Pages

Saturday, August 25, 2012

Garsoor Madax-Bannaan Baa Caddaalad Laga Sugaa


Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)[i]
  1. HORDHAC

Cadli dooja mooyee
Wax kaloo rag deeqoo
Dadka lagaga eed baxo
Nin u doonay heli waa’.

-         Maansadda Daba-taxan,
-         Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye

Ilaa iyo maalintaan garaadsaday waxaan maqlaa in caddaalad-darro baahsani ay dalka ka jirto, waxaan la kulmay oo aan la sheekaystay dad badan oo caddaalad-darro ka cabanaya, waxaan akhristay qoraalo faro badan oo ka hadlaaya caddaalad-darrada dalka ka jirta. Sidaas darteed, dhegahayga, indhahayga iyo garaadkaygu ba waxay ku koreen dal ay caddaaladu ilmaynayso oo ay u baholyoowday caadilkii noolayn lahaa ee ehelkeeda ku simi lahaa. Caddaalad-darradaasi aad baa looga hadlaa; caalim iyo caamo ba way ka hadashaa, aqoonyahanka iyo jaahilkuna way ku murmaan, dulmanaha iyo daalinkuna way ka sheekeeyaan. Waxaa laysku raacsan yahay in Garsoorku uu yahay kan ku guul-dareystay inuu abuuro caddaalada isla markaana noqday hooyga caddaalad-darrada ilaa ay caan noqotay odhaahdani “Ilaahay Meeshaasi nama geeyo”. Waxaa se muuqata in aanu dadka badankiisu u dhuun daloolin halka ay sartu ka qudhuntay; Haddii nidaam Garsoor oo madax-banaani aanu jirin ama Garsoorku aanu u madax-banaanayn shaqadiisa waa inaan caddaalad laga sugin ba.

Qoraalkaygani wuxuu ku saabsan yahay xidhiidhka ka dhaxeeya caddaalada iyo madax-banaanida Garsoorka, waxaanu iftiiminayaa in caddaalad la gaadhi karo oo qudha marka uu Garsoorku u madax-banaanado shaqadiisa; marka uu ka nabad-galo faro-galin kaga timaada waaxyaha kale ee qaranka sida golayaasha fulinta iyo sharci-dejinta iyo dadweynaha guud ahaan. Qoraalkani wuxuu sharaxaad ka bixinayaa waxyaabaha aasaaska u ah madax-banaanida Garsoorka si caddaalad loo helo.

2. WAAXYAHA IYO AWOODA QARANKA

Sharciga saddex gole ka kooban
Haddana guri qudhi istaadho!

-         Maansadda Gunnaad
-         Abwaan Xasan Dahir (Weedhsame)

Sida ku xusan qodobka 37aad farqadiisa 2aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland “Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah; Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu dastuurku dhigayo. Waax waliba awooda uu dastuurka u gaar yeelay way u madax-banaan tahay.”

Mabda’a kala saarista awoodaha Qaranku (Seperation of Power) wuxuu ka kooban yahay laba arrimood; kala saarista awoodaha waaxyaha Qaranka iyo is-kaantaroolid iyo is-dheelitiris ka dhaxaysa saddexda waaxood ee Qaranka. Waa ta koowaade, saddexda waaxood ee Qaranka mid kasta ba dastuurku awood ayuu u gaar yeelay; Xeer-dejintu waxay awood gaar ah u leedahay awooda xeer-dejineed ee Qaranka (Eeg Qod.38aad ee dastuurka), Fulintu waxay awood gaar ah u leedahay fulinta qorsheyaasha iyo shuruucda Qaranka (Qod.80aad.Dastuurka), Garsoorkuna wuxuu awood gaar ahaaneed u leeyahay u gar-naqa ka dhaxeeya Goleyaasha Dawladda, dadka iyo Goleyaasha Dawladda ; iyo dadka dhexdooda (Qod.97aad.Dastuurka).

