Pages

Wednesday, December 25, 2013

Urrurka Qareennada Somaliland (SOLLA) oo Ka Hadlay Muranka Sharci ee Golaha Wakiillada ka Dhex Qarxay iyo Madax-bannaanida Garsoorka iyo Saxaafadda



Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa muranka sharci ee ka dhex qarxay Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo gaadhay heer ay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland go’aan ka soo saartay murankaasi sharci oo ku saabsanaa guddi-hosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu golahu ku ansaxiyey fadhigoodii qabsoomay maalintii sabtidii ee ay taariikhdu ahayd 21 Sebtember 2013, haseyeeshee, waxaa ansaxintaasi deedafeeyey oo ka soo horjeestay labada guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada oo iyagu arrinka gaadhsiiyey Maxkamadda Sare. Maxkamadda Sare waxay soo saartey laba go’an oo midna go'aankii golaha fadhigiisa lagu xayirayo midna lagu laaley ansaxinta guddi-hoosaadyadaasi Gollaha Wakiilada.

Guddoomiyaha SOLLA - Foosi Sh. Yoonis
Iyadoo uu arrinku halkaasi marayo ayey maalintii shalay xukumadu caddeysay in ay ka noqdeen mawqifkoogii hore oo ay arrinka Golaha Wakiillada faraha kala baxayaan. Waxaan lays weydiin oo iska cad waxa laga yeelayo go’aankii Maxkamadda Sare oo haddii uu sidiisa u fuli waayo lagu tirin doono go’aan markiisii hore ba ka yimid Madaxtooyada. Waxaana ceeb ah go’aankii Maxkamadda Sare oo taagan inay xukumaddu ku dhawaaqdo inay ka noqdeen mawqifkoogii hore oo ay wax walba sidoodii ahaanayaan.

Weli lama hayo hadal kasoo baxay Maxkamadda Sare oo ay ku caddeysay go’aankeedii hore inay ku taagan tahay iyo inay ka noqotay. Haseyeeshee, waxaa arrinkani iyo arrimo kaleba ka gilgishay oo iyagu mawqifkooga caddeeyey Urrurka Qareennada Somaliland (SOLLA) oo maanta shir jaraa’id kaga hadlay arrimo dhawr ah.

Guddoomiyaha Urrurka Qareennada Somaliland, Foosi Sheekh Yoonis Xasan ayaa ugu horeyn cambaareeyey tacadiyada ay Xukuumadda Somaliland kula kacdo saxaafadda madaxa-banaan, isagoo sheegay in madax-bannaanida saxaafaddu ay xuquuq sharci ah tahay, waxaanu saxaafadda u soo jeediyey inay dhawrto sharciga iyo anshaxa suuban ee warbaahinta wanaagsan lagu yaqaan. Guddoomiyahu isagoo ka hadlaya muranka sharci ee Golaha Wakiilada wuxuu yidhi: “Khilaafka Baarlamaanka waxaad moodaa in siyaasad laga dhigay, waana mid sharci iyo qawaaniin salka ku haya.  Waxa la gaadhay xilligii ay kala adkaanayeen siyaasadda iyo sharcigu, waxaanu [dadweynaha iyo dhinacyadda is hayaba] u soo jeedinaynaa in saraynta sharciga la taageero waayo hadii sharcigu sareeyo macnaheedu waxa weeyi qofkastaaba Caddaalad ayuu halkiisa ku helayaa.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu si cad u iftiimiyey in guud ahaan ba aanay jirin madax-bannaanidii garsoorku ama haddii si kale loo yidhaa in saddexdii waaxood ee qaranka aanay waax kamid ahi ka madax-bannaanayn labadii waxood ee kale, waxaanu yidhi: “Waxaan idiin sheegayaa inaanu Garsoorka Somaliland madax-banaanayn oo awooddihiisii ay kala qaybsadeen Xukuumadda iyo Xeer-dejintu, waxaan Golaha wakiillada Somaliland ka codsanayaa inay ansixiyaan Xeerka nidaamka Garsoorka oo Golaha Wakiillada horyaalla.” 

Ugu dambeyn, wuxuu Guddoomiyahu ku soo gunnaanaday “Waxaanu Cambaaraynaynaa tacadiyada lagula kaco saxaafadda, waxaanu leenahay saxaafada iyo garsoorku waa inay madax-bannaani buuxda helaan, haddii kale ictiraafka aynu raadinayno aynu iska dayno, waayo adduunku labadaas ayuun buu eegaa.


Sunday, November 17, 2013

Doodda Qaran: Sharciyaddeeda iyo Ujeeddooyinkeeda!



