Madaxweynihii hore
ee Somaliland Md Dahir Rayaale Kaahin markii uu xilka wareejinayay hadaladiisii
waxa ka mid ah oo wali shacbigu xasuusan yahay “Madaxweyne Maanta waxan kugu
Wareejinayaa dal ishaysta iyo dad midaysan!
Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cadami |
Wuxuu u rajeeyay
inuu halkaa ka sii wado iyo in uu meel ka sii fiican gaadhsiiyo maalinta isagu
xilka wareejinayo Madaxweyne Siilanyo isaguba wuu jecelaa in uu dalkiisa
horumariyo iyo inuu dadkiisa u horseedo nolol wacan, wuxuu jecelaa inuu noqdo Madaxweynihii
ugu wanagsanaa ee Somaliland soo mara ama soo mari doona, wuxuu doonayay inuu
noqdo Hogaamiye ummadu mahadiso oo taariikhda gala sida madaxda dhigiisa ah ee
ka soo baxay dalalka jaarka ah sida, Raysal wasarihii hore ee Itobiya Md Meles
Zenawe iyo Raysal wasaraha Hada talada haye Md Hailemariam Desalegn ama
Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar geele, hase ahaatee 4 sanadood ka dib
waxad moodaa Somaliland in ay dib ugu noqotay marxaladihii la soo dhaafay.
Hadaba Madaxweynaha maxaa ka khaldamay haddii uu rabay in uu magac iyo dhaxal
ka tago?
1-
Madaxweyne Siilaanyo xafiiska lama uu iman wax qorshe ah iyo
aragti siyaasadeed oo uu dalka ku hago, sidaa awgeed nidaam qabali ah ayaa
buxuuxiyay kalintii madhnayd.
2-
Madaxweyne Siilanyo waxa lagula taliyay oo lagu yidhi: beeshaad ka
adkoow kuwa manfaca raba ee aan magaca rabin laakiin kuwii lagala taliyay ayaa
isagii ka adkaaday.
3-
Wuxuu waxba ka qaban kari wayay wasiiradiisa walfay wuxuu ogoladay
in wasiiradiisu kala sareeyaan, si aan loo carqaladayn kuwa boobay hantida
qaranka waxa la curyamiyay shaqadii hay’adaha u xil saaran ilaalinta hantida
ummada, waxa la sharciyeeyay lacago baad ah oo laga qaado rakaabka dhoofaya oo
aan laga qarin in wasiirku leeyahay, Culimada Cilmiga siyaasadu waxay isku
raaceen dawalda xakamayn wayda musuqa ama fasaxda sida Somaliland aakhirka
iyada ayuu dumiyaa ( A government that tolerates corruption will become
the victim of corruption).
Madaxweynaha isku
kalsooni wuxuu xushaa ama isku xeeraa rag isaga ka caqli badan ama ka aqoon
badan oo wax ku kordhin kara ama kaabi kara, ka aan isku kalsoonayni (
Insecure) isagu wuxuu doortaa rag ka aqoon yar ama garadkoodu ka
hooseeyo oo wax badan ka caawin Karin waana sirta Madaxweynayaashu isku
dhaafaan ee midna taariikhda meel sare ka galo midna hoos u dhaco. si kastaba
ha ahaatee Somaliland kuma sii socon karto xalada ay maanta ku jirto.
Wali fursad baa
jirta wax lagu toosin karo, hase yeeshee rajo badan lagama qabo in Xukuumada
Siilaanyo wax sixi karto sababta oo ah maba oga mana garwasana in qalad ba jiro
waxay rumaysan tahay inay wax badan qabtay iyo waliba dheeraad.
Cabashada dadweynaha
iyo dhawaaqa mucaaridka waxay u arkaan is yeel yeel iyo in wax qabadkooda la
xaasidayo.
Hadaba way
haboontahay in dawalada la toosiyo oo aan la daawan ilaa inta ay ka dumayso,
waa lagama marmaan in si sharci ah loo badalo hogaanka xumaaday, waa wajib ina
wada saaran in aynu adkayno midnimada bulshada oo ah xooga ay ku tiirsan tahay
qarnimada Somaliland.
Hadaba sidee loo
toosin kara ama laysaga ridi karaa maamulka asqoobay ee Madaxweyne Siilaanyo?
1-
In Madaxweynuhu garwaaqsado kana jawaabo dhaliilaha loo soo
jeedinayo maamulkiisa ee uu dhagaha ka furaystay.
2-
Inuu ku dhiirado inuu ka takhaluso raga kaday ama jabiyay ee la talinayay
afartii sanadood ee uu talada hayay iyo inuu iska fogeeyo fadeexadaha magaciisa
lagu galay. Madaxweyne bal in Ilaahay kaa aqbalo waxaad ku ducaysta ducadii
boqoradii hore ku ducaysan jireen oo ah “ Ilaahayoow iga badbaadi Sharka iyo
Khiyaamada Saaxiibaday iyo ehladayda anigaa iska ilaalin cadawgayga” ( Lord
protect me from my friends and my family, I will take care of my enemy).
3-
In maamulka Madaxweyne siilanyo xoogiisa isugu geeyo sidii
shacbigu u heli lahaa cadaalad iyo garsoor madax banaan waa in dedaal loo galaa
sidii loo soo celin lahaa kalsoonidii maxkamadaha.
4-
In la helo mucaarid u midaysan danta ummada oo leh aragti
siyaasadeed oo fog oo ka duwan aragtida gaaban ee xukuumada Madaxweyne
siilanyo.
5-
Qaar ka mid ah siyaasiyinta mucaaridku ha joojiyaan in bulshada
lagu abaabulo ama lagu kiciyo caadifad qabiil si dano gaar ah iyo darjo
loogu gaadho, reer hebel iyo ba’ heblaayo ayaan shirinayaa waxay ka hor
imanaysaa doodihiinii iyo dhaliillihii ahaa siilnayo dadku uma sina ee waa
madaxweyne qabiil dalkana wuu duminayaa, haddii aanay taladiinu ahayn aniguna
dhankaygan duminayaa.
Dawladaha fashilmay
amaba digtaytarada Africa sababaha in ay xukunka sii xejistaan waxa ka mid ah
kala qaysanaanta mucaaridka iyo tabaha ay isticmaalayaan oo ka
liita kuwa ay ku dhaliilayaan rajiimka sida daraadeed ma helaan
taageerada dadweynaha waxay dantu badaa oo ay ka doorbidaan shaydaanka ay
barteen ama la qabsadeen ( The devil you know is better than the devil
you don’t know)
6-
Dad weynaha oo barta sida loo doorta madaxda wanagsan markasta oo
muwaadinku codaynaayo waa inuu ka fekeraa aayihiisa iyo aayaaha ubadkiisa, waa
ayaan daro in aynu cadifad qabiil iyo wax la mid ah ku doorano goleheena
deganka, Wakiilada iyo madaxweynaheena baritana laga calaacalo.
C/raxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com
No comments:
Post a Comment