Pages

Thursday, June 19, 2014

"Madaxweyne Siilaanyo Waan la Duminayaa Somaliland Dhankayga" W/Q. Cabdiraxmaan Cadami

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Dahir Rayaale Kaahin markii uu xilka wareejinayay hadaladiisii waxa ka mid ah oo wali shacbigu xasuusan yahay “Madaxweyne Maanta waxan kugu Wareejinayaa dal ishaysta iyo dad midaysan!

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cadami
Wuxuu u rajeeyay inuu halkaa ka sii wado iyo in uu meel ka sii fiican gaadhsiiyo maalinta isagu xilka wareejinayo  Madaxweyne Siilanyo isaguba wuu jecelaa in uu dalkiisa horumariyo iyo inuu dadkiisa u horseedo nolol wacan, wuxuu jecelaa inuu noqdo Madaxweynihii ugu wanagsanaa ee Somaliland soo mara ama soo mari doona, wuxuu doonayay inuu noqdo Hogaamiye ummadu mahadiso oo taariikhda gala sida madaxda dhigiisa ah ee ka soo baxay dalalka jaarka ah sida, Raysal wasarihii hore ee Itobiya Md Meles Zenawe  iyo Raysal wasaraha Hada talada haye Md Hailemariam Desalegn ama Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar geele, hase ahaatee 4 sanadood ka dib waxad moodaa Somaliland in ay dib ugu noqotay marxaladihii la soo dhaafay.

Hadaba Madaxweynaha maxaa ka khaldamay haddii uu rabay in uu magac iyo dhaxal ka tago?

1-           Madaxweyne Siilaanyo xafiiska lama uu iman wax qorshe ah iyo aragti siyaasadeed oo uu dalka ku hago, sidaa awgeed nidaam qabali ah ayaa buxuuxiyay kalintii madhnayd.

2-          Madaxweyne Siilanyo waxa lagula taliyay oo lagu yidhi: beeshaad ka adkoow kuwa manfaca raba ee aan magaca rabin laakiin kuwii lagala taliyay ayaa isagii ka adkaaday.

3-          Wuxuu waxba ka qaban kari wayay wasiiradiisa walfay wuxuu ogoladay in wasiiradiisu kala sareeyaan, si aan loo carqaladayn kuwa boobay hantida qaranka waxa la curyamiyay shaqadii hay’adaha u xil saaran ilaalinta hantida ummada, waxa la sharciyeeyay lacago baad ah oo laga qaado rakaabka dhoofaya oo aan laga qarin in wasiirku leeyahay, Culimada Cilmiga siyaasadu waxay isku raaceen dawalda xakamayn wayda musuqa ama fasaxda sida Somaliland aakhirka iyada ayuu dumiyaa  ( A government that tolerates corruption will become the victim of corruption).

Madaxweynaha isku kalsooni wuxuu xushaa ama isku xeeraa rag isaga ka caqli badan ama ka aqoon badan oo wax ku kordhin kara ama kaabi kara, ka aan isku kalsoonayni  ( Insecure)  isagu wuxuu doortaa rag ka aqoon yar ama garadkoodu ka hooseeyo  oo wax badan ka caawin Karin waana sirta Madaxweynayaashu isku dhaafaan ee midna taariikhda meel sare ka galo midna hoos u dhaco. si kastaba ha ahaatee Somaliland kuma sii socon karto xalada ay maanta ku jirto.

Wali fursad baa jirta wax lagu toosin karo, hase yeeshee rajo badan lagama qabo in Xukuumada Siilaanyo wax sixi karto sababta oo ah maba oga mana garwasana in qalad ba jiro waxay rumaysan tahay inay wax badan qabtay iyo waliba dheeraad.

Cabashada dadweynaha iyo dhawaaqa mucaaridka waxay u arkaan is yeel yeel iyo in wax qabadkooda la xaasidayo.

Hadaba way haboontahay in dawalada la toosiyo oo aan la daawan ilaa inta ay ka dumayso, waa lagama marmaan in si sharci ah loo badalo hogaanka xumaaday, waa wajib ina wada saaran in aynu adkayno midnimada bulshada oo ah xooga ay ku tiirsan tahay qarnimada Somaliland.

Hadaba sidee loo toosin kara ama laysaga ridi karaa maamulka asqoobay ee Madaxweyne Siilaanyo?

1-                  In Madaxweynuhu garwaaqsado kana jawaabo dhaliilaha loo soo jeedinayo maamulkiisa ee uu dhagaha ka furaystay.

2-                 Inuu ku dhiirado inuu ka takhaluso raga kaday ama jabiyay ee la talinayay afartii sanadood ee uu talada hayay iyo inuu iska fogeeyo fadeexadaha magaciisa lagu galay. Madaxweyne bal in Ilaahay kaa aqbalo waxaad ku ducaysta ducadii boqoradii hore ku ducaysan jireen oo ah “ Ilaahayoow iga badbaadi Sharka iyo Khiyaamada Saaxiibaday iyo ehladayda anigaa iska ilaalin cadawgayga” ( Lord protect me from my friends and my family, I will take care of my enemy).

3-                 In maamulka Madaxweyne siilanyo xoogiisa isugu geeyo sidii shacbigu u heli lahaa cadaalad iyo garsoor madax banaan waa in dedaal loo galaa sidii loo soo celin lahaa kalsoonidii maxkamadaha.

4-                 In la helo mucaarid u midaysan danta ummada oo leh aragti siyaasadeed  oo fog oo ka duwan aragtida gaaban ee xukuumada Madaxweyne siilanyo.

5-                 Qaar ka mid ah siyaasiyinta mucaaridku ha joojiyaan in bulshada lagu abaabulo ama lagu kiciyo caadifad qabiil si dano gaar ah iyo darjo loogu  gaadho, reer hebel iyo ba’ heblaayo ayaan shirinayaa waxay ka hor imanaysaa doodihiinii iyo dhaliillihii ahaa siilnayo dadku uma sina ee waa madaxweyne qabiil dalkana wuu duminayaa, haddii aanay taladiinu ahayn aniguna dhankaygan duminayaa.

Dawladaha fashilmay amaba digtaytarada Africa sababaha in ay xukunka sii xejistaan waxa ka mid ah kala qaysanaanta mucaaridka iyo tabaha ay isticmaalayaan  oo ka liita  kuwa ay ku dhaliilayaan rajiimka sida daraadeed ma helaan taageerada dadweynaha waxay dantu badaa oo ay ka doorbidaan shaydaanka ay barteen ama la qabsadeen ( The devil you know is better than the  devil you don’t know)

6-                 Dad weynaha oo barta sida loo doorta madaxda wanagsan markasta oo muwaadinku codaynaayo waa inuu ka fekeraa aayihiisa iyo aayaaha ubadkiisa, waa ayaan daro in aynu cadifad qabiil iyo wax la mid ah ku doorano goleheena deganka, Wakiilada iyo madaxweynaheena baritana laga calaacalo.

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Monday, June 16, 2014

Qaabkani Garsooreyaasha Shaqada Looga Saaraa Sharciga Miyuu Waafaqsan yahay Mise waa Qaab ka Baxsan Nidaamka Sharciga ah?

