Madaxweynahii hore ee
Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin wuxuu 23kii May sannadkii
2008dii soo saaray 22 wareegto oo uu ku kala magacaabay 6 Gobol oo cusub iyo 16
tuulo oo uu u magacaabay degmooyin. Lix sanno kadib, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu
maanta magacaabay hal gobol, iyadoo war-saxaafaddeedka madaxtooyadana lagu sheegay
in gobolkani cusubi uu ka koobnaan doono degmooyinka Sarmaanyo, Xalin,
Carrooley iyo God-aalo. Deggaanadani hore degmooyin umay ahayn, haseyeeshee wareegtada
madaxweynaha waxa lagu sheegay inay degmooyin yihiin, markaa ma kala cadda in
deggaanadani iyagana loo magacaabay degmooyin iyo in loo haysto inay hore ba
degmooyin u ahaayeen!
Ujeeddada qoraalkani
waa in aan tilmaamo in wareegtooyinkaasi ay Madaxweynayaashu ku magacaabeen
gobollada iyo degmooyinka cusub aanay waafaqsanayn dastuurka qaranka iyo xeerka
ismaamulka gobollada iyo degmooyinka Somaliland (Xeer Lr. 23/2002). Ugu horeyn,
waxaynu tilmaami doonaa qaabka sharciga ah ee ay tahay in loo magacaabo gobol
ama degmo cusub kadibna waxaynu tilmaami doonaa sida ay wareegtooyinka
Madaxweynayaasheenu u khilaafsan yihiin dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka
ismaamulka gobollada iyo degmooyinka Somaliland (Xeer Lr. 23/2002).
Magacaabista
Gobollo ama Degmooyin Cusub
Sida ku xusan Qodobka
109 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qaab-dhismeedka dalkani Jamhuuriyadda
Somaliland wuxuu ka kooban yahay gobollo; gobol kastanaa wuxuu u sii qeybsamaa
degmooyin. Dhismaha gobollada, derejooyinka iyo xudduudaha degmooyinka waxaa
lagu tilmaamay xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka (Xeer Lr. 23/2002).
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer) |
Haddaba, sida uu
dhigayo qodobkani, marka loo baahdo wax-ka-bedellida; kordhinta ama yareynta tirada
gobollada iyo degmooyinka ama xudduudahooga waxaa waajib ah inuu iyadoo
sababaysan soo jeediyo Golaha Xukumaddu,
waxaana ogolaanaya Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida. Majiro qodob kale oo
dastuurka kamid ah oo xusaya in Madaxweynahu uu magacaabi karo gobol ama degmo
cusub. Waxaanu qodobkani kor ku xusani inoo caddeynayaa in Golaha Xukumadda oo kooban Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradu uu
awood u leeyahay soo jeedinta, ogolaanshahana ay awood u leeyihiin Goleyaasha
Baarlamanku.
Soo jeedinta Golaha Xukumadda waxaa ka horeeya oo
waajib ah in la buuxiyo shuruuddaha lagu magacaabi karo gobol ama degmo ee ku
xusan qodobka 3aad ee Xeer Lr. 23/2002, kuwaasi oo kala ah:-
1. Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
2. Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.
3. Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay.
4. Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa inay
degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan.
Sida uu
dhigayo qodobka 4aad ee Xeer
Lr. 23/2002, waxaa shuruuddahani qiimeynaysa Wasaaradda
Arrimaha Gudaha iyadoo ka soo saaraysa Xeer-nidaamiye faahfaahsan oo arrimahani
sharaxaya, waxaana ansaxinaya Goleyaasha Baarlamanka (Wakiillada iyo Guurtida)
sida ku xusan Qodobka 109 (3) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidee
ayey Wareegtooyinka ay Madaxweynayaashu ku Magacaabeen Gobollada iyo Degmooyinka
Cusubi u Khilaafsan Tahay Dastuurka iyo Xeer Lr. 23/2002?
