Pages

Sunday, November 29, 2015

Saaxiibadaydii Xabsiga - W/Q. Garyaqaan Guleed Axmed Dafac

Waayaha nolosha iyo geedigeedu maalinba meel buu kugu tuuraa. Mar ba dad baad la rafiiq tahay oo aad wax wadaagtaan. Isku dhowaanshaha iyo saaxiibtinamada waqtigu keeno ee aan kala doorashada lahaynina way ka wayn tahay kuwa kale oo dhan.  

Garyaqaan Guuleed Axned Jaamac
Ma ilaawo, maankayga na kama bixin asxaabtii xabsiga. Sagaal iyo toban maalmood oo aan xidhaa, todoba iyo toban ka mid ah waxaan la xidhnaa asxaab kala duwan oo kala da’ ah. Aniga marka la iga reebo way xukunaayeen. Asxaabta aan ka hadlayaa maaha kuwii ku jiray xabsiga oo dhane waa sagaal qof oo igula jiray qolkii yaraa ee aan ku qaatay saacado badan. Waxbaan wada cunnay, sheekaan wadaagnay, laandhuu ama shax baanu wada cayaarnay, kaftan iyo haasaawe ayaanu is waydaarsanay. Waa isku dhowaansho cajiib ah waayo waa hal qol oo dhawr mitir isku jira meesha aan ku wada jirnay 22 saacadood maalin walba. Laba saacadood oo qoraxda loo baxo markaaad ka reebto.

Ma ilaawo odaygii hadalka wanaagsanaaa. Hal hays waxa u ahayd oo uu mar walba odhan jiray diintaa macaan, Nebigaa nuur leh. Dadkii xabsigu waxay naanays uga dhigeen Nebigaa nuur leh. Nin cibaado badan buu ahaa. Ma ilaawo ninkii maxaabiista qaybta aan ku jirnay (block C) madaxda u ahaa; nin gadh wayn oo qosol badan, sheeko badan oo kaftan badan. Ma cadhoodo dacaayadda dadka na ma joojiyo. Waa xariif oo si fiican buu xabsiga uga war hayaa. Shan Sanadood baa lagu xukumay oo inteeda badan wuu qaatay. Mase aha markii u horsay ee uu soo galo xabsiga. Waxa yaab ahayd sida uu u yiqiin Quraanka. Korkuu ka hayay in badan oo ka mid ah. Tafsiirkana wuu yiqiin. Waxaan xusuustaa habeen uu dusha nooga wada tafsiiray Suuratal Yuusuf. Wuxuu aad ugu tuun tuunsaday asxaabul sijni (ileyn anagaa ahayne).

Ma ilaawo ninkii madaadalada. Majaajileeste dhalad ah buu ahaa. Aad buu dadka ugu qoslin jiray. Maxaa lagugu soo xidhay markaad tidhaahdo wuxuu ku jawaabi jiray “lacagtaydaa ii soo xidhay”. Haduu fanka ku biiro waxaan filayaa inuu suuqa ka saari lahaa Sooraan iyo Jawaan.  
Ma ilaawo labadii saaxiib ee dhalinyaradda ahaa. Mid baa se aad iigu sawiran. Si uu waqtiga isu dhaafiyo wuxuu isku mashquulin jiray inuu ka shaqeeyo xabsiga. Nin xoog wayn oo da’ yar buu ahaa.

Haseyeshee, marka aan xabsiga xusuusto hal nin baan ka werweraa oo maskaxdayda ku abuura walaac. Anigaa isku canaanta oo waxaan is idhaahdaa wax ma u qabatay. Waa 62 jir gadh dheer oo cas leh. Waa ehlu cibaado oo marna wuu tukanayaa marna Quraan buu akhristaa. Imaamka qolkuu ahaa. Qof walba salaadda ayuu u kicin jiray. Ma ogola inuu qolka ku jiro qof aan tukan. Sheekadiisu waa xikmad iyo waayo uu soo maray.

