Pages

Wednesday, January 10, 2018

XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA XUKUMADA: KAALINTIISA IYO SHARCINIMADIISA


Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)

Dhowaan wuxuu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliland soo saaray Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Gaarka ah ee Xukumadda (Xeer-nidaamiye Lr.01/2018). Ujeeddada uu Madaxweynahu Xeer-nidaamiyahan u soo saaray waxaa lagu sheegay arrimaha ay kamid yihiin ka hortagidda is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka Haya’ddaha xukuumada iyo xaqiijinta in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda) hawsha.
Hadda ba, ilaa markii uu Xeer-nidaamiyahan soo baxay, waxaa warbaahinta ku jiray dooddo ka dashay kaalintiisa sharci iyo sharcinimadiisa oo ay ku kala aragti duwanaadeen Garyaqaannada dalku. Sidaas darteed, markii aan arkay dooddaha soo noqnoqonaya ee ay Garyaqaannadu ka dhiibteen mawduucan, waxaan jeclaystay in aan wax ka idhaa kaalinta iyo sharcinimada Xeer-nidaamiyahan.
MACNAHA IYO KAALINTA SHARCI EE XEER-NIDAAMIYAHA
Garyaqaannada badankoodu waxay Xeer-nidaamiyahan ku sheegeen awooddii xeer-dejinta oo uu Madaxweynahu adeegsaday. Hadda ba Madaxweynahu ma xeer-baarlamaan (legislation) buu dejiyey? Sida caadiga ah, xeer kasta oo uu baarlamaanku soo saaraa wuxuu u igmadaa awoodda soo saarista xeer-nidaamiye faahfaahiya arrimaha khuseeya xeerka cidda ay khusayso. Waa igmasho uu baarlamaanku siiyo waaxda fulinta si ay u nidaamiso una maamusho arrimaha shaqadooda khuseeya. Sidaas darteed, doodda ah Madaxweynahu xeer ma sammeyn karo waa mid jaban! Madaxweynahu wuxuu soo saaraa xeerarka ay kamid yihiin Xeer-nidaamiye, Xeer-Madaxweyne (Decree) ee ay u igmadaan dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu baarlamaanku soo saaray. 

Hal mar maaha ee tira ba dhawr jeer ayuu dastuurku si cad u sheegay doorka ay Xukumadda ama Madaxweynahu ku yeelan karo sharci-dejinta. Tusaale ahaan, Qod. 36 (2) wuxuu dhigayaa “Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeer na ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damiirkooda.” Sidoo kale Qod. 56 (5) ayaa dhigaya in Madaxweynahu uu Xeer-Madaxweyne ku soo saaro kala dirida Golaha Wakiillada. Qod. 92aad ayaa isna Madaxweynaha siinaya awoodda soo saarista xeerarka degdegga ah. Qod. 90aad oo sheegaya awooddaha Madaxweynaha waxaa kamid ah marka laga yimaad kuwa qodobka ku xusan “awooddaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka dalka”. Awooddahan kale ee dastuurku sheegayo ee ay xeerarka dalku siiyeen waxaa kamid ah tan ku cad Qod. 14 (1) ee Xeerka Nidaamka Xukumadda (Xeer Lr. 71/2015) oo ah in Madaxweynahu soo saari karo xeerarka uu kamid yahay Xeerka-Madaxweyne oo ah xeerarka uu dastuurka ama xeer u igmaday soo saaristiisa. Ugu dambeyn, waan ku raacsanahay Garyaqaannada in Madaxweynahu aanu soo saari karin xeerar aanay dastuurka iyo xeerarka baarlamaanku u igman. Balse kuma raacsani marna ba awood uma laha soo saarista wax xeer la yidhaa.  Digreetadu ba waa xeer (decrees are laws). Sidaas darteed, waa khalad in xeer-nidaamiyahan laga dhigo xeer lamid ah kuwa baarlamaanku soo saaro oo uu Madaxweynahu ku xadgudbay awooddahii xeer-dejinta.

SHARCINIMADA XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA XUKUMADA
Bishii labaad ee sannadkii 2016-ka, waxaa dhaqan-galay Xeerka Kala Xadeynta Nidaamka Xukumadda iyo Hay’addaha Madaxa-bannaan (Xeer Lr.71/2015). Xeerkan ayaa saldhig u ah aasaasidda hay’addaha Xukuumadda dhexe, xaddidaada xilka, waajibaadka, awooddaha iyo shaqada hay’addaha Xukuumadda dhexe iyo kala xadaynta hawlaha iyo xilalka laamaha Xukuumadda dhexe iyo isku xidhkooda. Xeerku waxaa ku cad 26 wasaaraddood oo uu mid walba xilkeeda iyo shaqadeeda qodobeeyey.
Garyaqaan Prof. Mubarik Ibraahim Aar oo ah macalinkaygii ayaa kamid ah Garyaqaannada ku doodday in Xeer-nidaamiyahu uu ka hor imanayo Xeerka Nidaamka Xukumadda isagoo ku sababeeyey “in Xeer-nidaamiyahu uu wax ka badeley tirada Wasaaraddaha iyo shaqooyinkooda oo uu Xeerka Nidaamka Xukumaddu qoondeeyey.” Annigu se, waxaan qabaa markay noqoto awoodda xadaynta tirada iyo shaqada xukumadda, in xeerku uu awood u siiyey Madaxweynaha. Qodobka 18aad ee Xeerka Nidaamka Xukumadda ayaa Madaxweynaha awood u siiyey qoondeynta xukumadda iyo laamaheeda shaqooyinkooda, waxaanu dhigaya in Madaxweynahu isagoo adeegsanaya awooddahiisa xeereed u hawshan fulinayo, isla markaana ay haggayaan arrimaha ay kamid yihiin: “muhiimada shaqadu u leedahay xukumadda, sida layskugu xidhayo iyada oo la tixgelinayo nooceeda, ka hortagga habacsanaan iyo kala daadsanaan ku timaada shaqada iyo hay’addaha xukumada, ka hortagidda is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka Haya’ddaha xukuumada, iyo xaqiijinta in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda) hawsha.” 
Sidoo kale, waxaa su’aal layska weydiin karaa tirada Wasaaraddaha xeerka ku magacaaban oo ah 26 iyo tirada Wasaaraddaha uu Madaxweynahu soo dhisay oo ah 23. Xeerku inkastoo uu Wasaaraddaha dhammaantood xusay shaqadooda, waxaa Qod. 26 ku cad in aan lagu khasbanayn in dhammaantood ay jiraan oo wuxuu qodobku leeyahay “Xukumaddu waxay yeelanaysaa Wasaaraddaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadeeda” macnaha intii loo baahdo uun bay yeelan kartaa. Faqradda 2aad ee Qodobkuna waxay dhigaysaa qaabka Wasaaraddaha loo mideyn karo ama loo qaabeyn karo, waxaanay odhanaysaa “Wasaaraddaha waxaa loo qaabaynayaa isla markaana loo hagayaa si ay u qorsheyn karaan, una fulin karaan xilkooda iyadoo laga duulayo siyaasadda guud ee Xukumadda.” Sidaas darteed, Xeer-nidaamiyaha ma khilaafsana kama na hor imanayo xeerka sababtoo Madaxweynaha laftiisa ayaa bu awood u siiyey inuu xaddido tirada Wasaaraddaha isla markaana qaabeeyo ama qoondeeyo shaqooyinkooda.
Ugu dambeyn, sida ay ku wanaagsanayd ayaa ah in mar haddii xeerku uu Wasaaraddo magac dhabay, qaabka qudha ee wax lagaga badeli karo tiradooda iyo shaqadoodu uu noqdo wax ka badel xeerka lagu sameeyo, laakiin mar haddii uu xeerku awooddaas bixiyey waxay ka dhigan tahay oo sharci ah in baarlamaanku uu hawshaas u igmaday Madaxweynaha. Sidaas darteed, ayuu Madaxweynahu isagoo gudanaya awooddahaas uu xeerku siiyey isla markaana ku dhaqmaya Qod. 106 ee Xeerka Nidaamka Xukumadda uu u soo saaray Xeer-nidaamiyahan Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Gaarka ah ee Xukumadda (Xeer-nidaamiye Lr.01/2018).
FG: Qoraalkaygu wuxuu khuseeyaa oo keliya kaalinta sharci ee uu Xeer-nidaamiyahu kaga jiro nidaamka sharci ee dalka iyo sharcinimada soo saarista Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Xukumadda, balse ma khuseeyo qodobbada uu ka kooban yahay Xeer-nidaamiyahu, waanay dhici kartaa haddii aad loo derso in qodobbada qaarkood ay xeer-dhaaf ku noqdeen awooddaha uu xeerku siiyey Madaxweynaha.
Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
          Burco, Somaliland
   







