Pages

Thursday, March 27, 2014

SONYO Umbrella Executive Director Meets with Obama’s special Assistant on African Affairs in the White House



The Executive Director of SONYO, being part of the International Visitor Leadership Program participants, has today got to the White House where he was well-received. He has met with senior officials there. Saeed met with Mr. Grant Harris who is the President Obama’s Special Assistant on African Affairs and Policy Advisor on Africa. The session was interactive and more of information-sharing. Saeed has interacted with Harris by also briefing on the processes of peace-building, state-building and democratization that Somaliland has managed to successfully pursue in the last two decades. 

Sa'ed with Mr. Grant Harris
In addition, Saeed urged Obama’s administration to come close to the real context in Africa and particularly stand up for the support of the growing democracy and the blossoming development in Somaliland. He said: “for Obama to be able to go down to the practicality of his fourfold strategy on Africa and push forward the growing democracies in the African world, it is imperative to support Somaliland and consider its case as a unique phenomenon that should be promoted for contributing to the desired peace and stability of the Horn of Africa and also setting a live example for the states that still need to recognize the importance of democratic governance”. In continuing his discussions with the Special Assistant of the US President, Saeed has also asked about the US’s plan on inviting Somaliland’s president to the upcoming African Leaders Summit in the United States. He said: “Our president is a democratically-elected leader and while he has been in office, he tried to consolidate Somaliland’s relations with your state, are you going to invite him in your upcoming African Leaders Summit as even a de facto state president?

In responding to the questions of Saeed, the Special Assistant and Senior Policy Advisor said: “Somaliland has a very unique case and we do respect its efforts and great work. We will continue to engage with Somaliland to reach its vision. But, as you know, we have recognized the current Somalia government and we also invested in the security sector so that Somalia can also cope with its challenges and build a strong peace”. Mr. Harris also mentioned that USA welcomes Somaliland’s good work and would also like to see its processes of democratization and peace-building continue for consolidation. Mr. Harris also mentioned that they will only invite African heads of de jure states in the upcoming African Leaders Summit. 

SONYO Executive Director
Mr. Saeed, and the other “International Visitor Leadership Program” participants who were all from Africa, got a briefing from Harris regarding President Obama’s agenda on Africa. In the briefing, it was told that the engagement of the leaders of the next generations—for building sustainable friendship and ties with Africa—is very important and a priority for the United States strategy on Africa. In addition, it was also mentioned that President Obama’s agenda on Africa has four key strategic objectives:

• Increase the trade and investment with and in Africa.

• Strengthen democratic institutions in the African states.

• Advance security and promote peace in Africa.

• Extend the development channels for African socio-economic empowerment by identifying the actual constraints on the ground and looking for sustainable solutions.


 
In conclusion, the meeting members were given chance to interact further with the adviser and have photo sessions with him. The meeting concluded with very good atmosphere. It was really a great opportunity for the mostly youthful participants of the program and particularly for Somaliland to have its voice heard in such important forum. 

SONYO Media Office

Hargeisa, Somaliland

Tuesday, March 11, 2014

Wareegtada Wasaaradda Hawlaha Guud: Sharciyaddeeda iyo Bogaadinteeda!



Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed

Annigu qof ka hadli maayo. Waxaan ka hadlayaa xafiis, awood sharci, wareegto, go’aan iyo talaabo ku dhaqan sharci leh. Waxaan ka hadlayaa Wareegtada Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka ee summaddeedu tahay WHG/G/XW/117/2O14 oo soo baxday 10/3/2013-ka. Waa wareegtada ay qoonsadeen Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, taasi oo ay ku sheegeen mid sharci-darro. Golaha Deegaanku xaq buu u leeyahay inuu wareegtadaasi ka jawaabo, waxaase qurux badneyd inay qoraal kaga jawaabaan. Waxaa wanaagsanayd inay dhaliisha meesha ka saaran. Wasiirku dhaliil muu sameyn, iyagana waxay ahayd, haddiiba ay shir-jaraa’id kaga jawaabayaan inay luuqad dawladnimo iyo ixtiraam wada-shaqayneed ka muuqato ku hadlaan. Imikase sidii dad shacab ah ayey wax u dhaliileen. Waxaaba la odhan karayey, way caytameen. Taasi aan intaasi ku dhaafo. Mawduuca u kaalay.

