Murankan magacaabida Xubnaha Guddiga (Koomishanka)
Doorashooyinka Qaranka (KDQ) waxa bar-bilow u ahaa muranka xukumadda iyo
mucaaradka ee la xidhiidhay kala dirida Guddiga (Koomishanka) Doorashooyinka
Qaranka (KDQ), kaas oo ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka
qabsoomtay 13kii Noofembar 2017-ka. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa 22kii Maarso 2018 ku dhawaaqay
“In ay Madaxweynaha u gudbiyeen qoraal ay
ku soo ururriyeen dhaliilaha doorashadii madaxtooyada iyo gefafkii laga galay
xeerarka diiwaangelinta iyo doorashooyinka.” Guddoomiye Cirro wuxuu ugu
dambayn caddeeyey in Xisbiga WADDANI “Qoraalkaas
uu Madaxweynaha u gudbiyey ku muujiyey in aanu wax kalsooni ah oo uu
doorashooyinka dambe ku qabto ku qabin Guddiga Doorashooyinka, waxaanu codsaday
in guddiga la kala diro oo mid cusub si dhakhso ah loo dhiso.”
Qoraalka uu Xisbiga WADDANI u gudbiyey
Madaxweyne Muuse wuxuu u cuskaday Qod. 14(2) Xeer Lr. 20/2001 oo dhigaya “Marka arrimaha kor ku xusan (asbaabaha xilka
lagaga qaadi karo xubnaha KDQ), waxa Madaxweynahu uu magacaabayaa
guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go,aan uga qaato”. Sidaas darteed,
waxay Madaxweynaha ka codsadeen in uu guddidaas magacaabo kadibna uu guto
waajibaadka ay saarayso faqradda 3aad ee qodobkan oo dhigaysa “Xil ka qaadista Komishanka waxa awood
u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka
qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).
Guddoomiyaha
Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafada la hadlay
isla maalintan uu Xisbiga WADDANI shaaciyey in aanu KDQ ku kalsoonayn oo la
kala diro, ayaa isagu qabay in KDQ aan la kala dirin si ay doorashadu u
qabsoonto. Wuxuu yidhi “’Do not change
your horse at the bottom of the river’ oo macnaheedu yahay ‘adoo webi dhex
socda faraskaaga lama badelo’… Koomishanka WADDANI xubin ayuu ku leeyahay,
annaguna xubin ayuu ku leenahay…hadduu kiisa badelayo xaq buu leeyahay, laakiin
annagu badeli mayno.”
Haseyeeshee, saddex casho kadib 25kii Maarso
2018, Madaxweyne
Muuse Biixi wuxuu labada gole ee baarlamaanka JSL kahor jeediyey khudbad-sannadeedkii
Madaxweynaha ee sannadka 2018-ka. Wuxuu qodobka 9aad ee khudbadiisa kaga hadlay
arrimaha doorashooyinka, waxaanu kaga jawaabay qoraalkaas uu Xisbiga WADDANI u
gudbiyey, waxaanu ku doodday “In KDQ ay
fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. In ay
dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo
waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah
dal iyo dibadba.” Wuxuu sidoo kale isagoo ka jawaabaya dhaliilaha uu
xisbiga WADDANI ku eeddeeyey KDQ yidhi “Waxa
u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen
doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga
ahaa.”
Inkastoo Xisbiga WADDANI dalabka uu u gudbiyey
Madaxweynaha ku xusay qodobka sharci ee ay u cuskadeen, waxa muranka keenay
wuxuu ahaa shuruuddaha xil ka qaadista ee ku cad qodobka Qod. 14aad Xeer Lr.
20/2001 oo ah kuwo aan si cad u qornayn oo laga dhadhansan karo in xil ka
qaadista uu qodobku ka hadlayaa tahay mid shakhsi-shakhsi loogu dabaqayo
xubnaha KDQ oo aanay si cad ugu caddayn kala dirid isku hal mar keliya xil
ka qaadis loogu sameyn karo guud ahaan xubnaha KDQ.
Sidoo kale asbaabta uu Xisbiga WADDANI u
cuskaday dalabka baadhista iyo xil ka qaadista KDQ waxay ahayd mid inta badan
lagu faahfaahiyey cabashooyin ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee 2017-ka, balse
aan mudnaanta la siin shuruuddaha qodobka ku cad oo loo baahnaa in dalabka
noocan ah awoodda lagu saaro sida ay xubin kastaa ugu sifoowday shuruuddaha ku
cad Qod. 14(1) Xeer Lr. 20/2001. Taasi waxay Madaxweynaha fursad u siisay in uu
dulucda muranka ku koobo cabashooyinka doorashooyinka sida uu ku doodday mar uu
ka jawaabayey su’aallo ay saxaafadu weydiisay “Haddii WADDANI cabasho ka qabo Natiijadii Doorashada waxay ahayd in uu
Maxkamadda Sarre u dacwoodo, anniga sharcigu awood iima siin in aan amro in
baadhis lagu sameeyo sidii ay doorashadu u dhacday ama kala dirista KDQ.”
