Pages

Tuesday, November 25, 2014

Aragtida Siyaasiga Cabdiraxmaan Cadami ee Khusaysa Heshiisyada Siyaasaddeed ee Sharciga Baal-marsan




Go’aankii Golaha Guurtida Anuu Waxaan Ka Taaganahay ‘Doqonkii Reerkooda Ka Lumay Ee Markii La Helay Ee Lagu Farxay Yidhi Maxaad Igaga Farxaysaan Bariba Waan Lumiye’” C/raxmaan Cadami.

Guddoomiyihii hore Ee Hay’adda Shaqaalaha xukumadii Daahir Rayaale, Mr Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskii iyo go’aamadii golaha Guurtidu ku xaliyeen khilaafkii golaha Wakiilada iyo dhinacyadii qaatay heshiiskaasi.

Balse Mr Cadami waxa uu go’aamadaasi Guurtida ku sifeeyey xumad-jabin lagaga gudbayo xiisad markaasi taagan oo aan waarayn, waxaanu ku baaqay in laga shaqaysiiyo hanaanka dawladnimo iyo shuruucda dalka u dajisani, isla markaana loo maro wixii khilaaf yimaada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cadami
Cabdiraxmaan Cadami waxa uu sidaasi ku sheegay Mar uu maanta u waramayey Radio Hilaac, waxaanu sidoo kale ka hadlay Tahriibka dhalinyarada, Cadaalad Darrada iyo Qabyaaladda oo intii dawladan Kulmiye ay jirtay faraha ka baxay.

Ugu horayna Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami oo ka hadlaya go’aankii iyo heshiisyadii golaha Guurtidu ka soo saaray Khilaafkii Golaha Wakiilada ayaa waxa uu yidhi “Go’aanka iyo Heshiisyada la dhex dhigo golayaashu wax waara maaha waa wax soo noqnoqonaya sidii ay horeba u soo noqnoqon jireen, markaa hadii hanaanka dawladnimo aan loo soo noqon, hadaan sharciga loo soo noqon oo mar kasta oo khilaaf yimaado in hanaankii iyo shuruucdii dawladnimo la tuuro arinkii lala hoos tago geed iyo Guurti waligeed Somaliland halkaa dhaafi mayso.

Waxaan ku boorinayaa Somaliland guud ahaan xisbiyada, xukuumada, golayaasha iyo aqoonyahanka oo aan tabaayo inay doorkoodii ka gaabiyeen hanaan dawladnimo hadaynaan ku shaqayn, sharciga iyo distoorka aynu dhiganay hadaynaan ku shaqayn oo aynu laabno oo aynu ka doorbidno kolba xumad jabin iyo heshiis iyo go’aamo Guurtida iyo odayaal ka timid oo lagaga gudbaayo xiisad markaa taagan si kumeel gaadh ah. Waxaan aaminsanahay inkasta oo dadweynuhu ay ku farxeen go’aankii golaha Guurtida anuu waxaan ka taaganahay doqonkii markii reerkoodii uu ka lumay ee lagu farxay ee yidhi maxaad igaga farxaysaan bariba waan lumiye.

Shacabka Somaliland waxaan leeyahay go’aankan waxba ha ku farxina, waayo khilaafkiina bariba wuu idinla joogaa, sahad dambana wuu idinla joogaa, waa xumad jabin, xiisada ilinka taagan uunbaa lagaga gudbay, waxa barmanka ah ee shaqeeya ee marka lagu dhaqmo lagu farxaa waa marka hanaanka iyo sharciyada loo maro khilaafka.

Waligeedba waxaan maqlaa, Somaliland waxa ay ku soo caano maashay tanaasul iyo isku tanaasul, waa wax fiican, wadahadalku waa wax fiican, laakiin marwalba maaha marxaladaynu kaga soo gudubnay taa, shuruucbaynu samaynay, baarlamaan baynu samaynay, xisbiyaynu samaynay, marxalad hore ayay taasi ahayd, shuruuc baad samaysay oo distoor ayaad samaysay, markaa qolooyinka ku dooda markay shuruucda doonayaan inay baal maraan isku tanaasul ayaynu ku soo caano maalnay, taasi wax mudo dheer shaqayn doona maaha.

Dawladan Kulmiye dhawr arimood ayay kaga duwan tahay dawladii hore, binidaamaku markay dareemo inay wax ka khaldan yihiin ayay wax saxaan, uma haystaan inay dhaliil leeyihiin, waayo waxba ma sixi karaan hadii uu sax isku haysto, xukuumadu ha is weydiiyaan inta aanay mucaaridku inoo sheegin maxay qabyaaladu u laba kaclaysay awalba way jirtee, tahriibtu maxay u laba kaclaysay awalba way jirtee, tahriibkumarkay badato niyad jab baa jirta, cadaalad daraa jirta iyo shaqooyinkii oon loo sinayn, Kulmiye dhalinyaradii ayuu niyadjab”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami

Gabagabadii Cabdiraxmaan Cadami waxa uu sheegay in dawladihii hore ay qaboojin jireen xaaladaha ay abuuraan Xisbiyada iyo Shakhsiyaad Mucaarid ahi, balse xukuumadan Kulmiye waxa ay taa kaga dheeraysay iyadaa xaalada Abuurta.

Xigasho: Hubaalmedia.com


No comments:

Post a Comment