Pages

Wednesday, July 16, 2014

Siyaasadda kala Daneysiga ku Dhisan iyo Maamul-xumada ka Dhalata. W/Q Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi

Xukuumaddi waxay noqon kartaa mid ku sifawday maamul-wanaag, marka ay leedahay hannaan dhisan oo si daahfuran looga arki karo waxqabadkeeda, tallaabooyinkeeda iyo go'aamadeeda, isla markaana lala xisaabtami karo masuuliyiinteeda iyo haayaddaheedaba.
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Haddaba, waxaan jecelahay inaan iftiimiyo waxyaabaha keena inay xukuumadduhu alaabaa la wada iman kari waayaan sifahaasi "Xukun-wanaagga" ee aynu xagga hore ku soo sheegnay, iyagoo waliba hoggaankoodu ku dooddayo inuu ku yimid hab dimuqraadiya. Marka laga hadlayo "maamul-wanaag" waxa loo jeedaa waa hufnaan, sinnaan, dhex-dhexaadnimo, iyo u darbanaan hawleed. Marka siyaasad la soo qaadona, arrintu waxay ku xidhantahay go'aamo shaqsiyeed, wax-isdhaafsi, iyo heshiisyo kooxeed. Marka maamul ama Xukun laga hadlayana  inta badan ma noqdo mid qaab ahaan la jaanqaada macnahaas guud ee la siiyo "xukun-wanaagag" ama waxani ay ugu yeedhaan "good governance",  wuxuu se noqdaa mid leh qaab shakhsiyeed iyo xidhiidh gaar ah oo u dhexeeya kan wax xukuma iyo kani la xukumaba.

Siyaasinimadu waxay u baahantahay dad taageeroyaal ah, dadkana waxay koox waliba rabtaa inay taageeradeeda ku hesho waxyaabo badan oo ay tabayso. Markaasi waxa meesha taalaa waa baahi, danno aan midkastaba kaligiis u suurtogalin karin. Sidaa darteed ayay labada dhinac u noqdeen kuwo ku qasban inay wax isdhaafsadaan. In uu siyaasigu helo shaqaale, ciidamo iyo taageerayaal ay noloshoodu ku xidhantahay xilkiisa. Dadkuna waxay dhaafsadeen daacadnimo, taageero inay u hoggaansanaadaan amarkiisa, hiilna la garab joogaan. Hannaanka siyaasaddeed ee ku dhisan qaabkaasi wax laysku dhaafsanayo ayaa loo yaqaan siyaasadda kala-danaysiga ah (political patronage). Siyaasaddan oo qaabka xukun ee ka dhashaana aanu noqon karin mid si siman dadku ugu siman yihiin, balse dheefta dawladnimo midkastaba loogu miisaamayo xaddigii taageeridiisa.
Maamulka dawladdeed marka uu haddaba yahay mid ay go'aanadiisu, dooddihiisu, qorshayaasiishu iskugu biyo-shubtaan meel qudha, waxa samaysma waxa uu Weber ugu yeedhay maamul-odayeed, ama "patrimonialism". Nidaamka noocan ah ee tallada iyo tallaabo kastoo la qaadaa u noqonayso odayga reerka. Waa nidaam aan lahayn isla-xisaabtan iyo wada-shaqayn, badanaa ka dhaxeysa waaxaha maamul ee kala sarreeya amaba si bar-barro ah isugu xidhan. Waxaana isdhexgala xafiiskiisa iyo xaafadiisa. Wax walibana waxay noqdaan wax isaga khuseeya, isagana ka go'a. Arrimaha maamul waa qaar isaga u gaar ah. Siyaasadduna waxay kamid tahay hantidiisa aan lala sheegan karin.

