Pages

Sunday, July 8, 2018

HABKA BIXINTA RUQSADA QAREENNIMO EE SOMALILAND GUDAHEEDA. W/Q, Garyaqaan Mukhtaar Yuusuf Maxamed


Ugu horayn waxa aan is dul taagayaa weydiinta ah " Waa maxay mihnada qareenimo?
Sida uu qeexayo qodobka 1-aad ee Xeerka Qareenada Xeer Lr-30/2004 ee kaabista iyo wax-kabedalka lagu sameeyay sanadkii 2013-ka "mihnada qareenimo waa ku shaqaynta aqoonta sharciga, nidaaminta, habaynta iyo ka doodista arrimaha sharciga". Dhinaca kale, waxaan doonayaa inaan iftiimiyo weydiinta ah waa kuma qareenku?
GARYAQAAN MUKHTAAR YUUSUF MAXAMED
Sida uu qeexayo isla qodobka 1-aad ee Xeerku, qareenku waa garyaqaan/sharciyaqaan ka diwaan gashan Wassaarada cadaalada oo ku shaqaysta mihnada qareenimo. Si kastaba ha ahaatee, intaas hadii aynu fahamnay waxa aan toos u gali doonaa mawduuca aan u socdo oo koobsanaya weydiimahan:
1- Maxay tahay ruqsada qareenimo?
2- Yaa awood u leh inay bixiso ruqsada qareenimo?
3- Waa imisa nooc ruqsadaha qareenimo ee xeerku qeexay?
4- Yaa bixiya wakhti xaadirkan ruqsada?
Hadaba hadii aan bilaabo ka jawaabista weydiimaha sare ku xusan iyo muujinta mugdiga iyo khaladaadka dul-hoganaya waa sidan hoos ku xusan ee ila soco:
MAXAY TAHAY RUQSADA QAREENIMO?
Ruqsada qareenimo waa wareegtada maamul ee uu Wasiirka Wassaarada Cadaaladu ku soo saaro ogolaanshaha ku shaqysiga mihnada qareenimo.
Iyadoo taas laga duulayo, qofna kuma shaqaysan karro mihnada qareenimo isaga oo aan haysan ruqsada qareenimo ee uu qeexayo Xeerka Qareenadu Xeer Lr-30/2004.
YAA AWOOD U LEH INAY BIXISO RUQSADA QAREENIMO?
Cidda awooda u leh bixinta ruqsada qareenimo waxa dul hoganaysa mugdi badan, waxaana jira dhawr qodob oo xeerka ku jira kuwaas oo iska hor imanaya(Contradict provisions), isla markaana awooda bixinta ruqsada laba qolo kala siinaya.
Sida uu qeexayo qodobka 2-aad(1) ee Xeerku waxa uu tilmaamayaa in aanu qofna ku shaqaysan karin mihnada qareenimo isaga oo aan ruqsad ka haysan gudida ruqsada bixinta iyo anshax marinta qareenada, waxa aynu halkaa ka dhadhansan karnaa in ay awooda ruqsada bixinta leeyihiin gudida ruqsad bixinta qareenadu.
Iyada oo qodobkaasi ku jiro xeerka, hadana qodobka 3-aad(1) 2) 3) 4) ee Xeerka qareenadu waxa uu shaqada gudida ruqsad bixinta ku soo urururinayaa in a lagu soo hagaajinayo araajida iyo codsiga ruqsada iyo in ay imtaxaanka ka qaadayaan codasadaha, isla markaana intaa wixii ka dambeeya ay natiijada imtaxaanka u gudbinayaan Wasiirka Wassaarada Cadaalada si uu wareegto ugu soo saaro ogolaansha ku shaqaysiga mihnada qareenimo oo ah ruqsada.
Dhinaca kale, waxa mugdiga iyo iska hor imaadka Xeerka sii xoojiyay, qodobka 17-aad ee Xeerka oo tilmaamaya hawlaha iyo waajibaadka gudida kaas oo farqadda 1-aad ee qodobkani ay jidaynayso in gudidu ruqsada qareenimo bixin karto.
Sidoo kale, sida uu jidaynayo qodobka 4-aad(2) ee Xeerku, Wasiirka Wassaarada cadaaladu in uu ku soo saarayo ogolaansha ruqsada qareenimo wareegto Wasiir waxa ay macnaheedu tahay hadii aanu Wasiirku ku soo saarin wareegtadaas in aanay ruqsadaasi noqonayn xalaal iyo mid lagu shaqaysan karro.