Saturday, July 16, 2016

Nidaamka Caddaaladeed ee Soomaaliland: Himilooyinkiisa Qoran, Ummadda Tasoowday, Bahdiisa Hanka yar iyo Qaranka Hagraday



 “Kulan ay yeesheen ergooyin ka kala yimi beelaha walaalaha ah ee waqooyi degan ….. Waxaa … lays weydiiyey wixii aynu ka dagaalanay maxay ahaayeen? Waxay noqotay oo saldhig u noqotay caddaalad-darro. Halkaa waxaa ka soo baxday baahideena kowaad inay tahay caddaalad in aynu helno. Caddaaladu halkeey ku jirtaa baa markaa isweydiin leh. Waxay noqotay inay caddaaladu ku jirto Diinta Islaamka. Waxa inna dhibtay oo aynu wada ogsoonahay bahal la yidhaa ‘qabyaalad’, oo eex iyo imtixaan dabada ku wadata. Taana waxaa laysla gartay; waxa waxaas oo dhan lagaga bixi karaa inay tahay oo keliya inagoo ku dhaqana Shareecada Islaamka ee ILAAHAY [SWT] innoogu talo galey koownkan markuu inna dhigay isagu, ee uu innagu abuuray in aynu ku dhaqano – isagoo masaalixdeena cid ka taqaanaana aanay jirin.” 
-Aadan Axmed Diiriye oo sharxayey Qodobbadii ka soo baxay Shirkii Burco ee Ergooyinka Beelaha Degan Waqooyiga Dawladdii Soomaaliya, 6-dii Meey, 1991-kii.

Himilooyinka Qoran iyo Ummada Tasoowday
Haa, himilada ugu muhiimsan ee Qarankan Soomaaliland uu u dhisan yahay waa in la helo dawladnimo ummadda wada deeqda, oo la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad - sida ku xusan goggol-dhiga Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Qaranku wuxuu ku dhisan yahay dastuur uu shacabku ansaxiyay. Dastuurkana waxaa saldhig u ah mabaadi’ ay Shareecada Islaamku ugu horeyso. Sida ku xusan qodobbadiisa 5aad iyo 128aad: “Xeerarka dalku waa in ay waafaqsan yihiin Dastuurka iyo mabaadi’da Shareecada Islaamka, waxaana reeban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda”. 

Himilooyinkaas ayaa innoo qoran – ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo in la helo xeerar ku dhisan mabaadi’da Shareecada Islaamka. Maaha! Kuwo aynu qoranay 5 sanno kahor, 10 sanno kahor ama ba 15 sanno kahor, waxaynu qoranay oo ay dhaqangal noqdeen 25 sanno kahor.

Labaatan iyo shantaa sanno ba, waxa ugu badan ee ay shacabku tebayaan waa caddaalad. Waxa ugu badan ee ay ka cawdaan kuna dhaqmaan waa caddaalad-darro iyo qabyaalad. Dhinac walba – garsoorka, maamulka dawladda, saami-qeybsiga kuraasida goleyaasha iyo kheyraadka dalka – caddaalad-darro baahsan ayaa laga sheeganayaa. Inta ba iyadoo af beeleed lagu hadlayo ayaa laga cabanayaa. Iyadoo dan beeleed la wadana wax baynu ka badelnay ayey nu nidhaa. Waxaynu ku sifoownay odhaahdii Alle ha u naxariistee Abwaan Gaarriye uu yidhi:

Xeerkiyo dastuurkii

Loo dejaana kuma fulo

Ummad aan dabci aqoon.”

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Alle ha u naxariistee) ayaa khudbad uu ka jeedinayey Xabaalaha Mako-durduro, isagoo ka hadlaya sida aynaan danteena uga shaqayn ee aynu ugu foogahanahay qabyaalad iyo qaraabo-kiil ee aynaan waxba uga baran hoogii iyo halaagii ina soo maray yidhi:

Dhadhan raaca, sacabka maxaa la ii saaraa? reer hebel maxaa loo qabanayaa? Anniga maxaa la i siinayaa? Inta arrinkeenu kaas yahay ee dawladnimadeenu ku dhisan tahay dhadhamo qabiil, beeleed , qoys ama qof saasay noqonaysaa. Taasaa (xabaalaha) inna huran. Shalay dhacday, berrina dhici doontaa, sahan dambena dhici doontaa. Israaceenii [Soomaaliya] dhowaan buu dumay, soo goosigeenuna ma ahayn barasho aynu soo baranay in aynu shalay lixdankii khalad samaynay – Shalayna waxaynu ku tagnay jibbo, maantana waxaynu ku nimi jibbo. Jibbo meel inna geynaysaa ma jirto! Taa [xabaalaha] weeyi dhaxalkeedu. Jibbo, firkrad darro, iska orod iyo tallo la’aan, taas weeyi dhaxalkeedu.”

