Pages

Sunday, September 27, 2015

Khasab Maaha in aad Shaqaale Noqotaa! W/Q. Maxamed Cali Bile

1. Waxa dhici karta in aad jaamacad dhiganeyso oo aad ka fikireyso in marka aad dhameyso aad shaqo doonato. Waxa kaloo dhici karta in aad jaamacaddii dhameysatey oo aad shaqo doon tahay. Waxa kaloo dhici karta in aad iminka shaqo ku jirto oo aad rabto in aad shaqadaa horumar ka sameyso.


2. Haddaad tahay mid ka mida 3 dan qof een sheegey, hadda ogow khasab maaha inaad cid kale uun u shaqeysaa, waxa aad abuuri kartaa shaqo aad adigu xor u tahay oo aad naftaada ku kafeyso, dad kalena shaqo ku siiso.

Fikirkan ah in qofkasta oo wax bartaa cid kale u shaqeeyaa waa fikir aad u qaldan.



Aqoonyahan Maxamed Cali Bile


3. Dadku hawlaha wey u kala sameynsan yihiin. Dad baan u sameysneyn iney iyagu shaqo abuuraan oo aan rabin iney khatar qaataan, oo jecel iney meel kale u shaqeeyaan. Balse, dad ayaa ku fiican iney shaqo abuuraan. Waa muhiim in aad is tijaabiso oo aad wax kuu gaar ah isku deydid. Qofka iskii u shaqeysta ee shaqo abuura wuu ka farxad badan yahay qofka cid kale uun u shaqeeya. Waxa keli ah ee ay u baahan tahay shaqo badan, samir iyo geesinimo aad wax ku bilowdo.


4. Waxa dhici karta inaad leedahay wax kasta oo la qaban lahaa waa la sameeyey wax danbe mey hadhin. Run ahaantii, waxa la sameeyey dhibicna kama ahaa marka la barbar dhigo waxa dhiman ee u baahan in cidi hindisto. Ha ku indho beelin intan yare ee kuu muuqata ee hoos wax u eeg, wax ka ogow sida caalamka kale shaqo iyo adeeg loo abuuro, ka bacdi isku dey inaad adna abuurto.



5. Marka ad shaqo abuureyso waxyaabaha aad eegeyso waxa ka mid ah shaqo ama adeeg baahidiisu jirto balse aan ilaa hadda cidi qaban. Marka hore haka fikirin shaqada la qabanayo balse ka fikir baahida iyo sidii baahida loo dabooli lahaa. Tusaale ahaan haddaad caruur dhashay oo aad rabto in aad dabbaasha barto, ma Berbera uun baa la tegeyaa miyaan la sameyn karin meel Hargeysa ama Burco ama Boorama ku taala oo dabbaasha lagu barto. Wax aan loo bahneyni ma jiro, balse geesinimo iyo samir ayay u baahantahay.



6. Waxa kaloo jira adeeg iminkaba jira balse wax ka dhiman yihiin, oo haddii la casriyeeyo dadku xiiseynayaan - Wax aad isleedahay malaha haddii wax lagu kordhiyo xiisahaa badan. 5 sanadood ka hor makhaayad waxaad u taqaaney meel inta la galo qado ama casho laga cuno, oo inta la faraxasho la iska tago. Dad baa iminka furey makhaayad macno kale leh oo aan loo tegin uun in wax laga cuno balse loo tago in lagu kulmo, wax laga cuno, lagu sheekeysto, internetka laga galo. Dad uun baa inta ay sida u eegeen yidhi waar malaha dadku meel ay ku kulmaan ayay u baahan yihiin oo ay wax ku cunaan kuna haasaawaan. Miyaad ka fikirtey iskuul ajinabiga loogu dhigo Af Soomaaliga iyo ciyaar Soomaalida?


W/Q. Aqoonyahan Maxamed Cali Bile