Pages

Wednesday, October 31, 2012

Wacdaraha Awaal-tiris: Ugaasadu Meeday Heedheh?

 W/Q. Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

Ugaas boqran baad ahayde,
Irridaha noloshaad ahayde,
Ileyska dhulkaad ahayde,
Raggoow indho beelistaada,
Asaayo maxaa ka beermay?
Halkaad ku lahayd astaanta,
Maxaa ummal soo fadhiistay,
Maxaad qudcur soo af yeeshay?
Dantaada markaad illowday,
Bal soo tiri aafadaadda,
Wixii dhumay aynadkaaga,
Bal daawo inkaarahaaga!!!!!
 
                 -Awaal tiris, Hadraawi, 2010.
 
Intaynaan meel fog ba isla gaadhin, ugu horeyn ba aan ka afeefto in aanan qallinka u qaadan inaan soo gudbiyo maansada oo dhamaystiran. Uguma tallo-galin inaan qoro maqaal dheer, siddaad iiga barateen. Waa soo gudbin dareen aan ka qaatay maansadan iyo anigoo u arkay inay haboon tahay inaan qoraal ku muujiyo dareenkayga iyo fikirkayga ku wajahan maansadan cusub ee abwaan Hadraawi tiriyay.
 
Goobtu waa Imperial Hotel, Hargeysa. haddaanan khaldanayn waxay ahayd kowdii bisha Sagaalaad ee sannadkii 2010ka. Waa madal kulmisay hal-abbuur dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba ka caan ah. Madashani waxay kaloo kulmisay dhalinyarro xul iyo xarriir ah, oo aan iyagu badanaa ba ka maqnaan munaasibaddahan oo kale. Waa kulan loogu tallo-galey in hal-abbuurku fariin cusub u gudbiyaan dhalinyarrada.
 
Hal-abbuurka habeenkaas martida loo ahaa waxay kala ahayeen M. I. W. Hadraawi, Xasan X. Cabdillaahi (Ganey) iyo Axmed Aw Geeddi. Ma kala dhacaan oo saddexdu ba taariikh iyo kaalin wayn ayey ku leeyihiin bulshadda dhexdeeda, taasina waxay sababtay inay il-yartu isku aragto goobtaasi.
 
Xiisihii habeenkaasi ayaa ila tagaye, aan ku soo noqdo dulucda qoraalkaygan oo ah Ugaasadu Meeday Heedheh?!!!! Waa beyd ka mid ah maanso cusub oo abwaan hadraawi tiriyay habeenkaasi, maansaddan oo la yidhaahdo Awaal tiris. Beyd qudha maahane, waa sheeko gogoldhig u ah maansaddan. Abwaanku isagoo ka faaloonaya maansaddan cusub wuxuu yidhi “Maansaddan Awaal tiris waxay ka hadlaysaa xaaladda maanta jirta…….maansaddani waxay mudduci ku tahay ragga. Been maahee, waa xaqiiqo jirta, dadku sidaa suu rag iyo dumar u lahaayoo, yar iyo wayn u ahaa. Qof waliba kaalin buu lahayoo, qof walba xilkii saa qofka kale ku jeclaa. Ooridu ninkeega waxay ku jeclayd ragganimada, gudashadda kaalintiisa iyo inuu yahay hogaamiyahii qoyska. Ninku marwadiisa wuu ku dhaadan jiray-haween baa rag is dhaafshay…… gabadhu xilka guriga iyadaa badanka haysay 75%, gurigay joogtayoo, ubadkay haysayoo, oo haddii ilaahay ka dhigo maamulkay haysay, iftiinka iyo nuurka noloshay ayey ahayd.
 
Raggii baa kaalintiisii ka baxay, aan afeefto layskuma jiree, mar walba inta badan ayaa xun’e. maansaddani cidda ay karbaashayso ee ay dacwaynaysaa ragga weeyi, maaha wax aan la jeclaadaye, waa xaqiiqada ka jirta maanta inna rag.”
 
Toloow, Hadraawi muxuu ragga u karbaashay? Raggu waa suldaanka nolosha adduunyo, duubka hoggaamintana iyagaa la saaray, noloshii hore ee awoowoyaasheen ku noolayeen, ee Hadraawi laftirkiisuba soo gaadhay, waxay ahayd nolol dhamaystirran oo qof kastaa ba doorkiisa ka soo dhalaalay. Nolol tacab iyo karti ku dhisan ayay ahayd. Waxay lahayd mabaadi’I (principles) nolosha saldhig u ahaa kuna saleysnaa dhaqanka suubban iyo dhaqaalaha ummadda. Hadraawi isagoo noloshaasi ka hadlaya wuxuu yidhi “Anigu waxaan soo gaadhay, ummaddeena oo bulsho ahoo, nolosheeda ku filan. Dhaqaale lahoo, dhaqaalahii ay lahayd dhaqanka waafajisay. Saddex qodob nolosheedu cuskan tahay aqoon, anshax iyo tacab, saddexdaa shay waafajisay dhaqaalaheega. Waxaan soo gaadhay iyadoo dhaqaalahu ahaa xoolo, dhaqaalahooguna ka xoog wayn yahay baahidooda, caano ayay dhami jireen labada wakhti, wuxuu dhiman jiray isagoo ilkihiisu cad cad yihiin, oo wax uu ku calaliyay ba aanu jirin, noloshaasi waxay ku dhisnayd tacab……. Ummad isku filanoo, iyaduna xilkeegii ka soo baxdayoo, tidhaahda wixii la arki jirayna waxoogaa laga akhristaa, wixii aan la arki jirina min subxaanalaa laga akhristaa!!. Oo nolosheedda sidaa gacanta ugu qabsatayoo, wixii awoodeeda ka baxsana ilaahay u cuskata, ayaan anigu soo gaadhay”
 