Hoggaamiyaha noocan ahi wuxuu adeegsadaa awooddihiisa maamul ee xad-dhaafka ah si uu u dhisto gashaanbuur siyaasaddeed oo ilaalisa dannihiisa, damiciisana ku taageerta. Madaamo oo xilka dawladnimo loo arko inuu yahay naas irmaan oo hanti badan laga samayn karana wuxuu awooddiisa magacaabiseed u adeegsadaa sidii uu ugu soo xerogalin lahaa rag badan oo uu u arkayo inay ku wanaagsanyihiin suuq-geynta siyaasadda ama samaynta macaamiil siyaasaddeed oo u darban taageeradiisa. Manaasibta xileedna waxa loogu kala dooraa xubnahan kolba sida ay u kala saamayn badan yihiin. Kuwo loo arko inay kasban karaan taageero badan ama ay ka hortagi karaan khataro siyaasaaddeed oo ku lidi ah dannaha odayga waxa inta badan loo magacaabaa meelo qoyan (wet posts) sida xafiisyo leh awooddo-sare, mashaariic dhaqaale, beero-cashuureed, laaluush urursi badan. Halka kuwa dhagaha-adag ee guul-wadaynta iyo raali-galinta odayga waqti badan siin waayana lagu ciqaabo xil-ka-qaadis amaba lagu samirsiiyo xafiisyo aan dhaq-dhaqaaq badan iyo saamayn maamul oo buuran lahayn.
Nidaamka maamul ee sidan u dhisan waa mid ay alaaba ka muuqato is-dhex daadsanaan ballaadhan iyo isku-xidhnaan la'aan maamuleed. Waxaana gudihiisa ka dillaaca loollan iyo isku-xumayn baahsan oo dhexmarta laamihiisa kala duwan. Waxaanay masuuliyiintiisu noqdaan qaar tartan ugu jira sidii ay ugu kala dhawaan lahaayeen hoggaamiyaha. Waxay noqdaan qaar had iyo goor isaga war geeya oo dhaliilaha kuwa kale ee lamid ka ah kula soo kallaha hoggaamiyahooga, guulahoogana u buun-buuniya. Islamarkaana isku daya inay kasbadaan xubnaha qoyskiisa ee ay u arkaan inay si fiican ugu xidhanyihiin odayga. Hawlahan layskaga dhaadhicinayo hoggaamiyaha iyo xog-warrankiisa ayaana inta badan kala wayn kana mashquuliya gudashada waajibaadkii xilleed ee ay bulshadu uga fadhiday xafiisyadooda.
Si ayna u waayin macaamiishii siyaasaddeed ee loo baahna waqtiga cod-bixinta, xubnahani waxay adeegsadaan tabo badan oo isku xidha iyaga iyo bulshada. Waxay dhistaan shabakado hoose oon rasmi ahayn (cliques or coteries), kuwaasi oo u soo tabiya xaaladdaha iyo dhaq-dhaqaaqyada macaamiisha siyaasaddeed iyo saamaynta ay meheradaha kale ku yeelan karaan taageerada ay ka filayeen bulshadii ku xidhnayd. Shabakadahaasi, oo ah af-miishaaro, dhex ordayaal iyo dillaaliin ayay inta badan kamaraduhu qabtaan iyagoo ka muuqda shirar iyo munaasibado siyaasaddeed oo ayna wax "taytal" ah ku lahayn. Xubnahani intooda badani waa ma shaqaystayaal ku nool dillaalnimada siyaasaddeed. Waxayna mar walba isku dayaan inay humaagyo beena iyo warar buun-buunin ah siiyaan masuuliyiintii soo dirtay. Sidoo kalana waxay u xilsaaranyihiin samaynta difaacista xukuumada iyo faafinta dacaayaddaha aan xaqiiqada ku salaysnayn ee lagu bahdilayo xubnaha mucaaridka ah ee loo arko inay kala fur-furi karaan taageeradii siyaasaddeed ee la isku hallaynayay.
Marka laga yimaado u darbanaanta hoggaamiyaha iyo ka lug-qaadis la'aanta gurigiisa, si aan loo kala dhex marin, xil-sidayaashu waxay ku mashquulaan sidii ay dannahooga shaqsiyeed u dhammaysan lahaayeen muddada ay meesha joogaan. Iyagoo awooddahooga maamul adeegsanaya waxay ku go-gortamaan saxeexooda ruqsad-bixineed. Waxay furtaan akawno qarsoon, waxay hoos u galaan saamiyo shirkaddeed, waxay lacago dulsaartaan qandaraasyada ay dawladdu wax ku iibsanayso amaba ku iibinayso. Sidoo kalena waxay qaataan lacago si ay indhaha uga laliyaan shirkaddaha ku gafa sharciga. Tusaale ahaan, kuwa lunsada cashuuraha ee deegaanka kharriba amaba si bini'aadamnimada ka baxsan ugu shaqaysta dadka. Masuuliyiinta noocan ah ee cagaagnaa xilka ka hor, kuna dhaqaalaystay magacaabista dawladdeed ayaa afka qalaad loogu yaqaan "Bureaucratic capitalists" amaba "kursi-ku-xoolayste".
