Pages

Wednesday, July 16, 2014

Siyaasadda kala Daneysiga ku Dhisan iyo Maamul-xumada ka Dhalata. W/Q Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi

Xukuumaddi waxay noqon kartaa mid ku sifawday maamul-wanaag, marka ay leedahay hannaan dhisan oo si daahfuran looga arki karo waxqabadkeeda, tallaabooyinkeeda iyo go'aamadeeda, isla markaana lala xisaabtami karo masuuliyiinteeda iyo haayaddaheedaba.
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Haddaba, waxaan jecelahay inaan iftiimiyo waxyaabaha keena inay xukuumadduhu alaabaa la wada iman kari waayaan sifahaasi "Xukun-wanaagga" ee aynu xagga hore ku soo sheegnay, iyagoo waliba hoggaankoodu ku dooddayo inuu ku yimid hab dimuqraadiya. Marka laga hadlayo "maamul-wanaag" waxa loo jeedaa waa hufnaan, sinnaan, dhex-dhexaadnimo, iyo u darbanaan hawleed. Marka siyaasad la soo qaadona, arrintu waxay ku xidhantahay go'aamo shaqsiyeed, wax-isdhaafsi, iyo heshiisyo kooxeed. Marka maamul ama Xukun laga hadlayana  inta badan ma noqdo mid qaab ahaan la jaanqaada macnahaas guud ee la siiyo "xukun-wanaagag" ama waxani ay ugu yeedhaan "good governance",  wuxuu se noqdaa mid leh qaab shakhsiyeed iyo xidhiidh gaar ah oo u dhexeeya kan wax xukuma iyo kani la xukumaba.

Siyaasinimadu waxay u baahantahay dad taageeroyaal ah, dadkana waxay koox waliba rabtaa inay taageeradeeda ku hesho waxyaabo badan oo ay tabayso. Markaasi waxa meesha taalaa waa baahi, danno aan midkastaba kaligiis u suurtogalin karin. Sidaa darteed ayay labada dhinac u noqdeen kuwo ku qasban inay wax isdhaafsadaan. In uu siyaasigu helo shaqaale, ciidamo iyo taageerayaal ay noloshoodu ku xidhantahay xilkiisa. Dadkuna waxay dhaafsadeen daacadnimo, taageero inay u hoggaansanaadaan amarkiisa, hiilna la garab joogaan. Hannaanka siyaasaddeed ee ku dhisan qaabkaasi wax laysku dhaafsanayo ayaa loo yaqaan siyaasadda kala-danaysiga ah (political patronage). Siyaasaddan oo qaabka xukun ee ka dhashaana aanu noqon karin mid si siman dadku ugu siman yihiin, balse dheefta dawladnimo midkastaba loogu miisaamayo xaddigii taageeridiisa.
Maamulka dawladdeed marka uu haddaba yahay mid ay go'aanadiisu, dooddihiisu, qorshayaasiishu iskugu biyo-shubtaan meel qudha, waxa samaysma waxa uu Weber ugu yeedhay maamul-odayeed, ama "patrimonialism". Nidaamka noocan ah ee tallada iyo tallaabo kastoo la qaadaa u noqonayso odayga reerka. Waa nidaam aan lahayn isla-xisaabtan iyo wada-shaqayn, badanaa ka dhaxeysa waaxaha maamul ee kala sarreeya amaba si bar-barro ah isugu xidhan. Waxaana isdhexgala xafiiskiisa iyo xaafadiisa. Wax walibana waxay noqdaan wax isaga khuseeya, isagana ka go'a. Arrimaha maamul waa qaar isaga u gaar ah. Siyaasadduna waxay kamid tahay hantidiisa aan lala sheegan karin.

