Pages

Sunday, November 29, 2015

Saaxiibadaydii Xabsiga - W/Q. Garyaqaan Guleed Axmed Dafac

Waayaha nolosha iyo geedigeedu maalinba meel buu kugu tuuraa. Mar ba dad baad la rafiiq tahay oo aad wax wadaagtaan. Isku dhowaanshaha iyo saaxiibtinamada waqtigu keeno ee aan kala doorashada lahaynina way ka wayn tahay kuwa kale oo dhan.  

Garyaqaan Guuleed Axned Jaamac
Ma ilaawo, maankayga na kama bixin asxaabtii xabsiga. Sagaal iyo toban maalmood oo aan xidhaa, todoba iyo toban ka mid ah waxaan la xidhnaa asxaab kala duwan oo kala da’ ah. Aniga marka la iga reebo way xukunaayeen. Asxaabta aan ka hadlayaa maaha kuwii ku jiray xabsiga oo dhane waa sagaal qof oo igula jiray qolkii yaraa ee aan ku qaatay saacado badan. Waxbaan wada cunnay, sheekaan wadaagnay, laandhuu ama shax baanu wada cayaarnay, kaftan iyo haasaawe ayaanu is waydaarsanay. Waa isku dhowaansho cajiib ah waayo waa hal qol oo dhawr mitir isku jira meesha aan ku wada jirnay 22 saacadood maalin walba. Laba saacadood oo qoraxda loo baxo markaaad ka reebto.

Ma ilaawo odaygii hadalka wanaagsanaaa. Hal hays waxa u ahayd oo uu mar walba odhan jiray diintaa macaan, Nebigaa nuur leh. Dadkii xabsigu waxay naanays uga dhigeen Nebigaa nuur leh. Nin cibaado badan buu ahaa. Ma ilaawo ninkii maxaabiista qaybta aan ku jirnay (block C) madaxda u ahaa; nin gadh wayn oo qosol badan, sheeko badan oo kaftan badan. Ma cadhoodo dacaayadda dadka na ma joojiyo. Waa xariif oo si fiican buu xabsiga uga war hayaa. Shan Sanadood baa lagu xukumay oo inteeda badan wuu qaatay. Mase aha markii u horsay ee uu soo galo xabsiga. Waxa yaab ahayd sida uu u yiqiin Quraanka. Korkuu ka hayay in badan oo ka mid ah. Tafsiirkana wuu yiqiin. Waxaan xusuustaa habeen uu dusha nooga wada tafsiiray Suuratal Yuusuf. Wuxuu aad ugu tuun tuunsaday asxaabul sijni (ileyn anagaa ahayne).

Ma ilaawo ninkii madaadalada. Majaajileeste dhalad ah buu ahaa. Aad buu dadka ugu qoslin jiray. Maxaa lagugu soo xidhay markaad tidhaahdo wuxuu ku jawaabi jiray “lacagtaydaa ii soo xidhay”. Haduu fanka ku biiro waxaan filayaa inuu suuqa ka saari lahaa Sooraan iyo Jawaan.  
Ma ilaawo labadii saaxiib ee dhalinyaradda ahaa. Mid baa se aad iigu sawiran. Si uu waqtiga isu dhaafiyo wuxuu isku mashquulin jiray inuu ka shaqeeyo xabsiga. Nin xoog wayn oo da’ yar buu ahaa.

Haseyeshee, marka aan xabsiga xusuusto hal nin baan ka werweraa oo maskaxdayda ku abuura walaac. Anigaa isku canaanta oo waxaan is idhaahdaa wax ma u qabatay. Waa 62 jir gadh dheer oo cas leh. Waa ehlu cibaado oo marna wuu tukanayaa marna Quraan buu akhristaa. Imaamka qolkuu ahaa. Qof walba salaadda ayuu u kicin jiray. Ma ogola inuu qolka ku jiro qof aan tukan. Sheekadiisu waa xikmad iyo waayo uu soo maray.

Waa ninka keliya ee markii aan xabsiga ka soo baxay aan baadhay kiiskiisa. Waxaan doontay xukunadii iyo dhokumentiyadii maxkamadaha. Cali Salaad waa reer Xingalool (bariga Sanaag). Mudo dheer buu ku noolaa Hargeysa. Balse Somaliland, Hargeysa iyo caddalaadu ba way dulmeen. Dulmiga ku dhacay waxaan Ilaahay ka baryaa inaanu ku qaadin oo dusha ka saarin dadka intiisa kale. Quraan ruugga, cibaadada miidhan ah ee gardarada lagu haysto inaan Ilaahay inoogu cadhoon baan ka baryaa.

Cali gar Islaan iyo mid kale tooni dusha kama saarto waxa lagu haysto. Ilaahay baa Quraankiisa ku yidhi qofna qof kale dembgiiisa ma qaado. Dembi cid kale loo haysto oo la isla ogol yahay in cid kale loo haysto ayaa isaga la saaray. Kaas buu u xidhan yahay. Weliba wuxuu xidhnaan doonaa mudo aan cayinayn.

Cidda haystaa waa cid magac iyo sharaf badan leh. Waa cid ixtiraam bulshada ku leh. Waa cid la qadariyo. Sidaasdarteed, way adag tahay in laga horyimaado. Dabinno iyo xadhko isku xidhan buu galay.

Cali waxa lagu haystaa in nin uu dhalay lacag ka dhacay niman ajnabi ah oo uu kaga dhacay dal kale. Inankiisu waa 40 jir. Waaba is leeg yihiin. Waa nool yahay oo waa xay xooggiisa iyo laxaadkiisa qaba. Halka uu joogana waa la yaqaan. Laguma haysto Cali inuu dhaca la sheegay qayb ka ahaa iyo inuu hantida waxa ka helay toona. Hadana waxa lagu xukumay sadex sano oo xadhig ah iyo kala badh lacagtii loo haystay inankiisa. Lacagtu mid yar maaha. Waa 5, 00 000 Doolar.

Cali doodiisu waa cadahay. “Diinta Islaamku ima saarin waxa ninkaas qaan gaadhka ahi qabo, waaba hadii uu qabo ileyn kama doodin oo maxkamad lama keenine. Sharciga Somaliland iyo ka aduunkuna ima saarin. Maxaa la igu haystaa?”

Waxa loo haystaa cudhaadh. Waxa la haysanayaa Cali inta inankiisii imanayo oo bixinayo lacagta aanu iska difaacin ee marag iyo cadayn la horkeenay aanay dusha ka saarin.  

Wuxuu ku xidhan yahay xabsi laga yaabo inaad maalin walba adoo qoslaya iska hor martid. Balse isagu murugo ayuu ugu xidhan yahay. Xabsi uu tirsanayo ma jiro oo ma yaqaan intuu xidhnaanayo waayo dhaqanka qalafsan ee qayrul sharciga ah ee Somaliland ka jira ayaa ah in qofka la haysto inta uu bixinayo waxa loo haysto. Si cad buu u mamnuucay xeerka caalamiga ahi in qof lacag loo xidho. Waxa la yidhaahdaa adoonsiga daynta (debt servitude). Quruumihii hore ayaa dadka xabsiga ku hayn jiray inta laga bixinayo lacagta ama daynlaha ayaa yeelan jiray oo adoon ka dhigan jiray.

Waxaaan hubaa in Cali Salaad uu jeclaan lahaa in dadka reer Somaliland ee dareenka wadaniyadeed, Muslinimo iyo banii aadantimo lihi ay u hadlaan. Qasab maaha inaad ku qanacdo hadalkayga, baadhitaan shaqsi ah samee waayo qoraalada maxkamaduhu waa wax la heli karo. Kadib waad la tashan kartaa qareeno iyo culimo si aad u eegtid in waxa Cali lagu haystaa ay tahay gar.

 Khayr baan u rajaynayaa saaxiibadayda xabsiga ee ku jira qolka cidhiidhiga ah ee ay mamnuuca ka tahay buugga, qalinka iyo wax kasta oo la akhriyaa ee hadana isk faraxsan ee iska sheekaysta.