Waa ta labaade, mabda’a kala saarista awoodaha waaxyaha Qaranku wuxuu ku qotomaa in aan waaxyaha si dhameystiran gacanta looga gelin waax kasta awooda u gaarka ah laakiin ay waax kastaa kaantarooli karto waaxyaha kale iyadna la kaantarooli karo (Check and Balance). Tusaale ahaan, Mashruuc-sharci kasta oo baarlamaanku ansaxiyaan wuxuu dhaqan-gal noqdaa markuu Madaxweynahu saxeexo  (Qod.38(2), 76aad dastuurka). Madaxda uu Madaxweynahu magacaabo sida wasiirada waa inay ansaxiyaan Golaha Wakiiladu (Qod.53(1).Dastuurka), xeer aanu baarlamaanku samaynin Garsoorku ma isticmaali karo. Garsoorku wuxuu burin karaa xeer ay Xeer-dejintu soo saartay haddii uu ka hor imanaayo dastuurka iyo shareecadda islaamka (Qod.98(1)(j).Dastuurka).

Inkastoo mabda’a kala saarista awooda Qaranku (Seperation of power) uu saddexda waxood ee Qaranka mid kastaba u gaar yeelay awood u gaar ah haddana waaxda Garsoorku waxay labada waaxood ee kale kaga liidata nidaamka damaanada shaqo. Haddii xubnaha goleyaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta ay dadku si xor ah u soo doortaan, muddo cayiman oo aan cidi xilka ka qaadi karina ay xilka hayaan, dadku si xor ah uma doortaan Garsoorka ee waxaa magacaaba oo xiliga iyo markay la noqotana xilka ka qaada Guddida Caddaalada oo labada waaxood ee kale ay xubnaha ugu badan ku leeyihiin. Garsoorku wuu ka mushaharaad yar yahay labada waxood ee kale, mushaharkiisana waxaa go’aamisa Xeer-dejinta waxaana gacanta ku haysa Fulinta. Sidaas darteed waxaynu odhan karnaa Garsoorku ma madax-banaana. Haddii aanu Garsoorku madax-banaanayna dhexdhexaad ma noqon karo.

3. MADAX-BANNAANIDA GARSOORKA

Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu xusayaa in waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fulinayso si waafaqsan dastuurka, iyada oo ka madax-banaan waaxyaha kale ee Qaranka (Qod.97(2).Dastuurka). madax-banaanida Garsoorku waxay muhiim u tahay dhex-dhexaadnimada Garsoorka ee dabaqaada sharciga, ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah ee aadamaha iyo gaadhista caddaalad aan dib-u-dhac lahayn.

Madax-banaanida Garsoorka waxaa lagu macnayn karaa in Garsoore ama hawl-wadeen kasta oo Garsoor uu u madax-banaanaado inuu ka go’aan gaadho arrinta markaasi hortaala ee uu ka garsooraayo isagoo ka shidaal qaadanaaya dhacdooyinka horyaala, addeegsanayana fahamkiisa sharci, isla markaana aanay jirin cid saamayn ku yeelata, khiyaamo ama caddaadis toos ah iyo mid aan toos ahayn oo kaga yimaada cid kale.

Madax-banaanida Garsoorku maaha in Garsoorku uu ka madax-banaanaado Xeer-dejinta iyo Fulinta oo keliya ee waa inuu sidoo kale ka madax-banaanaadaa Siyaasadda, Qabyaaladda iyo cid kasta oo saamayn ku yeelanaysa ka go’aan gaadhista arrin Garsoorka hortaala.

3.1.            Ka Madax-Bannaanshaha Fulinta ee Garsoorka

Ugu horayn Garsoorku waa inuu lahaadaa awood uu kaga madax-banaanaado Xeer-dejinta iyo Fulinta, taasina waxay iman kartaa marka uu Garsoorku leeyahay awood lamid ah kuwa labada waxood ee kale. Taasi se ma jirto oo Garsoorku maaliyad ahaan iyo mansab ahaan ba wuxuu u hoos fadhiistaa labada waaxood ee kale. Mudane Cabdiqaadir Jirde, mar uu ka hadlaayey kulan hawleed lagu falanqeeyey Garsoorka Soomaaliland oo ay qaban-qaabisay Akaadimiyada Nabada iyo Horumarka Soomaaliland 2002dii ayaa wuxuu yidhi:

