Qalinkii:
Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Beryahan
dambe qoraalkaygu wuu yaraaday, taasi macnaheeduna maaha in qalinkaygu uu
gabnoobay ama anniga iyo qoraalku aanu kala fogaanay. Hawlo adduunyo iyo
hirdanka nolosha uun baa igu batay oo ila yara durkay, qalinku se hawl iguma
aha ee waa hiwaayadayda nololeed, waa saaxiib aan hiil ka dhigto markaan
xaq-u-dirirka ahay, markaan runta daafacaayo, markaan dulmanaha u dooddaayo iyo
markaan da;yarta la dareen wadaagayo. Sidaas darteed, qalinka isticmaalkiisa
marna ba ma hilmaami karo, ma hiifi karo mana ilaawi karo.
Waa maqaal
cusub iyo arrin aan gocday ka hadalkeeda. Tahriibta ka hadalkeedu iguma cusba
oo maaha markii iigu horeysay ee aan wax ka qoraayo, Xaasha! Waxaabay ila
gaadhay in aan daraasad ku sameeyo. In badan ayey I damaqday oo aan ka seexan
waayey saameynta xun ee joogtada ah iyo tan mustaqbal ee ay tahriibtu ku
yeelanayso mustaqbalka nolosheena bulsho iyo jiritaankeena ummaddeed. Labba
Sanno kahor ayaan aad uga ololeeyey tahriibta; waxaan ka qoray dhawr maqaal,
waxaan ka sameeyey daraasad aan ku ogaaday fikirka ay ardayda jaamacadaha dalku
ka qabaan tahriibta, waxaan qabanqaabiyey munaasibado dhalinyarrada lagaga
wacyi-galinaayo tahriibta, annigoo idaacadda iyo telifishanka ba kaga hadlay
halista iyo hagardaamooyinka tahriibta. Markaas kadib waxaan dareemay in aan
culays I saarna dhinac iskaga riday, mar haddaan tahriibta ka hadlay intii
tamartayda iyo taagaygu ba ahaayeen. Waxaan aaminsanaa inaan badbaadiyey
nolosha dhalinyarro faro-badan oo saxaraha ama badweynta dhexdooda ku naf-beeli
lahayd, waxaan is tusay inaan hablo faro-badan oo Soomaaliyeed ka badbaadiyey
faro-xumaynta sangaruurta suudaanta ah iyo saxariirta nololeed ee Liibiya.
Maanta-na
weli cabsidii, murugadii iyo ciilkii ay tahriibtu I baday ayaan la deris ahay.
Waa inaan hadlaa si aan waajibkayga u guto, oo aan culayska I saran iskaga
rido. Waa in aan ka digaa khatarta tahriibta si aanan mar-dhaw isugu canaanan
“kaalintaadii baad gabtay”. Waa in aan qaylo-dhaan dirsadaa si ciidankaygu u
kordho, cadowgaygu (tahriibta) na u ciidan waayo. Qaylo-dhaan wadani ayaan
dirayaa, cid kasta oo wadaniyaddu ay ehel u tahay ayaan u dirayaa,
dhalinyarradaan u dirayaa, waayeelkaan u dirayaa, carruur iyo ciroole ba
qaylo-dhaan baan u dirayaa.