1.   Hordhac

Ugu horeyn waxaan ka afeefanayaa in ujeeddada qoraalkayga loo fasirto in aan cid gaar ah ku eeddaynayo ama ku difaacayo. Waxaan ka afeefanayaa in qoraalkani loo fahmo dhaleecayn ku wajahan go’aannada ay soo saarto Guddida Caddaaladu iyo qaabka ay ugu dhaqanto awoodaheega dastuuriga ah.

Ujeeddada qoraalkaygu waxay khusaysaa qaabka shaqada looga saaro Garsooreyaasha dalka oo anniga iila muuqda mid aan sharciga waafaqsanayn. Waxaan qoraalkani ku faahfaahin doonaa muhiimada ay leedahay madax-bannaanida garsoorahu, iyo qaabka uu sharcigu dhigay ee lagu ruqsayn karo garsooraha. Aragtidayda oo qudha meeshani kuma xusayo ee waxaan aragtidayda daliil uga dhigayaa shuruucda dalka u taal siiba kuwa u gaarka ah garsoorka sida Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeer-nidaamiyaha anshaxa iyo anshax-marinta Garsoorka oo si faahfaahsan u qodobbaynaya hab-raaca shaqada lagaga saari karo Garsooreyaasha.

Muhiimada qoraalkaygani waa in aan caddeeyo qiimaha ay nidaamka caddaaladdeed u leeyihiin in Garsoorahu uu ka madax-bannaanaado cabsida shaqo ka saarista oo keeni karta inuu u nuglaado cid walba oo shaqadiisa saameyn ku leh. Taasi oo meesha ka saari karta dhexdhexaadnimadii Garsoorka iyo sareyntii sharciga, iyo in Garsooraha loola xisaabtamo si sharciga waafaqsan iyadoo loo anshax-marinayo si sharciga waafaqsan.

2.  Madax-bannaanida Garsooraha

Madax-bannaanida Garsoorka waxaa loo qaybshaa laba qaybood oo kala 1) Madax-bannaanida waaxda Garsoorka oo ah in waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fuliso si ka madax-bannaan waaxyaha kale ee qaranka; fulinta iyo sharci-dejintaba. 2) Madax-bannaanida qof ahaaneed ee Garsooraha oo ah sidani aan ku xusay qoraal aan qoray sannadkii 2010-kii[i];

Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed
“Si caddaalada loo gaadho, Madax-bannaanida Garsoorka waxaa ugu muhiimsan in Garsoorahu uu noqdo qof madax-bannaan oo aanu noqon qof cid kale kursiga u fadhiya. Si uu Garsoorahu u madax-bannaanado waa in aanu markiisa hore ba aanu ahaan qof nugul oo magacaabistiisa ay cid gaar ahi ugu mano-sheegaynayso hadduu yahay reerkiisa iyo cid kale toona. Garsooraha waa in lagu magacaabaa kartidiisa iyo heerka ay aqoontiisa sharci gaadhsiisan tahay, markaasuu noqon karaa qof isku kalsoon oo caddaalad xukumi kara. Waxaa kale oo iyadna muhiim ah in Garsoorahu uu ka badbaado in lagu cabiidsado xilka oo aanu noqon qof u baqa xilkiisa. Garsoorahu ma madax-bannaana inta uu og yahay in xiliga la doono xilka laga qaadi karo weliba sabab la’aan. Labadaasi arrimood ee aan kor ku sheegay waa arrimaha sababta u ah caddaalad-darrada baahsan ee dalkeena ka jirta. Qof la hayste ahi caddaalad ma xukumi karo.”

Si loo ilaasho madax-bannaanida Garsooraha, waxaa jira qaabab ama asbaabo loo dejiyey magacaabista iyo shaqo ka saarista Garsooraha. Shuruudaha loo magacaabi karo Garsoore iyo qaabka loo anshax-marinayo Garsoorahu waxay ku faahfaahsan yihiin Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 24/2003. Waxaa jira xeer-nidaamiye lagu maamulayo anshaxa iyo anshax-marinta Garsooreyaasha iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay Guddida Caddaaladdu ansaxiyeen 04/08/2012-ka.

3.  Qaabka Sharciga ah ee Garsooraha Shaqada Looga Saari karo.

Waxaan soo sharaxnay macnaha madax-bannaanida Garsooraha, imikana waxaan faahfaahinayaa qaabka loo anshax-marinayo Garsooraha haddii uu ku gefo anshaxa iyo waajibaadka garsoorenimo.

Xeerka Nidaamka Garsoorka[ii], qodobkiisa 40aad wuxuu dhigayaa in Garsooraha ama Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud looga dacwoon karo Guddida Caddaaladda:

1.     Haddii uu ku xadgudbo waajibaadkiisa shaqo
2.    Marka uu ku kaco fal sharaftiisa iyo xirfaddiisa hoos u dhigayo
3.    Marka uu shaqada ka maqnaado muddo 30 casho ah sabab la’aan ama sabab aan garawshiyo lahayn.

Saddexdani asbaabood waa arrimaha guud ahaan lagaga caban karo Garsoore ama Xeer-ilaaliye. Waxaana si fiican arrimahani u sii faahfaahinaya Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsooreyaasha iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, waxaanu u kala saarayaa falalka anshax-marinta fudud leh iyo falalka anshax-marinta culus leh, tusaale ahaan shaqada oo uu Garsoorahu ka maqnaado iyo/ama ka cago-jiido wuxuu ka dhigayaa asbaabaha anshax-marinta fudud halka haddii Garsoorahu uu laaluush qaato ama uu si cad caddaalad-darro ugu kaco uu u aqoonsanayo asbaabo anshax-marineed oo culus.

Guddida Caddaaladdu, Garsooraha ay doonto shaqada kama saari karto haddii aan lagu helin asbaabahaasi ku xusan Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsoorka. Weliba cabashada oo qudha shaqada kagama saari karto ilaa sida ku xusan Qodobka 43aad, faqraddiisa 2aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ay Guddida Caddaaladu gudato waajibaadkeega ah inay Garsooraha fursad u siiso inuu iska difaaco dacwadda anshaxa.

Garsooraha shaqada lagama saari karo, haddii aanay jirin cabasho laga soo gudbiyey oo uu iska difaacay. Sida uu dhigayo Qodobka 22aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsoorku:

“1. Guddida Caddaaladdu, kahor inta aanay go’aan ka gaadhin arrinta [cabashada], waa inuu ku wargeliyo Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha arrinta ay cabashadu khusayso oo ay ku amarto inuu ka soo jawaabo cabashadaasi. Wargelintaasi waa inay noqoto qoraal si cad u qeexaya faahfaahinta dacwada loo haysto iyo amar cad oo Garsooraha faraya inuu goob iyo goor cayiman uu yimaado si uu isku difaaco.
2. Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha dacwaddu khusayso way u bannaan tahay inuu ka soo qayb-galo dhageysiga dacwadda si uu isku difaaco ama uu cid kaleba soo wakiisho.
3. Haddii uu Garsoorahu ama Xeer-ilaaliyahu ka baaqsado inuu ku yimaado muddo shan iyo toban (15) casho gudahood ah si uu isku difaaco, Guddida Caddaaladdu waa in, kadib markay xaqiijiso yeedhista ku xusan qodob-hosaadka 1aad ee qodobkani in la gaadhsiiyey Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha, ay bilowdo oo go’aan ka gaadho dacwadda isaga oo maqan.”