Musuq-maasuqa maamul ee ay masuuliyiintu ku kacaan ma noqdo mid naftooda uun ku kooban, balse waxay marka dambe isku dayaan sidii ay awooddooda maamul ay si gaar ah uguga faa'idayn lahaayeen shaqsiyaad ama kooxo ay danaynayaan. Kuwaasi oo noqon kara qaar xigto ahaan ugu xidhiin, asxaaba amaba ay isku qabiil yihiin. Musuq-maasuqan noocan ayaa loo yaqaan (parochial corruption) kaasi oo aan soomaali ahaan odhan lahaa waa "musuq-maasuq lagu bahoobay".
Haddaba, kolba haddii awooddihii maamul ay noqdeen qaar iskugu soo ururay xudun dhexe amaba xukuumadda dhexe, waxay noqdaan mansabada wasaaraddeed ama laamaha maamul ee madax bannaani qaar ka qiimo iyo saamayn badan mansabyada baarlamaanka, kuwa heer deegaan iyo gobol ee lagu yimaado codka dadweynaha. Waxayna codbixiyaashu noqdaan kuwa u kala dheereeya sidii ay mansabadaasi ay wax ka go'aan ee wax fulin kara ay ugu yeelan lahaayeen cid gaar ah, iyadoo kooxda aanay hoggaamiyaha cidi u ag-fadhiyin ay isu aragto qolo harraadan oo aanay ceelka cidi ugu jirin. Sidaa darteed waxay ku qasbanyihiin inay muujiyaan saamayntooda siyaasaddeed marka uu furmo suuqa siyaasaddeed.
Qaab-dhismeedka xukuumaddeed ayaa isaguna noqda mid ballaadhan oo loo sii kala jajabiyay laamo fara-badan oo aanay shaqadoodu wax sidaas ah kusii kala duwanayn amaba waxa dhacda in haayiddihii sii jiray lagu soo kordhiyo xafiisyo dheeraad ah oo shaqadoodii sii biyo dhiciya sida wasiiru-dawlayaal iyo agaasimo waaxeedyo tiro badan, kuwaasi oo wada qabta wax hal xafiis qaban lahaa.Waxaa xilal-samayntan iyo hayaddahan la beekhaamiyay looga gol leeyahay in la farabadiyo dillaaliinta siyaasaddeed ee hadhawto la rabo inay sameeyaan macaamiil siyaaddeed (patran-client system) amaba taageerayaal. Waxaanad arkaysaa haayaddo faro badan oo ku magacaaban hal shaqo oo ay hayad qudh ahi qaban karaysay. Waxaad arkaysaa qaar shaqadoodii ku koobnayd xilli gaar ah oo wali sii fadhiya laguna naas-nuujinayo xilalkan beenta ah. Hayaddaahaasi la koobi-gareeyay ee aan la garanayn macnahay ummada uga fadhiyaan ee aan xaga hore kusoo sheegay waa qaar ku dul nool bulshada ( parastatal institutions ) oo si xaqdarro ah loogu nuujiyo cashuurtii dadweynaha laga qaaday.
Guntii iyo gabo-gabadii, maamulka siyaasaddeed ee xukunkiisu noocan yahay waa mid damiir ahaan u musallafay kana arradan milgihii hoggaamineed iyo kalsoonidii shacabkaba. Wuxuu maamulkani isku dayaa in uu ka faa'iddaysto baahida bulshadiisa kuna guumaysto cashuurtooda. isagoo ka faa’iddaysanaya awooddiisa. Maamulka noocan ahi waa kan dadka wax uu ugu soo daro daaye ugu hanjaba inay waayi doonaan waxay haysteen, inay waayi doonaan shaqaqooda iyo fursaddahii adeeg ee la siin jiray haddii ay meel kale la maraan codka amaba ay si kale u hadlaan. Waa maamul xaqiiqada neceb, baahida dadka iyo duruufaha ku xeeranna isdiidsiiya. Waa maamul dadka ku harawsada been iyo horumar sheeko ah oon bulshada inteeda badan wax saamayn ah ku lahayn baahiyahooda nololleed.
W/Q: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
(waddi12@hotmail.com)

No comments:

Post a Comment