Hoggaamiyaha noocan ahi wuxuu adeegsadaa awooddihiisa maamul ee xad-dhaafka ah si uu u dhisto gashaanbuur siyaasaddeed oo ilaalisa dannihiisa, damiciisana ku taageerta. Madaamo oo xilka dawladnimo loo arko inuu yahay naas irmaan oo hanti badan laga samayn karana wuxuu awooddiisa magacaabiseed u adeegsadaa sidii uu ugu soo xerogalin lahaa rag badan oo uu u arkayo inay ku wanaagsanyihiin suuq-geynta siyaasadda ama samaynta macaamiil siyaasaddeed oo u darban taageeradiisa. Manaasibta xileedna waxa loogu kala dooraa xubnahan kolba sida ay u kala saamayn badan yihiin. Kuwo loo arko inay kasban karaan taageero badan ama ay ka hortagi karaan khataro siyaasaaddeed oo ku lidi ah dannaha odayga waxa inta badan loo magacaabaa meelo qoyan (wet posts) sida xafiisyo leh awooddo-sare, mashaariic dhaqaale, beero-cashuureed, laaluush urursi badan. Halka kuwa dhagaha-adag ee guul-wadaynta iyo raali-galinta odayga waqti badan siin waayana lagu ciqaabo xil-ka-qaadis amaba lagu samirsiiyo xafiisyo aan dhaq-dhaqaaq badan iyo saamayn maamul oo buuran lahayn.
Nidaamka maamul ee sidan u dhisan waa mid ay alaaba ka muuqato is-dhex daadsanaan ballaadhan iyo isku-xidhnaan la'aan maamuleed. Waxaana gudihiisa ka dillaaca loollan iyo isku-xumayn baahsan oo dhexmarta laamihiisa kala duwan. Waxaanay masuuliyiintiisu noqdaan qaar tartan ugu jira sidii ay ugu kala dhawaan lahaayeen hoggaamiyaha. Waxay noqdaan qaar had iyo goor isaga war geeya oo dhaliilaha kuwa kale ee lamid ka ah kula soo kallaha hoggaamiyahooga, guulahoogana u buun-buuniya. Islamarkaana isku daya inay kasbadaan xubnaha qoyskiisa ee ay u arkaan inay si fiican ugu xidhanyihiin odayga. Hawlahan layskaga dhaadhicinayo hoggaamiyaha iyo xog-warrankiisa ayaana inta badan kala wayn kana mashquuliya gudashada waajibaadkii xilleed ee ay bulshadu uga fadhiday xafiisyadooda.
Si ayna u waayin macaamiishii siyaasaddeed ee loo baahna waqtiga cod-bixinta, xubnahani waxay adeegsadaan tabo badan oo isku xidha iyaga iyo bulshada. Waxay dhistaan shabakado hoose oon rasmi ahayn (cliques or coteries), kuwaasi oo u soo tabiya xaaladdaha iyo dhaq-dhaqaaqyada macaamiisha siyaasaddeed iyo saamaynta ay meheradaha kale ku yeelan karaan taageerada ay ka filayeen bulshadii ku xidhnayd. Shabakadahaasi, oo ah af-miishaaro, dhex ordayaal iyo dillaaliin ayay inta badan kamaraduhu qabtaan iyagoo ka muuqda shirar iyo munaasibado siyaasaddeed oo ayna wax "taytal" ah ku lahayn. Xubnahani intooda badani waa ma shaqaystayaal ku nool dillaalnimada siyaasaddeed. Waxayna mar walba isku dayaan inay humaagyo beena iyo warar buun-buunin ah siiyaan masuuliyiintii soo dirtay. Sidoo kalana waxay u xilsaaranyihiin samaynta difaacista xukuumada iyo faafinta dacaayaddaha aan xaqiiqada ku salaysnayn ee lagu bahdilayo xubnaha mucaaridka ah ee loo arko inay kala fur-furi karaan taageeradii siyaasaddeed ee la isku hallaynayay.
Marka laga yimaado u darbanaanta hoggaamiyaha iyo ka lug-qaadis la'aanta gurigiisa, si aan loo kala dhex marin, xil-sidayaashu waxay ku mashquulaan sidii ay dannahooga shaqsiyeed u dhammaysan lahaayeen muddada ay meesha joogaan. Iyagoo awooddahooga maamul adeegsanaya waxay ku go-gortamaan saxeexooda ruqsad-bixineed. Waxay furtaan akawno qarsoon, waxay hoos u galaan saamiyo shirkaddeed, waxay lacago dulsaartaan qandaraasyada ay dawladdu wax ku iibsanayso amaba ku iibinayso. Sidoo kalena waxay qaataan lacago si ay indhaha uga laliyaan shirkaddaha ku gafa sharciga. Tusaale ahaan, kuwa lunsada cashuuraha ee deegaanka kharriba amaba si bini'aadamnimada ka baxsan ugu shaqaysta dadka. Masuuliyiinta noocan ah ee cagaagnaa xilka ka hor, kuna dhaqaalaystay magacaabista dawladdeed ayaa afka qalaad loogu yaqaan "Bureaucratic capitalists" amaba "kursi-ku-xoolayste".
Musuq-maasuqa maamul ee ay masuuliyiintu ku kacaan ma noqdo mid naftooda uun ku kooban, balse waxay marka dambe isku dayaan sidii ay awooddooda maamul ay si gaar ah uguga faa'idayn lahaayeen shaqsiyaad ama kooxo ay danaynayaan. Kuwaasi oo noqon kara qaar xigto ahaan ugu xidhiin, asxaaba amaba ay isku qabiil yihiin. Musuq-maasuqan noocan ayaa loo yaqaan (parochial corruption) kaasi oo aan soomaali ahaan odhan lahaa waa "musuq-maasuq lagu bahoobay".
Haddaba, kolba haddii awooddihii maamul ay noqdeen qaar iskugu soo ururay xudun dhexe amaba xukuumadda dhexe, waxay noqdaan mansabada wasaaraddeed ama laamaha maamul ee madax bannaani qaar ka qiimo iyo saamayn badan mansabyada baarlamaanka, kuwa heer deegaan iyo gobol ee lagu yimaado codka dadweynaha. Waxayna codbixiyaashu noqdaan kuwa u kala dheereeya sidii ay mansabadaasi ay wax ka go'aan ee wax fulin kara ay ugu yeelan lahaayeen cid gaar ah, iyadoo kooxda aanay hoggaamiyaha cidi u ag-fadhiyin ay isu aragto qolo harraadan oo aanay ceelka cidi ugu jirin. Sidaa darteed waxay ku qasbanyihiin inay muujiyaan saamayntooda siyaasaddeed marka uu furmo suuqa siyaasaddeed.
Qaab-dhismeedka xukuumaddeed ayaa isaguna noqda mid ballaadhan oo loo sii kala jajabiyay laamo fara-badan oo aanay shaqadoodu wax sidaas ah kusii kala duwanayn amaba waxa dhacda in haayiddihii sii jiray lagu soo kordhiyo xafiisyo dheeraad ah oo shaqadoodii sii biyo dhiciya sida wasiiru-dawlayaal iyo agaasimo waaxeedyo tiro badan, kuwaasi oo wada qabta wax hal xafiis qaban lahaa.Waxaa xilal-samayntan iyo hayaddahan la beekhaamiyay looga gol leeyahay in la farabadiyo dillaaliinta siyaasaddeed ee hadhawto la rabo inay sameeyaan macaamiil siyaaddeed (patran-client system) amaba taageerayaal. Waxaanad arkaysaa haayaddo faro badan oo ku magacaaban hal shaqo oo ay hayad qudh ahi qaban karaysay. Waxaad arkaysaa qaar shaqadoodii ku koobnayd xilli gaar ah oo wali sii fadhiya laguna naas-nuujinayo xilalkan beenta ah. Hayaddaahaasi la koobi-gareeyay ee aan la garanayn macnahay ummada uga fadhiyaan ee aan xaga hore kusoo sheegay waa qaar ku dul nool bulshada ( parastatal institutions ) oo si xaqdarro ah loogu nuujiyo cashuurtii dadweynaha laga qaaday.
Guntii iyo gabo-gabadii, maamulka siyaasaddeed ee xukunkiisu noocan yahay waa mid damiir ahaan u musallafay kana arradan milgihii hoggaamineed iyo kalsoonidii shacabkaba. Wuxuu maamulkani isku dayaa in uu ka faa'iddaysto baahida bulshadiisa kuna guumaysto cashuurtooda. isagoo ka faa’iddaysanaya awooddiisa. Maamulka noocan ahi waa kan dadka wax uu ugu soo daro daaye ugu hanjaba inay waayi doonaan waxay haysteen, inay waayi doonaan shaqaqooda iyo fursaddahii adeeg ee la siin jiray haddii ay meel kale la maraan codka amaba ay si kale u hadlaan. Waa maamul xaqiiqada neceb, baahida dadka iyo duruufaha ku xeeranna isdiidsiiya. Waa maamul dadka ku harawsada been iyo horumar sheeko ah oon bulshada inteeda badan wax saamayn ah ku lahayn baahiyahooda nololleed.
W/Q: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
(waddi12@hotmail.com)

