeed oo uu Hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre ay inqilaab salmi ah
ku qabsadeen taladii dalka. Laakiin waxaa laga dhaxlay cadaalad-darro iyo dulmi
baahay. Waxa laga kulmay dil joogto ah, xadhig sharciga baal marsan, haween la
kufsado, boqortooyo qoys iyo keli-talis axmaq ah.
1981kii ayuu bilaabmay halgankii
dib-uxoreynta qaran ee ay SNM horseedka u ahayd. 1991kii markii maamulkii
keli-taliska ahaa laga guuleysatay, shacabka reer Soomaaliland waxay la soo
noqdeen qaranimadoodii foof-habowday 1960kii. Shirkii walaaleynta beelaha reer
Soomaaliland ee ka dhacay magaalada Burco ayey shacabka reer Soomaaliland 18kii
meey 1991kii ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya oo ay kula midaysnaayeen
qarankii burburay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Maqaalkani waxaynu ku eegi doonaa
dhalashadii qaranka Soomaaliland, waxaynu falaqayn sharci ku samayn doonaa
midowgii ka dhaxeeyey Soomaaliland iyo Soomaaliya iyo sidii ay u dhaawacantay
xornimadii Soomaaliland, innagoo ugu dambeyna iftiimin doonaa geedigii la soo
noqoshada qarannimada Soomaaliland.
Dhalashadii
Qaranka Soomaaliland.
Soomaalidoo calan
taagta,
Saakaa noogu horeysoo,
In siddayda tihiin
iyo,
In kalaanan saxaynine,
Saddex ‘wiig’ iyo
maalmo,
Haddaan soor cuni
waayo,
Safrad layga ma yaabo,
Sarina mayso naftayda
‘e.
Saaxirkii kala
guuraaye,
Sarreeyoow
ma-nusqaamoow,
Aan sidoo yahay eego
‘e.
Kaana siib kanna saar.
-
26kii Juun 1960kii, Timacadde.
Markuu dhulkii Soomaaliland
noqday maxmiyad Ingiriis uu xukumo sannadkii 1887kii. Ingiriisku wuxuu bilaabay
inuu wax ka badelo qaab-dhismeedkii bulshada. Talladii iyo madaxdii dadkaba wuu
inqilaabay, wuxuu sameeyey golahii cuqaasha (Advisory Council) 1946kii.
Golahaasi awood sharci-dajineed iyo mid fulineed toona ma lahayn. Soomaaliland
waxaa xukumi jiray badhasaab laga soo magacaabi jiray ingiriiska.
Halgan gobonimo-doon ayaa
guumaysiga la bilaabmay, waxaa ugu horeeyey halgankii darawiishta ee Sayid
Maxamed Cabdulle Xasan uu hoogaamiyaha u ahaa. Laakiin Diisember 1921kii ayuu
guuldareystay. Waxaa ku xigay halgankii Sh. Bashiir Xaaji Yuusuf iyo
kooxdiisii, iyagana wuxuu ingiriisku
laayay 1943kii. Markii labadaa halgan ay guuldareysteen ayuu bilaabmayaa halgan
suugaaneedkii ay hormoodka u ahaayeen Xaaji Axmed Aadan (Afqalooc), Barkhad
Cas, Timacadde, Faarax Nuur iyo raggii la filka iyo fikirka ba ahaa. halgan
siyaasadeedkii aqoonyahanka ayaa isna xiligaasi bilaabmay, waxaa abuurmay
xisbiyadii gobonimo-doonkaa ahaa, SNL, USP iyo NUF, kuwaasi oo ka
midho-dhaliyey halgankoogii gobonimo-doon.
26kii Juun ayuu ingiriisku siiyey
Soomaaliland xornimadoodii. 1dii Julaay 1960kiina waxay la midoobeen Soomaaliya
oo isla maalintaasi xoroowday, si loo rumeeyo riyadii soomaaliyeed ee soomaali
weyn.
Falanqayn Sharci: Midowgii Soomaaliland iyo Soomaaliya.
