Pages

Saturday, September 10, 2022

MURANKA DOORASHOOYINKA: 4 XAQIIQO OO RUN AH OO U BAAHAN IN LA WAJAHO LANA XALIYO

 

MUDDO-KORDHINTA IYO SHARCIYADDEEDA

Talaabada ugu mudan ee xubnahan cusub ee KDQ u taalay July 2022 markii la magacaabay waxay ahayd cayimaada maalinta qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo sida sharciga ah ay waajib tahay in ay dhacdo November 2022 gudaheeda. Haseyeeshee, imika taasi suurtogal ba maaha lamana cayimi karo in doorashada Madaxtooyadu ay dhacayso November 2022 dhexdeeda sababtoo ah:-

1)       Sida uu dhigayo Qod. 6(2) Xeerka Doorashooyinka Qaranka (Xeer Lr. 91/2020), "KDQ iyagoo ku saleynaya bil kahor dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa (November 2022) waa in ay cayimaan maalinta ay qabsoomayso doorashada Madaxtooyadu 120 maalmood kahor maalintaa ay  doorashadu dhacayso."  Hadda 66 maalmood oo keliya ayaa innaga xiga 13ka November 2022ka oo ah maalinta ugu dambeysa wakhtiga ay sharci ahaan waajibka ahayd in la qabto doorashada Madaxtooyada November 2022. Waxaa markaas cad in doorashadu aanay xitaa December 2022 dhacayn ama qabsoomi karin oo sannadka 2023 innoogu soo gelayo iyadoon doorashadu qabsoomin.

2)       Haseyeeshee, sida ku cad Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020, KDQ hawsha imika u taalaa waa in ay caddeeyaan in aanay doorashada Madaxtooyadu qabsoomi karin 2022 isla markaana ay diyaariyaan warbixinta duruufaha iyo asbaabaha farsamo (technically) ahaan aanay suurtogal u ahayn in doorashada wakhtigeedii lagu qabto, soona jeediyaan jadwalka ama wakhtiga ay doorashadu ku qabsoomi karto. Waxaana markaas sida lagu jideeyey Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020 Golaha Guurtida waajib ku noqonaysa in iyagoo ku goaan qaadanaya soojeedinta KDQ isla markaana la tashanaya, uu kordhiyo muddo-xileedka Madaxtooyada haddii ay caddaato in farsamo ahaan aanay doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomi karin wakhtigii loo asteeyey ama ay jirto duruuf kasta oo ka baxsan xaaladdaha ku xusan Qod. 42aad iyo 83aad Dastuurka.

Sidaas darteed, maalinta ay doorashada Madaxtooyadu qabsoomaysaa waxay noqonaysaa bil kahor dhammaadka muddada-lagu-kordhiyo muddo-xileedka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Waxaana sida waafaqsan Qod. 6aad Xeer Lr. 91/2020 maalintaas u cayimi doona KDQ oo 120  maalmood kahor maalintaas ay cayimeen in doorashadu ay qabsoomi doonto u gudbin doona Madaxweynaha oo isna 15 maalmood gudahood kusoo saari doona Digreeto.

Sida ku cad Qod. 62(10) iyo 63(2) Xeer Lr. 91/2020 doorashada Madaxtooyada waxa shardi u ah in ay jiraan xisbiyo ansax ah oo diiwaangashan sababtoo ah xubnaha isku sharaxaya doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu waa in ay xubin ka yihiin xisbiyo ansax ah oo diiwaangashan, si kale haddaan u idhaahdo xisbi uun baa layska sharaxi karaa doorashada Madaxtooyada balse urur layskama sharaxi karo..

DIIWAANGELINTA IYO KALA REEBIDA URURRADA SIYAASADDA

Sida ku cad Qod. 9aad ee Dastuurka JSL nidaamka siyaasaddeed ee dalka waxa saldhig u ah NABAD, TALO-WADAAG, DIMUQRAADIYAD iyo HANNAANKA XISBIYADA BADAN. waxaanu dastuurku tirada xisbiyada siyaasaddeed ee dalka ku koobay in aanay ka badan 3 xisbi. Qaabka loo abuuri karo xisbi siyaasaddeedna wuxuu dastuurku tilmaamay in lagu habeeyo xeer gaar ah balse ay reeban tahay in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad. Nidaamka  ay muwaadiniintu iskugu habeyn karaan ama u abuuri ururada siyaasaddeed, uguna tarfami karaan in ay ka mid noqdaan 3daas xisbi ee qaranka waxa aad loogu faahfaahiyey xeer gaar ah oo ah Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer Lr.14/2011).