Guleid Ahmed Jama


Wednesday, November 18, 2015

Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka - W/Q. Yuusuf Garaad Cumar


 Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay.  Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in aan wax ka qoro Cawke aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa…

Xaqiiqadu  waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyay.

Axmed waxaan isku barannay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.

Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya. 

Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.

Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.

Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.

Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.
Raadiye iyo Telefishin
Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo biyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon, suurta galna noqon kara in laga yeelo.

Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo Telefishin waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka la soo saarayo - war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.

Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr maalmood ama ka badan ay koox dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeystaha iyo daawadaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.

Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.

Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.

Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.

Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.

Hibo Allah

Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.

Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.

Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.

Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.

Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaaliga. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.

Dabeecad-wanaag
Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.

Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).

Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.

Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.

Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.

Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.

Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.
Muqdisho
Dad badan ayaa shalay iyo xalay iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu raaciyay.

Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.

Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay Facebook. In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794  waxaana share gareeyay 432.

Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuurka la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.

Yuusuf Garaad Cumar

Muqdisho, Somaaliya

Tuesday, October 13, 2015

Gudcur aan Caddo ba Jirin: Siyaasiga Maanta W/Q. Xasan Cabdi Shire

“Hadduu gaar u maamulo qof waa geel nin leeyahaye
In kastoo gantaal iyo wed iyo gawrac lagu hooyo
Meel loo gunraaciyo haddaan gogoldhig loo yeelin
Mar haddaan garaad loo lahayn way iska gubataaye
Geedkeed be waa sixir haddaan garasho liilayne
Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo waa laf guri taalle”
                                      Abwaan Hadraawi

Xasan Cabdi Shire
Hal abuurka riwaayahada cusub ee reer Burco Sooraan & Jawaan ayaa inta badan ka metela riwaayado cusub oo la jaanqaadi kara hadba duruufta taagan ee bulsho. Waxaay meteleen riwaayad aan ku bartay Kartida iyo hal-abuurnimada Raggaas, riwaayadaas waa mid laga metelay xisbiyada siyaasadda Somaalilaan oo la magac baxday Xisbul Barri Wal-baxri, riwaayadaas waxaan ka fa’iideey waxyaabo baan oo aan qiil u waayay, tasoo i tustay inaanay jirin kawaan siyaasiyiinta dadkeenu lagu cabiraaa & dadka oo u heelan hadba ciddii hor timaada oo ka dhiga siyaasiyiinta saylad oo kale. Qoraalkaaygani uma jeedo cid gaar ah, umana socdo dad & dal gaar ah, waxaanse u socdaa magaca siyaasiga ah oo ah kelmad xirfadeed dadka oo dhan ka dhexeeysa wana kelmad u gaar ah mujtamacu/bulsho wada leeyihiin.

Aan usee nqodo dulucda qoraalkaayga yaanan ku talax tagin fasirka riwaayadaas & hordhacayga. Dunida aan ku noolnahay waxaa bulshooyinka loo kala saaraa dhinacyo kala duwan oo shaqo: qof waa aqooyahanka bulshada u qabta arimo badan oo aay ka midyihiin horumarka, toosinta, hagista tubta toosan, aqooyahan waa inuu ka madax banaan yihiin halista bulshadiisu ku nool yihiin, sida Somaaliada oo halistooda koowaad ugu jirto qabyaalad. ‘beryahan waxan arkaa dad ku dhawaaqaya hadaanu nahay wax-yaqaanka & wax-garadka reer hebel. Wax-yaqaan & reer hebel labadaasi is-magalaan Xoolahadoona kob ma wada daaqaan’.

Qofkale, waa ganacsade bulshada kusoo kordhiyaa dhaqaale, shaqaalaysiin, kaabis badh ka mid ah nolosha tabaaladeeda. Ganacsade waa qof xor u ah ganacsigiisa, haddana dhaqaalaha & dakhligu waxa uu kasoo galaa bulshada oo dhan, hadaad meherad wax ka iibsanayso kuma eegtid ama uma doorbidid iibkaaga waa qoloma, su’aashu waxa weeyaan maxaa ganacsade u doorbida marka qof la shaqaalaysiinayo in loo eegaa Qolodiisa/Reerkiisa? Ogoow qofkasta waxa uu wax kaaga iibsada waa tayada waxaad hayso ama iibinaayso, adiguna waxaad u baahan tahay Inaad qofka ku shaqalaaysiiso tayada uu leeyahay.

Qofkale waa Siyaasi loogu talo galay, ama isugu talo galay inuu umadda ku hago waddada wanaagsan & hanka ku jira dadka uu metelo dal ahaan & dad ahaanba ee ku nool wadanka uu kasoo jeedo, waxaana looga baahan yahay inuu ka tago ama ka tanaasulo guud ahaan ba wixii dantiisa ah, una adeego wax ka dhexeeya dadka oo dhan. Waxaana caado u ah siyaasiga qeexan waa inaad dad u dhexeeyso si looga baxo kala qaaybsanaanta sababeen dhibaatooyin badan oo dunida ka jira & qaar u gaar ah wadamada qaarkood. Siyaasi waa xirfad hogaamineed, maaha benaale ama hogaamiye xoolo umadeed dhaca marka lagu aamino hogaanka ama loo aqoonsado siyaasi. Arinku sidaas waa ka soo horjeeda waa hogaamiye nololeed, dhaqan, horumar, kana caagan inuu bulshadiisa been u sheego kuna hago god madoow & daluun dheer.

Asalka kelmada Siyaasadda (Politics) & Nuxurka Wixii loo Yaqaanay
Siyaasaddu waa kelmad Carbeed, wadamada reer Galbeedkuna u barteen markii dambe inaay ku dabaqaan luuqadooda cusub oo ka tusaale ahaan aay ka mid tahay kelmadda ah (Political). waxaana loo yaqaan mid ka mid ah xirfadaha hogaaiminta ku jirta, looma yaqaan oo kali ah inaad wadan hogaamiso, ee waa cidkasta oo xirfad wanaagsan oo ku hagta bulshadaas tubta toosan la timaaada iyagoo hasyta qorshe cad oo la arki karo, tubtaas oo ka kooban dhinacyo badan oo kala duwan oo meel laaysugu keeno si loo helo in dad kala duwan qorshayaas u hagaan, lana hirgaliyo hanaan laaysku dabooli karo, siyasigu waxa uu ilaalinaya ama raacayana qorshayaal dan-weeyne oo wax ku ool ah, dhinacyada dhaqanka & nolosha kale. Mararka qaarkood waxaa dadka laays ku khaldaa kelamada siyaasadda & kelmado kale oo aay ka mid yihiin u doodo xuquuq dadka, ilaaliye dan guud, u adeege bulsho, dan jire, dal jire, dhamaan tood maaha siyaasi ee waa qaaybo ka mid ah shaqooyinka hoos yimaada siyaasaga loona baahay in siyaasiga la socda dhamaantood arimahaas ka imanayaa, waxaan kusoo koobi lahaa mararkaan Afsomaligeena hibadiisa raacno waa Hage, Bare, Hanuuniyo, Hogaamiye, Hiddo dhoowr, dhamaan astaamahan aan so qaadanay ma jirto mid hal shaqo oo kali ah qabata hadaad se u fiirsato midkasta waxaay xambaarsan tahay in ka badan toban shaqo.

Qeexista Dunidu Dambe ee Hogaamiye Siyaasi ah
waxaa Dunidu laaysku raacay inuu yahay qofka ku guuleetsya hadba marxaladda taagan ee bulshadu baahi u qabto, tusaale ahaan hadii koboc dhaqaale loo baahan yahay waa in la helaa dhaqaale yahan la jaanqaadi kari daboolista & cidhib tirkaa ku socdaa dhaqaale xumida dalka, haddii nabad loo baahan yahay na wa in la helaa Siyaasi xogo-gaal u ah nabadda ugu yaraan ku soo guuleeystay dhoowr arimood oo geedi nabdadeed ah, intaasiba waxaay ka saaraysaa fikirkuu aad siyaasi u taqaanay hadal yaqaan ah ama afmiishaarnimo. Wax markale siyaasiga lagu qeexaa inuu la qabsan karo degaanka uu xukumaayo. Aan eegno qaar kamid ah astaamaha siyaasiga looga baahan yahay ka hor intaaynaan Siyaasigeena dalka jooga aan raad-raac ku sameeyn.