Lixdankii dadkaygoow,
Markaad dawladnimadii,
Diiqada u bixiseen,
Degdegsiinyo mooyee,
Doqonnimo ma ahayn,
Manaydaan dambaabine,
Shanta kala dab-raacdaa,
Dermo qudha u gogosheen,
Isku-duubnideeniyo,
Daacad baw horseeddeen..
-
Ibraahim Sh. Saleebaan (Gadhle).
Golahii sharci-dajinta
Soomaaliland oo ka koobnaa 33 mudane oo la soo doortay 28kii feberweri 1960kii,
wuxuu ansaxiyey xeerkii midowga Soomaaliland iyo Soomaaliya 27kii Juun 1960kii
(Law N0.1/1960). Sida sharciga ah, waxay ahayd inay sharci-dajintii
Soomaaliyana saxeexdo laakiin taasi may dhicin oo fadhigoogii dhacay 30 juun
1960kii waxay ansaxiyeen xeer (Atto di unioni) ka duwan kii ay baarlamankii
Soomaaliland ansaxiyeen. subaxnimadii 1dii Juulaay 1960kii baarlamaankii
Soomaaliland iyo kii Soomaaliya waxay fadhi wadajir ah ku ansaxiyeen dastuur
lagu soo diyaariyey Soomaaliya oo aanay Soomaliland waxba ku darsan. Iyadoo
laga duulayo dastuurkaasi cusub, waxaa isla maalintaasi la doortay
madaxweynahii ugu horeeyey ee Jamhuriyada Soomaaliyeed Aadan Candulle Cismaan.
Isla maalintaasi ayuu madaxweynahu soo saaray digreeto madaxweyne oo uu ku
dhawaaqay midowga labada qaran. Laakiin digreetadaasi lama odhan karo waxay
noqotay sharci waayo siduu sheegayey qodobkii 63(3) ee dastuurku waxay ahayd in
golaha baarlamanka la horkeeno si uu u ansaxiyo, taasina may dhicin.
18kii Jeeneweri 1961kii ayaa
golahii baarlamanka ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed la horkeeney xeerkii midowga
labada qaran, golahiina wuu ansaxiyey, waxaana la faafiyey 31kii Jeeneweri
1961kii. Xeerkaasi waxaa lagu magacaabay xeerka midowga Soomaliland iyo
Soomaliya, aad baanu ugu fogaa xeerkii ay baarlamanka Soomaaliland ansaxiyeen
27kii Juun 1960kii. Waayo wuxuu meesha ka saaray dhammaan qodobadii ilaalinayey
shuruucdii lagaga dhaqmi jiray Soomaaliland midowga kahor, xuquuqdii
Saraakiisha shaqaalaha Soomaaliland iyo dhismahii guddiga dib u eegista
shuruuceedka. Xitaa wuxuu si cad u laalay xeerkii midowga ee ay baarlamankii
Soomaaliland ansaxiyeen 27kii Juun 1960kii (Law N0.1/1960), marka laga reebo
qodobkii 11(4) ee xeerkaasi oo sheegayey: “…Xuquuqaha
iyo waajibaabyadii ka dhashay heshiisyadii ka dhaxeeyey dawladii Soomaaliland
iyo booqortooyadii ingiriiska iyo waqooyiga Ayrlaand iyo heshiisyadii ka dhaxeeyey
dawladii Soomaaliya iyo dawladii Talyaaniga iyo kuwii ay labada dawladood la
lahaayeen dawladaha kale iyo ururrada caalamiga ahi waxay qaban (Binding)
doonaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.”
Qodobkaasi sarre waxaynu ka fahmi
karnaa oo uu daliil u yahay inay laba qaran midoobeen iyo weliba Soomaaliland
iyadoo ah qaran madax-banaan inay heshiisyo la gashay dawladii ingiriiska. Mida
kale ee muhiimka ahi waa inay midoobeen qaran la odhan jiray Soomaaliland iyo
mid la odhan jiray Soomaaliya, kuwaasi oo abuuray qaran loo baxshay Jamhuuriyada
Soomaaliyeed. Laakiin maaha Soomaaliya, taasi waxay ahayd gobolkii ama qarankii
talyaaniga ka xoroobay. Qarankii ay Soomaliland kasoo go’day waa Jamhuuriyadii
Soomaaliyeed maaha Soomaaliya.