Xukumaddu waxay intii uu murankaasi socday
7-dii Julaay 2018-ka u gudbisay Golaha Wakiillada kadib markii uu
Golaha Wasiiradu ansaxiyey Xeer layskugu geeyey Xeerarkii Doorashooyinka iyo
Diiwaangelinta oo ah xeer isku dhaf ah oo noqon doona Xeerka Guud ee
Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta, Xeerkan oo saddexdii ajende ee ugu dambeeyey
ee Golaha Wakiilada (inta aan ogahay) ku jiray balse ilaa hadda (Muddo sannad
iyo badh ku dhoow) dooddiisa weli lama gudo gelin. Xagga dambe ayeynu ka hadli
doonaa oo uu muranka ka soo gelayaa.
Muddo 10 bilood ah saddexda Xisbi Qaran
murankaas ayey iskaga soo horjeedeen, wax tanaasul iyo heshiis ah iyagoon midna
ka gaadhin, isla markaana Xisbiga WADDANI aanu go’aanka uu Madaxweynahu ku
diidday codsigoodii wax rafcaan ah uga qaadan Maxkamadda Sarre, ayuu KDQ bishii
Noofeembar 2018-ka ku dhawaaqay in aan
Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaannada la qaban karin 28/04/2019.
Golaha Guurtiduna 21kii Jeenawari 2019 ayuu markii 5aad Golaha Wakiillada u kordhiyey muddo-xileedka ku dhowaad
8 bilood oo ka bilaabantay 28/04/2019 kuna eeg 12/12/2019-ka. Xisbi xaakimka
KULMIYE iyo Xisbiga WADDANI ee mucaaradka ahba way soo dhoweeyeen
muddo-kordhinta doorashada Golaha Wakiillada.
Muddo-kordhinta doorashada kadib, wuxuu murankii kala dirista KDQ isku badalay mid awoodda la
saarayo TIRADA XUBNAHA KDQ arrintaas oo ay saddexda xisbi qaran ba ku kala
aragti duwanaayeen.
Xisbiga WADDANI wuxuu doodday in tirada xubnaha KDQ laga
dhigo 9 xubnood oo laba xisbi mucaarad mid ba hal xubin loogu daro,
koomishankan horena la kala diro oo xubno cusub la magacaabo. Xisbiga UCID isna
wuxuu ku doodday in labada xisbi mid ba xubin loogu daro, balse wuxuu kaga
aragti duwanaa in koomishanka la kala diro oo wuxuu qabay in xubnaha KDQ ay
dhammeystaan muddo-xileedkooda oo ay doorashada ka sii shaqeeyaan, xubnaha
cusubna inta la ansaxiyo ay xubnaha hore xilka kala wareegaan marka ay
muddo-xileedkoodu dhammaato. Xisbi xaakimka KULMIYE wuxuu isna ku doodday in
aan Koomishanka la kala dirin, waxbana aan lagu kordhin tiradooda balse xubnaha
cusub la magacaabo oo la ansaxiyo, lana sii shaqeeyaan xubnaha hore KDQ muddada xilkoodu uga
hadhsan, kalana wareegaan xilka marka muddo-xileedkoodu dhammaado.
Muddo kordhintii kadib, kulunno faro badan oo
aan wax isafgarad ah laga gaadhin ayaa socday muddo ilaa lix bilood ah intii uu
muranka cusub ee tirada xubnaha KDQ socday, waxa arrinka soo dhex galay
qaadhaan bixiyeyaasha oo saddexda xisbi qaran ba caddaadis ku saaray in ay
heshiis ka gaadhaan arrimahan ay isku hayaan si aanay doorashadii dib uga
dhicin dhammaadka sannadkan 2019ka.
Heshiiska
Saddexda Xisbi Qaran
Ugu dambeyn, saddexda Xisbi Qaran ee JSL waxay 27-kii
Julaay 2019 ku heshiiyeen shir balaadhan oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada,
oo ay goob-joog ka ahaayeen wufuud ka socotay Midowga Yurub iyo Ingiriiska. Waxay ku
heshiiyeen heshiis ka kooban 8 qodob, oo ah kuwan aan hoos ku faahfaahiyey:
1)
In
xubnihii Guddida Doorashada Qaranka oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9
xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-bedeel iyo kaabis ugu
sameeyaan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr.
20/2002), kaas oo wax ka-bedel lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, Farqada
1aad - a) iyo Faqrada 2aad b) ka hor 8 August 2019.
2)
Mooshinka
waxa gudbinaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha
Wakiillada JSL, kana soo kala jeeda Saddexda Xisbi Qaran.
3)
Xisbiyada
Qaranku waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan
wax-ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska Saddexda Xisbi Qaran, inta ka
horaysa 1 September 2019.
Weli maan fahmin sababta
iyadoo wax ka badelkii lixaad ee ugu dambeeyey ee Xeerka Doorashooyinka
Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada uu dhaqangal yahay kuna soo baxay
Faafinta Rasmiga, Cadadkii 1aad, Lifaaq gaar ah 1aad oo soo baxay 01/04/2017,
heshiiska loogu saleeyey wax ka badelkii afraad ee soo baxay 15/09/2012 – ma
khalad madbaci ahbaa mise waa ku talogal? Nuxur ahaan marka qodobka sharci ee lagu
xusay qodobka 1aad ee heshiiska la eego waxba kuma kala duwana labada wax ka
badel ee xeerka lagu sameeyey, tirada Qodobka oo noqonaysa Qod. 12aad, farqada
1aad - a) iyo Faqrada 2aad b) mooyaane.
