Pages

Friday, July 4, 2014

Khataraha Ku Lammaan Shaqo La’aanta’ – W/Q. Cabdirisaaq Ismaaciil Muxumed

Hordhac:

Shaqadu waxa ay aadamaha ka dabooshaa baahida ku xeeran, dabadeedna niyad ahaan iyo nafsi ahaanba aalaaba waxa uu u dareemaa  kalsooni, caafimaad iyo nolol farxadeed, u horseeda aayo iyo mustaqbal wanaagsan. Shaqo la’aantuna waa dabaysha xooggan ee baahiyahaas daboolka iyo lingaxa ka tuurta, aadamahana ku abuurta niyad jab, werwer iyo caafimaad darro, kuwaas oo gondaha  ugu xidha fakhri iyo cidhibxumo.

Cabdirisaaq Ismaaciil Muxumed
Shaqada iyo shaqo la’aantu waxa ay ku xidhan yihiin is-gedgeddiga dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dal. Marka uu dhaqaaluhu fiican yahay, waxsoosaarka dalka ayaa bata, waxaana loo baahdaa shaqaale badan si loo kordhiyo waxsoosaarkaas, hadday tahay badeecooyin ama adeegyo. Haddii dhaqaaluhu xumaadana tacabka wax soo saar ayaa yaraada, waxaana ka dhalata  shaqo la’aan baahsan. 

Dadku waa tamarta kaliya ee soo saari kara khayraadka dabiiciga ah iyo ka aan ahaynba ee  waddan  leeyahay waxa ay se ku xidhan tahay hadba sida ay u dhaqaaqdo tamartaasi ama loo isticmaalo. Haddaba waxa aan la dafiri Karin xaaladda saboolnimo iyo sixir-barar ee saameeyay dalka Soomaliland in ay tahay ka faa’iidaysi la’aanta muruqa iyo maskaxda dadkiisa.

Shaqo la’aanta

Dawladdaha adduunka mushkiladaha ugu waaweyn ee la soo darsa waxa ka mid ah shaqo la’aanta, saboolnimada, sixir-bararka iyo ka fikirka sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha. Haddaba masiibada ugu wayni waa iyada oo ay bulsho iskugu biiraan shaqo la’aan baahnsan iyo sixir-barar sarreeya, iyada oo shaqo la’aan xad-dhaafi jirto ayaa haddana maciishaddu qaali tahay, xaaladdan adag ee nololeed iyo saboolnimo ayaa sababtay in laga hayaamo dalkeenna hooyo ee Soomaliland.

Bulshada Soomaliland ee ay da’dooddu u dhexayso 15 ilaa 64 ee shaqeeya ama shaqo raadiska ah waxa lagu qiyaasaa 1.6 milyan, taas oo tirada guud ee dadka ka noqonaysa 56.4%. tiradaas 1.6 milyan ah ee shaqaysa 38.5% waxay ku nool yihiin magaalooyinka, halka 59.3% ay dhulalka miyiga ah ku dhaqan yihiin. Marka la isku wada daro, miyi iyo magaalaba, waxa shaqeeya 52.6% oo isugu jira kuwo iskood isku shaqaalaysiiyay iyo kuwa la shaqaleeyay. Sidaas darteed, xaddiga dadka aan shaqayn ee magaalooyinka ku nooli waa 65.5%, halka 40.7% ay miyiga ku dhaqan yihiin, taas oo wadarta guud e dadka aan shaqayn ee dalka oo dhan ka dhigaysa 47.4%.  

Shaqo la’aanta guud ee ka jirta dalku waxay si gaar ah u taabataa dhalinta jaamacaddaha, waxaana lagu qiyaasaa in dhalinyaradu 70% ka yihiin tirada guud ee dadweynaha. Sida lagu sheegay cilmibaadhis ay sameeyeen ururka dhalinyarada ee SONYO, 75% ka mid ah dhalinyaradaasi waa bilaa camal oo wax shaqo ah ma hayaan. Inkasta oo shaqo la’aantu aanay ku koobnayn uun dhalinyarada ee laga siman yahay dhalin iyo waayeelba lakiin shaqo la’aanta dhalin yarada haysataa way ka dhib iyo xanuun badan tahay marka la eego niyad wanaaggii iyo dedaalkii ay muujiyeen si ay uga midho dhaliyaan hammigooda nolosha. Way ka xanuun badan tahay marka la eego saamaynta niyad jabka ah ee ay  ku yeelan karro dhalinyarada kale ee waxbarashada sare ku dhex jira iyo waaliddiintii ku soo tiir iyo tacab beelay labadaba.

