Waxaa xaqiiqo
jirta ah in saxaafadda xad-gudub loo geysto iyaduna ay geysato; waxaynu wada
ognahay in xukumad kasta oo Somaliland soo martey ay isku xumaayeen saxaafadda.
Waxaa joogta ah eeddaha iyo dhaleecaynta ay isku jeedinayaan xukumadda iyo
saxaafaddu. Dulucda khilaafkooduna waxay ku kooban tahay dhinac aan rabin inuu
sharcigu qabto oo xadhko goys ah iyo dhinaca kale oo iyaguna xeerkay doonaan
qabadsiinaya iyagoo garsoorka adeegsanaya, siday doonaana ugu tacadiyaya. Waxaa
weliba jirta oo weligeed jiraysay in xukumaddahii kala dambeeyey ay markasta
adeegsadaan saxaafadda lafteeda si ay ugu tacadiyaan isla saxaafadda.
Haseyeeshee, imika ujeeddadeenu maaha innaynu falan-qayno khilaafaadka ka dhex
dhaca saxaafadda iyo xukumadda. Ujeeddada ugu muhiimsan ee qoraalkani waa in
aynu falan-qayn ku sameyno Xeerka Saxaafadda iyo Xeerka Ciqaabta; kala
mudnaantooda sharci iyo xidhiidhka ay la leeyihiin eeddaynta ama dacwad-oogista
lidka ku ah suxufiyiinta.
Xeerka
Saxaafadda
Xeerka
saxaafadda Somaliland oo loogu yeedho Xeerka Saxaafadda (Xeer Lr. 27/2004)[i] Wuxuu Golaha
Wakiilladu ansaxiyey 18-kii Jeenaweri 2004-tii. Haseyeeshee, xeerkani waxaa
markii ugu horeysay la horkeenay Golaha Wakiillada sannadkii 1997-dii. Mashruuc-sharcigaasi 1997-kii oo loogu yeedhi
jiray “Xeerka Warfaafinta” waxaa laga soo dheegtay Xeerka Saxaafadda ee ay
dawladda Itoobiya samaysatay sannadkii 1992-kii[ii].
Xeerkani Itoobiya oo dawladda u ogolaanaya inay xadhig u geysato suxufiyiinta[iii]
ayey hay’addaha xuquuqaha aadamuhu aad uga qayliyeen, kana soo saareen
warbiximooyin dhiileysan, warbixinahaasi waxaa kamid ah warbixintani hay’adda
xuquuqal insaanka ee Human Rights Watch ay soo saartey 10-kii March 2010-ka ee
la yidhaahdo Boqolka Hab ee Caddaadis Saarista (One Hundrend Ways of Putting Pressure)[iv]. Haddaba, mashruucaasi sharci ee
1997-kii waxaa ku jiray qodobbo badan oo xusaya dembiyo ciqaab ah oo saxaafadda
qabanaya iyo kuwo toos uga hor imanaya xoriyatul-qawlka. Sidaas darteed
hay’addaha warbaahinta iyo ururada xuquuqaha aadamahu aad bay uga qayliyeen.
Waxaanay ku guuleysteen inuu mashruucaasi sharci socon waayo. Sannadahii 1999-ka
iyo 2003-dii ayaa dib loo soo celiyey. Sidii oo kale ayey haddana hay’addaha
warbaahinta, ururada xuquuqaha aadamaha iyo kuwa dimuqraadiyadda Somaliland u
dooddaa uga horyimaadeen iyagoo ku dooddaya inay khalad tahay in dalka laga
hirgeliyo mashruuc-sharcigani ku saleysan xeerkani ka midka ah kuwa ugu xun
adduunka.[v]
Ugu
dambeyn, waxaa xeerkani saxaafadda la ansaxiyey 18-kii Jeenawari 2004-tii, iyadoo
arrimahii ay warbaahintu ka cabanaysay badankooga meesha laga saaray.
Haseyeeshee, arrimo dhawr ah oo aad looga walaacsanaa ay ku jiraan. Arrimahaas
waxaa kamid ahaa in xeerkani uu khuseeyo dhammaan saxaafadda oo dhan; ta
qoraalka ah, Raadyoowga, Telefishanada IWM. Waxaana wanaagsanayd inay dhawr
xeer kala yeeshaan oo aan dusha layska saarin. Waxaa iyadna aad loola yaabay in
xeerkani uu ereyga “saxaafad” ku qeexayo sidan:
“’Saxaafad’ micnaheedu waa abuuridda
hawlqabad kasta oo saamaynaya maskaxda iyo fikrad[d]aha dadweynaha oo dhan,
sida: wargeysyada, joornaallada, qoraallo xiliyeedyo, wakaalladdaha wararka,
raadiyaha, telefishanka, filimada la daawado, (filimo & video), masawirada,
kartoonada, buuggaga, miyuusiga iyo wax kasta oo loogu talo galo isku
xidhiidhinta wadareed (mass communication).”[vi]
Waxaa markaasi
aad loo daneynayey oo xitaa Gollaha Guurtida loo soo jeediyey in qeexiddani
lagu soo soo koobo saxaafadda qoraalka ah (press) iyo tan hawada ah
(broadcasting) oo laga reebo filimada, fiidyaha, masawirada, buuggaga,
miyuusiga IWM[vii].