Wareegtadani kor ku xusan, ujeeddadeedu waa joojin sharciyeynta iyo qorsheynta dhulka bannaan ee magaalooyinka dalka iyo bixinta danaha guud. Waxay amray ku bixinaysaa afartani qodob:

1.     Waxaa la joojiyey laga bilaabo maanta qorshaynta iyo sharciyeynta dhulka lagu tilmaamo beeraha ilaa amar danbe.
2.    Dawladdaha hoose ee dalka waxa reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta oo uu yahay sida ku cad; Qodobka 3-aad ee xeerka ismaamulka dhulka ee Xeer No; 17/2001.
3.    Waxa ka reeban Dawladdaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha.
4.    In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha Dawladda sida ku cad wareegya madaxweynaha JSL ee dibu soo celinta iyo gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda cidii ku cadaato arrimaha qoddobkan ku qoran kuma yeelan doonto xukuumadda Mag-dhaw.
Waa afartani qodob, wareegtadani ay Golaha Caasimadu ka qaylinayaan. Haddaba, afartani qodob sharci ma yihiin mise maaha? Kolba mid inoo soo qaad, bal ila arka sharciyaddooda.
1.   Waxaa la joojiyey laga bilaabo maanta qorshaynta iyo sharciyeynta dhulka lagu tilmaamo beeraha ilaa amar danbe. 

Ugu horeyn, Dawladdaha hoose ma awood bay u leeyihiin inay qorsheeyaan oo sharciyeeyaan beeraha? Maya, awood uma leh. Haddaa yaa awood u leh? Waxaa awood u leh Guddida Naqshadaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud. Sida ku xusan Qodobka 5(1) Xeerka Lr. 17/2001-da, Dawladda hoose marnaba malaha qorsheynta dhulka oo qodobku wuxuu leeyahay Naqshadda guud ee magaalo ama qaybo ka mid ah waxaa soo codsanaya Maamulka Dawladda Hoose, mar kasta oo ay timaado baahi keenta fidinta Magaalo ama sameynta degsiimo cusub, iyagoo tilmaamaya jiidda ay codsanayaan in la qorsheeyo.’ taasi waa dhulka magaaladdu gaadho iyo qorsheyntiisa iyo naqshadayntiisa guud. Sidoo kale, Dawladda hoose awood uma laha bixinta iyo sharciyeynta dhulka beeraha ah ee ay naqshada magaalo gaadho. Waxaana caddeynaya Qodobka 8(1) Xeer Lr. 17/2001 oo odhanaya ‘Maamulka Dawladda Hoose waxaa ka reebban in ay bixiso dhul ku yaala meelaha: Macdanta, dhul-beereedka, xeebaha, iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.’ Qodobkaasi sidaasuu ku cad yahay inay wareegtadu ku saxsan tahay.

2.   Dawladdaha hoose ee dalka waxa reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta oo uu yahay sida ku cad; Qodobka 3-aad ee xeerka ismaamulka dhulka ee Xeer No; 17/2001.

Qodobkani sharciyaddiisa in muran laga keenaba may ahayd waayo si cad oo la fahmi karo ayuu xeerka ugu qoran yahay. Waxaan ku soo koobayaa oo qudha in sharci ahaan, hay’adda qudha ee naqshad dhul sameyn kartaa ay tahay Guddida Qaran ee Naqshadaynta Dhulka oo uu Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidku uu Guddoomiye u yahay. Sida ku xusan Qodobka 3(1) Xeer Lr. 17/2001-da, waxaa guddida soo raaca Xafiiska Naqshada ee Wasaaradda Hawlaha guud oo markuu helo amarka guddiga qaran ee naqshadaha dhulka magaalooyinka u sameynaya naqshad guud (Master Plan), oo lagu muujiynaayo dhulka loogu talo galay degsiimada, warshadaha, ganacsiga iyo dannaha guud. Sidaynu hore u sheegnay, Dawladda hoose markasta oo ay u baahato naqshadayn dhul waa inay codsataa.