Haa, waa sababtaas sababta ilaa maanta looga cabanayo caddaalad-darro iyo dulmi. Dadku weli ismay weydiin maxaa innoo dan ah? Hadday isweydiiyeena kamay tegin dhaqankii anaanniyada ahaa iyo qabyaaladdii. Inta ay kuwaasi jiraan oo aanu dadku himilooyinkiisa si dhab ah ugu shaqayna sidaas ayey ahaanaysaa.  

Sawtuu macalinkii wadaniga ahaa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, ILAAHAY naxariista janno ha ka waraabiyo’e, hore bulshada ugu yidhi:

“Haddii aad addintaan oo

Indhaha dhiig laga keeno,

Idinkoon sidan dhaamin

Inaad guul urisaanna

Waa wax aan la arkaynnin.”

Qaran, qoys iyo qof walba talaabo kasta oo uu qaado wuxuu ugu deddaalaa himiladiisa. Si kasta oo ay caqabado iyo dhibaatooyin uga horyimaadaan, dhaqankiisa iyo horumarkiisa ayaa laga gartaa himilada uu hiigsanayo iyo sida ay uga go’an tahay inuu gaadho. Waxaynu nahay ummad muddadaas uu qaranku shaqaynayey ee 25-ka sanno ah maxkamaddaheeda lagaga shaqeeyo xeerarkii dawladdii Soomaaliya ee caddaalad-darrada iyo qabyaalada ku duntay. Xeerar duugoobay oo qodobbadooda qaarkoodna aanay la jaan-qaadi karayn Shareecada Islaamka iyo Xuquuqaha Aasaasiga ah ee uu Dastuurkeenu dammaanad qaaday iyo noloshan casriga ah ee dunuubta cusub iyo waayaha cusub wadata. Waxaynu nahay ummad tasoowday oo uu marin-habow ku dhacay, kana leexatay dariiqii ay kaga dhabayn lahayd himilooyinkeeda.

Bahda Caddaalada ee Hanka Yar
“Waxaaneey nin arkaaya
Ummaddayda tasawdayee
Usha loo qaban waayeyee,
Anigayga biloowoo,
Abwaankeedi ka seexdayee
Wax-aqoonki tabaysa
Af-weynoo laga reeyana
Ujeeddawga dambaynnin.”
 ERGO, Maxamed Xaashi “Gaarriye” (AHUN) 30/04/1992.

Bahda caddaalada waxaan uga jeedaa inta ka hawl gasha nidaamka caddaaladeed ee dalka – waxay iskugu jirtaa hay’addaha qaranka iyo bulshada rayidka ah. Waxay u kala baxaan Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareenno, Culimo, Sharci-yaqaano Madax-bannaan iyo hawl-wadeenno kale. Bahdan ayaa u cummaamadan nidaamka caddaaladeed ee dalka. Muraayada laga dhex arko waxqabadkoodu waa nidaamka caddaaladeed ee dalka u shaqeeya. Markay bulshadu nidaamka caddaaladeed ka cabanayso iyaga ayey ka cabanaysaa. Iyaguna qaranka iyo han yaraantooda ayey u dulman yihiin.

Haa! Bahdani mar qarankay u dulman tahay oo mudnaantii ay lahayd lama siin oo qarankii ay waaxda dhan ka ahayd ayaa hagraday. Marna hankooda yar ayey u dulman yihiin oo waxay sheegan kari waayeen milgahii iyo mudnaantii ay qaranka ku lahaayeen intay ilaashanayeen danneyaal kooban. Sidaas ayuu nidaamkii caddaaladeed u noqday mid ay han yaraanta bahdiisu u soo jiito dhaliil iyo cabasho joogto ah.

Han yaraantooda
Han yaraanta waxaa loo yaqaan in qof/cid awooddeedu ka qarsoonaato, kalsooni-darro darteed in lagu qanco wax hoose iyadoo wax ka fiican xaq loo leeyahay, ku dhici waa in himilooyin iyo hiigsi la yeesho, annaaniyad cadow u aragta cidda han iyo himilo wacan leh.
Taariikhdu waxay sugtay in xukumaduhu aanay iskood u xoojin nidaamka caddaaladeed ee dalalkooda ka jira, sababtoo ah marka hore ba hirdan dhinaca awooddaha ah ayaa ka dhaxeeya saddexda waaxood ee qaranka – Xukumaddaha, sharci-dejinta iyo garsoorka. Sidaas darteed, cidda xoojin karta nidaam caddaaladeed waa aqoonyahanka ku shaqeeya mihnadda-sharci. 

Hadday dawladduhu ka gaabiyaan xoojinta iyo kobcinta nidaamka caddaaladeed, waxaa hadla oo dadweynaha dareen geliya dadka aqoonta u leh garsoorka iyo caddaaladda. Iyagaa guta waajibaadka ka saaran nidaamka caddaaladeed ee ay ummadda ku metelaan. Waajibaadka muwaadinimo ayaa sidaas faraya. Iyagoo isku duuban ayey u dooddaan oo is abaabulaan dabadeedna si joogta ah ugu deddaalaan horumarka nidaamka caddaaladeed. Iyaga ayaa bulshada ka dhiga mid ilbax ah oo xuquuqdeeda garanaysa oo dawladda kula xisaabtami karta dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dejisan. Markaas ayey bulshadu noqotaa mid himiladeeda qaran u taagan oo u deddaalaysa. 

Qareennada, Xeer-ilaaliyeyaasha iyo Garsooreyaashu waxay ku hawshoodaan iswaafajinta dhaqanka, shareecada Islaamka iyo xeerarka. Sidaas ayey ku shaqeynayeen muddo 25 sanno ah. Waxay u shaqeeyaan bulsho xeer, sharci iyo dhaqan ba jeeb qudha ku wada sidata. Qareenku kolba kii dantiisu ku jirto ayuu ku shaqeeyaa. Xeer-ilaaliyahu xeerarkaas dugoobay iyo maslaxaddo guud ayuu ku dhaqmaa. Garsoorayaasha dhaqanka bulshadu seeto iyo xadhig adag ayuu ku noqday, sharciguna waa xayndaab aanay weydaaran Karayn. Hadday mid u khaalis noqdaan, ka kale ayey ku eedoobaan. Waxaa keliya ee ay aakhiradooda iyo adduunyadooda ba ku badbaadin karaan waa hal-adaygnimadooda iyo dadnimadooda. 

Dhibtaas ayay dhammaantood ka siman yihiin, deedna bulshadii ay hoggaanka u noqon lahaayeen ayaa iyagii hoggaanka u qabatay – ku dhaqanka sharciga ayey ugu dhaarsan yihiin, waxaana lagu cannaantaa ka dhego-adkaanta xalka iyo xeeladaha dhaqanka bulshadu uu farayo. Waxay bulshadu u kala jeceshay siday xalka iyo xeeladahaas kale u kala adeegsadaan.

