Hordhac:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland, Mudane Muuse
Biixi Cabdi,
waxa uu Wareegto Madaxweyne oo ay summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018 oo
soo baxday 28/08/2018 ku baahiyey dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada
Jinsiga (Xeer Lr. 78/2018).oo ah xeer cusub oo fal-dembiyeedyada kufsiga iyo
xadgudubyada jinsiga ah u gaar ah, kaas oo meesha ka saaray dhammaan qodobbadii
Xeerka Ciqaabta Guud ee fal-dembiyeedyadan khuseeyey.
Xeerkan oo uu ugu horeyn Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad
ah ku ansaxshay, balse markii uu Golaha Guurtida u gudbay uu wax ka badelay
qodobbo aan nuxurka xeerka taabanayn oo iska farsamo ahaa. Xeerku markii uu ku
soo noqday Golaha Wakiillada waxa uu cod aqlabiyad ah ku diidday wax ka
badelkii Golaha Guurtida, waxaanu toos ugu soo gudbiyey Madaxweynaha. Sidaas
darteed, maadaamaa uu xeerkan uu yahay xeer muhiimad weyn u leh nidaamka
caddaaladeed ee dalka iyo bulshada guud ahaan, waxa aan jeclaystay in aan fallan-qeyn
iyo lafo-gur ku sameeyo geedi-socodkii uu soo maray xeerku iyo qaabkii loo
curiyey, looga doodday ama loo ansaxshay. Waxaan sidoo kale si faahfaahsan ugu falan-qeyn
doonaa qodobbada xeerka qoraallo dambe haddii Alle ii saamaxo.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi |
Qaybta 2aad ee todobaadada dambe IN SHA ALLAH
waxa aan ku lafo-guri doonaa xeerka laftiisa – qodobbadiisa iyo halka ay ka
yimaadeen, nuxur ahaan waxa uu soo kordhinayo ee kaga duwan yahay qodobbada
Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerka Habka Ciqaabta ee khuseeya tacadiyada jinsiga
iyo galmada ku dhisan, gal-daloolada iyo ceebaha uu leeyahay iyo waafaqsanaanta
dastuurka iyo shareecada Islaamka.
Qaybta 3aad waxa aan ku soo bandhigi doonnaa
tallooyin soo jeedimo ah oo khuseeya dhaqan-galka xeerkan iyo qaabka ay tahay
in ay u wajahaan bahda caddaalada iyo mihnadlayaasha sharciga ee xeerkan ku
shaqayn doonta haddii ALLE SWT uu innagu simo.
Qaybta
1aad: Geedi-socodkii uu soo maray Xeerkan Kufsiga ee aan u bixiyey ‘Xeerka Antonia Mulvey’
Marxaladii bilowga
Diyaarinta
Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsigu waxay ka dhalatay oo bar-bilow u ahaa
war-murtiyeed
ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey soo saareen 7-dii
bisha May 2013, kuna xaqiijiyeen in tacadiyo galmo oo xad-dhaaf ah ay
Soomaaliya ka jiraan. War-murtiyeedkaas oo daba socday warbixintii
Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan tacadiyada galmada ee ka dhaca meelaha
colaadahu ka jiraan Marwo Zainab Bangura ay ku sheegtay in QM ay caddaymo u
hayso in ka badan 1,700 dhacdo oo tacadiyo jinsi iyo galmo lagula kacay
haweenka ku nool kaamamka barakacayaasha gudaha Muqdisho intii u dhaxaysay
Jeenawari ilaa Nofember 2012-ka. Wasaaradda
Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliland ayaa iyadna ku qiyaastay kor u
kaca tirada kufsiga dalka ka dhacay ku dhowaad 4000 oo dacwaddood sannadkii
2011 isla markaana ay ilaa 5000 gaadhayaan sannadkii 2012.
Warbixinahan iyo
kuwo kale oo ay ururrada bulshada rayidka ah diyaariyeen ba waxaa soo
jeedimahooda ugu waaweyn kamid ahayd in ay caqabada ugu weyn ee ragaadisay wax
ka qabashada tacadayida jinsiga iyo galmadu ay tahay hab-sharciyeedka
tacadiyada jinsiga iyo galmada ee ay kamid yihiin Xeerka Ciqaabta Guud iyo
Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed oo ah kuwo aan wakhtigan casriga ah la jaan
qaadi karayn isla markaana ay dhaliishooda xeer ahaaneed aad u badan tahay.
Antonia Mulvey, Founder and ED of LAW |
Bishii Julaay
2013-ka waxaa la aasaasay hay’adda shabakada ah ee la yidhaa Legal Action Worldwide
(LAW) oo ay aasaaskeeda lahayd Antonia Mulvey oo ah
gabadh Ingiriis ah oo hore uga shaqayn jirtay xafiiska UNDP-Somalia balse hadda
ah Khabiirka Tacadiyada Jinsiga iyo Galmada ku dhisan ee hay’adda UN Women. LAW
oo ay ka hawl-galeen xubno hore uga
shaqeyn jiray hay’addaha caalamiga ah gaar ahaan mashaariicda nidaamka
caddaaladeed iyo sharci ee Soomaaliya iyo Soomaaliland, waxay isla sannadkii
2013 bilowday mashruuca diyaarinta Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la Xidhiidha
ee Soomaaliya, Soomaaliland iyo Puntland. Waxaanay soo bandhigeen macluumaad
badan oo khuseeya tacadiyada jinsiga iyo galmada ku dhisan iyo kaalmada
sharci ee la siiyo dhibanayaasha ay tacadiyada noocan ah ku dhacaan. Waxay
diyaariyeen qoraallo ay kaga hadleen waajibaadka sharci ee Qaramada
Midoobey ka saaran wax ka qabashada tacadiyada galmada ee ka dhaca
Soomaaliya iyo waajibaadka qaran ee dawladda
Soomaaliya ka saaran wax ka qabashada iyo xakamaynta tacadiyada jinsiga iyo
galmada ku dhisan.