1.   Hordhac

Waxaa maalmahani dalka ka socda muran siyaasaddeed oo ka dhaxeeya labada Xisbi Qaran ee mucaaridka ah oo wada socda iyo Xukumadda iyo Xisbi Xaakimka ay ka farcantay oo isku dhinac ah. Wuxuu murankani ka farcamay Shirweynaha Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridku sida wadajirka ah ugu dhawaaqeen bishii hore dhammaadkeedii. Markii ugu horeysay waxaa Shirweynahani Qaran ku dhawaaqay siyaasiyiinta la baxday Madasha Wada-tashiga Soomaaliland, haseyeeshee, markii ay Xukumaddu ka dhago-adaygtay ayay arrinkani ku wareejiyeen labada Xisbi Mucaarid, kuwaasi oo si wadajir ah u magacaabay guddi qabanqaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomida shirweynahani. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland oo Shirweynahani Qaran ka hadlay aad buu uga soo horjeestay go’aankani ay Mucaaridku ku baaqeen, sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa isna sharci-darro ku tilmaamay in la qabto Shirweyne Qaran oo aanu Madaxweynahu guddoominayn. Inkastoo Mucaaaradku ay si kulul uga jawaabeen hadalkaasi Guddoomiyaha Golaha Guurtida, haddana waxaa muuqata inay uga garaabeen hadalkaasi sababtoo ah kelmaddii “Shirweynaha Qaran” waxay ku bedeleen “Dood Qaran”. Runtii, waa xaalad siyaasaddeed oo khatarteeda leh waayo labadii Xisbi Mucaarid oo uu midkood hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa isku dhinac ah waxaana ka soo horjeeda Xukumadda iyo Xisbi Xaakimkeeda oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland. 

Waxaan qoraalkani ku iftiimin doonaa arrimo muhiim ah oo loo baahan yahay in dadweynahu uu fahmo si aanay murankani siyaasaddeed ugu dhago barjoobin ama aanay si indho la’aan ah u kala taageerin labadani dhinac. Waxaan ugu horeynba iftiimin doonaa macnaha kelmadda “Dood Qaran” iyo sharcigu waxa uu ka qabo qabsoomida Doodda Qaran dabadeedna waxaan sharaxi doonaa ujeeddooyinka ay Mucaaridku sheegeen inay u qabanayaan Dooddani Qaran; ma yihiin qaar lagama maarmaan ka dhigaya in la qabto Dood Qaran mise maaha?

2.   Waa maxay Doodda Qaran? Muxuu se Sharcigu ka yidhi “Doodda Qaran?

“Dood Qaran” waxaa loo yaqaanaa marka arrimo ama dhacdooyin qaranka khuseeya ay dooddi ka dhalato taasi oo ka dhaxaysa goleyaasha dawladda ama xukumadda gudaheeda ama bulshada rayidka ah iyo hay’addaha dawladda. Doodda Qaran iyo Shirweynaha Qaran way kala duwan yihiin – Shirwayne Qaran waxaa ku baaqi kara Goleyaasha Qaranka, Xisbiyada Mucaaradka ama Hay’addaha Dawladda waxaase ogolaada Madaxweynaha. Doodda Qaran se waxay u dhalataa iskeed, go’aan ka gaadhisteena waxaa iska leh Golaha Qaran ee uu sharcigu awood u siinayo go’aan ka gaadhista arrinta ay dooddu ka dhalatay. Shirweynaha Qaran waa inuu leeyahay qorshe hawleed (Agenda), Doodda Qaranna waa inay ku saabsan tahay mawduuc gaar ah ama arrimo xidhiidh leh.

Haddaba, Xisbiyadeena Mucaaradku ma waxay ku dooddayaan inay qaban karaan Shirweyne Qaran mise Dood Qaran ayaanu qabanaynaa ayey leeyihiin? Labadaba afkooga waynu ka haynaa. Waxaana muuqata in aanay fahamsanayn kala duwanaanshaha labadani kelmadood. Mucaaridku way qabsan karaan Shirweyne iyaga u gaar ah oo lagu falanqaynayo arrimaha khuseeya Qaranka, waanay dhaliili karaan qaabka ay xukumaddu u shaqeyso laakiin Shirweynahaasi lama odhan karo waa Shirweyne Qaran oo xukumaddu way ku qasban tahay inay fuliso wixii ka soo baxa. Sidaas darteed, haddii Mucaaridku ay rabaan in Shirweyne Qaran laga yeesho arrimaha ay danaynayaan waa inay marka hore u soo jeediyaan Goleyaasha Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Qaranku, isagaa haddii uu la qaato kadib magacaabi doonaa guddi qaban-qaabo, sidaasina waxaa ku qabsoomi doona Shirweyne Qaran. Haddiise Madaxweynahu uu diiddo soo jeedintooda ama se aanay aanay u soo jeedinba ee ay iskaga dhawaaqaan siday imika yeeleen, Xukumaddu kuma qasbanaan doonto fulinta wixii ka soo baxa shirkaasi waayo shirkaasi waxba kama duwanaanayo shirarka gaar ah ee ay Xisbiyada Mucaaradku qabsadaan.

Qodobka 37aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu sheegayaa in ‘shacbigu uu awoodda iyo karaamada Qarannimo u igmaday Dawladda’ oo ka kooban saddexda gole ee Qaranku leeyahay; Fulinta, Xeer-Dejinta iyo Garsoorka. Waxaana Qaranka hoggaamiya Madaxweynaha oo ah sida ku xusan Qodobka 90aad ee Dastuurka ‘Madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda.’ Su’aashu waxay tahay Shirweyne saddexdii gole ee Qaranka midkoodna aanu qabanqaabinayn, Madaxweynahii Qarankuna aanu ogolayn Shirweyne Qaran ma la odhan karaa? Jawaabtu waa maya. Labada Xisbi Qaran ee Mucaaridku ma sheegan karaan qabanqaabada Shirweyne Qaran haddaanay saddexda gole ee Qaranku la socon, Madaxweynuhuna aanu guddida qabanqaabada magacaabin. Qodobka 92aad ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha u gaar yeelay awoodda go’aan ka gaadhista xaaladaha gaarka ah ee halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale isagoo ka soo saaraya xeerar deg-deg ah oo arrimahaasi lagu joojinayo.

Haddayse arrintu tahay Dood Qaran ayaanu qabanaynaa, iyadu waabay ka dhawdahay Shirweynaha Qaran. Dooddu way bannaan tahay; horeba way u dhici jirtay arrimo Dood Qaran aynu ka yeelanay oo imika inooguma horeyso – waxaa laga yaabaa inaynaan inagu se u garanayn Dood Qaran. Mucaaridku waxay dood ka keeni karaan arrimaha ugubka ah ee aan la garanayn sharci iyo xeer lagu maamulo toona laakiin dood kama keeni karaan arrin uu gole ama hay’ad Dawladdeed ay ku shaqo leedahay oo la garanayo xeerka lagu maamuli karo, markaa waxaa u bannaan oo qudha inay dhaliilaan waxqabadka golahaasi ama hay’addaasi. Ma jiro xeer u diiddaya mucaaradka inay qabsadaan dooddo lagu falanqaynayo arrimo Qaranka khuseeya oo ay Dood Qaran ka taagan tahay. 

Adduunyada kama dhacdo inuu mucaaradku ku dhawaaqo Shirweyne Qaran, waxaase had iyo jeer ka dhacda in mucaaradku uu dhaliyo Dood Qaran. Aan tusaale u soo qaato dhacdadii ugu dambeysay ee adduunka ka dhacday ee teena la mid ah, Madaxweyne Goodluck Jonathan; Madaxweynaha Dalka Nayjeeriya wuxuu bishii hore dhammaadkeedii, iyadoo loo dabaal-degayo xuska madax-bannaanida dalkaasi ku dhawaaqay Shirka Wada-Xaajoodka Qaran ee dalkaasi wuxuu yidhi “Xukumaddeenu waxay ogolaansho ka bixisay baaqyadii sannado socday ee dadka aragtida wacan ee reer Nayjeeriya, kaasi oo khuseeyey baahida loo qabo Shirweyne Wada-xaajood oo lagaga dooddo mustaqbalka dalkeena aynu jecel nahay.” Toddoba casho kadib maalintii uu hadalkani jeediyey wuxuu magacaabay guddi ka kooban 13 qof si ay uga shaqeeyaan qabanqaabada shirkaasi, waxaanu u qabtay muddo lix usbuuc ah. Mucaaradka dalkaasi Nayjeeriya waxay shirkani ku baaqayeen muddo sannado ah haddaanay tobanneeyo sanno ahaynba, waxaanay muddadaasi wadeen dooddo gaar ah, waana dadkani uu Madaxweynahu ku sheegayo dadka aragtida wacan ee reer Nayjeeriya. Haseyeeshee, bishii hore dhammaadkeeda ayey Madaxweynaha ka soo go’day arrintani. Mucaaradkeenana sidaasi ayaa looga baahnaa inay Madaxweynaha u soo jeediyaan Shirweynaha Qaran, kuma saxsana inay keligood baahiyaan oo ku dhawaaqaan Shirweyne Qaran. 