1. La qabsasho Isbedelada dhacaaya (Adaptation)
Siyaasiga waxaa laga rabaa inuu la jaanqaado isbedelada dhacaayaa una leeyahay isku filaanshiyo & u adkeeysi dabeecadaha kala duwan, sidoo kale la jaan qaadi karaa horuamrka & hogaanka wanaagsan ee dunida ka soo jiray.


2. Hadaf Fuli kara inuu leeyahay Siyaasigu (Goal Atainment).
Siyaasigu waa inuu u barbaarsan yahay hadaf fuli karaa oo la dareemi karo sida uu fulaayo, waa inuu la yimaada qorshayaal aay ku qeexan yihiin sidii uu qaban lahaa, halka dakhligu kasoo galaayo, cidda fulin doontaa & aqoonteeda.


3. Dhex galka Bulshooyinka Kala Duwan (Integration) ama Qabiilada Kala duwan.
Siyaasigu, sida lagu yaqaan waa inuu ka dhisanyahay wadankiisa oo sharaf wax ku ool ku leeyahay ahmiyadiisuna tahay inuu hirgaliyo isku duubnaan kala dambaayn, badhaaho & barwaaqo lagu noolaado, waa inuu sitaa afkaar toos ah oo aanay ku dheehnaayn duluc eex, ama daadafo xaq cidi leedahay.


4. Siyaasi Cabir Wanaagsan (Forecaster).
Wa in uu jiraa qof cabiri karaa humaaga dunida ee sida hadhka guur-guurka badan, hadbana la jaanqaada dhanka cad-ceedu ka xigto, kasoo haligi kara guud ahaan wdanka aad hogaamiso ama hirgalin kara wanaag & horumar u horseeda bulshadaada, waxaay ku xidhan yihiin sidaad u fahanto, waa inaad leedahay cilmi ku saabsan siyaasada Arimaha dibadda & afkaaraha dunida ka jira si aad uga taxadirto wixii god kugu ridi kara ama aad leedahay asxaab wanaagsan oo keeni kara fahankaas farshaxankaas.

5. Siyaasi Haaysta Kalsooni Shacab (People’s confidence)
Halkani waa meelaha wax ka bedeli karaa in la helo siyaasi wanaagsan, madaamada diirada lagu saarayo nooca siyaasiga loo baahan yahay, maaha siyaasiga in dadku camalkooda xun noqdo. Siyaasigy hadii lacag hankiisa kaaga iibsado ogoow beri waxba kuma lihid waxaagii qandaraas baad ku qaadatay, hadii laaydiin gar-qaado waa lagaa gar helayaa. Dhanka kale siyaasigu waa inuu aqoonsi ka haaysta guud ahaan dadka ku nool geyigaas, maaha qabiil mana aha tuulo ama gobol aad kasoo jeedo tusaale ahaan, inaad dadka dhex u noqotaa waa arin ku aadag awoodda yar ee dadka, waxaase bedel u ah ciddii sameeysa in Alle ka mid dhigo todobada la hadheeyo maalinta Qiaamaha ee aan hadh kale jirin, hadhka Alle mooyaanee (Imaam Caadil ah).siyaasi qabiilnimo lagu unkaa waxaa uu keenaa inuu beri garan waayo halka u socdo hogaanka siyaasiga uu ku abtirsanaayo. Aan eegno hadaba halka mawduuceenu u socdo oo oo ah Siyaasiga dalkeena oo aan ugu horeeysiino Siyaasi Dal joog ah.

1. Siyaasi Dal-joogga ah
Hadaba Siyaasiga Somaaliga ah ee ka soo jeeda wadamada Somaalidu degto ee Geeska Afrika & siyaasiga qurbo joogta ah kana soo jeeda wadamadaas, Waxaa inta badan hadheeyay arimahan soo socda inagoo bar-bar dhigaaynaa qodobada & qeexitaanadii aan kor ku soo aragnay.

1.2. Siyaasi Qalbiyan U Jilbo Xidhan Baahi Nololeed
Ugu horeeyn xusuuso in baahidu aanay ahayn waxa kaa maqan, waxaase keena qalbiga marka qofku ka arradan yahay, Siyaasada Somalida uma baahna in laay-sugu geeyo dadka shaqo nololeed kadhigatay siyaasada iyagoo maamulaya xoolo umadeed, in laga siiyo sarifkooda nololeed ee tacabka loogu talo galy waa arin waajib ah, waxaanse u jeedaa inaad xoolo umadeed uu isticmaasho sidii inaad adigu hantiday, waxaase lagaa rabaa inad u raacdo oo kali ah sidii inaad leedahay, ama lagu raacsaday. Siyaasaddu waa falsafad toosan oo xalaal ah oo ummadeeda u horkacaysa in dadka loo maamulo xoolo aay leeyihiin. waxaa loo baahan yahay inaad ka xaragooto xoolo mid baahan & mid tabaalaysanba ka dhexeeya.

1.3. Siyaasiga & Cabsida Dunida Lagu Abuuray ( Gacan-Ku-Bacramis)
Dunida waxaa lagu abuuray cabsi fari badan, gaar ahaan wadamahada xooggoodu cajabiyay, kuwaasoo doonaayo meel kasta oo dunida ka mid ah inaay ka helaan siyaasi afkaartooda aaminsan. Alle ayaa waxa uu leeyahay ‘Alle ka baqa, cidkale haka baqinina’ waxaa loo baahan yahay adigoon dunida dhibaayn mashaakilna ku abuurayn waa inaad u abuuran tahay tubta toosan & dhaqanka lagu faray, baahida dadkaaga haysta waa inaad muunad u tahay. Qodobka labaad ee haysta siyasiga Somaaliga ah waxaa ka mid ah, inay jirto adeegsi loo adeegsado wadankiisa isagoo u adeegayaa waddan kale, taasina waxaay meesha ka saarta siyaasi la dan ah dadkiisa waana sababta keentay is-fahansiinta la’aanta marka xilka uu qabto siyaasi qab ku jiro oo u haysto in cidi keensatay, ama labo siyaasi kasta aay isu haystaan iyagoo waajibaad loo kala qaaybshay sida Muqdisho ka dhacda, waxaana meesha ka baxda dantii dadka tabaalaysan, Somaalidu waxaay ku maah-maahdaa ‘’dameeralay dad la dan maaha’’.

1.4. Siyaasi & Qabyaalad
Qabiilnimo waa tuulka ugu fiican ee dhisay siyaasi tabar daran, mana aha waxaay keentay tabaalada dunidu, waayo waxaad ka maqashaa siyaasiyiinta inaay yiraahdaan Qabiilnimo & siyaasadi ma kala maar-maan, hadii siyaasigu xirfadiisu noqoto kala soc-siinta qabiilnimo, maxaa loo diidayaa in madax dhaqameedkuna ha ahaado ruug-cadaa siyaasi?.

Siyaasaddu wa inaay aqoomay-santahay, waa in loo geliyga hu’ asturan, waa in dadka ugu ixtiraamka badani galaan, maaha inaay galaan dadka aan ehel u ahaayn, siyaasdana waxaay gali karta cidkasta oo leh han buuxa. . Waxaan ku dhaafayaa gabaygan Cabdilaahi Suldaan Timo Cadde oo ka hadlaya utunta qabiilka & siyaasadda.