Talaabooyinka Ka Horeeya Shaqo Ka Saarista

Guddida Caddaaladdu markay dhageysato dacwadda lagu oogayo Garsooraha iyo difaaca Garsooraha, waxay ka dooddaysaa dacwadda, waxaanay go’aaminaysaa labadani arrimood ee hoos ku xusan midkood[iii]:

“b. Inay buriyaan dacwadda, haddii ay xaqiiqsadaan in aanay jirin caddeymo muujinaya inuu dhacay fal xad-gudub ku ah anshaxa iyo masuuliyaddaha xirfadlenimo ee uu dhigayo xeer-nidaamiyahu; ama
T. inay cidda ay khusayso ka qaadaan talaabo anshax-marineed oo ku haboon ee waafaqsan Qodobbada qaybta shannaad ee Xeer-nidaamiyahani, haddii ay caddaato inuu galey fal xadgudub ku ah anshaxa iyo masuuliyaddaha xirfadlenimo ee uu dhigayo xeer-nidaamiyahani."

Sida uu dhigayo qodobkani 23aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsoorku, Guddida Caddaaladdu markay go’aan ka gaadhayso dacwad anshax-marineed, waa inay tixgelin siiso xaaladda iyo sida uu u dhacay falku; iyo heerka aqooneed iyo waayo-aragnimada shaqo, muddada uu shaqeynayey iyo sumcadda Garsooraha ama Xeer-ilaaliyaha dacwaddu khusayso. Talaabooyinka anshax-marineed ee ay Guddidu ka qaadi karto Garsooraha ay ku caddaato dacwadda loo haystaa waxay noqon karaan kuwani:

b. Digniin af iyo qoraal ah;
t. Ganaax aan ka badneyn hal bil mushaharkeed;
j. Ganaax gaadhaya laba ilaa saddex bilood mushaharkood
X. Hal derajo oo hoos loo celiyo; ama
Kh. Shaqo ka saaris

Maxaa Garsooraha Shaqada Lagaga Saari Karaa?

Garsooraha waxaa shaqada laga saari karaa marka lagu helo arrimahani soo socda[iv]:

1.     Marka Garsooraha isagoo laba jeer oo hore lagu helay fal anshax-marin culus leh, uu mar saddexaad ku kaco fal anshax-marin culus leh.
2.    Marka uu Garsooraha mar qudha ku wada kaco laba ama saddex fal oo anshax-marin culus leh. Waxaa laga soo qaadayaa isagoo saddex jeer ku kacay fal anshax-marin culus leh, waxaana laga saarayaa shaqada, iyo
3.    Markasta oo Garsoorahu ku kaco arrimahani soo socda[v]:

a.    Marka isagoo ku gudo jira dhageysi dacwadda uu gacan u qaado ama isku dayo inuu gacan u qaado Garsoore, shaqaalaha maxkamadda ama dhinacyadda dacwadda[vi].
b.    Haddii Garsoorahu kahor inta aanu ku dhawaaqin go’aanka dacwadda, uu cid u sheego go’aanka dacwadda[vii].
c.    Haddii uu Garsoorahu si toos ah ama dadban u qaato ama iskugu dayo inuu qaato laaluush[viii].
d.    Haddii uu Garsoorahu isagoo haya xilka Garsoorenimo, uu xubin ka noqdo xisbi ama urur siyaasaddeed[ix], iyo
e.    Haddii uu Garsoorahu karti xumo iyo aqoon-darro darteed uu kari waayo in uu dabaqo xeerka ay tahay inuu dabaqo, taasina ay dhaliso in Garsoorahu soo saari waayo go’aan caddaalad ku dhisan ama inuu Garsoorahu caqabad ku noqdo in maxkamaddu ay gaadho go’aan caddaalad ah[x].

Waxaa waajib ah in qaraarka ay Guddidu ka soo saarayso dacwadda anshax-marinta ah ee Garsooraha ay ku caddaato asbaabta ay u cuskadeen go’aankooda[xi].

4.  Gunnaanad

Sida kor ku faahfaahsan, Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorku waxay xuquuq madax-bannaani ah siinayaan xubnaha Garsoorka, waxaana loogu talogalay in Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaashu ay u madax-bannaanaadaan gudashada hawshooda oo aanay baqdini ka gelin dhinaca shaqadooda ama aanay u baqan xilka ay hayaan in sabab la’aan looga qaado. Waxaan aad u bogaadinayaa in markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ay Guddidani Caddaaladdu soo saartey Xeer-nidaamiyaha Anshax-marinta Garsoorka kaasi oo kaabaya Xeerka Nidaamka Garsoorka, haseyeeshee, waxaan aad uga xumahay in aan weli lagu dhaqmin xeerkani oo iyadoo ay xeerarkani jiraan ay dhacdo in Garsooreyaal aan ogeyn waxa shaqada lagaga saaray ay idaacadda uun ka dhageystaan in shaqada laga saaray. Taasi waxay kalsoonida ka qaadaysaa Garsooreyaasha weli shaqaynaya, waxaanay dhalinaysaa inay shakhsiyaad gaar ah raali-gelinayaan si ay xilkooda u badbaadiyaan iyadoo ay taasi ku dhalinayso marin-habow nidaamka caddaaladdeed ee Garsoorka.

Waxaan Guddida Caddaaladda u soo jeedinayaa in shaqo ka saarista Garsooreyaasha loo raaco xeerarka dalka. Haddii Garsooreyaashu ay arkaan in aan laga caddaalad sameynayn cabashooyinka laga soo gudbin karo waa maxay waxa laga filan karo Garsooraha og in marka la doono shaqada laga saari karo iyo in shaqadiisuba ay ku xidhan tahay raali-gelinta Guddida Caddaaladda. Sida Madax-bannaanida Garsooraha loogu baahan yahay, ayaa sidoo kalena loogu baahan in lala xisaabtamo. Waa in Garsooreyaasha loola xisaabtamaa si sharciga waafaqsan. Garsooraha og in sharciga loo raacayaa wuu ka kalsooni badan yahay, kani og in xiliga la doono la eryi karo. Garsoore ka werwersan raali ahaanshaha Guddida Caddaaladdu uma madax-bannaana ku dhaqanka sharciga. Waxaan sidoo kale Guddida Caddaaladda u soo jeedinayaa inay u caddaalad sameeyaan Garsooreyaasha oo aanay ku soo kala dhoweysan qaraabanimo, ehelnimo, nasab ahaan iyo qaab kasta oo keenaya in Garsooreyaashu ay u kala dhowaadaan.

Qalinka: Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Burco, Somaliland.



[i] Cabdishakuur Cali Muxumed, Garsoor Madax-bannaan baa Caddaalad laga Sugaa, Sannadkii 2010-ka, ka akhri halkanihttp://goodlawyer4.blogspot.com/2012/08/garsoor-madax-bannaan-baa-caddaalad.html.
[ii] Labada Nuqul ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, Nuqulka ka kooban lixdanka Qodobka, Xeer Lr. 24/2003.
[iii] Qodobka 23aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax-marinta Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Jamhuuriyadda Somaliland.
[iv] Qodobka 30aad ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[v] Faqradda 4aad ee Qodobka 30aad Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[vi] Qodobka 11.T (3) ee Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[vii] Qodobka 11.T (6) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[viii] Qodobka 11.T (8) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[ix] Qodobka 11.T (10) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[x] Qodobka 11.T (11) Xeer-nidaamiyaha Anshaxa Garsoorka.
[xi] Qodobka 44aad, faqraddiisa 1aad, Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 24/2003.