Haddii ay nolosha bulshadeenu caynkaas ahayd, maxaa maanta isbeddelay? Waxaa isbeddelay, kaalinta uu raggu nolosha ku lahaa ayaa meesha ka sii baxaysa, ina-rag badankiisu kaalintiisii ayuu gabay. Geed cagaaran oo dhadhankiisu qadhaadh yahay, oo wahsi iyo caajis abuura, oo waliba dhaqaalaha qoyskana u daran ayuu raggii meherad ka dhigtay. Isaga la’aantii ma shaqayn karo, markuu cunana wax kastaa way u sakhriran yihiin, isagoon hawshii qabsan ayuu seexanayaa, markuu soo toosana waa kan leh dee qaad la’aantii yaa shaqayn kara? Raggii maanta xaalkaasi ayuu ku sugan yahay. Dumarkii ayey tallo ku caddaatey xilkooggii iyo kii raggu baylahsheen ayaa iskugu biiray, waxaa timid in ay gabadha reerku labaddii xilba dusha wada saarato, suuqa ayay galeysaa bal si ay caruurta quud uga soo hesho. Kolay jaad iyo maqaaxi oo ah halkay raggu ku lumeen, ayey iyaduna quudkii caruuurta ka raadinaysaa, markaasuu kaaga sii darane, isagii anfaacigii uu cunaayey iyo tamashleyntiisiiba ka sugayaa gabadhii. Mar uu ka helo iyo mar uu ka waayaba, iyaduna waxay u raacisaa odhaahdan maansadda ku jirta oo kale.
 
Ufiyo bacad baan fadiistay,
Anfaaciga aad cunayso,
Ilaaqda raggaan ku keenay,
Waxaan u adkeystay maagid,
Amaahiyo qaylo joogta…
 
Hadal iyo dhammaantii, aan soo qaato dhacdo ka tarjumaysa xaalada maanta ay qoysas badani ku sugan yihiin. Dhacdadani waxay daaha ka rogaysaa sida kaalintii ragga ee qoysku u baylahsan tahay. Waxay kaloo ka markhaati kacaysaa culayska iyo ciilka dumarku ay kulansadeen. Dhacdadan waxaa ka sheekeeyay abwaan Hadraawi, maaha mid aan anigu mala’awaalay ama hal-abuuray. Waxaanay ku xusan tahay Maansadda dhexdeeda.
 
Gabadh baa jirtay magaaladan, nin baa qaba, ninkaasi shaqada uu hayaa waa qaad cunista. Maalin oo dhan qaadkaasi (uu cunayo) iyo siyaasadaasi (uu hadal hayo) ayuu camal ka dhigtay. Dabadeeto, iyadana waxaa qasab ku noqotay inay labaddii xil keegii iyo kiisii ba wadda gudato. Marna suuqa ayey fadhidaa, dhuxusha, caanaha ama wax la mid ah ayey iibinaysaa, marna waa ta guriga joogtee ubadkii yar yaraa quudka siinaysa. Intay maqan tahayna ubadka yar yari, furad bay heleen inay kadinka boobaan, oo waxay doonayaan iyo siday doonayaan yeelaan…… guriga inan baa u weyn, Ugaaso ayaa la yidhaahdaa, waa currada reerka, ninku markuu yimaado ooridu lama hadashee, inantaasuu u yeedhaayoo, dabadeedna wuxuu yidhaa “Gogol ii keen” markay gogoshii u keentana wuxuu yidhaahdaa “Shaahii bigeyska ahaa ee qaadka, ii soo kari”.
 
Maalintii danbe isagoo toddobaad maqnaa ayuu gurigii soo galay, oo caruurtii yar-yarayd iyo qofkii dumar ahayd wada fadhiyaan, waa la fooraraa, hadal ma jiro, waa la murugaysan yahay. Dadkii buu u fiirsaday, kolkaasuu yidhi dee dadkan maxaa helay? Marna xasuusan maayo, waxa guriga ka jira inuu isagu masuuliyadeeda leeyahay, goor danbuu yidhi “ Ugaasooy…Ugaasooy” inantii buu u yeedhay, u jajabnayd ee u keeni jirtay gogosha iyo shaaha. Ways haysan kari wayday hooyadiiyoo intay istaagtay bay tidhi:-
 
Ugaasadu meeday heedheh?
Dorraato miyaan la aasin,
Miyaan kafan loo amaahan,
Miyaan axan loo yaboohin,
Markii arragaa la waayey,
Miyaan jinku qaylo oogsan,
Miyaan insigii gadoodin!!!!
 
Guntii iyo gebogabadii, waxaan filayaa inaad ila wadaagteen dareenka naxdinta leh ee dhacdadaasi, runtii intayadii meeshaasi joogtay waanu dareenay dareenkaasi, intiina maqaalkan akhridana waan filayaa inaad dareenteen naxdin iyo amakaag.
 
