Pages

Monday, September 17, 2018

Qaybtii 2aad Intii ka Hadhsanayd: Lafogurka Sharci ee Xeerka Kufsiga (Xeer Lr. 78/2018)

GARYAQAAN CABDISHAKUUR

Qaybtii hore ee qaybtan 2aad waxaan ku lafo-guray noocyada kala duwan ee fal dambiyeedka kufsiga oo kala ahaa: 1. Kufsiga caadiga ah 2. Kufsi wadareed ama kooxeedka iyo 3. Kufsiga xadgudubka ah. Qaybta 2aad qaybteedan dambe waxaan kaga hadlayaa falalka xidhiidhka la leh xadgudubyada ama fal dembiyeedyada galmada ee xeerkan kufsiga ku jira.

1.   Qodobka 7aad: Ka Faa’iideysi Galmo (Sexual Exploitation): “(1) Qof kasta oo isagoo ujeedadiisu tahay in uu hantiyo macaash lacageed, bulsheed, siyaasaddeed ama faa'iido kale si ula-kac ah: b) Ku qasba ama ku kalifa qof in uu la sameeyo cid kale fal galmo ah; ama t) Ku qasba ama ku kalifa qof in uu gacanta u galo cidkale oo ka leh ujeeddo uga faa'iideysi fal galmo; ama j) Maalgaliya ama iska leh ama maamula ama kireeya goob ama hoy lala tago qofka loo soo qasbay si loogula kaco fal galmo ah; ama x) U safriya ama tahriibiya qofkale gudaha ama xudduuda Jamhuuriyadda Soomaaliland si uu ugaadho ujeeddo ka faa’iideysi fal galmo; ama kh) si qaldan u isticmaala xaaladda nugulnimo ama durruuf dhaqaale bulsheed ee qof kale , ama  ku tagri fala meeqaam awoodeed ama  aaminaadeed  si uu qofkaasi  kale uga gaadho ujeeddo ka faa'iideysi fal-galmo.waxa uu galay fal dambi  ka-faa’iideysi fal-galmo, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya toban ilaa shan iyo toban  sannadood.

Madmadowga ku jira qodobka: Qodobkani waa mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan isla markaana loogu baahida badnaa ee ku jira xeerkan cusub. Waxa uu dembi ka dhigayaa in laga macaasho ama laga ganacsado galmada. Tiirarka uu fal dambiyeedkani ku dhisan yahay waxaa ugu weyn in la caddeeyo ujeeddada uu eeddaysanahu fal dambiyeedka u galay in ay ahayd in uu hantiyo macaash lacageed, bulsheed, siyaasaddeed ama faa’iiddo kale.

Macaash lacageed waa kelmad macnaheedu cad yahay balse waxa aan caddeyn oo isla markaana aanu xeerku qeexin macnaha uu xeerku u adeegsaday macaash bulsheed ama siyaasaddeed. Lama garan karo falalka ku sifoobi kara macnaha labadan kelmadood ilaa la qeexo. Haseyeeshee, marka la raaco kelmada ka dambeysa ee ah ‘ama faa’iiddo kale’, waxaa laga fahmayaa in loo baahan in la caddeeyo in ay jirto dan uu eeddaysanahu ka leeyahay ama ugu jirta galmada uu qofka dhibanaha ah la samaynayo qof kale.

Waxa kale oo iyadna u baahan in la fahmo in qodobada 4aad, 5aad iyo 6aad ee Xeerku ay khuseeyaan noocyada kala duwan ee kufsiga oo ah fal dambiyeedyo ka dhasha galmo xaaraan ah oo dhex martay laba dhinac – 1) dhinac u galmooday 2) dhinac kale oo aan raali ka ahayn. Qodobkan 7aad ee ka faa’iideysiga galmadu wuxuu khuseeyaa ugu yaraan saddex dhinac – 1) dhinac ka faa’iiddey galmo xaaraan ah oo dhex martay laba dhinac oo kala ah 2) dhinac uu ku khasbay ama ku kelifay in uu galmo la sameeyo 3) dhinaca kale ee qofka loo khasbay ama gacanta loo geliyey oo ay faa’iiddadu ku xidhan tahay.  