Saturday, July 12, 2014

Saxaafadda iyo Sirdoonka: Dhagarqabe mise Eeddeysane? W/Q. Yuusuf Garaad

Dad aan is aragnay iyo qaar dibadda igala soo xiriiray intuba waxay shalay iyo maanta aad u hadal hayaan wareysi Telefishinka Qaranka SNTV shalay laga sii daayay welibana lagu cel celiyay. Wareysiga waxaa lala yeeshay Xasan Muxudiin Xasan oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninkii fududeeyay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Talaadadii.

Yuusuf Garaad
Waan fahmi karaa in ay fursad weyn u tahay weriyaha qaaday iyo Telefishinka laga sii daayay labadaba, marka loo fiiriyo tartanka saxaafadda. Markaa waan ugu hambalyeynayaa in ay heleen wareysi ay dadku aad u xiiseynayaan oo aan Telefishin kale heli karin.

Laakiin ayaa jirta. Ujeeddada wareysiga laga lahaa, goorta la sii daayay, macluumaadka loogu deeqay ciddii weerarka abaabushay, muuqaalka guud ee uu bixiyay iyo khatarta ka imaan karta intaba waxaa ka muuqda khaladdaad aan loo cudur daari karin.

Khaladdaadku ma ahan kuwo uu mas’uuliyaddooda leeyahay SNTV oo wareysigan sii daayay. Waa khalad ka dhacay Hey’adaha Amniga, mas’uuliyaddeeduna ay u noqoneyso Dowladda.

Intaas marka laga soo tago waxaa la yaab noqotay 24 saacadood gudahood markii ninkan la qabtay in la hor geeyay saxaafadda. Su’aashu waxay noqotay yaa mudnaanta leh in saxaafaddu ay wareysato iyo in dembi baarayaashu ay wareystaan?
Mise dembi baarayaasha iyo hey’adaha kale ee amniga ayaa wareysigoodii iyo ka baaraan degidda wixii daba gal u baahan ay ku dhammaystay 24 saacadood?

Ninkani haddii uu galay dembiga uu ku eedeysan yahay, yaa damaanad qaaday in marka Telefishinka la soo fariisiyo aanuu isticmaali doonin hadal maldahan ama sarbeeb ah oo uu ugu baaqayo ciddii weerarka abaabushay?

Ma laga yaabaa ninkani in uu farriin maldahan u diray Xarakadiisa? Xataa haddii aanuu isagu farriin dirin, miyaan wareysigu dadkii abaabulka lahaa fursad wanaagsan u siin in ay ogaadaan ninkani su’aalaha la weydiiyay sida uu uga jawaabay?  Taas oo u sahli karta in xogta kashifantay iyo midda aan kashifmin amaba aan la weydiin ay markiiba ogaadaan?

Da’yarta daawaneysa, wareysigu ma tusay wax ay ka cabsan karaan ama la foolxun oo ay tahay in ay ka digtoonaadaan? Ninkani wuxuu fadhiyay kuraas dabacsan, cayilan, qurxoon oo kuwa nasashada ah.  Wuxuu gashanaa funaanad cusub oo midabbada calanka Soomaaliya leh. Waxaana lagu wareysanayaa Telefishin.

Dhanka kale, xuquuqdiisa shakhsiga ah marka la fiiriyo ninkan ma loo qabtay Qareen la taliya oo tilmaama?

Anigu saxaafadda aan aqaan waa ka mamnuuc, in ay guda gasho dacwad aan weli Maxkamaddu go’aan ka gaarin. Waayo Garsooraha Maxkamaddu wuxuu ka mid yahay bulshada dhegeysata saxaafadda ama akhrisata ama labadaba. Saxaafaddu waxay saameyn kartaa fikirkiisa ku wajahan eedeysanaha la wareysanayo.

Marka qof la soo xiro ilaa ay Maxkamaddu go’aan ka gaarto dacwadda ku oogan qofkaas weriye looma oggolaado in uu wareysto.

Tusaale wareysigu wuxuu ninkan ugu yeeray dhagarqabe, wuxuu noo sheegay oo kale in walaaalihiis ay al Shabaab ka tirsan yihiin.

Bal u fiirso lama adeegsan ereyga eedeysane ee waxaa lagu tilmaamay dhagarqabe. Waa laga yaabaa in uu yahay dhagarqabe waxaase dhagarqabe ama dembiile loogu yeeri karaa keliya marka ay Maxkamadi ku xukunto.


Sunday, July 6, 2014

Magacaabista Gobollada iyo Degmooyinka Cusub: Sharci mise Sharci-darro?

Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin wuxuu 23kii May sannadkii 2008dii soo saaray 22 wareegto oo uu ku kala magacaabay 6 Gobol oo cusub iyo 16 tuulo oo uu u magacaabay degmooyin. Lix sanno kadib, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu maanta magacaabay hal gobol, iyadoo war-saxaafaddeedka madaxtooyadana lagu sheegay in gobolkani cusubi uu ka koobnaan doono degmooyinka Sarmaanyo, Xalin, Carrooley iyo God-aalo. Deggaanadani hore degmooyin umay ahayn, haseyeeshee wareegtada madaxweynaha waxa lagu sheegay inay degmooyin yihiin, markaa ma kala cadda in deggaanadani iyagana loo magacaabay degmooyin iyo in loo haysto inay hore ba degmooyin u ahaayeen!

Ujeeddada qoraalkani waa in aan tilmaamo in wareegtooyinkaasi ay Madaxweynayaashu ku magacaabeen gobollada iyo degmooyinka cusub aanay waafaqsanayn dastuurka qaranka iyo xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka Somaliland (Xeer Lr. 23/2002). Ugu horeyn, waxaynu tilmaami doonaa qaabka sharciga ah ee ay tahay in loo magacaabo gobol ama degmo cusub kadibna waxaynu tilmaami doonaa sida ay wareegtooyinka Madaxweynayaasheenu u khilaafsan yihiin dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka Somaliland (Xeer Lr. 23/2002).

Magacaabista Gobollo ama Degmooyin Cusub

Sida ku xusan Qodobka 109 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qaab-dhismeedka dalkani Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay gobollo; gobol kastanaa wuxuu u sii qeybsamaa degmooyin. Dhismaha gobollada, derejooyinka iyo xudduudaha degmooyinka waxaa lagu tilmaamay xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka (Xeer Lr. 23/2002).

 Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Haddaba, sida uu dhigayo qodobkani, marka loo baahdo wax-ka-bedellida; kordhinta ama yareynta tirada gobollada iyo degmooyinka ama xudduudahooga waxaa waajib ah inuu iyadoo sababaysan soo jeediyo Golaha Xukumaddu, waxaana ogolaanaya Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida. Majiro qodob kale oo dastuurka kamid ah oo xusaya in Madaxweynahu uu magacaabi karo gobol ama degmo cusub. Waxaanu qodobkani kor ku xusani inoo caddeynayaa in Golaha Xukumadda oo kooban Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradu uu awood u leeyahay soo jeedinta, ogolaanshahana ay awood u leeyihiin Goleyaasha Baarlamanku.

Soo jeedinta Golaha Xukumadda waxaa ka horeeya oo waajib ah in la buuxiyo shuruuddaha lagu magacaabi karo gobol ama degmo ee ku xusan qodobka 3aad ee Xeer Lr. 23/2002, kuwaasi oo kala ah:-

1.     Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
2.    Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.
3.    Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay.
4.    Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa inay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan.
Sida uu dhigayo qodobka 4aad ee Xeer Lr. 23/2002, waxaa shuruuddahani qiimeynaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyadoo ka soo saaraysa Xeer-nidaamiye faahfaahsan oo arrimahani sharaxaya, waxaana ansaxinaya Goleyaasha Baarlamanka (Wakiillada iyo Guurtida) sida ku xusan Qodobka 109 (3) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidee ayey Wareegtooyinka ay Madaxweynayaashu ku Magacaabeen Gobollada iyo Degmooyinka Cusubi u Khilaafsan Tahay Dastuurka iyo Xeer Lr. 23/2002?
Wareegtooyinka lagu magacaabay gobollada iyo degmooyinka cusubi waxay khilaafsan yihiin habka aynu kor ku soo sharaxnay ee ay dhigayaan Dastuurka iyo Xeer Lr. 23/2002 in wax lagaga badelo; lagu kordhiyo ama yareeyo tirooyinka gobollada iyo degmooyinka iyo xudduudahooga ama lagu magacaabi karo gobollo ama degmooyin cusub.
1.     Ugu horeyn, majiro qodob qudha oo dastuurka ama xeerarka dalka kamid ah oo xusaya in Madaxweynahu uu awood u leeyahay magacaabista gobollo ama degmooyin cusub.
2.    Madaxweynahu keligii xitaa awood uma laha soo jeedinta magacaabista gobol ama degmo cusub, waxaana soo jeedinta awood u leh Golaha Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasi oo sida ku xusan Qodobka 4aad ee Xeer Lr. 23/2002 ay waajib tahay inay Goleyaasha Baarlamanka u gudbiso xeer-nidaamiye faahfaahinaya sida ay degmada ama gobolku u buuxinayo shuruudaha uu dhigayo xeerku.
3.    Waxaa waajib ah in magacaabista gobol ama degmo cusubi ay ku saleysnaato shuruuddaha aynu kor ku soo xusnay ee uu dhigayo Xeer Lr. 23/2002. Wareegtooyinka Madaxweynayaasheenu ay ku magacaabeen gobollada iyo degmooyinka cusub midkoodna laguma xusin mid kamid ah shuruuddahani oo ay gobolladani ama degmooyinkani buuxiyeen.
4.    Wareegtooyinkani waxaa loo cuskaday qodobka 109, faqraddiisa 3aad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qodobka 10 ee Xeer Lr. 23/2002. Labadani qodob oo isku nuxur ahi waxay dhigayaan Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.” Qodobbadani wax magacaabis Madaxweyne la yidhaa kama hadlayaan, mana dhigayaan inuu isagu awood u leeyahay magacaabista gobollo ama degmooyin cusub.
Gunnaanad
Lix sanno ayaa laga joogaa markii uu Madaxweyne Rayaale sidani sharci-darrada ah u magaacabay 6 Gobol iyo 16 degmo oo cusub, ilaa iyo maantana waxay ku shaqeynayaan miisaanayadii qaranka iyadoo goleyaasha baarlamanku aanay ansaxin. Waxaana runtii guul-darro aad u weyn ah in Goleyaasha Qaranku ay arrintaasi ku guul-dareysteen inay sharciga waafajiyaan. Iyaddoo taasi hore ay taagan tahay ayuu maantana Madaxweynahu ku soo kordhiyey hal gobol iyo afar tuulo oo uu degmooyin ku sheegay (aanu xitaa si cad u caddeynin inuu degmooyin u magacaabay). Runtii iyadna waa guul-darro iyo nasiib-darro weyn oo inagaga dhacday dhinaca ku dhaqanka sharciga. Waana talaabo kale oo lagaga talaabsaday dastuurkii iyo xeerarkii dalka u yaalay.
Waxaan soo jeedinayaa in Goleyaasha Baarlamanku ay wareegtooyinkani ku dhaqankooda deeddafeeyaan isla markaana ay xukumadda ku soo dabaalaan ku dhaqanka nidaamka sharcigu dhigayo ee wax-lagaga badeli karo tirooyinka gobollada iyo degmooyinka Somaliland.
ILAAHAY KHEYRKA HA INNA WAAFAJIYO.