Wareegtooyinka lagu magacaabay
gobollada iyo degmooyinka cusubi waxay khilaafsan yihiin habka aynu kor ku soo
sharaxnay ee ay dhigayaan Dastuurka iyo Xeer Lr. 23/2002 in wax lagaga badelo;
lagu kordhiyo ama yareeyo tirooyinka gobollada iyo degmooyinka iyo
xudduudahooga ama lagu magacaabi karo gobollo ama degmooyin cusub.
1. Ugu horeyn,
majiro qodob qudha oo dastuurka ama xeerarka dalka kamid ah oo xusaya in
Madaxweynahu uu awood u leeyahay magacaabista gobollo ama degmooyin cusub.
2. Madaxweynahu keligii
xitaa awood uma laha soo jeedinta magacaabista gobol ama degmo cusub, waxaana
soo jeedinta awood u leh Golaha
Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasi oo sida ku xusan
Qodobka 4aad ee Xeer Lr. 23/2002 ay waajib tahay inay Goleyaasha Baarlamanka u
gudbiso xeer-nidaamiye faahfaahinaya sida ay degmada ama gobolku u buuxinayo
shuruudaha uu dhigayo xeerku.
3. Waxaa waajib ah
in magacaabista gobol ama degmo cusubi ay ku saleysnaato shuruuddaha aynu kor
ku soo xusnay ee uu dhigayo Xeer Lr. 23/2002. Wareegtooyinka Madaxweynayaasheenu
ay ku magacaabeen gobollada iyo degmooyinka cusub midkoodna laguma xusin mid
kamid ah shuruuddahani oo ay gobolladani ama degmooyinkani buuxiyeen.
4. Wareegtooyinkani
waxaa loo cuskaday qodobka 109, faqraddiisa 3aad Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland iyo qodobka 10 ee Xeer Lr. 23/2002. Labadani qodob oo isku nuxur ahi
waxay dhigayaan “Wax-ka-beddelka
tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa soo
jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo
Golaha Guurtida.” Qodobbadani wax magacaabis Madaxweyne la
yidhaa kama hadlayaan, mana dhigayaan inuu isagu awood u leeyahay magacaabista
gobollo ama degmooyin cusub.
Gunnaanad
Lix sanno
ayaa laga joogaa markii uu Madaxweyne Rayaale sidani sharci-darrada ah u magaacabay
6 Gobol iyo 16 degmo oo cusub, ilaa iyo maantana waxay ku shaqeynayaan
miisaanayadii qaranka iyadoo goleyaasha baarlamanku aanay ansaxin. Waxaana runtii
guul-darro aad u weyn ah in Goleyaasha Qaranku ay arrintaasi ku guul-dareysteen
inay sharciga waafajiyaan. Iyaddoo taasi hore ay taagan tahay ayuu maantana
Madaxweynahu ku soo kordhiyey hal gobol iyo afar tuulo oo uu degmooyin ku
sheegay (aanu xitaa si cad u caddeynin inuu degmooyin u magacaabay). Runtii iyadna
waa guul-darro iyo nasiib-darro weyn oo inagaga dhacday dhinaca ku dhaqanka
sharciga. Waana talaabo kale oo lagaga talaabsaday dastuurkii iyo xeerarkii
dalka u yaalay.
Waxaan
soo jeedinayaa in Goleyaasha Baarlamanku ay wareegtooyinkani ku dhaqankooda
deeddafeeyaan isla markaana ay xukumadda ku soo dabaalaan ku dhaqanka nidaamka
sharcigu dhigayo ee wax-lagaga badeli karo tirooyinka gobollada iyo degmooyinka
Somaliland.
ILAAHAY
KHEYRKA HA INNA WAAFAJIYO.
Qalinka:
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Burco, Somaliland
Email: goodlawyer2014@gmail.com
No comments:
Post a Comment