3.   Waxa ka reeban Dawladdaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha.
Waa arrin sharci ah, lagamana murmi karo tani. Sida ku xusan Qodobka 7(3) Xeer Lr. 17/2001 Beer kasta oo magaaladu gaadho waxaa danguud looga jarayaa 30% cabirkeeda guud, waana in lagu muujiyaa naqshada guud.’ Sida uu dhigayo Qodobka 8aad ee xeerkani dhulka, Dawladda hoose waxaa ka reeban bixinta ‘dhul ku yaala meelaha: Macdanta, dhul-beereedka, xeebaha, iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.’ Iyadna halkaasi kaga kaalay.
4.      In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha Dawladda

Markasta oo laga hadlayo bixinta iyo maamulista dhulka, waxaa sal u ah mabda’a odhanaya ‘Ilaahay ka sokow, dhul oo dhan dawladda ayaa iska leh’ sida ku xusan Qodobka 1aad ee Xeer Lr. 17/2001-da ‘Eebe ka sakow, guud ahaan dhulka jamhuuriyadda Somaliland waxaa leh Dawladda Somaliland (Sida uu tilmaamayo qoddobka 12aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurku) sidaa awgeed awooddiisa maamul, wareejintiisa iyo soo jeedintiisa sharci- u -dejineed waxay gaar u tahay Golaha Xukuumada.’ Taasi waaba dhulka oo dhane ka kaalay, wax alla wixii dan guud ah sida xafiisyada iyo guryaha dawladda waxaa mamuulkooda iska leh Dawladda Dhexe, waxaana uga masuul ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka. Waxaanay ku caddahay Qodobka 2(2) ee xeerkani dhulka. 

Golaha Deegaanku qodobkani way qaateen. Sharcinimadiisa waxba kamay odhane, waxay se yidhaahdeen ‘Madaxweyne, adiga wareegtadaadu waa sharci’ iyagoo daba socda xeerkii Madaxweyne ee summaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014, ee soo baxay. Bal haddaba, aynu qoraalkani ku soo gebogebayno waa maxay awooddaha Dawladdaha hoose ee dhulku?

Waxaynu soo qaadanayaa oo inagaga filan hal qodob. Sida ku xusan Qodobka 2(1) ee xeerkani dhulka ‘Maamulka iyo bixinta jagooyinka dhisme ee magalooyinka ( degmooyinka ) dalka JSL, waxaa iska leh maamulka Dawladda Hoose ( Guddiga Fulinta ee Dawladda Hoose).’ Dhulka ay magaaladu gaadho marka la qorsheeyo ee loo kala saaro degsiimo, warshado, ganacsi iyo dan guud, ayey Dawladdaha hoose xaq u yeelanayaan inay maamulaan oo qof wax ka siiyaan iyagoo wadada sharciga ah u maraya dhulka degsiimada loogu talogalay. Wax dhul ah oo dhaafsiisan dhulka degsiimada loogu talogalay shaqo kuma laha. Xildhibaannadu waxay si qaldan u addeegsadeen Qodobbada 110, 111 iyo 112aad ee Dastuurka Qaranka oo ka hadla nidaamka dawladdeed iyo maamul daadejinta (Governance System and Decentralization) oo aan arrintani toos ula xidhiidhin. Qodobbada kale ee ay ku dooddayeen waa Qodobbada 4, 5, 6, 8 iyo 31 ee xeerkani dhulka. Waxaan ku qoslay in Qodobadani badankooga oo kor ku sharaxay ay si cad uga hadleen arrintani. Waxaa iyadna naxdin ah in Maayar ku-xigeenku uu xeerkani oo ka kooban 35 qodob oo qudha uu haddana ku dooddo Qodobka 68 ee Xeer Lr. 17/2001 oo aan jirinba, isagoo ku soo daray qodobbada uu sheegayey inay awood u siiyeen maamulka dhulka danta guud.