Intii aanu
dhammaan isla sannadkii 2013, hay’addaha Qaramada Midoobey ee kala ah UNFPA,
UNDP iyo UNHCR ayaa si wadajir ah u bixiyey maaliyadda mashruucan oo ay
hoggaamintiisa iyo fulintiisa ba leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo
Xuquuqaha Aadamaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Shaqada iyo
Arrimaha Bulshada ee Soomaaliland iyo Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo
Arrimaha Haweenka ee Puntland, waxa iyadna hadda mashruuca ku soo biirtay
Wasaaradda Jinsiga, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqaha Aadamaha ee Jubbaland. LAW
waxay dhammaantood kala shaqeynaysay diyaarintii qabyo-qoraalka xeerka,
waxaanay sidoo kale kala shaqeynaysaa qorshaha dhaqangelinta xeerkan.
Marxaladii diyaarinta iyo bandhiga qabyo-qoraalka
LAW waxay
diyaarinta qabyo-qoraalka ku bilawday oo ay diyaarisay dhukumenti ay si kooban
ugu lafo gurtay Qaababka
ugu Wanaagsan ee QM iyo Xeerarka Fal-dembiyeedyada Galmada Khuseeya ee Afrika.
Dhukumentigaas oo ugu horeyn lagu faahfaahiyey sababaha ay Soomaalidu ugu
baahan tahay xeer u gaar ah fal-dembiyeedyada galmada ku dhisan, Asbaabta loogu
baahan yahay xeerkan waxay LAW ku sheegtay:
1. In loo baahan
yahay in hal xeer layskugu geeyo dhammaan qodobbada sharci ee khuseeya
fal-dembiyeedyada galmada la xidhiidha. Inkastoo dhammaan fal-dembiyeedyada la
xidhiidha galmada ee hadda sharciga ah ay dhammaantood ku wada jiraan Qaybta
9aad ee Xeerka Ciqaabta Guud ee
Soomaaliyeed oo khusaysa ‘Dembiyada Lidka
ku ah Damiirka Bulshada iyo Dhaqanka Suuban’, waxay ku dooddeen in taasi ay
fal-dembiyeedyada galmada ka saarayso kuwa lidka ku ah qofka maadaamaa gaar
looga saaray qaybta khusaysa ‘Dembiyada Lidka
ku ah Qofka’. Waxay sidoo kale tilmaameen in fal-dembiyeedyada ku cad
Xeerka Ciqaabta uu wakhtigoodu dhacay oo wakhtigan casriga aan loogu dhaqmi
karayn sida ay u qoran yihiin.
2. In loo baahan
yahay qaab loo fuliyo xuquuqaha sharciga ah oo aanay lahayn xeerarka hore ee
jiray.
3. In la
balaadhinayo qeexida kufsiga oo hadda ku kooban ‘galmo xoog ah’, isla markaana xeerka cusub lagu darayo noocyo badan
oo fal-dembiyeedyo galmo ah.
4. In la xoojiyo
fikrada ah in kufsigu uu dhici karo markasta oo aanu jirin ogolaansho, balse
sida hadda jirta awoodda la saaro ‘Khasbida
u xoog sheegashada ah’ oo keli
ah.
5. In si
dhammeystiran loo liisteeyo oo dembiyo looga dhigo dhammaan falalka waxyeelada
ku ah haweenka.
6. In dawladda
laga kaalmeeyo hirgelinta Qorshayaasha Qaranka ee Wax ka Qabashada Tacadiyada
Galmo ee Juun 2014 ay Dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday.
7. In loo
faahfaahiyo ciqaabta fal-dembiyeed kasta qaab uu ugu dhaqmi karo Garsoorahu
maadaamaa aanay taasi jirin hadda.