Abwaanku si farshaxnimo leh ayuu uga hadlay kaalinta ragga ee banaanaatay, allaylahe wuu karbaashay, haday wax ku qaadanayaan. Ma is tidhaahdeen cadowga jiritaanka qoysku waa qaadka? Dabcan, haa!! Mar hadduu dhacdadan oo kale sabaabayo.

Saturday, October 20, 2012

Hees Hawleed Ka Curatay Qoraalka Mujaahid Boobe


Bismilaahi

Markii aan akhriyey taxanihii Cabdiraxmaan Aw Yuusuf Ducaale (Boobe) ee cinwaankiisu ahaa: Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii, ayaa waxa ii soo baxday shakhsiyada Boobe oo aan markii horaba wax ka malaynayey.
Kadibna waxa igu soo dhacday hees-hawleedan yar oo ka dhalatay dareenkayga oo godladey- hiilna u ah dadka xariirta ee dalka iyo dibadaba ku nool ee ka xaragooda kana xishooda; in ay xilka loo dhiibo xoolo ku doontaan!

Waxay heestan yar oo ka mid ah hees-hawleedda tibta iyo mooyaha ee ay haweenku isku maaweeliyaan marka ay hadhuudhka laba tiboodinayaan, dhexmartay laba hooyo oo la kala yidhaahdo; Xaliimo iyo Xaadsan. Waxayna soo baxday, 19kii Oktoobar 2012; waxayna leedahay oo ay ku bilaabantay:
 
Fiiro gaar ah: Heestu waxay u dhacaysaa si darandoorri ah, waxana hooris u ah ereyga: Hiyee oo ah tib-la-dhaca lagu yaqaanno heeshawleeda noocan ah- mar kasta oo aad sadar akhridana ku darso ereygan, Hiyee- lana soco fadlan sida ay talantaalli ahaan u kala qaadanayaan haweenku
 
Xaadsanee xalay waxa la yidhi

Hiyee
 
Xantiyo xuuraanka jira
 
Hiyee

Eddooy Boobaa xil nacay

Hiyee
 
 
Xabiibtaydii rumaad
Hiyee
 
Xaliimooy ii wadoow
Hiyee
 
Xaggee laga raacay bay
 
Hiyee
 
Xisaab ku raaciyeen?
 
.................
Xariir buu huwanyahoo
Hiyee

Xajiintuu diidayaa
 ......................
Eddooy muu xoogsadoo
xatooyo bilaaba oo
xilkiisa ilooba oo
xafiiska waxaasi yaal
xaraash ugu jiida oo
xaaskiisa masruufta oo
xiniin iska daayo dee
 .........................
Eddooy xil ninkii sidee
xaaraanta ku raamsadee
xisaabta dambaysa iyo
xabaasha iloobayaa
 xadiiska miyaanu dhigan?
 .................................
Eddooy nin xishooday iyo
ninkii xumo diidayaba
Miyaan xil u dhiibanaa?
 ..............................
Eddooy ninka xaabsadee
dadweynaha qalin xada
xisaabtii aakhiriyo
xaqoo laga gooyo iyo
Xabsaa lagu tuurayaa
 ..............................
Eddooy kuwii hore u xaday
agoonta xaqoodii cunay
Miyaan xil ku aaminnaa?
 ..................................
Eddooy taa waxan idhi
Ma xuunshadii waxad tihiin
Halkii laga xooray iyo
xisaabta mooganayd?
 .....................................
Eddooy xaj ninkii tagee
xumaanta ka dhawrsadiyo
xalaal ninka raamsadaa
siday xaaska u korshaan?
 ....................................
Eddooy adigoo xabuu
Ilaahay kuu xumay
waxaad ifka xaabilayd
adoo xuurtoomay iyo
Adduun xoog laguma helo
ee xaq baa lagu raadsadaa
 ..................................
Eddooy taa waxan ka idhi
ninkaan reerkii xurmayn
xisaab odayaasha siin
Xil muu sii haynayaa?
 .........................................
Eddooy kii xaasidee
xumaanta ku dhiiraniyo
xisaabba mid aan aqoon
haddaad xoodaamisaan
xogtiina u dhiibataan
xagguu idin geenayaa?
 ..............................
Eddooy taa waxan idhi
Ninkaan xilligiisa garan
xariifnimo aan ku darin
tab iyo xeel aan aqoon
xilkaa laga tuurayaa!
 ................................
Eddooy taa waxan idhi
Xariir waa loo dhashaa
Xumaha waa laga durkaa
xalaashaa lagu dhintaa
oo dhabbaa loo xoogsadaa
 .......................................
Eddooy Boobaa xil nacay
sidii ina Xaashi buu
Qabiil lagu xoogsadiyo
xumaan ka sareegtayoo
xagxashuu neceb yahoo
xilkiisa waxaan ahayn
iyo Xajiintuu diidayaa
 ..............................


Eddooy Boobaa nacay
dirkii ina Xaashi iyo
Xariir baa la unkoo
Xumaantuu diidayaa!!!
 
Mahadsanidin dhammaantiin
 
Cabdullaahi Maxamed Cumar
 

Thursday, October 18, 2012

MAANSO: DHUUXII - SHAHIIDKA

Abwaan Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi (Oday)
Maansadan waxa la yidhaa (Dhuuxii – Shahiidka) waxay soo baxaday 18/May/2012
Waxaanay ka hadalaysaa Sooyaalkii Taariikheed ee loo soo Maray J.S.L. iyo Dhibaatadii Naf hurisata ahayd eee Mujaahidiintii Xaq-Udirika S.N.M u sooo galeen Dib u Xorayntii qaranka Dalaka, Hlakay maanta Joogto.