Qofka qodobkan lagu eeddaynayaa waa qofka ka faa’iiddaya galmo ka dhex dhacaysa laba qof oo kale.  Labada qof ee ay dhex marayso galmadan xaaraanta ah mid qodobku dhibane ayuu u aqoonsan yahay oo waa qofkan la khasbay ama lagu kelifay galmada, balse halka uu qodobku ka fool-xumaaday waxay tahay in aanu dembiile u aqoonsanayn qofkan kale ee uu falka dhan ba dartiis u dhacayo ee loo adeegayo ama macmiilka ah isla markaana ah qofka galmada ku kacaya.

Bal aan qodobkan kaga gudbo tusaale kooban oo ka tarjumaya sida qodobkan iyo xeerkan ba aanay wax badan uga qabanayn aafooyinka galmada xaaraanta ah ee ka ganacsiga galmada.

Tusaale ahaan, ganacsade caan ah oo maalqabeen ah ayaa wiil dhallinyar ah oo in muddo ah bilaa camal ahaa ka shaqaaleysiiyey mid kamid ah shirkadahiisa. Wiilkan dhallinyarta ah shaqo la’aantii iyo busaaradii uu muddada dheer ku jiray waxay ku keentay cilad shakhsiyaddeed oo ah in uu si kalsooni-darro ah ugu khidmeeyo odayga uu u shaqeeyo isagoo ku deddaalaya raaligelintiisa wax kasta oo ay ku qaadato, si aanu mar dambe bilaa camal u noqon. Taasi oo gaadhsiisay heer uu odayga oo shabeel naagood ah uu u soo shukaamiyo una soo xero geliyo gabdhaha yar-yar ee ciyaalo iskuulka ah ama jaamacaddaha ku jira ee ay da’doodu tahay 20 jir ilaa 25 jir. Marka uu hawshaas qabanayo wuxuu kaxeystaa baabuurta odayga kuwooga ugu bilicda roon, isla markaana wuxuu odaygu siiyaa lacag intii uu u baahdo. Wiilkan dhallinyarta ah intaas ayuu u arkaa faa’iiddo iyo maslaxad uu odayga ku qabo oo uu kolba gabadh yar gacanta ugu soo geliyaa isagoo aan khasbayn balse ku qancinaya oo iyadba ay sidiisa oo kale faa’iiddo u aragto ku xidhnaanta odaygan lacagta badan ee ay gacantiisu furan tahay. Sidaas baana loo kala muraadsaday oo ay muddo hawshooda ku socotay ilaa uu odaygu weji cusub u baahday.

Saddexdaas qofba shareecada marka loo eego waa dembiilayaal shareecada Islaamka ku gefay isla markaana ku kacay fasaad iyo galmo xaaraan ah oo weliba ka faa’iiddeysi iyo ka ganacsi galmo lagu tilmaami karo. Haseyeeshee xeerkani dembi kama ba dhigayo sababtoo ah waa lays ogol yahay oo raali ayaa layska yahay oo cidna lama khasbin lama na kelifin. Haddii wiilka dhallinyarta ah uu gabadha yar soo khasbo oo uu odayguna ka muraadsado. Qodobkani wiilka oo keliya ayuu qabanayaa ee odaygaa hawshaba u aabbaha ahaa wax ba loo raaci maayo.

Waxa dhici karta in dhowaan dhacdadan oo kale, markhaati loo qabsado odaygaas oo kale marka qodobkan lagu qaadayo dayuuskan yar oo kale oo gabadh yar oo miskiin ah u soo khasbay odayga markhaatiga ku furaya laftiisa – xeerka ayaa sidaas ogol oo weliba lagu dooddayaa in uu shareecada waafaqsan yahay isla markaana ay muwaadiniintu u siman yihiin ciqaabtiisa. Lama sheegin waxa ka dhignaan kara iskudayga fal dambiyeedka uu qodobkani jidaynayo, runtii annigu ma fahmi karo waxa uu noqon karo balse waa awood ikhtiyaari ah (discretionary power) oo garsooraha loo siiyey in uu xukumo wixii uu iskuday u fahmo ama uu iska dayn karo haddii uu ku qanci waayo.