LAW waxay
dooratay oo qiimeyn ku samaysay 5 xeer oo laga dheegan karo qabyo-qoraalka
xeerka iyadoo sidoo kale sheegtay sababta mid walba ay ku dooratay. Shantaas
xeer oo kala ah 1. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la xidhiidha ee Dalka
Siiralayoon (Sierra
Leone Sexual Offences Act No. 12 of 2012), waxaa lagu doortay maadaamaa
Siiralayoon ay tahay wadan hadda uun colaado ka soo baxay sida Soomaaliya isla
markaana ay ku badan yihiin tacadiyada galmadu. 2. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la xidhiidha
ee Dalka Gaambiya (Gambia
Sexual Offences Act of 2013) oo lagu doortay maadaamaa ay Gaambiya tahay
wadan dadka intiisa badan ay Muslin yihiin. 3. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada
iyo arrimaha la xidhiidha ee Dalka Koonfur Afrika (South
Africa’s Sexual Offences and Related Matters Amendment Act No. 32 of 2007)
iyo 4. Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada la xidhiidha ee Dalka Kiiniya (Kenya
Sexual Offences Act No.3 of 2006) waxa labadan xeerna lagu doortay in ay
yihiin kuwo dhammeystiran oo aad u fiican oo gaar ahaan kan Koonfur Afrika ayaa
lagu sheegay kan ugu fiican xaga qeexitaannada fal-dembiyeedyada iyo 5. Heshiis
Goboleedka Kahortaga iyo Xakamaynta Tacadiyada Galmada ee lagula Kaco Haweenka
iyo Caruurta ee Shirka Caalamiga ah ee Gobolka Haraha Waaweyn ee Afrika (Great
Lakes Protocol on Prevention and Suppression of Sexual Violence Against Women
and Children of 30th November 2006) oo isna lagu doortay in uu
yahay heshiis gobol oo lagaga dhaqmo 12-ka wadan ee Afrikaanka ah ee xubnaha ka
ah shirkan.
Qiimeynta ay
LAW ku samaysay shantaas xeer waxaa uga soo baxay:
1. In Xeerka Koonfur Afrika uu ugu fiican yahay xaga qeexitaannada
fal-dembiyeedyada oo cutub walba bilowgiisa ay si cad ugu qoran yihiin
qeexitaannadu iyo sidoo kale in uu leeyahay qorshayaal dhammeystiran oo lagu
dhisayo guddi-waxeedyo dabagal ku sameeya dhaqangelinta xeerka, kuwaas oo loo arko in ay
lagama maarmaan u yihiin dhaqangelinta xeerka ee Soomaaliya. Haseyeeshee,
dhukumentigan waxa kale oo lagu sheegay in xeerka Koonfur Afrika uu ku liito
xaga xukun ku ridista iyo ciqaabaha.
2.
In Xeerka Kiiniya uu ugu adag yahay xaga xukun ku ridista iyo ciqaabaha iyadoo
loo eegayo culayska dembiga oo tusaale ahaan qofka u galmooda ilmo ay da’diisu
ka yar tahay 11 sanno uu ku ciqaabayo xabsi daa’in.
3. Xeerka Siiralayoon ayaa lagu qancay in uu yahay kan ugu haboon
in laga dheegto Xeerka Fal-dembiyeedyada Galmada ee Soomaalida sababta na waxay
LAW ku sheegtay in uu ka kooban yahay shan qaybood oo dembi walba marka la
sheego ay raacdo ciqaabtiisa oo si cad u qoran. Haseyeeshee, waxa lagu
dhaliilay in uu ku liito xaga ciqaabaha dembiyada culus oo tusaale ahaan qofka
ilmo u galmooda ay ciqaabtiisu tahay xadhig ka yar tahay 15 sanno.
4. Xeerka Gaambiya ayay isaga ay LAW ku sheegtay kan ugu liita, waxaanay
sababta ku sheegtay in uu yahay kan ugu kooban oo 13 bog oo 19 qodob ah ku
kooban isla markaana aanu lahayn qeexitaanno dhammeystiran iyo in sidoo kale
aanu ilaalinayn xuquuqaha dhibanayaasha. Muhiimada keliya ee uu qiimeynta u
lahaana ay ahayd maadaamaa markii la curinayey laga qayb-geliyey culimo iyo
madax dhaqameed. 5. Qoraalka Great
Lakes-ka isaga waxa loo arkay in aanu muhiim ahayn maadaamaa uu yahay heshiis
oo aanu lahayn qodobbo sharci oo la qaadan karo.
LAW
ayaa u diyaarisay qabyo-qoraalka xeerka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo
Dawladda Soomaaliland, balse dawladda Puntland waxa u diyaariyey Garyaqaan
ka tirsan Wasaaradda Caddaalada Puntland oo la talin xaga farsamada ah ay LAW
ku lahayd. Kooxda xeerka u qoraysay DFS iyo Soomaaliland waxay ka koobnayd 3
Garyaqaan oo Soomaali ah oo dhinaca tarjumida afka Soomaaliga muhiimadoodu ay
ahayd iyo 3 Garyaqaan oo caalami ah, waxa dusha kala socday khuburo gaar ah oo
lahayd go’aan ka gaadhida wixii lagu darayo xeerka. Dhukumentiga aan kor ku
sharaxay ee ay LAW diyaarisay ayaana aasaasi u ahaa qabyo-qoraalka xeerka gaar
ahaan waxyaabaha loo baahan yahay in xeerku uu ku soo kordhiyo nidaamka sharci.
Markii
qabyo-qoraalka xeerka la diyaariyey, waxay sidoo kale hay’adda LAW ay ka
qayb-qaadatay soo bandhigidii qabyo-qoraalka loogu soo bandhigayey ururrada
bulshada iyo golayaasha qaranka. Waxa na mashruucaas la wareegtay Dallada
Ururrada Haweenka Soomaaliland ee Nagaad. Qaybta 2aad ee dambe ayaan kaga hadli
doonaa haddii ba uu jiro wax ay xeerka ku kordhiyeen ururrada bulshada rayidka
ee maxaliga ah ee sheeganayey ama lagu sheegayey in ay iyagu xeerka diyaariyeen
iyo in kulannadii ama tabobaradii wacyi-gelinta uun iska ahaa ba aanay waxba ku
kordhin qabyo-qoraalkii ay LAW u keentay, balse hadda aan u gudbo Xeerka iyo
Waaxda Xeer-dejinta.
