Wakhti aan yareyn ayey igu qaadatay inaan sifo sax ah u helo siyaasadda Soomaaliland. Dhaqannada siyaasaddeed ee wadamada adduunka oo kala duwan darteed, waxaan is weydiiyey su’aalo jawaabahooga aanan weli si fiican uga bogganin. Imika se qalinka umaan qaadan inaan su’aalahaasi wax idinka weydiiyo, ujeeddada qoraalkaygu waxay salka ku haysaa marxaladda cusub ee siyaasadda soomaliland oo maanta maraysa heerka aan ugu yeedhey hinaase-tir beeleed.
Ereyga hinaase-tir, sidaan u aqaano waxaa la isticmaalaa marka haweeney la qabo uu odaygeedu la guursado haweenay kale. Gabadhii hore ee uu odaygu qabay way hinaastaa; macnaha waxay ka cadhootaa in lamaanaheegii, jacaylkii iyo xabiibkeegii ba uu qof kale la mulkinaayo. Gabadhaasi dhulka joogistiisana ma xamisho, cirkana ma gaadho; markaasay guriga iyo alaabta taala ba kaga madadisaa, odayga isaga maba arki karto, carruurta canaantooda iyo qaraacistooda ayey isku qaboojisaa. Odaygu marka uu xaalkaasi daraaseeyo ayuu xalkiisa raadiyaa, sasabo, raali-galin, ergo u diris iyo marxabaysiin ayuu kala daalaa. Ugu dambeyn taladu waxay iskugu soo ururtaa islaantu way hinaastaye, hinaase-tir ha la siiyo.
Siyaasadda soomaaliland maanta waxay maraysaa marxalad u sansaan eeg hinaase-tirkaa islaanta. Laga soo bilaabo la soo noqoshadii madax-banaanida soomaaliland ilaa maanta waxa caado ah oo aan sharci ahayn in siyaasaddeena ay majaraha u hayso qabyaalad. Inkastoo aynu dimuqraadiyad iyo doorashooyinkii inoo qabsoomay ku faano, haddana dawladnimadeena waxaa ku lamaan oo weliba ka xoog badan nidaamkii beelnimada ee aynu dhaqanka u lahayn. Waxaase wax lagu qoslo ah in marka uu carabkeenu ku dhawaaqayo qaran, qalbigeenuna qabiil u heesaayo. Waa run waa la odhan karaa dimuqraadiyad ayeynu abuurnay markaynu yeelanay dastuur qaran, saddex xisbi qaran, markay inoo qabsoomeen afar doorashooyin iyo mar haddii ba si xarago badan loola kala wareegay xilkii madaxweynenimo.
Maxaa u sabab ah innay dimuqraadiyadda Soomaaliland noqoto sida daa’uuska? Dhaqankii siyaasageenu lama jaanqaadi karayo dumuqraadiyadan aynu gaadhnay; waa oday ganacsade ah, sarkaal ciidan oo la soo shaqeeyey dawladihii Jamhuuriyaddii soomaaliyeed, Mujaahid dhaawac ku faan ah ama qurbe-joog farahu soo adkaadeen oo lacag baan wataa leh. Waa nin aqoon u leh kursiga iyo qiimahiisa laakiin aan garaneyn masuuliyadda iyo xilka guudkiisa saaran. Siyaasigeenu kuma faano aqoontiisa ee wuxuu ku faanaa haybtiisa. Marka uu mansab raadinayo halkii uu barnaamij la iman lahaa waxaa uga fudud ugana maxsuul fiican haddii uu reerkiisa la hadlo oo uu cuqaasha hagaajiyo tageeradooda iyo tolnimadooda marna ba ku qadi maayo. Siyaasigeenu ma yaqaano dhaqan iyo mabda’ siyaasaddeed sidaas darteed markuu doono ayuu muxaafid noqdaa markuu doonana mucaarid waayo labadoodu waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin waa kursiga ku fadhigiisa.
Suldaankii, cuqaashii, odaygii, ganacsadihii, nabad-doonkii, qurbe-joogii iyo dhallinyarradii beel kastaa ba waa wada siyaasiyiin waxaanay xubno ka yihiin xisbi beeleedkooga qarsoon. Marka laga yimaado saddexda xisbi qaran, beel kastaa ba hoosta ayey iskaga xidhan tahay oo u tahay xisbi gaara. Kuraasidii dawlada ayaa yeeshay sumadii xoolaha oo kale, beel kastaa ba tiro kuraasi ah ayey tirsanaysaa. Xukumad kasta oo timaada ba, beel kastaa waxay ka sugaysaa tiradii kuraasidooda ama in ka badan, haddii kale xisbi beeleedkii qarsoonaa ayaa lagu dhawaaqayaa oo shir beeleed ayaa laysugu imanayaa.
Doorashadii dhacda ba inagoo xisbi beeleedyo ah ayeynu u codaynaa xisbiga qaran kii kolba u dan ah beesha. Xisbiga guuleysta waxaa looga fadhiyaa inuu beel kasta hagaajiyo hadda dhinaca kale inagoo wadajirna ayeynu ku dhawaaqaynaa waxaynu u baahanahay dawlad kooban oo tayo leh. Waxaa timaada in xilal la magacaabo, markaas ayaa beelna sacabisaa beel kalena dhagaxa tuurtaa ama taayirada gubtaa. Waxaa qasab noqota in beesha cadhoota la marxabaysiiyo oo la dejiyo iyadoo sidii dumarka la siinaayo xilal HINAASE-TIR ah.
Markasta oo aan qof waayeel ama dhallinayarro ah kala sheekaysto arrimaha siyaasadda waxaan ka maqlaa hadalo iga cadhaysiiya oo ah “Kursigayagii waxaa la noogu badalay kursi kale....hebel haddii xilka laga qaado waa in hebel (ina-adeerkii) la keenaa......annagaa codka ugu badan bixinee waa inaanu kuraasi badan helnaa............annaga waa lana qadshay..........annagu markii hore ba xisbigan maanaan ahayn.” Runtii, waxaynu u baahanahay in aynu qaranka iyo qabiilka kala garano horta. Maxaynu qaran ka sheegan haddii ba aynaan aaminsanayn. Ma dhici kartaa innaynu ku waarno siyaasad ay qabyaaladdi majaraha u hayso? Jawaabtu waa maya. ILAAHAY ha innaga dhigo kuwo runta fahma oo qiimaha wadaniyaddu ay u dhadhanto.
Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
awmuxumed@yahoo.com
, 4460167.
No comments:
Post a Comment