Dhuuxii shahiidkiyo
Dhaxalkii SNMeey
Dhiigii jihaadkiyo 
Dhalintii idlaatiyo
Intii hooyo dhimatiyo
Dhaawacii dadkaygaay
Sida dhamasta geedaha
Ama laamo dhaadheer
Dhosoq iyo madheedhiyo
Dhabigii ka beermaay
Haddii aan dhadhaarada 
Dhinicooda lagu xidhan
Oon dogobyo dhumuc wayn
Dhahar guusha hoorsaday 
Aanu dhoosha kaga qaban
Gool maynu dhalineen
Guusha maynu dhicineen
Abwaanadu ma dhidhiyeen
Dadkuna may dhagaysteen
Moorgan dhagarihiisiyo
Dhaqankii siyaadiyo
Faqash lama dhirbaaxeen 
Cadow lama dhaqaajeen
Marna lama dhufaaneen

*****************
Dhuuxii shahiidkiyo 
Dhaxalkii SNMeey
Dhudhunkii jihaadkiyo
Dhacdadii adkaydiyo
Dhasaloolkii baahaay
Muddo waxaan dhiniinixa
Sidii aar la dhaawacay
Miciyaha is dhaafshoon
Dhoolaha sifaystaba
Maalintay dhanaankiyo
Dhakafaarka joogtee
Madaafiicda dhuugga le’
Dharaar laysku soo baxay 
Geed aad ku dhabbartiyo 
Meel aan dhufays jirin
Waxyeelada dhacaysiyo
Cadowgaagu dhoomaha 
Afartaada dhinac jiro
Ee dhaawacaagana
Meel aad ku dhaxastiyo
Aanay jirin dhanbaaloow
Dhanka Eebe mooyee
Meel aad ku dhababtaa

*****************
Fule wuu dhiqleeyaa 
Nafta wuu la dhoolaa
Wuu dhababaceeyaa
Dhaqashada adduunkiyo
Dhuuniguu jeclaadaa
Dhimashadu xaqweeyee
Naxdintuu dhadhamiyaa
Toban saniyo dheeraad
Dhaxantiyo habaaskiyo
Dhidarada wax qaatiyo
Maska dhumucda wayn iyo
Inta dhimasho keentiyo
Inta dhaawac sababtiyo
Inta noole dhawashiyo
Inta halista dhididiyo
Inta layska dhawriyo
Kol ay tahay dhibiijada 
Dhaaxaad la noolayd

*****************
Intii guusha dhalisiyo 
Intii calanka dhidibtaay
Wayne haydin dhawree
Waa dharaaro duniduye 
Dharabyaalka naartiyo
Dhohandhoha qiyaamaha
Rabi yaanu idin dhigin
Intii dhimatay mawloow
Jannadaada dheeha leh
Dhexfadhiisi Eeboow

*****************
Calanyahow dhamayskii
Dheeldheel kumaad iman
Maxaa dhiig laguu qubay
Maxaa dhagar laguu galay
Maxaa dhaadad kugu maqan
Dhallinyariyo waayeel
Iyo geesi dhilan baad 
Dhamaysoow ku joogtaa
Maxaa maal la dhiibiyo 
Kugu maqan dhamaysoow
Hanti aan la dhaadayn
Waligaa ha dhicinoo
Calanyahow dhisnoowoo
Ha dhantaalmin abidkaa

*****************
Waa tii dhammaantood
Beelaha dhulkaygani 
Burco dhoomaheeda
Lagu dhaabadeeyee
Dhismaheeda lagu shiray
Heshiis waxay ku dhaafeen
Mar haddii dhibaatiyo
Dhag-xumooyin iyo ceeb
Uu dhalay israacii
Dheehadii halawdiyo
Maandeeqdii dhacantay 
Dib u soo dhawoowiyo
Dhawaaq mida ku sheegeen
Somaliland dhaha
Dhugatiyo xannuun iyo
Gofaniyo dhunkaashaba
Waa inaad ka dhawrtaan

*****************
Booramana dhexdeediyo 
Waatii dhabcaaloow
Awdal lagu dhameeyee
Nabad seeska loo dhigay
Dabadeed waxa dhacay
Doorashooyin dhawroo
Aan kala dhacaynoo 
Mid waliba dhamaystay
Intaasoo dhigaygiyo 
Afrikaan is dhinacyaal
Marna aan ka dhicin baan
Dhibyaraan ku helayoo
Rabi ii dhameeyoon
Kaligay dhitaystee
Yurub iyo Ameerika
Kaftan aynu dheelee
Runta maad dhadhamisaan
Wixii shuruud la ii dhigay
Waan ka soo dhalaalee
Maad dhaanis wacan iyo
Dhaanto ii garaacdaan

*****************

Iyadoon dhugtaaliyo
Aanay laba is dhaawicin
Xilkuu dhigay Rayaaluu
Siilaanyo dhaarsaday
Waxan aan dhagtagiyo
Dhawaaqiisa sugayaa 
Ictiraaf dhamaystiran.