Marxaladii Golayaasha Xeer-dejinta
Waxa
bishii 4aad 2014 kulan lagu qabtay Maansoor Hotel, kaas oo ay Dallada Nagaad
qabyo-qoraalka xeerka ugu soo bandhigtay Guddida Dastuurka, Garsoorka,
Cadaalada iyo Xuquuqul Insaanka ee Golaha Wakiilada. Waxa kulankaas
goob-joog ka ahaa ururrada bulshada rayidka ah, xildhibaanada guddida xubnaha
ka ah, garyaqaan ka socda hay’adda LAW ee xeerka diyaarintiisa lahayd iyo
wakiil ka socday hay’adda UNFPA oo kamid ah hay’addaha maalgelinta mashruucan
bixiyey. Waxaanu Golaha Wakiiladu si toos ah ula wareegay qabyo-qoraalka xeerka
oo ka kooban 23 bog oo 46 qodob ah 22-kii bisha 9aad 2014 sida lagu caddeeyey Warbixinta
Guud ee Kal-fadhigii 25aad ee Golaha Wakiillada. Waxa warbixinta golaha
lagu sheegay in xeerka ay si wadajir ah u soo diyaariyeen kooxda
loo yaqaan Danwadaagta Caafimaadka (Health Caucus) oo ay ku bahoobeen koox ah Xildhibaanno
ka tirsan Golaha Wakiillada iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Health caucus
waxay kamid tahay kooxo ay abuurtay hay’adda caalamiga ah ee International
Republican Institute (IRI) sannadkii 2012 oo ay ku bahoobaan Xildhibaanada
iyo ururrada bulshada rayidka ah – waa dariiqa loo maro ansaxinta xeerarka ay
ururrada bulshadu danneynayaan. Xeerarka qaabkaas lagu ansaxiyey waxaa kamid ah;
Xeerka Kaymaha iyo Ugaadha, Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeerka Maareynta
Qashinka [waxan filayaa in uu weli golaha horyaal], Xeerkan Kufsiga iyo Xeerka Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka. Waxa
hadda ay wadaan oo Golaha horyaal Xeerka HIV/AIDS-ka iyo Xeerka Gudniinka
Fircooniga ah. Waa qaabka loo dilaalo ama loogu kala macaasho xeerarka uu golahu
ansaxiyo oo guddi walba koox ayey ku xidhan tahay sida health caucus ama green
caucus.
Waxa aan
filayaa in aad ila socoto sida uu geedigu u socdo, ugu horeyn xeerka waxaa
soo diyaarisay hay’adda LAW, waxaana mashruuc lagu siiyey saddexdii
Wasaaraddood ee Soomaaliya, Soomaaliland iyo Puntland ee uu xeerku khuseeyey.
Markii wasaaradda la wareegtay waxaa xeerka lagu sheegay mid ay Wasaaradda
Arrimaha Bulshadu diyaarisay, Wasaaradda iyo cidii mashruuca wadatay waxay
mashruuca xeerka gacanta ka geliyeen ururrada maxaliga ah gaar ahaan Dalada
Nagaad iyo ururrada kale ee haweenka. Markaas na waxaa xeerka lagu sheegay in
ay diyaariyeen Dalada Nagaad iyo ururrada bulshadu. Ururrada bulshadu
iyagoo adeegsanaya kooxaha ay ku bahoobeen ee ay ku wada shaqeeyeen xildhibaannada
Golaha Wakiilada, waxay xeerka u gudbiyeen xubnahii ay health caucus-ka ku wada
jireen ee ay isku kooxda ahaayeen. Markaas na waxaa xeerka lagu sheegay in
ay diyaarisay kooxda danwadaagta ah ee health caucus. Kooxdiina waxay u
gudbisay Guddida uu shaqadeeda khuseeyo xeerku ama ay guddoominayso xubin
kooxda ka tirsan. Kadib waxaa ajandaha kalfadhigii ugu soo horeeyay lagu daray qabyo-qoraalka
xeerka kahortagga kufsiga oo ay soo diyaarisay Guddida xuquuqal insaanka ee
Golahu.
Taasi waxay muujinaysaa xeer-dejinta dhabta ee xeerarka intooda
badan inoo dejisaa cida ay tahay. Waxay
sidoo kale muujinaysaa in hay’addaha qaranka iyo ururrada bulshadu ba ay yihiin
aalado (tool) la adeegsado, waxa kaliya ee ay ka shaqeeyaana ay tahay in ay u
adeegaan hay’addaha caalamiga ah. Lama dafiri karo doorka ay hay’addaha iyo
ururrada caalamiga ah ku leeyihiin horumarka iyo adeegyada bulshada, balse
diyaarinta xeerarka dalku waa mid halis ah oo taabanaysa jiritaankeena
ummadnimo ee ifka iyo aayaheena dambe ee aakhiro.
Kulano dhawr ah
oo ay Guddida Xuquuqul Insaanka ee Golaha wakiilada, Dallada Nagaad iyo
Hay’adda LAW ay si wadajir ah ugu qabteen qaybaha bulshada kadib, waxaa
kalfadhigii 29aad ee Golaha Wakiilada, fadhigiisii 11aad oo qabsoomay 14kii
bisha Diisember 2015 loo qaybiyey mudanayaasha Golaha qabyo-qoraalka Xeerka
Kahortagga Kufsiga iyo Xadgudubyada la xidhiidha oo ka kooban 23 bog oo 46
qodob ah. Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Insaanka ee Golaha Wakiillada
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa golaha kahor akhriyey qabyo-qoraalka, wuxu
isagoo mudanayaasha u sharxaya daraasaddo uu sheegay in ay ku sameeyeen
tirakoobka kufsiga ka dhaca gobollada Soomaaliland uu yidhi: ‘Sanadkan
2015
ee aynu marayno waxaa dalkeena ka dhacey 820 kufsi, waxaa mustaqbalkoodii lagu
ciyaaray oo mugdi la galiyay 820 hablood oo hablihiinii ah oo la baabiiyey’.
Waxa aad uga fog xogta uu Xildhibaanku sheegay xogta warbixin-sannadeedka booliska
Soomaaliland ee dembiyadii dhacay sannadkii 2015 oo ay ku sheegeen ‘in tirada
kiisaska kufsiga ah ee sannadkaas dalka oo dhan ka dhacday ay tahay 80 kiis’ oo
weliba aan la wada odhan karin way dhaceen sababtoo ah warbixintoodu waxay ka
hadlaysaa dhacdooyinka galay buugga dhacdada booliska (occurance book) oo
intooda badan laga yaabo in maxkamaddu ay dembiga ku weyday. Tusaale ahaan,
waxay tirada guud ee dembiyada sannadkaas dhacay ku sheegeen 18,252. Inta la
xukumay oo ah inta aynu sharci ahaan odhan karno waa tirada saxda ah ee
dembiyada sannadkaas dhacay na waxay ku sheegeen 3,335. Intaa xukuman uun baa
la odhan karaa waa dembi dhacay sababtoo ah inta kale dadka loo haysto looma
aqoonsan karo dembiilayaal haddii aanu xukun maxkamaddeed ku dhicin. Sidaas
darteed, haddii 18,252 uu xukun ku dhacay 3,335 keliya oo u dhiganta 18.3%, macnaheedu
waa kufsiga oo ay asalka ba adag tahay in la caddeeyo 80 dhacdo oo OB-ga
saldhigyada galay, waxa xukun ku dhaci karaa 18.3% oo u dhiganta 15 keliya. Markaa
waxay sax ku tahay in sannadkaas kufsiga dalka oo dhan ka dhacay dhabta marka
laga hadlayo noqon karo 15 keliya. Warbixinta booliska waxa sidoo
kale ku jirta in tirada kufsigu ay sannadkii hore ee 2014 ahayd 148 halka ay
sannadka 2015 ay ka noqotay 80 oo uu hoos ba u dhacay 68 kiis.
Xildhibaanku la yaab maleh haddii ba Wasaaraddii dhammayd ee Arrimaha Bulshadu
ay ka xishoon weyday in ay tidhaa 4000 oo kufsi ayaa 2011 dalka
ka dhacay, 5000 oo kufsi ahna waxay dhacday 2012 oo macnaheedu yahay saacad
kasta qof baa lagu kufsadaa Soomaaliland gudaheeda.
Doodda xeerka ee xildhibaannada
ee Golaha Wakiillada oo qabsoontay fadhiyadii 12aad iyo 14aad ee kal-fadhigii 29aad
ee golaha 15kii iyo 20kii bisha 12aad 2015, waxaa xeerka dood ka dhiibtay 11
Xildhibaan oo keliya. Xildhibaanka ugu doodda gaabnaa wuxuu hadlay 1 daqiiqo 14
ilbidhiqsi, halka xildhibaanka ugu dooddaa dheeraana uu ka hadlay 13 daqiiqo
iyo 7 ilbidhiqsi. Guud ahaan, waxaa xeerka laga doodday 75 daqiiqo iyo 52
ilbidhiqsi. 9 xildhibaan oo xeerka dood ka dhiibtay waxay soo jeediyeen in
xeerka loo baahan yahay, balse inta aan la gudo gelin la darso oo shuruucda
dalka iyo shareecadda islaamka lala eego. Waxaanay sidoo kale ku dooddeen in
aanay wixii loo keeno duduub ku ansaxine baadhis la sameeyo oo hay’addaha
qaranka ee uu shaqadooda khuseeyo loo yeedho oo wax la weydiiyo isla markaana
loo bandhigo culimada dalka si ay wax ula toosiyaan. 2 xildhibaan iyo
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isagu xeerka watay oo keliya ayaa codsaday in
xeerka sidiisa lagu ansaxiyo. Dhammaan Xildhibaannada doodda ka dhiibtay xeerka
kuma jiro mid keliya oo qodob xeerka kamid ah dul istaagay oo si gaar ah uga
hadlay, dooddoodu waxay ahayd mid khusayso in xeerka duduub laysku dhaafiyo iyo
in leh aynu ka fiirsano oo si fiican ha loo derso. Ugu dambeyn, waxaa la qaatay
dooddii ay xildhibaannadu u bateen oo ah in loo yeedho hay’addaha qaranka ee ku
shaqada leh mawduuca xeerka si loo helo xogta kufsiga iyo tacadiyada galmada
iyo jinsiga la xidhiidha.
Majirto dood kale oo
uu Golaha ka doodday xeerka. Sidoo kale majiro kulan sidii loo balamay loo
yeedhay hay’addahii qaranka ee lagu balansanaa in xog la weydiiyo oo golaha u
waramay. Inkastoo ajandaha kal-fadhigii 30aad ee Golaha Wakiilada uu ku jiray
akhriska labaad ee qabyo-qoraalka xeerku, muu qabsoomin akhriskii labaad. Ajendahii
kal-fadhiga 35aad ayuun baa lagu arkay isagoo ugu jira u codeyn. Waxa xigay fadhigii Golaha
Wakiillada ee 8dii Jeeneweri loogu codeeyey ansaxinta qabyo-qoraalka xeerka oo
aad loogu qoslayo qaabka uu Guddoomiyaha Golahu ugu dhawaaqayo in xeerka loo
codeeyo. Guddoomiyahu isagoo golaha ku wargelinaya in codeynta xeerka la
bilaabayo wuxuu yidhi: “Waxaynu u
gelaynaa Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubka Jinsiga, waa laga doodday,
waxaanu ina horyiilay ilaa abril 2014. Xeerka wixii shareecada kahorimanayeyna
waa…” Hadalka
ayaa hore uga soo bixi waayay, “laga
saaray dheh” ayuu ka hoos odhanayaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad. Waxa qosol badan in Guddoomiyahu uu ku
dhawaaqay: “Waa laga saarayaa”. “Miyaa laga saaray mise waa laga saarayaa”
ayey xildhibaanada qaar kamid ah mar qudha ku wada dhawaaqayaan. Inta uu naxo ayuu mar labaad ku
dhawaaqayaa: “Waa laga saarayaa”. “Miyaa laga saarayaa!!!” ayey iyaguna kor
ugu wada dhawaaqeen. Markaas buu la
soo boodayaa: “Waa laga saaray…waa laga
saaray…haa waa laga saaray…wixii ciqaab ka horeeyeyna marka xeerka la ansixiyo
waxaa lagu dhaqmayaa xeerka cusub”. Qaabka noocaas ah ee xildhibaannada
codeynayay aanay ogeyn waxa laga saaray qabyo-qoraalkii xeerka ee ay ka
dooddeen iyo waxa lagu kordhiyey midna, ayey codeynta xeerku u dhacday. Waxa
golaha fadhiyey 51 Xildhibaan. 46 Xildhibaan way ansixiyeen Xeerka Kufsiga iyo
Xadgudubyada Jinsiga, 2 Xildhibaan way diiddeen, 2 Xildhibaana way ka aamuseen,
Guddoomiyuhuna muu codeyn. Golaha Wakiilladu haddii laga tegi waayo waxay
xeerkaas dhan ku kordhiyeen sidii loogu soo gudbiyey magacii markii hore ahaa
Xeerka Kahortagga Kufsiga iyo Xadgudubyada Xidhiidhka laleh oo ay u badaleen
Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga iyo ereyo ay ka saareen oo ay ku
badeleen kuwo kale.
Waxa uu
qabyo-qoraalka xeerku u gudbay Golaha Guurtida oo fadhigii hore ee 19-ka bisha
Maarso 2018 ee ay xeerka kaga dooddeen isku raacay in aan xeerka la
gudo gelin oo loo saaro Guddi soo derista oo sharci ahaan iyo diin ahaan ba
daraasad ku samaysa. Warkaas oo ay dadka badankiisu soo dhaweeyeen balse
ururradii loo soo dhiibay iyo Golaha Wakiillada ee duuduubka isku dhaafiyey ba,
ka degi waayey. Haseyeeshee, sidii laga filanayey arrinku muu noqon oo Guddidii
hawshaas loo xilsaaray waxay Golaha ku soo celisay afar meelood oo ay si kooban
ereyo uga badaleen iyagoo aan taaban qodobbadii uu nuxurka xeerku ku jiray isla
markaana aanu jirin qodob ay ka saareen ama ku soo kordhiyeen. Qodobbada ay wax
ka badeleen kumay jirin qodobbada khuseeya fal-dembiyeed ama qeexitaankiisa.
Qaybta 2aad ayaan arrintan ku faahfaahin doonaa haddii Alle idmo. Sidii ay
Guddidu soo jeedisay ayuu Golaha Guurtidu ku ansixiyey Xeerka
Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga 7dii bisha Abriil 2018. Waxa golaha
fadhiyey 50 Xildhibaan. 35 Xildhibaan way ansixiyeen Xeerka Kufsiga iyo
Xadgudubyada Jinsiga, 7 Xildhibaan way diiddeen, 8 Xildhibaana way ka aamuseen,
Guddoomiyuhuna muu codeyn.
