Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Waxaan hubaa oo aan sharaxaad iiga baahanayn in ay
Jaamacadda Hargeysi tahay hooyga aqoonta iyo hooyada aqoonyahanka Soomaaliland;
waxay hormuud u tahay Jaamacaddaha Soomaaliland oo dhan, waxaanay ku noqotay
aqoonyahanka ka hawl-gala iyo jiilka ay soo saartay ee bulshada wax-taray. Kaalin
wayn ayey kaga jirtaa horumarka dhaqaale, bulsho ama siyaasaddeed ee dalka. Waxaa
laga yaabaa inaad is-weydiiso haddii ba Jaamacadda Hargeysi ay leedahay
sifahaasi aan soo sheegay, waa maxay gurmadka ay u baahan tahay?Ma waxaa jirta
dhibaato hor leh oo Jaamacadda haysata? Haa, dabcan Jaamacadda Hargeysi iyadoo
ah qorraxdii cilmiga ee Soomaaliland oodhan iftiimisay, ayaa haddana waxaa
jirta in maanta ay u baahan tahay gurmad qaran oo dhinaca maamulka, hoggaaminta
iyo dhaqaalaha ah. Waxay gurmad uga baahan tahay dhammaan qaranka Soomaaliland
ama intooda u damqanaysa. Waxay u baahan tahay in laga badbaadiyo maamul-xumo iyo
bahdilaad ka jirta Jaamacadda.
Runtii, way igu adag tahay in aan Jaamacadda Hargeysa ku
sheego maamul-xumo iyo waxyaabo kale oo aanan la jeclayn in lagu tilmaamo. Waa qayb
noloshayda kamida; wax baan ku bartay oo wax bay iga dhigtay, waxaan ku qaatay
wakhtigii noloshayda ugu qaalisanaa. Annigoo muddadaasi oo dhan ba la socday
baylahda iyo hagardaamooyinka maamul-xumo ee ay la kulantay haddana intaasi ba
waxaan is tusayey Jaamacadda Hargeysi waa hal-bowlahii bulshadoo cid uun baa u
gurman doonta; waa loo damqan doonaa oo dad bay leedahay. Waxaan ku
xisaabtamayey in Jaamacadda dalka ugu balaadhan, ugu wax-soo-saarka badan
dhinaca aqoonta laf-dhabarna u ah horumarka qaranku aanay waayi doonin cid ka
saarta marxaladdaha adag oo garabkeeda istaagta. Way igu dheeraatay muddadii aan
sugayey in aan arko ama maqlo cid ka damqatay kufsigaasi Jaamacadda ku dhacaya.
Waan ku hungoobay riyadaasi. Wax sii xumaanaya mooyana wax ka soo raynayana ma
arko. Dabadeed, annigaa isku canaantay “Waar
horta waa ayo cidda aad is leedahay Jaamacadda Hargeysa ayey u gurman doontaa?”
xukumadda, aqoonyahanka mise dadweynaha! Xukumadda war kuma seeggana
arrintani oo iyadaa ba markasta qayb ka ah maamul-xumada iyo dhibaato kasta oo
ay Jaamacadda Hargeysi la kulanto. Aqoonyahanku-na waa ka qayb dhibta
Jaamacadda Hargeysa taal. Markasta oo aan dhibaatadda Jaamacadda haysata
dareemo misana aan ogahay in aan la waayin aqoonyahan dhibtaasi ka saari kara
ama xil iska saari kara xalinta dhibtaasi laakiin aqoonyahankii si ay ka
noqotay ba mooyee uu kaalintaasi gabay, waxaan xasuustaa kelmadda dhaxal-galka
ah ee saynisyahankii weynaa ee Albert Einstein ka tagay “Adduunyadu uma burburayso, dhibaatadda ay abuuraan rabshad-wadayaashu,
ee waxay u burburtaa aamusnaanta kuwa wanaagsan ee aan wax ba ka qaban”
dadweynaha intooda badani waa warmoog, intooda yar ee wax ka ogina iskuma
arkaan in ay Jaamacadda wax u tari karaan. Annigoo kamid ah aqoonyahan
is-moodka ay Jaamacadda Hargeysi hooyada u tahay ayaa kamid ah inta gabtay
kaalintoodii ee aan gudin abaalkii iyo waajibaadkii Jaamacadda Hargeysa.