Friday, June 13, 2014

Fadhiidnimada Dawladnimada Soomaalilaand. Qalinkii:Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Run waxaa ah dhaqanka dawladnimo ee Soomaalilaand in uu kori la yahay oo bartii la ga soo unkay weli ku cuyuban yahay. Caadi ahaan wax ay ahayd dhaqankaasi maalin walba in uu sii kobco oo hore u socdo, laakiin dib baaba loo socdaa. Taa sababteeda u gu weyni waa hawsha oo wayday dadkii sidaa u garan lahaa ee xilkeeda gudan lahaa. Waxaa la waayay hoggaamiye siyaasadeed oo dhaqanka dawladnimada cusbooneeya. Wax wal oo cusboonayn iyo dardargelin waayaana halkooda ayay ku daxalaystaan oo ku dulloobaan.
Iyada oo ay sidaa ahayd, maalmahan laba xumaato oo is wata ayaa culayskooda la la ciirciirayaa. Midda hore waa maamulxumada dawladda dilootay, gaar ahaan eexda iyo musuqa, taas oo aad mooddo in la qaayibay oo aan danba la ga lahayn. Ta labaadna waa fadeexadda Xisbiga talada haya ee Kulmiye ka dhex oogan.
Dorraad (10/06/2014) markii ay wiilasha cadcadi Axmed-Siilaanyo hor fadhiyeen wax uu wacad ku maray in uu dalkiisa u shaqayn doono oo caddaalad xumada iyo musuqmaasuqa wax ka qaban doono. Hadda ogow afartii sannadood ee uu talada hayay taa haba yaraatee wax xil ah is ka ma uu saarin, cabashada joogtada ah ee dadkiisana dan ka ma gelin. Waa astaanta kowaad ee hoggaamiyaha Afrika ee cid kale biddoodka u ah. Hoggaamiyaha Afrika weligiiba dadkiisa wuu quudhsadaa shisheeyahana dhulka ayuu isu dhigaa.
Axmed-Siilaanyo madaxnimada Soomaalilaand wax uu la wareegay iyada oo la dhex jiifo dhiriq musuqmaasuq, maamul xumo iyo caddaalad darro. Dad badan baa u arkayay in uu yahay nin dawlad yaqaan ah oo dalka wax ku soo kordhin doona, gaar ahaan maamul wanaagga. Ha ahaatee dhiriqdii buu iska sii dhex fadhiistay oo raalli ku noqday. Waxaa caddaatay kursiga ku fadhiiso mooyee awalba in aanu hammi kale lahayn. Kursigii fuul, dhawr nin oo boob u yaacaya dalkii ku fasax, dadkii u ka la eexay oo la is wada tuhun, dabadeed dawladnimadii oo dhami dib bay u guurtay. Run ahaantii afartii sannadood ee Kulmiye talada hayay wacyiga siyaasadeed ee bulshadu dib buu u noqday. Umaddii waa ay qaybsantay oo geed walba shir qabiil baa ka socda. Gole walba baane reernimo iyo budhleynimo ayaa ka taagan. Midnimadii nafsiyadeed ee dadku waa ay sii ka la daadanaysaa. Dhaqankii geeljiraha oo qudha ayaa Hargeysa ka shaqaynaya.
Guud ahaanba siyaasiga Soomaalilaand damaciisa wuu reereeyaa oo bulshada ku ka la qaybiyaa. Niman madax qaran ku magacaaban baa meel walba shuqul qabyaaladadeed ku haya. ”Innaga oo reer hebel ah iyo iyaga oo reer hebel ah” bay umaddii talo u ga dhigeen. Maamuuska qarannimo ee ay huwan yihiin hoodh ku ma qoystaan. Tusaale xun bay u noqdeen dhallinyarada kacaysa oo u baahnayd hormuud wanaagsan. Wax ay dhaqan iyo xeer ka dhigeen siyaasadda iyo qabyaaladdu in ay is ku mid yihiin. Qofka yidhaahda ”waar sidani waa ceeb!” wax ay ku afjugaan ”adeer meeshu waa Afrika wax aan waxaas ahaynina ka ma shaqeeyaan!”. Weedhaa habaaran baa umaddii hanka iyo karaamada la ga ga dilay. Waa gartood oo iyaga ayaan siyaasad kale garanayn oo intaas uun yaqaan. Markaa Soomaalilaand gurmad la gu badbaadiyo ayay dadkeeda u ga baahan tahay.
Iyada oo ay sidaa is ka ahayd, waxaa timid dhacdo arrinta u ga sii dartay. Muranka iyo loollanka awoodeed ee ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye iyo sida taa loo la dhaqmay wax ay wax badan innaga tustay foolxumada jirta. Arrintani xisbi dhexdiisa is haya uun ma aha ee boqol ceebood oo kale ayay huwan tahay. Wax ay muujinaysaa dibudhacsanaanta dhaqanka siyaasadeed ee dalka. Si taa la mid ah wax ay digniin ka tahay umadduba in ay haadaan dul taagan tahay oo ku hooban karto.
Xisbigii dhammaa ee Udub la odhan jiray ee mar dalka u gu awoodda badnaa waxaa la tegay damaca xun ee hebel iyo hebel. Kuwan maanta qaylinayaana haba yaraatee waxba ka ga ma duwana. Marka horeba nimanka xisbiyada ku xoonsan waxa isu keenaa ma aha aragti siyaasadeed oo ay wada rumaysan yihiin, mana haystaan fikir ay ku midaysan yihiin oo doonayaan in ay dalka iyo dalka ku horumariyaan. Waxa qudha ee mideeyaa waa in ay awoodda dalka ugaadhsadaan, hadhowna umadda saboolka ah bililiqaystaan. Mar haddii ay taas oo qudha isu gu yimaaddeen is la iyada ayay ku ka la tagaan. Ogow oo dhurwaayadu ugaadha waa ay wada dishaan hadhowna hilibkeeda is ku dilaan.
Waxaa caddaaday arrimo wada fadeexad ah oo xisbigan la xidhiidha: 1) Kulmiye qabyaalad buu ku dhisan yahay ee mabda iyo ajande siyaasadeed ma leh. 2) Kulmiye iyo xukuumaddiisa reero gaar ah baa u haysta in ay iyagu gooni u lee yihiin. 3) Mar haddii ay sidaa tahay xukuumadda Kulmiye ma aha Dawladnimadii Soomaalilaand oo dhan umadda dalka wada lihina u ma sinna. 4) Fikirka sidaas u gurracani qaybsanaan iyo loollan aan dimiqraaddi ahayn oo nabdoonayn buu bulshada ka dhex abuuri karaa.
Dhanka kale, muranka Xisbiga Kulmiye ka dhex taagan wax ay ahayd in iyaga loo daayo, ha ku burbureen ama ha ka badbaadeene. Ma ahayn in Guurti iyo cid kale toona soo farageliso. Ma jirto sharci ahaan cid kale oo shuqul ku leh xisbiga dhexdiisa waxa ka socda. Sidaa darteed wax kasta oo ilaa imika dhinac kale arrinta ka geystay waa xeer jajab aan waafaqsanayn dastuurka iyo dhaqanka siyaasadeed. Xisbiga xeerarkiisa is ku maamuli kari waayaa ma dhisnaan karo ee waa in uu hadhaa oo runtu reebtaa. Xisbi sharci darro iyo fawdo caynkaas ah ku dhisan ma aha in awoodda hay’adaha qaranka la gu bakhti afuufo, xaqna u ma leh in uu talada dalka qabto.
Waxaa kale oo fadeexad ah suldaannada labada reer ka ka la socda ee goonida u ga arrinsanaya khilaafka Xisbiga Kulmiye. Ma aha dhaliil iyagan iyo maanta uun ku eg ee waa wax maalin walba Soomaalilaand ka dhaca oo la caadaystay, waana dhaqan adhaxda ka jebinaya dawladnimada la doonayo. Horta suldaanka maxaa ka galay xisbi siyaasadeed, yaa se xilkaa u doortay? Haddii ay odayada dhaqanku siyaasadda bulshada matalayaan, maxaa la gu falayaa wakiillada la doortay? Haddii xeerka qabiilka la gu dhaqmayo, maxaa la gu falayaa dastuurka? Haddii ay jirto cid gooni ah oo madaxweynaha reer ahaan in ay iyadu lee dahay moodaysaa, ama madaxweynuhu sidaa ismoodayo, qofkii aan qoladaa ahayn miyuu madaxweyne sharci ah u noqon karaa? Asalkaba qof xil qaran loo dhiibay haddii uu noqdo qof qabiil sharci ma yahay?
Reer Soomaalilaand si ay dawladnimo dhab ah u gaadhaan waa in ay kun wayddiinood oo ay kuwaasi ka mid yihiin naftooda u ga jawaabaan. Habka qabiilku haddii uu ahaa meel nabadda iyo midnimada la ga soo unkay, waa been iyo ismoodsiis in taa dawladnimo casri ah la gu wadi karo. Habka qabiilku waa qunbulad la gu fadhiyo oo goorta ay doonto qarxi doonta, sidaa darteed waa in sida u gu dhaqso badan loo ga guuraa. Siyaasi ku sheegga maanta bulshada hor tubani haddii ay taa awood iyo aqoon u waayeen, waa in iyaga qudhooda la daadiyaa oo siyaasadda dalka dhiig cusub la gu shubaa; dhiig cusub oo kuwan wacyi iyo xilkasnimo dhaama. Haddii kale umaddan aayaheeda xeryagaalladii baa la ga dooni.
Ibraahinhawd@hotmail.com


Tuesday, June 10, 2014

Garsoore Jamaal oo ka Hadlay Dhibaatooyinka Garsoorka ka Jira.

Ku: Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland                                   -Hargaysa-
Ku: Guddida Cadaaladda Jamhuuriyada Somaliland                                    - Hargeysa –
Ku : Wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyada Somaliland                             - Hargeysa –
OG: Gudida hoosaadka Cadaalada iyo Shuruucda ee Barlamaanka JSL.           - Hargaysa-

Ujeedo: Soo gudbin dhibaatooyin iyo Caqabado lidi ku ah Marin uhelida Cadaalada oo ka jira Guud ahaan Garsoorka , Gaar ahaana Maxkamadda Gobolka Hargaysa.
                                                    
Mudaneyaal:-

Annigoo ah Garsooraha magaciisu uu hoos ku saxeexan yahay, kana mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qoraal kooban oo aan kaga hadlayo caqabadaha ama dhibaatooyinka ka jira waaxda Garsoorka,gaar ahaan maxkamadda gobolka hargaysa,kuwaasi oo hadimo iyo turunturo  ku ah habsi-u-socodka Nidaamka Garsoor ee Maxkamadda Gobolka Hargaysa, islmarkaasina hadday sidani ku sii socdaan  ku keeni doona magac-xumo iyo dheg-xumo Waaxda Garsoorka iyo Guud ahaan Nidaamka Caddaaladdeed ee Qarankani Jamhuuriyadda Somaliland.

Garsoore Jamaal
Mudaneyaal, waxaan  qoraalkan idiin soo gudbinayaa,anigoo ka duulaaya in dhamaan aadamaha ilaahay siiyay xuquuqo siman iyo in Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland uu damaanad qaaday in mawaadiniinta reer Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, ay  sharciga hortiisa leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman, anigoo gudanaya waajibaadkayga Garsoorenimo ee dhawritaanka sharafta iyo magaca Waaxda Garsoorka.

Annigoo dareensan culayska uu leeyahay waajibaadka Garsoorenimo ee laysaaray,isla markaasna ogsoon xisaabta aakhiro iyo in ilaahay qof walba kala xisaabtami doono masuuliyadda iyo xilka uu ummadda u hayo, annigoo dareensan in sababta dhallinyartii jaamiciyiinta ahaa looga hawl-geliyey  waaxda garsoorka sanadihii 2011 iyo 2012 ahayd kobcinta ku dhaqanka shuruucda qaranka iyo kor u qaadista Nidaamka Caddaaladdeed ee Qaranka.

Mudanayaal, anigoo aad ugu kalsoon inaad cadaalada iga jeceshiin, dalka iyo dadkana iiga damqasho iyo lexe-jeclo badan tiin waxaan si aada idiinka codsanayaa in warbixintan aad si mugleh hoos ugu eegtaan,islamarkaasina aad xoog saartaan wax ka qabashada arimaha ay warbixintani xanbaarsan tahay.  

Warbixinta dhibaatooyinka  iyo Caqabadaha lidiga ku ah Marin uhelida Cadaalada ee ka jira Guud ahaan Garsoorka, Gaar ahaana Maxkmaddaha  Gobolka Maroodi Jeex.

1.   Hordhac

Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sanadii 2011 oo noqonaysa sanaduun kadib doorashadii madaxtooyada ee uu ku guulaystay ku baaqay isagoo fulinaaya balan qaadkiisii ahaa inuu wax ka qaban doono Dulmiga iyo Cadaalad darada uu Shacbiga Somaliland mudada dheer kaga cabanaayay hay’adaha garsoorka, in la qabto shirwayne qaran oo lagaga hadlaayo tayaynta garsoorka, Waxaana 14th-16th  bisha june ee isla sanadaasi iyadoo laga duulaayo baaqii madaxwaynaha, Hotel Ambassodor lagu qabtay shirwayne qaran oo loo bixiyay Shirwaynaha Cadaalada Iyo dib uhabaynta Garsoorka, kaasi oo ay wada jir usoo qaban qaabiyeen Wasaarada Cadaalada, UNDP iyo AWEPA (National justice and judiciary reform conference, jointly organized: BY ministry of justice, UNDP and AWEPA, HELD AMBASADOR HOTEL in 14th -16th ,June, 2011).

Shirkaasi qodobadii ka soo baxay waxa ka mid ahaa kuwii ugu mihiimsanaa in garsoorka lagu daro dhalinyaradii jaamicadaha ka soo qalin jabisay, iyadoo taasi la fulinaayana waxa Wasaarada Cadaalada jamhuuriyada Somaliland bishii October ee sanadii 2011 kii qaadatay afartaneeyo dhalin yaradii jaamicadaha ka qalin jabisaya, waxayna u furtay tabobar sanada iyadoo lagu tabo baraayay xirfada garsooranimo.Gudida Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland na waxay dhankeeda iyana iyadoo fulinaysa siyaasada qaranka ee dib u habaynta Cadaalada isla sanadaasi 2011,  bishii  November  garsoorayaal u magacwaday dhalin yaro tobaneeyo ah oo dhamaantood jaamiciyiina.