Markaynu eegno Qodobbadani ay sida fudud iskaga yidhaahdeen ee qaarkoodna aanay jirinba, waxaynu u fahmaynaa inay ka badheedheen sharci iyo sharci-darroba inay wax waliba sidii hore ugu socdaan. Arrinta uu wasiirku wareegtada ku xusayna way jirtaa. 
 
Waxaan Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ku bogaadinayaa talaabada wanaagsan ee ay ka qaadeen ilaalinta hantida qaranka iyo danta guud. Waxay kamid tahay talaabooyinka ay tahay in xukumadda lagu taageero. Indhaheenu waa inay waxqabadka arkaan. Garaadka wanaagsani wuxuu ina farayaa inaynu garab istaagno talaabooyinka horumarka ah, kana hadalno waxyaabaha khaladka ah ee aynu aragno. Waxqabad iyo maamul-xumo midkoodna indhaheenu yaanay arki waayin. Wax kasta aynu ka run sheegno. Wanaag oo dhami mahadda alle ayuu u sugnaaday (SW).

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed
Burco, Somaliland.

Saturday, March 8, 2014

Daciifnimada iyo Bahdilnaanta Garsoorka waxaa Sabab u ah Tamar Darnaanta Guddida Caddaaladda!



Qalinkii: Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed.

Hawlaha arlada, haddii lagugu aamino,
Ummadda u shaqeeyiyo addeegaa lagaa dhigo.
Olollaha runta ah, ujeeddadiisa ayaa lagaa rabaa
.
-       Hees Soomaaliyeed

Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed
Bishani Maarso, waxay garsoorka ugu bilatay dhiiranaan ay runta ku tilmaamaan iyo xiniinyo aanay weligood islahayn way idinku yaalaan, oo ay imika indhahoogu yara bidhiiqsadeen. Saddex Garsoore ayaa ka hadlay duli iyo bahdilaad ay beryo dugsanayeen. Awood ma sheeganayaan, cidna uma hanjabayaan sida Garsoorka lagu yaqaan. Way baryatamayaan, bulshada ayey u cabanayaan. In runta lala ogaado ayey rabaan. Maxay ka cabanayaan? 
 
1.     Shaqadayadii ma gudan karno, oo faro-gelinta xukumada ayaanu ka shaqayn kari weynay.
2.    Waanu dayacanahay, oo sida madaxda kale, dawladdu nama siiso gaaddiid, amni iyo baxnaano toona.
3.    Maxkamadduhu way dayacan yihiin, oo sida hay’addaha kale ee dawladda, lama qalabeeyo, dhismo looma dhiso. Hawsha uu Garsoorku qabto, iyo kharashka miisanayadda laga siiyaa way kala baaxad badan yihiin.
4.    Dacwaddaha aanu xukunno lama fuliyo, ee waa lanagu diiddaa. Waxaana lana faraa inaanu cid gaara u xukuno iyo in aanu talaabo gaara ka qaadno.
5.    Iyo arrimo kale oo kuwani kasii xajiin badan.

Waar bal hadda daya, arrimahani maaha kuwa ra’yigooda ah, waa arrimo mid kastaba ay caddeynteedii iyo gar-naqsigeedii soo bandhigeen. Qareennadii goob jooga ahaana uga marag kaceen. Waxaa intaasi u soo raacda Telifishankii Qaranka ee ay dawladdu lahayd, ayaa fadeexadda Garsoorka laga faafinayaa. Waa dawlad, Garsoorkeedii fadeexaynaysa. Bal ka warama Garsooraha dadkii uu u gar naqayey ay Telifishanka ka daawanayaan iyadoo la leeyahay caddaalad-darro ayuu xukumaa.

Maxaa ku xigay! Maxaad filaysaan? Qaylo-dhaantii waxay gaadhay madaxweynahii Qaranka. miyuu ka garaabay, muxuu ka yidhi? Maya, umuu garaabin, wuuse tilmaamay. Muxuu yidhi? ‘Annigu Guddida Caddaalada ayaan wax ka dhageystaa, iyaguna waxba iimay soo gudbin. Markaa Garsooreyaashu Guddida cabashadooda ha u soo gudbiyaan oo yaanay saxaafadda ka hadlin.’ 

