Pages

Tuesday, May 13, 2014

Muujinta Dareenka iyo Aragtida Xorta ah iyo Xayn-daabka uu Sharcigu u Dhigay. W/Q Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi
Tibaaxda “Xorriyatul qawl” oo ah mid aynu kasoo amaahanay afka carabiga,balse noqotay eray-bixin sideeda ku soomaaliyowday,isla markaana macnaheeda iyo nuxurkeedaba badanaaba aynu si isula wada aragno. Waxaynu alaaba maqalnaa tibaaxdan marka ay saxaafada iyo xukuumadu isku dhacaan,la iskuna qabto qoraalo iyo warbixino kusoo baxay wargeysyada ama laga baahiyay telefiishinada. “Xorriyatul qawl”haddii eray ahaan loo fassiro macnaheedu wuxuu noqonayaa “ Xorriyada loo haysto odhaah afeedka”,Balse Somali ahaan waxaynu u adeegsanaa si ka ballaadhan “odhaah afeed” oo waxaynu u isticmaalna siyaabaha kale duwan ee qofku aragtidiisa ku muujiyo; hadday tahay qoraal,sawir,cod iyo tilmaamo kaleba.
Waxay se u arkaa inaanay “xorriyatul qawl” ahayn eraybixinta saxda ah,ee koobsanaya nuxurka mugaas leh. “Xorriyada uu qofku u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisa” ayaa noqon lahayd tan adeegsi ahaan ku haboon halkeeda, una dhigmi karta ujeedada guud ee laga leeyahay waxa afka qalaad loogu yeedho “Freedom of Expression”
Haddaba, maxay koobsataa sharci ahaan iyo ujeeddo ahaan “Xorriyada uu qofku uleeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisu”?
Marka xorriyad la leeyahay, waxa alaaba loo jeedaa faro-galin la’aan ka timaada xukuumada. Taasi oo laga reebayo inay a) Is-hortaagto ama mamnuucdo xaqa uu qofku u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisa: b) ku qasabto inuu qaato ama muujiyo aragti kale; c) Abuurin hab dadka ogalaysiinayo aragti mabda’eedyo gaar oo ay wadato; d) Ku qasbin qof kale inuu dhiirigaliyo ama is-daadraaciyo aragti kale oo u diidanyahay.
Sidee baa lagu Sugi karaa Sohdimaha aragtida Xorta ah ee shaqsigu leeyahay?
Ma jirto xuquuq ama Xorriyad uu qofku bani’aadamka leeyahay oon lahayni meel ay ku dhammaato. Waajib ayaana qofkasta ka saran inuu xaq-dhowro xuquuqda iyo xorriyaadka kale ee ay qayrkiisu leeyihiin.Maadamo uu dastuurku ka reebayo xukuumada inay so saarto tallaabooyin iyo xeerar lagu cabudhinayo aragtida xorta ah ee shaqsigu leeyahay.[i] Sidoo kalana waxa uu dastuurku kuma eka xorriyada shakhsiyeed ee la xidhiidha fikir-muujinta, waxa uu ku ladhay saxaafada iyo warbaahinta,maadaamo oo ay tahay qalabka uu qofku u adeegsanayo faafinta iyo tabintaaragtidiisa.Walaw, ay jiraan siyaabo oo kale oo ka baxsan qalabka warbaahinta lagu tabin karo aragtida shakhsiyeed,sida buug, qoraal ku xardhan garankiisa,ama boodh uu sitoba.
Hadaba marka la leeyahay lama cabudhin karo xorriyada dareen iyo aragti muujineed ee qofku leeyahay, yaan loo fahmin xorriyadaasi looma dhigi karo xad aanay ka gudbi karin. Waxaana jira darbi sharci ahaan la isla aqoonsanyahay oo aanay xorriyadan aragti-muujintu ka gudbi karin.Waxaana qofkastaba ka reeban inuu tabiyo waxyaabo aragtidiisa ama xaqiiqo ah oo ay kamid yihiin:
  1. Waxyaabo dheg-xumo usoo jiidaya ama farogalinayaba nolosha gaarka ah ee qofka iyo qoyskiisaba.
  2. Dhaqan-xumada, kuwaasi oo noqon kara tibaaxo ka baxsan dhaqanka caadiga ah ee bulshada, qof kasta oo caadi ahna ka biyo-diidayo;[ii]
  3. Sawirada ka baxsan anshaxa ,ee muujinaya cawrada-jidheed ee bani’aadamka[iii];
  4. Aflagaadaynta ama ku dheel-dheelista shacaa’irta diiniga ah[iv];
  5. Tabinta xogaha ama adeegsashada weedho iyo erayo colaad hurin kara,ama isku dhac bulsheed oo baahsan abuuri kara;
  6. Faafinta xogo iyo muuqaalo sireed oo rasmi ah , kuwaasi oo saamayn ku yeelan kara xasiloonida guud ee qaranka, isla markaana cadawgu ka faa’idaysan karo sida xogaha la xidhiidha ciidamada;