6-dii Ogos 2019, sidii saddexdan
qodob ee heshiisku ayaan ayaa loo fuliyey oo waxaa mooshinkii loo gudbiyey
Golaha Wakiillada si ay go’aan uga gaadhaan wax ka badelka uu khuseeyo qodobka
1aad ee heshiisku. Labada xisbi mucaarad uun baa golaha ka soo xaadiray oo
arrintaas u ololeeyey. Haseyeeshee, xildhibaannadii Gobollada Awdal, Sanaag iyo
Sool laga soo doortay ayaa fadhigii Golaha ka baxay iyagoo diiddan in
heshiiskaas uu Golahu ka dooddo, kuna dooddaya ilaa saami-qaybsiga lagu
heshiiyo, in aanay ogolaanayn in lagu heshiiyo in doorasho ay dhacdo.
4)
Haddii wax-ka-beddelka qodobka 1aad ee heshiiskan ay ansixin
waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1September 2019, waxa Saddexda Xisbi
Qaran isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub,
kaddib doorashada.
5)
Magacaabista xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka
sida uu dhigayo Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer
Lr. 20/2002), ee wax-ka-beddel lagu sameeyey 15/9/2012 – Qodobka 11aad, Farqada
1aad iyo 2aad), haddii Golaha Wakiilladu ansixiyo wax-ka-beddelka Xeerka,
xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay noqonayaan 9 xubnood, haddii
Golaha Wakiilladu ansixin waayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay
noqonayaan 7-dii xubnood, sida waafaqsan Xeerka Doorashada, ugu danbayn 1
September 2019.
Mooshinkii ka dhashay heshiiska saddexda xisbi
qaran markii uu ka soo gudbay marxaladdii kowaad ee golaha, waxa uu Golaha
Wakiiladu u fadhiistay 17kii Ogos 2019, waxa ugu fadhigu ku bilaabmay La Taliyahii
Sharci ee Golaha oo fadhiga ka dhex akhriyey tallo-bixintiisii sharci oo isla
markaana go’aamiyey in mooshinkaasi uu jabay, waxaanu ku
sababeeyey ‘In sida ku cad Qod. 43aad ee
Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada aan mooshin la furi karin haddii arrinta uu ka
hadlayo ama mooshinku khuseeyo uu Golahu ka doodday isla kalfadhigaas. Sidaas
darteed, maadaamaa xeerka doorashooyinka ee uu mooshinkani khuseeyo lagaga
doodday dooddii ajandaha kal-fadhiga 40aad, Golahuna ansaxiyey oo uu qodobka
7aad kaga jiro mooshinku waa jabay.” Waxaanu go’aamiyey in la sugo marka
laga gaadho qodobka 7aad ee ajandaha 40aad.
Maxaa se la sugaa ba, fadhiga uu sidan ka
leeyahay ayaa ba noqday fadhigii ugu dambeeyey kalfadhigii 40aad ee Golaha oo Guddoomiyaha
Golaha Wakiillada oo hadalka uga dambeeyey ayaaba ku dhawaaqay in fadhigu uu sidaas ku xidhan yahay,
Golahuna uu fasaxiisii galay. Sidaas ayey 4-ta qodob ee heshiiska ugu
horeeyey ay ku fuleen, waxba se aanay u soo kordhin.
Saddex arrimood oo muhiim ah ayaa loo baahan
yahay in fadhigaas golaha laga soo qaado:
1.
Sharci ahaan sax may ahayn in La taliyaha
sharci ee Golahu uu fadhiga Golaha ka horjeediyo tallo-bixintiisa ku wajahan
mooshinka oo uu weliba go’aan aanay xubnaha golahu waxba iska weydiin karin ka
dhigo. Waxaanay ahayd talaabo uu iskugu gudbayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
oo isaga waajibkiisa ay ahayd in uu tallo-bixinta la-taliyaha sharci xubnaha
ugu gudbiyo fadhiga golaha. Haseyeeshee, La
Taliyahu wuxuu ku doodday in shaqadiisuba tahay in uu fadhiga Golaha tallo ku
lahaado oo ka talo-bixiyo golaha hortiisa. Taasna waxa si cad u qeexaya Qod. 42aad ee Xeer-hoosaadka Golaha
Wakiillada oo faqraddahiisa 4aad iyo 5aad ay dhigayagaan “4. Mooshinka waxa loo gudbinayaa
La-taliyaha sharciga si uu u hubiyo in mooshinku waafaqsan yahay xeer hoosaadka
iyo dastuurka JSL. 5) Gudoomiyuhu marka uu helo jawaabta la taliyaha
sharciga ee ansaxnimada mooshinka wuxuu mudeynayaasha wargelinayaa waqtiga
la bilaabayo dooda mooshinka.” Sidaas
darteed, isaga waajibkiisu wuxuu ahaa in uu Guddoomiyaha Golaha jawaabtiisa u
gudbiyo, Guddoomiyaha ayaa haddii uu ku tallo-bixiyo in mooshinku ansax yahay
mudaneyaasha sidaas ku wargelinaya, wakhtiga dooddana la socodsiinaya. Haddii uu
ku tallo-bixiyo in mooshinku aanu ansax ahayna sidaas Golaha ugu gudbinaya
tallo-bixinta. Sida muuqatay dhacdadani waxay ahayd mid siyaasaddaysan oo sidii
loo qorsheeyey u dhacday.
