Pages

Thursday, May 2, 2013

Si Tahriibku u Joogsado, Waxaynu u Baahan Nahay In Aynu Abuurno Nolol Cusub!!


W/Q Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

Waxaa badanaa lays weydiiyaa su’aasha ah dad noocee ah ayaa tahriiba? Waxaynu wada ogsoonahay in dadka dalkeena ka tahriibayaa ay yihiin muwaadiniin dhallinyaro u badan oo inay dalkooga ku noolaadaan ka door-biday inay ka suudalaan, dhimasho iyo nolol mid ay la kulmaan ba, si ay dal shisheeye qaxooti uga noqdaan oo ay ugu noolaadaan. Waxaynu sidoo kale fahamsanahay oo haddii aan su’aashani kaga jawaabo dooddi ka dhalanaysaa inay tahriibaan dad waddaniyadda ka aradan ama aan weligood waxba looga sheegin. Waxaynu markasta tilmaanaa oo aynu meel kasta oo xanuunkani tahriibka lagaga hadlayo ka sheegnaa in taajirka iyo saboolkuba tahriibaan; in wiil, oday, islaan, gabadh, iyo carruur ba ay tahriibaan iyo in jaahil iyo mutacalim ba uu tahriibo. Haddana, intaas oo arrimood ba jawaab qancisa uma noqonayaan dadka su’aashani ay maskaxdooda kusoo dhacdo.

Waxaan dareemaa inay dadku la dawakhsan yihiin arrimaha tahriibka; dadka tahriiba iyo sababta loo tahriibo? Tusaale ahaan, qofka maanta aaminsan in uu tahriibo qofka saboolka ahi oo sababta loo tahriibaa ay tahay saboolnimo aan dalkeena loogu noolaan karayn. Wuxuu beri arkayaa qof ladan oo nolol fiican ku noolaa oo haddana tahriibaya, markaa ayuu odhanayaa “Taajir iyo saboolba way tahriibaan”. Nin aqoonyahanka dalka kamid ah oo aanu asxaab nahay ayaa maalin igu yidhi “Cabdishakuuroow, saaxiib dadka tahriiba waad iska dhaleecaysaa mooyaane, ma fahmi karaysid dadka tahriibaa nooca ay yihiin iyo sababta ay u tahriibaan, waayo adigu waxaad tahay inan yar oo nolol fiican kusoo koray isla markaana wax bartay imikana mustaqbal fiican leh” Waxaan ogaa in ninkaa saxiibkay ahi aanu noloshayda waxba ka ogayn. Sidaas darteed hadalkaasi kamaan jawaabin maalintaasi. Haddaba, isla ninkii ayaa maalin dhawayd ila soo hadlay. Wuxuu ii sheegay in aanu arrinku ahayn siduu maalintaasi u malaynayey, wuxuu yidhi “Saaxiib, horta maalintaasi si fiican kuumaan aqoonin, laakiin imika wax badan ayaan noloshaada ka ogaaday. Laba shayba waan ku khaldanaa, in qofka saboolka ah oo keliyi uu tahriibo oo aan aaminsanaa iyo noloshaada oo aan sawir khaldan ka aaminsanaa. Waxaan ogaaday in aanu bini-aadmigu isku qaab fikir ahayn oo labadii ay hooyo wada dhashay kala aragti duwan yihiin” Waa sidaasi uu saaxiibkay sheegay tahriibku kuma xidhna xaalad nololeed. Tahriibku wuxuu ku xidhan yahay qaab fikirka qofka. Qayb gaar ah oo bulshadeena kamid ahi ma tahriibtee, qayb kasta oo bulshadeena kamid ah ayaa tahriibta. Daraasadse laguma sameynin weli dabeecadaha gaarka ah ee ay dadka tahriibaa wadaagaan? Way fiicnaan lahayd haddii cilmi baadhis aqooneed lagu sameyn lahaa (Scientific study), wax badan ayaa lagu ogaan lahaa.