WAKHTI-XAADIRKAN YAA BIXIYA RUQSADA?
Wakhti xaadirkan ruqsada qareenimo mad-madawgaa aan kor ku xusay awgeed waxa laga qaataa oo bixiya :
A) Gudida ruqsad bixinta iyo anshax-marinta qareenada; oo sida la ogyahay siisay qareeno badan oo hadda ku shaqysta mihnada kuwaas oo isugu jira ashkhaas ehel u ah iyo kuwo aan u ahaynba.
B) iyo Wassaarada Cadaalada, oo iyana sida la og yahay qareeno badan siisay ruqsada
Sidaa darteed, labadan qolo inta aan ogahay ma jirto wax wada shaqayn ah oo ka dhaxeeya, sida uu xeerku qeexayo taasina waa ta meesha ka saartay hubintii, baadhistii iyo qiimayntii codsadaha lagu samayn lahaa in uu u qalmo qaadashada ruqsada oo uu metali karo mihnada iyo in kale, waana ta sababtay in dad badan oo aan ehel u ahayni ay qaataan ruqsada, isla markaana ay Maxkamdaha hortooda ka metelaan bulshada iyaga oo aan lahayn awoodii (capacity) ay ku metali lahaayeen; taas oo ugu dambaynta sababtay in xirfad xumida qareenadaasi ay dad badan waayaan cadaaladii iyo wixii ay xaqa u lahaayeen, maadaama awooda qareenka, ee ku saabsan hab dhiibista doodihiisa sharci iyo diyaarinta, nidaaminta iyo fahamka nuxurka sharci ee uu ku doodayaa ay aad u hoosayso, waxaana ay halkaasi sababtaa in nidaamka cadaaladeed u majara habaabo.
WAA IMISA NOOC RUQSADAHA QAREENIMO?
Guud ahaan noocyada ruqsadaha qareenimo ee Xeerku qeexay waa saddex nooc oo kala ah:
A) Ruqsad qareen guud.
B) Ruqsad qareen shareeco.
C) Ruqsad qareen ciqaabeed.
Noocyada ruqsadahani waxa ay kala leeyihiin shuruudo kala gaar ah oo lagu heli karo, walow ay ugu culus tahay shuruudaha helista ruqsada "Qareen Guud; Sababta oo ah ruqsadani waxa ay koobsanaysaa awoodaha iyo shaqooyinka dhamaan noocyada ruqsadaha ee Xeerku qeexay.
Hadaba, wakhti xaadirkan ruqsada qareenka guud waxa qaata cid kasta oo codsata ruqsad qareenimo; waana ay yar yihiin cida qaadata ruqsada kale, wax qaata arday hadda uun soo qalin jabisay, kaaliyayaal maxkamadeed oo aan muddo badan ku shaqaynayn shaqada kaaliye-nimo iyo cid kasta oo codsataba, maadaama aanay shaqayn gudidii awooda u lahayd baadhista; taa beddalkeedana ay xubin qudha oo ah gudoomiyhii gudidaasi cida uu doonana siiya cida uu doonana u diida ruqsada iyo nooca ruqsadeed ee uu dalbado.
Taas oo cawaaqib xumo ku ah, kala xadaynta sharciyaqaanada muddo badan mihnada ku jiray(Senior lawyers) iyo sharciyaqaanada cusub(Fresh lawyers), iyada oo xitaa saamayn ku yeelan karta nidaamka cadaaladeed ee garsoorka sababtan awgood :
1- In ay dhacdo in tixgelin la siin waayo dooda qareenka mudada yar ku shaqaynayay mihnada oo ay garsoorka maxkamaduhu ka door bidaan qareenka sare maadaama ay ku kala duwan yihiin dhinaca fahamka sharci kuna kala khabiirsan yihiin, halkaasna ay ku lumi karto xuquuqdii muwakilka wakiishay qareenka khibrada yar.
Ugu dambaynidaa, waxaas oo dhan waxa sababayaa waxa weeye bixinta ruqsadaha qareenimo oo aan marin marinkii iyo jidkii uu qeexay xeerku in lagu bixiyo.
GALLAD EEBAA LEH, GO'AANA SHAQADAA LEH, GARAWSHIYANA BULSHADAA LEH.
Avv Mukhtar Yusuf Mohamed
Hargeisa, Jamhuuriyada Somaliland.