2. La Taliyaha Sharci midna runtii
bay ahayd oo Qod. 43aad ee Xeer-hoosaadka
Golaha Wakiilladu wuu dhigayaa “lama furi karo mooshin haddii arrinta uu ka hadlayo ama mooshinku
khuseeyo uu Golahu ka doodday isla kalfadhigaas.” Annigu se waxaan aaminsanahay
in dooddii ajandaha kalfadhiga 40aad arrinta laga doodday ay ahayd qodobada
ajandahu ka koobnaanayo iyo sida mudnaanta loo kala siinayo balse aan la odhan
karin arrin ku jirtay qodobada ajandaha ayaa dooddeeda la gudo galay oo waa
laga gudbay, in ay ajandaha ku jirto ayaa ba caddayn u ah in la qorsheeyey in
laga dooddo oo aan weli laga dooddin. Sidaas darteed, Qodobkaasi muu ahayn mid
golaha ka joojinayey in ay ka dooddaan oo ay go’aan ka qaataan heshiiskaas. Golaha
ayaa go’aamin karayey in mooshinkan cusub lala mideeyo mashruuc-sharciga xeerka
ee ajandaha ku jira mar haddii aan weli laga dooddin qodobada xeerka.
3.
Dooddii
ajandaha kalfadhiga 40aad Golaha Wakiillada oo qabsoontay 24kii Juun 2019, waxa
dood ka dhiibtay 4 xildhibaan oo kala ah 1. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil, 2. Xildhibaan Xaamud Maxamuud Cigaal, 3. Xildhibaan Baar Siciid Faarax iyo 4. Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi. Qodobka 2aad ee Ajandaha
kaldhiga ayuu ku jiray Xeerka Doorashooyinku sida ay mudanayaashu ku sheegeen
dooddooda, Xildhibaan Baar mooyee, saddexda Xildhibaan ee kale ba waxay
codsadeen in Qodobka 1aad ee ajandaha laga dhigo. Subaxii xigay ee 25ka Juun 2019 wuxuu
Guddoomiyahu bilawgii ansaxinta ajandaha mudanayaasha ku wargeliyey “Xeerar badan ayaa Golaha dhex yaala, sida aynu u kala hor ansaxinaynaa
maaha siday (ajandaha) u kala horeeyaan ee waa siday u kala diyaarsanaadaan –
kolba kii gacanta noo soo gala ayaa loo codeynayaa. Sidaas ha la ogaado.” Kadibna
waxaa la guda galay in si guud loogu codeeyo ajandaha oo sidaas baa lagu
ansaxiyey, waxa isweydiin leh goormaa Xeerka Doorashooyinka qodobka 7aad ee
ajandaha loo raray? Haddii qodobkii 2aad
ee uu ajandaha kaga jiray aan mudnaanta la siin. Soo jeedintii mudanayaashii
ajandaha ka doodday ee ahayd qodobka 1aad ha laga dhigo aan iyadna waxba
layskaga tirin. Go’aankii uu Golahu ajandaha ku ansaxiyeyna uu noqday kolba xeerkii
innagu soo horeeya uun aynu hawshiisa galno. Maxaa keenay in markii loo soo
gudbiyey mooshin xeerka Doorashooyinka khuseeya la yidhaa qodobka 7aad ee ajandaha
kal-fadhigan ayuu ku jiraa ee ha la gaadho? Maxay se xildhibaannadu uga hadli
waayeen arrimahan xasaasiga ah ee la xidhiidha waajib gudashadooda? Xaqiiqdu waxay
tahay in ay heshiis ku yihiin in ay ka dagaalamaan wixii doorashada lagu
badelayo hawsheeda wada. Xitaa saddexda xisbi haddii ay diyaar u noqdaan in ay
doorashadu qabsoonto, lagama yaabo in xubnaha Goleyaasha Sharci-dejintu ay
ogolaadaan ama meel-mariyaan arrin wax ka taraya doorashada qabsoomideeda. Annigu
iyaga ayaan u arkaa caqabada ugu culus ee u baahan in ay shacabku fahmaan.
6)
Hannaanka
soo xulista xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka waxa loo raacayaa kala horaynta
ku xusan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada (Xeer Lr.
20/2002) ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey 15/9/2012 Qodobka 11aad, Farqada
2aad.
7)
Saddexda
Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida
Doorashooyinka Qaranka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019.