3.   Ujeeddooyinka Doodda Qaran ee ay Mucaaradku ku Baaqeen

War-saxaafaddeed uu ku saxeexan yahay Maxamed Cusmaan Fadal, Guddoomiyaha Guddida Qabanqabaada Doodda Qaran oo 16ka Noofamber, 2013ka soo baxay ayaa lagu sheegay ujeeddooyinka Dooddani Qaran ee ay labada Xisbi Mucaarad sida wadajirka ah u qabanayaan, waxaana ujeeddooyinka lagu soo koobay afar ujeeddo oo waaweyn oo u badan kuwo siyaasaddeed. Kolba mid ayeynu dul istaagi doonaa.

1.     Xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda, iyada oo lagu gorfyan doono carqaladaha hortaagan ama ku iman kara, in ay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.

Ujeeddadani waa mid muhiim ah isla markaana u baahan in sideeda loo fuliyo, xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyaddu kuma koobna doorashooyinka oo qudha (sida uu war-saxaafaddeedku u dhigay) waxaa loo baahan yahay in loogu horeysiiyo sidii dimuqraaddiyadda loogaga dhaqmi lahaa xisbiyada dhexdooda ee aanay xisbiyadu u noqdeen kuwo ay dad gaar ahi iska leeyihiin ama ku gorgortamaan sida kuwa maanta jira oo kale. Taasina kuma cada ujeeddadani. Markaa haddaan arrintan la siinin muhiimada kowaad, waxba lagama qaban karo xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda.

Arrimaha hoos yimaada ujeeddadani kowaad ee ay kamid yihiin (a) in la iftiimiyo dhalliilihii iyo gol-daloolooyinkii ka soo baxay ama ka muuqday doorshooyinkii Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacay Nov.2012kii (b) In doorshooyinku Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay dhacaan wakhtigooda ku began badhtamaha 2015ka, mar kalena aan dib-u-dhac ugu iman (c) in doorashada ka hor la dhammeeyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayna noqoto mid maangal ah raandhiis leh, isla markaana la iftiimiyo lagana hortago waxyaalaha keeni kara inay mar kale fashilanto sidii tii hore (d) in la dhamaystiro qabayada dhinaca sharciyada doorashooyinka iyo wixii la xidhiidha, sida xeeraka doorashada baaralamanka iwm maaha arrimo kelifi kara in laga yeesho Dood Qaran waayo waxaynu leenahay goleyaashii iyo hay’addahii ku shaqada lahaa iyo xeerarkii lagu maamulayey. Waxaa ku filan kulamo dhex mara Axsaabta Qaranka, Komishanka Qaranka iyo Goleyaasha Xeer-dejinta sidii hore u dhaci jirtay, maaha se in laga dhigo wax cusub oo aan la maareyn karin ilaa laga yeesho Dood Qaran oo loo dhan yahay.

2.    Qiimaynta wax-qabadka, hab-dhaqanka, iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee dalka.

Ujeeddadani waa ta sababtay in Dooddani Qaran lagu dhawaaqo, haseyeeshee, waxaanan fahmin in ay ujeeddaan in markii hore mucaaradku aanu waxba ka ogayn wax-qabadka, hab-dhaqanka iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee dalka, sidaas darteed Dood Qaran ayaa laga yeelanayaa iyo in ujeeddadoodu tahay waa la og yahaye imika ayaanu qiimaynaynaa ilaa heerka ay gaadhsiisan yihiin. Runtii, ujeeddadani ma cada, Mucaaradku waa inuu talaabo talaabo ula socdaa wax-qabadka xukuumadda iyo xaaladda guud ee dalkaba, hadiise imika la qiimaynayo ba maxaa kelifay Dooddani Qaran? Maxayse markii hore ku hawlanayeen Xisbiyada Mucaaradku? Mucaaridku haddaanu mar kasta ku hawlanayn qiimaynta wax-qabadka xukuumadda iyo xaaladda guud ee dalka oo ay Dood Qaran ama Shirweyne Qaran la sugayaan iyagaaba dhib qaba runtii. Waxay ahayd inay yidhaahdaan sidii looga tashan lahaa maamul-xumada xukuumadda iyo nabad-galiyada sii xumaanaysa (Ilayn hore waxay u sheegeen in arrimahani laga tashanayee) iwm.

3.    Qiimaynta duruufaha caalamiga ah ee ku gedaaman aqoonsiga jamhuuriya Somaliland, iyo dib-u-eegista iyo milicsiga geeddi-socodka wada-hadallada Somaliland iyo Somalia.

Allaylahe ujeeddada ugu muhiimsan ee Dood Qaran ama Shirweyne Qaran loo baahan yahay in loo qabtaa waa in la qiimeeyo duruufaha ku gedaaman aqoonsiga Jamhuuriyadda Soomaaliland. Duruufuhu kuma koobna kuwa caalamiga ah oo qudha ee kuwa ugu xun uguna saameynta badan ee hor taagan aqoonsigeenu waa caqabadaha maxaliga ah ee aynu inagu abbuurno, waxaana ugu horeysa dawlad-wanaaggeena liita iyo musuq-maasuqa. Waxaa caqabadaha maxaliga ah kamid ah muran-siyaasaddeedka foosha xun ee aan waxbana la xeerinayn ee dhex mara Axsaabta Qaranka – waxaad arkaysaa siyaasi mucaarad ama muxaafid ah oo wax ka sheegaya qarannimadeena. Runtii, aad baan ugu bogaadinayaa inay mucaaradku arrintani qiimaheeda gartaan, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayey ahayd inay qabanqaabiyaan sidii arrintani Shirweyne Qaran looga yeelan lahaa. Imika se mucaaradka oo qudhi waxba soo kordhin maayaan waayo mar haddii shirkoodu aanu ahayn Shirweyne Qaran oo ay Xukuumadda iyo Goleyaasha Qaranku u dhan yihiin, wixii ka soo baxa shirkoogu wuxuu noqon doonaa oo qudha wakhtigiina la suga.

4.    In wada-tashi mug iyo qoto lehba laga yeesho arrimaha qabyada ka ah  dhismaha dawladnimada Somaliland, ee muddada dheer soo jiitamayey, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan, (a) sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa distoorka; (b) qaabkii loo dooran lahaa Golaha Guurtida iyo kaalintiisa; (c) sidii horuumarka iyo taladaba ugu sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka kooban yahay.  (d)  Sidii talada siyaasiga ah looga qayb-gelin lahaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, sida haweenka, dhaliyarada iyo dadka laga tirade badan yahay.

Ujeeddadani Afraad, dhawr arrimood oo ay tahay in mid kastaba gaarkeeda looga yeesho Dood Qaran ayaa ku kulmay. Waxaan hubaa inaan hal kulan dooddeed lagaga wada dooddi karin mawduucyaddani balaadhan, waxaana muhiim ah in la fahmo in aanu qabyo ahayn dhismaha dawladnimo ee Soomaaliland, dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland waa mid dhameystiran waxaanu ku xusan yahay Dastuurka, wuxuuse u baahan yahay in la qurxiyo markaa waa in la kala fahmaa in aan loo baahnayn in la qabyo-tiro dhismaha Qaranka ee loo baahan yahay in la qurxiyo oo qudha. Arrinta kale ee u baahan in la faahfaahiyo ayaa ah sidii horuumarka iyo taladaba ugu sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka kooban yahay maxaa looga jeedaa horumarka iyo talada ha loo sinaado? Horumarka gobol iyo degmo wuxuu ku xidhan yahay khayraadka iyo dabeecadda deeggaankiisa iyo dadka ku dhaqani sida ay u tabcaan markaa majiro dal horumarka goboladiisa iyo degmooyinkiisu ay siman yihiin. Waxaa se la odhan karaa horumarinta uu Qaranku ku sameynayo ha loo sinaado, taasi ayaa sax ah. Arrimaha ujeeddadani ku xusan dhammaantood waxay u baahan yihiin in mid walba gaarkiisa looga yeesho Shirweyne Qaran oo ay qabanqaabiyaan Goleyaasha Qaran ama Hay’addaha Dawladda ee ku shaqada lihi.

Guntii iyo gebogebadii, Xisbiyada Mucaaradka ah waxaa u bannaan inay Dood Qaran ka dhaliyaan arrimaha loo baahan yahay in tallo Qaran laga yeesho, hase ogaadeen in wax-ka-qabashadeeda iyo fulinteedu ba ay u taalo saddexda Gole Qaran ee dalku leeyahay. Waxaana wannaagsanayd iyagoo marka hore Madaxweynaha u soo jeediya in arrimahani ay taabteen Shirweyne Qaran laga yeesho, halka ay iyagu iskood iskaga dhawaaqeen iyagoon awood fulineed iyo mid maamul toona aan lahayn. Imika se Doodda ama Shirweynahoogu kama dhaco shir gaar ah oo ay mucaaradku yeesheen.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)