Marka la isla yimaado darbigaasi sharci ee lagama gudbaanka ah, waxa jira tallaabooyin kale oo ay xukuumadu qaadan karto, kuwaasi oo ay ku xakamayn karto muujinta tibaaxo-aragtiyeed oo la xidhiidha arrimo gaar ah (Content-based restrictions), tibaaxahan oo aan sidooda caadiga ah xaaraan ahayn, sharci ahaana wadan eraybixin loo fasiran karo xaaladahaan sare ku sheegnay. Balse waa tibaaxo sita farrimo loo arko inayna munaasib ku ahayn waqtiga iyo goobta la joogo markaasi. Taasina waxa lagu go’aamin karaa fasiraad dastuuriyeed oo ay samayso maxkamada ku shaqadoleh.Mana aha xukuumada iyo sharci-dajintu kuwan sharci ahaan go’aaminkara waxa la odhanayo iyo waxaan la odhan karin[v].

Waxaanay xukuumadu u baahataa xeer-nidaamiyayaal si gaar ah u maanacaya tabinta tibaax-aragtiyeedka nuxur ahaan loo arko inay carqalad ku yihiin hirgalinta dano lagu qasbanyahay (compelling interest). Xakamaynta aragti-muujintan waa in aanay noqon mid jabinaysa dastuurka,waana in aanay noqon mid si guud uga reeban muwaadiniinta, balse ku kooban waqti gaar ah ama meelo mucayin ah. Tusaale ahaan, in goobaha cibaadada iyo waxbarashada, Garoomada laga reebo tabinta aragtiyo xambaarsan nuxur gaar ah sida kuwa siyaasadeed,qabyaaladeed iwm, ama in la cayimo habka ugu macquulsan uguna saamaynta yar nuxuradaasi lagu gudbin karo. Ama wakhti ay jiraan xaalado xog-tabintani, ka hor imanayso dano muhiim ah . Maxkamada Dastuuriga ah ayaana miisaamaysa danaha-xukuumadeed ee ku ladhan xakamaynta tibaaxahan-ku-salaysan nuxur gaar ah iyo saamaynta ay ku yeelan karaan xannibaadaasi, xorriyadii uu qofku u lahaa inuu dareenkiisa iyo fikirkiisa muujiyo isagoon la cabudhinaynin. Sidoo kale marka la doonayo in xakamaynta la hirgaliyo,waa in la helo hab-kale oo u furan qofka oo u wareegi karo, kuna muujin karo aragtidiisa xorta ah.
Sharaf-dillida Qofka
Haddii si fudud aan u qeexno,sharaf dilidu waa adigoo qof ka faafiya warbixino waxyeelo ku ah shaqasiyadiisa gaar ahaaneed,shaqadiisa ama xirfadiisa aqooneed. Wararkaasi oo marka ay bulshadu maqasho,damiir ahaan, iyo xidhiidh ahaanba ay u takoorayso qofkaasi,kana noqonayo dhexdeeda “tuke baalcad”.
Sharaf-dilistu ma ah oo qudha marka aad tahay kan sameeyay waxyaabo been ah oo dheg-xumo usoo jiidayaqofka.Balse sidoo kale waxaad dhaawacday sumcadiisii,haddii aad ku cel-celiso ama aad ka jawaabto weedhahaasi, xataa haddii aand ahayn qofkii sameeyay. Difaacna kuuma noqon karto , haddii aad tibaaxdaasi sharaf-dilka aad galiso kootayshan “_______” ama aad ku ladho “waa siduu hadalka u dhigay,sida la isla-dhexmarayay,iwm” adiga oo soo guurinaya tibaaxdii sharaf-dilista ahayd ee qof kale sameeyay,si aad iskaga fogayso wixii hadhaw ka soo noqan kara.

