Pages

Thursday, August 9, 2012

MAANSO: MUJAAHID DHIIRRANE


Maansadani Mujaahid Dhiirrane waxaa curiyey Abwaan Muxiyadin Cali Cabdillahi (Xabashi), waxay salka ku haysaa qisadda ay ka hadlayso sheekada gaaban ee Dhiirrane: Mujaahidkii Waashay oo uu qoray Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer). Sheekadani oo ka hadlaysa dhibaatooyinka, abaal ka dhaca, iyo duruufaha haysta Mujaahidiintii SNM ee nafahoogii iyo maalkoogii ba u huray Madax-banaanida Soomaaliland. Waxay tidhi:




Dharaar milicdu kulushahay
Dhulku uu kaliil yahay
Nafluhu na dhammaantii,
Dhirta uu ka hoos galay
Dhabaduu ordaayoo,
Dhanna ugama baydhayn
Dhafoorkiisa gaajiyo,
Dhidid baa ka muuqdoo,
Dhibta iyo xanuunkaad,
Dhinacyada ka aragtaa.

Dhexda wuu ka liicaa
Dhibica iyo roobkiyo,
Kama hooydo dhaxamaha
Waa nin aad u dhilanoo,
Lafo dhererran weeyaan
Dharka wuu ka madhan yahay
Dhabtii wuu caggaagnaa
Kelmad buu ku dhegayoon,
Carabkiisa dhaafayn

“Afweynaan xabaal dhigay
Dhulka waan xorreeyoo,
Waan dhawray diintana
Ummaddana dhammaantood,
Iyagoo hog dheeriyo,
Ku dhacaaya bohol baan,
Dhiiggayga daadshoon,
Gacmahayga uga dhigay”
Dhoolahuu cadeeyoo,
Wuxuuu yidhi:

“Dhammaantood abaal kama dhawree,
Bahalkaan dhaqaajiyo,
Dhurwaagii I cunayaa,
Ii dhaamay annigee,
Ninka dharegsan baw u daran!"

Ilaa dhalashadiisii,
Isagoo dhallaanuu,
Gobonnimo u dhiidhiyey
Wuxuu dhinac ka taagnaa
Dhidibkii xornimadiyo,
Isticmaarkii dhaadhacay
Dabadeed dhankiisii,
Ayuu dheeli-tirayoo,
Dawladdeenii dhalatuu,
Dhab u raacsanaayoo,
Ciidankii dhismaayuu,
Dhinacaa ka soo galay

Markuu joogay dhawr sano
Hantidoo la dhacay iyo
Markii sheekh cilmiga dhiga
Dhalinyarriyo waayeel
La dhirbaaxay maatada
Xilka kay u dhiibteen
Intuu ceel ka dhaansaday
Dhigtay oo ku talax tegay
Dhegta dhiigga wax u daray
Ee geesi dhaatiyo,
Dhoorray la daynayn
Dhiirrane is hayn waa’
Dabadeed dhuumay oo socoy
Wuxuu guuro dheer maro
Oo uu dhawro jaanta ba
Estii buu dhex tegay galab

Dhaqdhaqaaq xornimo-doon
Mar labaad is dhaarsade

Waa geesi dhego nugul
Kama laabto dhimashada
Jaan dhawrka raacdada
Dhirta baadh sidii aar
Dhamacdiyo dabka ba jiidh
Wax kastoo ku dhacaya ba
Wuu u dhabar-adaygaa
Dhaldhalaal qurxooniyo
Ma yaqaano dhaashiga
Dheefaha la quutana
Xabad baa u dhuuniya
Dhuuxisii buu shubay
Dhib kastaa ha gaadhee
Soo dhici xornimo kale

Intuu qaaday dhagaxii
Dhunkay cidii hooyana
Farxad buu la dhaygagay
Dhan kaluu jaleecoo
Naxdin buu dhamaystoo
Ilmaa qoysay dhabanada
Inta wiil dhigiisa ah
Dhiigiisu saydhmee
Hilbihiisa dhuuryiyo
Looga tagay dhurwaagee
Lafihiisa dhuuxeen

Dhismihii dalkeenoo
Aan daar dhalaashiyo
Guri dhumucli taagnayn
Duco dhaafi murugada
Intii dhimatay eebow
Ka dheeree cadaabtoo
Jano aan dhamaanyo
Dhex gee beero dhawrsoon
Dhinac kale haddana eeg
Dhalintii iskuulkoo
Wax u dhiga u baahnayd
Aqoontii ka dharag sii
Kama dhuunto hawshee
Haddba meesha dhiman buu
Dhinaceeda joogaa