Dhulkaad ku dhalatiyo, dalku waa
awoowgaa, waa deyrcad dhalayood, dambarkiisa maashid, waa beer dalagii bixisay,
waa deegaan, dugsi, iyo hooy aynu si qadarin iyo xushmad leh ugu wada nool
nahay. Taariikhdeenii bulsho haddaynu dib u eegno, Soomaalidu waxay ahayd
bulsho u wada nool hab-beelleed, oo intii isku isir ama farac ahi ba dhul gaar
ah ayey ku wada noolaayeen, sidaas iyadoo ahayd haddana guud ahaan dhulka
soomaalidu degtaa waxa uu ahaa mid magaca Soomaaliyeed laga wadaago. Abwaan
Cabdillahi Suldaan (Timmo-cadde) ayaa markuu dawladnimmada qiimaheeda arkay,
dib u milicsaday noloshii hore ee Soomaalida oo ku dhisnayd sumad qabiil oo
dadku sida xoolahoogu ay sumad ugu kala leeyihiin iyaguna sumad ay isku kala
dhawaystaan u kala lahaa. wuxuu yidhi:
“Ma sideetan sabaan baa,
Sillanaa caqligeeniyoo,
Sumad gaar ah aynu lahayn,
Sidii xoolaha soofa,”
Runtiina ilaa maanta summadaasi
xoolaha oo kale ayeynu leenahay, waxaanay kamid tahay waxyaabaha ragaadiyey
dawladnimadeena iyo hor-umarkeena ummadnimo. Aabaha Soomaaliyeed aad u yaqaanaa
sida ubadkiisa uu uga dhaadhiciyo inay qabiil laan-dheere ah ka soo jeedaan, oo
qabiilkoogu ugu maal badan yahay geyiga, ugu dhul balaadhan yahay, ugu Ilbaxsan
yahay ama ugu mudan yahay qabiiladda Soomaaliyeed. Waxaa nasiib-darro ah in aanu
aabbahaasi ubadkiisa weligiis u qeexin ama u sheegin ba waxay u taagan yihiin ereyadda
Waddan, Waddaniyad, Ummad, Dal, Dawladnimo iyo Qarranimo. Anniga garaadkayga la
yaab malaha aabbahaasi waayo isaga ba looma qeexin looma na sheegin ereyadaasi.
Ilmaheenu wuxuu arkaa hooyadii iyo aabbahii oo ka wada hadlaya dannahooga
qofeed, qoys ama qabiil, laakiin weligii ma arko iyagoo ka hadlaya dannaha
Qarranimo. Markaa waddaniyadu ma samaday kaga soo degaysaa. Haddaynu ilmahaasi waddaniyad
ka doonana waa khasab ku islaam oo kale.
Manhajkeenii waxbarashadda
aas-aasiga ah ayaa ba noqday caqadda kowaad ee waddaniyadda waayo carruurteenii
hadday saynis dhiganayaan waa reer galbeed iyo horumarkay gaadheen, hadday
taariikh baranayaan waa tii reer galbeedka, hadday juqraafi tahayna, London
halka ay adduunyadda ka dhacdo way kuu sheegi karaan laakiin Hargeysa halkay
adduunyadda kaga taalo juquraafi ahaan waxaa ba laga yaaba in ay kuu sheegi
kari waayaan. Haddii horumar iyo haybad ummadnimo loo dhigaayana, Yurub iyo
Ameerika ayaa loogu sheegaa. Dabadeedna, Manhajkeenii aynu is lahayn wuxuu soo
saarayaa dhiig cusub oo u dhigma Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sh. Bashiir,
Timacadde, X. Adan (Af-qalooc) ama Faraax Oomar, Maxamuud Axmed Cali, Yusuf X.
Aadan iyo Gandi. Wuxuu soo saaraa George Washington, Winston Churchill, John F.
Kennedy, Hitler iyo qaar kaloo badan oo aan markaasi halkan ku noolaan karin
ilaa ay tagaan meeshaasi ay taariikhda ku leeyihiin, dabadeedna iskaga
tahriibaya dhulkan bilaa taariikhda ah, dhulkan caqliga iyo maskaxdu ba ka
aabaaroobeen, dhulkan duliga, diifta iyo daalka badan, ilayn waxaynu
carruurteena barnay in la ina guumeysan jiray, in Afrikaanka la addoonsan jiray
iyo in aynu Afrikaan ahaan adduunyadda ugu liidano. Waa maxay sababta inanka Eeshiyaanka ah ee aabbahii loo
addoonsaday sida aabbahaa oo kale, ee dalkiisa loo guumeystay sida dalkaaga oo
kale uu isagu dalkiisa u jecel yahay, ugu na taamaa horumarinta waddankiisa halka
aad adigu na ka tahriibeyso ee aad u aaminsan tahay in aanad dalkaaga ku
noolaan karin. Sababtu waxaa weeyi isaga wuxuu ku barbaaray waalidkiisa oo
waddanka u dadaalaya. Dugsiga wuxuu ku bartay taariikh ummaddiisa u gaar ah iyo
mid ummaddaha kale u gaara, waxaa u kala soocan qiimaha ummadnimo iyo qofnimo,
wuxuu og yahay inuu wax noqonaayo markuu dalkiisu wax noqdo. Adiguna Soomaali
ahaan weligaa laguuma sheegin waajib qaran oo ku saaran; waalidkaagu kugu muu
canaanan jirin waajib gudasho la’aan. Waxaa qarannimada laguu sheegaa markuu
qabiilkaagu seefta hayo, waxaa mucaaradad lagu faraa markasta oo qabiilkaagu
kursi siyaasaddeed waayo. Danaha qofnimo, qoys ama qabiil ayaa lagaaga
horeysiiyaa ta qarannimo.