Dad gob ah oo aqoonta sharci iyo mihnadda ba danta guud ugu adeegayaa, labaatan iyo shan sanno dhibtaas kumay jireen oo dantooda oo qudha kumay mashquuleen. Dad uu hankoodu sarreeyo oo in ay iska shaqaystaan uun ka koray sidaas may yeeleen oo muddadaas dheer kumay shaqeeyeen dhismayaal iyo xeerar dugoobay. Waxaa loo baahan yahay in bahdeena caddaaladu ay fahamto doorka ay ku leeyihiin nidaamka caddaaladeed iyo ilbaxnimada bulshada. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in aynaan hay’addo kale ku halayn inay xoojiyaan nidaamkeena caddaaladeed. Waa in laga koraa fikirkan ah qof baad ka tahay bulshadee, iskaa u nooloow.

Ururada Qareennada iyo ururada kale ba maaha inay keliya u dhisnaadaan in ay fuliyaan mashaariic ay hay’addo wataan – oo hankooda iyo hawshoodu ba aanay noqon mashruuc. Waxaa la rabaa inay ka shaqeeyaan danta mihnaddeed ama caddaaladeed – oo ay iskood iskugu hawlaan, uguna deddaalaan. 

Nidaamka caddaaladeed wuxuu keliya horumar gaadhayaa markuu helo xirfadlayaal sharci oo uu hankoodu sarreeyo, kuna baraarugsan in nidaamku uu iyaga ku dhisan yahay. Waxaa baahi loo qabaa in xirfadlayaasha cusub la baro masuuliyadda aqoonyahannimo. Marka la helo xirfadlayaal kartidoodu gaadhsiisan tahay danneynta nidaamka caddaaladeed ayey bulshaduna noqonaysaa bulsho wacyi-gashan oo taageeri karta nidaamka caddaaladeed. Nidaamkeena Caddaaladeed wuxuu tebayaa mihnadlayaashii horseedka u noqon lahaa ee hir markii la gaadho ba mid labaad hilaadin lahaa. 

Mihnadlayaasha maanta shaqeeyaa waa in aanay caqabad ku noqon marka la damco in wax laga badelo nidaamka caddaaladeed oo aanay ka door-bidin muraado yar yar. Qareennada, Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaashu waa inay isku arkaan bah mihnaddeed oo uu nidaamka caddaaladeed ka dhaxeeyo. Waxa dhici karta mararka qaarkood in uu qofku garsoore ahaan, qareen ahaan ama xeer-ilaaliye ahaan dantiisa ka dhex arko wax nidaamka guud khilaafsan. Sidaas darteed, waa in qofkastaa uu nidaamka guud dartii uga tanaasulaa dannaha gaarka ah. Maaha in waxa markaas taagan oo qudha lagu go’aan qaato, waa in aragti fog oo mustaqbalka mihnaddeed khusaysa la yeeshaa.– in Garsoorahu uu berri Qareen ama Xeer-ilaaliye noqon karo, Qareenkuna uu Garsoore noqon karo.

Qoraaga buugga the prince (1513), Niccollo Machiavelli ayaa cutubkiisa VI ku qortay odhaahdan xaqiiqda ah: “Waa in maskaxda lagu hayaa in aanay jirin wax la fuliyo oo ka dhib badan, ama lagu guuleysto oo ka mugdi badan, ama maareyntiisa ay ka khatar badan tahay in wax loo sameeyo nidaam cusub; maadaamaa inta [isbadelka] samaynaysa ay la coloobayaan dhammaan kuwii faa’iiddada ku qabay nidaamkii hore u jiray, kuwa laga yaabo in ay faa’iiddo ugu jirto nidaamka cusub aanay si dhab ah u difaacayn”

Sidaas oo kale ayaa bahdeena sharciga qaar badan ay isbadelka u arkaan qiyaame dhacaya. Qofkay ka maqlaana ugu arkaan cadow. Qaar badan way arkaan waxyaabo isbadel u baahan laakiin waxaanay ku dhiiran inay ka shaqeeyaan sidii loo samayn lahaa isbadel wax hagaajinaya. Rag tiro yar oo mabda’ leh oo sidaas qoraagu sheegay isbadel baa loo baahan yahay iyo sidani sharci maaha dartood shaqada looga saaray na way jiraan. Dhaqanka ay bulshadeenu hadda leedahay ayaa ah in inta danaysata uun baa macaashto. Hadalku se wuxuu ku dhan yahay wallee ninkii danaystay wuu is waayi doonaa goor ay noqoto ba.

Culimada dalka oo ah bahda ehelka u ah aqoonta shareecada Islaamka ayaa iyaguna siyaabo badan u soo gelaya bahdan caddaalada. Xafiisyo sharci oo dadka loogu garnaqo ayey qaarkood ku shaqaystaan, lama na yaqaano xeerka loogu ogolaaday inay shaqadaas qabtaan. Hadduu xataa jiro xeer arrintaas ogolaanayaa waa mid qayrul-dastuuri ah sababtoo ah dastuurku wuxuu awooddaas u gaar yeelay waaxda garsoorka. Waxaanu reebay in awooddaas ay cid garsoorka qaranka ka baxsani adeegsato. 

Marka la eego qabyada uu leeyahay nidaamka caddaaladeed ee dalku, tan ugu weyn waa doorkii culumida oo meesha ka maqan. Dhaliisha ay ka sheegaan nidaamka caddaaladeed iyo maamulka dawladnimo ee dalka guud ahaan maaha mid yar. Haseyeeshee, marka laga yimaad dhaliishaas, kama arkaysid han sarreeya oo ay kaga dhabayn karaan waxa ay bulshada u sheegayaan. Inay dibada ka joogaan nidaamka caddaaladeed ayaa ah mid han yaraantooda muujinaysa. Caddaalada iyo wanaaga ay bulshada ku wacdiyaan lama yaqaan sababta ka hortaagan inay ficil ahaan uga hawl galaan. Markay nidaamka caddaaladeed noqoto, keliya waxay u taagan yihiin dhaliishiisa iyo cambaareyntiisa. 

Iska daa wax kaloo raggaas culimada ah ee waa weyn ma filayo in ay yeeli ba lahaayeen haddii shaqada garsoorka loo dhiibi lahaa. Haddii uu dulmi jiro waa raggaas aqoontii leh ee bulshada ku daawanaya, haddii ay dhaliilo jiraana, waa raggaas aan gacan ka geysanahayn xalkooda. 

Culimadii hore saameyn balaadhan ayey ku lahaayeen nolosha bulshada. Maanta oo ay culimadu kamid tahay dabaqada bulshada ugu dhaqaalaha roon, maxaa keenay inay isku koobaan wax sheeg? Miyaanay u muuqan in iyaga laftoodu ay ku dhaqmeen aragtidii reer galbeedka ee ahayd diinta iyo siyaasadda ha la kala saaro? Bulshadu waxay tabaysaa doorkii hoggaamineed ee aqoonyahanka aqoonta diimeed iyo maamulka bulsho leh.