Fadhigii Golaha
Wakiillada kadib, maalmo ayey xukumada iyo mucaaradka midba midka kale uu ku
eeddeeyey in uu heshiiskii ka baxay. Todobaad kadibna waxey ku heshiiyey in
qodobadii heshiiska ee khuseeyey xulista iyo ansaxinta komishanka cusub la
fuliyo, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi isagoo qodobadaas heshiiska ka duulaya
wuxuu 25kii bisha Ogos 2019 qoraal u diray golaha
guurtida iyo labada xisbi mucaarad, isagoo ka dalbaday inay u soo gudbiyaan
xubnaha cusub ee ay u soo xulayaan guddiga doorashooyinka qaranka, “Si
waafaqsan” ayuu yidhi Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Goleyaasha
Deegaanka Xeer Lr, 20/2001.
Muranka
Magaabista Xubnaha Cusub ee KDQ
Sida uu u dhignaa qodobka 6aad ee heshiiska
saddexda xisbi qaran waxay ku heshiiyeen in soo xulista xubnaha KDQ loo raaco
kala horeynta ku xusan Xeer Lr. 20/2001 oo ay liiska ugu horeyso Golaha
Guurtidu. Sida ay saxaafadda iyo xisbiyada mucaaradku ba sheegeen Guddoomiyaha
Golaha Guurtidu horaantii bishii 9aad ee sannadkan ayuu Madaxweynaha u gudbiyey
labadii xubnood ee uu xeerku siiyey soo xulistooda, oo lagu kala sheegay 1.
Foosi Maxamed Faarax iyo 2. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Waxaana la
sheegay in Madaxweynahu uu ku celiyey Foosi Maxamed Faarax oo uu ka codsaday in
ay soo badelaan. Inkastoo aan la hubin sababta dhabta ah ee uu
Madaxweynahu ku sababeeyey in uu xubintan ku celiyo Golaha Guurtida, waxay
saxaafadu ku sheegtay, Foosi laftiisuna uu warbaahinta ka caddeeyey in lagu
eeddeeyey in uu ololahii Doorashada Madaxtooyada u ololeeyey Xisbiga
WADDANI. Haseyeeshee, ugu dambeyn xubinta uu ku badelay ee uu Guddoomiye
Saleebaan u gudbiyey Madaxweynahu wuxuu noqday Maxamuud Daahir Jaamac.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu isna 18-kii
Ogos 2019 gudbiyey xubintii uu xisbigiisu u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ah Xasan
Yuusuf Ducaale. Xisbiga WADDANI ayaa isna gudbiyey xubintiisa oo wuxuu soo
xulay Cabdikariim Yaasiin Sh. Dalmar. Ugu dambeyn, Madaxweynahu markuu
xaqiiqsaday in uu gaadhay ujeeddadii uu ka lahaa qodobkii heshiiska ee kala
horeynta xulista xubnaha KDQ, wuxuu isna liiskii uu Golaha Wakiillada u
gudbiyey 12kii Oktoobar 2019 ku daray magacyada saddexdii xubnood ee uu
xulistooda lahaa oo uu ka kala dhigay. 1.Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah,
2. Kaltuun
Sheekh Xasan Cabdi oo ka tirsanayd guddiga uu xilku ka dhammaanayo ee dorashooyinka
iyo 3. Cabdirashiid
Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo ah siyaasi caan ah.
Isla maalintii uu Madaxweynahu gudbiyey liiska
xubnaha uu u magacaabay KDQ, waxa bilaabmay in xisbiyada mucaaradku ay aad uga
qayliyeen saddexda xubnood ee uu Madaxweynahu magacaabay, Madaxweynahuna
wuxuu jawaabtiisa ku soo koobay dood aanu hore ugu dooddin Madaxweyne ku fadhiya
kursiga uu hadda ku fadhiyo, wuxuu ku doodday“Annagu ba kuwiina wax kamaanu sheegin, kuwayaga waxba ha ka sheegina,
iyo in go’aanka diidmada iyo ogolaanshaha uu iska leeyahay Golaha Wakiilladu oo
isna ku qanci doono wixii ay go’aamiyaan.” Taasi waxay keentay in Xisbiga
WADDANI uu la noqdo xubintii uu soo xulay ee uu hore u soo gudbiyey. Taasi oo
aan sharciga meelna kaga jirin.
Inta aanan u gelin waxa ka jira doodda
mucaaradka ee ah in xubnaha Madaxweynahu magacaabay qaarkood aanay buuxinayn
shuruuddaha uu xeerku u dhigay xubnaha KDQ loo magacaabayo iyo qaabkii ay u
dhacday ansaxintooda Golaha Wakiilladu, waxaan jeclahay in aan tilmaamo dhawr
qodob oo ku cusub magaabista xubnahan cusub ee KDQ.
1.
Ugu horeyn waa markii ugu horeysay intii uu KDQ
jiray ee xubin uu Madaxweyne u magacaabay KDQ lagu murmo in aanay buuxinayn
shuruuddaha uu xeerku dhigayo ama loo tiriyo xisbi ba. Madaxweyneyaashii hore
ee Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyo midna laguma murmin xubin uu u magacaabay KDQ
inta ogaalkayga ah. (Halkan
ka akhri xogta siddeed muran oo hore uga dhashay magacaabista xubnaha KDQ)
2.
