Pages

Monday, July 2, 2012

QAYLO-DHAAN WADANI: Jaamacadda HargeysaYaa U Maqan?


 Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

Waxaan hubaa oo aan sharaxaad iiga baahanayn in ay Jaamacadda Hargeysi tahay hooyga aqoonta iyo hooyada aqoonyahanka Soomaaliland; waxay hormuud u tahay Jaamacaddaha Soomaaliland oo dhan, waxaanay ku noqotay aqoonyahanka ka hawl-gala iyo jiilka ay soo saartay ee bulshada wax-taray. Kaalin wayn ayey kaga jirtaa horumarka dhaqaale, bulsho ama siyaasaddeed ee dalka. Waxaa laga yaabaa inaad is-weydiiso haddii ba Jaamacadda Hargeysi ay leedahay sifahaasi aan soo sheegay, waa maxay gurmadka ay u baahan tahay?Ma waxaa jirta dhibaato hor leh oo Jaamacadda haysata? Haa, dabcan Jaamacadda Hargeysi iyadoo ah qorraxdii cilmiga ee Soomaaliland oodhan iftiimisay, ayaa haddana waxaa jirta in maanta ay u baahan tahay gurmad qaran oo dhinaca maamulka, hoggaaminta iyo dhaqaalaha ah. Waxay gurmad uga baahan tahay dhammaan qaranka Soomaaliland ama intooda u damqanaysa. Waxay u baahan tahay in laga badbaadiyo maamul-xumo iyo bahdilaad ka jirta Jaamacadda.

Runtii, way igu adag tahay in aan Jaamacadda Hargeysa ku sheego maamul-xumo iyo waxyaabo kale oo aanan la jeclayn in lagu tilmaamo. Waa qayb noloshayda kamida; wax baan ku bartay oo wax bay iga dhigtay, waxaan ku qaatay wakhtigii noloshayda ugu qaalisanaa. Annigoo muddadaasi oo dhan ba la socday baylahda iyo hagardaamooyinka maamul-xumo ee ay la kulantay haddana intaasi ba waxaan is tusayey Jaamacadda Hargeysi waa hal-bowlahii bulshadoo cid uun baa u gurman doonta; waa loo damqan doonaa oo dad bay leedahay. Waxaan ku xisaabtamayey in Jaamacadda dalka ugu balaadhan, ugu wax-soo-saarka badan dhinaca aqoonta laf-dhabarna u ah horumarka qaranku aanay waayi doonin cid ka saarta marxaladdaha adag oo garabkeeda istaagta. Way igu dheeraatay muddadii aan sugayey in aan arko ama maqlo cid ka damqatay kufsigaasi Jaamacadda ku dhacaya. Waan ku hungoobay riyadaasi. Wax sii xumaanaya mooyana wax ka soo raynayana ma arko. Dabadeed, annigaa isku canaantay “Waar horta waa ayo cidda aad is leedahay Jaamacadda Hargeysa ayey u gurman doontaa?” xukumadda, aqoonyahanka mise dadweynaha! Xukumadda war kuma seeggana arrintani oo iyadaa ba markasta qayb ka ah maamul-xumada iyo dhibaato kasta oo ay Jaamacadda Hargeysi la kulanto. Aqoonyahanku-na waa ka qayb dhibta Jaamacadda Hargeysa taal. Markasta oo aan dhibaatadda Jaamacadda haysata dareemo misana aan ogahay in aan la waayin aqoonyahan dhibtaasi ka saari kara ama xil iska saari kara xalinta dhibtaasi laakiin aqoonyahankii si ay ka noqotay ba mooyee uu kaalintaasi gabay, waxaan xasuustaa kelmadda dhaxal-galka ah ee saynisyahankii weynaa ee Albert Einstein ka tagay “Adduunyadu uma burburayso, dhibaatadda ay abuuraan rabshad-wadayaashu, ee waxay u burburtaa aamusnaanta kuwa wanaagsan ee aan wax ba ka qaban” dadweynaha intooda badani waa warmoog, intooda yar ee wax ka ogina iskuma arkaan in ay Jaamacadda wax u tari karaan. Annigoo kamid ah aqoonyahan is-moodka ay Jaamacadda Hargeysi hooyada u tahay ayaa kamid ah inta gabtay kaalintoodii ee aan gudin abaalkii iyo waajibaadkii Jaamacadda Hargeysa.

