Pages

Thursday, May 10, 2012

KOOTADA HAWEENKA (GENDER QUOTO): NOOCYADEEDA IYO NUSQAANTEEDA SHARCI


  1. Hordhac
 Sannadkii 2007-dii ayey ururrada haweenka Somaliland codsadeen in haweenka kooto (saami) laga siiyo kuraasida Goleyaasha Qaranka Wakiilada iyo Deegaannada, iyadoo sababta lagu sheegay in aanay la tartami karin ragga. Inkastoo urrurada bulshada rayidka ah iyo axsaabta siyaasadu ba ay aad uu taageereen mashruuc-sharcigaas kootada loogu raadinayey haweenka oo uu Golaha Wakiilladu ansaxiyey, waxa diiday Golaha Guurtida Somaliland.

Waxaa la yaab noqotay, in xeerkii kootada ee uu Golaha Guurtidu hore u diidday, saddex sanno kadib markii Madaxweyne Siilaanyo la doortay aad looga shaqeeyey oo ajandahii Golaha Wakiillada lagu daray. Sidii 2007dii oo kale ayuu mashruuc-sharcigan dambe ee Kootadu na u socon waayey. Mar kale ayaa haddana markii Madaxweyne Muuse Biixi la doortay dib Golayaasha loo horkeenay mashuuc-sharcigan  Kootada haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay. 

Hadda ba, waxaan idinla wadaagayaa qoraal aan 10 sanno kahor sannadkii 2010ka aan qoray oo cinwaankiisu ahaa "Kootada Haweenku waa Sillan-sugan", kaas oo aan ku muujiyey arragtidayda shakhsiyeed ee ku wajahnayd kootada Kuraasida Doorashada iyo sida ay anniga iila muuqatay. Maxaa kooto la yidhaahdaa? Caalamka miyaa lagu kala duwan yahay isticmaalka kootada? Saameyn intee leeg ayey yeelan kartaa? Imisa hab ayaa kootada loo sameeyaa? Iyo sharciga miyey waafaqaysan tahay mise ma waafaqsana?.
 
  1. Kootada Haweenka iyo Caalamka.
Kootada siyaasaddeed marka si guud loo qeexo waa saamiga loo xidho dadka aan tartami karin doorashooyinka xorta ah, waxay noqon kartaa tiro kuraasi ah ama liiska murashaxiinta oo laga siiyo qayb gaar ah. Kootada haweenka (Gender Quota) oo ah tan ugu caansan kootooyinka, waxaa isticmaala ku dhowaad kala badh dalalka caalamka oo dhan. Waxaa ugu horeeyey oo bilaabay wadamada iskaandaneefiyaanka (Scandinavians) sida Finland, Norway, Sweden, Denmark iyo Iceland. Sannadkaas 2010, dumarku waxay ku fadhiyeen 19% xubnaha baarlamaanada caalamka oo dhan. Rwanda ayaa sannadkii 2008dii noqotay wadanka ay haweenka ugu badani xubnaha ka yihiin baarlamaankiisa – 56.3% ayaa haween ahaa. Sweden oo hore kaalinta kowaad ugu jirtay waxay sannadkaas ku jirtay kaalinta labaad, iyadna 47.3% ayaa haween ah baarlamaankeeda.
 
Kootada la siiyo haweenku way kala duwan tahay, marka laga eego habka kootada loo sameeyo. Caalamka saddex hab ayaa kootada haweenka loo sameeyaa; 

1. Habka kowaad, waa in dumarka la siiyo tiro kuraasi ah (Reserved seats) ka mida kuraasida goleyaasha baarlamaanka iyo deegaannada. Dalalka habkan isticmaalaa, waxay dastuurkooga ama xeerarkooga doorashooyinka ku sharciyeeyaan qodobo dumarka kooto ka siinaya kuraasida goleyaasha qaran. Tusaale ahaan, Rwanda, dastuurkeeda iyo xeerka doorashadu ba waxay dhigayaan in haweenku ay ugu yaraan 30% ka noqdaan xubnaha golaha baarlamaanka. Laakiin doorashadii 2008dii, kor ayey u dhafeen oo waxay noqdeen 56.3%.
 