Markii uu xeerku ku
soo noqday Golaha Wakiillada, wuxuu Golaha fadhigiisii qabsoomey 29-ka bisha
Julaay 2018
uu cod aqlabiyad ah qodob-qodob ugu diidday wax ka badelkii uu Golaha Guurtida
ku sameeyey Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu saxeexay Xeerka maalintii 29aad ee
ka soo wareegtay ansixinta dambe ee Golaha Wakiilada. Waxaa xusid mudan, in
sidoo kale Xeerka Kufsiga Dawlada Puntland
(Sharci Lr.4 ee 03.09.2016) uu dhaqan-galay 3dii bisha sebtember
2016 isla markaana ay inta badan qodobbada ka siman yihiin Xeerka Kufsiga iyo
Xadgudubyada Jinsiga ee Soomaaliland (Xeer Lr. 78/2018). Xeerka Puntland wuxuu ka
kooban yahay 43 qodob. Waxa sidoo kale xusid mudan in qodobbada wax ka badelka
uu ku sameeyey Golaha Guurtidu ay ku jiraan xeerka Puntland. Xaga ku dhaqanka
shareecada islaamka, Qodobka 27aad ee xeerka Puntland wuxuu waajibinayaa in fal-dembiyeedka galmada xooga ama
khasabka ah ay caddeeyaan laba qof oo rag ah oo buuxiyey shuruuddaha ay
markhaatiga u dhigtay shareecadu ama qiraal sax ah, iyadoo sidoo kale la
aqbali karo caddeymaha kale sida baadhista dhakhtareed ee DNA-da iwm. Qodobka
29aad, faqradiisa 1aad waxay dhigaysaa in
fal-dembiyeed sida waafaqsan Qodobka 27aad, faqradiisa 1aad loo caddeeyey uu
Garsoorahu kala dooran karo inuu dabaqo xiraabada ama budhcadnimada sida ku cad
Suuratul Maa’idah, aayadda 33aad. Waxa kale oo Qodobka 6aad, faqradiisa
6aad ee xeerka Puntland ku cad in guurku
uu difaac u noqon karo eeddaysanaha fal-dembiyeed galmo ku eeddaysan, waxaanu
meesha ka saaray kufsigii dadka isqaba. Waxa xeerka gebi ahaantiisa laga reebay
guurka ilmaha waxa lagu sheegay oo kuma jiro qodob mamnuucaya guurka qofka da’da
yar.
Inkastoo uu xeerka
Puntland xaga ansixinta iyo dhaqan-galka uu muddo sannad ah ka horeeyey kan
Soomaaliland, haddana uma uu soo shaac bixin, caalamkana looga ma soo dhoweyn
sida kan Soomaaliland loogu riyaaqay ee loo buunbuuniyey sababtu wax ay tahay
ba. Garyaqaannada hawshan bilowgeeda iyo ka midho-dhalinteeda lahayd ee
saddexda xeer ee saddexda dawladdood ee
Soomaalida ah ba sababtooda lahayd Antonia Mulvey
waxay adduunyada kaga heshay sumcad balaadhan, waxaanay noqotay xidig arrin ay adkayd
ka midho dhalinteedu si xirfadaysan oo maskax furnaan iyo hal-abuurnimo leh uga
soo dhalaashay kana hirgelisay mid kamid ah ummaddaha ugu madaxa adag adduunka.
Courtenay Forbes oo
ah Saferworld for Women Correspondent oo ka qayb-gashay caweys lagu magacaabay “A Night of Creative Lawyering”
ama Habeenka Garyaqaanimada Halabuurka leh
oo ay Antonia Mulvey kaga hadlaysay geedigii ay hay’addeeda LAW u soo
martay guusha, ayaa iyadoo muujinaysa cajaa’ibta ay leedahay hawsha ay LAW
qabatay tidhi; ‘Tani waxay iftiiminaysaa muhiimada ay leedahay in maskaxaha sharci iyo
dadka ololeeyaa ay iskaashadaan si ay u qabtaan hawsha ay LAW qabatay oo kale,
oo marka wax kale ba laga yimaad, si ay u muujiyaan in dawladduhu aanay ka
hortagi karin arrimaha la dardargeliyo ama loo hagarbaxo. Garyaqaanimada
halabuurnimada noocan ahi waa mid leh waxqabad la taaban karo: guushan ugu
dambeysay ee LAW ay gaadhay ba waa diyaarinta qabyo-qoraalkii ugu horeeyey ee
Fal-dembiyeedyada Galmada ee ay Soomaaliya yeelato abid’
Dhowaan, waxa hadlay dhawr Xildhibaan oo Golaha Guurtida ka
tirsan oo aad uga deyriyey qaabka loo ansixiyey xeerka iyo xeerka laftiisa ba.
