Waxa qorey Cabdishakuur Cali
Muxumed (Good Lawyer)
Waa duhur cadceed-kulayl ah. Kaliil baa lagu jiraa oo naflaha badankiisu wuu hadhgalay. Isagoo dhididsan oo diifta iyo diihaalka ka muuqda aad yaabayso ayuu dalcada Xero Awr iyo Jigjiga Yar u dhaxeysa ee magaalada Hargeysa soo fuulay. Dhidid badan ayaa ka da’aya, ma hadli karayo oo haraad dartii buu gawracan yahay, timahu way ku baxeen ilaa ay gaadheen heer ay rucub rucub isku bahaystaan (raamaystaan). Waa nin dhuuban oo darxumada iyo wakhtigu ba ay dhileen. Calal duugoobey oo aad moodo in rasaas lagu shaandheeyey ayuu gashan yahay – ma qaawana, mana asturna. Garan cawlan oo laabta iyo dhabarka ba ka daloola ayuu xaga sare ka gashan yahay, hoostana wuxuu gashan yahay surwaal tuute ah oo lugta midig la gooyey. Socod xawli ah oo talaabayn ah ayuu ku socdaa. Isagoo isla hadlaya ayuu leeyahay “Allaahu Akbar! Siyaad Barre aakhiruu jiraa. Dalka waanu xoraynay, diinta waanu ilaalinay, dadkana waanu badbaadinay” intuu dhoolo-cadeeyey ayuu yidhi “Laakiin dadkani abaal malaha – Siyaad baa u roonaa. Nin ba ninkuu ka jeeb roonyahay ayuu ka munaafaqad badan yahay”.
Dhiirrane wuxuu kamid ahaa barbaartii adduunka timid wakhtigii xiisada gobonimo doonku ay kacsanayd. Isagoo toban jir ah ayuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo xamaasadii iyo dabaaldegii xornimada Somaliland ee uu Ingiriisku saxeexay 26kii Juun 1960kii. Wuxuu kamid ahaa barbaartii sacabka iyo heeladaba jiibinaysay. Waloow da’diisu ay yarayd wakhtigaasi, haddana wuxuu ku caqliyaystay ama lagu ababiyey gobonimo jeclaysi iyo waddaniyad. Aabbahii Guulane ayaa kamid ahaa raggii gobonimada maalkoogii iyo nafahoogiiba u huray. Guulane naftii hure xaq u dirirra ayuu ahaa.
Dhiirrane wuxuu la koray dawladnimadii qarankii soomaaliyeed. Markii uu waxbarashadii dugsiga hoose/dhexe dhamaystayna wuxuu ku biiray ciidankii qalabka siday ee dalkii Soomaaliya. Wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeeyey ee 1977kii. Dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay, laakiin isagoo lixda laxaadba u dhameystiran yihiin ayuu soo laabtay. Xaasle ayuu noqday oo shacabkii soomaaliyeed ayuu afar qof ku soo kordhiyey.
Dhiirrane wuxuu ahaa waddani naftii hure ah. Waddaniyadiisa marka laga yaabo waxaa loo tirin jiray laba shay; wakhtigiisii koriinka oo kusoo beegmay xili xamaasada waddaniyadeed ay xooganayd iyo qoyska uu ka soo jeeday oo u badnaa dadkii gobonimada dalka usoo halgamay sida aabbihii Guulane. Dhiirrane wuxuu arkay waddan ay qabyaaladi hadhaysay, dantii guud oo danno qabiil ama shakhsiyadeed laga horaysiinayo, madaxdii qaranka oo hantidii lagu aaminay musuqmaasuqaysa, danyartii oo diif iyo diihaal ka muuqdaan, haweenkii oo la kufsanayo, geesigii oo la dilayo, daacadii oo la xidhayo, wadaadadii oo gawracayo, duqaydii oo la haraatinaayo, carruurtii oo la qaawinayo iyo dalkii oo danaystayaal qabiil iyo boqortooyo qoys ay u talinayaan.