2. Habka labaad ee kootada haweenka loo sameeyaa waa in dumarka kooto laga siiyo liiska murashaxiinta ee doorashooyinka goleyaasha qaranka. Bolivia ayaa ka mid ah wadamada habkan isticmaala. Bolivia waxay samaysatey xeerka kootada haweenka 2001dii, xeerkani wuxuu dhigayaa in 30% murashaxiinta goleyaasha deegaannadu ay noqdaan haween iyo in afartii ama saddexdii nin ba ay gabadhi weheliso liiska murashaxiinta goleyaasha baarlamanka. Taasi waxay suurto-galisay in 17%  ay haween noqdaan baarlamaanka Bolivia .
 
3. Habka saddexaad ee kootada haweenku waa in xisbiyadda qaranku ay si mutadawacnimo ah haweenka u siiyaan kooto musharaxnimo (Voluntary Political Party Quotas).  Habkani wuxuu kaga duwan yahay labada hab ee kale, in aanu xeer ku dhisnayn, Laakiin ay axsaabta qaranku iskood ugu gartaan haweenka in kooto cayiman ay ka siiyaan murashaxiinta u tartamaysa. Labada hab ee hore se waa sharci ay waajib tahay in la fuliyaa. Aqoonyahanka qaarkood ayaa aaminsan yihiin in habkan 3aad uu yahay habka ugu dhow ee ilaalinaya sinaanshaha iyo dimuqraadiyadda isla markaana haweenka lagu dhiirigelinayo. Wadamada isticmaala waxaa ka mida Germany, Norway iyo Sweden .
 
  1. Kootada Haweenka iyo Sharciga Somaliland .
Dastuurka Jamhuuriyadda Soonaaliland, qodobkiisa 8aad, farqadiisa 1aad waxay dhigaysaa "In muwaadiniintu (rag iyo dumarba) ay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad isku mid ah, iyadoon loo eegayn midab, qabiil, sinji, dhalasho IWM.  

Dhinaca xuquuqda siyaasaddeed, dastuurka qodobkiisa 22(1) ayaa odhanaya “Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bushada iyo dhaqanka ba si waaafaqsan shuruucda dalka.
 

Dastuurka Soomaaliland, haweenka wuxuu siiyey xuquuq la mid ah ta ragga marka laga yimaado xuquuqaha ay shareecadu u gaar yeeshay midkood (Qod.36aad ee Dastuurka). Xuquuqda haweenka waxaa ka mid ah xaqa in la dooran karo, waxna ay dooran karaan. In haweenka doorashada u tartamaa ay tiro yar yihiin, haweenka tartamay ee la doortayna kaba sii yar yihiin, waa mid ka dhalatay duruufo dhaqan-dhaqaale oo aan la xidhiidhin sharciga. Xalku maaha tartanka doorasho in haweenka gaar looga saaro ragga oo  kuraasi u khaas ah haweenka kooto loogu xidho. Xalku taageerid, dhiirigelin iyo wacyiga bulshada oo kor loo qaado si caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee haweenka ku kooban meesha looga saaro. 

Bal u fiirso Qodobka 36(1) ee dastuurka “Xuquuqaha uu dastuurku siiyey muwaadiniinta, si isku mid ah ayey u wadaagayaan ragga iyo haweenku, marka laga yimaado wixii ay shareecadu ka reebtay (haweenka)”.  Ma daliil intaa ka badan ayeynu u baahanaynaa? Maya, ayaan qabaa.
 
