Pages

Friday, December 12, 2014

DHALLINYARNIMADA: MARXALAD QAALI AH. W/Q. M.M KASTAM

Dhallinyaranimadu waa marxalad qaali ah oo aan dib u soo laaban ama loo helin.
Soomaalidu maahmaahadooda qaaliga ah waxa ka mid ah; “qofka labaatan-jirkiisa dedaala ama shaqaysta wuxuu nastaa lixdan-jirkiisa”, culimada bulshaduna waxay yidhaahdeen; “hantida dhabta ah ee ummadaha ama ummad kasta waa dhallinyaradeeda”.
Dal kastaa waxa uu aad ugu dedaalaa in uu waddankiisa u sameeyo manhaj waxbarasho oo wanaagsan iyo in uu diyaariyo dhallinyaradii mustaqbalka wax hagaajin lahayd.
Hase yeeshee, waxa sidan la yeelaa, marka uu jiro hoggaamiye wanaagsan oo waddaniyaddu ku weyn tahay, waayo, Madaxweynaha waddaniga ahi waa mid markasta ka shaqeeya danta guud, kana fekera jiilkii dalka sii hoggaamin lahaa mustaqbalka, halka Madaxweynaha siyaasiga ahi yahay danayste, markasta ka sii fekera doorashada soo socota sidii uu ugu guulaysan lahaa.
Dunidu waa silsilad taxan oo taariikh xambaarsan, hoggaamiye kasta, aabba ama oday kasta iyo mid kasta oo aqoonyahan ah dhaxalkiisu waa taxanaha taariikhdu u samayso oo lagu xusuusto.
Marka dambe Madaxweynaha markasta dadweynihiisa daacadda u ah, yididiilo iyo horumarna la doonaa, shaki kuma jiro madaxda noocan ah in aanay dhimanayn oo uu waxqabadkoodii wanaagsanaa soo nooleeyo oo lagu xasuusto.
Odayga wanaagsan ee la mid noqda odaygii boqol-jirka ahaa ee Boqorkii Kisra la odhan jiray ku yidhi; ‘oday-yohow, waa maxay geedka aad baaraysaa?’ Odaygiina ugu jawaabay; ‘maxaad ka garanaysaa geedkan?” Kisra wuxuu weydiiyey; ‘geedkani tobanneeyo sannadood ayuu ku baxaa, adiguna waxaad tahay boqol-jir’. Odaygii ayaa ugu jawaabay; ‘waa runtaa, laakiin maad garan ujeeddada’.
Dadkii innaga horreeyey way inoo beereen oo waynu goosanay, aniguna waxaan u beerayaa oo aan ugu talogalay jiilka dambe iyo da’yarta, odayga isna sidan ku sifooba, ayaa la odhan karaa waa oday khaatimaystay.
Haddii aan u soo noqono mowduuceenna ahaa dhallinyarnimada, dhallinyaranimadu waa marxalad qaali ah, macnaheedu waa qofka oo garta qiimaha dhinaca waqtiga, aqoonta iyo dhinacyada kaleba uga faa’iidaysta.
“ Dhallinyaranimadu waa adiga oo wixii kaa horreeyey wax ka oggaada oo dhinaca waayo-aragnimada uga faa’iidaysta; waa adiga oo markasta hortaada eega oo higsada buuro iyo marxalado aan hore loo gaadhin; waa adiga oo isbeddel-doon noqda iyo in aad ka muuqato waayahaag; waa adiga oo garta xaqa kaa maqan oo doonta iyo adiga oo aan u oggolaan xaqaaga markasta cid kale iyo in ay waayahaaga ku guurto ama iska yeelato”.

Dhallinyaranimadu waa han iyo hanti marka la garto iyo guulo aan la is-hortaagi Karin.

No comments:

Post a Comment