In xubinta keliya ee la soo celiyey xubnaha ay
muddo-xileedoodu dhammaatay ee KDQ ay tahay xubin uu magacaabay Madaxweynahu,
taasi waxay iyadna muujinaysaa in Madaxweynahu aanu ikhlaas ka ahayn in si
wanaagsan ay wax u socdaan. Madaxweyne Rayaale iyo Siilaanyo labaduba marna may
soo celin xubin dhammaysatay muddo-xileedkii KDQ. Weliba Madaxweyne
Siilaanyo wuxuu ku celiyey guurtida laba xubnood oo muddo-xileedkoodii
dhammaystay oo ay mar labaad soo magacaabeen, waxana labadaas kamid ahaa
Cabdiraxmaan Dixood oo hadda kamid ah labada xubnood ee uu Golaha
Guurtidu soo xulay.
3.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne aanu
xisbiyada mucaaradka ku celin xubno ay soo magacaabeen isagoo ku dooddaya “Kuwiina waxba kama sheegayee, kuwayaga waxba
ha ka sheegina” halka Madaxweynayaashii hore aanay ka ogolaan jirin in ay
Golaha u gudbiyaan xubin ay u arkaan in aanay shuruuddaha buuxinayn.
4.
Waa markii kowaad ee uu xisbi mucaarad uu la
noqdo xubin uu soo xulay isagoo ka cararaya in uu Golahu ansaxiyo iyadoo uu Madaxweynaha
magacaabistiisa u gudbiyey Golaha Wakiilada.
Xubnaha
Cusub ee lagu muransan yahay iyo Shuruuddaha uu xeerku dhigayo
Todobada xubnood ee la magacaabay afar kamid ah
ayaa lagu doodday in aanay buuxinayn shuruuddaha uu xeerku dhigayo iyadoo mid
walba asbaab gaar ah lagu durayo.
1.
Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) – shaki
kuma jiro in uu yahay siyaasi caan ah, waxaa aad loogu dareensan yahay in aanu
buuxin shuruudda ku cad Qod. 13aad, farqadiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001 oo
dhigaysa xubinta KDQ loo magacaabayaa “In
aanu kamid ahayn urur/xisbi siyaasaddeed, kana madax-bannaan yahay” Cabdirashiid
wuxuu ku jiray Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu hayey xil Wasiirnimo
ilaa 2018 horaantiisii. Waxa la soo bandhigay sawiro caddeeyey in uu ka
qayb-galay shirweynahii xisbiga KULMIYE ee ugu dambeeyey. Su’aasha ugu
muhiimsan waxay tahay Cabdirashiid ma ka madax-bannaan yahay xisbiga KULMIYE? Jawaabtu
waa MAYA sida aan annigu qabo. Fadhigii lagu ansaxinayey Guddida Arrimaha
Gudahu may keenin caddayn uu Cabdirashiid soo gudbiyey oo muujinaysa xiliga uu
Xisbiga KULMIYE ka baxay ilayn isagoo hadlaya oo muuqaal ah oo sheeganaya
KULMIYE ayaa meel walba lagu hayaa ye?
Arrinta
Cabdirashiid waxay la xidhiidhaa kiiskii Maxamed Xaashi Cilmi oo 2-dii Oktoober 2004-tii ay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE si
wadajir ah ugu magacaabeen Maxamed Xaashi Cilmi in uu noqdo xubinta buuxinaysa
booska ka bannaanaaday KDQ oo ay bannaysay xubin geeriyootay oo magacaabeen
lixdii urur-siyaasaddeed ee ugu horeeyey oo aanu ku jirin KULMIYE oo aan
wakhtigaas la diiwaangelin. Madaxweyne Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga
magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku
taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi
isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex u noqon karayn xisbiyada qaranka ama
xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo yar kahor ka qaaday xilkii
Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti xaadirkan aad uga soo
horjeedo xukumada. Ugu dambeyn, Xisbiga UCID ayaa kelidii soo badelay markii uu
KULMIYE tanaasuli waayey. Hadda weliba Maxamed Xaashi xisbiyadaas
magacaabay midna xubin kamuu ahayn, balse kama madax-bannaanayn.
2.
Xubinta 2aad waa Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi
iyada cidna kuma dooddayso shuruud khaas ah oo aanay buuxinayni in ay jirto, balse
waxa lagu dooddayaa in sida wacani ay ahayd in aanu Madaxweynahu soo celin oo
uu isagu ikhlaas ka noqdo arrintan mar haddii dhammaan xubnahan uu wakhtigoodu
dhammaanayaa ay yihiin xubnaha uu ka cabanayey Xisbiga WADDANI, Xisbiga WADDANI
wuxuu ku dooddaya in heshiiska saddexda xisbi uu ahaa in aan la soo celin
xubnahii hore ee KDQ. Inkastoo aanay qodobada heshiiska arrintaasi ku caddayn
qodob kana mid ahayn.
3.
Mustafe Maxamed Daahir waa nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah.