Su’aasha muhiimka ahi waa midowgii
Soomaliland iyo Soomaaliya ma wuxuu dhacay 1dii Julaay 1960kii markii labada
baarlaman ay ansaxiyeen dastuurkii iyo madaxweynahii cusbaa ee Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed mise 18kii Jeeneweri 1961kii, markay baarlamanku ansaxiyeen
xeerkii midowga Soomaliland iyo Soomaaliya mise markii la qaaday aftidii
dadweynaha ee dastuurka Julaay 1961kii?.
Dib Ula Soo
Noqoshadii Qarannimada Soomaaliland.
Waxa maanta ii daran
Qaran haga dadweynaha;
Qaran damal sidiisii
Noo dallaalimeeyoo
Soo taabta darafyada;
Qaran aan dir-sooc jirin
Qaran aan ahayn dulin
Nabad-doonka beeshiyo
Raacatada dulsaar ku ah;
Qaran aan dirsada oo
Anigaysku kay dirin;
Qaran iigu soo dara
Aan iiga sii darin;
Qaran gudaha daafaca
Dibeddana aqoonsi leh.
Isku soo dabaal oo
Waxaan doonayaa qaran
Qaran dhaama kii
dumay.
-
1dii
Meey 1997kii. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
Muddo hal sano ah markii ay dawladdii
Jamhuurayadii Soomaaliyeed ay jirtay. Xisbigii SNL wuxuu waqooyiga ka bilaabay
olole uu ku doonayey in la qaadaco oo la diido dastuurkii la doonayey inay
dadku u codeeyaan Julaay 1961kii. Taasi waxay keentay in dadkii reer waqooyiga
ahaa 60% ay diidaan dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Bal aan soo qaato John Drysdale buug-yarahiisa Somaliland: The Anatomy of Secession wuxuu ku yidhi: “Ururkii SNL oo ahaa xisbigii hormoodka ka ahaa waqooyiga wuxuu ka
ololeeyey aqbalaada dastuurka, boqolaydii dadkii diiday datuurku waxay
ahaayeen: Hargeysa (72%), Berbera (69%), Burco (66%), iyo Ceerigaabo (69%).
Tirada guud ee dadka codeeyey Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay ahaayeen 1,
950,000 (Hal milyan, sagaal boqol iyo konton kun) oo qof. 100,000 (boqol kun)
oo qudha ayaa waqooyiga ka diwaangashaana.”(Bogga 12aad) (Turjumida Qoraaga).
1961 ayey saraakiil reer waqooyi ahi isku
dayeen inay inqilaab kula soo noqdaan xoriyaddii gobolada waqooyi,
inqilaabkaasi oo uu hogaaminayey Xasan Kayd Cabdulle Walanwal. Wuxuu fashilmay
inqilaabkii oo socda.
15kii Oktoober 1969kii, waxaa magaalada
Laascaanood lagu toogtay madaxweynahii xiligaasi (labaad) ee Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed Dr. Cabdirashiid Cali Sharmarke oo booqasho ku joogay maagaalada
Laascaanood. Xisbigii SYL markuu lix cisho ku hawlanaa buuxinta jagadii
madaxweynanimo ee banaanaatay laakiin aanay weli cidna u magacaabin jagadaasi
ayuu ciidankii qalabka siday ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed inqilaabay taladii
dalka 21kii Oktoober 1969kii. Waxaa la badalay dastuurkii, waxaana xabsiga loo
taxaabay xubnahii ugu muhiimsanaa xukumadii la inqilaabay.
Shacabkii soomaaliyeed sacab iyo damaashaad
ayey ku soo dhaweeyeen arrintaasi, waayo dadku markii hore ba waxay
saluugsanaayeen xukumadii hore. Ciidankii qalabka siday oo uu hogaaminayey
Maxamed Siyaad Barre waxay u arkayeen halyeeyo u kacay dalka oo ka dhiidhiyey
dilkii madaxweynaha.