Marka laga hadlayo sharci ahaana, qofka waxaad kula kacday sharaf-dil markaa aad ka faafiso xogo dhaleecayn oo been ah,isaga ama xubin qoyskiisa, oo nool ama dhimatayba.Taasi oo wax u dhimaysa a)haybadiisa shaqsiyeed ee uu bulshada kula noolaa, b)xirfaddiisa aqooneed iyo ganacsigiisa, c) kana dhigaysa mid ay bulshadu iska ururiso, xaqirto amaba ku xamato waxyaabahaasi laga fidiyay.

Siyaabaha kale duwan ee qofka sharaftiisa loo dilo waxa kamid ah, a) odhaah afeed, ama cod la maqli karo ama,b) erayo qoraal ah oo loogu talo galay in la akhriyo ama taabasho lagu gartoba,ama c) calaamad afgarasho ah oo la isku sameeyo.
Way adagtahay in la caddeeyo ama la qiimeeyo illaa heer intee leega ayaa waxyeelo loo geystay sharaftii qofeed.Sidaawgeed Sharcigu culays kuma saarayo, inuu qofka dacwoonayaa caddeeyo jiritaanka waxyeladaasi. Balse wax mihiim in macnaha ama fasiraada erayada la adeegsaday ay yihiin qaar sharafta wax u dhimaya, sidoo kalana aanay noqon kuwo aan xaqiiqo ahaan u jirin oo been-abuur ah. Waa inay erayadani noqdaan qaar qofka cabanaya ee dhibanaha isku arka loola jeeday shaqsi ahaan,sida iyadoo magiciisa la xusay.Haddii aan magiciisa la sheegina,waa inay tibaaxdu tahay mid qofkasta oo macquul ahi garan karo in qofka loo jeedaa isaga yahay.

Sidoo kalena waa in sawiradaasi ama erayadaasi( lagu andoocanayo inay yihiin qaar sumcad-dilis ah) la gaadhsiiyay dhinac saddexaad, oo aan ahayn qofka wax laga sheegay iyo kan qofka wax-sheegaytoona.Sharaf-dilisna ma aha waxyaabaha ay labada qofi si toos iskug yidhahdeen , iyagoo isku kali ah,haddii aan lagu faafin bulshada inteeda kale.
Waxyaabo Difaaca u noqon kara qofka loo haysto dacwdaha la xidhiidha sharaf-dilista.
Waxa la isla ogyahay inay saxaafadu tahay tan khaatiga ka taagan dacwadaha la xidhiidha sharaf-dilka.Kuwaasi oo haddii aanu jirin garsoor madaxbanaan oo ka fayow saamayn dibada kaga timaada,isla markaana leh aqoon-sharciyeed oo xeel-dheer, keensan karta,in muwaadinka iyo saxaafaduba ku dhiiran waayo tabinta aragtida xorta ah iyo xaqiiqada hadba jirta. Saxaafaduna geyaysiisa inay noqota mid in-gaar ah u shaqaysa oo aan bulshada u shaqayn,isla markaana aan daah-furi karin xaqiiqooyan dadka ka daahnaa oo ay xaq u lahaayeen inay ogaadaan.
Haddaba si aanay saxaafadda iyo qofkasta oo aragtidiisa xorta ahi muujiya uga fogaado dacwad sharaf-dilis oo lagu eeddeeyo waxa muhiim u ah inuu ogaado waxyaabaha u isku difaaci doono. Waxyaabaha difaac u noqon kara war ama aragti-tabinta waxa ka mida:
Runta ama xaqiiqada
Waa in waxyaabaha la faafiyay hadday wartahay ama aragti shaqsiyeedba noqotaa mid ku salaysan xaqiiqo jirta oo run ah. Isla markaana runkasta oo la sheegaaba, ha u qaadan inay ku difaac aad ka hoos gasho eedhaha sharaf-dilista ah, balse waa inay noqotaa faafinta runtaasi mid aad ku sababayan karto inay muhiim u ahayd danta guud (public interest).Adigoo ka taxadaraya inay noqoto wax loo nisbayn karo inaad u adeegsanaysay dano-shaqsiyeed, iyo ku-xumayn idinka dhexaysay qofkaasi.
Aragti-caafimaad qabta (Honest Opinion)
Marka aad isku dafaacayso, in waxyaabahaad tabisay ahaayeen aragti daacad ah,uma baahnid inaad sababayso inay run ahayd iyo in kale. Waxa qudh ah ee aad u baahantahay waa inaad Garsooraha ama xeer-beegtida garsoor ku qancisid inuu waxaad faafisay yahay:
  • Aragti oo aanu ahayn war ama xog xaqiiqo ah.
  • Ka hadlayo una faafisay muhimad uu u leeyahay danta-guud (public interest).
  • Mid xogtiisu ku salaysan ilo-sax ah oo looga qaateen ama kuwa lagu soo xigtay meelo dhawrsan (privileged material)[vi].