Laba shuruudood uun buu shaki ku jiray siduu u buuxin doono. Labadaas
shuruuduud oo ah da’diisa oo ay u badan tahay in aanu 40 jir gaadhin sida qodobka
13 faqradiisa 2aad ay shardiday iyo in uu yahay shaqaale dawladdeed maadaamaa
uu ahaa Xoghayaha Golaha Wasiiradda laga bilaabo Sebtembar 2018, ilaa haddana
lama caddayn in uu iscasilay. Ansaxinta Golaha CV-giisa markii la akhrinayey lama sheegin
taariikhdiisa dhalashada maadaamaa shuruuddaha ay kamid tahay da’da qofku – xubnaha
kale qaarkood taariikhdooda dhalashada waa la sheegay – balse xubnaha uu
Madaxweynahu magacaabay waxay C.V-yadoodu ka bilaabmayaan waxbarashada oo
taariikhda iyo goobta dhalashada lama sheegin.
Sidoo kale markii Golaha
loo akhrinayey C.Vgiisa lama sheegin shaqadan ugu dambeysay ee uu Madaxtooyada
ka hayey oo waxaa laga bilaabay in uu Child-protection-ka ka soo shaqeeyey
sannadkii 2017-ka. Qoraallada uu soo gudbiyey waxa lagu soo koobay dembi la’aan
iyo baadhis caafimaad. Xitaa in uu iska casilay shaqadii Xoghayaha Golaha Wasiirada
oo illaa bishii Oktoobar gudaheeda cinwaankiisa LINKEDIN
ugu qornayd, balse hadda ugu qoran in uu ka tegay Ogos 2019 oo ah bilowgii
magacaabida xubnaha KDQ. Xitaa iscasilaad hadduu keeni lahaa, sidan u qoran
ayaa caddayn ugu filan in isagoo shaqaale dawladdeed oo weliba Madaxtooyada ka
shaqeeya loo xulay in loo magacaabo xubin KDQ kamid ah.
Arrinta
Mustafe waxay la xidhiidhaa kiiskii ugu horeeyey ee xubin uu Golaha Wakiilladu
ku diiddo xubin KDQ loo magacaabay. Muran
lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY
markii
Madaxweyne Cigaal
(Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka
Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar
2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku
ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha Guurtidu
ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood waxaana loo
baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan.
Asbaabta xubintan lagu diidday
waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka La Taliyaha Sharci oo
uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod. 11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001
(imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017).
4.
Cabdikariim
Yaasiin Sh. Dalmar – waxa lagu sheegay in uu ka tirsan yahay Xisbiga
WADDANI, inkastoo aan inta badan la soo bandhigin caddaymo buuxa oo arrintaas
caddeynaya. Haseyeeshee, haddii ay caddaato isna waxa hortaal shuruudda Qod.
13aad, farqaddiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001. Sidoo kale waxay xubintan ku
sifoowday xubin ku shaqaynaysa awaamiirta xisbiga soo xulay sababtoo isagoo la
magacaabay oo sidaas kaga gudbay marxaladii xulashada ayuu u hoggaansamay
qaraarkii xisbigu ku hakiyey xubinnimadiisa oo aan sharciga meelna ka soo
galin. Taasi waxay muujinaysaa in uu yahay xubin aan ka madax-bannaanayn
xisbiga, waxaanay taasi muujinaysaa in aanu ku sifoobin shuruudda ku cad Qod.
13aad, farqaddiisa 5aad Xeer Lr. 20/2001.
Sidaas darteed, ansaxinta xubnaha KDQ ee
Golaha Wakiilladu waxay ahayd mid aan loo marin hannaankii sharci oo Guddi-hoosaadka
Arrimaha Gudaha ee golahu aanay waajibkii saarnaa u gudan sifo sharciga
waafaqan, isla markaana aanay coddeynta golahu u dhicin si sharci ah maadaamaa sida
muuqatay aan la soo gudbin dhammaan caddaymahii muujinayey in xubnaha qaarkood
ay buuxiyeen dhammaan shuruuddaha uu xeerku dhigayo.
Waxa xisbiyada mucaaradka ah u
bannaan oo keliya in ay go’aanka Golaha Wakiillada ee ansaxinta xubnaha KDQ uga
cawdaan Maxkamadda Sarre ee JSL. Waana qaabka keliya ee loo saxi karo khaladaadka
sharci ee ka dhacay Golaha Wakiillada ama murankan looga gaadhi karo go’aan
kama dambeys ah.
Qalinkii: Garyaqaan
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco, Soomaaliland.
Markii Doorashada Madaxtooyada Somaliland Qabsoontay 2017 waxaa Bilaabmay Saluug Xisbiyada mucaaradka ahi ka muujiyeen guddiga doorashooyinka Taas oo aakhirkii keentay in Markii Mudadoodi dhammaatay bishii September 2019.
ReplyDeleteWaxaa Badhtamihii Bisha October ilaa Bilawga November ay soo magacaabeen Madaxweynaha, Xisbiyada mucaaradka, iyo Golaha Guurtidu Xubno cusub oo Bedela Kuwaasi hore Waxaana, Markiiba waxaa la isku khilaafay Xubin ka mida sadexdii madaxweynaha oo Lana odhanjiray Cabdirashiid Riyo-raac iyagoo xisbiyada mucaaradka ahi ku eedeeyay xubintaas in uu Xisbiga kulmiye ka mid yahay sidaas darteedna aanu noqon karin dhexdhexaad, madaxweynuhuna uu baalmaray xeerka oo aan ogolayn in Xubin xisbi/urur siyaasadeed midna ka mid ahayn.