Siduu yahay dhamaha awr
Ubadkuu u dhaanshaa
Dhanka kale hadana eeg
Dhudhunka iyo xoogiyo
Lafta dhabarka haysee
Dawladuhu ku dhaataa
Waa ciidan dhaarsane
Dhiniciisa kaga fayl

Wuxuu sugayey dhawr sano
Intii dhimatay waa hore
Ubadkay dhaleeniyo
Dhabarkiyo laxaadkiyo
Dhaayaha intaan hayn
Ururkii dhamaantii
In mar uun la dheehdoo
Laga dhawro hadimada
Oo dhaxal maqnaa iyo
Dhiilkoodu buuxsamo
Talladuu dhisaayiyo
Dhicisow warkiisii

Noshuna dhadhaab iyo
Dhagax iyo bir weeyaan
Ma ogtahay dhaqaaliyo
Dhisme iyo tukaan iyo
Wax la dheefto kama naxo
Dharaarbaa caruurtii
Dhiganaysay barashada
Lagu yidhi na dhaafa
Ama dhiiba lacagtaad
Dugsiga aad ku dhigataan
Ubadkii dhaqaaqyoo
Gurigii u dhaadhace
Dhiiranaa ka xeeyoo
 Iskuul kii dhextagayoo
Barihii u dhigayuu
Warkiisii u dhiiboo
Wuxu yidhi: “Dhagaysoo
Dhagta ii yar raarici
Ilaa maalinkaan dhalay
Dhulka waw u shaqeeyaa
Dheef roona kuma qabo
Anaa dhiibi lacagtee
Ha ii dhigtaane ii daa”
Ku dhamee warkii sii
Waa yahee dhakhso u keen
Dhawr cishaan ku sugayaa
Isna dhaafsay hadalkaas

Dhalandhoolka waayaha
 Isagoo dhibsanayuu
Dhako-faar ka qaadkii
Soo dhaqaajay kaligii
Kolkuu marayo meel dhexe
Dhakhtarkana ku dhawyahay
Gabadh baw dhawaaqdoo
Dhankeeduu jaleecoo
Wadadii is dhinac taag
“Waar Dhiiranow maqal
Agoontii aan dhalay baa
Dhakhtarkani mid yaalaa
Kalyahay mid dhimatoo
Haddaynaan dhakhso u qalin
Xabaal buu u dhawyahay
Dhakhtaradu yidhaahdeen
Lacag baana dhinac taal”

Dhiirranoo jeclaa abid
Dawladeenii dhalataa,
Soo dhiibay oo yidhi:
“Oo miyaanu Dhooleey
Dhakhtar dawladdeed jirin?”
Dhab u sheegtay hadalkoo
“Dhisme dawlo weeyo,o
Maal lagama dhiibee,
Dhayahaa la siiyaa”

Dhiirrane hore u socoy
Dhawr odayna sii raac
Dhakhtarkii daf loo yidhi
Dhiirrane bilaw hadal
“Dhakhtaroow ina adeer
Dhulkaan maanta joogneen,
Xornimadu dhab u taal
Raggii dhaliyey baan ahay
Inan kaa dhul yaal ka ah
Walaaloow, ninkii dhalay
Ma dhex joogo uunkee,
Aakhiruu u dhaadhacay
Oo dhulkeena hooyuu,
Dhigiisii siiyee,
Dhakhtaroow ogsoonoow!
Haddii aanu dhimanoo
Ifka uu dhex joogi laa’
Dhinac uu ka keen ba
Adduunkaa dhammaantii
Wuu dhiibi laa’ garo
Haddaan maal ku dhaamana
Dhana ugama baydheen
Adigaa dhakhtar u ah
Aqoontaad na dheertiyo
Dhudhumaha na siiyo
Dhamee hawsha saaxiib”

Dhakhtarkii wuxuu yidhi:
“Nin Mujaahid dhalay iyo
Dhadigiyo laboodkiyo
Ninkii dhoof ka yimid iyo
Dadweynaha dhammaantii
Dhakhtarkani waw siman yahay
Ama dhiiba lacagtoo
Anna aan dhaqso u qalo
Ama dhaafa meeshoo
Dhawaaqiina iga xidha”

Dhiirraniyo colkiisii
U dhaqaaqe suuqoo
Nin ba dhinac u sii luud
Dhaqaalahii la soo qaad
Dhakhtarkiina lagu noqoy
Wax se dhacay nasiibkee
Dhimay wiilkii goortaa
Dhiirrane warkii maqal
Dhabanada gacmaha saar
Dhidid oo qamuunyoo
Xasuus dheer dib ugu noqoy
Dhigay oo maryaha tuur
Gacal iyo xigaal dhaaf
Ilaa iyo dharaartaa
dhana laguma tirinayn.

No comments:

Post a Comment