Intaas oo arrimood markuu Dhiirrane u adkaysan waayey ayuu habeen madoow xuduudka ka talaabay. Isagoo xaaskiisii iyo carruurtiisiina aan cidaan ilaahay ahayn ku halaynayn. Hadduu sagaal bilood maqnaa ayuu reerkiisiina kadaba tagay, marka laga reebo inantii carruurta ugu yarayd oo ay darxumo iyo kaneeco diloodeen. Dhiirrane wuxuu kamid ahaa jabhadii dhaqdhaqaaqa soomaaliyeed ee SNM. Wuxuu kamid ahaa raggaasi rafaadka jabhadnimo u badheedhay si ay dadkooga uga badbaadiyaan hogaankii dhiigyo cabka ahaa ee Soomaaliya xukumayey. Waa raggii u babac dhigay mid kamid ah ciidamadii qaarada Afrika ugu quwada waynaa, iyagoon hub ku filan iyo saad toona aan haysan. Naftood hurayaal xul ah ayey ahaayeen. Rag guul ama dhimasho ay ka go’an tahay ayey ahaayeen. Dhabar-adayg, dhiranaan iyo kalsooni jabhadnimo ayey qayrkood dheeraayeen.
Dhiirrane wuxuu kamid ahaa dadkii Hargeysa soo galay 1990kii ee marna qoslay marna naxay. Wuxuu ku qoslay jabkii ku dhacay dawladii isqaad-qaadka badnayd ee ciidanka cududda badan ku faani jirtay. Wuxuu ka naxay Hargeysa caday oo burbursan - dhisme fayoobi aanu jirin guryahii, iskuuladii, masaajidadii, kaabayaashii dhaqaale iyo shay walba la burburiyey. Wuxuu ka murugooday in maalintaasi rag badan oo asxaabtiisii jihaadka ahaa aanay goobjoog ahayn. Aakhiro ayey jireen. Waa raggii ay jabhada wada ahaayeen ee ay jidka wada mareen jidiinkana wada cuneen. Wuxuu xasuustay rag ay hore uga wada sheekaysteen maalintani iyo farxada ay la kulmi doonaan laakiin aanu wakhtigu u saamaxin – ma hehel baa … ma hebelkii kalaa … ma saxiibkii … ma adeerkii … ma walaalkii … ma abtigii … mise ina adeerkii. Rag badan ayay maskaxdiisu daqiiqado ku xasuusatay, markaasu intuu debinta qaniinay ku calaacalay “Xornimooy, dad noloshoodii ayaanu ku siisanay. Haldoorkayagii ayaa kuu dhintay. ILAAHOOW u wada naxariiso..Aamiin.”
Dhiirrane hawlahiisii waddaniyadeed halkii ayuu kasii watay. Tamaashiir ayuu qaatay oo wuxuu kamid noqday macalimiintii ugu horeysay ee carruurta bilaash wax ugu dhigi jirtay. Markii dambe se wuxuu kamid noqday ciidankii qaranka ee ugu horeeyey ee ay Somaliland yeelato. Dhawrsano ayuu dhiirrane u hanqaltaagayey in mujaahidiintii iyo agoontii SNM wax loo qabto, laakiin wuu ku hungoobay. Intaa waxaa u sii dheereyd xaaladiisii nololeed oo sii adkaatay. Waa nin ciidan ah, mushahar badan ma qaato, maal kalena malaha. Carruurtiisii markay lacagta (fiiga) iskuulka la daahaan waa lasoo eryaa. Haddana dhiirrane wuxuu ku qanacsanaa shaqada ciidanimo ee uu dalkiisa ku difaacayo.