Annigu sidaan qabo waxa loo baahan yahay in haweenka loo saacido dhaqaale ahaan iyo taageero ahaan ba sidii ay muwaadiniinta ragga ah ay iyagoo siman ugu tartami lahaayeen codadka doorashooyinka laakiin sharci-darro ayaan u arkaa in laga dhigo mid xeer uu waajibinayo oo kuraas aan lagula tartamin gaar loogu xidhayo; waxaanan u arkaa in ay qayrul-dastuuri tahay. Sababahan ayaan ku diiday in kootada haweenka laga dhigo mid xeer ku dhisan:
 
  1. Kootada haweenku waxay ka hor imanaysaa  mabda'a sinaanshaha muwaadiniinta ee dastuuriga ah; kaas oo ah in muwaadiniintu ay u siman yihiin xuquuqda  iyo waajibaadka muwaadinimo ee uu dastuurku jideeyey.
  2. Kootada haweenka waxay bar-bilow u noqon doontaa kootooyin kale sida kootooyin la siiyo naafadda, dhallinyarada,  iyo dadka laga tirada badan yahay.
  3. Kootadu waxay ka soo horjeeddaa nidaamka xorta ah ee dimuqraadiyadda waayo cidda wax go’aaminaysaa maaha dadka, in tiro kuraasta Goleyaasha Qaranka ah kooto loogu xidho qayb gaar ah oo bulshada kamid ah waxay xadgudub ku tahay xaqii ay muwaadiniinta oo ay haweenka laftoodu ugu badan yihiin, ay u lahaayeen in ay Xildhibaan kasta iyagoo xor ah oo rabitaankooda oo keli ah ka duulaya doortaan iyaga oo aan ku qasbaneyn jinsi ama qolo gaar ah oo keli ah in kuraasta qaarkood ay u doortaan.
  4. Kootadu waxay ku saleysan tahay in qofka lagu doorto jinsigiisa ee aan lagu dooran aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo kartidiisa. Sida aanay macno u lahayn dhererka- dheer ama gaaban iyo culayska - buurnida ama buurnida - qofka la dooranayaa, ayaanay macno u lahayn lab iyo dhedig midka uu yahay.
  5. Haweenku marna ba kuma dhiiran doonaan tartanka xorta ah ee muwaadiniinta haddii kooto la siiyo.
  6. Kootadu haybsooca iyo takoorka oo uu dastuurku reebay ayey jideynaysaa oo ay dhiirigelinaysaa in la aqbalo laguna dhaqmo. 
  7. Kootadu dhismahii bulshada ayey saameynaysaa oo xitaa lammaanahii bini-aadamka - lab iyo dhedig- ee ilaahay isku ilaashay ee Aabo iyo hooyo, wiil iyo walaashiis, Abti iyo habaryar, Adeer iyo eeddo ahaa ayey ka dhigaysaa dad aan qaranka iyo siyaasadda midna midka kale meteli karin oo intii isku jinsi ah ba ay isku dan tahay.
 
Annigu waxaan soo jeedinayaa haddii ba laga fursan waayo kooto, in la isticmaalo habka saddexaad ee kootada haweenka oo xisbiyada qaranku ay si mutadawacnimo ah haweenka u siiyaan kooto murashaxnimo (Voluntary Political Party Quotas). Xisbi kastaa wuxuu si gaar ah xil iskaga saari karaa  in uu kordhiyo tirada haweenka murashaxiinta ah ee uu doorashooyinka u sharaxayo, ama saddexda xisbi ayaa ba heshiis keli ah ka gaadhi kara in tirada murashaxiinta haweenka ah ay kordhiyaan.
 
  1. Gunnaanad.
Waxa wanaagsan haweenka in aan la liidin oo aan kalsoonida laga dilin. Doorashadii wakiilada ee 2005tii haddii ay Ikraan cod ku soo baxday oo ay rag badan ka cod badatay, Doorashadii deegaankana ay ilaa 6 haween ah cod ku soo baxeen, doorashooyinka soo socdana dhawr iyo toban haweenkeena ah ayaa ku soo baxi kara oo ragga inta ay la tartamaan ka guuleysan kara. Waan hubaa oo waan ku kalsoonahay kartida haweenkeena iyo wacyiga bulshadeena ee koraya in haddii keliya ay kordhaan murashaxiinta haweenka ah, sidoo kale ay kordhayso haweenka tartanka doorashada ku guuleysanayaa. 
 
Qalinkii: Garyaqaan: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer).

No comments:

Post a Comment