Xukumadii uu Siyaad Barre madaxweynaha u ahaa
waxay la saxiibtay hantiwadaagii Ruushka iyo Kuuba, hal-kudhegyo aan afka
dhaafsiisnayn ayuu sameystay sida midnimo, wadanninimo, isku-duubni iyo wax
kasta oo dadka lagu beer-laxawsan karayey. Inkastoo Maxamed Siyaad Barre uu
saaxiib wanaagsan u noqday Ruushka, haddana waxay ku kala tageen dagaalkii uu
Itoobiya ku qaaday 1977kii. Dagaalkaasi ciidankii qalabka siday ee
Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliyeed waxay galeen gudaha dalka Itoobiya,
laakiin waxaa dib loo soo jebiyey markii uu Ruushku la soo saftay Itoobiya.
Guul-darradii dagaalkii Jamhuuriyadii
Soomaaliyeed iyo Itoobiya ee 1977kii, shirqoolo loo maleegay siyaasiin
faro-badan, eexo qabiil iyo boqortooyo qoys oo badheedh ah, dil, dhac, kufsi
iyo bahdilaad lagula kacay dadkii reer waqooyigu waxay sababtay in lagu kaco oo
halgan dagaal lagala horyimaado keli-taliskii axmaqa ahaa.
Dhamaadkii sannadkii 1979kii, waxaa
jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka curatay maansadii xaraf-raaceedu ahaa xarafka
deelka “D” ee loo baxshay Deelleeyda. Maansadaasi oo xaq u dirir ahayd waxaa ka
qaybqaatay ilaa kontonmeeye abwaan, maansooyinkuna waxay ku dhawaayeen ilaa
todobaatan maanso. Inkastoo abwaannada qaar ay difaac reeraysan ku jireen,
haddana deelleeydu waxay noqotay warankii ugu xumaa uguna horeeyey ee uu keli-talisku
la kulmo.
6dii Abriil 1981kii, waxaa magaalada Landhan
lagaga dhawaaqay ururkii dhaqdhaqaaqa wadanniga Soomaaliyeed (SNM) si loola
dagaalamo maamulkii dad-qaladka ahaa ee Siyaad Barre.
Halgan dagaal oo toban sanno socday kadib, SNM
waxay ku guuleysatey inay dalka soo gasho Meey 1988kii. SNM waxay dalka
qabsatay 1991kii; Berbera 29kii Jeeneweri, Hargeysa iyo Burco 31kii Jeeneweri,
Boorama 4tii Jeeneweri, Ceerigaabona 5tii Jeeneweri. Waxaa maalmahaasi
xabsiyada laga sii daayey dadkii u xidhnaa maamulkii Siyaad Barre, waxaa la
taakuleeyey dadkii deegaanka aan u dhalan ee dalka loogu yimid iyadoo loo
sheegay in cidii doonta ay iska joogi karto, cidii doontaana ay dhulkeegii
tagto iyadoo welibana gadiidna la saarayey.
Markii keli-taliskii Siyaad Barre dalka laga
xoreeyey, talaabadii ugu horeysay ee la qaaday waxay noqotay in shir nabaddeed
la qabto. Waxaa Berbera lagu qabtay shirkii nabadaynta beelaha Soomaaliland ee
dhacay 15kii-27kii Feeberweri 1991kii. Shirkaasi waxaa lagu saxeexay heshiis nabadeed
oo ay beelahu u dhamaayeen. Waxaa laysla qaatay in shirweyne layskugu yimaado
magaalada Burco Abriil 1991ka.
Shirweynahii walaalaynta beelaha Soomaaliland
wuxuu magaalada Burco ka furmay 27kii Abriil 1991kii. Waxaana ka qaybgalay
hormoodkii madax-dhaqameedka beelaha Soomaaliland dega. Shirkaasi oo socday
ilaa 5tii Meey, waxaa laysku raacay todoba qodob oo uu ugu muhiimsanaa in
gobolada waqooyi gooni isku taagaan oo ay Soomaaliya ka go’aan. Go’aannadii
shirkani kasoo baxay waxaa lagu ansaxiyey kalfadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee
golahii dhexe SNM oo burco ka dhacay 18kii Meey 1991kii. Waxaana isla shirkaasi
lagu caleemo-saaray Guddoomiyahii SNM Muj. Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo
ku-xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac oo noqday madaxweynahii iyo Madaxweyne ku-xigeenkii
ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliland. Madaxweynahiina wuxuu magaacaabay
xukumadiisii oo koobnayd 18 wasiir iyo 4 wasiir ku-xigeen.
