Siddeed
Muran oo hore uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
(KDQ)
Muran
lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY
markii
Madaxweyne Cigaal
(Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka
Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar
2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku
ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha
Guurtidu ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood
waxaana loo baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan.
Asbaabta
xubintan lagu diidday waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka
La Taliyaha Sharci oo uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod.
11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001 (imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017).
Haseyeeshee, Golaha Guurtidu mar labaad ayuu dib u soo magacaabay oo soo
celiyey iyagoo ku andacoonaya in uu shaqadaas wakhti hore ka tegay iscasilaadna
soo gudbiyey, waxaanu Golaha Wakiiladdu ku ansaxiyey 50 cod1dii March 2001.
Arrintaasi
waxay jidaysay in xubin kasta oo uu Golaha Wakiilladu ansaxin waayo mar labaad
dib loo soo magacaabo oo golahu uu mar labaad u coddeeyo sidii dhacday 2007-dii.
Ma jiro qodob sharci oo sidaas banneeyey. Waxaana sharci ah in Golaha Wakiilladu
uu hal mar uun cod u qaado xubin kasta oo haddii ay hesho cod tiradiisu gaadhayso
ama ka badan tahay kala-badh iyo hal dheeri tirada xubnaha Golaha Wakiillada ay
ansaxayso, haddii se ay hesho cod tiradiisu ay ka yar tahay kala-badh tirada
xubnaha Golaha aanay ansaxayn, cidii soo magacoowday xubin aan ansaxmina ay
xubin cusub soo magacoowdo.
MURANKII 2AAD ee ka dhasha magacaabida
xubnaha KDQ wuxuu ahaa markii sannadkii 2004-tii uu geeriyooday Maxamed Sheekh
Cabdillaahi oo xubin ka ahaa KDQ, iyadoo ay muddo-xileedkii xubnaha KDQ hadhsan
tahay ku dhowaad saddex sanno. Markii la magacaabay xubnahii ugu horeeyey KDQ
may jirin Xisbiyo Qaran oo waxaa muddadii loo qabtay diiwaangelinta ururrada oo
ku eekayd 21kii Sebtember 2001-dii is diiwaan diiwaangeliyey todoba
urur-siyaasaddeed; urur siyaasaddeedkii xukumada ee UDUB iyo lix urur oo kala
ahaa UCID, BIRSOL, HORMUUD, ILEYS, SAHAN iyo UMAD.
Lixdaas
Urur Siyaasaddeed ayaa intii aan la diiwaangelin KULMIYE si wadajir ah u
magacaabay laba xubnood oo ay midi tahay xubintan geeriyootay sida ku cad Qod.
11(2)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se waa Qod. 12(2)(b) ee Wax-ka-badelka 6aad ee
2017); 18-kii March 2001 ayaa sababo aan caddeyn dartood loo kordhiyey
wakhtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo laga dhigay ilaa 17-kii May 2001, waxana
muddadaas intii lagu jiray diiwaangelinta lagala noqday urraradii ILEYS iyo
UMAD, waxaana la diiwaangeliyey ASAD iyo KULMIYE. Urruradii siyaasaddeed ee xubinta
geeriyootay magacaabay waxa wakhtigaas jiray oo xisbi noqday UCID oo keliya.
Sidaas darteed, UCID iyo KULMIYE oo ahaa labada xisbi mucaarad ee wakhtigaas
diiwangashanaa ayaa si wadajir ah ugu magacaabay Maxamed Xaashi Cilmi in uu
noqdo xubinta buuxinaysa booska ka bannaanaaday KDQ. Waxaanay qoraalkii magacaabida
u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale 2-dii Oktoober 2004-tii.
Madaxweyne
Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii
Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu
xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii
ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex
u noqon karayn xisbiyada qaranka ama xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo
yar kahor ka qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti
xaadirkan aad uga soo horjeedo xukumada iyo in sidoo kale ay magacaabidani dheeli
ku keenayso saamigii beelaha ee KDQ maadaamaa xubintan la magacaabay aanay isku
beel ahayn xubintii geeriyootay. Ugu dambeyn, markii laysku khilaafay arrintaas
ee uu KULMIYE ku adkaystay magacaabida Maxamed Xaashi Cilmi ayuu Xisbiga UCID
oo keli ah uu magacaabay Axmed Cabdillaahi Hoori oo Madaxweynaha u gudbiyey si
uu buuxiyo jagadii xubinta geeriyootay ee KDQ.