Waa ninka keliya ee markii aan xabsiga ka soo baxay aan baadhay kiiskiisa. Waxaan doontay xukunadii iyo dhokumentiyadii maxkamadaha. Cali Salaad waa reer Xingalool (bariga Sanaag). Mudo dheer buu ku noolaa Hargeysa. Balse Somaliland, Hargeysa iyo caddalaadu ba way dulmeen. Dulmiga ku dhacay waxaan Ilaahay ka baryaa inaanu ku qaadin oo dusha ka saarin dadka intiisa kale. Quraan ruugga, cibaadada miidhan ah ee gardarada lagu haysto inaan Ilaahay inoogu cadhoon baan ka baryaa.

Cali gar Islaan iyo mid kale tooni dusha kama saarto waxa lagu haysto. Ilaahay baa Quraankiisa ku yidhi qofna qof kale dembgiiisa ma qaado. Dembi cid kale loo haysto oo la isla ogol yahay in cid kale loo haysto ayaa isaga la saaray. Kaas buu u xidhan yahay. Weliba wuxuu xidhnaan doonaa mudo aan cayinayn.

Cidda haystaa waa cid magac iyo sharaf badan leh. Waa cid ixtiraam bulshada ku leh. Waa cid la qadariyo. Sidaasdarteed, way adag tahay in laga horyimaado. Dabinno iyo xadhko isku xidhan buu galay.

Cali waxa lagu haystaa in nin uu dhalay lacag ka dhacay niman ajnabi ah oo uu kaga dhacay dal kale. Inankiisu waa 40 jir. Waaba is leeg yihiin. Waa nool yahay oo waa xay xooggiisa iyo laxaadkiisa qaba. Halka uu joogana waa la yaqaan. Laguma haysto Cali inuu dhaca la sheegay qayb ka ahaa iyo inuu hantida waxa ka helay toona. Hadana waxa lagu xukumay sadex sano oo xadhig ah iyo kala badh lacagtii loo haystay inankiisa. Lacagtu mid yar maaha. Waa 5, 00 000 Doolar.

Cali doodiisu waa cadahay. “Diinta Islaamku ima saarin waxa ninkaas qaan gaadhka ahi qabo, waaba hadii uu qabo ileyn kama doodin oo maxkamad lama keenine. Sharciga Somaliland iyo ka aduunkuna ima saarin. Maxaa la igu haystaa?”

Waxa loo haystaa cudhaadh. Waxa la haysanayaa Cali inta inankiisii imanayo oo bixinayo lacagta aanu iska difaacin ee marag iyo cadayn la horkeenay aanay dusha ka saarin.  

Wuxuu ku xidhan yahay xabsi laga yaabo inaad maalin walba adoo qoslaya iska hor martid. Balse isagu murugo ayuu ugu xidhan yahay. Xabsi uu tirsanayo ma jiro oo ma yaqaan intuu xidhnaanayo waayo dhaqanka qalafsan ee qayrul sharciga ah ee Somaliland ka jira ayaa ah in qofka la haysto inta uu bixinayo waxa loo haysto. Si cad buu u mamnuucay xeerka caalamiga ahi in qof lacag loo xidho. Waxa la yidhaahdaa adoonsiga daynta (debt servitude). Quruumihii hore ayaa dadka xabsiga ku hayn jiray inta laga bixinayo lacagta ama daynlaha ayaa yeelan jiray oo adoon ka dhigan jiray.

Waxaaan hubaa in Cali Salaad uu jeclaan lahaa in dadka reer Somaliland ee dareenka wadaniyadeed, Muslinimo iyo banii aadantimo lihi ay u hadlaan. Qasab maaha inaad ku qanacdo hadalkayga, baadhitaan shaqsi ah samee waayo qoraalada maxkamaduhu waa wax la heli karo. Kadib waad la tashan kartaa qareeno iyo culimo si aad u eegtid in waxa Cali lagu haystaa ay tahay gar.

 Khayr baan u rajaynayaa saaxiibadayda xabsiga ee ku jira qolka cidhiidhiga ah ee ay mamnuuca ka tahay buugga, qalinka iyo wax kasta oo la akhriyaa ee hadana isk faraxsan ee iska sheekaysta.


Guleid Ahmed Jama


No comments:

Post a Comment