Pages

Saturday, March 8, 2014

Daciifnimada iyo Bahdilnaanta Garsoorka waxaa Sabab u ah Tamar Darnaanta Guddida Caddaaladda!



Qalinkii: Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed.

Hawlaha arlada, haddii lagugu aamino,
Ummadda u shaqeeyiyo addeegaa lagaa dhigo.
Olollaha runta ah, ujeeddadiisa ayaa lagaa rabaa
.
-       Hees Soomaaliyeed

Garsoore Cabdishakuur Cali Muxumed
Bishani Maarso, waxay garsoorka ugu bilatay dhiiranaan ay runta ku tilmaamaan iyo xiniinyo aanay weligood islahayn way idinku yaalaan, oo ay imika indhahoogu yara bidhiiqsadeen. Saddex Garsoore ayaa ka hadlay duli iyo bahdilaad ay beryo dugsanayeen. Awood ma sheeganayaan, cidna uma hanjabayaan sida Garsoorka lagu yaqaan. Way baryatamayaan, bulshada ayey u cabanayaan. In runta lala ogaado ayey rabaan. Maxay ka cabanayaan? 
 
1.     Shaqadayadii ma gudan karno, oo faro-gelinta xukumada ayaanu ka shaqayn kari weynay.
2.    Waanu dayacanahay, oo sida madaxda kale, dawladdu nama siiso gaaddiid, amni iyo baxnaano toona.
3.    Maxkamadduhu way dayacan yihiin, oo sida hay’addaha kale ee dawladda, lama qalabeeyo, dhismo looma dhiso. Hawsha uu Garsoorku qabto, iyo kharashka miisanayadda laga siiyaa way kala baaxad badan yihiin.
4.    Dacwaddaha aanu xukunno lama fuliyo, ee waa lanagu diiddaa. Waxaana lana faraa inaanu cid gaara u xukuno iyo in aanu talaabo gaara ka qaadno.
5.    Iyo arrimo kale oo kuwani kasii xajiin badan.

Waar bal hadda daya, arrimahani maaha kuwa ra’yigooda ah, waa arrimo mid kastaba ay caddeynteedii iyo gar-naqsigeedii soo bandhigeen. Qareennadii goob jooga ahaana uga marag kaceen. Waxaa intaasi u soo raacda Telifishankii Qaranka ee ay dawladdu lahayd, ayaa fadeexadda Garsoorka laga faafinayaa. Waa dawlad, Garsoorkeedii fadeexaynaysa. Bal ka warama Garsooraha dadkii uu u gar naqayey ay Telifishanka ka daawanayaan iyadoo la leeyahay caddaalad-darro ayuu xukumaa.

Maxaa ku xigay! Maxaad filaysaan? Qaylo-dhaantii waxay gaadhay madaxweynahii Qaranka. miyuu ka garaabay, muxuu ka yidhi? Maya, umuu garaabin, wuuse tilmaamay. Muxuu yidhi? ‘Annigu Guddida Caddaalada ayaan wax ka dhageystaa, iyaguna waxba iimay soo gudbin. Markaa Garsooreyaashu Guddida cabashadooda ha u soo gudbiyaan oo yaanay saxaafadda ka hadlin.’ 

Arrintu halkaasi ayey ku wacneyd inay ku istaagto. Haseyeeshee, marag-furkii Garsooreyaasha ayaa iskii isku keenay. Waa Wasiirkii ay Garsooreyaashu tusaalaha uga dhigeen faro-gelinta ay xukumaddu ku hayso Garsoorka. Muxuu yidhi? Ma wax kale ayaa u bannaan, wuu u marag-furay, oo muxuu yidhi? 

1.     Waxaan hayaa xukunno badan oo caddaalad-darro ah oo ay xukumeen,
2.    Qaraarradooda ayaan dib u eegaayoo, way iska hor imanayaan.
3.    Garsooraha waa la yaqaan oo waa kii….’
4.    Miyaan sii wadi karayaa dee. 

Toloow Madaxweynahu tana ma in laga soo cawdo ayuu sugayaa? Waa siday tahay. Guddida hala soo maro. Wasiirku ma Maxkamaddii Rafcaanka ama Sarre ee xukunnada Maxkamaddaha hoose looga caban jiraybaa. Halkee ayuu ka keenay awoodda uu xukunnada maxkamaddeed ugu sheegayo kuwo caddaalad-darro ah? Sharcigii ayaa awood u siiyey inuu isku eeggo qaraarrada Maxkamadda oo yidhaahdo ‘Wayska hor imanayaan’? Sidaas ayuu weliba raali-gelin ku helay.

Maxaa ku xigay! Ka dar oo dibi dhal. Hoonbaro libaax bay soo waday. Waa Guddidii Caddaaladda oo afar xubnood ah. Horta guddidu ma afar baa? Mayee waa toban xubnood? Kuwii kale halkay qabteen, Kooramku miyuu buuxaa? Iyagaa ka kooram ah. Afar qof oo kursigooda ilaashanaya ayaa magacii guddida ku hadlaya. Miyuu mid kastaaba iskii u hadlo. Miyaanay ka tirsanayn Garsoorkani meydkiisii meel lagu aaso la garan laayahay. Hadday afkii guddida ku hadlayeen, maxay qof qudha u wakiilan waayeen. Xubnahii kale miyey la qabaan arrimahani mise lama qabaan? Mooyi!