Sababaha abuuray Shaqo La’aanta Dalkeenna?

1: Guul darrada Dawladda

Dawladdu waxay masuul ka tahay dhaqaalaha waddanka. Dhaqaalahuna waa laf-dhabarta jiritaanka ummaddaha, aasaaska dawladnimo iyo iftiinka nolosha. Dawladdu waxay dhaqalaha ka ururisaa shacabka, waxaanay ahayd in ay dib ugu celiso shacabka, isla markaasna siyaasaddaha maalgashiga, ganacsiga, beeraha, wax soosaarka, iyo waxbarashadu, waxay noqon lahaayeen kuwo tayaysan oo abuura fursado shaqo.

Fakhriga, gaajada, jahliga, musuqa, qabyaaladda, shaqo la’aanta, horumar la’aanta, wax soo saar la’aanta. Caafimad darrada, dhaqaale xumida dhammaan waxa ka masuul ah dawladda,

“Kuwa talada maamulahayee taabna hidin waayay
Oo aan mujtamicii tusayn tii u ku hagaago
Oo tooda keliyuun watoo tarandacoo seexday
Oo waxa islaamnimadu tahay taababka u gooyay
Iyana waa tabaalaha adduun taynnu aragnaaye.”  – Af-gallooc

Ummaddeennu way dadaaleen wixii karaankooda ahna way qabteen, waxa se meesha ka maqan waxqabadkii dawladdeed. Waxay xukuummaddu ka gaabisay  in ay abuurto barnaamijyo shaqo-abuur ah si loo yareeyo shaqo-la’aanta haysata bulshada.

 Ardayda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare dhigata marka la isku wada daro guud ahaan waxay noqdeen 210,000 arday, waxaana dugsiyada sare dhammaystay 5649 arday,  kuwa iyaguna dhigta jaamacadaha guud ee dalka marka laysku daro waxay noqdeen 27,000 arday, waxaana sannadkaas dhammaystay 6649 arday, halkee ayay ku danbaynayaan haddaba jiilashaas faraha badan ee  maskaxdooda cusub u baahan in laga faa’iidaysto loona faa’iideeyo? Waa wada bilaa camal runtii maanta waana xooggii dalka oo waa wada dhalinyar, dhalinyarta Soomalilaand ee da’dooddu ka yartahay soddon jirka waxa lagu qiyaasaa 65%, dal maanta intaas oo dhallina haystaa uma baahna wax kale. Dhalinyaradu waa awoodda dhaqaajisa horumarka dal, waa madaxdii burrito ee dalka. Runtii waxay dawladdu ka gaabisay inay inay wax shaqo abuur ah u samayso dhalinyaraddaas kana faa’iidaysato xooggooda cusub si dalku horumar u gaadho.

2: Manhajkeenna Waxbarashada

Manhajkeenna Waxbarashada ayaa isna u sabab ah shaqo-la’aanta iyo dib u dhaca waddankeenna ka jirta. Manhajkeenna waxbarashadu maaha mid soo saara arday aqoon iyo xirfad leh oo iskood isku shaqaalaysiin kara, maaha mid dhiirri geliya horumarka waddankeennna iyo dadkeena, kuma salaysna hadafkii maanta  bulshadu ka duuli lahayd,   manhajkeennu waxa uu soo saaraa arday in yar oo afka ingiriisida taqaan iyo in yar oo xisaab ah. Manhajkeenna waxbarashadu waxa uu ardaygii ku tarbiyaddeeyaa  in uu wax qaybo, sidaa daradeed qofkaasi ma noqonayo mid bulshada wax ku kordhiya oo wax soo saara bal se waxa uu soo kordhiyaa qof xaafid ah oo aragtiyo kale oo aan waxba dan uga ahayn maanka ka buuxsaaday.

Nidaamka Manhajkeennu u dejisan yahay maaha mid waxtar u leh ardaydeenna oo si toos ah ugama turjumayo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee ka socda iskuulka dibaddiisa. Halkii ardaygeenna la bari lahaa xirfado farsamo oo ay ku shaqaystaan dalkoodana wax ugu soo saaraan. Waxa kale oo jirta isdiiddooyin ka jira aqoonyahannada aynnu u baahannahay iyo kuwa uu manhajkeenu soo saaro.