Inkastoo
ay su’aal sharci ka dhalanaysay magacaabidan, maadaamaa aanu xeerku si cad uga
hadal (ilaa hadda oo xeerka lix jeer wax ka badel lagu sameeyey) waxa la
yeelayo haddii labada xisbi mucaarid ku heshiin waayaan magacaabida xubinta
buuxinaysa jagada KDQ ee ay bannayso xubin ay si wadajir ah u magacaabeen
ururro siyaasaddeed oo diiwaangashan, KULMIYE wax diidmo ah kama keenin
xubintaas uu Xisbiga UCID keligii magacaabay. Waxaanay sababtu ahayd in heshiis
hoose oo siyaasaddeed oo uu xisbiga UCID ka shaqayeeyey ay iskugu soo
dhowaadeen Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradku kadib markii Madaxweyne
Rayaale uu ogolaaday in 2 xubnood lagu daro tirada xubnaha KDQ oo magacaabistooda
la kala siiyo Madaxweynaha oo xubin magacaabaya, xubinta kalena ay xisbiyada
mucaaradka si wadajir ah u magacaabaan. Sidaas darteed, KULMIYE muu horistaagin
xubintaas ay UCID magacoowday, una gudbisay Madaxweyne Rayaale oo isna Golaha
Wakiillada u gudbiyey, iyaguna cod aqlabiyad ah oo bilaa dood ah ku ansaxiyey.
MURANKII
3AAD wuxuu ka abuurmay heshiiskaas hoose ee siyaasaddeed oo waxaa dhacday in sidii
Madaxweynaha iyo mucaaradku isku afgarteen tirada xubnaha KDQ laga dhigay 9
xubnood. Qodobkii 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiillada (Xeer Lr.
20-2/2005 oo wakhtigaas golaha horyaalay ayaa wax ka badel ku sameeyey magacaabida
iyo tirada KDQ ee ku cadayd Xeerka Lr. 20/2001, 2 xubnood ayaanu qodobku ku
kordhiyey tirada xubnaha KDQ. Labadaas xubnood oo midna uu magacaabayo
Madaxweynahu, xubinta kale na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo
xulayaan oo Madaxweynaha ugu soo gudbinayaan. Sidaas ayey labada gole ee
baarlamaanku xeerkaas ku ansaxiyeen oo xataa Maddaxweyne Rayaale uu ku dhaqangeliyey
xeerkaas. Haseyeeshee, Madaxweynahu 12kii Abriil 2005 ayuu Golaha Wakiilada dib
uga codsaday in qodobkaas la laallo. Taasi oo abuurtay khilaaf siyaasaddeed oo ka
dhex qarxa Madaxweynaha, mucaaradka iyo Shir-guddoonkii Golaha Wakiillada.
12
casho kadib, 40 xubnood oo Golaha Wakiilada ka tirsan ayaa 24kii Abriil 2005
mooshin ahaan arrintan Golaha u keenay, dood kadibna iyadoo 20 xubnood ay
ishortaageen in golahu uu mooshinkaas cod u qaado oo buuq ay ka abuureen, kana
baxeen fadhigii Golaha, ayaa loo codeeyey oo uu Golahu ku ansixiyey cod
aqlabiyad ah in qodobkan 30aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda la laallo,
magacaabida iyo tirada xubnaha KDQ lagu daayey sidii ay ahayd (ee ku cad Xeer
Lr. 20/2001).
MURANKII
4AAD wuxuu dhashay iyadoo ay saddex casho oo keliya ka hadhsanayd dhammaadka
muddo-xileedkii xubnahii KDQ ee ugu horeeyey oo ku eekayd 21-kii Jeenaweri
2007-dii. Madaxweyne Rayaale wuxuu qoraal uu tixraaciisu ahaa
JSL/M/GG/081/2-2757/01/2017 oo soo baxay 18-kii Jeenaweri 2007 labada xisbi
mucaarad iyo Golaha Guurtida ku faray in ay muddo todoba casho gudahood ah ku
soo gudbiyaan 8 xubnood oo 4 uu soo gudbiyo shirguddoonka Golaha Guurtidu, 4-na
ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo gudbiyaan, kadibna uu isagu mid
kasta 2 xubnood ka magacaabi doono, una gudbin doono Golaha Wakiillada si uu u
ansaxiyo.