Qurbaha waynu wada jecelnahay. Jacaylka qurbaha loo qabo uunbay ku talax tageen tahriibayaashu. Fikir khaldan oo qofka aragtida dheer aad u damqaya ayeynu aamminsanahay “In qurbuhu uu janno yahay oo ka nolol wanaagsan yahay dhulkeena.” Waddaniyad iyo dadkeenu na ismaba yaqaanaan. Waxaan hubaa haddii dalalka reer galbeedku ay odhan lahaayeen waxaanu u baahanahay dad aanu dhalasho siino oo aan dhalashada Soomaaliyeed dib u sheeganayn, inta tahriibtay iska daaye inta magaalooyinka ku hadhay wax yar baa ka hadhi lahaa waayo dhulkeena cid leh oo ku faanaysa ayaan jirin (no man’s land). Bal waxaad sawirataa dhulkaagii oo abbaar ah, haddii ay dhir ka bixi lahayd aanay marnaba diyaar u ahayn inay dhulkani ka beermaan oo cimilada iyo bay’adda Yurub ama Ameerika uun ka baxayso. Saw waxaad sugtaa ba maaha inuu dhulkaagu noqdo lama-degaan. Sidaas oo kale inta dhallinyaradeenu tahriibayso ha malaysan in jiritaankeenu waarayo ama aynu faqri ka baxayno oo aynu horumar gaadhi doono.

Tahriibku imika nolol raadsi wuu ka tagey oo wuxuu marayaa “Ma anniga sannadka kale halkani iigu soo geli doonaa!” Tahriibku wuxuu ka dhashay nolosha Soomaalida ee sal-guurtay. Wuxuu ka abuurmaa wal-bahaarka nololeed ee dhallinyarada. Ilaa inta nolosha soomaalidu ay salka dhigayso oo ay noqonayso mid ay dadku ku qanacsan yihiin, tahriibna waa jirayaa. Ninkii raba tahriibka inuu joojiyoow, nolol soomaaliyeed oo lagu qanacsan yahay ayaa lagaa rabaa. Qaab-fikirka dadka kartidii badeli lahayd ayaa lagaa rabaa. Qorshe ay dadku tahriibka kaga baaqsadaan baa lagaa rabaa. Waxaa la inaga rabaa inaynu abbuurno nolol. Haa, nolol dhaanta tani laga tahriibay baa la rabaa.

Sannadkani wuxuu noqday sannadkii loogu tahriibka badnaa abidkeen! Magaaladda Boorame oo aan imika ku noolahay, guri kasta hooyo ayaa wer-wer seexan la’ ama ka barooranaysa. Hooyadaasi ayuu qalbigaygu la jiraa, iyadaa noloshani ku goblantay. Wuxuu dareenkaygu la jiraa hooyadii agoonta korisay. Noloshooda bacadka u fadhiisanaysay, waxbarashadoodii ku dadaashay ilaa heerka Jaamacaddeed. Kii ay Jaamacadda ka saartay sannad markuu shaqo la’aa, isna u adkaysan waayey bacadka ay hooyadii fadhido dabadeedna isagoon meelna wax ku ogayn habbeenka madoow tahriibay. Markii Liibiya la gaadhsiiyey ayaa reerkii lagu yidhi 3000 oo dollar soo dira. Wax hantiya guriga ay ku jiraan bay leeyihiin. Gurigii ayey rahmeen, markaasay hooyadii ku tidhi inankii kale oo isna dugsiga sarre dhiganayey, orodoo lacagta u dir walaalkaa. Deedna, muxuu sameeyey bay kula tahay? Laba habbeen markii war laga waayey ayaa lasoo sheegay inuu Addis sii marayo. Lacagtii walaalkaa u dir lagu yidhi ayaa ku baxay? Aax! Hooyadani ayuu qalbigaygu la jiraa! Waa maxay habaarkani?