3: Wax soosaar la’aanta

Marka uu waddankeenna nolol maalmeedkiisu ku tiirsan yahay mid debada laga soo dejinayo waa wada shaqaale dhammaan shirkadaha ganacsatadeennuna, waxaanay u shaqeeyaan shirkadaha ajaannibka ah oo ah kuwa ay wax ka soo gadato. Waana sababta ay bulshadeennu isu dhigatay waxna kula soo bixi wayday.. Shirkadaheennu waxay doorbideen in agab ama maciishad waddanka laga heli karo ay soo dhoofsadaan,. Iyaga oo weliba dalabkoodaasi kor u qaadayo dhaqdhaaqa dhaqaale ee waddamada shisheeye ee alaabta laga soo iibsanayo, halka uu waddankeenna istaajinayo wax soosaarkiisa dadkiisana hoos u dhigayo maskaxdii ay ku fikiri lahaayeen.

Wax soo saarka waxa kor u qaaada dhaqdhaqaaqa ganacsi ee waddanka gudihiisa, dhaqdhaqaaqa ganacsina waxa saamayn ku leh siyaasaddaha dawliga ah ee ku waajahan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka. Haddaba shaqo la’aanta ka jirta waddanka waxa u sabab ah xeerarka iyo siyaasad la’aanta dawladda ee lagu samaynayo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee waddanka. Dhinac kasta oo laga bilaabo, tusaale ahaan kor ama hoos, waxa maanta la isku raacsan yahay in ummaddii aan lahayn xeerar negi iyo xuduudo anshax oo aan laga tallaabi karin nidaamkoodda dawliga ahi noqdo mid ku salaysan laaluush, musuqmaasuq iyo isdabamarin; hab-dhaqanka sharikaddoodu wuxu noqdaa kuwo aan u nixin dad iyo bey’ad toonna ee ka fikira jeebkooda shakhsiyaadkuna waxay noqdaan kuwo sidii duurjoogtii siday u kala xoog badan yihiin isu ugaadhsada.

 “Haddaan saracu taam noqon, ummadi ta’akhur weeyaane
Waxba kuu ma taro raashinaad debed ka tuugtaaye
Turaabka iyo ciiddaba kuwii tamarta loo siiyay
Iyagoon wax tarin bay dadkii tahan luggooyeene
Iyana wa tabaalaha adduun taynnu aragnaaye” –Af-qallooc

Bal u fiirso heerarka sannadihii u danbeeyay uu kala marayay agabka debada lagala soo degayay miyuu kordhay mise waa is dhimay?. Mayee wuu kordhay! bartaas ayay haddaba ayaan darradu ka taagantahay

Jaadka Shayga
Lala soo degay2010 (tan)
 Lala soo degay 2011(tan)
Lala soo degay 2012 (tan)
Cunto
399,966
430,577
417,978
Baabuurta iyo qalabkooda
16,942
17,646
15,722
Qalabka dhismaha
202,722
252,179
205,728
Dhar
20,514
13,792
10,861
Sigaar
6,872
9,225
9,011
Sabuun
9,993
11,592
9,148
Ashyaada kale
128,988
176,598
197,715
Tixraac: dekadda Berbera

Khataraha ku lamaan shaqo la’aanta

Shaqo la’aantu waxay ragaadisaa dhaqaalaha, waxay dhibaataysaa bulshada dalka. Shaqo la’aani markay jirto waxa laga fa’iidaysan waayay muruqii iyo maskaxdii, waayo waa la abuuran karaa kartidii iyo afkaartii dadku ay waddankooda wax ugu soo saari lahayeen.

1992 kii ayaa jaamacadda Utah ee dalka Maraykanka lagu sameeyay cilmi-baadhis lagu helay saamaynta ay yeelan karto shaqo la’aantu. Mary Merva oo ah dhaqaaleyahanad ka tirsan jamacada Utah ayaa cilmi-baadhistan horkacaysay ayaa soddonka magaalo ee ugu waaweyn dalka maraykanka intii u dhaxaysay 1976kii ilaa 1990kii. Cilmi-baadhistaana waxa lagu helay haddii 1 % shaqo la’aantu korodho in ay keenayso dhibaatooyinkan:

·         Fal-danbiyeedyo ayaa kordha boqolkiiba 6.7 ama in ka badanba.
·         Dhibaatooyinka cilmi nafsiga iyo waallida ayaa korodha boqolkiiba 3.1 ama in ka badanba.
·         Xunuunnada wadnaha ku dhaca ayaa kordha boqolkiiba 5.6 ama in ka badanba.
·         Isbiimaynta ayaa kordha boqolkiiba 3.9 ama in ka badanba.