Waxaan runtii aad ugu bogay erey uu ka dhawaajiyey Xildhibaan Dheeg oo
Xildhibaannadaas kamid ahaa. Wuxuu yidhi: “Annagu
wax aanu nidhi markii ugu horeysa horta kelmada ‘KUFSI’ la yidhaa ee halkaa
[xeerka cinwaankiisa] ku qoran, horta aynu isla fahanno’. Waa runtii oo
waxaa doodda Xildhibaannada labada gole laga fahmayey in aanay si fiican ba u
fahmin kelmadan macnaheeda iyo sidoo kale macnaha ka dhaxeeya kufsiga iyo
sinnada, iyo waxay ku kala duwan yihiin ba. Mushkiladu waxa weeyi dadkeena
waxaa dhib ku ah ah in ay si degan oo maskax furan wax uga dooddaan iyagoo aan
caadifaysnayn. Arrinta xeerkan gaar ahaan, dadka intooda badan laba qaybood uun bay
ahaayeen; qayb qabyo-qoraalka wadatay sida wasaaraddaha, ururrada bulshada iyo
xildhibaanada qaarkood oo iyagu runtii u muuqday in ay ku weynayd in xeerku uu
meel maro khalad iyo sax ba iyo qayb kale oo u badan kuwo wixii xeer lagu
sheego u arka wax ka badel lagu samaynayo shareecada islaamka oo u baahan in
ay fahmaan in iyadoon shareecada la khilaafayn xeer bulshada waxtar u ah laysla
meel dhigi karo. Annigu waxa aan aaminsanahay in xeer u gaar fal-dembiyeedyada noocan ah baahi badan loo qabo. Xeerkan laftiisuna aanu wada xumayn. Haseyeeshee, ma taageersani
in golayaashii aynu xeer-dejinta u dooranay ay noqdaan agab ‘tool’ la adeegsado
oo shaqadoodii inta la qabto lagu magacaabo isla markaana aan waxba layskaga tirin
bulshada xeerka loo dejinayo dhaqankeeda iyo damiirkeeda. In xeer la innoo soo
dhiso deedna aynu innagu iskugu sheekayno waxaynu leenahay goleyaal xeer-dejineed, waxaan taaganahay: ‘Waar kaluunka
sida loola soo baxo uun ha la inna baro oo ha la innaga caawiyo balse yaan
waxba la inna siin kaluun aynaan la soo bixi karayn oo markuu doono sumeysnaan
kara’. Qaybo badan oo xeerkan kamid ah waxaa ku qarsoon ujeeddooyin ay leeyihiin
qolooyinka afkaarta dhedigeynta aaminsan oo inta badan aad u buunbuuniya
xuquuqaha jinsiga ku dhisan. Qofkii raba in uu wax ka ogaado xeerkan
ujeeddooyinka dhedigeynta ah ee ku qarsoonaan kara xeerka kufsiga, ha akhriyo qoraalkan
ay qortay Sarah Mcmains, Translating
feminist norms and strategies through sexual and gender-based violence programming
in Somalia: An explorative approach to understanding norm internalization, 2017.
Waa innoo Qaybta 2aad iyo todobaadada soo socda haddii ALLE innagu simo.
Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Qareen iyo Macalin Jaamacaddeed
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco/Hargeysa, Somaliland
Tixraacyo
Dhukumentiyo iyo maqaalo
1.
Joint Communiqué of the Federal Republic of Somalia and
the United Nations on the Prevention of Sexual Violence, 7 May 2013, p 1.
2.
IRIN, Stiffer
penalties, formal justice to curb rape in Somaliland, 28/05/2015 http://www.irinnews.org/news/2013/05/28/stiffer-penalties-formal-justice-curb-rape-somaliland
(accessed on 30 August 2018)
3.
Chattem House, Transcript on Q/A on Global Solutions
to Sexual Violence in Conflict by Haja Zainab Hawa Bangura, on 13th
Feb, 2013 https://www.chathamhouse.org/sites/default/files/public/Meetings/Meeting%20Transcripts/180213BanguraQA.pdf
(accessed on 30the August 2018)
4.
Somalia Protection Cluster. Annual Report. (Somalia
Protection Cluster, 2016) Available at:
http://www.globalprotectioncluster.org/_assets/files/field_protection_clusters/Somalia/files/so
malia-protection-cluster-annual-report-2016.pdf [Accessed 31 August 2018]
5.
Legal Action Worldwide. Sexual Offences Bill.
(LAW) Available at: http://www.legalactionworldwide.org/somalia-2/sexual-offences-bill/
[Accessed 30 August 2018]
6.
Sarah Mcmains, Translating feminist norms and strategies through sexual
and gender-based violence programming in Somalia: An explorative approach to understanding
norm internalization, 2017. https://www.duo.uio.no/bitstream/handle/10852/57334/8031_HUMR-5200.pdf?sequence=7
[accessed on 30th August 2018]
7.
IRI, Legislative Change Agents:Multi-partisan
Caucus – the case of Somaliland, 2015 http://www.iri.org/sites/default/files/fields/field_files_attached/resource/2015-12-01_legislative_change_agents_building_multi-partisan_caucuses-the_somaliland_and_peru_case_studies.pdf
[accessed on 29th August 2018]
8.
Courteney Forbes, General News, Legal
Action Worldwide: Human Rights Lawyers Speak out https://www.asafeworldforwomen.org/global-news/general/4829-legal-action-worldwide.html
(accesed on 31st August 2018)
Xeerarka
Dalalka kale
Xeerarka Soomaalida
1.
Xeerka
Kufsiga Dawlada Puntland (Sharci Lr.4 ee 03.09.2016)
2.
Xeerka
Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga (Xeer Lr. 78/2018)
Golaha Wakiilada
1. Hadal-qoraalka Doodda Golaha Wakiilada ee Xeerka Kufsiga
2.
Warbixinta Kalfadhigii 29aad ee Golaha
Wakiillada
3.
Ajandaha Kalfadhigii 35aad ee Golaha
Wakiillada
5.
Ajendayaasha kal-fadhiyada Golaha 1-37
No comments:
Post a Comment