Ha Tahriibine, Tallo Keen!!!
Ninkii Rodolo miisaama ee killoo
raajiciya,
Ee raasamaalkuu helaa Rubuc ka
hooseeyo,
Xisaab dib inuu u rog-rogo rayigu
sow maaha?.
-Jilbo-Reeb- Cabdilaahi M. Dhoodaan
Dhalinyarradii jab baa ku dhacay,
socdaal nolol iyo dhimasho u dhaxeeya ayey gashay, halka ay u socdaan ee
hamigoodu yahay na meel ay ku raynayaan maaha. Waddankeenu waa curdin baahi
badanni na way taallaa oo ay ka mid yihiin shaqo la,aan iyo dhaqaale darro
laakiin si kastooy ahaato ba waxaan layska indho-tiri karin in meel dalkaaga
kuu dhaantaa aanay jirin; waxaad haysataa sharaf, qadarin, xuquuq, iyo amni
buuxa markaad dalkaaga hooyo ku nooshahay. Horumarka aad arkayso ee aad
naftaada u haligayso rag adiga oo kale ah baa dhulkooga gaadhsiiyay si sahal ah
kumay gaadhin, bal ka fakir qarni ka hor reer galbeedku heerkan miyay
gaadhsiisnayeen? Jawaabtu waa maya, dadaal bayse ku gaadheen heerkaani ay
maanta marayaan “xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”.
Dalkeenu maanta wuxuu u baahanyahay
in laga shaqeysto oo tacab la galiyo ee uma baahna in laga yaaco, baahida
dalkeena taalla na qof kastaa wax buu ka qaban karaa faqiir iyo taajir ba.
Labba arrimood aynu kala doorano in dalka lagu negaado oo laga shaqeysto, tacab
la galiyo, horumarintiisa na laga sinnaado oo aynu noqono ummad heer
is-gaadhsiiyay oo isku filnaatay iyo in aynu sida maanta jirta wadanka ka
tahriibno oo aynu u hayaano waddamo aan inala diin, dhaqan, iyo nolol toona
ahayn, aynu magan u noqono dad aan inoo naxayn, dad diirkeena iyo diinteena
neceb, dad caqligeena, xoogeena, iyo aqoonteena ka faa,iidaysta oo wadankooga
heer ku gaadhsiiya, waddankeenu na uu waligii sabool ahaado, waxa qudha ee aynu
iska dhaxalnaa na uu noqdo waddan saboola, noloshiisu ay hoosayso, waddaniyad
na aanay ka jirin.
Akhriste bal u fiirso heerka uu
gaadhay wadanka Taiwan, wax-soo-saarkiisu aad ayuu u sarreeyaa,
dhalinyartiisu na waddankooga ayay wax ka bartaan ama dibadda ayay wax ka soo
bartaanoo kadib na waddankooga ayay cilmigooda, cududdooda iyo caqligooda ba
galiyaan. Waa dal aan wali aqoonsi caalami ah haysanin sidee na oo kale, wuxuu heer
ku gaadhay waa waddaniyad xoogan iyo maamul wanaag. Dawladda Taiwan wax-soo-saarkii
dalkeeda ayay dhiiri-galisay, waxbarashada sarre ayay kor u qaaday, waxay
abuurtay shaqooyin faro-badan iyadoo samaysay warshaddo iyo ilo wax-soo-saar, muwaadiniinta
Taiwan waxay halku-dhig ka dhigteen “waan ku qanacsanahay, inaan noqdo qof u
dhashay wadanka Taiwan”. Innagu dawlad ahaan iyo ummad ahaan ba waynu ku
guul-dareysanay in aynu intaa ba fulino.