Lix ka mid ah Xubnaha Cusub ee Gudida Doorashooyinka waxa golaha wakiilada Somaliland Ansixiyeen 12 November 2019
Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo-raac 50 xildhibaan ayaa ansixiyay.
Kaltuun Sh Xasan Cabdi waxa ogolaaday 55 xildhibaan ayaa ansixiyay.
Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood 58 xildhibaan ayaa ansixiyay.
Xasan Yuusuf Ducaale 58 Xildhibaan ayaa ansixiyay.
Maxamuud Daahir Jaamac 55 Xildhibaan ayaa ansixiyay.
Mustafe Maxamed Daahir 58 xildhibaan ayaa ansixiyay.
Maxamuud Siciid sh/ Dalmar
Xubinta todobaad Oo Xisbiga Waddani keenay waxa goluhu ansixiyay 28 January 2020
30 November Ayay Xubnaha Cusub ee Gudida Doorashooyinku Guddoomiye u doorteen Abdirashid Riyo raac
Murankaasina waxa uu gaadhay mar in ay mucaaradka iyo Madaxweynuhu ku heshiiyaan in labadii gudi doorasho kuwii xiligoodi dhamaaday iyo kuwa cusub iyo xubin beesha caalamka ahiba Wada noqdaan gudi doorasho, Inkasta oo Heshiiska laga noqday aakhirkiina waxa la isla qaatay in xubnaha Cusub ee Guddiga doorashooyinka oo uu gudoomiye uyahay Cabdirashiid Riyo-raac oo ahaa Xubintii muranku ka taagnaa.
DeleteMarkii ay qabteen doorashadii Isasaarnayd ee Deegaanka iyo Wakiilka 2021 waxa Muran ka dhex bilaabmay xubnihii Komishanka doorashada Iyagoo soo saaray Qoraalo kala duwan 27 April 2022 Xubno 5 ah ayaa soosaaray wareegto ay ku sheegeen inay xilki gudoomiyaha ka qaadeen Cabdirashiid Riyo raac oo ay xilkii gudoomiyaha u doorteen Marwo Kaltuun oo ahayd inantii kaliya ee ku jirtay guddiga doorashooyinka, Halka Gudoomiye Riyoraacna uu soo saaray jawaab ah inaan warkaas waxba ka jirin oo isagu wali gudoomiye yahay, 10 may 2022 Madaxweynaha ayaa magacaabay guddi baadhis ku soo samaysa khilaafka Gudida Doorashooyinka, halka Gudiduna ay ka biyo diideen Talaabadaas iyagoo Kaga jawaabay is casilaado.
May 31,2022 waxaa is casilay Gudoomiyihii Gudidaas Abdirashid Riyo-Raac.
June 4 ,2022 waxa is casilay Seddex xubnood kala ah:
1- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood
2- Kaltuun Sheekh Xasan
3- Cabdixakiim Siciid Dalmar.
Taas oo keentay in lasoo magacaabo Guddi Cusub oo ah Gudida Haatan Haysa Xilka Gudida Doorashooyinka Qaranka
June 11. 2022 Madaxweynaha Somaliland Ayaa Soo Saaray liiska Xubnaha Cusub ee Gudida Doorashooyinka Somaliland oo kala ah:-
Muuse Xasan Yuusuf Madaxweynaha JSL
Axmed Cismaan Xasan Madaxweynaha JSL
Xuseen Cabdi Cali Madaxweynaha JSL
Axmed Yuusuf Maxamed Golaha Guurtida
Faadumo Ismaaciil Cabdi Golaha Guurtida
Cabdicasiis Xirsi Warsame Xisbiga WADDANI
Ibraahim Aadan Cali Xisbiga UCID
Golaha Wakiilada Somaliland ayIyaguna Fadhigoodi 20 June 2022 ku Ansixiy Afar xubnood Oo ka mid ah Xubnaha Cusub ee KDQ 3 Xubnoodna Diiday
Ibraahim Aadan Cali waxa uu helay 68 cod, GUDBAY.
Axmed Yusuf waxa uu helay 39 cod, HADHAY.
Xussen Cabdi Cali waxa uu helay 45 cod, GUDBAY.
Axmed Cismaan Xassan waxa uu helay 39 cod, HADHAY.
Cabdicasiis xirsi Warsame waxaa uu helay 49 cod, GUDBAY
Muuse Xasan Yusuf waxaa uu helay 33 cod, HADHAY
Faadumo Ismaacil Cabdi waxay heshay 67 cod, GUDBAY
Xubnahaas ay goluhu Diiday Ayaa Dib loogu celinayay 6 September 2022 halkaas oo ay ku heleen Codka Ansixinta kagana mid noqday KDQ.
Xubnaha Cusub ee KDQ Waxa ay udoorteen Gudoomiye Muuse Xasan Yuusuf, waxa kaloo ay Gudoomiye-kuxigeen u doorteen Axmed Cismaan Xasan,sidoo kale Komishanka Doorshooyinku waxa afhayeen u doorteen Cabdicasiis Xirsi Warsame
Respect and that i have a neat proposal: How To Properly Renovate A House complete house renovation
ReplyDelete