Innaga oon ardaa buuxin baad, kala irdhowdeene
Utun iyo olole weerar baa, isugu idlaateene
Anaa adag anaa kaa isira aniga yay gaadha
Asalkayga laylama hadlee haba I soo eegin
Isku-digato iimaan-qallalan, Eebbe Kama yaabto.
               ‘’Abdilaahi Suldaan Timo-Cadde”

1.5. Siyaasiga & Durufta Nololeed 
Qodobka Afraad ee siyaasiga Somaaliga ah leeyahay waxa weeyaan iloowga qiimaha qofnimadiisa, Somaalinimadiisa, wadankiisa halka uu ku yaalo, kuna talaalan dhiigiisa, waxna aanu ku kordhin Karin waxna ka bedeli karaayn habka maamulkiisa. waxaad maqlasyaa dastuurka sidaas buu yiri, lama bedeli karo, ogoow maaha muqadas dastuurku hadaanu ka turjumin baahida dadka ku nool wadankaas. Qiimaha hogaamiya qarnigani ee la oran karo wuu hoseeya waxaay keentay inaan wax la qaban kari waayo loona dawarsi tago wadamo kale oo ka fa’iideyay dhulkooda haba yaraadenee. Inad garan waaydo qiimahaaga wa arimaha ugu adag ee aan laga dawaayn karin qofka hadii uu la koro muddada uu ku barbaaryo dhaqanka siyaasadda, arinaaski waxa uu keeni kara inuu qofku kugu rido daluun dheer isagoo ka door bidaaya duruufo cid kale leedahay, oo aan lahaayn wax is-waaydaarsi (bargaining).

1.6. Halbeegga Xulashada Siyaasiga oo ah mid aan laga Fiirsan
Qodobka ugu dambeeya waxa weeyaan Somaalidu siyaasiga hor boodaya, ma imtixaamaan kamana qaadaan dhiig si loo ogaado ma muwaadin baa, ma leeyahay xirfad siayaasadeed, masoo daboolay baahidiisa si aanu ugu daqaqamin xoolaha umadda. Arinka Somaalidu sameyso waxaa ka mid ah inaay suu horboodaan madaama uu reer hebel yahay. Siyaasigu marka uu xirfadaas siyaasada qaato, cid gaar ah ma xulan karto inaay aaminto ee bulsho oo dhan buu ka dhexeeya, waxaana loo baahan yahay in lagu qiimeeyo waxqabadkiisa, tariikhdiisa & hankiisu inoo qorsheeysan yahay.

2. Siyaasi Qurbo Joogga
Su’aali kama taagnaa hadaad u fiirsato beryahan dambe waxaad arkaysaa siyaasiyiin qurbo joog ah kuwaaso caqabad adag ku ah hanaanka daawladnimo ee aay leeyihiin dadka Somaalida ah, kama hadlaayo dawlad gaar ah waxaan ka hadlaayaa guud ahaan geyiga Somaalidu degto dawaladaha aay leeyihiin . Qurbo joogtu waxaad mooda inaay miciinsi bideen qabyaalada badan, waana dadka ugu badan ee gala siyaasada mar kale miciin baad mooda inaay bideen waayo 75% siyaasiyiinta wasiirnim ama xisbi siyaasdeed buuxiyay waa qurbo joogta, waxaana ka maqan siyaasaddooda xirfaddii & xeeladii looga baahnaa inaay la yimaadaan ugu yaraana kaga duwanaadan dadka dalka joogay lana kulmay bur-burka, Qurbo joogta markaay galaan siyaasda waxaa Xeeladiisii koowa noqotay lacag. “Xeer nimaan aqoon baa ku xad gudba”.

Xaggee Xalku Ku Jiraa?
Xalkani waxaan is-leeyahay waa mid aan ku dooran karno siyaasi waara oo keena waxaaynu rabno, si’aan ugaadhno dunida kale ee sii koraysaa. Xalkani Waa dad u dhexeeye.

1. Siyaasi Alle Yaqaan, Kana Cabsan Kara Imtixanaadka Aduunka & Aakhiro.
Dadka Somaalida ahi waxa weeyaan, in la helo siyaasi Allihiis yaqaan oo ku toosa duruufta aay dadku u xilsaarteen si wanaagsan, kana xishooda xoolaha umadda. Meel ka dambaaysa ma jirto hadaan qofku ka xishoon Allihii. “Cilmi waa caqli iyo caqiido la aruurshay”

2. Siyaasi ka Caafimaad Qaba Utunta Baahida, leh Qalbi Qani ah ama Dhaqaale ku Filan.
Siyaasigu hadii uu doonaayo inuu umadda xoolaheeda ka bad-baado waa inuu leeyahy qalbi aan baahi badan ku jirin, ama dhaqaale ka reeba boobka xoolaha umadda, siyaasigu waa inuu isagu u huraa xoolihiisa danta umadda, hadii kale badbaado siiya danta guud. “Quruxdu qofka sheegay indhihiisay saaran tahay” waa maah-maah Somaaliyeed, siyaasiyiintu waxaay sheegaany wanaag badan oo aan muuqan, waxaase looga baahan yahay inaay sameeyaan wanaag la arki karo.


3. Siyaasi aay ku Yartahay Xanafta Qabiilku/Utun badan aan tirsanaayn.
Siyaasigu waa inuu dadkiisa & dadkiisuba aay ku yaraadaan, aanayse ku badan oo qabiilo badan u kala saarin, dadka oo dhana u wada sinaadaan, si loo helo dad isku dan ah. Waxaana lagu gaadhi karaa iyadoo dadka aay isku baahi & isku duruuf ahaadaan, meelna looga soo wada jeesto xabsiga siyaasiga ee la galay.

Gebo-Gebo.

Siyaasigu waa doorka nololeed ee hogaamiye keeni karaa bad-baado qaran, si loo helo xasilooni lagu wada noolaado, sida dhibaatooyinka wadankaas haysta, gaar ahaan waxa ina hasyta haddeer waa xoog qabyaaladeed, tahriib, & duruufo kale oo u baahan in dadka la xasiloyo. Waxaan k dhaafaya siyaasiga maanta maah-maahdan ‘Ragu sadex waa iskaga mid Magaca, magta iyo maganta’’ lakiin waa in siyaasda & doorarka kale ee la kala qaatay lagu kala duwanadaa.


Xigasho: www.bandhige.comQalinkii: Xasan Cabdi Shireshire202@gmail.com











Sunday, September 27, 2015

Khasab Maaha in aad Shaqaale Noqotaa! W/Q. Maxamed Cali Bile

1. Waxa dhici karta in aad jaamacad dhiganeyso oo aad ka fikireyso in marka aad dhameyso aad shaqo doonato. Waxa kaloo dhici karta in aad jaamacaddii dhameysatey oo aad shaqo doon tahay. Waxa kaloo dhici karta in aad iminka shaqo ku jirto oo aad rabto in aad shaqadaa horumar ka sameyso.


2. Haddaad tahay mid ka mida 3 dan qof een sheegey, hadda ogow khasab maaha inaad cid kale uun u shaqeysaa, waxa aad abuuri kartaa shaqo aad adigu xor u tahay oo aad naftaada ku kafeyso, dad kalena shaqo ku siiso.

Fikirkan ah in qofkasta oo wax bartaa cid kale u shaqeeyaa waa fikir aad u qaldan.



Aqoonyahan Maxamed Cali Bile


3. Dadku hawlaha wey u kala sameynsan yihiin. Dad baan u sameysneyn iney iyagu shaqo abuuraan oo aan rabin iney khatar qaataan, oo jecel iney meel kale u shaqeeyaan. Balse, dad ayaa ku fiican iney shaqo abuuraan. Waa muhiim in aad is tijaabiso oo aad wax kuu gaar ah isku deydid. Qofka iskii u shaqeysta ee shaqo abuura wuu ka farxad badan yahay qofka cid kale uun u shaqeeya. Waxa keli ah ee ay u baahan tahay shaqo badan, samir iyo geesinimo aad wax ku bilowdo.


4. Waxa dhici karta inaad leedahay wax kasta oo la qaban lahaa waa la sameeyey wax danbe mey hadhin. Run ahaantii, waxa la sameeyey dhibicna kama ahaa marka la barbar dhigo waxa dhiman ee u baahan in cidi hindisto. Ha ku indho beelin intan yare ee kuu muuqata ee hoos wax u eeg, wax ka ogow sida caalamka kale shaqo iyo adeeg loo abuuro, ka bacdi isku dey inaad adna abuurto.



5. Marka ad shaqo abuureyso waxyaabaha aad eegeyso waxa ka mid ah shaqo ama adeeg baahidiisu jirto balse aan ilaa hadda cidi qaban. Marka hore haka fikirin shaqada la qabanayo balse ka fikir baahida iyo sidii baahida loo dabooli lahaa. Tusaale ahaan haddaad caruur dhashay oo aad rabto in aad dabbaasha barto, ma Berbera uun baa la tegeyaa miyaan la sameyn karin meel Hargeysa ama Burco ama Boorama ku taala oo dabbaasha lagu barto. Wax aan loo bahneyni ma jiro, balse geesinimo iyo samir ayay u baahantahay.



6. Waxa kaloo jira adeeg iminkaba jira balse wax ka dhiman yihiin, oo haddii la casriyeeyo dadku xiiseynayaan - Wax aad isleedahay malaha haddii wax lagu kordhiyo xiisahaa badan. 5 sanadood ka hor makhaayad waxaad u taqaaney meel inta la galo qado ama casho laga cuno, oo inta la faraxasho la iska tago. Dad baa iminka furey makhaayad macno kale leh oo aan loo tegin uun in wax laga cuno balse loo tago in lagu kulmo, wax laga cuno, lagu sheekeysto, internetka laga galo. Dad uun baa inta ay sida u eegeen yidhi waar malaha dadku meel ay ku kulmaan ayay u baahan yihiin oo ay wax ku cunaan kuna haasaawaan. Miyaad ka fikirtey iskuul ajinabiga loogu dhigo Af Soomaaliga iyo ciyaar Soomaalida?


W/Q. Aqoonyahan Maxamed Cali Bile

Tuesday, August 25, 2015

TACSI IYO BAROOR-DIIQ: Geerida Naxdinta leh ee Abtigay Khaalid Jaamac Muxumed

INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Geeri kastaa naxdin iyo murugo ayey leedahay. Haseyeeshee, geeriyahu kala naxdin badan oo kala saameyn culus. Waxay qof walba ugu kala naxdin badan yihiin xidhiidhka uu qofka geeriyooday la lahaa, saameynta uu qofka geeriyooday noloshiisa ku lahaa iyo qaabka geerida qofka loogu sheegay oo qayb ka ah naxdinta iyo murugada geerida.

 Qofka haddaad isagoo xanuunsan dul joogtay, waad ku samirtaa. Waxayse ugu naxdin badan tahay qof aad caafimaad ku ogayd oo geeridiisa laguu sheego. Xili duhurnimo ah annigoo markaas uun intoon qadeeyey jiifsaday, haddaanan wax badan jiifkii ku jirin, waxaan maqlay taleefankayga oo dhawaaqaya. Waan tiigsaday, waxaan arkay fariimo dhawr ah oo ii sheegaya lambaradii ii soo wacay; dad badan oo asxaab iyo qaraabo iskugu jira ayay ahaayeen. Markaas ayaan dareemay inay wax soo kordheen! Intoon jiifkii ka kacay ayaan lambarkii ugu horeeyey oo ahaa Inaadeerkay Cabdixakiin Da’uud Askar (ina Aakhiro) garaacay.

Markii aanu is bariidinay ayuu igu yidhi: “Khaalid Jaamac .... waad maqashay saw maaha?”

Markii ba maskaxdaygu waxay iskula shawrtay maxaa ku dhacay? Markaas ayaan idhi “Ma Khaalid Jaamac? ,,, Maxaa ku dhacay? Intuu aamusay ayaan ku celiyey: “Maxaa ku dhacay?” wuxuu iigu jawaabay: “Maanad maqal, wuu dhintay.” Dhagaheygu way maqlayeen ereyga baas ee “wuu dhintay” laakiin naftu in aanay maqlayn ayey is dareensiisay. “Yaa! Ma Khaalid Jaamac? Maxaa helay?” ayaan si didsan ugu idhi intoon kor u booday. Wuu iigu celiyey. Haddana mar saddexaad ayaan ku idhi: “Ma Khaalid?” Markaas ayuu isagoo hadalka kor iigu qaadaya igu yidhi: “Haa walaal, Khaalid Jaamac wuu dhintay.” Waan argagaxay, naxdin ayaan kolba dhan u dhaqaaqay annigoo INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN ku celcelinaya. Wuxuu ii raacshay “Suudaan iyo Masar dhexdooda ayuu ku dhintay” waan sii argagaxay! Waxaan annigoo qaylinaya ku idhi: “Yaa! Goor muu Khaalid tegay?.” Wuxuu iigu jawaabay: “Waar lambarkaagu ilaa shalay wuu xidhnaaye, dorraad ayaa Khaalid geeridiisa la soo sheegay. Itoobiya ayuu ku maqnaaye, inuu tahriibayo lama ogayn. Suudaan iyo Masar dhexdooda ayuu ku geeriyooday”

Annigoo taleefanka weli dhegta ku haya ayey markii ba xasuustiisu maskaxdayda ku soo burqatay - muuqaalkiisii, kaftankiisii, aqoontiisii, cibaadadiisii badnayd, weji furnaantiisii iyo dhoolo-caddeyntii lagu yaqiin. Ma Khaalid baa geeridiisa laguu soo sheegayaa? Ma Khaalid baa maantana tahriib ku geeriyooday? Adduunyooy! ma taasaan maantana kugu dhex joogaa! Ayaan iskula shawray.

Khaalid Jaamac Muxumed, abtigay ayuu ahaa, wax yar ayaan ka roonaa da’da. Saaxiibo kaftan wadaag ah oo marka ay is arkaan ba kaftan iyo sheeko wadaag leh ayaanu ahayn. Hargeysa ayuu ku dhashay, kuna noolaa noloshiisa oo dhan. Dugsiga hoose isku sannad ayaanu ka baxnay – annigu dugsiga Axmed Dhagax ayaan ka baxay, isaguna dugsiga Gacmo-dheere. Waxbarashadii Dugsiga Sare na, isku galaas ayaanu ahayn oo waxaanu sannadii 2007-da ka wada baxnay Dugsiga Sare ee 26-ka Juun. Jaamacaddiina isku dufcad ayaanu ahayn oo sannadkii 2011 ayaanu ka wada qalinjebinay Jaamacadda Hargeysa – annigu sharciga ayaan bartay, isaguna ganacsiga iyo xisaabaadka ayuu bartay. Intaas ba geediga nolosha isku marxalad ayaanu maraynay.

Markii aanu Jaamacadda ka baxnay kadib ayey shaqadu qof ba meel geysay. Annigu Hargeysa ayaan ka tegay oo intaas ba Borame iyo Burco ayaan u dhaxeeyey. Isaguna Hargeysa ayuu joogay oo dhawr jeer oo uu safar shaqo u soo baxay ayaanu Borame iyo Burco ba ku kulannay. Safarkiisii ugu dambeeyey ee dhinacani bariga wuxuu ahaa maalmihii Ramadaantu sii dhammaanaysay oo Laascaanood ayuu ku ciidday. Fursad iskumaanu helin in aanu is aragno laakiin taleefanka ayaanu ka wada hadalnay. Waana hadalkii ugu dambeeyey ee aan la yeeshay. Mar aan bishan bilowgeedii is idhi arrimo ka wareyso oo aan garaacayna, lama heli karo ayuu lambarkiisu ahaa.

Khaalid wuxuu ahaa qof aqoonta iyo waxbarashada aad ugu fiican. Aad buu u maskax furnaa. Cibaadada iyo diintana aad buu ugu wanaagsanaa - wuxuu aad ugu xidhnaa Masaajidka Furqaan ee xaafadda Xero Awr ee Hargeysa. Nin af gaaban, dhoolo caddeyn badan oo bulshaawi ah ayuu ahaa. Dabeecadiisii wanaagsanayd darteed wuxuu lahaa asxaab badan oo lod kasta ba leh.

Sida la ii sheegay, bishan aynu ku jirno horaanteedii ayuu Itoobiya diyaarad u raacay, waxaanu uga sii gudbay Sudaan oo uu iyadna diyaarad ku tegay. Isaga iyo 10 qof oo kale ayaa Suudaan gaadhi ka raacay oo dhinaca Masar u sii jeeday. Haraad iyo gaajo ayaa halkaas ku qabtay. Khaalid na wuxuu lahaa Gaastari xun. Waxaa geeridiisa soo sheegtay gabadh reer Xamar ah oo sheegtay in gaastari ku kacday, haraad iyo gaajana u raacday. Waxaanay sheegtay in Afar kamid ah koow iyo tobankoogii qof ay markaas dhinteen, Khaalidna ugu hor dhintay. Waxay sheegtay inuu u dhiibay iyada Lambarka xaafadda lagala soo hadlay, waraaq, baasaaboorkiisii, lacag iyo muraayadiisii indhaha. INNAA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

imika intii aan qoraalkani waday ayaan eegay boggiisa facebook-ka, mise sawirka cover-ka u ah waxaa ba u taala, ducadani "ISTAQFIRIKA ALAAHUMA MIN JAMIICI DUNUUB, WA KHADAAYAAD, WA TOOW BA ILAYKA." ILAAHAYOOW WAXAAN KA BARYAYAA INAAD DUCADAASI KA AQBASHO ABTIGAY.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu abtigay Khaalid uu qabriga u nuuro, naxariistiisa jannada siiyo. AAMIIN... AAMIIN... AAMIIN.


Waxaanan Tacsi u dirayaa Qoyska Reer Muxumed Riraash iyo Reer Daahir Aw Yuusuf, qaraabada iyo dhammaan asxaabtiisii faro badnayd, ILAAHAY DHAMMAANTEEN SAMIR IYO IIMAAN HA INNAGA SIIYO KHAALID. AAMIIN AAMIIN.

Tuesday, August 18, 2015

"XALAASHII IYO XARAANTII AYAA BU MACNAHU KA SII TEGAYAA" W/Q. Maxamed Cali Bile

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile
Waxyaabaha an Hargeysa ku soo arkey waxa iigu yaab badnaa waxa u weyn XALAASHA iyo XAARAANTU maba kala soocna. Hantida ummadda Sheekh iyo Shariif iyo aqoonyahan kii soo gaadhaaba ma nabadgelinayo. Dad aan shanta salaadood ka tegeyn oonu soonka maalinna ka tegeyn ayaa ku takri falaya hantida ummadda oo lacag leh, dhul leh, ganacsi leh. Baqashadii aakhiro iyo cadaabtu masaakiinta uunbey ku sii hadhay. Berigii hore waxa la isku khuukhin jirey qofkii xoolo agoomeed cunaa uu ku gubtaa. Ka warran kuwa maanta cunaya 5 malyuun oo agoon amaanadii loogu dhiibey. Wadaadadii iyagii ayaa lacag jeceyl iskugu biyo shubtey oo lacag iyo ganacsi ayay in badani eryaneysaa. Habeenkiina wax ay wacdiyayaan masaakiin iyo bacadlayaal aan xaaranba arag oo afar shilin quraxda u fadhiya oo kartoon ku tukada. Arki meysid wadaad badheedhaya oo sheegaya dulmiga. Masaakiinta uun baa looga  sheekeeyaa xaraantu waxa ay tahay.  Tuug masaajid kabo ka xadey oo qalalsan oo la xukumayo mooyee, arki meysid qof la xukumayo oo loo heysto xoolo ummadeed inu cuney. Dawladnimadu eedan in badan ayay ku leedahay oo waxa ad moodaa ama iney ogoshahay ama ay indhaha ka qarsaneyso. Balse dhaqankani waa mid dhaafsiisan dawladda oo dhiigii dadka ayuu raacey. Nin an u heystey awliyo Ilaahey oo meeqaam sare ka gaadhey madaxtinimada ayaa waxa laga sheegayo iyo waxa iiga muuqdeyba ay iga fajicisey. Xoolo aanu isaga iyo aabihii toona weligood shaqeysan ayuu faraqayaa. safka salaadana isagaa kaaga horeeya.  Qof mushaharkiisii $1,000 aanu gaadhin ayaa hal maalin casuumad ku sameynaya $2,000. Anigu maan sheegin haddey dadkani sitaan footookoobi lacagta lagu daabaco. Inta casuumaddaa xaaranta ah ka soo qeyb galeysaa, sallaadda ayay mar wada geleyaan intaaney xaaraanta caloosha ka buuxin. Intuba wey wada ogyihiin in waxan la cunayaa aanu aheyn dhididkii qofkan wax casuumey ee ay tahay lacag umadeed.

Kuwan farta ku fiiqaya ee leh waxbaa la cuney, in badani fursad uunbaan soo gaadhin ee marka ay u marto, iyaga laftooda ayaan dhaafeyn. Sidey u muuqato, xoolaha umaddu xaraanba ma xisaabsana, ha noqoto lacag, ha noqoto cashuur la dhaafey ha noqoto, dhul la boobayo ama sifo hoose lagu bixinayo ama lagu iibinayo ha noqoto, aqallo dawladeed oo dad laga iibinayo ama lagu wareejinayo ha noqoto.

Berigii hore dadka wax dhaca waa la yaqaaney. Waxa kale oo la yaqaaney dadka ku tasarufa hantida lagu aaminey. Kuwa wax dhacaa tuug maryo xun ayay ahaayeen oo markey soo socdaan ayaa la sii garan jirey. Dadka balwadda leh ee ama jaadka ama balwadda kale leh ayaa iyana lagu xaman jirey iney lacagta dawladda ku takhri falaan. Iminka labadaasiba bikh. Dad caadi ah oo qurux badan oo aan balwadii la yaqaaney laheyn ayaa umaddii ku batay. Waa dad caadi  ah qaar suudh xidhanyihiin, qaar qamiisyo iyo macawiso xidhanyihiin, balse yeeshey balwad ah hanti jaceyl, xalaal iyo xaaraan tuu doon haku helee.

Waa muhiim in arrintan lagaga hadlo goobaha lagu tuhunsan yahay in dhaqankani ka jiro. Waa muhiim in masaajidadu wacdiga ku daraan in dadka tukanaya kii ku soo weyseystey biyo aanu dhididkiisa ku soo shaqeysan aaney salaadi u ansaxeyn. In haddii shaadhka uu gashanyahay aanu sifo xalaal ah ku soo gelin inaan salaadi u jirin. Inaan saanbuuse laga sameeyey daqiiq lagu soo iibiyey lacag aan dhididkaaga aheyn aanu afur xalaal ah kuu noqoneyn. Haddaan diinta macnawiyan loo dabaqin, macnihii uu ka tegeyaa.

Wey jiraan dad badan iyo wadaado badan iyo madax dawladeed iyo ganacsato badan oo xalaal quutayaal ah oo xalaal cun ah. Balse, kuwaasi wey soo yaraanayaan. Qoladan kale ayaa ka badanay. Takale, xalaashii iyo xaraantii ayaabu macnuhu ka sii tegeyaa.

Friday, August 14, 2015

MAXKAMADDA DISTOORIGU MA KHILAAF SHARCI BAY KA GARNAQAYSAA, MISE KHILAAF SIYAADDEED AYEY DHEXDHEXAADINAYSAA?

W/Q. Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)

Waxa beryahan jiray, xafiiltan siyaasadeed  oo ka dhexeeyay Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka iyo xubnaha la baxay Madasha. Waxaanu u muuqday dagaal warbaahineed oo isasoo tarayay intii lagu jiray todobaadadii ugu dambeeyay ee ka hadhsanaa muddo-xileedkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Maalmahan danbe se,  waxaynu arkaynaa loollankii siyaasiga ahaa oo qaatay waji kale oo ka duwan kaas hore. Waxa hore loo sameeyay wada-hadallo uu ka dhashay, heshiis aan lagu wada kalsamayn. Marar kalana waxaynu u soo joognay, iyadoo beesha caalamku la isugu qayshaday. Wax kastoo la isku dayay ba, kala qaybsanantii siyaasadeed waa halkeedii, xalna lagama gaadhin. 
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi

Ololleyaal warbaahineed oo xukuumadda iyo mucaaridku isku qaadeen ayaynu aragnay, iyadoo dhinac walba isku dayayey inuu ku kasbado ra’yul caamka dadweynaha. Ugu dambeyn, waxaa la iskula soo dul-dhacay Waaxda Garsoorka. Sida ilaa hadda wax loo wado, waxay iskaga eeg tahay in la rabo in cudurkii fardaha galay laga gubo dameero.