Maanta waxaan qalinka u qaatay si aan ugu hiiliyo Jaamacadda
Hargeysa. Si aan bal in uun u gudo abaalka iyo waajibaadka ay Jaamacadda
Hargeysi iga mudan tahay. Waxaan qalinka u holaday in aan dhibaatada Jaamacadda
haysata ka run sheego. Waa iga tamar qoraalkani. Waxaan qaylo-dhaan u dirayaa
ehelkii aqoonta iyo cid kasta oo u damqanaysa Jaamacadda Hargeysa si ay ugu soo
gurmato Jaamacadda Hargeysa, si ay uga hiiliso maamul-xumada, dhaqaale-darrada
iyo baylahda taala Jaamacadda Hargeysa.
Jaamacadda Hargeysa oo la aasaasay sannadkii 2000-kii, waxaa
u kala dambeeyey shan maamul muddadaasi 12 sanno ah. Shantaasi maamul wax-qabad
iyo waxyeelo ba way is dheeraayeen. Marxaladdo kala duwan bay kusoo kala
beegmeen. Mid aan wax-qabanin majiro, mid aan waxyeelo wadanina majiro. Jaamacaddu
sannadihii ugu horeeyey ayey muddo kooban ku gaadhay heer ay la tartami karto
Jaamacaddaha dhigeeda ah ee mandaqadani ku yaala. Maamulkii ayaa qasmay,
dhaqaale badan ayaa lumay, waxyaabo aan maamulka Jaamacaddeed munaasib ku ahayn
ayaa la caadeystay. Maamul kastaa wuxuu sheegaa inuu dhibaatooyin maaliyaddeed
ka dhaxlay kii ka horeeyey. Maamul kastaa markuu cusbaa wuxuu sheegay inay
jiraan shaqaale fara-badan oo aan Jaamacadda u soo shaqo tagin laakiin
mushaharka iska qaata. Maamul kastaa wuxuu ku doodday in maamul-xumo dhinaca
shaqada iyo maaliyadda ahi ay jirtay hortii laakiin majiro maamul qudha oo wax
ka qabtay dhibaatooyinkaasi, waana sababta uu maamul kasta oo cusubi u dhaxlayo
dhibatadaasi ee ay ilaa maanta u taagan tahay.
Marka laga yimaado labadii maamul ee ugu horeeyey,
maamuladda dambe waxay had iyo jeer Jaamacadda geliyeen marxalad kala-guur.
Markii Prof. Cabdi Haybe iyo ku-xigeenadiisii xilka laga qaaday waxaa xilkii Guddoomiye-nimo
loo magacaabay Dr. Xuseen C/laahi Bulxan halka ku-xigeenadiisana loo magacaabay
Mubaarig Ibraahim Aar iyo Aamina.Maamulkaasi wuxuu awoodda saaray xoojinta
addeega Jaamacaddu u qabato ardayda, xidhiidhka dibadeed ee Jaamacadda iyo
qiimaynta macalimiinta.Waxaase muuqatay in wada shaqaynta maamulku ay aad u
liidatay, oo Guddoomiyahu badanka arrimo dibadeed ayuu ku maqnaan jiray, khilaafka
labada ku-xigeena joogto ayuu ahaa oo iyagaa ba isku eedayn jiray
maamul-xumo.Waxaa aad u liitay xidhiidhkii maamulka iyo ardayda ka dhaxeeyey.
Muddo laba sanno ah iyagoon dhameysan ayey Guddoomiye ku-xigeenkii Maaliyadda
iyo Guddoomiyahii Jaamacaddu is casileen muddo in yar kala dambeysay.
Waxaa muuqatay in maamulkii Prof. Cabdi Haybe dhammaadkiisa
ay sabab u ahaayeen hormuudyadda kuuliyadaha Jaamacadda oo isku kaashaday ka
go’aan gaadhista magacaabista maamulka Jaamacadda. Markuu Dr. Bulxan is
casilay, hormuudyadii kuuliyadahu waxay isku kaashadeen in aan maamul cusub
dhakada lagaga keenin. Taasi waxay sababtay in Alle ha u naxariistee Prof. Muse
Cabdi Cilmi oo ay iyagu raali ka ahaayeen si ku-meel gaadh ah loogu magacaabo
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa. Wakhti kooban ayuu isna xilka hayey intaanu
shil baabuur oo naxdin leh ku dhiman.Waxaa xilkii Guddoomiye-nimo si ku-meel
gaadh ah ula wareegay ku-xigeenkiisii Cabdiraxmaan Axmed oo isaguna markuu ku
dhowaad laba bilood xilka hayey iska casilay kadib markuu shaqo ka helay
Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliland.Waxaa xilkii Guddoomiyenimo
la wareegay Muse Aadan Axmed oo Guddoomiye ku-xigeen ahaa. Isaguna dhowaan ayuu
iska casiley isagoon sannadkii ugu horeeyey aan dhamaysanin.