Sidoo kale Gudida Cadaalada Jamhuuriyada waxay 20kii bishii December ee sannadkii 2012ka magacoowday 27 Garsoore oo kamida dhalinyartii Wasaarada Cadaaladu tababarka sanadka ah u furtay bishii October ee sanadii 2011 kii, kadib markii ay tabo barkaasi dhamaysteen.

Run ahaantii, talaabooyinkaasi aan sare ku xusay marka la eegaayo bilowgii qorshaha dib u habaynta garsoorka waxay ahaayeen qaar wax ku oola oo keenay natiijo wanaagsan oo dadwaynuhu ku diirsaday, balse mudo yar kadib markii xukuumada oo ahayd cida uu ka go’naa  qorsha dib u ahabayta garsoorku ay ku jeesatay horumar kale ee wadanka ka socda, waxa qorsha haasi noqday hal bacaad lagu lisay, arintii garsoorkuna halkeedi hore ayay ku noqotay,waxaana xoogaystay gadhwadeenadii dulmiga ee markii hore ka baaqsaday in la eryo, mudana iska nabaayay in seeftu la tagto, xaalkuna maanta waxa uu marayaa in subax kasta oo aanu soo shaqo tagno in dhahayagu ku dhacaan dad badan dhibaataysan,Dulmi iyo Cadaalad daro badanina ku dhacday, balse aanaan waxba u qaban karayn, ka hadalkooduna na dhaxal siiyay cadaadis badan oo nagaga yimaada madaxda garsoorka .Hadaba maanta anigoo go’aansaday in waxa dhacayaa yihiin wax aaan laga aamusi karin, waxaan madaxda sharafta leh ee warqadani tooska ugu socoto halkan ugu soo gudbinayaa warbixin kooban oo aan rabo inaan ku iftiimiyo halkay  sartu ka qudhan tay iyo halkay dhibaatooyinka garsoorka ka jira ee keenay Cadaalad darada baahsan ee dadwaynuhu had iyo jeer  garsoorka ka cabanayaan halkay salka ku hayso. Waana sidan.

2.  Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha lidiga ku ah Marin uhelida Cadaalada ee Garsoorka ka jira.

2.1 Garsoorka oo aan dhexdiisa kala  Madax banaanayn.

Kalmada madaxbanaani marka la maqlo waxa markaba maskaxda dadka ku soo dhacda garsoorka oo aan hay’ahadaha kale ee qaranka ka madax banaanayn, balse dhibaatada maanta ka jirtaa garsoorkeena taasi way ka duwan tahay, waxaanan qirayaa anigoo ah garsoore qaaday dacwado baan oo fulintu dhinac ka tahay in fulintu tahay cida ugu ixtiraamka badan garsoorka,jirina cid fulinta ah oo kuula soo badheedhaysa anaga wax noo xukun, balse  iyadoo ay tahay in garsoore walbaa u madax banaanaado dacwada  uu hayo maanta xaalku taasi waa ka duwan yahay, dhibaata koowaad ee jirtaana waxay tahay garsoorka oo aan dhexdiisa kala madax banaanayn oo ay gudoomiyaashu si toosa iyo si dadban ba u fara geliyaan dacwadaha garsoorayaasha kale hayaan.

Waxa dhaca in gudoomiyahaagu kuu yimaado oo uu si toosa ama si dadban kuugu tilmaamo xukunka uu rabo inaad dacwada ka gaadhid,iyadoo hadii aad si toosa uga diidid ama uu wajigaaga ka akhristo inaanad ogolayn waxa uu rabo uu la hadlaayo dhinicii uu la socday, isagoo u sheegaaya inay soo qortaan warqad cabasho ah, iyadoo ujeeda diisu tahay kaliya inuu xalaashado inuu kiiskaasi kaa wareejiyo, si uu ugu qorto cid u fulinaysa waxa uu rabo.

Sidoo kale dhamaan durisa garsoorayaasha galalka lagaga wareejiyaa waa qaar sharci daro oo aan habayaraatee meelna ka waafaqsanayn  Qod:10 X.H.C iyo Qod:29 X.H.M. arintanina waa ta keentay in daalin kastaa marka uu arko in dacwadii gebo gebo ku dhawday uu soo qoro cabasho aan xeer iyo xaqiiqa toona ku fadhiyin iyadoo ujeedadiisu kaliya tahay inuu cadaalada dib udhigo.

Arintani waxay garsoorayaashii u qaybisay laba qaybood oo kala ah, qayb u hogaansan danaha gudoomiyayaasha oo si joogta ah saxeexooda wax loogu xumeeyo iyo qayb diida amaradaasi oo Cadaawad badan loo hayo, cadaawadaasi oo kolalka qaar gaadha in gudoomiyaashu mudo kaa hakiyaan inay dacwado ku qoraan, waxaana loo sameeyaa dacaayado joogta ah.

Tani maaha dhibaato ka jirta gobolka aan joogo oo qudha balse waa mid ay ka wada dhawaajiyeen in badan oo ka mida dhalin yaradii jaamiciyiinta ahaa ee labadii sano ee u danbaysay garsoorka lagu daray,kuna sheegeen warbixin ay  bishii August, 2013             

 u gudbiyeen  Gudida Cadaalada, ogna siiyeen wasaarada Cadaalada,warbixintaasi oo ahayd mid ay saxeexeen 27 garsoore.

2.2          . Jiritaanka koox qareeno ah oo Madaxda Garsoorka ku la saaxiiba.

Waxa jira koox qareeno ah oo Gudoomiyayaasha Maxkamadaha iyo Garsoorayaasha qaarkood ay isku xidhan yihiin, dacwadaha ay hayaana dur duro iyo galbis ku maraan jaran jarooyinka kala duwan ee maxkamadaha. Waxa dhif iyo naadira in qareenadaasi kiisaska ay hayaan laga xukumo, iyadoo sababtu ay tahay laba arimood.

A.   Gudoomiyaasha ay saaxiibka la yihiin oo marka horeba dacwadaha u qaada ama ugu qora garsooraha  ay doortaan.
B.    Garsoorayaasha qaar kamida oo gudoomiyayaasha dartood ugu habrada.

Qareenadani badanaa way ka kiisas badan yihiin qareenada kale, waayo,  waxa yar amaba aan jirin qareen ay dadku ku doortaan kartidiisa  iyo aqoontiisa sharci, balse gudoomiyaasha ayaa yidhaa qareen hebel u taga  amaba dadka ayaa markay arkeen habdhaqanka maxkamaddha ka jira iyo in loo habrado qareenka ay gudoomiyaasha saaxiibka yihiin daydaya  qareen ay gudoomiyayaasha saaxiib yihiin.

Dhanka kale qareenadani mararka qaar waa qaar khiyaameeya dhinacyada ay qareenada u yihiin, arintani badanaa waxay dhacdaa marka iyaga iyo gudoomiyayaasha ay saaxiibka  ahaayeen danuhu iskaga dhacaan, tani badanaa waxay dhacdaa marka qareenadani ogaadaan in dhinica uu markan qareenka u yahay mooyee dhinaca kale ee ay iska soo horjeedaan uu gudoomiyuhu wax la wado. Qareenadani markay sidan oo kale wax u dhacaan si daacad nimo ah dhinacay qareenka u ahaayeen uguma doodaan oo gudoomiyayaasha ayay u waji dhigtaan, dacwadana kama tanaasulaan oo ma ogola in lacagtu ka baaqsato.