Waxaynu iska wada ognahay oo aanu muran ku jirin in asxaabta qaranka iyo guurtidu ay isku hayaan muddada ay guurtidu u kordhisay muddo-xileedyada Xukumadda iyo Golaha Wakiillada, oo aanu jirin khilaaf sharciyadeed. Waxaa sidoo kale, iyadna la wada ogyahay in waxa jiraa ee la isku mari laayahay uu yahay faraq-xilliyeed  (4) bilood ah, oo u dhexeeya Go’aankii Guurtida ee xil-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo heshiiska axsaabta qaranka ee ka dambeeyay. Faraqaasi oo aan macno-badan samaynayn, mar haddii aanay xil-kordhintu ahayn mixwarka uu khilaafku ka aloosanyahay. Afartaas biloodna, wax sidaasi usii ridan may ahaateen, haddii lagu heshiiyay, in sidii dani-keento la yeelo. 

 Intaas aan kaga gudbo hordhaca, oo aan usoo gudbo mawduuca qoraalkani uu khuseeyo – Qoraalka Madaxweynahu maxkamadda u gudbiyey ma khilaaf sharci oo laga garnaqi karaa baa mise maaha?. Arrinta garsoorka loo gudbinayaa waa in aanay la mid noqon oo ay ka baxsanataa faqidaada shaaraca taala iyo hal-qabsiyada dooddaha warbaahinta la isku marinayay beryahan (Political rhetoric). Maxkamadda Dastuuriga ahi khilaaf sharci ay ka garnaqdaa ama fasiraad ka soo saartaa. Khilaafka sharcina maaha mid qaabab badan loo dhigi karo sida kan siyaasiga ah ee hadda la wado. Bal se waa mid mutaxan oo  ku kooban hab-dacwaddeedka iyo nuxurka dooddeedka dhinacyada ee loo soo gudbiyay Maxkamadda. Inagoo u eegayna hab-gareedka dacwadaha garsoorku maraan ayaynu qoraalkan isku dul taagi doonnaa, bal in arrinkani qoraalka madaxweynaha ee horyaala Maxkamadda Dastuurigu uu yahay dacwad dastuuriya oo buuxisay shuruudihii dacwaddeed iyo in kale.

Si aynu su’aashaasi u gudo galno, waxaynu ka bilaabi doonnaa halkay arrintu ka bilaabantay oo ahayd codsigii uu Madaxweynahu u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah.

Waxay xubinta hore ee Qoraalka Madaxtooyadu usoo gudbisay Maxkamadda oo ujeeddadiisu tahay codsi fasirraad, kuna taariikhaysnaa 08/08/2015-ka, tixraaciisuna ahaa JSL/MD/100-3450/08,2O15 ay ka waramaysaa sida uu u dhacay Go’aankii Guurtidu ay ku kordhisay muddo-xilleedyada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladda. Xubinta labaad waxay khusaysaa,  Qodobbadii ay axsaabtu ku heshiiyeen. Gebogebada qoraalkanu wuxuu ku soo biyo shubanayaa codsiga Madaxweynaha oo ah fasiraadda uu Madaxweynahu codsaday – waana kan sida loo dhigay:

Waxaan Maxkamadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa codsiga fasiraadda qodobada 3aad iyo 4aad ee heshiiskani iyo faqradda B, qaybteeda 5aad  ee  go'aanka Golaha Guurtida mid walba gaarkiisa ku tilmaamayo xilliga qabsoomida  Madaxtooyada iyo Wakiilada

Hadda ba, ugu horeyn waxay ahayd ama maxkamad kasta ku waajib ah inay ku dhaqaaqdo inay hubiso in arjiga loo soo gudbiyey uu buuxinayo shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee Garsoorka iyo in kale. Tani ayaa ka horeysa in dhinacyada loo yeedho ama fadhi la agaasimo. Haddii taasi la seego, waa alif kaa xumaaday oo al-baqra kugu dhibi doona. Haddii se sideeda loogu dhaqmo, waxaa loo gudbayaa in laga garnaqo nuxurkaasi buuxiyey shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee Garsoorka, waxaana lagu guuleysan karaa in la gaadho go’aan loo gaadhay qaab sharciga waafaqsan kuna dhisan Qodobbo sharci oo aanu mugdi ku jirin.

Sida caadiga ah, dacwad kasta cid baa muduci ah oo biloowda. Cid baana mudaacalee ah oo dacwaddu lid ku tahay. Marka la joogo Maxkamadda Dastuuriga ah, waa in la helaa cid muduci ah oo dacwadda furata. Sidoo kale waxaa shardi ah in la helo go’aan xeerarka iyo dastuurka loo eegayo, ama xeer/sharci la fasirayo. Sidaas darteed, waxaa mudaacalee ah cida go’aanka soo saartay ama Golaha xeerka soo saaray. Hadda ba, Qoraalkani Maxkamadda Dastuuriga ah hortaal, Madaxweynahu isagaa qoraalkani Maxkamadda u soo gudbiyey, haddana muduci maaha oo labada go’aan midna ma diiddin midna ma ogolaan. Taasi waa arrin cajiib ah, imika qoraalkani laguma sheegi karo dacwad dastuuri ah ama fasiraad. Waxaa la odhan karaa Madaxweynahu wuxuu la talin sharci ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah. Maxkamadduna maaha la talinta sharci ee Madaxweynaha. waxaa loo baahnaa inay Maxkamaddu ku baraarugsanaato arrintani. Ma jirto dacwad ay ciddi furatay oo aanay wax diiddanayn, waxna aanay taageersanayn. Markaa meesha dacwaddi ma jirto.

 Waxa kale oo la gudboonayd Maxkamadda inay is-waydiiso, horta maxaa noqon kara dacwad dastuuriya oo u qalanta in laga garnaqo? Waa maxay astaamaha lagu garan karo ama tiirarka udub-dhexaadka u ah dacwadahani Maxkamadda Dastuuriga ah? Maxaase looga baahanyahay qofkasta oo raba, in uu furto dacwad-dastuuriya ama ka cabanaya go’aano maamul oo lagu fuliyay ama lagu fulin-doono?

Arrin kasta oo la rabo in hannaan sharci lagaga garnaqo waa inay noqotaa mid leh mawduuc iyo abbaar sugan. Taasina, waxay saaran tahay cidda dacwada furanaysa oo looga baahan yahay inay caddayso go’aannada ay ka cabanayso, kuwa ay fulintooda ku dooddayso iwm. Haddaanu qofka dacwadda furtay sheegin rabitaankiisa ama dooddiisa. Maxkamaddu uurkubaale maaha wax kasta daalacata. Awoodna u maleh inay iyadu nuxur ka dhaliso qoraal aanu qofkii furtayba ku caddayn waxa uu rabo iyo waxa uu diiddan yahay. Markaa waxaa haboon inay qoraallada noocan ah maxkamaddu ku celiso cidii u soo gudbisay iyadoo farayso inay soo waafajiyaan shuruuddaha nidaamka dacwaddeed.

Markaynu u soo noqono waraaqdii Qoraalka Madaxweynaha, muxuu yahay nuxurka dooddiisu?, Ma wuxuu ku doodday Go’aankii Guurtida ee Muddo kordhinta ayaa dastuuriya markaan arkay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise wuxuu ku doodday go’aanka guurtidu dastuuri maaha markaan eegay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise waxaa bu  ku dooddayaa Muddadii dambe ee axsaabtu ku heshiiyeen ayaa dastuuri ah ama aan dastuuri ahayn, sababahaas iyo qodobadaasi awgood? Maya! Ma wuxuu yidhi labaduba waa dastuuri ama ba midkoodna maaha distuuri? Maya! Xaggeey dacwaddani la sheegayaa u socotaa haddaba, haba laga garnaqee? Maxaase la fasirayaa? Arrimahani ayaa ah kuwa fasiraadda u baahan.