Haseyeeshee, laguma guuleysan.
Muhiimada
Xeerka Saxaafadda
Xeerkani waa sharci ka
soo baxay baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland, waana sharciga ugu mudan
shuruucda dalka lagaga shaqeeyo marka laga hadlayo arrimaha saxaafadda. Sida ku
xusan Qodobka 31aad ee xeerkani ‘xeer
kasta, sharci kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo xeerkani khilaafsani way
burayaan’. Waxaa markaasi saxaafadda loo eeddaynayaa si waafaqsan xeerkani
saxaafadda.
Qodobka 3aad ee
xeerkani ayaa xaqiijinaya xoriyadda saxaafadda iyo xuquuqda isku abaabulka
ururo xirfaddeedyo leh dallad guud iyo xeer-hoosaad anshax oo mideysan. Waxaanu
qodobkani mamnuucayaa cabudhinta saxaafadda iyo wax kasta oo loo qadan karo
faaf-reeb.
Qodobka 10aad ee
xeerkani ayaa saxaafadda ku waajibinaya u hoggaansanaanta xeerkani saxaafadda
sida xaqiijinta wax soo saarka saxaafaddeed ee runta ah, xafidaada iyo
ilaalinta sirta ciidamada qaranka. Qodobkani wuxuu saxaafadda ka reebayaa
faafinta muuqaalo anshax-xumo oo qaawani ah, iyo baahinta faallooyin iyo
maqaallo lagu ceebaynayo ku dhaqanka iyo karaamada diinta islaamka iyo bixinta
cashuurta ruqsada.
Qodobbo kale ayaa
saxaafadda ka reebaya inay ku kacaan fal xad-gudubyo ku ah xoriyadda gaarka ah
ee shakhsiyaddeed. Tusaale ahaan, Qodobka 15aad wuxuu saxaafadda ka mamnuucayaa
inay daba-gasho nolosha gaarka ah ee qofka isaga oo aan ogayn ama inay sawiro
qarsoodi ah ka qaadaan isagoo ku sugan hoy gaar ah. Qodobka 17aadna wuxuu
mamnuucayaa in la baahiyo waxyaabo si qarsoodi ah loo duubay ama baasisada
dadka. Qodobbada 23aad, 24aad iyo 25aad waxay caddeynayaan inay saxaafadda ka
reeban tahay wareysiga iyo ka warbixinta dacwaddaha carruurta, dadka
dhibaneyaasha la fara-xumeeyey ah iyo aabbe-laaweyaasha.
Qodobka 30aad ee
xeerkani ayaa saraakiisha dawladda ku waajibinaya inay la shaqeeyaan oo gacan
siiyaan saxaafadda. Waxaanu sidoo kale xukumadda ku waajibinayaa inay
dhiiri-galiso saxaafadda isla markaana taakulayso intii macquul ah.
Guud ahaan, xeerkani
waa mid xaqiijinaya xoriyadda saxaafadda, isla markaana waajibaad dusha ka
saaraya saxaafadda; wax ka reebaya, waxna ka mamnuucaya inay ku kacdo. Sharci
ahaan, xeerkani waxaa loogu talo-galay in lagu ilaasho xuquuqaha dastuuriga ah
ee rayi dhiibashada, fikirka xorta ah iyo saxaafadda xorta ah. Waxaanay
ujeeddadiisu tahay in la helo saxaafad xor ah oo loo sameeyey min-qiyaas lagu
xakamayn karo hawl-gudashadeeda.
Meelaha uu xeerkani
gal-daloolada ku leeyahay waxaa ugu muhiimsan in xeerkani aanu si hufan oo wax
ku ool ah u caddeynin qaabka loo wajahayo dacwaddaha khuseeya hawlaha
saxaafadda. Tusaale ahaan, Qodobka 10aad faqraddiisa 6aad waxaa lagu sheegay in
saxaafadda ku xad-gudubta faqraddaha qodobkani (xaqiijinta wax soo saar run ah,
ilaalinta sirta ciidamada, faafinta muuqaalo anshax-xumo ah iyo ceebaynta ku
dhaqanka diinta islaamka IWM) loo raacayo anshax-marinta ku xusan xeer-hoosaadka
anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ah ee dalka ee falkoodu khuseeyo.
