Pages

Saturday, January 26, 2013

Ma Waalna!!!

W/Q. Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)[i]
Haa, ma waalna! Dadku waxay yidhaahdaan “waa nin waalan”, adigu ba haddaad aragto muuqiisa waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdo “wuu waalan yahay”. Waa nin laf weyn, hilboon oo buuran, qarqarka sare u wayn. Waa nin madoow midab ahaan, had iyo jeer weji furan oo dhoolo-cadeynaya. Waxay ugu yeedhaan “Dhako”, waa naaneys aan is idhi waxay ugu baxday madaxiisa weyn iyo tunkiisa xoogan dartood.
Laba casho ayaanu magaalada joognay, taag taagnida iyo daymadayada faraha badan ee uu mid ba jiho u jeedo annagoo wada joogna ayaa lagu garanayaa qariibnimadayada. Magaalada qofkii na arkaa ba warkayaga wuu hayaa; in aanu habbeen saddexaadkii magaalada soo galnay. Waxaanu la yaabanahay sida warkayaga lagu helay – waar toloow ma iddaacadahaa inaga waramay? Ayaanu dhawr jeer isa su’aalnay. Hudheelkii aanu ku soo dagnay, qaybtiisa wax laga cuno ayaanu ka qadaynaynaa oo magaaladda iyo horumarkeeda ayaanu falan-qaynaynaa inta dalabkayagu noo imanayo. Mawduucaasi waxaa noo weheliya, magaalada iyo sidii aanu ula qabsan lahayn. Iyadoo sahaydu-na nagu yar tahay ayaanu haddana u baahanahay inaanu guri kireysano, qalabaysano dabadeedna shaqaale qabsano oo sidaasi ku degno. Kharashka aanu sidanaa naguma filna, waxaana intaasi noo dheer asxaabtii iyo dadkii aanu isku magaalada ahayn ee magaaladan nagaga soo horeeyey oo iyaguna noo soo shaxaad doontay. Waxaanu isku canaanaynaa sahaydii  la nagu soo ambo-baxshay oo aanu Hargeysa kusoo isticmaalnay.
Laba rayi ayaanu ku kala dooddaynaa; waar innagaa ba cusuboo marti sooris mudane, waa maxay dadkani wax ina waydiinayaa? iyo kol haddii reer Hargeysa oo ogaa meesha aynu u soo soconay ba inaga calaf qaadeen, maxaynu ula yaabaynaa ardayda iyo shaqaalahan gobolka ku go’doonsan? Annagoo labadaasi rayi isku hayna ayuu marag-fur cadi albaabka hoolkii aanu ku qadaynaynay soo istaagay. Waa nin calal dugoobay dushiisa ka laalaadaan, kabo kala gedisan oo kala midab ahna gashan, Kuye “Madaxda waar bal wax uun keena!!” intaanaan jawaabin laakiin uu qof kastaa ba fahmay inuu qof waalan yahay, ayuu intuu dib u hakaday la soo booday “alla waar waa marti VIP ah, haddaa waan idin dhaafinayaa. Soo dhowaada!!!” af-kala-qaad ayuu haddalkaasi nagu noqday. Intaanu mar qudha is wada eegnay ayaanu qosol tacajaba ku wada dhufanay. Saaxiibkay oo I garab fadhiyay ayaa yidhi “Magaaladan waalnideeda ayaa ba cilmiyeysan.” Annigu se waxaan hoos iskula shawray sida kelmadahani jawaab ugu noqdeen arrintii aanu hadal haynay. Dadka magaalada nooga soo horeeyey ee noo soo shaxaad yimid, ma waxay garan waayeen inta uu ninkani waalani gartey. Iyamaa waalan dadka iyo isaga?
Cambaar kadib, annagoo meel kale marayna ayaanu ku soo baxnay meel uu taagan yahay ninkii waalnaa. Intuu dhoolacadayn nagu qaabilay ayuu yidhi “Haa saaxiibayaal, maanta waan idin dhaafshay. Waad cusub tihiine magaalada degga waynu wada joognaa”. Waxaan la yaabay sida uu nagu aqoonsaday iyo kelmadahani na raali-galiyey ee afkiisa ka soo burqanaya. Dhawr qof oo garab taagnaa oo hadalkiisa iyo taagnidayada ujeeday ayaa noo wada ishaaray inuu ninku waalan yahay. Waxaanay ogayn sida aanu ula dhacsanahay hadalkiisa. Akhriste, kelmadahaasi waxay I dareen siiyeen in qof kasta oo calalka uu gashan yahay uskag yihiin isla markaana googo’an yihiin aanu waalnayn. Hadday cidi dhulkeena ku waalato, indheer-garadkeena ayaa waasha - ninka ugu il-dheer baa dadka ugu ayaan-darran, wax aan lala arkayn baa isaguun u muuqdoo.
Dad badan oo aynu waalni bidayno ayaa inaga akhlaaq wanaagsan, inaga asluub wacan oo inaga caqli wanaagsan. Qofku hadduu waalan yahay maaha inaynu tirsan wayno oo aynu dadnimada ka xoorno. Qofka waashay, innaguu innaga waashay, bulshadeena ayaa waashay oo waayaheena nololeed ayaa waalay.
Dhawr maalmood kadib ayaanu Dhako kulanay, isla hudheelkii iyo xiligii maalintii hore oo kale. Waa mar kale iyo yaabka yaabkiis, annagoo qaybta xisaabaadka ee hudheelka dul taagan ayuu  nagu soo baxay. Dhoola-cadeyn ayuu kugu soo dhowaynayaa, si ixtiraam leh ayuu kuula hadlayaa oo kelmadda ku raali-galiya ayuu kugula hadlayaa. Xaaji Janaale u eekaa oo uu garanayey ayuu ku yidhi “Xaaji innamadani way cusub yihiine, adigu qadada ii qaad” intaanu xaajigu ba jawaabin ayey inamadii hudheelka oo macmiisha raali-galinayaa kula soo boodeen “waar waxaagan waalani macmiisha ha naga eryine orodoo naga tag ama qado iibso”. Si ixtiraam leh ayuu u dib ugu laabtay. Haddana dantaa ha tegin ku tidhiyoo, dhinacayaga ayuu u soo jeestay “Saaxiibayaal haaf baasto ahi ma idinka go’aa? Mar qudha ayaanu afartayadu ba wada hadalnay “haa”.
Maanta ayaan ku idhi “waar ninyahow, maxaad magaaladda noogu soo dhowayn wayday” intuu aad u dhoola-cadeeyey ayuu yidhi “mar haddii aad magaaladda la qabsateen, waad iska casuuman tihiin, soo dhowayntuna ma yara.” Tudhaalahiisa ayaa soo dhoweyn noogu filan. Waxaad is odhanaysaa ereyga waalni si khaldan ayeynu u fahamnay. Waalnidu waa xanuun kamida xanuunada maskaxda ku dhaca, laakiin qof kasta oo maskaxda ka bukaa maaha qof waalan. Hadduu qofku isku buuqo ayeynu odhanaynaa wuu waashay. Mararka qaar qof kasta oo dantu hayso ayeynu nidhaahnaa wuu waashay. Iyadoo ay jiraan rag doora oo dantu ceeb u yeeshay, ceebtaasi yaynaan ka dhigin wuu waashay. Annigu Dhako iyo inta la midka ah waxaan leeyahay “ma waalna”.


Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)