Qaranka Hagraday
Qaranka Soomaaliland oo ah dal ujeeddada kowaad ee madax-bannaanidiisa loola soo noqday ay ahayd in caddaalad iyo sinnaan la helo iyadoo lagu dhaqmayo shareecada Islaamka, ayaan lagu arkayn horumarkii caddaaladeed ee uu muddo 25 sanno ah ku talaabsan lahaa dal ujeeddadaas u dhisan.

Nidaamka caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha aanu qaranku mudnaanta siin marka la eego miisaaniyada uu qaranku ku bixiyo. Dhismeyaasha maxkamadduhu waa kuwo aad u kooban oo dugoobay oo wakhtigii guumeysiga la dhisay. Maxkamad uu dhismaheedu ka kooban yahay 2 qol ayey ka hawl-galaan 7 ilaa 10 garsoore oo uu mid walba xafiis u baahan yahay, looguna talo-galey in loogu shaqeeyo dadweyne ilaa 200,000 kun ah.

Dhinac kasta hadday tahay qalabka, dhismayaasha, shaqaalaha, gaadiidka iyo xuquuqaha ba, nidaamka caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha ugu liita hay’addaha qaranka. Dhinaca shuruucdana, wuxuu kamid yahay meelaha ugu baahida badan in shuruuc cusub oo lagu shaqeeyo loo sameeyo, haseyeeshee, aanu baarlamaanku 25-kaa sanno mudnaanta siin.
Markaad aragto miisaaniyada qaranka ee sannadkan 2016-ka, waxaad is odhanaysaa malaha qarankani maaha Soomaaliland-ta ujeeddada ay u dhisan tahay ba ay ahayd caddaalad iyo sinnaan. Sababtoo ah hadda oo uu garsoorku ugu ba miisaaniyad badan yahay 25-kaa sanno, waxaad arkaysaa in wadarta miisaaniyadda Maxkamadda Sare (4,992,726,480), Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (5,573,350,480) iyo Maxkamaddaha hoose ee dalka oo dhan (16,725,781,920) ay tahay 27,291,758,880 Shilin Somaliland. Sidaas darteed, miisaaniyada loo qoondeeyey waaxda garsoorku waxay miisaaniyada dalka oo ah 1,218,000,000,000 ka noqonaysaa 2.2%, waxaanay u dhigantaa miisaaniyada Wasaaradda Warfaafinta (27,921,252,192) oo keliya. Waxay weli taagan tahay halkii uu marxuum Cali Maarshal Alle ha u naxariisto’e sannadkii 2004-ta ka lahaa “waa qaran intuu ku deddaalo wararka la buunbuunshaa ay ka badan tahay intuu ku deddaalo garsoorka  

Wax walba deddaalka la geliyo ayuu maxsuulkiisu na u dhigmaa. Haddii wixii gacanta innoogu jiray aynu garanay in aynu waaxda garsoorka uga qoondayno 2.2%, macnaheedu wuxuu yahay himilooyinkeena qaran caddaaladu waxay ka tahay 2.2%. Xaqiiqdu se waxay tahay “cadli dooja mooyee, wax kaloo rag deeqoo, dadka lagaga eed baxo, nin u doonay heli waa” – Gaarriye.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
                Burco, Somaliland.

Saturday, May 21, 2016

DASTUURKA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND: 20 Arrimood oo aan La Fulin ama si Khaldan loogu Dhaqmay.



Waxa run ah in qodobbo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland kamid ah ee aan weli la fulin (hirgelin) ama si khaldan loo adeegsaday ay aad u faro badan yihiin oo aanay ku koobnayn tiradan aan sheegay, sababtoo ah waxaan iskaga tegay qaarkood aan is idhi waaba lagu murmi karaa oo dood ayaa laga keeni karaa. Haseyeeshee, 20-kan arrimood ee aan qoraalkan ku soo qaadayaa, waa kuwo cad oo daliilkooda wata. Arrimahaas oo kala ah sidatan:

1.   Reebbanaanta kala-sarraynta iyo takoorka ku saleysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanka - Qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa:Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaana barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran.” Haseyeeshee, waxaa innoo dhaqan ah oo aynu markasta ku hadaaqnaa ereyga “beelaha la hayb-sooco ama laga tirada badan yahay,” takoorka iyo quudhsiga dadkaas walaalaheen ahna ma aha mid qarsoon ee waa mid aynu wada ogsoonahay – bulshadeenu na ay ku dhaqanto. Madaxweynahu ba wuxuu lahaa La Taliye gaar ah oo kala taliya arrimaha beelaha la hayb-sooco oo uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay. Wixii uu dastuurku reebay adeegsigoodu waa inuu reebbanaadaa. Xitaa haddii wax laga qaban waayey arrintan, keliya in magacan adeegsigiisu uu reebbaanaado ayey ahayd.

2.   Reebbanaanta in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad - Qodobka 9aad, faqraddiisa 3aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “… Waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.”  Waynu ka wada dheregsanahay qaabka ay xisbiyadeenu u dhisan yihiin iyo sida ay u adeegsadaan qabyaaladda ba. Ergooyinkii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee sannadkii 2015 waxay ahaayeen ergooyin ay beelahu soo dirteen. Liiskii xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ay ku dhawaaqeen Shirguddoonkii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye 22-kii May, 2015-ku wuxuu isna ku saleysnaa saamiyada ay beelahu ka kala heleen xubnaha Golaha Dhexe. Dhammaan Guddoomiyeyaasha iyo Murashaxiinta saddexda xisbi qaran ba si badheedh ah ayey beelaha ula shiraan, una caddeeyaan beelaha xulufada ku ah xisbi kasta.

3.   Waajibaadka Dawladda ka saaran helitaanka daaweyn lacag la’aan ah - Qodobka 17aad, faqraddiisa 1aad waxay dhigaysaa: “Dawladd[a] … waxaa waajib ka saaran yahay … helitaanka daaweyn lacag la’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud.” Xaqiiqadu se taas aad bay uga fog tahay oo dhakhtarada dawladda adeega caafimaad ee lagu bixiyaa maaha mid bilaash ah oo daawada waa la iibsadaa. Dastuurka dalku maanta wuxuu jiraa 15 sanno, muddadaas dheer ilaa hadda weli dawladdu may gudan waajibaadkaas.