Qalinka: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Burco, Somaliland

Friday, July 4, 2014

Dhallinyarada Shaqo Doonka Ah – W/Q. Maxamed Cali Bile

Marka aad shaqo qorato, waxad ogaataa iney shaqadaa soo qoranayaan dad badan oo kale oo sita shahaadadahaaga qaar la mida ama kaba sareeya. Sideed u xaqiijin kartaa in dadkaa badan ee shaqada soo qortey adiga uun lagaa soo dhex baxo?
Aqoonyahan Maxamed Cali Bile

Waa in aad la timaadaa wax ad kaga duwantahay inta kale oo dhan oo xiiso geliya dadka shaqalaha qaadanaya. Shahaadad ayaan la ordayaa qalalan cidi iyo aqoon baan leehay cidina wax kugu siin meyso. Dhako kale keen!

Marka shaqaale la qaadanayo, 3 da daqiiqo ee uugu horeeya ee qofka lala kulmo ayaa lagu kala garanayaa inu qofkani shaqada la siinayo iyo in kale. waa 3 da daqiiqo ee lagu kala hadhayo. Sadexda shey ee loo fiirsanayaa waa (1) aragaaga, (2) Dareenkaaga iyo (3) Aqoontaada. isu sii diyaari sidii ad saddexda arinba u noqon laheyd mid kaga sareeya dadka kale oo dhan.

Ma In Lagu Caawiyo Ayaad Rabtaa, Mise In aad Adigu Wax Caawiso. 

Fikirka ad ka heysato Shaqo doonimada kala wareeji. Sida caadiga ah, qofka shaqo doonka ihi isagaa baahan, waxaanu doonaya in loo shaqeeyuhu ka naxo ama jeclaado oo uu shaqada siiyo. In badan Ayaan anoo shaqaale qoraya an weydiiyey qofkii shaqo doonka ahaa, maxaad shaqadan u soo qoratey. Qaar badan ayaa ku jawaaba shaqo la’aan ayaa I heysa, reerna mas’uul ayaan ka hey markaa inan reerkeyga caawiyo ayaan doonayaa. Waa dhab oo badankeeni shaqada waxan u doonanaa inaan nolol ka helno. Balse aragtidaa ah shaqadoonku wuxu rajo ka sugayaa loo shaqeeyuhu wey dhammaatey. ARINKA DHINACA KALE U ROG.

Qofka baahani waa loo shaqeeyaha. Isaga ayaa soo codsadey inu shaqaale qaato. Loo shaqeeyaha ayaa doonaya inu helo cid dhibka ka qaada oo caawisa. Hadey sidaa tahay, adigu u fakir inad tahay qofkii muftaaxa ahaa ee hayey xalka dhibaatada loo shaqeeyaha heysata. Ka soo qaad in shirkadi dooneyso qof u noqda “Senior Accountant” oo af soomaali ku noqoneysa “Xisaabiye Sare”. Waxa ad maskaxda gashataa in shirkadaasi ay qofkaa xisaabiyaha ah u dooneyso dhibaato heysata awgeed ama hawl ka dayacan awgeed. Haddii markaa ad tahay qof shaqaadaa qoranaya, u fikir inaad tahay qofkii hayey dawada mushkiladda heysata shirkadaas. Ha iska dhigin miskiin dawarsanaya oo iyaga shaqo ka baryaya oo isleh Ilaahow kaaga nixi. U fikir inaad tahay dhakhtar daweynaya qof xanuun hayo.Dabcan, waa muhiim inad isasoo diyaariso oo si fiican u garaneyso xirfadaha la rabo, illeyn haddii kale kalsooni madhan an meel tagto waad fashilmeysaa. Aqoonta ad hawsha u leedahay iyo kalsoonida nafta isku ladh.

Dabcan, waxa muhiim ah inad baadhitaan sii sameyso oo ad wax ka sii ogaato sida ay shirkadaasi u shaqeyso, waxa ay ka shaqeyso, shaqaaleheeda nooca ay yihiin iyo mushkiladaha heysta. Taasi waxa ay kuu sahleysaa in marka laguu yeedho ee loo shaqeeyuhu ku wareysanay ay kaa muuqato inad tahay qof jawaab u haya mushkiladda heysata isaga.


Maskaxda waxa aad ku heysaa in loo shaqeeyuhu yahay qof ay dhib heysato ama hawli ka dayacan tahay. Adiguna ad tahay qofkii mushkilada daweynaya.

Khataraha Ku Lammaan Shaqo La’aanta’ – W/Q. Cabdirisaaq Ismaaciil Muxumed

Hordhac:

Shaqadu waxa ay aadamaha ka dabooshaa baahida ku xeeran, dabadeedna niyad ahaan iyo nafsi ahaanba aalaaba waxa uu u dareemaa  kalsooni, caafimaad iyo nolol farxadeed, u horseeda aayo iyo mustaqbal wanaagsan. Shaqo la’aantuna waa dabaysha xooggan ee baahiyahaas daboolka iyo lingaxa ka tuurta, aadamahana ku abuurta niyad jab, werwer iyo caafimaad darro, kuwaas oo gondaha  ugu xidha fakhri iyo cidhibxumo.

Cabdirisaaq Ismaaciil Muxumed
Shaqada iyo shaqo la’aantu waxa ay ku xidhan yihiin is-gedgeddiga dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dal. Marka uu dhaqaaluhu fiican yahay, waxsoosaarka dalka ayaa bata, waxaana loo baahdaa shaqaale badan si loo kordhiyo waxsoosaarkaas, hadday tahay badeecooyin ama adeegyo. Haddii dhaqaaluhu xumaadana tacabka wax soo saar ayaa yaraada, waxaana ka dhalata  shaqo la’aan baahsan. 

Dadku waa tamarta kaliya ee soo saari kara khayraadka dabiiciga ah iyo ka aan ahaynba ee  waddan  leeyahay waxa ay se ku xidhan tahay hadba sida ay u dhaqaaqdo tamartaasi ama loo isticmaalo. Haddaba waxa aan la dafiri Karin xaaladda saboolnimo iyo sixir-barar ee saameeyay dalka Soomaliland in ay tahay ka faa’iidaysi la’aanta muruqa iyo maskaxda dadkiisa.

Shaqo la’aanta

Dawladdaha adduunka mushkiladaha ugu waaweyn ee la soo darsa waxa ka mid ah shaqo la’aanta, saboolnimada, sixir-bararka iyo ka fikirka sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha. Haddaba masiibada ugu wayni waa iyada oo ay bulsho iskugu biiraan shaqo la’aan baahnsan iyo sixir-barar sarreeya, iyada oo shaqo la’aan xad-dhaafi jirto ayaa haddana maciishaddu qaali tahay, xaaladdan adag ee nololeed iyo saboolnimo ayaa sababtay in laga hayaamo dalkeenna hooyo ee Soomaliland.

Bulshada Soomaliland ee ay da’dooddu u dhexayso 15 ilaa 64 ee shaqeeya ama shaqo raadiska ah waxa lagu qiyaasaa 1.6 milyan, taas oo tirada guud ee dadka ka noqonaysa 56.4%. tiradaas 1.6 milyan ah ee shaqaysa 38.5% waxay ku nool yihiin magaalooyinka, halka 59.3% ay dhulalka miyiga ah ku dhaqan yihiin. Marka la isku wada daro, miyi iyo magaalaba, waxa shaqeeya 52.6% oo isugu jira kuwo iskood isku shaqaalaysiiyay iyo kuwa la shaqaleeyay. Sidaas darteed, xaddiga dadka aan shaqayn ee magaalooyinka ku nooli waa 65.5%, halka 40.7% ay miyiga ku dhaqan yihiin, taas oo wadarta guud e dadka aan shaqayn ee dalka oo dhan ka dhigaysa 47.4%.  

Shaqo la’aanta guud ee ka jirta dalku waxay si gaar ah u taabataa dhalinta jaamacaddaha, waxaana lagu qiyaasaa in dhalinyaradu 70% ka yihiin tirada guud ee dadweynaha. Sida lagu sheegay cilmibaadhis ay sameeyeen ururka dhalinyarada ee SONYO, 75% ka mid ah dhalinyaradaasi waa bilaa camal oo wax shaqo ah ma hayaan. Inkasta oo shaqo la’aantu aanay ku koobnayn uun dhalinyarada ee laga siman yahay dhalin iyo waayeelba lakiin shaqo la’aanta dhalin yarada haysataa way ka dhib iyo xanuun badan tahay marka la eego niyad wanaaggii iyo dedaalkii ay muujiyeen si ay uga midho dhaliyaan hammigooda nolosha. Way ka xanuun badan tahay marka la eego saamaynta niyad jabka ah ee ay  ku yeelan karro dhalinyarada kale ee waxbarashada sare ku dhex jira iyo waaliddiintii ku soo tiir iyo tacab beelay labadaba.

Sababaha abuuray Shaqo La’aanta Dalkeenna?

1: Guul darrada Dawladda

Dawladdu waxay masuul ka tahay dhaqaalaha waddanka. Dhaqaalahuna waa laf-dhabarta jiritaanka ummaddaha, aasaaska dawladnimo iyo iftiinka nolosha. Dawladdu waxay dhaqalaha ka ururisaa shacabka, waxaanay ahayd in ay dib ugu celiso shacabka, isla markaasna siyaasaddaha maalgashiga, ganacsiga, beeraha, wax soosaarka, iyo waxbarashadu, waxay noqon lahaayeen kuwo tayaysan oo abuura fursado shaqo.

Fakhriga, gaajada, jahliga, musuqa, qabyaaladda, shaqo la’aanta, horumar la’aanta, wax soo saar la’aanta. Caafimad darrada, dhaqaale xumida dhammaan waxa ka masuul ah dawladda,

“Kuwa talada maamulahayee taabna hidin waayay
Oo aan mujtamicii tusayn tii u ku hagaago
Oo tooda keliyuun watoo tarandacoo seexday
Oo waxa islaamnimadu tahay taababka u gooyay
Iyana waa tabaalaha adduun taynnu aragnaaye.”  – Af-gallooc

Ummaddeennu way dadaaleen wixii karaankooda ahna way qabteen, waxa se meesha ka maqan waxqabadkii dawladdeed. Waxay xukuummaddu ka gaabisay  in ay abuurto barnaamijyo shaqo-abuur ah si loo yareeyo shaqo-la’aanta haysata bulshada.

 Ardayda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare dhigata marka la isku wada daro guud ahaan waxay noqdeen 210,000 arday, waxaana dugsiyada sare dhammaystay 5649 arday,  kuwa iyaguna dhigta jaamacadaha guud ee dalka marka laysku daro waxay noqdeen 27,000 arday, waxaana sannadkaas dhammaystay 6649 arday, halkee ayay ku danbaynayaan haddaba jiilashaas faraha badan ee  maskaxdooda cusub u baahan in laga faa’iidaysto loona faa’iideeyo? Waa wada bilaa camal runtii maanta waana xooggii dalka oo waa wada dhalinyar, dhalinyarta Soomalilaand ee da’dooddu ka yartahay soddon jirka waxa lagu qiyaasaa 65%, dal maanta intaas oo dhallina haystaa uma baahna wax kale. Dhalinyaradu waa awoodda dhaqaajisa horumarka dal, waa madaxdii burrito ee dalka. Runtii waxay dawladdu ka gaabisay inay inay wax shaqo abuur ah u samayso dhalinyaraddaas kana faa’iidaysato xooggooda cusub si dalku horumar u gaadho.

2: Manhajkeenna Waxbarashada

Manhajkeenna Waxbarashada ayaa isna u sabab ah shaqo-la’aanta iyo dib u dhaca waddankeenna ka jirta. Manhajkeenna waxbarashadu maaha mid soo saara arday aqoon iyo xirfad leh oo iskood isku shaqaalaysiin kara, maaha mid dhiirri geliya horumarka waddankeennna iyo dadkeena, kuma salaysna hadafkii maanta  bulshadu ka duuli lahayd,   manhajkeennu waxa uu soo saaraa arday in yar oo afka ingiriisida taqaan iyo in yar oo xisaab ah. Manhajkeenna waxbarashadu waxa uu ardaygii ku tarbiyaddeeyaa  in uu wax qaybo, sidaa daradeed qofkaasi ma noqonayo mid bulshada wax ku kordhiya oo wax soo saara bal se waxa uu soo kordhiyaa qof xaafid ah oo aragtiyo kale oo aan waxba dan uga ahayn maanka ka buuxsaaday.

Nidaamka Manhajkeennu u dejisan yahay maaha mid waxtar u leh ardaydeenna oo si toos ah ugama turjumayo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee ka socda iskuulka dibaddiisa. Halkii ardaygeenna la bari lahaa xirfado farsamo oo ay ku shaqaystaan dalkoodana wax ugu soo saaraan. Waxa kale oo jirta isdiiddooyin ka jira aqoonyahannada aynnu u baahannahay iyo kuwa uu manhajkeenu soo saaro.

3: Wax soosaar la’aanta

Marka uu waddankeenna nolol maalmeedkiisu ku tiirsan yahay mid debada laga soo dejinayo waa wada shaqaale dhammaan shirkadaha ganacsatadeennuna, waxaanay u shaqeeyaan shirkadaha ajaannibka ah oo ah kuwa ay wax ka soo gadato. Waana sababta ay bulshadeennu isu dhigatay waxna kula soo bixi wayday.. Shirkadaheennu waxay doorbideen in agab ama maciishad waddanka laga heli karo ay soo dhoofsadaan,. Iyaga oo weliba dalabkoodaasi kor u qaadayo dhaqdhaaqa dhaqaale ee waddamada shisheeye ee alaabta laga soo iibsanayo, halka uu waddankeenna istaajinayo wax soosaarkiisa dadkiisana hoos u dhigayo maskaxdii ay ku fikiri lahaayeen.

Wax soo saarka waxa kor u qaaada dhaqdhaqaaqa ganacsi ee waddanka gudihiisa, dhaqdhaqaaqa ganacsina waxa saamayn ku leh siyaasaddaha dawliga ah ee ku waajahan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka. Haddaba shaqo la’aanta ka jirta waddanka waxa u sabab ah xeerarka iyo siyaasad la’aanta dawladda ee lagu samaynayo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee waddanka. Dhinac kasta oo laga bilaabo, tusaale ahaan kor ama hoos, waxa maanta la isku raacsan yahay in ummaddii aan lahayn xeerar negi iyo xuduudo anshax oo aan laga tallaabi karin nidaamkoodda dawliga ahi noqdo mid ku salaysan laaluush, musuqmaasuq iyo isdabamarin; hab-dhaqanka sharikaddoodu wuxu noqdaa kuwo aan u nixin dad iyo bey’ad toonna ee ka fikira jeebkooda shakhsiyaadkuna waxay noqdaan kuwo sidii duurjoogtii siday u kala xoog badan yihiin isu ugaadhsada.

 “Haddaan saracu taam noqon, ummadi ta’akhur weeyaane
Waxba kuu ma taro raashinaad debed ka tuugtaaye
Turaabka iyo ciiddaba kuwii tamarta loo siiyay
Iyagoon wax tarin bay dadkii tahan luggooyeene
Iyana wa tabaalaha adduun taynnu aragnaaye” –Af-qallooc

Bal u fiirso heerarka sannadihii u danbeeyay uu kala marayay agabka debada lagala soo degayay miyuu kordhay mise waa is dhimay?. Mayee wuu kordhay! bartaas ayay haddaba ayaan darradu ka taagantahay

Jaadka Shayga
Lala soo degay2010 (tan)
 Lala soo degay 2011(tan)
Lala soo degay 2012 (tan)
Cunto
399,966
430,577
417,978
Baabuurta iyo qalabkooda
16,942
17,646
15,722
Qalabka dhismaha
202,722
252,179
205,728
Dhar
20,514
13,792
10,861
Sigaar
6,872
9,225
9,011
Sabuun
9,993
11,592
9,148
Ashyaada kale
128,988
176,598
197,715
Tixraac: dekadda Berbera

Khataraha ku lamaan shaqo la’aanta

Shaqo la’aantu waxay ragaadisaa dhaqaalaha, waxay dhibaataysaa bulshada dalka. Shaqo la’aani markay jirto waxa laga fa’iidaysan waayay muruqii iyo maskaxdii, waayo waa la abuuran karaa kartidii iyo afkaartii dadku ay waddankooda wax ugu soo saari lahayeen.