Maanta waxaan qalinka u qaatay si aan ugu hiiliyo Jaamacadda Hargeysa. Si aan bal in uun u gudo abaalka iyo waajibaadka ay Jaamacadda Hargeysi iga mudan tahay. Waxaan qalinka u holaday in aan dhibaatada Jaamacadda haysata ka run sheego. Waa iga tamar qoraalkani. Waxaan qaylo-dhaan u dirayaa ehelkii aqoonta iyo cid kasta oo u damqanaysa Jaamacadda Hargeysa si ay ugu soo gurmato Jaamacadda Hargeysa, si ay uga hiiliso maamul-xumada, dhaqaale-darrada iyo baylahda taala Jaamacadda Hargeysa.

Jaamacadda Hargeysa oo la aasaasay sannadkii 2000-kii, waxaa u kala dambeeyey shan maamul muddadaasi 12 sanno ah. Shantaasi maamul wax-qabad iyo waxyeelo ba way is dheeraayeen. Marxaladdo kala duwan bay kusoo kala beegmeen. Mid aan wax-qabanin majiro, mid aan waxyeelo wadanina majiro. Jaamacaddu sannadihii ugu horeeyey ayey muddo kooban ku gaadhay heer ay la tartami karto Jaamacaddaha dhigeeda ah ee mandaqadani ku yaala. Maamulkii ayaa qasmay, dhaqaale badan ayaa lumay, waxyaabo aan maamulka Jaamacaddeed munaasib ku ahayn ayaa la caadeystay. Maamul kastaa wuxuu sheegaa inuu dhibaatooyin maaliyaddeed ka dhaxlay kii ka horeeyey. Maamul kastaa markuu cusbaa wuxuu sheegay inay jiraan shaqaale fara-badan oo aan Jaamacadda u soo shaqo tagin laakiin mushaharka iska qaata. Maamul kastaa wuxuu ku doodday in maamul-xumo dhinaca shaqada iyo maaliyadda ahi ay jirtay hortii laakiin majiro maamul qudha oo wax ka qabtay dhibaatooyinkaasi, waana sababta uu maamul kasta oo cusubi u dhaxlayo dhibatadaasi ee ay ilaa maanta u taagan tahay.

Marka laga yimaado labadii maamul ee ugu horeeyey, maamuladda dambe waxay had iyo jeer Jaamacadda geliyeen marxalad kala-guur. Markii Prof. Cabdi Haybe iyo ku-xigeenadiisii xilka laga qaaday waxaa xilkii Guddoomiye-nimo loo magacaabay Dr. Xuseen C/laahi Bulxan halka ku-xigeenadiisana loo magacaabay Mubaarig Ibraahim Aar iyo Aamina.Maamulkaasi wuxuu awoodda saaray xoojinta addeega Jaamacaddu u qabato ardayda, xidhiidhka dibadeed ee Jaamacadda iyo qiimaynta macalimiinta.Waxaase muuqatay in wada shaqaynta maamulku ay aad u liidatay, oo Guddoomiyahu badanka arrimo dibadeed ayuu ku maqnaan jiray, khilaafka labada ku-xigeena joogto ayuu ahaa oo iyagaa ba isku eedayn jiray maamul-xumo.Waxaa aad u liitay xidhiidhkii maamulka iyo ardayda ka dhaxeeyey. Muddo laba sanno ah iyagoon dhameysan ayey Guddoomiye ku-xigeenkii Maaliyadda iyo Guddoomiyahii Jaamacaddu is casileen muddo in yar kala dambeysay. 