Saturday, August 25, 2012

Garsoor Madax-Bannaan Baa Caddaalad Laga Sugaa


Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)[i]
  1. HORDHAC

Cadli dooja mooyee
Wax kaloo rag deeqoo
Dadka lagaga eed baxo
Nin u doonay heli waa’.

-         Maansadda Daba-taxan,
-         Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye

Ilaa iyo maalintaan garaadsaday waxaan maqlaa in caddaalad-darro baahsani ay dalka ka jirto, waxaan la kulmay oo aan la sheekaystay dad badan oo caddaalad-darro ka cabanaya, waxaan akhristay qoraalo faro badan oo ka hadlaaya caddaalad-darrada dalka ka jirta. Sidaas darteed, dhegahayga, indhahayga iyo garaadkaygu ba waxay ku koreen dal ay caddaaladu ilmaynayso oo ay u baholyoowday caadilkii noolayn lahaa ee ehelkeeda ku simi lahaa. Caddaalad-darradaasi aad baa looga hadlaa; caalim iyo caamo ba way ka hadashaa, aqoonyahanka iyo jaahilkuna way ku murmaan, dulmanaha iyo daalinkuna way ka sheekeeyaan. Waxaa laysku raacsan yahay in Garsoorku uu yahay kan ku guul-dareystay inuu abuuro caddaalada isla markaana noqday hooyga caddaalad-darrada ilaa ay caan noqotay odhaahdani “Ilaahay Meeshaasi nama geeyo”. Waxaa se muuqata in aanu dadka badankiisu u dhuun daloolin halka ay sartu ka qudhuntay; Haddii nidaam Garsoor oo madax-banaani aanu jirin ama Garsoorku aanu u madax-banaanayn shaqadiisa waa inaan caddaalad laga sugin ba.

Qoraalkaygani wuxuu ku saabsan yahay xidhiidhka ka dhaxeeya caddaalada iyo madax-banaanida Garsoorka, waxaanu iftiiminayaa in caddaalad la gaadhi karo oo qudha marka uu Garsoorku u madax-banaanado shaqadiisa; marka uu ka nabad-galo faro-galin kaga timaada waaxyaha kale ee qaranka sida golayaasha fulinta iyo sharci-dejinta iyo dadweynaha guud ahaan. Qoraalkani wuxuu sharaxaad ka bixinayaa waxyaabaha aasaaska u ah madax-banaanida Garsoorka si caddaalad loo helo.

2. WAAXYAHA IYO AWOODA QARANKA

Sharciga saddex gole ka kooban
Haddana guri qudhi istaadho!

-         Maansadda Gunnaad
-         Abwaan Xasan Dahir (Weedhsame)

Sida ku xusan qodobka 37aad farqadiisa 2aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland “Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah; Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu dastuurku dhigayo. Waax waliba awooda uu dastuurka u gaar yeelay way u madax-banaan tahay.”

Mabda’a kala saarista awoodaha Qaranku (Seperation of Power) wuxuu ka kooban yahay laba arrimood; kala saarista awoodaha waaxyaha Qaranka iyo is-kaantaroolid iyo is-dheelitiris ka dhaxaysa saddexda waaxood ee Qaranka. Waa ta koowaade, saddexda waaxood ee Qaranka mid kasta ba dastuurku awood ayuu u gaar yeelay; Xeer-dejintu waxay awood gaar ah u leedahay awooda xeer-dejineed ee Qaranka (Eeg Qod.38aad ee dastuurka), Fulintu waxay awood gaar ah u leedahay fulinta qorsheyaasha iyo shuruucda Qaranka (Qod.80aad.Dastuurka), Garsoorkuna wuxuu awood gaar ahaaneed u leeyahay u gar-naqa ka dhaxeeya Goleyaasha Dawladda, dadka iyo Goleyaasha Dawladda ; iyo dadka dhexdooda (Qod.97aad.Dastuurka).

Waa ta labaade, mabda’a kala saarista awoodaha waaxyaha Qaranku wuxuu ku qotomaa in aan waaxyaha si dhameystiran gacanta looga gelin waax kasta awooda u gaarka ah laakiin ay waax kastaa kaantarooli karto waaxyaha kale iyadna la kaantarooli karo (Check and Balance). Tusaale ahaan, Mashruuc-sharci kasta oo baarlamaanku ansaxiyaan wuxuu dhaqan-gal noqdaa markuu Madaxweynahu saxeexo  (Qod.38(2), 76aad dastuurka). Madaxda uu Madaxweynahu magacaabo sida wasiirada waa inay ansaxiyaan Golaha Wakiiladu (Qod.53(1).Dastuurka), xeer aanu baarlamaanku samaynin Garsoorku ma isticmaali karo. Garsoorku wuxuu burin karaa xeer ay Xeer-dejintu soo saartay haddii uu ka hor imanaayo dastuurka iyo shareecadda islaamka (Qod.98(1)(j).Dastuurka).

Inkastoo mabda’a kala saarista awooda Qaranku (Seperation of power) uu saddexda waxood ee Qaranka mid kastaba u gaar yeelay awood u gaar ah haddana waaxda Garsoorku waxay labada waaxood ee kale kaga liidata nidaamka damaanada shaqo. Haddii xubnaha goleyaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta ay dadku si xor ah u soo doortaan, muddo cayiman oo aan cidi xilka ka qaadi karina ay xilka hayaan, dadku si xor ah uma doortaan Garsoorka ee waxaa magacaaba oo xiliga iyo markay la noqotana xilka ka qaada Guddida Caddaalada oo labada waaxood ee kale ay xubnaha ugu badan ku leeyihiin. Garsoorku wuu ka mushaharaad yar yahay labada waxood ee kale, mushaharkiisana waxaa go’aamisa Xeer-dejinta waxaana gacanta ku haysa Fulinta. Sidaas darteed waxaynu odhan karnaa Garsoorku ma madax-banaana. Haddii aanu Garsoorku madax-banaanayna dhexdhexaad ma noqon karo.