Waxaanu xeerku waajibinayaa in lixda bilood ee ugu dambeeya dhammaadka muddada 10ka sanno ah ee ruqsadda xisbiyada qaranka la furo diiwaangelinta ururada siyaasadda. Saddexda Xisbi ee hadda jira oo kala ah KULMIYE, WADDANI iyo UCID ayaa noqday saddexdii urrur/xisbi ee doorashadii Degaanka ee sannadkii 2012kii ku guuleystay in ay noqdaan 3da Xisbi ee qaranka, waxaana ruqsadda xisbinimo la siiyey 26kii Diisember 2012. Waxa maalintaas u bilaabantay muddadii 10ka sanno ahayd ee ay xaqa u lahaayeen in ay ahaadaan 3da Xisbi ee qaranka, waxaanay muddadaasi ku eegtahay 26ka Diisember 2022ka.  Si sharci ah ayaa loo furay diiwaangelintii ururrada siyaasadda. Waxaana urruradii loo diiwaangeliyey si waafaqsan habraaca diiwaangelinta urrurada siyaasadda ee uu jidaynayo Qod. 4aad ee Xeer Lr.14/2011. Marxaladdaas hore ee qabashada araajida iyo diiwaangelinta urrurada siyaasadda waxa ka soo gudbay oo shuruudahii ururnimo buuxiyey 15 urur oo la siiyey ogolaanshaha kumeelgaadhka ah oo ay ku hawlgeli karaan muddo cayiman..

Imika waxaynu ku jirnaa marxaladdii 2aad ee diiwaangelinta iyo kala-reebista ururrada sida ku cad  Qod. 5aad Xeer Lr. 14/2011 waana marxalad – marka laga reebo qabashada shirweynaha guud iyo furista iyo hawlgalinta laamaha iyo xafiisyada ururka oo si gaar ah loogu kala reebayo urrurada siyaasadda – ay urrurada la diiwaangeliyey iyo xisbiyadii ruqsadda haystayba ay ku-meelgaadh yihiin, kana siman yihiin fulinta shuruudaha iyo talaabooyinka looga baahan yahay in ay muddo cayiman fuliyaan, una gudbiyaan KDQ. Waana marxaladda aynu hadda ku guda jirno oo ay ugu horeyso qabsoomida shirweynayaashii urrurada oo 09/09/2022 dalka bilaabmay. Intaasi wax muran ah lagama keenin waana sharci.

TARTANKA URURRADA: DOORASHO URURRO OO TOOS AH MISE DOORASHO DADBAN OO DOORASHO KU SIDKAN.

Nidaamkeena siyaasaddeed ee doorashooyinka iyo shuruucda dalkeena meelna kagama jirto doorasho la yidhaa DOORASHADA TOOSKA AH EE URURRADA SIYAASADDA. Hadal haynteedana waxa innoogu horeysay markii laysku sidkay labadii doorasho ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada 2021 ee taariikhda doorashada deegaanka markii ugu horeysay aanay ururro ku tartamin sababtuna ay ahayd in aan la gaadhin lixdii bilood ee ugu dambeeyey dhammaadka muddada ruqsadda xisbiyada. Sidaas darteed ayey 3da xisbi ugu tartameen doorashadii deegaanka ee qabsoontay 2021ka.

Xukumaddu waxay isku dayday in ay Waxkabadelkii Xeer Lr.14/2021 ku sharciyeyso DOORASHADA TOOSKA AH EE URURRADA SIYAASADDA. Waatii labada gole ee baarlamaanku ay ansaxiyeen. Haseyeeshee, nasiib-darro uu Madaxweynaha xafiiskiisa ku saqiiray markii uu Madaxweynahu muddadii 21ka casho ahayd ee uu dastuurku xaqa u siiyey in uu ku saxeexo ama ku soo celiyo baarlamaanka isagoo aan midnaba yeelin ay dhammaatay.

Ilaa hadda sida xeerarkeena doorashooyinku ay ka siman yihiin, nooca doorashada ay ku tartamaan axsaabta ama urrurada siyaasadda Soomaaliland waa mid dadban oo aan ururka si toos ah loogu coddeynayn balse tartankoodu uu ku sidkan yahay doorashada Golayaasha Deegaanka. Majiro xeer jideynaya in doorasho toos ah ay ku tartamaan urrurada siyaasaddu ilaa maanta.

Xeer Lr.14/2011 iyo Xeer Lr.91/2020 waa labada xeer ee aynu wax ku doorano. Midkoodna ma jideynayo doorasho toos ah oo urrurada toos loogu codeynayo. Asbaabta keli ee doorashadan loo daliishanayaa waa in Maxkamadda Dastuuriga Qarraarkeedii ay soo saartay 16/01/2022 ay  ku go’aamisay  in doorashada ururrada siyaasadda ay noqonayso mid [Doorasho] Toos ah”. Haseyeeshee, qaabka ay ururradu u tartamayaan ee xisbiyadu u abuurmayaan maaha mid ay maxkamaddu awood u leedahay in ay dejiso. Sidoo kale maxkamadda ama garsoorku guud ahaan awood uma laha ay wax kaga badelaan xeerarka dhaqangalka ah. Waana awood u gaar ah Waaxda Xeer-dejinta sida waafaqsan Qod. 37(2) ee Dastuurka JSL. Qod. 9(3) ee Dastuurkuna wuxuu si cad u sheegay in XEER lagu habaynayo qaabka ay ururradu u tartamayaan ee loo furan karo xisbi siyaasaddeed. Xeerkaasina waa Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer Lr.14/2011).. Su’aashu waxay tahay Qaraarka Maxkamaddu ma xeer baa? Maya! Maxkamaddu se Xeer ma dejin kartaa? Maya! Xeerarka doorashooyinka ee jidaynaya in tartanka urruradu uu yahay mid ku sidkan doorashada Goleyaasha Deegaankana, qaraar maxkamaddeed waxba kama badeli karo, waxaana waajib ah in maxkamadda go'aankeedu uu xeer ku dhisnaado isla markaana aanu jidayn wax aanu xeer jidayn.  

Qod. 1aad ee Xeer Lr.14/2011 wuxuu kelmada “URUR SIYAASADEED” ku qeexay "Koox muwaadinin ahoo wadaaga fikir siyaasadeed oo isu diwaangeliya Urur ahaan SI AY UGA QAYB QAATAAN DOORASHOOYINKA GOLAYAASHA DEEGAANKA KAHOR INTA AAN LOO AQOONSAN XISBIYO QARAN. Halkaas waxa ka cad in tartanka ururradu uu yahay in ay isu diiwaangeliyaan kana qaybgalaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.  

Sidoo kale sida ku cad Qod. 1aad ee Xeer Lr.91/2020, xeerka guud ee doorashooyinka waxa ku cad inta doorasho ee uu xeerku jideeyey. Waxaanu Qod. 1aad kelmada "DOORASHOOYINKA QARANKA" ku qeexay "Habka codbixiyayaashu ku soo doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha, mudanayaasha Golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka, iyada oo lagu go’aan qaadanayo aqlabiyada codadka la kala helay."   Halkaasna waxa ka cad in aanay jirin saddexda doorasho ee Madaxtooyada, Wakiillada iyo Deegaannada mooyee doorasho kale oo lagu dooranayo ururrada siyaasadda oo uu xeerku jideeyey. Qoladan ku xabeebtay waa in la qabtaa doorashadii ururrada lagu dooranayey ee weliba ku dooddaysa sharciga sidiisa ha loogu dhaqmo bal ha innoo sheegaan doorashadan tooska ah ee ururrada xeerka jideeyey ee loo raacayo? Xeer ba iska daayo hal qodob oo sharci ah oo jideeyey in ururrada toos loogu codeynayo ama loo dooranayo majiro.

4 XAQIIQO OO RUN AH UNA BAAHAN IN LA WAAJAHO IYO XALKOODA?

Xaqiiqaha runta ah ee aynu u baahanahay in sharci ahaan la wajaho oo xalkooda laga shaqeeyaa kuma koobna afartan qodob ee hoos ku faahfaahsan, balse iyagu keliya kuwa ugu culus ee in la dul istaago mudan:-.