Haddii ay is-gabto ciddii dacwoonaysay, Garsoorku xaq u malaha in uu isagu mala-awaalo nuxur dacwaddeed oo aan caddayn. Maaha in lagu hawshoodo wax aan waddadiisa la soo marin. Waxa biloowga ku qaloocdaa, dhamays ma noqdaan. Fashilaad uun baana laga dhaxlaa.

Waanay dhacday inay Maxkamaddu ka baxday majarihii dacwadda, markii ay qarraar ka soo saartay cabashadii dastuuriga ahayd ee ay  asxaabta mucaaradku kaga cabanayeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalayada kaga hor-istaageen inay shirar qabsadaan. Qaraarkaasi oo ku taariikhaysnaa 27/7/2015  tixraaciisuna ahaa, MS/DD/01/2015, waxay Maxkamaddu faqraddiisa 3aad ku tidhi sidan;

” Dhinaca kale, Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo og in muranka taagani salka ku hayo qabashada doorashada soo socota, waxay amraysaa in dhinacyada siyaasadda iyo hayadahay khusayso ee dastuuriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan usoo afjaraan muranka ku saabsan doorashada  soo socota isla markaana xal ka gaadhaan si loogu diyaar garoobo doorosho xalaal ah”

Waxay Maxkamaddu halkan ku xustay in ay og tahay arrinta muranka taagani uu salka ku hayo. Yaa u sheegay arrinta murankaasi taagnaa uu salka ku hayay? Halkee ayey kaga jirtay dacwaddii xiligaasi hortaalay? Maxkamadduhu kuma go’aan qaataan wax ay warbaahinta ka maqlaan/arkaan ee aan hortooda laga caddeyn. Sababtoo ah, aragtida Maxkamaddu maaha mid furan oo ka baxsanaan karta wixii horteeda lala yimid. Maantana, ugama  fadhino inay Maxkamadu wax ka duwan mawduucii horteeda yaallay, inoo sheegto.  Waa inay ka feejignaataa.

Su’aasha kale ee iswaydiinta mudani waxay tahay GARSOORKU MUXUU AWOOD U LEEYAHAY INUU FASIRRO? Sida ku cad, Qodobka 98 (1)(b) Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland:

Garsoorku wuxuu awood gaar ah u leeyahay inuu fasiro: 1(b). in uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka degdega ah iyadoo la raacayo dastuurka.”

Madaxwaynahu laba go’aan oo isla noociyad iyo qiimo ba lahayn ayuu codsaday in la fasiro. Heshiiska asxaabta qaranku kuma ba jiro waxyaabaha uu Garsoorku awoodda u leeyahay inuu fasiro. Garsoorka ayaanay tani cay ku tahay. Midda kale, Madaxweynahu kuma dhaqmin Qodobka 98aad ee Dastuurka oo Maxkamadda ma horkeenin go’aan gole dastuuri oo keliya si micnahiisa ay Maxkamadda Dastuuriga ahi u fasirto iyadoo raacaysa dastuurka. Madaxweynahu Go’aanka Guurtidu dastuurka ma waafaqsan yahay ma odhan? Dood xitaa sidaasi lagala soo baxi karaa qoraalka kuma qorna. GO’AANKA MUDDO-KORDHINTA EE GOLAHA GUURTIDU MA XEER BAA? MISE MAAHA? Iyadna laysma weydiin. GO’AANKANI MAAHA XEER FASIRAADIISA LAGA CODSAN KARO GARSOORKA. Waxa laga yaabaa, in dadka qaarkood ku dooddaan wixii Gole dastuuri ahi soo saaraa waa xeer. Maaha, hadda annigu iskama lihi sidaasi, caddeynteedu waa sida uu Xeerka Nidaamku Garsoorku u dhigay. Qod. 6(4)(b) (Nuqulka 49ka Qodob) iyo Qod. 15(1)(b) (Nuqulka 60ka Qodob), labadani Qodob ee labada nuqul ee Xeerkani waxay si iskumid ah u sheegayaan sidan:

“Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay awood u leedahay b) inay macnayso, fasirtana Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka laysku qabto nuxurka ujeeddadooda.”

WARKU BA WUXUU KU DHAN YAHAY MAXKAMADDA DASTUURIGA AH MADAXWEYNAHU MA WAXU KA CODSADAY INAY FASIRTO QODOB DASTUURKA KAMID AH MISE XEER KALE OO LAGU DHAQMO OO UJEEDDADIISA LAYSKU QABTAY? MAYA! MAYA! MAYA!

Maxkamadda lama keenin dacwad waafaqsan Qodobbadani aan kor ku sharaxay, markaa Maxkamadda maxaa daaliyey ee hawshani geliyey mise arrinku waa dhexdhexaadin iyo hawlo kale. MAXKAMADDA DASTUURIGA AHI AWOOD UMA LAHA, CEEB AYEYNA KU NOQONAYSAA FASIRAADDA GO’AANNADA ASXAABTA IYO GUURTIDU. MAXKAMADDU WAXAY FASIRTAA DASTUURKA AMA XEER LAGU DHAQMO OO UJEEDDADOODA LAYSKU QABTAY.

Fasiraadda Qodob sharcina, waa inay noqotaa mid salka ku haysa xaqiiqo lagu muransanyahay, iyo doodo is-burinaya oo u dhexeeyo ugu yaraan laba dhinac. Balse waa in aanu noqon, codsi u muuqda talo-sharciyeed, oo cid gaar ahi danaynayso. Waana aragti asaas u ah, inay FASIRADA Garsoorku ahaato mid ku salaysan xaqiiqo dhab ah oo taagan oon ahayn mala’awaal. Aragtidaasi oo afka qalaad lagu yidhaahdo (the idea of standing). Aragtidan garsoor oo odhanaysa “Garsoorku maaha talo-bixiye (advisory opinion), balse waa go’aan-qaate. Go’aankiisa laga rabo in uu jawaab u noqdo muran ka dhextaagnaa dhinacyo is-hayay.”

Xaaladdaha Garsoor ee  keensan kara mag-dhaw dastuuriya (constitutional remedy) oo dhaqan-gal ah, ayay Maxkamadda Distuuriga ahi ku samayn kartaa Dibu-eegis Garsoor( Judicial review).  Taasi oo looga socdo, inay Maxkamaddu ahaato meel huwan haybaddii sharci, oo iska ururisa inay la falgasho xafiiltanka iyo khilaafyada siyaasadeed ee ku xeeran.. Sidoo Kalana waxa la diidayaa in murankasta oo ku saabsan nuxur sharciyeed oon ku iman xaalad jirta,  la waydiisto Fasiraadiisa Maxkamadda, siday tahay Mufti joogto ah. Taasi oo ka hor imanaysa mabda’ii sharci ee ahaa ( De Minimis Non Curat Lex),macnahiisuna ahaa,  sharcigu  ma khuseeyo, wixii fudud ee iska dhammaan kara.

Gunaanadkiina, fasiraadda-garsoorku maahaa mid maxkamadda lagaga codsado sideen yeelaa? Laba shay kee baan qaataa? Iyadoo xaqiiqooyin badan oo jira indhaha laga qarsanayo. Mar haddii codsiga dacwad-furashadu ka gaabiyay in uu sugo qodobadii looga baahnaa, Maxkamaddu waxaa waajib ku ahayd inay hareer iskaga leexiso. Dhawrsanaanta iyo dhaqanka garsoorna maaha inay Maxkamaduhu ku dhex milmaan khilaafyada siyaasiga ah oo ay qaataan doorkii Akaadamiyada Nabadda iyo Isku-soo-dhawaynta Daneeyayaasha la sheego ee doorashooyinka. 

W/Q. Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)