Arrintu halkaasi ayey ku wacneyd inay ku istaagto. Haseyeeshee, marag-furkii Garsooreyaasha ayaa iskii isku keenay. Waa Wasiirkii ay Garsooreyaashu tusaalaha uga dhigeen faro-gelinta ay xukumaddu ku hayso Garsoorka. Muxuu yidhi? Ma wax kale ayaa u bannaan, wuu u marag-furay, oo muxuu yidhi? 

1.     Waxaan hayaa xukunno badan oo caddaalad-darro ah oo ay xukumeen,
2.    Qaraarradooda ayaan dib u eegaayoo, way iska hor imanayaan.
3.    Garsooraha waa la yaqaan oo waa kii….’
4.    Miyaan sii wadi karayaa dee. 

Toloow Madaxweynahu tana ma in laga soo cawdo ayuu sugayaa? Waa siday tahay. Guddida hala soo maro. Wasiirku ma Maxkamaddii Rafcaanka ama Sarre ee xukunnada Maxkamaddaha hoose looga caban jiraybaa. Halkee ayuu ka keenay awoodda uu xukunnada maxkamaddeed ugu sheegayo kuwo caddaalad-darro ah? Sharcigii ayaa awood u siiyey inuu isku eeggo qaraarrada Maxkamadda oo yidhaahdo ‘Wayska hor imanayaan’? Sidaas ayuu weliba raali-gelin ku helay.

Maxaa ku xigay! Ka dar oo dibi dhal. Hoonbaro libaax bay soo waday. Waa Guddidii Caddaaladda oo afar xubnood ah. Horta guddidu ma afar baa? Mayee waa toban xubnood? Kuwii kale halkay qabteen, Kooramku miyuu buuxaa? Iyagaa ka kooram ah. Afar qof oo kursigooda ilaashanaya ayaa magacii guddida ku hadlaya. Miyuu mid kastaaba iskii u hadlo. Miyaanay ka tirsanayn Garsoorkani meydkiisii meel lagu aaso la garan laayahay. Hadday afkii guddida ku hadlayeen, maxay qof qudha u wakiilan waayeen. Xubnahii kale miyey la qabaan arrimahani mise lama qabaan? Mooyi!

Maxay ku hadleen? Waa afar nin oo mid kastaaba uu xilkani iyo mid kale oo ah xilkiisa asalka ah haysto. Waa Guddoomiyahii Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah. Waa Xeer-Ilaaliyahii Guud ee Qaranka, ahna Xubin kamid ah Guddida Caddaaladda. Waa Agaasimaha Guud ee Caddaaladda, ahna Xubin kamid ah Guddida Caddaaladda. Waa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ahna Xubin ka tirsan Guddida Caddaaladda. Waaba xukumaddii oo jawaabaysa. Saddex kamid ah ayaa xukumadda ka tirsan. Haddaba, maxay ku hadleen?

1.     Garsoorka madax-bannaanidiisu waa markii ay ugu wanaagsanayd.
2.    Garsooreyaashaasi hadlay way gafeen, khalad ayaanay galeen.
3.    Ma jirto wax faro-gelin ah oo ay xukumaddu garsoorka ku haysaa.

Maxay ka yidhaahdeen hadalkii Wasiirka? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen xukunnada uu Wasiirku ku sheegay caddaalad-darrada? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen Qaraarrada uu Wasiirku dib u eegista ku sameeyo? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen dayacnaanta maxkamaddaha? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen amniga Garsooreyaasha ee dayacan? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen gaaddiid la’aanta Garsoorka haysata? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen Garsooreyaasha gaaddiidka dadweynaha la soo raacaa dembiilayaashii ay hore u xukumeen? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen wax ka sheegii Wasiirku uu ku sameeyey Garsoorayaasha? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen fadeexaddii soo noqnoqotay ee Telefishanku Qaranku uu kula kacay Garsoorka? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen Maxkamaddahani Gobolka Sanaag, ee uu Badhasaabkii Gobolkaasi qufushay? Waxba! Runtu arrimahani aanay waxba ka odhan ayey ku jirtay. Kuwanaa u baahan inay ka hadlaan oo ay wax ka yidhaahdaan.