1)       DOORASHADA MADAXTOOYADU FARSAMO AHAAN UMA QABSOOMI KARTO SANNADKAN 2022 sababtoo ah 66 maalmood ayaa innaga xiga maalinta ugu dambeysa (13/12/2022) wakhtiga uu sharcigu waajibiyey in ay dhacdo Doorashada Madaxtooyadu, waxaana waajib ahayd in KDQ ay cayimaan maalinta Doorashadu qabsoomayso 120 maalmood kahor maalintaas. 54 maalmood kahor -  bishii Julaay badhtankeedii - ayey ahayd in la cayimo maalinta doorashadu dhacayso. Sidaas darteed, haddii aanay doorashada Madaxtooyadu farsamo ahaan u qabsoomi karin wakhtigii loo asteeyey in ay qabsoonto. iyadoo xitaa aanay jirin xaaladdaha ku xusan Qod. 42aad iyo 83aad ee dastuurka, wuxuu xeerku waajibinayaa in Golaha Guurtidu uu Muddo-xileedka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka kordhiyo kuna saleeyo wakhtiga ay KDQ soo jeediyaan in ay ku qaban karaan doorashada sida ku cad Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020. Taasi waa mid kamid ah xaqiiqooyinka runta ah xalkeeduna waa muddo-kordhintaas uu waajibiyey Qod. 6(3) Xeer Lr. 91/2020.

2)       DOORASHADA MADAXTOOYADU MA QABSOOMAYSO ILAA LA HELO 3 XISBI OO ANSAX AH  sababtoo ah sida ku cad Qod. 62(10) iyo Qod. 63(2) Xeer Lr. 91/2020 shuruudaha Murashaxiinta Doorashada Madaxtooyada waxa kamid ah oo shardi u ah in qofku uu xubin ka yahay iskana soo sharaxay xisbi ansax ah, waxaana liiska murashaxiinta Doorashada Madaxtooyada gudbin kara oo ka qaybgeli kara oo keliya xisbi ansax ah. Xaqiiqada runta ah waxay tahay in 26ka Diisambar 2022 ay dhacayso ruqsada 3da Xisbi oo aanay jirayn Xisbiyo Ansax ah oo ka qaybgeli kara Doorasho Madaxtooyo. Xalkeeduna waa in la helo Xeer Jideeya Doorashada ururrada Siyaasaddeed oo kadibna doorashadaas la qabto. Macnaha waa in marka hore la qabtaa doorasho ay urrurada/xisbiyadu ku tartamaan oo 3 kamid ah ay Xisbinimo u soo baxaan. 3daas xisbi ee ansaxa noqda uun baa murashaxiintooda Madaxweynenimo iyo kuxigeennadoodu ay u tartami karaan Doorashada Madaxtooyada

3)       MAJIRTO DOORASHO SI TOOS AH URRURO LOOGU DOORTO OO XEERARKEENU DOORASHADU AY JIDEEYEEN oo ay xitaa meel keli ah ku xuseen. In Ururro ku tartamaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka ayey xeerarkeenu jideeyeen kumana ay qeexin umana aqoonsana wax ka baxsan doorashada Goleyaasha Deegaanka oo ay ururro ku tartamaan. Doorasho Toos ah oo urrurada lagu kala doorto loona codeynayo ururka laftiisa waa wax qurux badan oo aynu ku kordhin karno xeerarkeena haddaynu danteena u aragno oo ay inna cajabisay. Waxay keliya u baahan tahay waxkabadel lagu sameeyo xeerarka doorashooyinka si loo helo xeer jidaynaya in ay urrurada siyaasaddu ku tartamaan doorasho toos ah oo lagu kala doorto ururrada laftooda. Xaqiiqada runta ahna waa in ilaa waxkabadel iyo kaabis lagu sameeyo xeerarkeena doorashooyinka oo lagu kordhiyo in ururrada siyaasaddu ay ku tartamayaan doorosho toos ah oo loogu kala coddaynayo aanay sharci ahayn doorashadan tooska ah ee ay hadda ururradu isku diiwaangeliyeen.  Xalkuna waa in Goleyaasha Xeerdejintu ay wax ka badel iyo kaabis ku sameeyaan xeerarka doorashooyinka kadibna sidaas lagu galo doorashada urrurada markaas kadibna la qabto Doorashada  Madaxtooyada.

4)       DOORASHADA MADAXTOOYADA IYO TARTANKA URURRADA SIYAASADDA LAYSKUMA SIDKI KARO

Waa run in sida ku cad Qod. 6aad Xeer Lr.91/2020 sharci ahaan ay KDQ mar wada qaban karaan laba doorasho iyo ka badan sida Madaxtooyada iyo wakiillada, Madaxtooyada iyo Deegaanka wakiillada iyo deegaanka ama xitaa Madaxtooyada, wakiillada iyo deegaanka ba isku hal mar ayaa la wada qaban karaa haddii ay haboonaato. Haseyeeshee, xeerarkeena doorashada hadda meelna kagama jirto oo ma aqoonsana doorasho la yidhaa DOORASHADA TOOSKA AH EE URURRADA SIYAASADDA oo 3daas doorasho ee aan sheegay ka baxsan weliba  labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiillada marnaba lalama qaban karo ama laguma sidki karo tartanka ay ururradu ugu tartamayaan xisbinimada sababtuna waxay tahay in xeerarka doorashooyinku ay imika dhigayaan in labadaas doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiillada ay ku tartami karaan xisbiyo qaran oo ansax ah.  Macquulna maaha in tartankii xisbinimada iyo  Doorashooyinkaas ay xisbiyadu ku tartamayaan hal mar la wada qabto. Doorashada keliya ee ay hadda xeerarkeenu bannaynayaan in lagu sidko tartanka ururradu waa Doorashada Goleyaasha Deegaanka. Haddii la maarmi waayo oo ay khasab noqoto se xalka keliya ee la heli karaa waa in wax laga badelo xeerarka doorashooyinka oo la banneeyo in ururada siyaasaddu ay u tartami karaan Doorashada Madaxtooyada, markaas kadib waa laysku sidki karaa doorashada madaxtooyada iyo tartanka ururrada loomana baahanayo urur la doorto ee ururka ku guuleysta Madaxtooyada iyo labada urur ee ku soo xiga codadka – saddexda urur ee ugu codka bata – ayaa noqonaya 3da Xisbi Siyaasaddeed ee dalka 10 sanno ee socda.

DANNEEYEYAASHA IYO DHALIISHOODA

Sida aan kor ku sheegay ee ku cad Qod. 9aad ee Dastuurka JSL “Nidaamka siyaasaddeed ee dalka waxa saldhig u ah NABAD, TALO-WADAAG, DIMUQRAADIYAD iyo HANNAANKA XISBIYADA BADAN” Waxaad moodaa danneeyeyaasha siyaasadda iyo goleyaasha qaranku ba in aanay sidaa u fahamsanayn oo aan afartaas mabda’a marnaba la wada xasuusnayn in ay nidaamkeena siyaasaddeed saldhig u wada yihiin oo inta badan ay dhacdo in dhinac isagoo mid difaacaya uu inta kale ka talaabsado, dhinaca kale sidaas si lamid ah uu u dhaqmo.

MADAXWEYNAHA IYO XUKUMADIISA – Sida ku cad Qod. 90aad ee Dastuurka JSL “Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda” Si uu xilkaas u gudan karo ayaa loo siiyey dhammaan awooddaha kale ee uu dastuurku jideeyey. Waa in uu ogaadaa in TALOWADAAGU uu yahay mabda’ dastuuri ah oo weliba kamid yahay mabaadi'da aasaasiga u ah nidaamkeena siyaasaddeed. Haddii uu TALO-WADAAG la iman waayo oo aanu cidna tallo ka qaadan ha ogaado in uu dastuurka khilaafay oo aanu dadka u sheegi karin in uu sharciga ku dhaqmayo.. Madaxweyne aan TALOWADAAG lahayn.ama ogolayn nabad baan ilaalinayaa ma odhan karo, dimuqraadiyad baan ku dhaqmayaana cid ka  rumaysanaysaa majirto.  Xaaladan oo kalena waxaa sharci ah oo wax walba ka sarreeya wixii TALOWADAAG lagu go’aamiyo – Ilaahayna SWT wuu ammaanay kuwa TALOWADAAG wax ku go’aamiya “wa amruhum shu’raa baynahum.”

LABADA XISBI MUCAARAD – Ha xasuusnaadaan in mabaadi'da dastuuriga ee nidaamkeena siyaasaddeed saldhiga u ah ay ugu horeyso uguna mudan tahay NABADU. Waa in ay adeegsadaan nidaamka dawladnimo ama Goleyaasha Qaranka marka ay doonayaan in ay xukumada dariiqa saxda ah ku korjoogteeyaan. Qabsoomida Doorashooyinka waxa ugu muhiimsan in loo adeegsado awoodda iyo kantaroolka Goleyaasha sharci dejineed oo khasbi kara in doorasho ay wakhtigeeda ku dhacdo balse doorasho kuma qabsoomi mayso in hab qabiileysan dadka ay u kiciyaan, carruur iyo haweena bileyska laga horkeeno – NABADA ayuun baa ku wiiqanta, doorashooyinkuna dib ayuun bay u dhacaan. In ay si fiican u adeegsadaan goleyaasha sharci dejinta oo wixii ay ka hortagayaan xeer kaga hortagaan, wixii ay doonayaana xeer ku dhigtaan ayay xukumada ku kaantarooli karaan oo ay mucaaradnimadooduna macno ku samaynaysaa. Haseyeeshee, nasiib-darro intaas xukumadda ayaa fahamsan oo iyaga u adeegsanaysa balse iyagu ma fahamsana.  