Wuxuu qalbigaygu la jiraa hooyoo kasta oo sida anniga hooyaday tahriibka ilmaheedu uu farxaddeedii nololeed la tagey. Haddii isagu uu seexdo iyadu aanay seexanayn. Hadday isaga noloshiisu tahay Yurub, iyada nolosheedu ay isaga badbaadadiisa tahay. Saw maaha nimmaad dhashay kuma dhalin!  Nin saaxiibkay ah oo walaalkii tahriibay ayaan tahriibta kala sheekaystay, Wuxuu igu yidhi “Annigu si kastoon nolosha dalkeena aan uga deyriyo, waxaan markasta u baqaa hooyaday. Haddaad wax kale u tari weyday ma farxaddeeda ayaad wer-wer ugu badeli baan is idhaa. Walaahi, intey hooyaday nooshahay iyada darteed baanan u tahriibeen.” Labadaasi ba hooyo qudha ayaa wada dhashay! 

Raggoow, xil baa guudkeena saaran. Xil ah inaynu ummaddeena tahriib ka baajino. Waxani looma adkeysan karo. Dhallintii oo socota, dawladdii oo aan talaabo wax lagaga qabanayo la imanin, dadkii oo aan u aabbaabulnayn inay dhallinyaradani socota baajiyaan, urrada bulshada rayidka ah oo aan ilaa iyo imika ka hadlayn masiibadan.  Yaa la sugayaa inay tahriibta wax ka qabato? Guri aan laga tahriibini wuu yar yahay, qoys aan dhibaato ka haysani wuu yar yahay, xaafad aanay arrintani saameynin na majirto. Haddana, cid ka hadlaysa maleh? Sawta qayladeena la yaabo markaynu siyaasadda isku hayno. Sawtii aynu qaranka ku dumin gaadhnay mudaharaadadii siyaasaddeed. Ma waxaynaan kala garaneyn sidday arrimahu u kala muhiimsan yihiin? Dhallintoo tahriibta iyo doorasho qabsoomi wayda, ma doorashaa inala waynaatey oo aynu qarankaba u dumin gaadhnay shalay? Waa marka qudha ee aan is idhaa malaha waaba lagu saxan yahay dalka ay dadkiisu noocan u fikirayaan in laga suudalo! Meeye odayaashii qabyaalada nagu dawakhiyey ee Salaadiinta iyo Cuqaasha sheegan jiray. Ma dalqadooda uunbay u hadlaan waa kuwa marka siyaasi reerkooda ah kursi laga qaado warbaahinta naga dawakhiyee. Hadday reerrahooga wax u tarayaan, reer walba kumaanaan dhallinyarro ah ayaa ka baxayee miyey wax ka qabtaan. Bal ka warama haddii reer weliba intuu is abbaabulo ku tashado ilaa kooga Itoobiya deggan in la xidho inankii ama inantii la arko iyadoo tahriibaysa. Haba iska yaraatee, waxaan hubaa inuu tahriibku yaraan lahaa. Waa dal iyo dad uu ninkastaa ba hagraday. Waxaan maqli jirey dal ba’aw yaa ku leh? Cidna.

Waxaynu u baahanahay in qof kastaaba uu xil isa saaro oo arrintani wax ka qabashadeeda wax iskaga tiriyo oo aan xukumadda uun lagu eeddaynin. Ugu horeyn ba waxaynu u baahanahay in qof kastaa kaalinta uu bulshada kaga jiro iyo wacyi-gelinta tahriibka isku xidho. Macalinku iskuulka wacyi-gelin haka bilaabo, Askarigu saldhiga wacyi-gelin haka bilaabo, Sheekhu waa inuu masjidka kaga hadlo tahriibka iyo dhibtiisa, waalidku ubbadkiisa ha wacyi-geliyo, urrarada bulshado ha la yimaadeen qorshe tahriibka lagu joojinaayo, Xukumaddo ha diyaarsato oo ha fuliso qorsheyaal cad oo la hubo inay abbuurayaan noloshii tahriibka lagaga joogsan lahaa. Waan ogahay in nolol cusub la abbuuraa wakhti ayey u baahan tahay. Wakhtigay doonto hadday qaadanayso, waa in hawsheeda la galaa. Waa in aynu aamminaa in aynu abbuuri karno nolol aan laga tahriibin ee loo soo tahriibo.

Waxaa maanta ii daran,
In aan daaro oolkii,
Ragga iga dambeeyaa,
Ninba dudub uu
kor dhigi lahaa. (Abwaan Gaarriye, IHUN)

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Borame, Gobolka Awdal
Mobile: 4460167.