Ka kaca hurdada oo u damqada dalkan iyo dadkan idiin baahan,
waa idinka salaankii lagu dhisi lahaa wadankan. mustaqbalka ummadeed maanta
waxaa lagu lammaaneeyaa tirada iyo tayada dhalinyaradeedda. Ummaddii aan
dhalinyaro aqoon leh u kicina meel ugama bannaana adduunka mana eedayn doonaan
naftooda mooyee cid kale.
Cabdirisaaq Ismaaciil Muxumed |
Waa in aynu abuurnaa caqli cusub iyo murti cusub oo la
talaabsanaya wakhtiga cusub, inta taa la abuurayaanna waa in la helaa niyad
wanaag iyo kartidda aynu kaga midho dhalin karno dadaalkeena horumarineed. Waa
in aynnu baadhnaa dhibaatooyinka ina haysta iyo helitaanka xalkoodda oo waara,
tilmaamnaaa meelaha isbadalka looga baahan yahay. Waa in aynu mar walba ka
shaqaynaa wax-abuur iyo horu-socod, diidnaana wixii khaladda kana tagnaa
caadooyinka ina ragaadiyay ee ka midka yihiin Qabyaaladda iyo Qaraabo-kiilka
iyo Eexda iyo Fadhi-ku-dirirnimadda wakhtigeenu inagaga lumay, waa in aynu
raadinaa nidaam xal inoo ah oon laga talaabi karin oo dhaama kan aynu maanta
haysano. Nidaamkaasi oo noqda mid ku salaysan caddaalad, himilooyinkiisuna
yihiin cidhibtirka wax kasta oo xaaraan ah.
Waa in aynu isu diyaarinaa hogaamiyaashi bari ee ummadan
dhiirri-galin lahaa, dhaqaajin lahaa, niyaddooda bili lahaa, dadkeenana ka
dhigi lahaa ummad meel fog higsanaysa,
waa in lafaheena aynu u hurnaa oo u hibaynaa wadankeena iyo diinteena
suuban si aynu aduun iyo aakhiroba u liibaano. Ummadahan horu-maray
dhalinyaradoodii ayaa u hagar baxay, u hilaadiyay guri barwaaqo iyo horrumar,
waxay ku liibaaneen hanka dhalinyaroodii, wadankoodiina sare u qaaday.
Taariikhdii hore waxa badalay waa dhalin-yaro, maantana kuwa
badali karaa waa dhalin-yaro, muhiimaddu waxay tahay waa in aynu dareenaa in ay
musuuliyaddi inaga saaran tahay diinteenna, nolosheena, dalkeena iyo dadkeena.
Waa in aynnu dareenaa in aynu dadkeena wax-tarno, ku dhiirano in aynu wax
kororsano oo wax barano, waa in aynu fahano in uuna wakhtigu inaga dayacmin. Waa
in aynu fahanaa in inagoo kale ahayeen kuwii dunidan badalay ee dhinaca kale u
rogay, tusaalena u soo qaadan karno Jiilkii Saxaabada.
Qarnigaasi murugiyo
Mahadhiyo layaab iyo
Mashaquu la dheelmaday
Yeelkee la soo mood
Welina meeshu waa tii
Nooloow maxaa dan ah? – Xasan Ganay
Mahadhiyo layaab iyo
Mashaquu la dheelmaday
Yeelkee la soo mood
Welina meeshu waa tii
Nooloow maxaa dan ah? – Xasan Ganay
Waa in
aynnu is xusuusinaa waayihii shalay, is- waydiinaana beri iyo waxa xiga, haddii
dhibaatooyinkii shalay ina hor yaalay maantana ina hor yaalaan waa mushaakil
wayn, raadinta xalkeedana loo baahan yahay.
Waa in
haddii aynu dhalin-yar nahnay tusaale inoo noqon kuwan maanta hogaanka isku
sheega ah ee ina hogaamiya, waa in aynnu siyaasiyiinta ina hogaamiya badalnaa
kuna badalnaa hogaamiyayaal wax bartay oo aqoon leh, dhaqan leh, akhlaaq leh,
ina hogaamin kara, dadka wax u qabanaya, hogaamiyaal dhinaca wanaagsan wax ka
arkaya, cabsida ilaahay ka muuqato, cadaaliyiina ah.
Mushaakilaadka
wadankeena haysta hadday tahay dhaqaale-xumo, shaqo la’aan, cadaalad-daro,
maamul-xumo. hogaan-xumo, maaha in aynu eersano hogaanka wadanka ee waa in aynu
eersanaa lafaheena sababta oo ah inagay inaga soo dhex baxeen, inaga dooranay. Markaa
haddii aad doonaysid in aad dhibaatooyinkaa ka dul qaadid ummadaada ama
hogaankoodu wanaagsanaado, waa in aad adigu is-badashaa oo isku diyaarisaa
kuwii badali lahaa in aad noqotid ee lagu rayn lahaa.
Waa in
aynu noqonaa dhalin-yaro garanaysa waxay u nool yihiin, waa in aynu noqonaa
dhalin-yaro hadaf leh oo doonaysa in ay xaqiijiyaan hadafkooda, noqotana
dhalin-yaro wakhtigooda ka fa’iidaysanaya, waa in aynu rumaysnaanaa in aynu
dunidan badali karno. Haddii aynu rabno in aynu ummad abuurno, dawlad wax ku
oola dhisno, dad muslima oo awood leh inaga soo baxaan, waa in aynu tusmada ka
qaadana dad kuwii ugu khayrka badnaa ee dunidan soo mara ( JIILKII SAXAABADA ).
No comments:
Post a Comment