Maalin ayuu soo kaxeeyey carruurtiisii oo iskuulka laga soo eryay. Markuu iskuulkii keenay ayuu maamulihii u sheegay duruufaha nololeed ee jira. Maamulihii se isma buu hawline wuxuu u sheegay inay macalimiintuba duruufahaasi la qabaan. Dhiirrane isagoo isku dayaya inuu maamulaha wax fahamsiiyo ayuu yidhi “Ina adeer, waa runtaa oo macalinkaba maato ayaa ka dambeysa. Anigu waxaan kamid ahaa macalimiintii waxbarashada lagu yagleelay ee mutadawaciinta ahayd, dalkana waan u soo dagaalamay ilaa imikana waxaan difaacaa dalkayga oo waxaan ahay nin ciidan ah. Waanad ogtahay in aanu ninka ciidanka ahi mushahar ku filan qaadan. Markaa walaal anaa idiin keeni doonee carruurtu ha iisii fadhiisato.” Maamulahii oo aad moodo inuu qiirooday ayaa markan si naxariis leh oo aanay dooddi ku jirin u yidhi “Waayahay, laakiin waa inaad todoba cisho gudahood ku keentaa.”
Dhiirrane isagoo isku buuqsan ayuu wadada dheer ee madaxtooyada hor marta cagta saaray. Markuu marayo dhakhtarka hortiisa ayuu arkay haweenay u garanayey, waa mujaahid Colhaye xaaskiisii. Lays bariidi. Durba faham inay wax si yihiin. Waxay u sheegtay in inankeedii curdeed uu xanuunsanayo oo kelyaha laga hayo. Waxay kaloo u sheegtay in la yidhi qaliin ha lagu sameeyo, haddii kale noloshiisu ay khatar galayso. Qaliinkuna wuxuu u baahan yahay kharash dhakhtarka la siiyo. Dhiirrane oo ay dawladnimadu ku wayn tahay ayaa la soo booday “Oo dhakhtarku miyaanu dhakhtar dawladeed ahayn?” islaantiina iyadoon waxba qarinayn ayay tidhi “Waa dhakhtar dawladeed oo waa bilaashe, lacagta waxaa la siinayaa ninka dhakhtarka ah ee qaliinka samaynaya.” Wali dhiirrane ma qancin “ Dee ninka dhakhtarka ahi miyaanu dawlada u shaqaynayn?.”
Dhiirrane iyo dhawr oday ayaa dhakhtarkii qaliinka ku qornaa la kulmay si ay kala hadlaan kharashka qaliinka. Dhiirrane ayaa hadalkii bilaabay oo yidhi “Dhakhtaroow, magacaygu waa Mujaahid Dhiirrane, waxaan ka tirsanahay ciidanka qaranka Somaliland . Aniga iyo wiilkani bukaanka ah aabbihiis waxaanu ahayn saxiibo mujaahidiintii SNM ee dalkan naftooda u soo huray, haseyeeshe nasiibdarro wiilkano aabbihiis Colhaye wuxuu ku shahiiday dagaalkii buuraha galbeed ee 1984kii dalka lagu soo gudo galay. Maanta hadduu aabbihiis noolaan lahaa si uunbay noqon lahayd, haddaanu kharashka awoodnana waanu bixin lahayn. Laakiin duruuf baa jirta oo waa wax la’aan. Maanta waa maalintii qoyskan niyada loo dhisi lahaa. Waa maalintii saxiibkay abaalkiisii loo gudi lahaa. Waa maalintii gabadhan odaygeedii ku wayday xoraynta dalka la tusi lahaa inaanu ninkeedu bilaash u dhimanin. Waa maalintii carruurtan agoonta ah aan la dareensiin lahayn inay agoon yihiin. Inaadeer maanta gacantaada iyo aqoontaada nagu caawi.”