Waxaa muuqatay in maamulkii Prof. Cabdi Haybe dhammaadkiisa ay sabab u ahaayeen hormuudyadda kuuliyadaha Jaamacadda oo isku kaashaday ka go’aan gaadhista magacaabista maamulka Jaamacadda. Markuu Dr. Bulxan is casilay, hormuudyadii kuuliyadahu waxay isku kaashadeen in aan maamul cusub dhakada lagaga keenin. Taasi waxay sababtay in Alle ha u naxariistee Prof. Muse Cabdi Cilmi oo ay iyagu raali ka ahaayeen si ku-meel gaadh ah loogu magacaabo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa. Wakhti kooban ayuu isna xilka hayey intaanu shil baabuur oo naxdin leh ku dhiman.Waxaa xilkii Guddoomiye-nimo si ku-meel gaadh ah ula wareegay ku-xigeenkiisii Cabdiraxmaan Axmed oo isaguna markuu ku dhowaad laba bilood xilka hayey iska casilay kadib markuu shaqo ka helay Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliland.Waxaa xilkii Guddoomiyenimo la wareegay Muse Aadan Axmed oo Guddoomiye ku-xigeen ahaa. Isaguna dhowaan ayuu iska casiley isagoon sannadkii ugu horeeyey aan dhamaysanin.

Marka aad u fiirsato geedi-socodkaasi maamul ee Jaamacadda Hargeysa waxaad fahmaysaa in Jaamacadda Hargeysa ay badanaa ku jirto xaalad kala-guur oo dhinaca maamulka ah. Sannadkii 2011-ka oo qudha saddex Guddoomiye ayaa Jaamacadda soo maray. 2 Guddoomiye iyo 2 Guddoomiye ku-xigeen ayaa is casilay. Waxaa kale oo aad arkaysaa in had iyo jeer maamuladan dambe oo dhani ku-meel gaadh ku bilaabeen hawsha oo ay Guddoomiye ku-xigeeno ahaayeen taasi oo ina dareensiinaysa in meesha uu ka maqan yahay doorkii xukumaddu ay ku lahayd xulashada xubinta loo magacaabayo maamulka Jaamacadda. Waxaa caado noqotay in maamulku gudaha Jaamacadda ka yimaado oo had iyo jeer Guddoomiye ku-xigeennada midkood uu noqdo Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah, taasi oo ay sabab u tahay saameynta xoogan ee ay hormuudyadda kuuliyadahu ku leeyihiin magacaabista maamulka Jaamacadda Hargeysa. Arrimahani waxay ragaadiyeen horumarkii Jaamacadda Hargeysa. Waxay dileen hankii bulshadu ay u qabtay in Jaamacadda Hargeysi ay noqoto xarun aqooneed oo heer caalami ah.
Xaaladahaasi kala-guurka maamul marka laga yimaado, waxaa jirta maamul-xumo soo jiitamaysay muddo badan. Jaamacaddu iyadoo ay tahay Jaamacadda ugu ardeyda badan guud ahaan Jaamacaddaha Soomaaliland, ayaa haddana mar kasta maamulada Jaamacaddu waxay ka cawdaan dhaqaale yari. Waxaa dhacday in laysku dayey in la dhimo mushaharka macalimiinta taasi oo sababtay in ay macalimiintu shaqadda joojiyaan hal maalin.Waxaa sidoo kale la kordhiyey Fiigii ay ardaydu bixin jireen. Arrimahaasi waxay sababeen in markii ay maareyntoodu adkaatay uu dhowaan is casilay Guddoomiyahii Jaamacadda Hargeysa Muse Aadan Axmed. Arrimaha maamul-xumada Jaamacadda ugu daran waxaa kamid ah; 

1.      Waxaa aad u liita awooda maamul ee guddoomiyaha iyo ku-xigeenadda
2.      Waxaa aad u liita xidhiidh wada shaqaynta guud ee ka dhaxeeya hormuudyadda kuuliyaddaha iyo maamulka jaamacadda.
3.      Waxaa meesha ka maqan xidhiidhkii ardayda iyo maamulka Jaamacadda.
4.      Majiro urrur ay ardaydu ku midaysan tahay oo afkooga ku hadla.
5.      Waxaa badan is faham-waaga ardayda iyo maamulka.
6.      Habka shaqo-qorista iyo xisaabaad oo aan cadayn,
7.      Kala dambeyn maamul oo aan jirin
8.      Hormuudyadda kuuliyadaha oo maamulka kaga awood badan kuuliyadaha.