Marka aynnu qodobada cilmi-baadhistan ka soo baxay u eegno dalkeenna waxaynnu qiraynaa inay tahay cilmi baadhis sax ah.

·         Fal-danbiyeedyada ka dhaca waddanka soomaaliland tirakoobkii lagu sameeyay 2013kii waxa lagu qiyaasay 21,278 danbi. Oo isugu jira Dil, Shil baabuur, xatooyo iyo caruuro la tuuray.
·         Dhibaatooyinka waallida: iyadna waa mid ku sii badanaysa maanta dalka guud ahaanba, cilaajyada waddanka harqiyay tirada dadka ku xidhan malayn maysid inta suuqyada xaabaysa iyagoo heeryada dhigtay ka daran, inta sida kale u xanuusanaysa iyana xadkay ka baxday, wax kalena maaha sida lagu weriyo waxa sababay waa camal’laanta
·         Tahriibka: sannaddadan danbe tahriibtu waxay ka baxday xadka waxaanay u badanyihiin dhalinyarada aynnu soo sheegnay ee bilaa camalka ah oo kolkay waayaan wax ay qabtaan isku biimaynaya badda naftoodana khatarta gelinaya.

Shaqo la’aantu waa dhibaato sababtoo ah dadka gaar ka mida bulshada ee shaqo la’aantu haysato ma helayaan dhaqaale, taasoo ka dhigaysa sabool aan nolol maalmoodkoodi la soo bixi karin. Marka shaqo la’aantu ay badan tahay kuwa shaqo la’aantu haysto waxay cadaw la noqonayaan dawladda oo ay u eersanayaan xaaladaa shaqo la’aaneed ee ay ku jiraan, iyagoo u sababaynaya siyaasad xumida masuuliyiinta wadanka haysta. Markay xadka ka baxdo shaqo la’aantu sida imika wadankeena ka jirta haddii aan wax laga qaban waxa laga yaabaa in uu dhaco khalkhal siyaasadeed, mudaharaado iyo kacdoono dawladda lagaga soo hor jeedo kadibna amnigii wadankuna faraha ka baxo.

Gabagabo

Mushaakilaadkan shaqo la’aantu keentay ee ummaddeenna haysata waxa aynnu kaga bixi karnaa haddii seddexdan shay ka fa’iidaysanno, sideedaba dawladi raasamaalka u way nee ay  haysataa waa dadka, dhulka iyo wakhtiga . Haddii aynnu ka fa’iidaysanno dhulkeenna waxa gudihiisa iyo guudkiisa yaalla ama baddiisa iyo berrigiisa ku jira, ummaddeennu waa ka baxaysaa darxumada iyo saboolnimada ay ku jirto. Haddii aynnu ku xisaabtanno wakhtigeenna oo qorshaynno kuna astaynn waxanu qaban lahayn waynnu horumaraynaa. Dadku waa raasamaalka ugu qaalisan ee dal haysto, haddii aynnu isku dayno in aynnu soo saarno aqoonyahannada aynnu u baahannahay, ama dad leh cilmigii iyo aqoontii aynnu wax kula soo bixi lahayn, waa hubaal in aynnu isku fillaansho gaadhi lahayn. Haddii aynnu ku dedaalno in aynnu dhisno. Nidaam dawladdeed oo dhisan iyo shacab isku xidhan, oo aynnu yagleeello siyaasad-dhaqaale oo dheellitiran, waa hubaal iyaduna in  aynnu kobcinaynno dhaqaalaha dalkeenna Soomalilaand oo aynnu helayno dhiirigelin iyo  waxsoosaar dhakhliga dalkana kor u qaadi doonno si aynnu uga baxno duruufaha innagu xeeran ee shaqo la’aaneed iyo dhaqaale xumo.

Tixraac:
·         Irvin B. Tucker: (2005). Macro Economics for today.4th edition. Thomson: SOUTH-WESTERN.
·         Saciid Cali Shire: Dhambaal: daabacad gaar ah.
·         Saciid Cali Shire: Maan-hadal: daabacad gaar ah.
·         Hannaanka dhaqaalaha Islaamka. Sh. C/Qani Xuseen M’ed. July 28, 2011.

·         WARBIXIN: Tiro koobka Fal-dembiyeedyada Somaliland ka dhacay Sannadka 2013. MACHADKA CILMIBAADHISTA EE WEEDHSAN.

No comments:

Post a Comment