Dood siyaasadeed
Si ay dimuqraadiyadu u noqoto mid shaqaysa,isla markaana abuurto jawi ay aragtida xorta ah ee muwaadiniintu ka hanaqaadi karo, waxa ay Maxkamadaha dastuuriga ahi ee dalalku horumaray wax ka badaleen fasiraada dastuuriga ah ee xorriyada muujinta dareenka iyo rayiga ee shaqsigu leeyahay, khaasatan markay nuxurkeedu la xidhiidho dadka ku dhexjira arrimaha siyaasadeed ee qaranka, ama aan ahayn shaqsiyaad caadi oo khaas iskaga nool[vii].
Haddaba marka laga hadlayo dood ama lafa-gur siyaasadeed, qofka arrimaheeda ku lug lihina kama baxsan karo,haddii uu xil-qaran oo siyaasadeed hayana iska daa hadalkiisaba.Waana tay Somaalidu hore u tidhi “nin xil qaaday,eedqaad”.Waxyaabaha faallooyinka siyaasadeed xambaarsanyihiina maaha waajib inay noqdaan qaar xaqiiqo ah, beentoodana dacwada lagama furan karo, balse siyaasiga dhibsada waxa uu u furan in uu isla asluubtaa lagu fidiyay kaga jawaabo, iskagana daadafeeyo. Haddii aanay tabinta arrimahaasi ahayn mid si naxli ama nacayb-shaqsiyeed ku jiro looga fidiyay, oo aan dadka loogu danaynayn,balse lagu socday uun sharaftiisa gaar-ahaaneed.

Qofka faafiyayna waxa u mihiim,inaanu u ku sababeeyo:
  • Inay tabinta xogtani muhiim u tahay dadka xilka loo hayo ama siyaasigani taageerada ka damacsanyahay.
  • Inay jirto sababo macquul oo aad rumaysan karto in xogahaad faafisay noqon karaan kuwa xaqiiqo ah.
  • Inay faafintaadu daba socon dano-qaas oo aad ka weyday ama colaado shaqsiyeed oo idiin horreeyay.
  • In aad samaysay dadaal kasta oo suurtogal ah oo aad qofkan kula xidhiidhi karto si uga jawaabo waxyaabaha dhaleecaynta ku ah ee aad ka fidinayso.