2.3           Xeer ilaalinta oo leh awoodo badan oo aan sharici ahayn.

          Iyadoo ay tahay in xiliga dacwad qaadista Xeer Ilaalinta iyo qareenada si siman loola dhaqmo oo aan la kala waynaysiin hadana waxa jira in Xeer ilaalinta si gaara loo tixgaliyo oo aan si saman doodooda loo eegin,Sidoo kele waxa jira in xeerr ilaalintu leeday awoodo badan oo ay maxkamadaha la wadaagaan awoodihii uu sharcigu u gaar yeelay maxkamadaha sida damaanad bixinta oo aad arkayso garsoorayaal badan oo wax ka waydiinaayay bixinteeda, waxa kale oo dhacda in garsoorayaal badani aanay siidaynta ku dhiiranin ila xeer ilaalintu raali ka noqoto.
2.4           Dabaqaada Xeerarka oo aad u Liita.

A.  Dacwadaha Ciqaabta ah.

 Inkasta oo xeerarka dalka u yaalaa  iyo dastuurkuba ay si wayn u ilaaliyeen xuquuqda qofka bani aadamka ah marka uu xorta yahay iyo marka uu xidhan yahayba,  maanta garsoorkeenu ma ilaaliyo xuquuqahaasi, iska daa inuu ilaaliyee isagaaba ka badha ama fududeeya dhicitaanka tacadiyada ka dhan ka ah xuquuqahaasi,Sababtoo ah.

1.     Qod: 25 aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa uu damaanad qaaday inaan qofna xoriyadiisa laga qaadin, hadaanu danbi faraha kula jirin ama aan loo haysanin amar qabasho oo ka soo baxay garsoore awood u leh, maanta dhamaan maxaabiista maxkamaddaha la horkeenaa marka laga reebo mid iyo laba waa qaar lagu soo qabtay sifo xaaraana oo baal marsan  Qod: 34, 35, 36,  iyo 38 X.H.C, mana jiro garsoore marka la horkeeno guta waajibaadka ay dhigayaan  Qod: 39 X.H.C.

2.    Maxaabiistaasa Maxkamadaha la horkeeno  badanaa waa qaar bahdilan oo lagu tuntay xuquuqdoodi aasaasiga ahaa. Waxa la keenaa iyagoo kaba la, qaarkoodna nigis mooyaane aanay wax kale xidhnay.Sidoo kale maxaabiistaasi marka maxkamadaha la horkeeno waxay sheegtaan in lagu sameeyay tacadiyo aad ubadan sida in askartu dishay iyo in ay dhawcisho xidhnaayeen maxkamad la’aan ( Mudo dhaaf).Qaarkoodna waxayba sheegaan in aanay hal caano maal aanay jirin cid wax u keentay oo aanay waxba cunin.Mana jiro Garsoore Qod:32 X.H.C.

3.      Marxalada oogista dacawada ka hor iyadoo ay masuuliyada iyo waajibaadka xeer ilaalinta tahay sida uu dhigaayo Qod: 70 X.HC in ay hubiyaan in danbi dhacay eedaysanuhuna yahay kii galay, haba yaraatee xeer ilaalintu masuuliyadaasi in yarna kama dabaqdo, dacawadahay Maxkamadda horkeenaan waa maxkamadduun ku riix ( Bush to the Court).

4.    Iyadoo Qod: 26 aad ee dastuurkaJamhuuriyada Somaliland dhigaayo in eedaysane kasta loo aqoon sanaado danbi laawe ilaa danbi kaga cadaado maxkamada horteeda, maanta taasi ma jirto ee qof kasta oo maxbuusa ama xafiiska xeer ilaalintu soo eedeeyay sidaasi ayuu danbiile ku yahay, dacwada ay qaadayaan garsoorayaasha in badan oo kamidina waa mid magac uyaala oo ay ku khiyaamaynayaan indhaha dadwaynaha iyo eedaysanaha, tusaale ahaan hadiiba  aad waydiiso maxbuuska uu xukumay cadaymaha la horkeenay ee uu ku xukumay waxa ay yihiin, waxa  garsoorayaasha qaar kuugu jawaabayaan, duruufaha dalka ka jira ayaa keenay in cadaymo ku filan la waayee danbiga wuu galay.Waxaana dhif iyo naadira in xafiiska xeer ilaalintu si waafaqsan Qod:110 iyo 163 X.H.C    maxkamada horteeda si shaki la’ana uga cadeeyaan in danbi dhacay, eedaysanuhuna yahay kiii galay.

5.    Iyadoo Qod: 246 X.H.C dhigaayo in aan xukunada dacwadaha ciqaabta ah la fulin Karin ilaa xukunku noqdo mid kama danbaysa, marka laga reebo marka xukunku yahay mid siidayna,. Hadaba maanta xaalku waa mid cagsiga ah oo iyadoo marka horeba yartahay in la arko qof eedaysanaha ah oo isagoo xor oo xidhnayn isdifaaca, hadana iyadoo taasi jirto hadana midhadhkaasi faro ku tiriska ah waxa xoriyada laga qaadaa marka xukunka xadhiga ah ama ganaaxa ahi sidaa ugu dhaco,iyadoon  wax tixgalina  lasiin bislaanshaha fulinta xukunka, halka dadka xoriyadooda loo celiyo oo sharcigu si cad u damaanad qaaday in ay xoriyadooda helaan isla marka xukunka xoriyad u celinta ah lagu dhawaaqo,taasi  danbe oo keentay in maxaabiista qaar labo sano kadib maxkamadda sare marka xukunku gaadho la siidaayo, iyadoo aanay jirin marnaba wax xukun ciqaaba oo ku dhacay, mana jirto wax magdhaawa oo marka danbe lasiiyaa.

6.    Iyadoo ay xaaraan tahay in eedaysanaha lagu dirqiyo ama lagu dhiiri galiyo inuu danbi qirto, haduu iskii u sameeyana ay tahay in garsooruhu usharaxo dhibta kaga iman karta iyo in danbi qirasho kastaa isaga cadayn ku tahay, iyadoo isla markaasina ay reeban tahay in wax su’aalo ah oo lagu qod qodaayo la waydiiyaa, waxa maanta maxkamadeheena ka dhaca inay garsoorayaasha qaar ku dhiiri geliyaan in eedaysanuhu qirto danbiga loo haysto iyagoo si toosa ama si dadban ugu sheegaaya in hadii uu qirto la siidayn doono amaba ciqaabta laga khafiifin doono.

7.    Waxa kale oo jirta in dacwdaha ciqaabta ah ee tashiga oo xeerku dhigaayo in eedaysanaha loo qabto qareen difaaca oo karti leh,hadiiba qareenkaasi waajibkiisa gudan waayana tahay in laba ganaaco maanta ta dhacdaa waa cagsiga oo qareenka loo qabtaa waa mid macmala oo aan marnaba gudanin waajibiikiisii ahaa in uu difaaco eedaysanaha,iyadoo ujeedada kaliya ee qareenka noocaniya loogu qabtayna  tahay in lagu xalaashado oo kaliya in fadhiga maxkmadu qabsoomo maadama aan dacwada la bilaabi karin ilaa qareen difaaca eedaysanaha la helo.