4.   Ku talogal ka yeelashada aafooyinka dabiiciga ah - Qodobka 18aad, faqraddiisa 2aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul-gariirka iyo dagaalada waxay dawladdu ka yeelanaysaa ku talogal.” Sannadkan ugu dambeeyey, abaarahii dalka ka dhacay ayaa tusaale innoogu filan ku talogal la’aanta dawladda ee aafooyinka dabiiciga ah. Markii ay abaarahii dhaceen ayuu Madaxweynahu guddi magacaabay, ilaa iyo haddana waxaa socoto ururrinta taakuleynta dadka ay abaarahu sida ba’an u sameeyeen.

5.   Sharcinimada xorriyad ka qaadista muwaadinka - Qodobka 25aad, faqraddiisa 1aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Qofna xorriyadiisa loogama qaadi karo qaab aan sharciga waafaqsanayn.” Sharcigu wuxuu dhigayaa in keliya qofka la xidhi karo iyadoon amar maxkamaddeed la sidan marka uu faraha dembiga kula jiro. Haseyeeshee, marka aanu dembiga faraha kula jirin, waxaa keliya lagu xidhi karaa amar maxkamadeed. Caadi ahaana, aad bay u kooban yihiin dacwaddaha qofka lagu qabto isagoo falka gelitaankiisa faraha kula jira. Haddana, inta ugu badan dacwaddaha ciqaabta ah ee ay boolisku maxkamaddaha horkeenaan waa dad la soo qabtay iyagoon fal-dembiyeed faraha kula jirin, amar maxkamaddeed na aanay boolisku u qaadan.

6.   Xurmaynta hoyga – Qodobka 29aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu dhigayaa: “Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.” Ku xadgudubka qodobkan daliilkiisu dhagaheena wuu ka buuxaa – Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-da la yidhaa oo guryo u dhacay oo xitaa ay dhacday in guri hooy ah oo ay carruuri joogto laysku dhex rasaaseeyey xili habeennimo ah oo aanay xitaa bannaanayn in amarka maxkamadda la fuliyo. Maaha dhacdo qudha oo waa dhacdooyin la caadeystay oo ilaa hadda socda. Mana jiro qodob kale oo dastuuri ah oo arrintaas banneeyey.

7.   Muddo-xileedka Golaha Wakiillada – sida ay dhigayso Qodobka 42aad, faqraddiisa 1aad “Muddo-xileedka Golaha Wakiilladu waa 5 (shan) sanno oo ka bilaabmaysa maalinta Maxkamadda Sarre ay ku dhawaaqdo go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada [Golaha Wakiillada].” Marka laga yimaado xubnahii ugu horeeyey ee Golaha Wakiillada oo lagu soo xulay nidaam beeleed, muddadan 15 sanno ah ee uu dastuurku dhaqan-galka ahaa, hal doorasho oo Golaha Wakiiladda ah ayaa Soomaaliland ka qabsoontay. Xubnahii la doortay 2005-tii ayaa ilaa hadda kuraasida ku fadhiya. Inkastoo cudur-daarku yahay muddo-kordhin loo sameeyey, xaqiiqadu waxay tahay mar haddii ay laba muddo-xileed iyo dheeraad marayaan in aanay muddo-kordhintu cudur-daar noqonayn.

8.   Awoodda Golaha Wakiillada ee ka dooddista iyo ansaxinta barnaamijka xukumadda – awooddaha golaha wakiillada ee ku cad Qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxaa kamid ah in “Golaha Wakiilladu uu awood u leeyahay ka dooddista, celinta oo sababaysan iyo ansaxinta Barnaamijka Xukumadda” Annigu shakhsi ahaan, ma maqal, mana arag golaha wakiillada oo awooddaas ku dhaqmaya. Weliba sidaas ayaan isku haystaa in aan xogogaal u ahay dhaqdhaqaaqa Golaha Wakiillada.

9.   U soo bandhigida Golaha Wakiillada xisaab-xidhka sannad-maaliyaddeedka sannadka dhammaaday – Sida ku cad Qodobka 55aad, faqraddiisa 6aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland “Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiillada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go'aanna ka soo saarayaan.” Xukumaddan iyo tii hore midkoodna waajibaadkaas may gudan, golaha wakiilladuna awooddaas ma adeegsan. Xisaab-xidhkii 6dii sanno ee 2008-dii ilaa 2013-kii, waxay golaha wakiilladu wax ay ansaxin ku sheegeen isku dhaafiyeen 09-01-2015-kii. Hadda, xikmadda qodobka ku jirtaa ba waxay tahay in xisaab-xidhka sannadka tegay uu golahu go’aan ka gaadho inta aanu ansaxin odoroska miisaaniyadda sannadka dambe. Iyaguna waa kuwaas 6-da sanno xisaab-xidhkooda mar wada ansaxinaya. Midda kale ee muhiimka ah ayaa ah Qodobku ma odhan ansaxin e wuxuu yidhi go’aan ka soo saaraya. Waa laba arrimood oo kala duwan sharci ahaan.

10. Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida iyo Muddo-xileedka – Dastuurku wuxuu dhigayaa in xubnaha golaha guurtida la dooranayo, qaabka loo dooranaya na uu xeer nidaaminayo iyo in muddo-xiloodkoodu yahay 6 (lix) sanno sida ku cad Qodobka 58aad. Arrinta cajiibka ah ayaa ah in 15-kaa sanno aan ilaa hadda la curin Xeerka Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida. Sannadkii 2006-dii ayaa mar la isku dayey, isna hal Qodob oo ah Qodobkii 19aad ayaa laga ansaxiyey. Qodobkaas iyadoo la adeegsanayo ilaa maanta dalka kama qabsoomin doorasho lagu dooranayo gole guurti, oo muddo-kordhin ayey ilaa wakhtigaas ku fadhiyaan.

11.  Shuruuddaha musharaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen – shuruudda ugu horeysa uguna muhiimsan ee ay tahay inuu buuxiyo qofka Madaxweyne ama ku-xigeen Madaxweyne loo dooranayaa waa: “In uu yahay muwaadin u dhashay Soomaaliland, oo aan muwaadinimo dal kale haysan, balse wuu noqon karaa qaxoonti dal kale deggan” sida ku cad Qodobka 82aad, faqraddiisa 1aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Murashaxiintii doorashadii madaxtooyada ee 2010 iyo kuwan hadda u loolamaya jagooyinkan ba way ku jiraan rag la og yahay in haystaan muwaadinimada dal kale. Haseyeeshee, weligeed maynaan maqal meel lagu su’aallay, lagaga hadlay ama ay ku caddeeyeen inay ka tanaasuleen. Xitaa Madaxweynaheena ayaaba lagu xantaa inuu haysto muwaadinimada dalka Britian – ma se hubo annigu. Muhiimadu se waxay tahay in shuruuddaas ku dhaqankeedu aanu inoo muuqan.