Waxayse dhibtu tahay waajibaadka saxaafadda qodobkani oo keliya kuma xusna ee
qodobbada kale ee aynu kor ku soo sheegnayna wuu ku xusan yahay, haddaba, marka
saxaafaddu ay ku xad-gudubto qodobbada kale ee xeerkani maxaa la yeelayaa?
Ilayn faqraddani kor ku xusan arrimaha Qodobkani 10aad ku xusan ayaa gaar looga
dhigaye? Xeerku waxba kamuu odhan waxa laga yeelayo xad-gudubyada lagu sameeyo
qodobbada kale ee xeerkani.
Arrinta kale ee dhibaatadu ka taagan tahay waa
xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda oo aanay wax anshax-marin ahi ku xusnayn.
Hadda, waaba xeer-hoosaadka ay faqraddu ka hadlayso oo ee loo raacayo
saxaafadda ku xad-gudubta arrimaha ku xusan Qodobka 10aad ee xeerkan. Waxay u
muuqataa in saxaafaddii ka dagaalamaysay qodobbadii dacwaddaha khuseeyey ee
xeerkani ku xusnaa xiligii uu baarlamanku ka dooddayey, ay ku wacad furtay
deddaaladii loo galay saxaafadda xorta ah oo markii xeerka la ansaxiyey ee la
yidhi xeer-hoosaad anshaxeed oo idin qabta keena ay la yimaadaan
xeer-hoosaadkani imika jira ee aanu ku jirin qodob qudha oo anshax-marin ah.
Waa meeshani halka ay wax ka xumaadeen. Dabadeed, waxaa timid in markasta oo
saxaafadda dacwad loo qabsado ay ku dooddo xeerka saxaafadda ha la raaco;
xeerkii saxaafadda iyo xeer-hoosaadkii anshaxa saxaafadda midkoodna ma xusayo
hal talaabo oo anshax-marin ah. Markaasi ayuu garsoorkuna isagoon u aabbo
yeelayn ku qaadaa xeerka ciqaabta.
Sannaddihii 2007-dii
iyo 2013-kii ayaa laysku dayey in xeerkani saxaafadda wax ka badel lagu sameeyo
oo la naax-naaxiyo. Haseyeeshee, labada jeerba saxaafaddu afka ayey gacanta
saartay iyagoo ku dooddey in wax ka badelada lagu sameynayo xeerka saxaafaddu
ay awooddo badan siinayaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo uu ku xayiri
karo, ku xidhi karo, kula wareegi karo wargeysyada iyo in dacwaddaha saxaafadda
khuseeya loo raacayo xeerka ciqaabta iyo qodobbo kale oo xusaya ciqaab oo ku
jiray wax ka badelka.[viii]
Wax ka badelkii Golaha
Wakiillada la hor keenay 4/11/2007, waxaa kelmad-kelmad[ix]
looga soo dheegtay Xeerka Saxaafadda ee Yemen (Xeer Lr. 25/1990), oo xiligaasi;
sannadihii 2005-ta ilaa 2007-da Yemen dhexdeeda deddaalo loogu jiray in la
badelo.
Xeerka
Ciqaabta
Xeerkani Ciqaabta ee
imika Somaliland lagaga shaqeeyaa waa xeerkii ciqaabta ee dawladdii
Soomaaliyeed ee burburtay. Waxaa xeerkani la qoray 1957-kii, markii uu
Talyaanigu xukumayey Soomaaliya. Waxaa qortay “Maxkamaddii Caddaaladda ee
Soomaaliya”. Waxaana laga soo dheegtay Xeerkii Ciqaabta ee Talyaanigu qortay
sannadkii 1930-kii, oo intii hore lagaga shaqayn jiray Soomaaliya. Markii uu
midowgii Soomaliya iyo Somaaliland dhacay ee la abbuuray Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed, ayuu Golahii Baarlamanka ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed soo
saaray Sharci Lr.05 oo soo baxay 30-kii Jeenawari 1962-kii. Sharcigani wuxuu
xukumadda awood u siiyey inay lix bilood gudahood ku soo diyaariso Xeerka
Ciqaabta, Xeerka Habka Ciqaabta, Xeerka Taraafikada Iyo Xeerka Nidaamka
Garsoorka. Kadibna guddi sharci-yaqaano ah oo loo saaray arrintani ayaa go’aamiyey
in la qaato Xeerkani Ciqaabta ee Soomaaliya lagaga shaqayn jiray, halka Xeerka
Habka Ciqaabtana laga dhigay kii Somaliland lagaga shaqayn jiray oo ahaa Xeerka
Habka Ciqaabta ee Hindiya ay qoratey 1860-kii. Waxaa Xeerkani Ciqaabta la
ansaxiyey Diisember 1962-kii, waxaanu dhaqan-galay 3dii Abril 1964-kii.