B.  Dacwadaha Madaniga ah.

Marka laga ymaaado dacwadaha ciqaabta ah ee aan sare ku tilmaamay, waxa iyana jira dhibaatooyin fara- badan oo ka tagan dacwadaaha madaniga ah oo meesha ka saaray xaqsoorkii iyo cadaaladdii laga rabay in dhinacyadu ka helaan Maxakamaddaha, waxaanan warbixintaydan ku soo qaadanayaa dhawrkan arimood ee aan hoos ku xusay:-

·         Xadhig iyo xoriyad ka qaadis:  iyadoo sharcigu u dhigay dariiq iyo nidaam cad oo loo raaco qaadista dacwadaha madaniga ah, sida ku xusan xerka Habka Madaniga, oo ay ka raabantahay xadhig iyo xoriyad kla qaadis, waxa aad arkaysaa dad badan oo Garsoorayaasha Maxakamaddaha joogaa u xidh-xidheen xuquuqo madaniya, iyadoo waliba dadkaas lagu ilaawo oo ay ku jiraan saldhigyada, iyadoo ay dhacday qaarkood inay  ilaa afar billood ku jireen.
·         Dhawrid la,aanta xaqul dacwaha: iyadoo xeerku si cad u sheegay cida leh xaqa in ay dacwooto, waxaad marar badan arkaysaa dad aan xaqa dacwada lahayn oo loo furaayo dacwado.
·         Dhawrid la,aanta shuruudaha looga baahan-yahay arjiyada dacwadaha madaniga ah: iyadoo iyana  xeer ku siuu sicad u sheegay waxyaabaha ay tahay in arjiga dacwad furashada ama arjiga jawaab celintu laga helo waxaad in badan arkaysaa arjiyo ama jawaabo aan xeerka waafaqsanayn oo dhinacyada laga aqbalaayo.

2.5           Xeerka qaar oo aan lagu dhaqmin

Qaranka Jamhuuriyada soomaliland mudadii uu jiray waxa uu samaystay xeerar dhaqan gala oo ay waajib tahay in  maxkamaduhu  dabaqaan,balse waxa jirta in xeerar badan oo qarankani jamhuuriyada Somaliland uu samaytay aanay maxkamadaheenu wax tixgalina siinin, kuna dhaqmin,iyagoo taasi badelkeeda mudnaanta siiya xeeerarkii aynu ka dhaxalay dalkii aynu ka go’nay ee  jamhuuriyadii dimuqraadiga Soomaaliya, waxanan tusaale usoo qaadan karaa labadan xeer ee hoos ku qoran.

ü  Xeerka Saxaafada ( Xeer-27/2004).
ü  Xeerka  Nidaamka Garsoorka Caruuta ( Xeer –LR-36/2007).

Caruurta khilaafta sharciga ama ku eedaysdan inay galeen faldanbiyeed waxa lagu dabaqaa dacwadahooga xeertka ciqaabta guud oo ah xeer aynu ka dhaxalnay dawladii Somaliya ee aynu Madax banaanideena kala soo noqonay,Sidoo kale Xeerka saaxaafadu waa mid dhaqan gala oo qarankani jamhuuriyada Somaliland ugu talo galay in lagu dhaqo saxaafada marka ay xad gudubto iyo marka lagu xad gudbaba.

2.6          .Xeerarka qaar oo si guracan loogu dhaqmo.

Iyadoo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland  mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) markii uu talada dalka ku guulaystay kala diray  gudidii nabad galyada, hadana waxa ilaa hada maxkamaddaha ka jira adeeg u dhigma amaba ka sii liita kii ay qaban jireen Gudida Nabad Gelyadu. Waxa jira in wigii hal mar ama laba jeer maxkamadda gobolka hargaysa la horkeeno dhalin yar badan oo ciyaalo iskuula kuwaasi oo si wada jira ugu eedaysan xeerka Nabad Gelyada, iyadoo ujeedada ay xeerkan booliska iyo xeer ilaalintu ugu soo eedeeyeena ay tahay in ay ka muquurtaan waajibka ah in danbi dhacay, eedaysanayaashuna yihiiin kuwii galay iyo in fursad loo siiyo eedaysanayaasha in ay isdifaacaan, maxkamaduhuna marka la horkeeno ma gutaan waajibaadkoodii garsoor ee bilayska iyo xeer ilaalinta ayay garab istaagaan.

Xeerkani cida qudha ee loo isticmaalaa maaha ciyaala iskuula ee iyana waxa xeerkan si ba’an loogu dhibaateeyaa caruurta darbi jiifka ah ee marka horeba la dayacay masuuliyadii ahayd in la dayac tiro.

2.7          .Samaynta Ganaax Sharci daro ah.

Dhalin yarta aan sare ku sheegay in iyadoo aan la kala saarin xabsiga loo diro, kololka qaarna waxa dhacda in dhamaan lagu xukumo lacag ganaaxa, arintani waxay leeday laba halisood, waa ta koowaade waxa dhacaysa in danbiile khatari ka faa’daysto oo uu si dhib yar u baxo, ta kalena waxay tahay in mid aan waxbaba galin awoodiisa dhagaalena aad u hoosayso lagu xukumo ganaax aanu mutaysan.tan danbe waxay keentaa in dhalinyarada in badan oo kamidi markay Cadaalad waayeen ay cuqdadi gasho,yidhaahdaana kol hadii marlayba lagu ganaaxayuun ha lagu ganaaxo adoo wax sameeyay, sidaana uu ku galo danbiyo aanu markii hore geli jirin.

3.  Talo soo jeedin.

Mudanayaal waxa kale oo aan halkan idiinku soo gudbinayaa dhawr arimood oo aan is idhi xal lagaga gudbo dhibaaatooyinkaasi ayay noqonayaan hadii la sameeyo waana sidan.
1.     Ugu horayn in la sameeyo gudi ka madax banaan madaxda garsoorka oo qiimeeya xukunada garsoorayaashu gaadhaan si look ala ogaado garsooraha gudanaaya waajibaadkiisa iyo ka aan gudanayn.
2.    In la sameeyo nidaam sugan oo garsoorayaasha lagula xisaabtamo.
3.    In dib loo qiimeeyo qorshahii Dib uhabaynta garsoorka, si loo ogaado waxa ka hir gay iyo waxaan ka hirgalin.
4.    In wasaarada cadaaladu samayso qareeno karti iyo aqoon lehoo difaaca eedaysanayaasha loo haysto dacwdaha ciqaabta ah.
5.    In qareenada dacwadaha gelaaya la kala shaandheeyo oo ruqsada qareenimo la siiyo cida u qalanta.
6.    In la sameeyo xabsi lagaga maarmo saldhigyadan ay maxaabiista cid laawaha ahi ku cunta beelayso amaba saldhigyada loo qoondeeyo giraam ay siiyaan maxaabiistaasi.

4.  Gunaanad.

Mudanayaal dhibaatooyinkani aan sare ku sheegay waa qaar caqabad ku ah in Mawaadiiniinta reer Somaliland garsoorka ka helaan garqaadis xaqsoora, sidoo kalena waa qaar dhalin kara dhibaatooyin waxyeeleeya qaranimadeena, waayo, cadaaladu waa shayga qudha ee amniga xoojin kara.

Sidaasi darteed waxaan si xushmad iyo sharafle idiinka codsanayaa in warbixintani aad si mugleh hoos ugu eegtaan,islamarkaasina aad xooga saartaan wax ka qabashada arimaha ay warbixintani xanbaarsan tahay. 
Allaa Mahad Leh
Jamaal Xuseen Axmed (Mandeela)

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargaysa.