Bandhig
Seeska Dhaqanka ee REDSEA-ONLINE (Redsea-Online Cultural Foundation) iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta, xoojinta fanka iyo farshaxanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo guud ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Shanaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta "Sheeko iyo Shaahid".
Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga.
Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2012.
Xeerka
Baratanka "Sheeko iyo Shaahid" waxaa qeexaya xeerkan.
- Waxaa lagu tartamayaa sheeko Af Soomaali ku qoran oo aan hore loo daabicin. Ka qaybgalka tartanku waa lacag la'aan; waxana uu u furan yahay qof kasta oo da'diisu ka yar tahay 40 jir.
- Tartanku waxa uu u furan yahay Sheeko (dhacdo dhab ah amase male-awaal). Nuxurka sheekada qoraaga ayaa u xor ah. Waana sheeko aan hore loo daabicin (buug ahaan, degellada internetka, iyo wargays toona).
- Qofkastaa waxa uu ku tartami karaa hal sheeko oo kaliya.
- Waxa lagu tartamayaa Sheeko Gaaban. Qoraalka yaraantiisu lama laha xidhiidh ka qaybgalka Sheeko iyo Shaahid, mana siinayo, ama wax ka dhimi maayo, marka loo eego dhibcaha tartanka. Waxa la eegi doonaa oo kaliya nuxurka sheekada iyo qaabka dhigaalka. Qeexidda la siiyey Sheeko gaabani waa in aan qoraalku ka badnaan 36000 xaraf oo u dhiganta 20 bog (boggii waxaa loo xisaabinayaa inuu yahay 30 sadar oo min 60 xaraf ah, qiyaastii 1800 oo xaraf).
- Qoraalka waxaa lasoo raacinayaa waraaq gaar ah oo ay ku cadyihiin:
- a. magaca qoraaga (ama qorayaasha),
- b. cinwaanka lagala soo xidhiidhayo (oo ay ku jiraan ugu yaraan nambarka aleenka gacanta (mobile) ama email midkood),
- c. taariikhda iyo meesha dhalashada
- d. magaca sheekada uu ku tartamaayo. Waxaa kale oo waraaqdaa lagu soo qorayaa caddayn uu qoraagu saxeexay oo uu ku caddaynayo inuu u yahay qoraaga rasmiga ah ee sheekada, akhriyey, aqbalayna dhammaan farqadaha xeerkan.
- Habka iyo goorta qoraalka lagusoo gudbinayo:
- i. Qoraalka waxaa lagu soo gudbinayaa gacanta isaga oo daabacan oo aanay dusha kaga qornayn magaca qoraaga iyo astaan kale toona; waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa la soo raacinayaa gal xidhan oo ay ku qoran tahay warbixinta ku cad farqadda 5aad. Waxaa la keenayaa cinwaankan: Fidiyaha Aqoonta iyo Eereyga Dhigan ee REDSEA-ONLINE.COM, Daarta Oriental Hotel, Hargeysa inta ka horreysa 8.00 habeennimo ee 15/06/2012.
- ii. Qoraalka waxaa iyana lagu soo gudbinayaa isagoo elegtaroonig ah (pen drive, floppy disk amase e-mail). Waa inuu qoraalku ku qoran yahay qorme caadi ah (text file editor, tex, MS Word, iwm). Waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa lasoo raacinayaa email gaar ah oo gudihiisa ay ku qoran yihiin dhammaan xogta ku cad farqadda 5aad. Waxaa e-mailka loo soo dirayaa inta ka horraysa 12.00 habeenimo ee 15/06/2012 emailka sheeko@redsea-online.com, loona dirayaa nuqul kale info@hargeysabookfair.com. Qofku waa inuu hubiyaa in e-mail kiisa la helay. Haddii aanu jawaabtaas ku helin muddo saddex cisho ah, waa inuu gacanta ka keenaa sida ku cad farqaddan sare. Haddii aanay suuro gal ahayn inuu gacanta ka keeno waa inuu ka eegaa cinwaanka internetka www.hargeysabookfair.com halka lagala soo xidhiidhayo tartanka oo teleefon u soo diraa.
- iii. Qoraalladu waa inay soo gaadhaan Cinwaannada Xoghaynta (sida ku cad labadan farqadood ee qodobkan 6) inta ka horraysa 12.00 habeennimo ee maalinta Jimcaha 15-ka bisha lixaad 2012 (xilliga Somaliland). Wax allaale wixii soo gaadha xilligaa dabadeed, kama qayb galayaan tartanka.
- Qofkasta oo la aqbalo codsigiisa ka qayb galka tartanka waxaa la ogaysiin doonaa inta ka horraysa 18/06/2012 in uu yahay tartame; lanana socodsiin doonaa halka uu kala xidhiidhayo faahfaahin dheeraad ah.
- Guddiga Qiimaynta
- a. Guddi ka kooban ugu yaraan 3 qof (iyo ugu badnaan 5) ayaa loo saari doona qiimaynta Sheekooyinka; Guddigaasi waxay soo qiimayndoontaa darajada Sheeko kastaa hesho iyo ku guulaystayaasha kaalmaha 1aad, 2aad, 3aad iyagoo aan ogayn cidda qortay sheekada.
- b. Darajadaasi waxay ku salaysnaan doontaa: bilicda suugaanta; heerka afka soomaaliga qoran cilmi ahaan; xikmadda ka danbaysa sheekada; iyo tiraab wanaagga qoraaga.
- c. Tartame kasta oo toos ula xidhiidha guddiga qiimaynta inta aan lagu dhawaaqin go’aanka, waxay keeni kartaa lumis xuquuqda tartame.
- d. Ehelka tooska ah ee xubin ka mid ah Guddiga Qiimayntu ma tartami karaan, haddii aanu xubinta Guddiga Qiimayntu ka tanaasulin xubinnamadiisa marka uu ogaado in qof ehelkiisa ahi soo tartamay.
- Go'aanka Baratanka:
Guulayastayaasha tartanku waxay kala heli doonaan:
- a. Kaalinta-kowaad: Astaan (billadda kowaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 100USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 100USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
- b. Kaalinta-labaad: Astaan (billadda labaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 50USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 50USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
- c. Kaalinta-saddexaad: Astaan (billadda saddexaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 25USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 25USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
- Go'aanka Guddigu waa kamadanbays aan laga ashkatoon karin. Guddiga, oo ka koobnaan doonta xeeldheerayaal suugaanta iyo afsoomaaliga, waxaa si gaar ah loogu magacaabayaa qoraal kale oo kan ku xiga. Waxa lagu martiqaadayaa baratamayaashu in aanay haba yaraatee la xidhiidhin guddiga qiimaynta, xitaa si kamma ah u ogaysiinin mid ka mid ah Guddiga sheekadooda wax lagu garan karo. Eeg qodobka 8c.
- Bandhigga Go'aanka
- a. Ku dhawaaqista go'aanka tartanka waxaa lagu beegayaa Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan.
- b. Guulaystayaasha kaalmaha 1-3aad waxaa si gaar ah loogu martiqaadayaa Xafladda Bandhiga Go'aanka baratanka.
- c. Waxaa xafladda lagusoo martiqaadayaa warbaahiyayaasha waddaniga iyo kuwa kaleba.
-
Xuquuqda Qoraalka (Copyright) ee sheekooyinka
- a. Xuquuqda Abuurka Qoraalka (intellectual property copyright) waxay mar kasta u dhawran tahay Qoraaga Sheekada.
- b. Sheekooyinka tartanka ka qaybgala oo dhan maamulka tartanku wuxuu kusii faafin karaa, kuna daabici karaa buug ahaan ama ku soo saari karaa wargaysyada, degellada internetka, joornaallada iyo si kasta oo uu maamulku markaas u arko wanaag, isaga oo markasta xusaaya lahaanshaha sheekada ee qoraaga hal abuuray iyo inay ka qaybgashay tartankan.
- Ka qaybgalka tartankani wuxuu kufarayaa oggolaanshaha farqad kasta oo xeerkan ka mid ah. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg: http://www.hargeysabookfair.com amase http://www.redsea-online.com ama http://www.kayd.org amase u qora email info@hargeysabookfair.com.
No comments:
Post a Comment