12. Daryeelka Garsoorka – Qaranku waa saddex waxood; sharci-dejinta oo ah xubnaha golayaasha baarlamaanka, fulinta oo ah Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo golahiisa wasiirrada iyo garsoorka oo ah garsoorayaasha maxkamaddaha iyo xeer-ilaaliyeyaasha. Saddexdu ba xuquuqo daryeel ayey qaranka ku leeyihiin. Inkastoo la ansaxiyey Xeerka Maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamanka (Xeer Lr. 62/2013), ilaa hadda ma jiro xeer khuseeya xuquuqda garsoorku. Qodobka 98aad, faqraddiisa 3aad waxay dhigaysaa: “Daryeelka ku haboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya.” Bal intii hore kaba kaalayoo, 15-kaa sanno ee Dastuurka dhaqangelkiisa ka dambeeyey ilaa hadda lama curin xeerkaas. Waana waaxda ugu hawsha adag qaranka, oo intaas dembiilayaal iyo muran murgay maareyntii ayey ku hawlan yihiin oo Qaranka ayaabay u godobaysan yihiin.

13. Xeerka Maxkamadda Sarre oo isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah – dastuurka waa buug yar oo qoran, waxa ruux gelisa oo wax nool oo shaqeeya ka dhigta Maxkamadda Sarre ama Dastuuriga ah. Inta ay maxkamaddaasi qabyo tahay, caddaaladeenu waa qabyo ee ha la ogaado. Dhammaan waxyaabaha la ilduufay ee aynu ka hadlayno, tii looga caban lahaa oo muwaadiniinta xuquuqdooda ilaalin lahayd waa maxkamaddan. Awoodda iyo dhameystirnaanta Maxkamadda sarre ayuu hadba dastuurka waxtarkiisuna la socdaa. Ayaan-darrada inna haysata waxaa kamid ah in aanu ilaa hadda jirin xeerkii ay ku dhisnaan lahayd maxkamaddaas. Maanta cidda u dacwoon karta ee dacwad dastuuriya geyn karta, mawduuca laga dacwoon karo iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah majiro xeerkii qeexayey. Qodobka 101aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland na wuxuu dhigayaa in uu xeer gaar ahi nidaaminaayo.

14. Wadashaqaynta Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka – Wasaaraddii Cadaaladdu waa wasaaradda ku shaqada leh caddaaladda, imika arrimaha garsoorka ayaabay raacsataye. Guddida cadaaladuna waa hay’adda ugu sarreysa garsoorka. Marka laga yimaado in Qodobka 106aad, faqraddiisa 1aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland ay sheegayso: “Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xilsaaran tahay fulinta go’aannada maamul ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda.” Oo aanay waxba intaas ku darayn, wax kaleba ha joogee intaas qoran lafteeda ayaa laysku afgaran waayey. Sidaas darteed, faqradda 2aad ee qodobka waxaa lagu waajibiyey in “Xidhiidhka wadashaqayneed ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka uu xeer qeexi doono.” Xeerkaasna ilaa hadda lama hayo oo waajibaadkaasna lama gudan.

15. Xubnaha Guddida Cadaaladda ka tirsan ee Golayaasha Baarlamaanku soo doortaan – Guddida Cadaaladda 10 xubnood ayey ka kooban tahay, waxaa ku jira 4 xubnood oo ay golayaasha baarlamaanku soo doortaan. Qodobka 107aad, Faqraddiisa 1aad waxay leedahay: · Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo · Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.” Inkastoo qodobkan uu ka mid yahay meelaha uu Dastuurku dhaliisha ku leeyahay oo aanu caddeyn cida dooranaysa ma shirgudoonada mise dhammaan xubnaha golaha goleyaasha. Haddana, intan qoran lafteeda ayaad moodaa in si khaldan loogu dhaqmay, oo halka ay faqraddu ka tidhi hal mar la soo dooranayo ayaa dhawr jeer la soo doortaa xubnahan – macnaha xubnahan qaarkood loogu celiyaa. Qodob sidaas sheegayaana Dastuurka kuma jiro – waabu caddeeyey oo “hal mar” ayaa bu yidhi.

16. Wax-ka-badelka tirada gobollada iyo degmooyinka – Madaxweyne Rayaale wuxuu 23-kii March, 2008-dii magacaabay 6 gobol iyo 16 degmo. Madaxweyne Siilaanyo na wuxuu bishii 7aad 2014-kii magacaabay 1 gobol iyo afar degmo. Madaxweynaha tirada gobollada iyo degmooyinka wax ma ka badeli karaa? Dastuurka ayaa ka jawaabaya oo Qodobka 109aad, faqraddiisa 3aad waxay odhanaysaa “Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda,iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.” Maxaa kuu baxay? Haddii Madaxweynahu uu noqonayo golaha xukumada, soo jeedintuna la mid tahay magacaabis u ba diiddi mayno! Arrinta aan markasta is weydiiyaa se waxay tahay waar horta gobolladan iyo degmooyinkan 9-ka sanno shaqaynaya ee Guddoomiyeyaasha leh miisaaniyadoodu maanay golahan wakiillada ee aan la horkeenin soo marin? Mooji!

17. Goleyaasha Sharci-dejineed ee Gobollada – Qaab-dhismeedka sharci-dejineed ee dalku waa Goleyaasha Baarlamaanka oo heer qaran ah, Goleyaal sharci-dejineed ee gobollada iyo Goleyaal Degaan. Qodobka 111aad, faqraddiisa 1aad waxay dhigaysaa: “Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws} aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan iyo kuwa fulineed.” Faqradda 2aad ee qodobkuna waxaabay dhigaysaa in isku xeer lagu nidaamin doono tirada iyo doorashada goleyaasha gobollada iyo degmooyinka. Haseyeeshee, Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinku (Xeer Lr. 23/2003), si fiican ayuu u faahfaahiyey Goleyaasha Deegaanka balse qaab aan waafaqsanayn qodobkan dastuuriga ah ayuu u abuuray Goleyaal Gobol oo fulineed oo aan ahayn goleyaal sharci-dejineed. Qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad, xarafkiisa (b) wuxuu abuurayaa goleyaal gobol oo fulineed. Qodobka 13aad na wuxuu xusayaa xilkooda oo ku kooban arrimo siyaasaddeed, dhaqaale, maamul, amni, nabadgeliyo iyo horumarineed, dib u eegida miisaaniyadda, go’aannada maamul iyo siyaasadeed ee degmooyinka gobolka, dhexdhexaadinta bulshada iyo dhismaha guddi-hosaadyada. Markaa meelna kagama jirto awood sharci-dejineed, sidaas darteed weli wuu kala dhiman yahay dhismaha qaranku oo waxaa meesha ka maqan goleyaasha sharci-dejineed ee gobollada oo uu dastuurku muujiyey. Lama na hadal hayo ilaa hadda hirgelintooda.