3. MADAX-BANNAANIDA GARSOORKA

Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu xusayaa in waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fulinayso si waafaqsan dastuurka, iyada oo ka madax-banaan waaxyaha kale ee Qaranka (Qod.97(2).Dastuurka). madax-banaanida Garsoorku waxay muhiim u tahay dhex-dhexaadnimada Garsoorka ee dabaqaada sharciga, ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah ee aadamaha iyo gaadhista caddaalad aan dib-u-dhac lahayn.

Madax-banaanida Garsoorka waxaa lagu macnayn karaa in Garsoore ama hawl-wadeen kasta oo Garsoor uu u madax-banaanaado inuu ka go’aan gaadho arrinta markaasi hortaala ee uu ka garsooraayo isagoo ka shidaal qaadanaaya dhacdooyinka horyaala, addeegsanayana fahamkiisa sharci, isla markaana aanay jirin cid saamayn ku yeelata, khiyaamo ama caddaadis toos ah iyo mid aan toos ahayn oo kaga yimaada cid kale.

Madax-banaanida Garsoorku maaha in Garsoorku uu ka madax-banaanaado Xeer-dejinta iyo Fulinta oo keliya ee waa inuu sidoo kale ka madax-banaanaadaa Siyaasadda, Qabyaaladda iyo cid kasta oo saamayn ku yeelanaysa ka go’aan gaadhista arrin Garsoorka hortaala.

3.1.            Ka Madax-Bannaanshaha Fulinta ee Garsoorka

Ugu horayn Garsoorku waa inuu lahaadaa awood uu kaga madax-banaanaado Xeer-dejinta iyo Fulinta, taasina waxay iman kartaa marka uu Garsoorku leeyahay awood lamid ah kuwa labada waxood ee kale. Taasi se ma jirto oo Garsoorku maaliyad ahaan iyo mansab ahaan ba wuxuu u hoos fadhiistaa labada waaxood ee kale. Mudane Cabdiqaadir Jirde, mar uu ka hadlaayey kulan hawleed lagu falanqeeyey Garsoorka Soomaaliland oo ay qaban-qaabisay Akaadimiyada Nabada iyo Horumarka Soomaaliland 2002dii ayaa wuxuu yidhi:

Nidaamkeenu [dawladdeed] wuxuu ku salaysan yahay saddex waaxood oo dawladda ah oo kala baxsan. Saddexda waaxood waxaa loogu talo-galay inay dastuur ahaan iyo shaqo ahaan ba midba mida kale ay xakamayso iyo inay mid kastaa ba lahaato awoodii iyo agabkii ay ku gudan lahayd waajibaadkeeda dastuuriga ah. Nasiib-darro, Garsoorku waa waaxda ugu awooda liidata saddexdooda. Waxba si toos ah uguma darsaddaan ka hadalka miisaaniyadda, cid afkooda ku hadashaana ma jirto. Annagu, haddaanu Baarlamaanka nahay, markaanu ugu yareysano, markaanu miisaaniyadda ka dooddayno waxaanu dalban karnaa in la noo kordhiyo miisaaniyadda. Dhinaca kale, Garsoorku waa agoon oo malaha awood, waanu ka khayraad yar yahay labada waaxood ee kale. Waa dhibaato siyaasaddeed, waxaanay u baahanaysaa go’aan siyaasaddeed si kor loogu qaado meeqaamka Garsoorka”

Arrinta kale ee caqabadda ku ah madax-banaanida Garsoorku waa in miisaaniyadda Garsoorka badankeedu ay gacanta ugu jirto Wasaaradda Caddaalada iyadoo aanu jirin sharci arrintaasi Wasaaradda awood u siiyey, Wasaarada Caddaaladu waxay gacanta ku haysaa mushaharka Garsooreyaasha oo dhan marka laga reebo Maxkamadda Sarre. Wasaaraddu waxay gacanta ku haysaa dhammaan miisaaniyadda Maxkamaddaha hoose. Sidaas darteed, Wasaaradda Caddaaladu iyadaa maamusha dhammaan hawl-wadeenadda Garsoorka, marka laga reebo Garsooreyaasha Maxkamadda Sarre oo qudha.  Taasi waxay caqabad ku tahay madax-banaanida Garsoorka, waxaanay cadaynaysaa inaanu Garsoorku si madax-banaan u gudan karayn hawlahiisa dastuuriga ah isla markaana aanu gaadhista go’aan caddaalad ah u madax-banaanayn. Sida ku qoran warbixin laga diyaarshay Kulan hawleedkaasi lagaga dooddayey Garsoorka Soomaliland ee ay Akaadimiyadda Nabada iyo Horumarka Somaliland qabatay 2002dii, mid kamid ka qayb-galayaasha ayaa ka dhawaajiyey arrintani;

“Inta aanu go’aan gaadhin, Garsooreha waxaa laga codsanayaa inuu tageero dhinac ama in aanu go’aan soo saarin ba. Haddii uu samayn waayo sidaasi lagu amray, waa la eryayaa ama wuxuu waayayaa mushaharkiisa [...]xidhiidhkani ka dhaxeeya Wasaaradda [caddaalada] iyo Garsoorku waa mid qayrul-dastuuri ah. Waxaa loogu talo-galay in Wasaaradda door loo sameeyo iyo si loo siiyo awood ay ku kaantaroosho Garsoorka. Wasaaraddu waxay ahayd inay Xeer-ilaalinta uun la shaqeyso, si ay xukumadda uga caawiso dhaqan-galinta shuruucda. Dhammaan Maxkamadduhu waa inay hoos tagaan Maxkamadda Sarre maamul ahaan ama loo sameeya maamul madax-banaan.”

3.2.            Guddida Caddaalada

Guddida Caddaaladu sida uu dastuurku dhigaayo waa hay’ada hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxaanay ka kooban tahay toban xubnood oo kala ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre, 2da Garsoore ee ugu darajada sarreeya Garsooreyaasha Maxkamadda sarre, Xeer-ilaaliyaha Guud, Agaasimaha Wasaaradda Caddaalada, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo 4xubnood oo labada gole ee Xeer-dejintu soo magacaabaan. Runtii, daciifnimadda hay’addani waa caqabad ugu culus ee Garsoorka ka hortaagan inuu madax-banaanaado. Waana caqabad dastuuri oo maahan mid cid gaar ah lagu eedayn karo.
Hay’addani wixii ka horeeyey 2011ka xafiis iyo shaqaale toona may lahayn, oo magac-u-yaal ayay iska ahayd. Imika oo ay xafiis iyo shaqaale yeelatayna, inkastoo taasi ay tahay yididiilo soo korodhay haddana weli tamar darnidii Guddida Caddaaladu way jirtaa. Guddida Caddaaladu waa hay’adda ugu sareysa Garsoorka, waxaana ayaan-darrada Garsoorka haysata kamid ah in aanay guddidani si madax-banaan u shaqayn karayn. Arrintani waxaa u sabab ah laba arrimood oo kala ah, arrinta kowaad oo ah xubnaha Guddida Caddaalada oo marka hore ba si khaldan oo qabyaalad isir ku leh loo soo xulay iyadoon loo egayn aqoon, karti iyo dhaqan-yaqaanimo midkoodna. Taasi oo keentay in mar kasta oo Garsooreyaal la magacaabaayo in Guddidu ku magacoowdo nin jeclaysi iyo qaab qabyaaladaysan.

Arrinta labaad waa xubnaha Guddida Caddaalada oo qaarkood ay yihiin masuuliyiin xilal kale haya oo badanaa iyaga ba uu loolan dhex maraa. Tusaale ahaan, waxaa joogto ah muranka iyo khilaafka soo noqnoqda ee ka dhaxeeya Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Wasaaradda Caddaalada. Xubnahani waa xubnaha u taliya guddida, go’aankuna iyaga ayaabu badanka ka go’aa, halka xubnaha kale ay ka yihiin codeeyeyaal. Xubnahani waa kuwa ku loolama awooda maamul ee Guddi Caddaalada. Arrintani waxaa sabab u ah xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adaha Garsoorka iyo Wasaaradda Caddaalada oo aan cadayn.

Dastuurka qodobkiisa 106aad wuxuu cadaynayaa in Wasaaradda Caddaaladu ay u xil-saaran tahay fulinta Go’aannada Maamul ee ka soo baxa Guddida Caddaalada iyo in  xeer gaar ahi uu qeexi doono wada shaqaynta Wasaarada Caddaalada iyo hay’adaha Garsoorka.  Arrintu imakase sidaasi way ka duwan tahay oo marka laga yimaado fulinta go’aanada maamul ee Guddida Caddaalada, Wasaaradda waxaa la siiyey awoodo kale oo ay kamid yihiin maamulka maxkamadaha sida kaaliyeyaasha, agabka Maxkamadaha iyo iyadoo ay Wasaaraddu gacanta ku hayso ba miisaaniyaddii Maxkamadaha. Taasi waxay dhalisay in Wasaaradda Caddaaladu ay isku aragto inay tahay hay’adda ugu sareysa caddaalada dalka, oo hadday hore u ahaan jirtay Wasaaradda Caddaalada maanta waa Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka. Haddii ba ay arrintu sidaasi u cadahayna uma baahnin in aynu is weydiino Garsoorku miyuu madax- banaan yahay.?

Hay’addii ugu sareysay Garsoorku haddii aanay sidii loo baahnaa u shaqaynayn, oo magacaabistooda iyo dadka ay iyagu magacaabayaan ba ay salka ku hayso qabyaalad iyo nin jeclaysi, caddaalad in la sugaa waa baabaco timo ka eeg.  Hadday Wasaaradda Caddaaladuna noqotay Wasaaradda Garsoorka iyadna in caddaalad la arkaa waa cadceedoo galbeed ka soo baxday.

3.3.            Magacaabista iyo Muddada Xilka Garsooreyaasha

“Garsoorku waa baadi-irmaan oo godlatay, cid kastaana ay maalayso. Sidaas darteed buu reer waliba u rabaa inuu Garsoore yeesho – taasina waa ta kharibtay Nidaamka”
-         Cusmaan Xuseen Khayre (Shunu) (APD, 2002)

Si caddaalada loo gaadho, Madax-bannaanida Garsoorka waxaa ugu muhiimsan in Garsoorahu uu noqdo qof madax-bannaan oo aanu noqon qof cid kale kursiga u fadhiya. Si uu Garsoorahu u madax-bannaanado waa in aanu markiisa hore ba noqonin qof nugul oo magacaabistiisa ay cid gaar ahi ugu mano-sheegaynayso hadduu yahay reerkiisa iyo cid kale toona. Garsooraha waa in lagu magacaabaa kartidiisa iyo heerka ay aqoontiisa sharci gaadhsiisan tahay, markaasuu noqon karaa qof isku kalsoon oo caddaalad xukumi kara. Waxaa kale oo iyadna muhiim ah in Garsoorahu uu ka badbaado in lagu cabiidsado xilka oo aanu noqonin qof u baqa xilkiisa. Garsoorahu ma madax-bannaana inta uu og yahay in xiliga la doono xilka laga qaadi karo weliba sabab la’aan. Labadaasi arrimood ee aan kor ku sheegay waa arrimaha sababta u ah caddaalad-darrada baahsan ee dalkeena ka jirta. Qof la hayste ahi caddaalad ma xukumi karo.

Waddamada caalamka badankoodu muddada xilka Garsooreyaasha way cayimaan; waddamada qaarkood Garsooraha xilka lagama ba qaadi karo ilaa uu gaadho da’da hawl-gabka (retirement age) haddaanu akhlaaq xumo ku kicin ama aanu sharciga ku gefin. Wadamada qaarkoodna muddo cayiman oo aan la cusboonaysiin Karin ayuu Garsoorahu xilka hayaa, tusaale ahaan, wadamada Yurub badankooda Garsoorahu wuxuu xilka hayaa sagaal sanno oo aan soo noqosho lahayn, sagaalkaasi sanno xilka lagama qaadi karo haddaanu akhlaaq xumo ama fal sharciga khilaafsan ku kicin.

3.4.            Xaaladaha Shaqo iyo Amniga Garsooraha

Arrimaha kale ee loo baahan in Garsoorahu uu ka madax-bannaanaado waxaa kamid ah arrimaha khuseeya shaqadiisa sida amniga iyo mushaharkiisa oo aan sugnayn.  Mushaharka Garsooreyaashu wuxuu ka liitaa mushaharka dhigooda Waaxaha kale iyo shaqaalaha dawladda qaarkood. Taasina waxay Garsoorahii ka dhigtay qof aan shaqadiisa ku imaan qabin oo laaluush qaate ah. Amniga Garsoorahu ma sugna, oo Garsoorayaashu keligood ayey dadka dhex lugaynayaan iyagoon hub iyo gaadh toona lagu tageerin. Waxaan aad u yaabaa markaan arko gaadiidka dawladda ee ay wataan shaqaalaha Wasaaraduhu sida Agaasime Waaxeedyada iyo sida Garsoorayaashu ay lug ama basaska dadweynaha ugu yimaadaan shaqadda, labada iyamaa mudan tolow! Waxaa dhacda in Garsooreyaasha ay dariiqa u sii galaan tuugta ama dambiilayaal ay hore u xukumeen. Taasi waxay ina tusinaysa inaanu caddaalad xukumi karayn qof baahan oo aanu amnigiisuna sugnayn.

4. SOO JEEDIMOOYIN

1.   Madax-bannaanida Garsooreyaasha; Mushaharkooga, Gunnooyinkooga, Amniga, Muddada xilka, Xaaladaha shaqada iyo Da’da hawl-gabku ba waa inay sharci ku xusnaadaan.
2.      Guddida Caddaaladu waa inay noqotaa Guddi Madax-bannaan oo Garyaqaano u badan oo aanay ku jirin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaalada, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo xubnaha ay Xeer-dejintu soo magacoowdo. Sidaas darteed waa in la badelaa qodobka 107aad ee dastuurka.
3.      Garsoorku waa inuu miisaaniyadiisa u madax-bannaanaadaa oo aanay gacanta ku haynin Wasaaradda Caddaaladu.
4.    Muddada Xilka Garsoorahu waa inuu noqdaa wakhti cayiman oo aan xilka laga qaadi Karin haddaanu akhlaaq-xumo ama fal sharciga khilaafsan ku kicin.
5.      In la sameeyo xeer hoosaadka anshax-marinta Garsooreyaasha
6.   Garsoorku waa inuu qortaa shaqaalaha Maxkamaddaha si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Dawladda.
7.     Madaxweynahu in aanu soo jeedin Karin xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre sabab la’aan iyo in xil ka qaadista Xeer-ilaaliyaha Guud lagu xidho ansaxinta Golaha Wakiiladda.
8.  In la cadeeyo xidhiidh wada shaqayneed ee Wasaaradda Caddaalada iyo hay’adaha Garsoorka



[i] Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer), Waa La-taliye Sharci madax-bannaan iyo Qoraa ka faalooda arrimaha bulshada iyo siyaasada Soomaaliyeed, waxaanu qoraa sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu wax ku qoraa Wargeysyada iyo Mareegaha afka Soomaaliga ku soo baxa. Waxaad Kala xidhiidhi kartaa awmuxumed@yahoo.com ama +25224460167www.goodlawyer4.blogspot.com, Hargeysa, Soomaliland.