Marka aad u fiirsato geedi-socodkaasi maamul ee Jaamacadda
Hargeysa waxaad fahmaysaa in Jaamacadda Hargeysa ay badanaa ku jirto xaalad
kala-guur oo dhinaca maamulka ah. Sannadkii 2011-ka oo qudha saddex Guddoomiye
ayaa Jaamacadda soo maray. 2 Guddoomiye iyo 2 Guddoomiye ku-xigeen ayaa is
casilay. Waxaa kale oo aad arkaysaa in had iyo jeer maamuladan dambe oo dhani
ku-meel gaadh ku bilaabeen hawsha oo ay Guddoomiye ku-xigeeno ahaayeen taasi oo
ina dareensiinaysa in meesha uu ka maqan yahay doorkii xukumaddu ay ku lahayd xulashada
xubinta loo magacaabayo maamulka Jaamacadda. Waxaa caado noqotay in maamulku
gudaha Jaamacadda ka yimaado oo had iyo jeer Guddoomiye ku-xigeennada midkood
uu noqdo Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah, taasi oo ay sabab u tahay saameynta
xoogan ee ay hormuudyadda kuuliyadahu ku leeyihiin magacaabista maamulka
Jaamacadda Hargeysa. Arrimahani waxay ragaadiyeen horumarkii Jaamacadda
Hargeysa. Waxay dileen hankii bulshadu ay u qabtay in Jaamacadda Hargeysi ay
noqoto xarun aqooneed oo heer caalami ah.
Xaaladahaasi kala-guurka maamul marka laga yimaado, waxaa
jirta maamul-xumo soo jiitamaysay muddo badan. Jaamacaddu iyadoo ay tahay
Jaamacadda ugu ardeyda badan guud ahaan Jaamacaddaha Soomaaliland, ayaa haddana
mar kasta maamulada Jaamacaddu waxay ka cawdaan dhaqaale yari. Waxaa dhacday in
laysku dayey in la dhimo mushaharka macalimiinta taasi oo sababtay in ay
macalimiintu shaqadda joojiyaan hal maalin.Waxaa sidoo kale la kordhiyey Fiigii
ay ardaydu bixin jireen. Arrimahaasi waxay sababeen in markii ay maareyntoodu
adkaatay uu dhowaan is casilay Guddoomiyahii Jaamacadda Hargeysa Muse Aadan
Axmed. Arrimaha maamul-xumada Jaamacadda ugu daran waxaa kamid ah;
1. Waxaa aad u liita awooda maamul ee guddoomiyaha iyo
ku-xigeenadda
2. Waxaa aad u liita xidhiidh wada shaqaynta guud ee ka
dhaxeeya hormuudyadda kuuliyaddaha iyo maamulka jaamacadda.
3. Waxaa meesha ka maqan xidhiidhkii ardayda iyo maamulka
Jaamacadda.
4. Majiro urrur ay ardaydu ku midaysan tahay oo afkooga ku
hadla.
5. Waxaa badan is faham-waaga ardayda iyo maamulka.
6. Habka shaqo-qorista iyo xisaabaad oo aan cadayn,
7. Kala dambeyn maamul oo aan jirin
8. Hormuudyadda kuuliyadaha oo maamulka kaga awood badan
kuuliyadaha.