Faafin niyad-sami ah( innocent dissemination)
Waxa jirta marar nadir ah oo ay suxufiyiintu tabiyaan warar waxyeelayn kara sharafta qofka,iyagoon sidaas u la jeedin (unintentional defamation).Si taas looga hor-tagana waxa la gudboon war-baahiyayaasha ama faafiyaashu inay dib-u-sixid ku sameeyaan,isla markaana raaligalin qofkii dhibanaha ka siiyaan, iyaga maraya habkay u baahiyeen hablamida. Saxaafada qoraalka ahina, waa inay dhigtaa halkay xogtii sharafti dilkiisa dhigtay, halkeedii markay daabaycayso dib-u-sixida iyo raaligalinta. Oo aanay meel qarsoon ama hoose dhigin oo aan sidii tii hore loo arkayn.

Raali-ahaanshaha dacwoodaha
Qofna kama dacwoon karo fal uu raali ka ahaa markii lagu samaynayay.Haddii uu dacwooduhu ogalaa waxyaabaha laga faafiyay iyo sida looga faafiyayn xaq hadhowto u yeelan maayo uu kaga cabto faafintaasi. Ogolaanshuhu wuxuu noqon karaa,adigu qofka weydiiya “ma u adeegsan karaa faafintayda weedhahaas ama erayadaas ?” dabadeedna uu ku jawaabao “haa,waad adeegsan kartaa”.
Haddiise aad ku sii cel-celiso adeegsiga weedhihii,marka uu ka dacwooday ka dib, ogow inay noqon karto dacwad kale oo aanad iskaga difaaci karin raalidiisii hore.
Dacwoode dhintay
Arrimaha ama dacwadaha la xidhiidha sharaf-dilka waa qaar shaqsi ah.Qof dhintayna ku dacwoon karo sharaf-dhicid. Sidaa darteed haddii uu dhinto dacwooduhu iyadoo dacwadu socoto, ehelkiisa iyo caraartiisu ma dhaxli karaan dacwidiisa amaba maba sii wadi karaan[viii].
Haddiise weedhaha sharaf-dilka ee laga fidiyay marxuum dhintay ay saamayn ku yeelan karto sumcada tafiirtiisa iyo ehelkiisa way ka furan karaan dacwad ciddi faafisay.
Raaligalin rasmi ah
Raali-galintu waa hab lagaga baxsan karo dacwadaha madaniga ah ee la xidhiidha sharaf-dilista.Raaligalintaaso oo lagu faafiyo warbaahinta si rasmi ahna loogu soo qoro qofku waxay noqon kartaa hab fududeeya arrinta, lagagana bad-baado muran sharciyeed oo maxkamadaha la iskula galo. Balse waa war-tabiyaha waa inuu ka feejignaado arrimaha qaar raali-galintooda, sababtoo waxay ku noqon karaan qiraal, haddiiba uu ku qanci waayo dhinacii kale.
By Garyaqaan Maxamad Axmed Cabdi Bacaluul
2522-63 4488011.

[i] Qodobka 32aad Dastuurka Somaliland.
[ii] Xeerka saxaafada Somaliland ayaa ka hadlaya qaabka loo tabinayo wararka la xidhiidha faldabiyeedyada galmada,kuwaasi oo laga raba in la qariyo magaca dhibanaayashan fal-dambiyeedyadani,soda caruurta la fara-xumeeyay, Kufsiga. Iwm.eeg qodobka 24aad.
[iii] Qodobka 10aad (4) ee Xeerka Saxaafada law no 17aad Qodobka 23aad ee isla xeerkaas.
[iv] Qodobka 10(5)aad ee Xeerka Saxaafada law no 17
[v] Cohen,Henry,freedom of speech. Oct,2009.https://www.fas.org/sgp/crs/misc/95-815
[vi] “Privilege material” waa qoraalada dhawrsan, sida kuwa Maxkamadaha,doodaha baarlamanka,warbixinaha gudiyada baadhitaan ee si rasmi ah u daabacan. Kuwaas oo haddi ay run yihiin amaba been yihiin aan sharci ahaan loo raaci karin faafiyaha iyo ciddii uu kasoo baxayba.
[vii] Cohen,Henry,freedom of speech. Oct,2009.https://www.fas.org/sgp/crs/misc/95-815