Labadii
xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE iyo Golaha Guurtidu ba aad bay uga
horyimaadeen qoraalkaas Madaxweyne Rayaale, waxaanay ku dooddeen in magacaabida
8-da xubnood ah ee uu Madaxweynahu ka dalbay ay khilaafsan tahay Qod.
11(2)(a)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12(2)(a)(b) Wax-ka-badelka 6aad
ee 2017) iyagoo ku sababeeyey in qodobku uu Madaxweynaha awood u siinayo keliya
in uu magacaabo oo Golaha Wakiillada u gudbiyo 4ta xubnood ee ay u soo
gudbiyaan xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu, tan uu Madaxweynahu ka
dalbayna ay noqonayso in Madaxweynahu uu kelidii awood u leeyahay in uu
magacaabo dhammaan xubnaha KDQ.
Madaxweyne
Rayaale na wuxuu ku doodday in Koomishankii hore ee ugu horeeyey uu Madaxweyne
Cigaal magacaabay 4 xubnood oo kamid ah (2 Guurtidu soo xushay iyo 2 ay
ururradii siyaasaddu soo xuleen) 8 xubnood oo ay u soo gudbiyeen urraradii
siyaasadda ee diiwaangashanaa iyo Golaha Guurtidu, oo uu u gudbiyey Golaha
Wakiillada. Sidoo kale wuxuu ku doodday in qodobka ay mucaaradka iyo guurtidu
ku dooddayaan uu Madaxweynaha oo keli ah siiyey awoodda magacaabida xubnaha KDQ,
xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidana uu siiyey awood soo jeedineed oo
keli ah, balse aanu siin awood magacaabiseed iyo in qodobku uu dhigayo in
mucaaradku ay si wadajir ah u soo jeedinayaan 2-da xubnood ee xeerku siiyey,
balse aan xisbina si gaar ah awood loogu siin in uu kelidii xubin soo xulo.
Haseyeeshee,
maadaamaa ay iska caddayd in doodda labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtidu
ay sax ahayd marka laga eego dhinaca tirada ay soo gudbinayaan sababtoo ah qodobku
si cad ayuu u odhanayaa “2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo iyo
2 xubnood oo ay soo xulayaan ururrada/xisbiyada mucaaradka ah ee diiwaangashan”, balse
ay su’aali ka taagnayd in xeerka aanay meelna kaga caddayn in xisbiyada/ururrada
mucaaradka uu midba xubin magacaabi karo oo xeerku uu si wadajir ah u siiyey
xulida iyo soo jeedinta 2 xubnood oo KDQ kamid noqonaya, Madaxweyne Rayaale kuma
dhegin dooddaas, waxaanu ogolaaday in Golaha Guurtidu uu gudbiyo 2 xubnood,
labada xisbi mucaaradna ay 2 xubnood gudbiyaan oo midba uu hal xubin gudbiyo.
MURANKII
5AAD ayaa isna wuxuu ka dhashay markii xisbiga UCID uu xubintiisii gudbiyey,
Golaha Guurtiduna ay 2 xubnood gudbiyeen, Madaxweyne Rayaalena uu ku daray 3dii
xubnood ee uu magacaabay sidaasna ugu gudbiyey Golaha Wakiillada iyadoo aanu
KULMIYE weli soo gudbin xubintii laga sugayey. KULMIYE wuxuu ku doodday in
Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu gudbiyo xubno uu u magacaabay KDQ iyadoo
aanay dhammaystirnayn tiradii xubnaha KDQ. Haseyeeshee, majiro qodob sharci oo
khasab ka dhigaya in tirada xubnaha KDQ ee la magacaabayaa ay dhammeystirnaato,
ama ay ku xusan tahay in aanu Madaxweynahu magacaabi karin xubno tiradoodu ka
yar tahay 7 xubnood haddii uu dhinac soo gudbin waayo xubnaha uu xeerku awood u
siiyey in uu soo xulo.