“Rome was not built one day”.
Akhriste ha is odhan waddankani xukumad wax-qabad lahi ma jirtee iskaga carrar,
lakiin is-waydii waxaad adigu shakhsi ahaan u qaban kartid waddankaaga hooyo.
Xasha! U fiirso dhalinyarrada fikirka wanaagsan ee ku bahoobay ururrada, iyagoo
si mutawacnimo ah waddankooga ugu shaqaynaya. ka fikira hadii aad ku bahowdaan
ururro dhalinyarreed waxaad u qaban kartaan waddankiina iyo noloshiina ba;
dadka ayaad wax bari kartaan, nadaafada dalka ayaad ka shaqayn kartaan, dadka
ayaad wacyi-gelin kartaan, mashruucyo horumarineed ayaad fulin kartaan, ugu
danbeyn tallada dalka ayaad ka qayb-qaadan kartaan.
Siyaasiga waddankeena ayaa xun ee
siyaasaddu asal ahaan wax xun maaha, siyaasaddu waa mabda’ iyo aragtiyo ay
aqoon iyo afkaar wanaagsani hagayaan, laakiin siyaasiyiinteenu waxay ka dhigeen
kursi iyo lacag ay qabyaalad iyo af-xumo ku helayaan. Waa hanaan-socodka
siyaasaddeena meesha u baahan in isbedel lagu sameeyo, waayo siyaasiga wanaagsan
ayaa noqon kara hoggaamiyaha wanaagsan.
Haatan iyo Dan
Waynu aragnaa itaal-darrida,
caddaalad-darrada iyo shaqo la,aanta dalkeena ka jirta. Waynu aragnaa
af-xumada, qabyaaladaynta iyo marin-habowga siyaasaddeena. Dhalinyarro ahaan,
waxaa inala gudboon in aynu isku tashano oo mowqifkeenu ahaado horumar iyo
mustaqbal wanaagsan. In dalkeena aynu ugu noolaano si sharaf iyo qadarin leh oo
aynu u shaqayno ummaddeena. In aynu dalkeena u dhimano oo aynaan ka dhimanin;
nafteenu waa qaali oo dadkaa u baahan, dalkaa u baahan oo adduun waynahaa u
baahan. In aynu ogaano in aanay sirta noloshu ahayn aan taajiro, raaxeysto ama
hurdo ee ay tahay tacab, orod iyo aqoon iyo horumar.
Xukummadda Maxaa La Gudboon?
Qof kasta oo muwaadin ahi xuquuq
nolaansho, amni, shaqo iyo caafimaad ayuu dawladda ku leeyahay. waxa jira
heshiis-bulsheed {Social Contract} ka dhaxeeya xukumadda iyo dadweynaha.
Ummaddu xukumadda waxay ku aamintay danteedii, hantideedii iyo ka
midho-dhalinta hanka iyo hamigeeda ummaddeed iyo in ay ka shaqayso horumarinta
bulsheed, dhaqaaleed, aqooneed, iyo nabaddeed. Intaa mid ka mid ah haddii ay
bulshadu weydo khal-khal iyo mucaaraddad xoogan ayaa dilaacaya. Xukumadda waxaa
la gudboon in:
1. Manhajka Waxbarashadda Aas-aasiga ah lagu badiyo taariikhda
dalka iyo ummadda Soomaaliyeed iyo arrimaha kale ee waddaniyadda xoojinaya,
2.
In
dhalinyarrada loo sameeyo barnaamijyo shaqo abuuris ah,
3.
Dhalinyarrada
lagu wacyi-geliyo inay dalkooga ka shaqeystaan,
4.
Dhalinyarrada
loo sameeyo mashruucyo horumarineed iyo kuwo lagu barto farsamadda gacanta si
ay balwadaha iskaga joojiyaan,
5.
Dhalinyarta laga qayb-galiyo tallada hoose ee
dalka,
6. Ugu danbeyn,
dhalinyarrada ha loo raadiyo deeqo waxbarasho oo gudaha iyo dibada ba ah.
Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur
Cali Muxumed (Good Lawyer)
La-Taliye Sharci Madaxbanaan iyo
Qoraa wax ka qora Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda.
4460167
Hargeysa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment