Qorshaha Ku Darso 10
kan Qodob:
1...Jaamacadda koowaad iyo ta laabad ba soo
dhammee (ama machadyo u dhigma soo dhammee)
2...3 sannadood oo waaya-aragnimo ah u yeelo
xirfaddaada (xataa haddii ay tahay inaad mutadawac ku soo shaqeyso ama aad
macalin ka noqoto galabtii iskuulka xafadiina ku yaala)
3...Luqadda ingiriisiga iyo mid kale oo
caalamiya ku hadal (Faransiis, Carabi, Ruush, Spanish, Af Shiine). Haddaad ku hadasho
mid ka mida luqadaha dawladdaha jaararka ahna sida xabashi ama sawaaxili waa
wax wanaagsan.
AQOONYAHAN MAXAMED CALI BILE |
4...Ilaa laba joornaal oo caan ah oo ku
saabsan xirfaddaada si joogto ah u akhri (ama iyaga oo daabacad ama internetka
ka akhri) si ad ula socoto waxa ka socda caalamka.
5...Xidhiidh la yeelo ugu yaraan 10 qof oo
hadey doonaan meelo kala duwan jooga oo ku shaqeeya xirfadda aad baratey.
6...Qor ilaa 5 maqaal oo ku saabsan xirfadda
aad baratey ama sida loo adeegsanayo oo ama bartaada fb soo dhig ama joornaal
ku soo qor. Haddaad joornaal ku soo qorto, ka sawiro oo meel dhigo.
7...Ka qeyb gal ugu yaraan 5 shir ama tababar
oo haddii ay kuu suuro gashana hadal ka jeedi, xataa haddii uu dhowr
daqiiqadood oo kooban yahay.
8...Nolosha dhinaca macaan iska taag xataa
haddii aad daawaha ku socoto. Ha lagu tuhmo oo halaguu qaato inaad tahay qof ay
uugu jirto. Qofka cabashada badan lama jecla oo waa laga ordaa xataa haddii uu
aqoon badan iyo waaya aragnimo leeyahay.
9...Dadka u hanbalyee wixii wanaagsan ee u
soo kordha ama aad ku aragto. Tilifoon u dir haddii aad aragto saxiibkaa oo
xalay TV-ga barnaamij wanaagsan ka soo daayey ama meel ku soo qorey.
10...Ilaahaga ku xidhnow oo hore u soco
laguma dhaammee.
No comments:
Post a Comment