Nidaamkeenu [dawladdeed] wuxuu ku salaysan yahay saddex waaxood oo dawladda ah oo kala baxsan. Saddexda waaxood waxaa loogu talo-galay inay dastuur ahaan iyo shaqo ahaan ba midba mida kale ay xakamayso iyo inay mid kastaa ba lahaato awoodii iyo agabkii ay ku gudan lahayd waajibaadkeeda dastuuriga ah. Nasiib-darro, Garsoorku waa waaxda ugu awooda liidata saddexdooda. Waxba si toos ah uguma darsaddaan ka hadalka miisaaniyadda, cid afkooda ku hadashaana ma jirto. Annagu, haddaanu Baarlamaanka nahay, markaanu ugu yareysano, markaanu miisaaniyadda ka dooddayno waxaanu dalban karnaa in la noo kordhiyo miisaaniyadda. Dhinaca kale, Garsoorku waa agoon oo malaha awood, waanu ka khayraad yar yahay labada waaxood ee kale. Waa dhibaato siyaasaddeed, waxaanay u baahanaysaa go’aan siyaasaddeed si kor loogu qaado meeqaamka Garsoorka”

Arrinta kale ee caqabadda ku ah madax-banaanida Garsoorku waa in miisaaniyadda Garsoorka badankeedu ay gacanta ugu jirto Wasaaradda Caddaalada iyadoo aanu jirin sharci arrintaasi Wasaaradda awood u siiyey, Wasaarada Caddaaladu waxay gacanta ku haysaa mushaharka Garsooreyaasha oo dhan marka laga reebo Maxkamadda Sarre. Wasaaraddu waxay gacanta ku haysaa dhammaan miisaaniyadda Maxkamaddaha hoose. Sidaas darteed, Wasaaradda Caddaaladu iyadaa maamusha dhammaan hawl-wadeenadda Garsoorka, marka laga reebo Garsooreyaasha Maxkamadda Sarre oo qudha.  Taasi waxay caqabad ku tahay madax-banaanida Garsoorka, waxaanay cadaynaysaa inaanu Garsoorku si madax-banaan u gudan karayn hawlahiisa dastuuriga ah isla markaana aanu gaadhista go’aan caddaalad ah u madax-banaanayn. Sida ku qoran warbixin laga diyaarshay Kulan hawleedkaasi lagaga dooddayey Garsoorka Soomaliland ee ay Akaadimiyadda Nabada iyo Horumarka Somaliland qabatay 2002dii, mid kamid ka qayb-galayaasha ayaa ka dhawaajiyey arrintani;

“Inta aanu go’aan gaadhin, Garsooreha waxaa laga codsanayaa inuu tageero dhinac ama in aanu go’aan soo saarin ba. Haddii uu samayn waayo sidaasi lagu amray, waa la eryayaa ama wuxuu waayayaa mushaharkiisa [...]xidhiidhkani ka dhaxeeya Wasaaradda [caddaalada] iyo Garsoorku waa mid qayrul-dastuuri ah. Waxaa loogu talo-galay in Wasaaradda door loo sameeyo iyo si loo siiyo awood ay ku kaantaroosho Garsoorka. Wasaaraddu waxay ahayd inay Xeer-ilaalinta uun la shaqeyso, si ay xukumadda uga caawiso dhaqan-galinta shuruucda. Dhammaan Maxkamadduhu waa inay hoos tagaan Maxkamadda Sarre maamul ahaan ama loo sameeya maamul madax-banaan.”

3.2.            Guddida Caddaalada

Guddida Caddaaladu sida uu dastuurku dhigaayo waa hay’ada hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxaanay ka kooban tahay toban xubnood oo kala ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre, 2da Garsoore ee ugu darajada sarreeya Garsooreyaasha Maxkamadda sarre, Xeer-ilaaliyaha Guud, Agaasimaha Wasaaradda Caddaalada, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo 4xubnood oo labada gole ee Xeer-dejintu soo magacaabaan. Runtii, daciifnimadda hay’addani waa caqabad ugu culus ee Garsoorka ka hortaagan inuu madax-banaanaado. Waana caqabad dastuuri oo maahan mid cid gaar ah lagu eedayn karo.
Hay’addani wixii ka horeeyey 2011ka xafiis iyo shaqaale toona may lahayn, oo magac-u-yaal ayay iska ahayd. Imika oo ay xafiis iyo shaqaale yeelatayna, inkastoo taasi ay tahay yididiilo soo korodhay haddana weli tamar darnidii Guddida Caddaaladu way jirtaa. Guddida Caddaaladu waa hay’adda ugu sareysa Garsoorka, waxaana ayaan-darrada Garsoorka haysata kamid ah in aanay guddidani si madax-banaan u shaqayn karayn. Arrintani waxaa u sabab ah laba arrimood oo kala ah, arrinta kowaad oo ah xubnaha Guddida Caddaalada oo marka hore ba si khaldan oo qabyaalad isir ku leh loo soo xulay iyadoon loo egayn aqoon, karti iyo dhaqan-yaqaanimo midkoodna. Taasi oo keentay in mar kasta oo Garsooreyaal la magacaabaayo in Guddidu ku magacoowdo nin jeclaysi iyo qaab qabyaaladaysan.

