Pages

Sunday, February 8, 2015

MARKAAD 30 JIR TAHAY! waa inaad..... W/Q. Maxamed Cali Bile





Qorshaha Ku Darso 10 kan Qodob:



1...Jaamacadda koowaad iyo ta laabad ba soo dhammee (ama machadyo u dhigma soo dhammee)

2...3 sannadood oo waaya-aragnimo ah u yeelo xirfaddaada (xataa haddii ay tahay inaad mutadawac ku soo shaqeyso ama aad macalin ka noqoto galabtii iskuulka xafadiina ku yaala)

3...Luqadda ingiriisiga iyo mid kale oo caalamiya ku hadal (Faransiis, Carabi, Ruush, Spanish, Af Shiine). Haddaad ku hadasho mid ka mida luqadaha dawladdaha jaararka ahna sida xabashi ama sawaaxili waa wax wanaagsan.

AQOONYAHAN MAXAMED CALI BILE
4...Ilaa laba joornaal oo caan ah oo ku saabsan xirfaddaada si joogto ah u akhri (ama iyaga oo daabacad ama internetka ka akhri) si ad ula socoto waxa ka socda caalamka.

5...Xidhiidh la yeelo ugu yaraan 10 qof oo hadey doonaan meelo kala duwan jooga oo ku shaqeeya xirfadda aad baratey.

6...Qor ilaa 5 maqaal oo ku saabsan xirfadda aad baratey ama sida loo adeegsanayo oo ama bartaada fb soo dhig ama joornaal ku soo qor. Haddaad joornaal ku soo qorto, ka sawiro oo meel dhigo.

7...Ka qeyb gal ugu yaraan 5 shir ama tababar oo haddii ay kuu suuro gashana hadal ka jeedi, xataa haddii uu dhowr daqiiqadood oo kooban yahay.

8...Nolosha dhinaca macaan iska taag xataa haddii aad daawaha ku socoto. Ha lagu tuhmo oo halaguu qaato inaad tahay qof ay uugu jirto. Qofka cabashada badan lama jecla oo waa laga ordaa xataa haddii uu aqoon badan iyo waaya aragnimo leeyahay.

9...Dadka u hanbalyee wixii wanaagsan ee u soo kordha ama aad ku aragto. Tilifoon u dir haddii aad aragto saxiibkaa oo xalay TV-ga barnaamij wanaagsan ka soo daayey ama meel ku soo qorey.

10...Ilaahaga ku xidhnow oo hore u soco laguma dhaammee.