XILDHIBAANNADA  BAARLAMAANKA – Xisbi, qabiil iyo qoys midna kama wakiil aha, umana ay dhaaraan. Ha ogaadeen in sida ku cad Qod. 39aad Dastuurka JSL ay yihiin “Xubno ka wakiil ah dadweynaha; oo ah Xeer-dejinta dalka, ansixiya xeerarka, oggolaada oo ilaaliya siyaasadda guud ee hoggaaminta dalkaXilka saarani waa mid ka culus makarifoonka oo laga hadlo iyo warbaahinta oo laga muuqdo. Mustawahoogu muu ahayn in ay ku sifoobaan Maanta diidda berrina ogolaada, waa ceeb sidaasi.  Waa ayo cidda ay ka sugayaan xeerar lagu kala baxo oo xal u noqda muranka siyaasaddeed? Xeerkii Doorashada Ururrada lagu galayey ma qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ayey u aqoonsadeen? Miyaan iyaga laga sugayn? Miyaanay iyaga ahayn kuwii  keeni lahaa xalka doorashooyinka Madaxtooyada, Guurtida iyo Tartanka ururrada oo dhammaantood muddo dhaaf noqonaya haddii la gaadho January 2023? Mise xaalkoodu waa ILAAHAYOOW J8D U BIXI? Ha fahmaan in 1) cid aan iyaga ahayni aanay xeer dejin karin 2) Siyaasad guud oo aanay iyagu ogolaana aan dalka lagu hoggaamin karin.  Hadday intaas fahamsan yihiin qaraarka maxkamadda dastuuriga ah kama ay aamuseen, iyadoon xeer jideeyey ba jirin ururro siyaasaddeedna doorasho toos ah oo lagu kala doorto isuma diiwaangeliyeen, xubin ay cod ku diiddeen laguma soo celiyeen oo aqlabiyad kuma ay ansaxiyeen. Markaa iyaga waxaan keliya leeyahay WAX FAHMA WAX BAA HORTA LA FAHMAAYE kahor intaan makrafoon la qabsan, shaashadna aan laga muuqan.

URURRADA SIYAASADDA – Annaga (dadweynaha) ayaad naga mid tihiin, xaq baynu u leenahay in aynu siyaasadda ka qayb-qaadano – la inna doorto, waxna aynu doorano. Waa run saddexdan xisbi ee qaarkood 20 sanno ay ummadda soo hortaagaanaayeen way ka leexdeen nidaamkii sharci ee dalka. Waa xusbiyo reereed oo wakhtigoodii dhacay, ka yeeli mayno in ay iyaga u sii xidhnaato saaxada siyaasaddeed. Hal su’aal ayaan se idinka idin weydiinayaa Maxaad kaga duwan tihiin oo aad soo kordhinaysaan hadday daan goboleysigii iyo qabyaaladii uu dastuurku reebay ka tegin? Doorashadan se Xukumaddu idin tidhi waad ku tartamaysaan xeerkee jideeyey oo loo raacayaa? Xeerarka Doorashooyinka se miyey ka horimanaysaa mise way waafaqsan tahay? Haddaanu jirin xeer doorashada ururrada jideeyey isla markaana aanay waafaqsanayn xeerarka doorashooyinka maxaad yeelaysaan? Miyaad iska gelaysaan? Iyagana waxaan leeyahay Alif  koow ku xumaaday, albaqruu ku dhibaaye, waxa maanta innoo daran doorasho aan darjeexahayn oo xeerarkeenu dejiyaan, doorasho loo diyaar yahay, doorasho aan dirsooc jirin, doorasho aan innooga sii darin, isku soo ururriyoo WAXAYNU DOONAYNAA DOORASHO, DOORASHO DHAANTA KUWII HORE. Waxa la idinka rabaa in aad daartaan oolkii ragga idinka dambeeyaa ninba dogob uu kor dhigi lahaa.

WABILLAAHI TAWFIIQ

W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed

Email: goodlawyer2014@gmail.com

Burco, Soomaaliland.