18. Muddo-xileeda Goleyaasha Gobollada iyo Degmooyinka – Qodobka 111aad, faqraddiisa 7aad Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Muddada xilka goleyaasha gobollada iyo degmooyinku waa shan (5) sanno.” Ilaa hadda lama abuurin lama na dooran goleyaal gobol, haseyeeshee, Golayaashii ugu horeeyey ee deegaanka waxaa la doortay sannadkii 2002, waxaanay xilka hayeen muddo toban (10) sanno ah oo ah inay laba muddo-xileed qaateen. Goleyaashan deegaanka ee hadda xilka haya na waxaa la doortay sannadkii 2012-ka, hal sanno ayaa uga dhiman muddo-xileedkoodii, waxaanay u badan tahay in muddo-kordhin loo samayn doono sababtoo ah doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiillada ayaa la qorsheeyey inay sannadkaas qabsoonto. Sannadka ku xigana Golaha Guurtida ayaa lagu wadaa in taariikhda markii ugu horeysay la doorto. Markaa ugu yaraan laba sanno oo muddo-kordhin ah way helayaan. Sidaas ayaan Qodobkan dastuuriga ah loogu dhaqmin, isla markaana aan ilaa hadda loo fulin.

19. Guddida Culimada – Qodobka 115aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu abuurayaa Guddida Culimada oo ah guddi madax-bannaan oo u xilsaaran inay si rasmi ah caddayn uga bixiyaa khilaafaadka diiniga ah iyo arrimaha laysku qabto xalaal iyo xaaraan midka ay yihiin iyo sidoo kale inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ah iyagoo dhanka diinta ka eegaya iwm. Intaa dastuurku uu dhaqan-galka ahaa marna guddidan abuurideeda layskuma hawlin intii hore, haseyeeshee, Madaxweynahu dhowaan ayuu ku dhaqmay Qodobka 119aad ee Dastuurka oo uu magacaabay xubnaha uu golaha xukumadu ku leeyahay guddida magacaabaysa guddida culimada. Haseyeeshee, waxaa weli qabyo ah xubnahii Golaha Guurtida uga mid noqon lahaa guddidan magacaabista. Sidaas darteed, ilaa hadda dhismaha Guddidan Culimada laguma guuleysan oo qodobbadan dastuuriga ah lama fulin. Run ahaantii na, waa guddi aad muhiim ugu ah arrimaha bulshada, cadaaladda iyo ku dhaqanka diinta ba.

20.      Qodobbada Kala Guurka – Qodobka 130aad ee Dastuurku wuxuu dhigayaa arrimaha lagu dhaqmayo muddadii kala-guurka ee aanu dastuurku dhaqan-gal noqon. Waxaa se jira arrimo ilaa hadda lagu dhaqmo iyadoo 15 sanno laga joogo muddadii kala guurka ahayd. Waxaa arrimahaas kamid ah in ilaa hadda xubnaha Golaha Guurtida ee geeriyooda ay beeshii xubinta geeriyootay ama golaha ka baxday soo bedelato oo xubinta lagu bedelayo keensato. Arrintan waxay khilaafsan tahay Qodobkan faqraddiisa 3aad oo dhigaysa: “Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida ama Golaha Wakiillada ay ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad waxaa soo buuxinaysa beeshii uu ka tirsanaa inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada.” Faqraddan ku dhaqankeedu wuxuu ku eekaa muddadii kala-guurka ee aan la gaadhin nidaamka axsaabta doorashada. Axsaabtii doorashadu waxay hirgaleen sannadkii 2002-da, wakhtigaas kadib laguma dhaqmi karayn faqraddan, haddana ilaa hadda waa lagu dhaqmaa. Ma jiro wax ka badel lagu sameeyey dastuurku, mana jiro xeer dastuurka ka mudan oo loo daliishan karo arrintan. Iyadna waxay kamid tahay arrimaha ugu la yaabka badan ee loo baal-maray dastuurka dalka u yaal.
Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa geeriyooday 3dii bishii Meey 2002-dii, isla maalintii ayaa xilkii Madaxweynenimo loo dhaariyey ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin oo xilkaas hayey ilaa 14kii Abriil 2003-da oo loo doortay xilkaas Madaxweynenimo. Wakhtigaas oo lagu jiray muddadii kala-guurka ahayd ee aanu hirgelin nidaamka axsaabta doorashada tooska ah, waxay ahayd in lagu dhaqmo Qodobkan 130aad, faqraddiisa 4aad oo dhigaysa: “Haddii ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman qodobka 86aad Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood, inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiillada iyo Guurtida} ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya Madaxweyne iyo Madaxweyne-Ku-xigeen ama midkood, iyada oo xilka jagada bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.” Sida sharciga ah, waxay ahayd in xilka uu la wareego Guddoomiyaha Golaha Guurtidu, kadibna muddo 45 casho ah gudahood ay labada gole si wadajir ah u soo doortaan Madaxweyne, laakiin iyadoo la tixgelinayo duruufaha markaas lagu jiray waxaa la doorbiday in lagu dhaqmo Qodobka 89aad, faqraddiisa 2aad oo khusaysa xaaladdaha ka baxsan tan ay faqradda 4aad ee Qodobka 130aad khusayso. Xaqiiqo ahaana, aad bay u adkayd in lagu dhaqmaa sababtoo ah muu jirin habraac ay labada gole ku soo dooran karaan Madaxweyne iyo mid loo raaco murashaxnimadiisa iyo coddeynta ba. Sidoo kale qodobku muu xusin Madaxweynaha ay labada gole ku soo doortaan 45 casho gudahood muddo-xileedkiisu inuu yahay kan ku xusan Qodobka 88aad iyo inuu yahay muddo gaaban. Arrimahaas oo khalkhal siyaasaddeed keeni karayey ayaa sababay in Qodobkan ku dhaqankiisa laga talaabsado.
Qodobkan 130aad, faqraddiisa 5aad waxay dhigaysaa: “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqamayaa xeerarkii hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn Shareecadda Islaamka, xuquuqda qofka iyo xorriyaadka asaasiga ah, inta laga soo saarayo xeerar waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaa waa in la diyaariyaa xeerarka Dastuurka waafaqsan, waxaana lagu keenayaa xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido Golaha Wakiiladu.” Muddadaas 15-ka sanno ah ee ka soo wareegtay aftidii dastuurka lagu ansaxshay ilaa hadda Golaha Wakiilladu weli muu xaddidin muddada lagu keenayo xeerar waafaqsan Dastuurka oo lagu badelo xeerarkan ay dawladdii Soomaaliya lahayd ee aynu ilaa maanta ku dhaqmayno. Waa qayb laxaadle oo qarannimadeena ka dhiman. Waxaynu nahay qaran ilaa hadda ku dhaqmaya shuruuc u dejisan qarankii uu madax-bannaanidiisa kala soo noqday. Waana qabyo u leeyahay nidaamkeena sharci ee dalku.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
              goodlawyer2014@gmail.com
                        Burco, Somaliland.