Dhakhtarkii oo aad moodayso inuu goorahan ba hadalka Mujaahid Dhiirrane dhuuxayo ayaa si aan looga ba fadhiyin u hadlay “Adeer waa runtaa oo mujaahidiintu dalkan ayey u shahiideen laakiin halkani ummadu way siman tahay. Wiilkani anigu uma tixgalinayo wiil uu mujaahid dhalay ee waxaan u tixgalinayaa sida bukaanka kale ee cisbitaalka jooga. Nin wax hela iyo nin waaya ba lacag ayaa loo baahan yahay si loo fuliyo hawlaha culculus. Haddii kale dhakhtarku isma dabari karo.” Dhiirrane ayaa isku dayey inuu dhakhtarka hadalka ka dhexgalo laakiin intuu dhakhtarkii gacanta ku soo taagay ayuu yidhi “Yeynaan isku xiiqin, lacagta soo diyaarsada qaliinka waynu galaynaa.” Dhiirrane oo uu dhiigkarkii mujaahidnimo ku kacay ayaa la soo booday “Waar sidaasi arrin maaha ee dadka u naxariista, lacagta waxaa ka muhiimsan nolosha qofka bini-aadmiga ah.” Dhakhtarkii oo ka kululaaday hadalkaa runta ah ayaa lasoo booday “Taas waanu ognahay oo adigu noo sheegi maysid. Waa inaanu caddaalad samaynaa. Maaha inaanu dadka qaarna lacag ka qaadno, qaarna ka dhaafno.” Oday waayeel ah ayaa is yidhi bal arrinka daji oo si kale u dhig “Adeer dhakhtaroow, haddaba annagu waanu isku noqone, qaliinka sii bilaaba. Yarku yaanu rafaadine. Annagaa lacagta keeni doonee.” Haba odhan lahaydaa! “Runtaan idiin sheegayaa haddaydaan lacagta keenin sariirtaasuu idiinku rafaadaya, wax qaliin layidhaa oo aan bilaabayaana ma jiraan.” Isagoo kacsan ayuu dhakhtarkii xafiiskii ka baxay.
Odayaashii iyo Dhiirrane ayey talo ku caddaatay. Waxay ku tashadeen inay kooxiba meel u cararto. Dhawr oday waxaa loo diray reerka maalqabeenkiisii inay wax ka soo dayaan. Dhiirrane iyo dhawr odayna waxaa loo diray bal inay mujaahidiintii SNM wax ka soo helaan. Haddii dhawr saacadood la raadcaynayey kharashkii qaliinka la soo hel. Laakiin maxay kaaga taalaa curadkii Mujaahid Colhaye wuxuu kadaba tagay aabbahiis. Dhiirrane markii warkaasa dhiilada xambaarsan loo sheegay maskaxdiisu waxay dib ugu noqotay maalintii saaxiibkii mujaahid Colahaye uu dhintay.
Iyagoo dagaal ku jiray afar caano maal ayaa dhabar jebin lagu sameeyey, markaas ayey kooxiba dhinac u firdhatay. Dhiirrane, Colahaye iyo laba mujaahid oo kale dhinac ayey u wada carareen. Dhinacii uu cadowgu ku badnaa ayey ku beegmeen. Casar gaaban oo ay cadceedu sii dhacayso ayey ahayd, waxoogaa markii la eryaday ayey ku tashadeen inay isdifaacaan. Halkii ayey jilbaha dhulka dhigeen. Dhawr saacadood haddii rasaas lays waydaarsaday, hal mujaahid ayaa dhintay. Colhayena wuxuu ka dhaawacmay misigta lugta midig iyo garabka gacanta bidix. Dhiirrane iyo mujaahid kale ayaa ka fayoow. Waxay isyidhaahdeen Colahaye oo dhaawac ah la baxsada, laakiin Colhaye oo yaqiinsaday inaanu maanta dhaafayn oo ay maalintiisii tahay ayaa soo jeediyey inay iskaga tagaan isaga iyo maydkaba oo ay nafahooga badbaadiyaan, isaguna uu cadowga ka jeediyo. Dhawr jeer markay ka diideen ayuu ku yidhi “Waar ilaahay baan idinku dhaarshee socda oo nafahiina badbaadsha, annagu