Dad aan is aragnay
iyo qaar dibadda igala soo xiriiray intuba waxay shalay iyo maanta aad u hadal
hayaan wareysi Telefishinka Qaranka SNTV shalay laga sii daayay welibana lagu
cel celiyay. Wareysiga waxaa lala yeeshay Xasan Muxudiin Xasan oo lagu tilmaamay
in uu ahaa ninkii fududeeyay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Talaadadii.
Yuusuf Garaad |
Waan fahmi karaa
in ay fursad weyn u tahay weriyaha qaaday iyo Telefishinka laga sii daayay
labadaba, marka loo fiiriyo tartanka saxaafadda. Markaa waan ugu hambalyeynayaa
in ay heleen wareysi ay dadku aad u xiiseynayaan oo aan Telefishin kale heli
karin.
Laakiin ayaa
jirta. Ujeeddada wareysiga laga lahaa, goorta la sii daayay, macluumaadka loogu
deeqay ciddii weerarka abaabushay, muuqaalka guud ee uu bixiyay iyo khatarta ka
imaan karta intaba waxaa ka muuqda khaladdaad aan loo cudur daari karin.
Khaladdaadku ma
ahan kuwo uu mas’uuliyaddooda leeyahay SNTV oo wareysigan sii daayay. Waa
khalad ka dhacay Hey’adaha Amniga, mas’uuliyaddeeduna ay u noqoneyso Dowladda.
Intaas marka laga
soo tago waxaa la yaab noqotay 24 saacadood gudahood markii ninkan la qabtay in
la hor geeyay saxaafadda. Su’aashu waxay noqotay yaa mudnaanta leh in
saxaafaddu ay wareysato iyo in dembi baarayaashu ay wareystaan?
Mise dembi
baarayaasha iyo hey’adaha kale ee amniga ayaa wareysigoodii iyo ka baaraan
degidda wixii daba gal u baahan ay ku dhammaystay 24 saacadood?
Ninkani haddii uu
galay dembiga uu ku eedeysan yahay, yaa damaanad qaaday in marka Telefishinka
la soo fariisiyo aanuu isticmaali doonin hadal maldahan ama sarbeeb ah oo uu
ugu baaqayo ciddii weerarka abaabushay?
Ma laga yaabaa
ninkani in uu farriin maldahan u diray Xarakadiisa? Xataa haddii aanuu isagu
farriin dirin, miyaan wareysigu dadkii abaabulka lahaa fursad wanaagsan u siin
in ay ogaadaan ninkani su’aalaha la weydiiyay sida uu uga
jawaabay? Taas oo u sahli karta in xogta kashifantay iyo midda aan
kashifmin amaba aan la weydiin ay markiiba ogaadaan?
Da’yarta
daawaneysa, wareysigu ma tusay wax ay ka cabsan karaan ama la foolxun oo ay tahay
in ay ka digtoonaadaan? Ninkani wuxuu fadhiyay kuraas dabacsan, cayilan,
qurxoon oo kuwa nasashada ah. Wuxuu gashanaa funaanad cusub oo midabbada
calanka Soomaaliya leh. Waxaana lagu wareysanayaa Telefishin.
Dhanka kale,
xuquuqdiisa shakhsiga ah marka la fiiriyo ninkan ma loo qabtay Qareen la taliya
oo tilmaama?
Anigu saxaafadda
aan aqaan waa ka mamnuuc, in ay guda gasho dacwad aan weli Maxkamaddu go’aan ka
gaarin. Waayo Garsooraha Maxkamaddu wuxuu ka mid yahay bulshada dhegeysata
saxaafadda ama akhrisata ama labadaba. Saxaafaddu waxay saameyn kartaa
fikirkiisa ku wajahan eedeysanaha la wareysanayo.
Marka qof la soo
xiro ilaa ay Maxkamaddu go’aan ka gaarto dacwadda ku oogan qofkaas weriye looma
oggolaado in uu wareysto.
Tusaale wareysigu
wuxuu ninkan ugu yeeray dhagarqabe, wuxuu noo sheegay oo kale in walaaalihiis
ay al Shabaab ka tirsan yihiin.
Bal u fiirso lama
adeegsan ereyga eedeysane ee waxaa lagu tilmaamay dhagarqabe. Waa laga yaabaa
in uu yahay dhagarqabe waxaase dhagarqabe ama dembiile loogu yeeri karaa keliya
marka ay Maxkamadi ku xukunto.
No comments:
Post a Comment