Arrinta labaad waa xubnaha Guddida Caddaalada oo qaarkood ay yihiin masuuliyiin xilal kale haya oo badanaa iyaga ba uu loolan dhex maraa. Tusaale ahaan, waxaa joogto ah muranka iyo khilaafka soo noqnoqda ee ka dhaxeeya Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Wasaaradda Caddaalada. Xubnahani waa xubnaha u taliya guddida, go’aankuna iyaga ayaabu badanka ka go’aa, halka xubnaha kale ay ka yihiin codeeyeyaal. Xubnahani waa kuwa ku loolama awooda maamul ee Guddi Caddaalada. Arrintani waxaa sabab u ah xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adaha Garsoorka iyo Wasaaradda Caddaalada oo aan cadayn.

Dastuurka qodobkiisa 106aad wuxuu cadaynayaa in Wasaaradda Caddaaladu ay u xil-saaran tahay fulinta Go’aannada Maamul ee ka soo baxa Guddida Caddaalada iyo in  xeer gaar ahi uu qeexi doono wada shaqaynta Wasaarada Caddaalada iyo hay’adaha Garsoorka.  Arrintu imakase sidaasi way ka duwan tahay oo marka laga yimaado fulinta go’aanada maamul ee Guddida Caddaalada, Wasaaradda waxaa la siiyey awoodo kale oo ay kamid yihiin maamulka maxkamadaha sida kaaliyeyaasha, agabka Maxkamadaha iyo iyadoo ay Wasaaraddu gacanta ku hayso ba miisaaniyaddii Maxkamadaha. Taasi waxay dhalisay in Wasaaradda Caddaaladu ay isku aragto inay tahay hay’adda ugu sareysa caddaalada dalka, oo hadday hore u ahaan jirtay Wasaaradda Caddaalada maanta waa Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka. Haddii ba ay arrintu sidaasi u cadahayna uma baahnin in aynu is weydiino Garsoorku miyuu madax- banaan yahay.?

Hay’addii ugu sareysay Garsoorku haddii aanay sidii loo baahnaa u shaqaynayn, oo magacaabistooda iyo dadka ay iyagu magacaabayaan ba ay salka ku hayso qabyaalad iyo nin jeclaysi, caddaalad in la sugaa waa baabaco timo ka eeg.  Hadday Wasaaradda Caddaaladuna noqotay Wasaaradda Garsoorka iyadna in caddaalad la arkaa waa cadceedoo galbeed ka soo baxday.

3.3.            Magacaabista iyo Muddada Xilka Garsooreyaasha

“Garsoorku waa baadi-irmaan oo godlatay, cid kastaana ay maalayso. Sidaas darteed buu reer waliba u rabaa inuu Garsoore yeesho – taasina waa ta kharibtay Nidaamka”
-         Cusmaan Xuseen Khayre (Shunu) (APD, 2002)

Si caddaalada loo gaadho, Madax-bannaanida Garsoorka waxaa ugu muhiimsan in Garsoorahu uu noqdo qof madax-bannaan oo aanu noqon qof cid kale kursiga u fadhiya. Si uu Garsoorahu u madax-bannaanado waa in aanu markiisa hore ba noqonin qof nugul oo magacaabistiisa ay cid gaar ahi ugu mano-sheegaynayso hadduu yahay reerkiisa iyo cid kale toona. Garsooraha waa in lagu magacaabaa kartidiisa iyo heerka ay aqoontiisa sharci gaadhsiisan tahay, markaasuu noqon karaa qof isku kalsoon oo caddaalad xukumi kara. Waxaa kale oo iyadna muhiim ah in Garsoorahu uu ka badbaado in lagu cabiidsado xilka oo aanu noqonin qof u baqa xilkiisa. Garsoorahu ma madax-bannaana inta uu og yahay in xiliga la doono xilka laga qaadi karo weliba sabab la’aan. Labadaasi arrimood ee aan kor ku sheegay waa arrimaha sababta u ah caddaalad-darrada baahsan ee dalkeena ka jirta. Qof la hayste ahi caddaalad ma xukumi karo.

Waddamada caalamka badankoodu muddada xilka Garsooreyaasha way cayimaan; waddamada qaarkood Garsooraha xilka lagama ba qaadi karo ilaa uu gaadho da’da hawl-gabka (retirement age) haddaanu akhlaaq xumo ku kicin ama aanu sharciga ku gefin. Wadamada qaarkoodna muddo cayiman oo aan la cusboonaysiin Karin ayuu Garsoorahu xilka hayaa, tusaale ahaan, wadamada Yurub badankooda Garsoorahu wuxuu xilka hayaa sagaal sanno oo aan soo noqosho lahayn, sagaalkaasi sanno xilka lagama qaadi karo haddaanu akhlaaq xumo ama fal sharciga khilaafsan ku kicin.

3.4.            Xaaladaha Shaqo iyo Amniga Garsooraha

Arrimaha kale ee loo baahan in Garsoorahu uu ka madax-bannaanaado waxaa kamid ah arrimaha khuseeya shaqadiisa sida amniga iyo mushaharkiisa oo aan sugnayn.  Mushaharka Garsooreyaashu wuxuu ka liitaa mushaharka dhigooda Waaxaha kale iyo shaqaalaha dawladda qaarkood. Taasina waxay Garsoorahii ka dhigtay qof aan shaqadiisa ku imaan qabin oo laaluush qaate ah. Amniga Garsoorahu ma sugna, oo Garsoorayaashu keligood ayey dadka dhex lugaynayaan iyagoon hub iyo gaadh toona lagu tageerin. Waxaan aad u yaabaa markaan arko gaadiidka dawladda ee ay wataan shaqaalaha Wasaaraduhu sida Agaasime Waaxeedyada iyo sida Garsoorayaashu ay lug ama basaska dadweynaha ugu yimaadaan shaqadda, labada iyamaa mudan tolow! Waxaa dhacda in Garsooreyaasha ay dariiqa u sii galaan tuugta ama dambiilayaal ay hore u xukumeen. Taasi waxay ina tusinaysa inaanu caddaalad xukumi karayn qof baahan oo aanu amnigiisuna sugnayn.

4. SOO JEEDIMOOYIN

1.   Madax-bannaanida Garsooreyaasha; Mushaharkooga, Gunnooyinkooga, Amniga, Muddada xilka, Xaaladaha shaqada iyo Da’da hawl-gabku ba waa inay sharci ku xusnaadaan.
2.      Guddida Caddaaladu waa inay noqotaa Guddi Madax-bannaan oo Garyaqaano u badan oo aanay ku jirin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaalada, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo xubnaha ay Xeer-dejintu soo magacoowdo. Sidaas darteed waa in la badelaa qodobka 107aad ee dastuurka.
3.      Garsoorku waa inuu miisaaniyadiisa u madax-bannaanaadaa oo aanay gacanta ku haynin Wasaaradda Caddaaladu.
4.    Muddada Xilka Garsoorahu waa inuu noqdaa wakhti cayiman oo aan xilka laga qaadi Karin haddaanu akhlaaq-xumo ama fal sharciga khilaafsan ku kicin.
5.      In la sameeyo xeer hoosaadka anshax-marinta Garsooreyaasha
6.   Garsoorku waa inuu qortaa shaqaalaha Maxkamaddaha si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Dawladda.
7.     Madaxweynahu in aanu soo jeedin Karin xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre sabab la’aan iyo in xil ka qaadista Xeer-ilaaliyaha Guud lagu xidho ansaxinta Golaha Wakiiladda.
8.  In la cadeeyo xidhiidh wada shaqayneed ee Wasaaradda Caddaalada iyo hay’adaha Garsoorka



[i] Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer), Waa La-taliye Sharci madax-bannaan iyo Qoraa ka faalooda arrimaha bulshada iyo siyaasada Soomaaliyeed, waxaanu qoraa sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu wax ku qoraa Wargeysyada iyo Mareegaha afka Soomaaliga ku soo baxa. Waxaad Kala xidhiidhi kartaa awmuxumed@yahoo.com ama +25224460167www.goodlawyer4.blogspot.com, Hargeysa, Soomaliland.

No comments:

Post a Comment