Maxay ku hadleen? Waa afar nin oo mid kastaaba uu xilkani iyo mid kale oo ah xilkiisa asalka ah haysto. Waa Guddoomiyahii Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah. Waa Xeer-Ilaaliyahii Guud ee Qaranka, ahna Xubin kamid ah Guddida Caddaaladda. Waa Agaasimaha Guud ee Caddaaladda, ahna Xubin kamid ah Guddida Caddaaladda. Waa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ahna Xubin ka tirsan Guddida Caddaaladda. Waaba xukumaddii oo jawaabaysa. Saddex kamid ah ayaa xukumadda ka tirsan. Haddaba, maxay ku hadleen?

1.     Garsoorka madax-bannaanidiisu waa markii ay ugu wanaagsanayd.
2.    Garsooreyaashaasi hadlay way gafeen, khalad ayaanay galeen.
3.    Ma jirto wax faro-gelin ah oo ay xukumaddu garsoorka ku haysaa.

Maxay ka yidhaahdeen hadalkii Wasiirka? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen xukunnada uu Wasiirku ku sheegay caddaalad-darrada? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen Qaraarrada uu Wasiirku dib u eegista ku sameeyo? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen dayacnaanta maxkamaddaha? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen amniga Garsooreyaasha ee dayacan? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen gaaddiid la’aanta Garsoorka haysata? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen Garsooreyaasha gaaddiidka dadweynaha la soo raacaa dembiilayaashii ay hore u xukumeen? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen wax ka sheegii Wasiirku uu ku sameeyey Garsoorayaasha? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen fadeexaddii soo noqnoqotay ee Telefishanku Qaranku uu kula kacay Garsoorka? Waxba! Maxay ka yidhaahdeen Maxkamaddahani Gobolka Sanaag, ee uu Badhasaabkii Gobolkaasi qufushay? Waxba! Runtu arrimahani aanay waxba ka odhan ayey ku jirtay. Kuwanaa u baahan inay ka hadlaan oo ay wax ka yidhaahdaan.

Xubnahaasi Guddida Caddaaladdu waajibkii ay xukumadu ku lahayd way guteen, laakiin waxay ku gefeen waajibaadkii Guddida ka saarnaa iyo xilkii ay Garsoorka u hayeen. Taariikhdu way qori doontaa. Waxaa halkii Abwaan Jiheeyee ‘Muraayadu waa shacbiga, Ma-dhaafaan waa sharciga.’

Malaha Madaxweynaha may gaadhine, ramadaantii ina dhaaftay, waxaanu Guddida Caddaaladda iyo Wasaaradda Caddaaladdaba gaadhsiinay warbixin aanu ku diyaarinay 27 Garsoore oo da’yartii lays lahaa waxbay Garsoorka ka badalayaan ah. Waxaanu warbixintaasi ku soo urrurinay caqabadaha hortaagan xoojinta nidaamka caddaaladdeed ee dalka iyo kor u qaadista tayada Garsoorka. Toloow, Madaxweynaha miyey gaadhay warbixintaasi? Haddii ay gaadhay, qayladii habeenkii dhowayd kumay cusbayn ee horeba wuu iskaga ogaa tabashooyinkani. Jawaabtuu bixiyeynaa waxay noqonaysaa is difaac. Haddii kale oo ay tahay sida uu isaguba sheegay in aanay soo gaadhin. Waxaan leeyahay, waa sababta igu keliftay, inaan anniga oo Garsoore ah, qoraalkani aan warbaahinta soo mariyo si ay arrintani u ogaadaan dadweynahu. Waxaan diyaar u ahay, haddiiba sida uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sheegay la igu heli karo qodob anshax-marin ah oo aan ku gefay in Guddida Caddaaladdu in la mariyo. Garsoorahu wuxuu xaq u leeyahay inuu rayi’giisa dhiibto, wuxuu xaq u leeyahay inuu wax dhaliilo, wuxuu xaq u leeyahay inuu wax qoro. Haddii Garsoorka ay warbaahintu ka mamnuuc tahay, iyaga yaa u fasaxay? Mise Garsoorka kama tirsana xubnaha Guddida Caddaaladdu IWM.

Waxaan u arkay haddiiba aan arrintani noocan ah ka gilgilan waayo in mushaharka aan qaranka ka qaataa iga xaaraantimoobayo. Waxaa xubin kasta oo Garsoorka ka tirsan ku waajiba inay ka dhiidhido wax kasta oo Garsoorka ceeb ku ah. Maanta Garsoorku sidani uma bahdilnaadeen, haddii ay sharaftooda difaacayaan. Haddii aanan ilaashan karin sharafta ay shareecadda islaamka iyo dastuurka Somaliland I siiyeen, miyaan ilaalin karaa xuquuqda muwaadinka dhibanaha ama eeddaysanaha ah? Maya, WALAAHI waa maya.

Ilaahay iyo ummadda aanu mushaharka ka qaadanaaba way na arkayaan. Tani ninka u botorinayoow, naftaada been ayaad usheegtay, ilaahayna wuu kaala xisaabtami, ummaduna way kugu inkaari. Guddida waxaan leeyahay:

Masuulnimo waa culays,
Maareeye dhabay rabtaa,
Taariikhduna waa mug weyn,
Xuskeedu ma dhaafto yahay.’
-       Abwaan Ismaaciil Jiheeye

ILAAHAYOOW KELMADDA XAQA AH, AFKAYGA KU SUG.
ALLOOW EEX MA TIRAABINE, AQOON-DARRO HA IGU CADDAABIN.

Cabdishakuur Cali Muxumed
Garsooraha Maxkamadda Gobolka Togdheer
Burco. Togdheer.

No comments:

Post a Comment