Waxa
dhacday halkii laga sugayey in Golaha Wakiilladu uu cod u qaado lixdii xubnood
ee uu Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey, in Golahu uu 23kii Febraayo 2007
go’aamiyey in uu xubnahii KDQ ee ay muddo-xileedkoodu dhammaatay u kordhiyey 2
sanno. Taasi ayaa cirka ku shareertay murankii sharci iyo siyaasaddeed, waxaanu
ahaa go’aan sharciga khilaafsan oo aan loo marin habraaca magacaabida ee ku cad
xeerka sababtoo ah cusbooneysiintu waxay ku iman kartaa in la maro habraaca
magacaabida ee uu Golaha Wakiilladu ku lahaa awoodda ansaxinta oo keliya, balse
tani waxay ka dhigan tahay in awooddii magacaabida iyo ansaxinta ba uu Golahu
isku darsaday (Ibraahim Hashi). Sidoo kale cusbooneysiin ba muu ahayn go’aanka
golahu ee wuxuu ahaa muddo-kordhin. Muddo-xileedna haddii ay jirto cid uu
sharcigu awood u siiyey in ay kordhiso, waxaa la kordhiyaa inta aanay dhammaan
balse hadday dhammaato wax la kordhiyaa ba kama noola. Mana jiro qodob Golaha
Wakiillada awood u siinaya in uu KDQ muddo-kordhin u sameyn karo.
Madaxweyne
Rayaale wuxuu go’aankii Golaha Wakiillada u gudbiyey Maxkamadda Sarre oo iyadna
6dii May 2007 ka soo saartay go’aan, waxaanay go’aamisay in go’aanka Golaha
Wakiilladu uu khilaafsanaa Qod. 11aad iyo 12aad ee Xeer Lr. 20/2001 (hadda se
ah Qod. 12aad iyo 13aad, wax ka badelka 2017), waxaanay amartay in golahu cod u
qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweynahu u soo gudbiyey iyo in xisbiga KULMIYE
soo gudbiyo xubinta 7aad ee KDQ si loo mariyo habraaca magacaabida loona
ansaxiyo. Waana la fuliyey amarkeedii oo ugu dambeyn Golahu wuxuu cod u qaaday
dhammaan todobadii xubnood ee KDQ 2dii June 2007.
MURANKII
LIXAAD wuxuu ka dhashay fadhigaas uu Golaha Wakiilladu ugu coddeeyey xubnaha
cusub ee KDQ 2dii Juun 2007 oo uu golaha ansaxiyey shan xubnood balse labadii
xubnood ee uu Golaha Guurtida soo xulay oo kala ahaa Muuse Axmed Maxamed (Muuse
Madoobe) iyo Maxamed Axmed Cabdi Xaamud (Nayn) ay golaha ka kala heleen 35 cod
iyo 36 cod oo ay sidaas ku ansaxmi waayeen.
Golaha
Guurtidu mar labaad ayey dib usoo gudbiyeen 8dii Juun 2007, taasi ayaana
xamaasad sii gelisay khilaafkii ka dhaxeeyey dhinacyada iska soo horjeeday oo
kala ahaa Xukumada iyo Golaha Guurtida oo dhinac ahaa iyo Shirguddoonka Golaha
Wakiillada iyo Mucaaradka oo dhinac ahaa. Waxa muddo laba bilood ah laysku
hayey Golaha Guurtida iyo Xukumada oo ku dooddayey waa la soo celin karaa
xubnaha uu golahu u coddeeyey ee aan ansaxmin iyagoo daliishanaya in 1dii
Maarso 2002-dii uu Golaha Wakiilladu ansaxiyey xubin mar labaad dib loo soo
magacaabay isla markaana mar labaad loo coddeeyey iyadoo coddayntii hore ee Golaha
lagu diidday, iyo dhinaca kale ee shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo
mucaaradka oo ku dooddayey lama soo celin karo mar haddii loo coddeeyey oo ay
wayday codkii loo baahnaa (42+ xubnaha Golaha). Ugu dambeyn, dhexdhexaadin ay
Abwaano, Culimo iyo odayaal ay labada dhinac ku dhexdhexaadiyeen kadib, 27kii
Ogos 2007 ayuu Golaha Wakiilladu mar labaad u coddeeyey labadii xubnood oo uu
Muuse Madoobe helay 39 cod, Maxamed Cabdi Xaamud (Nayn) uu helay 38 cod, sidaas
ayey mar labaad ku ansaxmi waayeen.