Xeerkani oo sidaynu
sheegnay ka soo jeeda Xeerka Ciqaabta Talyaaniga oo la qoray 1930-kii ayeynu
weli ku dhaqanaa. Runtii, waa xeer aan meelo kooban kala jaan-qaadi karayn
shareecada Islaamka iyo dastuurkeena ba. Inkastoo maxkamaddahu aanay ku dhaqmin
qodobbada badan oo si toos ah uga hor imanaya shareecada Islaamka iyo dhaqanka
bulshadeena. Haseyeeshee, waa xeerka aynu ku dhaqano ee dalkeena dhaqan-galka
ka ah.
Qodobka 130(5) ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jidaynaya in Somaliland lagaga dhaqmayo xeerarkii
hore loogaga dhaqmi jiray xiligii Dawladdii Soomaaliyeed. Haseyeeshee, wuxuu
qodobku ku xidhayaa shuruudo iyo muddo lagu dhaqmi karo oo ah in aanu xeerku ka
hor-imanayn:
1) Shareecadda
Islaamka.
2) Xuquuqda
qofka iyo xoriyaadka aasaasiga ah.
3) Inta
laga soo saarayo xeerar waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
4) Waxaana
lagu horkeenayaa xeer walba ugu yaraan muddada uu xaddido Gollaha Wakiilladu.
Dhammaan shuruuddahani
way qabanayaan Xeerkani Ciqaabta; waa marka kowaade, Xeerkani Ciqaabtu wuxuu
meelo badan kahor imanayaa Shareecadda Islaamka. Markaa waxay ahayd in aan lagu
dhaqmin, laakiin markii la waayey xeer kale oo xiligaasi jira, waxaa lays tusay
in inta aan waafaqsanayn Shareecadda Islaamka aan lagu dhaqmin, macquulna maaha
oo haddii ay maxkamaddu ku dhaqanto qodob si toos ah uga hor imanaya Shareecadda
Islaamka waxaa xukunkaasi lagu jebinayaa Maxkamadda Rafcaanka ama Maxkamadda
Sare.
Waa marka labaade, xeerkani
lama jaan-qaadi karo aragtiyahani casriga ah ee xuquuqaha aadamaha iyo
xoriyaadka aasaasiga ah. Xeerkani qoritaankiisii waxaa ka soo wareegtay qarni
ku dhowaad. Talyaaniga oo sameystay ayaa waxyaabo badan ka badelay, tusaale
ahaan Talyaanigu xukunka qisaasta wuxuu ku badeshay 21 sanno oo xadhiga ah. Arrimaha
khuseeya ka ganacsiga jidhka (dhileysiga) xeer gaar ah ayuu u sameystayba.
Arrimaha khuseeya kutiri-kuteenka (Propaganda) oo aynu innagu u cuskano Qodobka
215 ee xeerkani laguna qaado qofkasta oo wax dhaliila ama warbaahinta wax ka
sheega, Talyaanigu waabu laalay oo wuxuu yidhi wuxuu ka horimanayaa xuquuqaha
Dastuuriga ah[x].
Xeerka Ciqaabta ee Talyaanigu wuxuu maanta gaadhsiisan yahay heer uu Garsoorahu
amri karo in maxbuuska xabsiga ku xidhan loo fasaxo inuu shaqaysto. Xeerkani
waxyaabo badan oo uu ku ilaalinayo Saraakiisha Dawladda ayaan la jaan-qaadi
karayn xuquuqaha muwaadiniinta ee Dastuurka ku xusan[xi].
Waa marka saddexaade,
Xeerkani Ciqaabtu wuxuu dhaqan-gal ahaanayaa inta uu baarlamaanka Somaliland
soo saarayo xeer ciqaabeed Dastuurka waafaqsan. Arrimaha xeerkani ku qoran ee
ay baarlamaanka Somaliland ka soo saareen xeerar gaar ah laguma dabaqi karo
xeerkani oo qodobkani dastuuriga ah ayaa diiddaya. Qodobka 13aad ee Xeerkani
Ciqaabtuna wuxuu dhigayaa in arrimaha ku wada xusan xeerkani iyo xeer gaar u ah
uu ku sareynayo xeerka gaarka ah sababtoo ah Xeerka Ciqaabtu waa sharci guud
ahaaneed, halka xeerka gaar ahina uu u khaas yahay arrimo gaar ah. Tusaale
ahaan, Xeerka Mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 wuxuu u khaas yahay arrimaha
mukhaadaraadka iyo maan-dooriyaha, waxaanu laalayaa qodobbo ku jira Xeerka
Ciqaabta oo khuseeya mukhaadaraadka iyo sakhrada, isaga ayaana uga mudan arrin
kasta oo khusaysa mukhaadaraadka. Waxaa la mid ah Xeerka Nabad-geliyada iyo
Xeerkani Saxaafadda ee aynu imika hadal hayno.
Xeerkani ciqaabtu
wuxuu qabanayaa qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ah. Weriyeyaasha iyo
dadka saxaafadda ka hawl-galaana dadka ay la mid yihiin. Qofka saxaafadda ka hawl-galaa
dembiga uu galo isagoon hawlaha saxaafadda gacanta kula jirin waxaa loo
raacayaa Xeerka Ciqaabta. Waxaynu badanaa isku xidhnaa qofka iyo mihnadiisa.
Qofku inta uu hawlaha mihnadiisa hayo wuxuu leeyahay xuquuqda iyo waajibaad ay
mihnaddaasi siinayso. Haseyeeshee, mar kasta qofka lalama xidhiidhin karo
mihnaddiisa, waxaanu sharciga kala siman yahay muwaadiniinta caadiga ah. Markaa
horta waxaa muhiim ah in aad loo tixgaliyo marka uu weriyahu iskii
fal-dembiyeed u galo iyo marka uu sharciga ku gefo isagoo ku gudo jira hawlaha
saxaafadda. Sharci ahaan, arrintani muhiimad gaar ah ayey leedahay, waxaase
laga yaabaa saxaafadda iyo dadweynahuba in aanay fahamsanayn.
Sida ku xusan Xeerka
Saxaafadda, xeer kasta, sharci kasta, amar kasta iyo qodob kastaba waxaa
arrimaha saxaafadda uga mudan Xeerka Saxaafadda. Sidaas darteed, markay
arrimaha saxaafadda noqoto Xeerka Ciqaabta waxaa ka mudan Xeerka Saxaafadda.
Runtii, dhibaatada
imika taagani waxay ka dhalatay in saxaafaddu ay soo dhoob-dhoobatay
xeer-hoosaad bilaa anshax-marin ah. Waxaana la qaldamay markii la yidhi idinku
xeer-hoosaad soo sameysta. Dabcan, iyaga ayey tahay inuu xeer-hoosaadku ka
yimaado, laakiin waxay ahayd inay xeer-hoosaadka sameyso Guddi Qaran (National Media
Council) la aasaasi karayey oo la xisaabtan leh. Saxaafadduna may muujin
waddaniyad iyo rabitaan ay u qabaan in ay jiraan wax dabar u noqda. Haddii
xeer-hoosaadkooga uu ku dhignaan lahaa nidaam anshax-marineed oo la raaci karo,
waxaa la dabaqi lahaa Qodobka 10(6) Xeerka saxaafadda oo waxaa la raaci lahaa
xeer-hoosaadka. Imika se dhibtu waxay tahay xeer-hoosaadkii uu Xeerka
Saxaafaddu dhigayey in lagu dhaqmo ma dhigayo wax anshax-marin ah, Xeerkii
Ciqaabtuna wuxuu ku jiraa xeerarka uu burinayo Xeerka Saxaafaddu.
Dacwaddaha
Saxaafadda
Waxaa badanaa
saxaafadda lagu eeddeeyaa qodobbada Xeerka Ciqaabta, waxaana lagu sababeeyaa in
Xeerka Saxaafaddu aanu dhigayn ciqaab iyo anshax-marin toona. Saxaafadduna
waxay ku dooddaa in dacwaddahooga loo raaco Xeerka Saxaafadda iyo
xeer-hoosaadkooga. Sida imika dhacdaa waxay u dhigan tahay in weriyuhu marka uu
saxaafadda hawlaheega ku jiro iyo marka aanu ku jirin ba uu Xeerka Ciqaabtu
isku si u qabanayo.
Waxaa muhiima in la
fahmo in Xeerka Saxaafaddu uu yahay xeerka u gaarka saxaafadda uguna mudan
markay noqoto arrimaha saxaafadda. Xeerka saxaafadda meelna kagama xusno
fal-dembiyeedka uu suxufigu galo waxaa loo raacayaa Xeerka Ciqaabta.
Haseyeeshee, waxaaba ku xusan in saxaafadda ku xad-gudubta faqraddaha qodobka
10aad ee Xeerka Saxaafadda (xaqiijinta wax soo saar run ah, ilaalinta sirta
ciidamada, faafinta muuqaalo anshax-xumo ah iyo ceebaynta ku dhaqanka diinta
islaamka IWM) loo raacayo anshax-marinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa
saxaafadda iyo xeerarka madaniga ah ee dalka ee falkoodu khuseeyo.
Waa muhiima in
Maxkamaddaha hoose ay ku xisaabtamaan Qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland ee khuseeya xuquuqaha aadamaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah.
Maxkamadduhu waa in aanay il-duufin nuxurka Qodobka 32aad faqraddiisa 3aad ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaaliland oo u dhigan sidani:
“Saxaafadda iyo
warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi-
dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo
kasta oo lagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya”
Maxkamaddaha hoose
marka dacwad kasta la horkeeno, gaar ahaan kuwa khuseeya saxaafadda, waa inay ku
dhaqmaan talaabooyinkani hoos ku xusan:
1.
Waa inay tixgelinta siyaan oo hubiyaan
in dacwaddu aanay waxba u dhimayn xuquuqaha qofka iyo xorriyaadka aasaasiga ah
ee Dastuurku uu ilaashay.
2.
Waa inay Maxkamaddu hubisaa xeerka
Suxufiga lagu eeddaynayaa ma buuxiyey shuruuddaha ku cad Qodobka 130(5) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland? Ma xeer kale oo ka mudan baa jira. Maaha in
Xeer-ilaalinta iyo Xukumaddu ay doortaan xeerka iyo qodobka qofka qabanaya?
3.
Waa inay Maxkamaddu ku dhaqantaa
Qodobka 21aad ee Dastuurka oo ay hubisaa in aan wax loo dhimayn xuquuqaha iyo
xoriyaadka uu Dastuurku dhigayo si waafaqsan bayaannada xuquuqaha aadamaha iyo xeerarka
caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.
4.
Haddii ay maxkamaddu u aragto in xeerka
lagu eeddaynayo qofku aanu waafaqsanayn ama ka hor-imanayo Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland ama aanu buuxinayn shuruuddaha ku cad Qodobka 130(5)
ee Dastuurka, waa in iyadoo dabaqaysa Qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka
Garsoorka dacwadda u gudbisaa Maxkamadda Dastuuriga ah si ay go’aan uga soo
saarto.
Dacwaddaha saxaafadda
khuseeya waxaa sidoo kale muhiima in lagu xisaabtamo in qofka saxaafadda ka
hawl-galaa uu kaalin muhiima bulshada kaga jiro. Saddexda waaxood ee Qaranka,
waxaa afar lagaga dhigaa warbaahinta sababtoo ah waxay ku hadashaa afka
dadweynaha (saaxafaddu maaha meherad ganacsi iyo wax uu qof ku adeegto),
waxaana loo baahan yahay in saxaafadda danta guud ka hadlaysa la taageero, ta
ummadda hadimaynaysana si sharci ah wax looga qabto.
Muranka dacwaddu marka
uu yahay saxaafad wax ka qortay sarkaal qaran, waa in mudnaanta kowaad la
siiyaa madax-bannaanida saxaafadda waayo shaqada saxaafadda waxaa ugu muhiimsan
inay la socoto shaqada dawladda kana hadasho wixii khaldan iyo wax kasta oo
danta qaranka dhibaataynaya. Saxaafaddu waxay ka faalloon kartaa talaabo kasta
oo ay hay’addaha xukumaddu ku kacaan. Haddii sarkaalka ama hay’adda dawladda ee
wax laga qoray uu soo dacwoodo, waxaa wanaagsan in dacwad madani ah lagu
dacweeyo saxaafadda. Waxaanay wadamada caalamka badankoogu isku raaceen in
eeddaymaha ciqaabta ah ee khuseeyaa cayda ama sumcad-dilista dadka xilka hayaa
ay dhiiiri-gelinayso in saxaafadda la cabadhiyo oo cid kasta oo wax laga qoraa
ay sheeganayso in la caayey ama sumcad-dilis lagu sameeyey. Arrimahani waxaa
qurux badan in aan dacwaddo ciqaaba laga furin. Sharafta qofka masuulka ah waxaa
lagu ilaalin karaa dacwad madani ah ama anshax-marin. Kadibna, haddii
saxaafadda lagu helo waxaa lagu xukumi karaa ganaax badan. Kaasi oo aan waxba
yeelayn xorriyaddii saxaafadda isla markaana culays saaraya saxaafadda gefka ku
kacda.
Mida kale ee muhiimka
ahi waxay tahay Qodobbada Xeerka Ciqaabta oo si kala duwan u saameeya
xorriyadda saxaafadda. Tusaale ahaan, haddii saxaafadda lagu eeddeeyo qodobbada
451 iyo 452 Xeerka Ciqaabta oo ah cayda iyo sumcad-dilista, saxaafadda waxaa u
bannaan in iyadoo adeegsanaysa Qodobka 453 ay soo bandhigto in warka ay
sheegtay uu run ahaa. Haseyeeshee, Qodobbada ay kamid yihiin 268, 269 iyo 270
oo ah cayda Sarkaalka Dawladdeed, Waaxyaha Qaranka iyo Garsooraha oo badanaa
lagu eeddeeyo saxaafaddeenu waxay gef ku yihiin xorriyadda saxaafadda sababtoo
ah saxaafaddu ma helayso qodob kale oo ay isku difaacdo sida qodobka 453 oo
kale oo ay caddeynayso in wixii ay sheegtay ay run ahaayeen, oo qodobbadani
marka la joogo layskuma difaaci karo. Tusaale ahaan, haddii ay saxaafaddu
sheegto in Sarkaal, xafiis dawladdeed ama Garsoore uu laaluush qaatey, kadibna
ciddii warkani laga sheegay ay dacwooto oo dabadeed saxaafaddii lagu eeddeeyo
qodobbadani midkood. Miyaanu xaqu ahayn in saxaafaddu ay isku difaaci karto
caddeynta waxa ay qortay. Bal ka waran haddii ay caddeynayso in Sarkaalkaasi,
Xafiiskaasi Dawladdeed ama Garsoorahaasi uu laaluush qaatey? Kee baa dambiile
ah saxaafadda mise Sarkaalka? Saxaafaddu sida dadka ma caytanto oo kelmadaha ay
dadku isku caayaan ma adeegsato laakiin ficil ama fal ayey wax ku sifaysaa.
Taasina waxaa ku filan in madani ahaan caddeynteeda laga dalbo oo haddii laga
waayo mag-dhow looga qaado ciddii sumcadda laga dilay, laguna qasbo inay
raali-gelin ku soo saarto warbaahinta. Tani faa’iiddada ay leedahay waxa weeyi
in saxaafaddii khaldantay magdhow laga qaaday, isla iyadii lagu xukumay inay
warkii beeniso, cidii ay ku khaldantayna ay sumcaddeedii kordhayso. Waxaa
hubaala saxaafadda sidaasi loola dhaqmaa in aanay mar dambe ku dhiirranayn in
gefkaasi ku kacdo.
Garyaqaan Sare
Ibraahim Xaashi Jaamac ayaa qoraal uu qoray sannadkii 2007-dii ku sheegay in
Qodobka 220 ee Xeerka Ciqaabta oo dhawr jeer saxaafaddeena lagu xukumay uu
khilaafsan yahay ‘dastuurkeena iyo nidaamka Madaxweynaha ee aynu qaadanay’.
Qodobkani wuxuu dembi ka dhigayaa in meel fagaare ah Madaxweynaha sharaftiisa
iyo sumcaddiisa meel loogaga dhaco ama dusha laga saaro eeddaymaha ama
masuuliyadda talaabooyinka xukumadda. Annigu waan ku raacsanahay fikirkani
sababtoo ah Dawladdii Soomaaliyeed waxay lahayd Madaxweynaha oo ahaa
‘Hoggaamiyaha Qaranka’ iyo Raysal-wasaaraha oo ahaa ‘Hoggaamiyaha Xukumadda’[xii].
Jamhuuriyadda Somaliland se waxay leedahay Madaxweyne qudha oo sida ku xusan
Qodobka 90aad ee Dastuurka isku ah hoggaamiyaha Qaranka iyo Xukumaddaba.
Farqiga u dhaxeeyaa wuxuu noqonayaa Madaxweynaha uu Xeerka Ciqaabta ka hadlayaa
waa hoggaanka qaranka oo dusha looma saari karo eeddaymaha xukumadda sababtoo
ah Raysal-wasaaraha ayaa xukumadda hoggaamiya isaga ayaana lagala xisaabtamaa.
Laakiin, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga ayaa ah hoggaamiyaha
Qaranka iyo Xukumaddaba sidaas darteed xaq baa loogu leeyahay in dusha loo
saaro eeddaymaha xukumadda iyo talaabo kasta oo ay xukumaddu qaado. Haddii kale
qodobkani wuxuu qaban lahaa mucaaridku markay eeddaymaha u soo jeedinayaan
Madaxweynaha.
Ugu dambeyn, Xeerka
Ciqaabtu wuxuu meel ka dhac ku yahay xoriyadda saxaafadda iyo fikirka xorta ah.
Waxaana wanaagsan in aan loo adeegsan dacwaddaha saxaafada khuseeya. Dacwaddaha
saxaafadda loo haysto waxaa lagu dhaqmi karaa xeerarka madaniga ama
xeer-hoosaadka anshax-marineed oo xoogan.
Soo Jeedimooyin
Si
ay iskugu dheeli-tirnaadaan xorriyadda iyo anshaxa saxaafaddu, loona helo
saxaafad madax-bannaan oo xor ah isla markaana aan sharciga ka talaabsanayn,
waxaan soo jeedinayaan in la fuliyo arrimahani soo socda:
1.
In la sameeyo Xeer madani ah oo
khuseeya dacwaddaha saxaafadda isla markaana la xoojiyo xeer-hoosaadka anshaxa
saxaafadda oo lagu daro qodobbo anshax-marin ah.
2.
In wax ka badel lagu sameeyo Xeerka
Saxaafadda oo lagu abbuuro Golaha Qaranka ee Saxaafadda (National Media
Council) oo ka kooban dhawr xubnood oo hay’addaha kala duwan ee saxaafadda,
dhawr xubnood oo suxifiyiin madax-bannaan ah, dhawr xubnood Goleyaasha
Baarlamanka ah, Agaasime Waxaadyada Wasaaradda Warfaafinta iyo xubin Garyaqaan
ah.
3.
In Xeerka Saxaafadda laga dhigo Xeerka
Saxaafadda Qoraalka ah oo keliya, warbaahinta kale ee Telefishanada iyo
Raadyahana loo sameeyo xeerar gaar ah.
4.
In wax ka badel lagu sameeyo Xeerka
Ciqaabta iyo Xeerka Madaniga sida ugu dhakhso badan uguna macquulsan (23 Sanno
ayey Xeerarka Soomaaliya Maxkamaddaheenu ku shaqeeyaan) baarlamanka ayey
hawshani u taalaa oo ay waajibaadkiisa tahay.
5.
In la sameeyo xeer-hoosaadkii
Maxkamadda Dastuuriga ah, si loo helo nidaam loo bilaabi karo dacwaddaha
Dastuuriga ah.
Qalinkii: Cabdishakuur
Cali Muxumed (Good Lawyer)
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco, Somalil
[ii] SOMALILAND FORUM: WARQAD
FURAN OO KU SAABSAN XEERKA SAXAAFADDA (oo la diray July 2003) ka akhri
halkani http://somalilandlaw.com/SF_Second_Submission_on_Press_Law_Somali_Jan_04.htm
[iii] Sida ku cad halkani mareegta
macluumaadka ee Internet-ka http://en.wikipedia.org/wiki/Media_in_Ethiopia
[v] Eeg lambarka 2aad.
[vi] Qodobka 2aad ee Xeerka
Saxaafadda (Xeer Lr. 27/2004)
[vii] FAALLO KU SAABSAN XEERKA
SAXAAFADDA EE HADDA LA ANSAXIYEY, Somaliland Forum, 9 Feberweri 2004. Ka
akhri halkani http://somalilandlaw.com/SF_Third_Submission_on_Press_Law_Somali.htm
[viii] Editors Condemnation of the
2007 bill, War-saxaafaddeedkii Tifaftirayaasha ee 11/11/2007. Halkani ka
akhri http://somalilandlaw.com/press___media__law.htm#MediaBill
[ix] Ibraahim Hashi Jama, “Somaliland
Media and Press Law” oo aan ka akhriyey 24kii Abriil 2014-ka halkani http://somalilandlaw.com/press___media__law.htm#MediaBill
[x] Martin R. Ganzglass, “The
Penal Code of the Somali Democratic Republic with Cases, Commentary and Examples”,
Rutgers Press University, 1971.
[xi] Ibrahim Hashi Jama, “Somali
Criminal Laws: the Penal Code and other Criminal Laws” oo aan ka akhriyey 25ka, Abriil, 2014-ka
halkani http://somalilandlaw.com/criminal_law.html
[xii] Ibrahim Hashi Jama, “Using
Insult Laws is an insult to Somaliland Media and Public – The Detention and
Trial of Haatuf Journalist”
1/10/2007. www.somalilandlaw.com
No comments:
Post a Comment