Dhawr bilood ayaa ka soo wareegay markii uu Guddoomiyahii
Jaamacadda Hargeysi is casilay, ilaa iyo maanta Jaamacaddu waxay ku jirtaa
xaalad kala-guur oo Guddoomiyahii is casilay ayaa weli xilka sii haya. Inkasta
oo Guddida Tacliinta Sarre oo uu Madaxweynahu dhowaan magacaabay ay baahisay buuxinta jagadda Guddoomiye-nimo ee Jaamacadda Hargeysa,
haddana ilaa iyo maanta xayeysiisku wuu socdaa waa muddo laba bilood ah. Ma
waxaan soo codsanin dadkii loo baahnaa? Ma waxaa la laayahay qofkii ku
haboonnaa jagadani? Ma dadka soo codsaday ayaa isku derejo dhaw oo la kala
saari kari laayahay? Wax ay tahay ba, waxaan la aamini karayn in muddo dhawr
bilood ah Jaamacadda Hargeysa loo laayahay oo loo raadinaayo qofkii Guddoomiye
ka noqon lahaa. Waa bahdilaad lagula kacay Jaamacadda Hargeysa.
Jaamacadda Hargeysi waxay u baahan tahay in laga saaro
xaaladdani kala-guurka maamul ah ee ay ku jirto, oo sida ugu dhakhsiyaha badan
loogu soo magacaabo qofkii Guddoomiyaha ka noqon lahaa. Waxay u baahan tahay in
loo soo magacaabo qof qasdi qarannimo leh oo aan mid qabyaaladdeed lahayn. waxay
u baahan tahay Guddoomiye ma habrade, ma hiishade, ma haleeye, ma haybsade iyo
ma hungureeyeba ah.
Waxaan jeclahay inaan qoraalkaygan ku soo gunaanado, su’aal
ah Waa kuwama Guddida Tacliinta sarre? Guddida Tacliinta sarre waxaa magacaabay
Madaxweynaha, waxaanay ka kooban tahay aqoonyahanno badankoogu ay Jaamacaddo
hoggaamiyaan. Inkasta oo ay xubin ka tahay Drs. Edna Adam oo Jaamacadda
Hargeysa garab taagnayd ilaa iyo intii la aasaasay, haddana markaad aragto xubnaha
kale oo badankoogu ka soo jeeda Jaamacaddo kale oo Jaamacadda Hargeysa tartan
dhinaca suuqa ah kula jira waxaad dareemi kartaa in aanay arrinta Jaamacadda
Hargeysa iyo arrin kale toona u hagar baxaynin. Waxaa wax lala yaabo noqotay in
Jaamacadda Hargeysi aanay xubin ku lahayn Guddida Tacliinta Sarre ee dalka. Runtii
waa wax lagu qoslo. Jaamacaddii soo saartay aqoonyahanka ugu badan ee maanta
dalka ka hawlgala, isla markaana ah Jaamacadda ugu baaxada wayn Jaamacaddaha
Soomaaliland ayaan wax ba laga waydiinayn Tacliinta sarre ee Soomaaliland,
halka Jaamacaddahii kale ee qaarkood aanay weli cagahooga ku istaagin ay xubno
ka yihiin Guddida Tacliinta sarre. Dhalinyarada aqoonyahanka ahi waxay is
weydiinayaan toloow Madaxweynahu muxuu Jaamacadda Hargeysa ugu dari waayey xubnaha
Guddida Tacliinta Sarre? Runtii annigu shakhsi ahaan ma aaminsani in Guddida
Tacliinta Sarre ay sidii loo baahnaa uga hawl-gashay soo Magacaabista
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa. Waxaan is weydiinayaa Jaamacadda Hargeysa yaa
u maqan? waa su'aal aan akhristayaasha u deynaayo jawaabteeda.
_______________________________________________________________________________
Cabdishakuur Cali Muxumed
(Good Lawyer) waa hawl-wadeen ka tirsan qaybta Xuquuqda Aadamaha ee Kuliyadda Sharciga
ee Jaamacadda Hargeysa. Wuxuu qoraa sheekooyinka gaagaaban iyo maqaalo ka hadla
xaaladaha dhaqaale, bulsho iyo siyaasaddeed ee Soomaaliland. Wuxuu wax ku qoraa
jariiradaha Soomaaliland iyo mareegaha af-soomaaliga ah. Wuxuu qoray
sheekooyinka Nolol-wadaag iyo Dhiirrane: Mujaahidkii Waashay oo aan weli la daabacin, laakiin lagu qoray
mareegaha af-soomaliga wax ku qora.Waxaad kala xidhiidhi kartaa www.goodlawyer4.blogspot.com
No comments:
Post a Comment