Asbaabta
ay labadan xubnood Golaha uga heli waayeen codkii ay ku ansaxmi lahaayeen
labada jeer ee loo coddeeyey wuxuu Golaha Wakiilladu ku sheegay in ay buuxin
waayeen mid kamid ah shuruuddaha xubnaha KDQ oo ah in sidii ku cad Qod. 12(3)
Xeer Lr. 20/2001 in xubinta KDQ loo magacaabayaa “aanay da’ ahaan ka waynaan 60 sanno” (Wax ka badelkii 2aad ee
Xeerka lagu sameeyey 2010 ayaa laga dhigay 70 sanno, Qod. 13(3)), labadan
xubnood da’dooduna ay kor u dhaaftay 60 sanno. Haseyeeshee, waxa inta badan la sheegaa
in sababta diidmadoodu aanay ahayn mid la
xidhiidhay sharci iyo da’da labadan xubnood balse ay ahayd mid
siyaasaddeed oo ahayd in labadan xubnood loo tirinayey in uu si gaar ah u watay
Guddoomiye Saleebaan oo uu Golaha Guurtida laftiisu ku kala qaysanaa
magacaabidooda iyo codeyntan labaad oo uu khilaafaad kale oo siyaasaddeed iyo marxaladdii
lagu jiray wakhtigaas oo ahayd mid ficiltanka siyaasaddeed uu wax badan saameyn ku yeeshay.
Murankani
wuxuu ku dhammaaday in Golaha Guurtidu uu soo magacaabay laba xubnood oo cusub
oo ay labadii xubnood ee hore ay isku beelo ka soo jeedaan. Waxaanu Golaha
Wakiilladu u coddeeyey 3dii Sebtembar 2007 labadii xubnood ee cusbaa oo kala
ahaa Ismaaciil Muuse Nuur oo helay 63 cod iyo Xasan Maxamed Cumar oo helay 62
cod. Sidaas ayaanay ku ansaxeen labadoodu ba.
MURANKA
TODOBAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu bilaabmay markii komishankii hore ee
muddo-xileedkoodu bilaabantay 2dii Juun 2007 uu ragaadiyey khilaaf gudahooda ah
iyo khilaaf siyaasaddeed oo ka dhashay doorashadii Madaxtooyada oo dib u
dhacday oo oo gaadhay heer khatar ah oo ugu dambeyn ay beesha caalamku dhexdhexaadisay
lagana gaaday heshiis 1dii Oktoobar 2009. Waxa qodobada lagu heshiiyey kamid
ahaa in wax laga badelo xubnaha KDQ gaar ahaan hoggaanka. Sidaas darteed, maalmo
kadibna waxaa iscasilay xubnahii KDQ intoodii badnayd. Madaxweyne Rayaale wuxuu
ku dhawaaqay in xubnahii KDQ ay iskood u kala dirmeen, waxaanu xisbiyada
mucaaradka iyo Golaha Guurtida ka dalbay in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo
xuleen KDQ. Murankan todobaad waa mid ka dhashay xubnahaas cusub ee la
magacaabay Oktoobar 2009.
Xisbiga
UCID wuxuu dib u soo xulay xubintii uu hore u soo xulay ee KDQ ee iscasilay
kamid ahayd. Xubintaas oo ahayd Garyaqaan Khadar M. Guuleed (oo hadda ah
Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya) oo isagu hore iskaga
casilay xubinnimada KDQ. Haseyeeshee, Madaxweyne Rayaale wuu ku celiyey isagoo
cuskanaya heshiiskii ay saddexda xisbi ku heshiiyeen in ay ku jirtay in aan la
soo celin xubnahii hore ee KDQ. Sidaas darteed, xisbiga UCID si dhakhso ah ayuu
u soo badelay una soo xulay Cabdifataax Ibraahim Xasan.