1992 kii ayaa jaamacadda Utah ee dalka Maraykanka lagu sameeyay cilmi-baadhis lagu helay saamaynta ay yeelan karto shaqo la’aantu. Mary Merva oo ah dhaqaaleyahanad ka tirsan jamacada Utah ayaa cilmi-baadhistan horkacaysay ayaa soddonka magaalo ee ugu waaweyn dalka maraykanka intii u dhaxaysay 1976kii ilaa 1990kii. Cilmi-baadhistaana waxa lagu helay haddii 1 % shaqo la’aantu korodho in ay keenayso dhibaatooyinkan:

·         Fal-danbiyeedyo ayaa kordha boqolkiiba 6.7 ama in ka badanba.
·         Dhibaatooyinka cilmi nafsiga iyo waallida ayaa korodha boqolkiiba 3.1 ama in ka badanba.
·         Xunuunnada wadnaha ku dhaca ayaa kordha boqolkiiba 5.6 ama in ka badanba.
·         Isbiimaynta ayaa kordha boqolkiiba 3.9 ama in ka badanba.

Marka aynnu qodobada cilmi-baadhistan ka soo baxay u eegno dalkeenna waxaynnu qiraynaa inay tahay cilmi baadhis sax ah.

·         Fal-danbiyeedyada ka dhaca waddanka soomaaliland tirakoobkii lagu sameeyay 2013kii waxa lagu qiyaasay 21,278 danbi. Oo isugu jira Dil, Shil baabuur, xatooyo iyo caruuro la tuuray.
·         Dhibaatooyinka waallida: iyadna waa mid ku sii badanaysa maanta dalka guud ahaanba, cilaajyada waddanka harqiyay tirada dadka ku xidhan malayn maysid inta suuqyada xaabaysa iyagoo heeryada dhigtay ka daran, inta sida kale u xanuusanaysa iyana xadkay ka baxday, wax kalena maaha sida lagu weriyo waxa sababay waa camal’laanta
·         Tahriibka: sannaddadan danbe tahriibtu waxay ka baxday xadka waxaanay u badanyihiin dhalinyarada aynnu soo sheegnay ee bilaa camalka ah oo kolkay waayaan wax ay qabtaan isku biimaynaya badda naftoodana khatarta gelinaya.

Shaqo la’aantu waa dhibaato sababtoo ah dadka gaar ka mida bulshada ee shaqo la’aantu haysato ma helayaan dhaqaale, taasoo ka dhigaysa sabool aan nolol maalmoodkoodi la soo bixi karin. Marka shaqo la’aantu ay badan tahay kuwa shaqo la’aantu haysto waxay cadaw la noqonayaan dawladda oo ay u eersanayaan xaaladaa shaqo la’aaneed ee ay ku jiraan, iyagoo u sababaynaya siyaasad xumida masuuliyiinta wadanka haysta. Markay xadka ka baxdo shaqo la’aantu sida imika wadankeena ka jirta haddii aan wax laga qaban waxa laga yaabaa in uu dhaco khalkhal siyaasadeed, mudaharaado iyo kacdoono dawladda lagaga soo hor jeedo kadibna amnigii wadankuna faraha ka baxo.

Gabagabo

Mushaakilaadkan shaqo la’aantu keentay ee ummaddeenna haysata waxa aynnu kaga bixi karnaa haddii seddexdan shay ka fa’iidaysanno, sideedaba dawladi raasamaalka u way nee ay  haysataa waa dadka, dhulka iyo wakhtiga . Haddii aynnu ka fa’iidaysanno dhulkeenna waxa gudihiisa iyo guudkiisa yaalla ama baddiisa iyo berrigiisa ku jira, ummaddeennu waa ka baxaysaa darxumada iyo saboolnimada ay ku jirto. Haddii aynnu ku xisaabtanno wakhtigeenna oo qorshaynno kuna astaynn waxanu qaban lahayn waynnu horumaraynaa. Dadku waa raasamaalka ugu qaalisan ee dal haysto, haddii aynnu isku dayno in aynnu soo saarno aqoonyahannada aynnu u baahannahay, ama dad leh cilmigii iyo aqoontii aynnu wax kula soo bixi lahayn, waa hubaal in aynnu isku fillaansho gaadhi lahayn. Haddii aynnu ku dedaalno in aynnu dhisno. Nidaam dawladdeed oo dhisan iyo shacab isku xidhan, oo aynnu yagleeello siyaasad-dhaqaale oo dheellitiran, waa hubaal iyaduna in  aynnu kobcinaynno dhaqaalaha dalkeenna Soomalilaand oo aynnu helayno dhiirigelin iyo  waxsoosaar dhakhliga dalkana kor u qaadi doonno si aynnu uga baxno duruufaha innagu xeeran ee shaqo la’aaneed iyo dhaqaale xumo.

Tixraac:
·         Irvin B. Tucker: (2005). Macro Economics for today.4th edition. Thomson: SOUTH-WESTERN.
·         Saciid Cali Shire: Dhambaal: daabacad gaar ah.
·         Saciid Cali Shire: Maan-hadal: daabacad gaar ah.
·         Hannaanka dhaqaalaha Islaamka. Sh. C/Qani Xuseen M’ed. July 28, 2011.

·         WARBIXIN: Tiro koobka Fal-dembiyeedyada Somaliland ka dhacay Sannadka 2013. MACHADKA CILMIBAADHISTA EE WEEDHSAN.