Xubnahaasi Guddida Caddaaladdu waajibkii ay xukumadu ku lahayd way guteen, laakiin waxay ku gefeen waajibaadkii Guddida ka saarnaa iyo xilkii ay Garsoorka u hayeen. Taariikhdu way qori doontaa. Waxaa halkii Abwaan Jiheeyee ‘Muraayadu waa shacbiga, Ma-dhaafaan waa sharciga.’

Malaha Madaxweynaha may gaadhine, ramadaantii ina dhaaftay, waxaanu Guddida Caddaaladda iyo Wasaaradda Caddaaladdaba gaadhsiinay warbixin aanu ku diyaarinay 27 Garsoore oo da’yartii lays lahaa waxbay Garsoorka ka badalayaan ah. Waxaanu warbixintaasi ku soo urrurinay caqabadaha hortaagan xoojinta nidaamka caddaaladdeed ee dalka iyo kor u qaadista tayada Garsoorka. Toloow, Madaxweynaha miyey gaadhay warbixintaasi? Haddii ay gaadhay, qayladii habeenkii dhowayd kumay cusbayn ee horeba wuu iskaga ogaa tabashooyinkani. Jawaabtuu bixiyeynaa waxay noqonaysaa is difaac. Haddii kale oo ay tahay sida uu isaguba sheegay in aanay soo gaadhin. Waxaan leeyahay, waa sababta igu keliftay, inaan anniga oo Garsoore ah, qoraalkani aan warbaahinta soo mariyo si ay arrintani u ogaadaan dadweynahu. Waxaan diyaar u ahay, haddiiba sida uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sheegay la igu heli karo qodob anshax-marin ah oo aan ku gefay in Guddida Caddaaladdu in la mariyo. Garsoorahu wuxuu xaq u leeyahay inuu rayi’giisa dhiibto, wuxuu xaq u leeyahay inuu wax dhaliilo, wuxuu xaq u leeyahay inuu wax qoro. Haddii Garsoorka ay warbaahintu ka mamnuuc tahay, iyaga yaa u fasaxay? Mise Garsoorka kama tirsana xubnaha Guddida Caddaaladdu IWM.

Waxaan u arkay haddiiba aan arrintani noocan ah ka gilgilan waayo in mushaharka aan qaranka ka qaataa iga xaaraantimoobayo. Waxaa xubin kasta oo Garsoorka ka tirsan ku waajiba inay ka dhiidhido wax kasta oo Garsoorka ceeb ku ah. Maanta Garsoorku sidani uma bahdilnaadeen, haddii ay sharaftooda difaacayaan. Haddii aanan ilaashan karin sharafta ay shareecadda islaamka iyo dastuurka Somaliland I siiyeen, miyaan ilaalin karaa xuquuqda muwaadinka dhibanaha ama eeddaysanaha ah? Maya, WALAAHI waa maya.

Ilaahay iyo ummadda aanu mushaharka ka qaadanaaba way na arkayaan. Tani ninka u botorinayoow, naftaada been ayaad usheegtay, ilaahayna wuu kaala xisaabtami, ummaduna way kugu inkaari. Guddida waxaan leeyahay:

Masuulnimo waa culays,
Maareeye dhabay rabtaa,
Taariikhduna waa mug weyn,
Xuskeedu ma dhaafto yahay.’
-       Abwaan Ismaaciil Jiheeye

ILAAHAYOOW KELMADDA XAQA AH, AFKAYGA KU SUG.
ALLOOW EEX MA TIRAABINE, AQOON-DARRO HA IGU CADDAABIN.

Cabdishakuur Cali Muxumed
Garsooraha Maxkamadda Gobolka Togdheer
Burco. Togdheer.