Shir kale oo dhacay magaalada Sheekh oo lagu
heshiisiinayey laba beelood oo ay xurgufi dhexmartay ayaa dhacay Oktoober
1992kii. Shirkaasi waxaa laysla gartay in geediga qarannimada Soomaaliland
lasii wado, waxaana laysku raacay in Boorama lagu shiro Jeeneweri 1993ka.
Shirkii guurtida ee Boorama wuxuu bilaabmay 24kii Jeeneweri waxaanu socday ilaa
25kii Meey 1993kii. Shirkaasi oo ahaa kii ugu balaadhnaa waxay beelaha
Soomaliland ku saxeexeen Axdi Qarameed 31 qodob ka koobnaa oo ay mudadiisu ay
ahayd 2 sano, waxaa kaloo shirkaasi lagu sameeyey labada gole baarlaman oo
koobnaa mid 75 mudane. Maadaamaa ay dhamaatay mudadii loogu talo-galay inay SNM
dalka hogaamiso, waxaa madaxweynahii Jamhuuriyadda Soomaaliland loo doortay
Maxamed X. Ibraahim Cigaal. 30 Meey 1993kii, ayuu xukumadiisii cusbayd ku
dhawaaqay. Sidaasi ayuu ku meel-maray Geedigii la soo noqoshada qarannimada ee
Soomaliland.
Gunnaanad:
“Inta Soomaaliya
dhibaato ka jirto, Soomaalilandna dhaxanta lagu daayey, damiirka bulshadu
caalamku waxa keliya ee ay noqon kartaa waa mid kharriban”
Maxamed X. Ibraahim Cigaal.
Madaxweynahii hore Jamhuuriyadda Soomaaliland.
Sharcinimada midowgii Soomaaliland iyo
Soomaaliya mugdi ayaa ku jiray. Dadka reer Soomaalilandna afti dadweyne ayey ku
cadeeyeen mawqifkoogii ay ku diideen dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
1961kii. Haddana codkii koonfurta ayaa ka batay oo laga tixgeliyey. Inqilaab
ayey isku dayeen innay xornimadoodii kula soo noqdaan, nasiib-darro isna wuu ka
fashilmay. Iyagoo dabinta ruugaya ayuu keli-taliskiina nabarkii cusbo marshay,
oo cadaalad—darro iyo dulmi la yimid. Taasi ayaa keentay inay qarannimadooddii
la soo noqdaan.
Maanta Soomaaliland waa dawlad dimuqraadi ah oo
horumar ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, aqoonta, iyo siyaasadda
ba. Xidhiidh wanaagsana waxay la leedahay bulshada caalamka. Dastuur ay dadku
97% ugu codeeyeen ayaa lagaga dhaqmaa, doorashooyin xor iyo xalaal ah ayaa ka
dhacay. Goleyaal deegaan oo la doortay ayuu dalku leeyahay, sidoo kale dadku
waxay doorteen golaha baarlamanka (wakiilada), madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Soomaaliland waxay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahna dal la
aqoonsanayo. Waxay qayrkeed dheer tahay xasilooni iyo dimuqraadiyad xor ah.
Soomaaliland maadaamaa ay ku taalo mandaqad nabad-galiyadeedu liidato waxaa
lagu tilmaami karaa Ubax ka dhex baxay saxare lama-degaan ah.
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Gobolka Awdal, Borama.
Maqaalkani waxaan qoray Sannadkii hore waxaanan kaga qayb-galey tartankii qoraalka af-somaaliga ee Cultural Week-ga Jaamacadda Hargeysa oo aan kaalinta 2aad ku guuleystay
ReplyDeletemaansha Allaah brother maqaall sare dheh keep going mansha allaah Chase ur dreams eventually will come true all the good things comes to those whom wait!
ReplyDelete