dhimanaye! Dagaalku kani uun maahee, dagaal wuu dambeeyaaye, yaynaan dalka kawada dhiman.” Wuxuu u raaciyey “Meelahaan ka dhaawacmay marooyin iigu xidha si aan dhawr saacadood u sii dagaalamo” markay laba maro kaga xidheen meelahii dhaawacu kaga yaalay ayuu Colhaye bilaabay inuu dardaarmo “Saaxiibayaal anigu waan dhintay oo anigu naftaydii dadkayga ayaan u huray ee haddaad iga nolol dambeysaan ilaahay ha idinku guuleeyo jihaadka. Dalkana waad xorayn doontaan INSHA ALLAH. Saaxiibayaal xaaskaygii iyo carruurtaydii u sheega in aanan dhiman annigoo sii jeeda oo aan dhintay anigoo cadowga ku jeeda. U sheega inaan dhintay annigoon dhimashada ka cabsanayn oo aan nafta la bakhaylayn. U sheega carruurtaydii in aabbahood naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa iyaguna aan agoon noqon doonin.” Isagoon calaacalayn laakiin si geesinimo leh u hadlaya ayuu Colhaye ku khasbay inay Dhiirrane iyo mujaahidkii kale nafahooga badbaadiyaan. Dhiirane iyo mujaahidkiina intay sii macasalaameeyeen ayey cagaha wax ka dayeen. Dhawaaqa rasaasta ayey maqlayeen ilaa ay xuduudka ka talaabeen. Maalmo ka bacdi ayaa la xaqiijiyey in mujaahid Colhaye intuu jilbaha aastay cadowgii wacdaro tusay. Inkastoo uu dhawr qof ka galaaftay cadowga haddana ugu dambeyntii tiisii ayey noqotay oo wuu shahiiday.
Dhiirrane xasuustii ayuu ka soo laabtay. Isagoo qadhqadhaya ayaa intuu dhaqaaqay gurigiisii iska tagey. Cidna lamuu hadline musqusha ayuu galay. Islaantiisii oo maqashay geerida jirta ayaa is tidhi odaygu malaha waxba ma ogee bal u sheeg markuu soo baxo. Nusasaac markuu ku jiray ayuu soo baxay isagoo dharkii intuu isku dul jeexjeexay saabuun madaxa iyo wejigaba iskaga soo dhoobay. Islaantiina yaab iyo amakaag ayaa u dhamaaday. Toloow maxaa ku dhacay? ayey isweydiisay. Waxay isku dayday inay dejiso, laakiin wax hadal ah waxay ka heshay “Dalka annagaa xoraynay…Siyaad aakhiruu jiraa…dadkani abaal malaha.” Intuu ciid qaatay ayuu madaxa ku shubtay. Islaantiisiina qaylo ayey ku dhufatay. Jaarkii ayaa isku soo baxay. Odayaashii oo la yaabanaa sababta uu dhiirrane qabanqaabada aaska mujaahid Colhaye wiilkiisa uga qaybqaadan waayey ayaa is yidhi bal ordoo soo kaxeeya. Waxayse u yimaadeen gurigii Mujaahid dhiirane oo lagu xoonsan yahay. Waxay arkeen Mujaahid Dhiirane oo dharkii isku dul jeexjeexay oo intuu ciid iyo saabuun isku darsaday ku dhaashaday. Yaab iyo amakaag ayey kulansadeen waar ninka maxaa ku dhacay iyo wuu waashay ayaa laysla dhex cararay.
Maalintaasi laga bilaabo Mujaahid Dhiirane wuxuu ku noolaa adduunyo kale. Qoom kale ayuu kamid noqday. Dadkii hore u yaqaaney waxay u bixiyeen Mujaahidkii waashay. Laakiin muddo kabacdi wuxuu noqday caan oo ilaa carruurta ayaa markay arkaan ku hadaaqda “Ala waa kan mujaahidkii waashay” sidaad ayuu dhiirrane ku noqday mujaahidkii waashay.
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Kuuliyadda Sharciga, Jaamacadda Hargeysa.
Email: awmuxumed@yahoo.com
No comments:
Post a Comment