Sidoo
kale Madaxweynahu wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey mid kamid ah
labadii xubnood ee ay u soo gudbiyeen oo ah Xasan Siciid Yuusuf (oo markii
dambe noqday ilaa imikana ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE), waxaanu Shirguddoonka
Golaha Guurtida ka codsaday in xubintani aanay siyaasadda ka madax-bannaanayn
oo aanu buuxin shuruuddaha uu xeerka dhigayo, sidaas darteedna ay ku soo
badelaan xubin cusub oo shuruuddaha buuxinaysa. Guddoomiye Saleebaan wuu ku
gacan saydhay in Madaxweynahu dib ugu soo celiyo xubintan ay u gudbiyeen, waxaanu
ku doodday in Madaxweynaha waajibkiisu yahay in uu keliya xubnaha ay u
gudbiyaan uu isna u sii gudbiyo Golaha Wakiillada oo ah cidda keliya ee
ansaxintooda iyo diidmadooda ba awood u leh. Haseyeeshee, maalmo kadib wuu
aqbalay go’aankii Madaxweynaha oo Golaha Guurtidu wuxuu ku soo badelay
Cabdiraxmaan Dixood.
Xubintii
uu Xisbiga KULMIYE madaxweynaha u soo gudbiyey oo ahayd Ilhaan Maxamed Jaamac
ayuu sidoo kale Madaxweyne Rayaale soo celiyey isagoo ku sababeeyey in ay xubin
ka tahay Guddida Fulinta ee KULMIYE, kana qayb-gashay oo abaabulkiisa ka
qayb-qaadatay Shirweynahii 2aad ee xisbiga KULMIYE ee Burco ka qabsoomay muddo
yar kahor. Sidaas darteedna aanay buuxin shuruuddaha ku cad xeerka ee ay kamid
yihiin in aanay xubinta KDQ loo magacaabayaa xil ka hayn, ka tirsanayn isla
markaana ka madax-bannaan tahay xisbi siyaasaddeed.
Haseyeeshee,
xisbiga KULMIYE kuma qancin asbaabtaas oo saddex jeer ayuu Madaxweyne Rayaale
dib ugu gudbiyey oo uu isna ku celiyey, waxaanu Guddoomiye Siilaanyo ku doodday
“In Ilhaan ay xisbiga ku jirtay, balse
aanay hadda ka tirsanayn xilna ka hayn oo ay danteeda uga baxday in
Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu soo celiyo xubin ay xisbiyada mucaaradka
iyo Golaha Guurtidu magacaabeen, cidda keliya ee diiddi karta ama ogolaan
kartaana ay tahay Golaha Wakiillada (oodweynenews.com, warkii 10/10/2009.”
balse ugu dambeyn 18kii Oktoobar 2009 ayuu soo badelay oo soo gudbiyey
Cali-khadar Xasan Cismaan (kubado). Waxaanu Madaxweyne Rayaale u gudbiyey
Golaha Wakiillada maalin kadib 19kii Oktoobar 2009. Golaha Wakiilladu dhammaan
xubnahii cusbaa ee KDQ wuxuu ansaxiyey 24kii Oktoobar 2009.
MURANKII
SIDDEEDAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu yimid markii la magacaabayey
xubnaha KDQ ee uu hadda xilkoodu dhammaadka yahay markii Madaxweyne Siilaanyo
uu 28kii bishii Ogos 2014 iyadoo ay muddo-xileedkii xubnahii hore ee KDQ ka
hadhsan tahay ku dhowaad laba bilood oo keliya (29 Oktobar 2014 oo ay kaga dhammayd
muddo-xileedu) uu xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Golaha
Guurtida ba ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u xulayaan in ay kamid
noqdaan KDQ.
Xisbiyada
UCID iyo WADDANI waxay 30kii Ogos 2014 Madaxweynaha u gudbiyeen 2 xubnood oo ay
u soo xuleen kamid noqoshada KDQ. UCID waxay dib u soo xushay xubinteedii hore
ee kamid ahayd xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayo Cabdifataax
Ibraahim Xasan. Xisbiga WADDANI na wuxuu magacaabay oo Madaxweynaha u gudbiyey
Dr. Maxamed Cusmaan Fadal oo isla maalintii uu Madaxweynahu xisbiyada ka
dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xulayaan KDQ ku dhawaaqay in uu iska
casilay xilkii Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Xisbiga WADDANI. Golaha Guurtiduna
wuxuu dib u magacaabay labadii xubnood ee hore ugu jiray xubnaha uu
muddo-xileedkoodu sii dhammaanayey.
Madaxweyne
Siilaanyo wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey laba xubnood oo ay
17kii Sebtember 2014 u soo gudbiyeen oo kamid ahaa xubnaha KDQ ee uu
muddo-xileedkiisu dhammaadka ahaa. Inkastoo aanu Madaxwaynahu shaacin asbaabta
uu u cuskaday dib u celinta labadaas xubnood, isla markaana sida la sheegay
aanu Shirguddoonka Golaha Guurtida gaar ahaan Guddoomiye Saleebaan markii hore ku
qancin in Madaxweynahu uu xubnaas soo celiyo, waxa la sheegaa in Madaxweyne
Siilaanyo uu ku qanciyey Guddoomiye Saleebaan in komishankan hore loo tirinayey qaskii iyo ceebahii ka dhacay
Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-ka, sidaas darteedna aanu rabin in isaga
iyo Golaha Guurtidu ay soo celiyaan xubnahii ay magacaabeen Madaxweynahii hore
iyo Golaha Guurtidu maadaamaa Xisbiga WADDANI aanu waxba ka magacaabin xubnaha
la badelayo, xisbiga UCID oo keli ah uu xubin ka magacaabay mucaaradka hadda
jira, taasna hadduu soo celiyo aanu ku celin doonin isaga. Sidaas darteed,
Shirguddoonka Golaha Guurtidu wuu ku qancay soo jeedintaas Madaxweyne Siilaanyo
oo waxay soo xuleen oo ay Madaxweynaha u gudbiyeen laba xubnood oo cusub oo
kala ah Cabdiqaadir Iimaan iyo Siciid Cali Muuse.
Madaxweyne
Siilaanyo wuxuu Xisbiga WADDANI ku celiyey xubintii ay soo xuleen ee ay u soo
gudbiyeen isagoo sheegay in xubintani ay ka tirsan tahay xisbigan magacaabay,
xilna ay ka haysay xisbiga wakhtigii uu xisbiga ka dalbay in uu soo gudbiyo
xubin uu u soo xulo KDQ. Haseyeeshee, Xisbiga WADDANI kuma qancin asbaabtaas
sidaas darteed mar labaad ayuu dib ugu soo gudbiyey Madaxweynaha iyagoo ku
doodday in xubintani aanay hadda ka tirsanayn xisbiga oo xubinnimada iyo xilkii
uu xisbiga ka hayey ba uu hore iskaga casilay isku mar. Sidaas darteed, wuxuu
Xisbiga WADDANI ku doodday in xubintan ay soo xuleen ay buuxisay dhammaan
shuruuddaha uu xeerku dhigayo.
Madaxweyne
Siilaanyo mar labaad ayuu ku celiyey Xisbiga WADDANI oo dib uga dalbay in ay xubin
kale oo buuxinaysa shuruuddaha xeerku jideeyey u soo xulaan KDQ. Wuxuu qoraalka
summadiisu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014
ee soo baxay 6dii Oktoobar 2014 ku sheegay “Waxa
danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta
sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay
Qodobka 12aad (hadda se ah Qod. 13aad) ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada
iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna
sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore
ay xubintaasi ka mid ahayd Xisbiga WADDANI.”
Laba casho kadib 8dii Oktoobar 2014 wuxuu
Madaxweyne Siilaanyo shaaciyay oo uu Golaha Wakiiladda u gudbiyay liiska lixda
xubnood oo uu KDQ u magacaabay oo iskugu jiray saddex xubnood oo uu isagu soo xulay,
laba Golaha Guurtidu soo xuleen iyo xubin xisbiga mucaaridka ah ee UCID soo
xulay. Xisbiga WADDANI maalin kadib ayuu isna
Madaxweynaha u soo gudbiyey xubin uu ku soo badelay xubintii hore ee uu Madaxweynahu
labada jeer ku celiyey. Waxaanu Madaxweynahu isla maalintii u gudbiyey
Shirguddoonka Golaha Wakiillada qoraalka magacaabida iyo macluumaadka xubinta
cusub ee uu Xisbiga WADDANI u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ahaa
Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal). Waxaanu ka codsaday in ay waajibkooda ka
gutaan. Sidaas ayuu ku dhammaaday murankan magacaabida KDQ oo Golaha
Wakiilladuna uu 29kii Nofembar 2014 u ansaxiyey dhammaan todobadii xubnood ee
KDQ.
Qalinkii: Garyaqaan
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco, Soomaaliland.
No comments:
Post a Comment