Dhawr bilood ayaa ka soo wareegay markii uu Guddoomiyahii Jaamacadda Hargeysi is casilay, ilaa iyo maanta Jaamacaddu waxay ku jirtaa xaalad kala-guur oo Guddoomiyahii is casilay ayaa weli xilka sii haya. Inkasta oo Guddida Tacliinta Sarre oo uu Madaxweynahu dhowaan magacaabay ay baahisay buuxinta jagadda Guddoomiye-nimo ee Jaamacadda Hargeysa, haddana ilaa iyo maanta xayeysiisku wuu socdaa waa muddo laba bilood ah. Ma waxaan soo codsanin dadkii loo baahnaa? Ma waxaa la laayahay qofkii ku haboonnaa jagadani? Ma dadka soo codsaday ayaa isku derejo dhaw oo la kala saari kari laayahay? Wax ay tahay ba, waxaan la aamini karayn in muddo dhawr bilood ah Jaamacadda Hargeysa loo laayahay oo loo raadinaayo qofkii Guddoomiye ka noqon lahaa. Waa bahdilaad lagula kacay Jaamacadda Hargeysa.

Jaamacadda Hargeysi waxay u baahan tahay in laga saaro xaaladdani kala-guurka maamul ah ee ay ku jirto, oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu soo magacaabo qofkii Guddoomiyaha ka noqon lahaa. Waxay u baahan tahay in loo soo magacaabo qof qasdi qarannimo leh oo aan mid qabyaaladdeed lahayn. waxay u baahan tahay Guddoomiye ma habrade, ma hiishade, ma haleeye, ma haybsade iyo ma hungureeyeba ah. 

Waxaan jeclahay inaan qoraalkaygan ku soo gunaanado, su’aal ah Waa kuwama Guddida Tacliinta sarre? Guddida Tacliinta sarre waxaa magacaabay Madaxweynaha, waxaanay ka kooban tahay aqoonyahanno badankoogu ay Jaamacaddo hoggaamiyaan. Inkasta oo ay xubin ka tahay Drs. Edna Adam oo Jaamacadda Hargeysa garab taagnayd ilaa iyo intii la aasaasay, haddana markaad aragto xubnaha kale oo badankoogu ka soo jeeda Jaamacaddo kale oo Jaamacadda Hargeysa tartan dhinaca suuqa ah kula jira waxaad dareemi kartaa in aanay arrinta Jaamacadda Hargeysa iyo arrin kale toona u hagar baxaynin. Waxaa wax lala yaabo noqotay in Jaamacadda Hargeysi aanay xubin ku lahayn Guddida Tacliinta Sarre ee dalka. Runtii waa wax lagu qoslo. Jaamacaddii soo saartay aqoonyahanka ugu badan ee maanta dalka ka hawlgala, isla markaana ah Jaamacadda ugu baaxada wayn Jaamacaddaha Soomaaliland ayaan wax ba laga waydiinayn Tacliinta sarre ee Soomaaliland, halka Jaamacaddahii kale ee qaarkood aanay weli cagahooga ku istaagin ay xubno ka yihiin Guddida Tacliinta sarre. Dhalinyarada aqoonyahanka ahi waxay is weydiinayaan toloow Madaxweynahu muxuu Jaamacadda Hargeysa ugu dari waayey xubnaha Guddida Tacliinta Sarre? Runtii annigu shakhsi ahaan ma aaminsani in Guddida Tacliinta Sarre ay sidii loo baahnaa uga hawl-gashay soo Magacaabista Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa. Waxaan is weydiinayaa Jaamacadda Hargeysa yaa u maqan? waa su'aal aan akhristayaasha u deynaayo jawaabteeda.
 _______________________________________________________________________________
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer) waa hawl-wadeen ka tirsan qaybta Xuquuqda Aadamaha ee Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa. Wuxuu qoraa sheekooyinka gaagaaban iyo maqaalo ka hadla xaaladaha dhaqaale, bulsho iyo siyaasaddeed ee Soomaaliland. Wuxuu wax ku qoraa jariiradaha Soomaaliland iyo mareegaha af-soomaaliga ah. Wuxuu qoray sheekooyinka Nolol-wadaag iyo Dhiirrane: Mujaahidkii Waashay  oo aan weli la daabacin, laakiin lagu qoray mareegaha af-soomaliga wax ku qora.Waxaad kala xidhiidhi kartaa www.goodlawyer4.blogspot.com