2.      Qodobka 8aad: Ku Xadgudub Jinsi: “(1) Qofkasta oo ay ujeeddadiisu tahay kicinta  ama  qancinta dareenkiisa jinsi  ama dareenka jinsi ee  qof kale,   si u la kac ah - b ) u fara fareeya jidhka  qofkaasi kale oon ogolayn falkaasi, ama qof  kaas kale oo ah cid  aan awoodin bixinta ogolaansho; ama t )  ugu  qasba qofkaa kale in uu isaga/iyada fara fareeyo; ama j ) ugu qasba cidaa kale in ay is faro fareeyso; Waxa uu galay fal dambi  ah ku xad gudub jinsi, ,waxaana uu mutaysanyaa xadhig ciqaab  u dhaxeeya hal  ilaa saddex Sannadood.”

Madmadowga ku jira qodobkan: qaab-qoraalka qodobku si cad ayuu u qoran yahay, kelmada “fara fareyn” ee uu fal dambiyeedkani ku dhisan yahay wuxuu qodobku ku qeexay; “in qof uu dhunkado, soo qabsado ama isku dhajiyo, ku tiiriyo ama isku xoqo, salaaxo ama tuutuujiyo jidhka ama xubin ka mid ah jidhka qofka kale.”

Waa fal-dembiyeed uu nuxurkiisu cad yahay. Shareeco ahaan malaha ciqaab xad ah balse waa dembi dhaqan xumo ah oo ay bannaan tahay in xukun tacsiir ah lagu ciqaabo qofka ku kaca. Haseyeeshee, fal dambiyeedku wuxuu ku kooban yahay fara fareynta jidhka ee qasabka ah oo keliya oo ma qabanayo dadka iyagu is ogol oo xeerku uma arko xadgudub jinsi fara fareynta laysla ogol yahay marka laga reebo fara fareynta carruurta ay da’doodu ka hooseyso 15 jirka oo uu waalidku u qabsan karo cida falkaas ku kacda.

Waxa uu muran ka dhalan karaa isku dayga xadgudubka jinsi sababtoo ah xeerka laguma qeexin, mana cada falalka noqon kara iskuday fara fareyn qof. Waxay u badan tahay in ay dhici doonto in qodobkan loo cuskan doono qof kasta oo loo fahmo in uu rabay in uu dhunkado, qabsado, isku dhejiyo, ku tiiriyo, isku xoqo ama tuujiyo jidhka qof kale balse ay u suurtogeli weyday. Waxa se shardi ah in la caddeeyo in ujeeddadiisu ay ahayd kicinta ama qancinta dareenkiisa jinsi ama dareenka jinsi ee qof kale oo uu isla markaana ka badheedhsanaa oo uu si ula kac ah iskugu dayey in uu falkaas ku kaco.

3.      Qodobka 9aad: Guur Qasab ah: “(1) Qof kasta oo, b) ku xadgudba shurruudaha sharci ee ogolaanshaha ama raali ka ahaanshaha aasaasiga u ah guurka ee ay dhigayaan Shareecad Islaamka iyo Xeerarka dalku ee si xoog ama qasab ah ugu guursada qof haween ah; ama t) fududeeya ama qaban qaabiya ama meel mariya guur isagoo aan xaqiijin ogolaanshaha mid ka mid ah ama dhamaan dhinacyada guurku khuseeyo sida ay dhigayaan shareecada islaamka iyo xeerarka dalka. Waxa uu galay fal dambi Guur Qasab ah, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood

Madmadow ku jira qodobkan: Qaab-qoraal ahaan wuu cad yahay fal dambiyeedka uu qodobku qeexayo iyo tiirarkiisu ba. Faqradda 1aad, xaraf-faqraddeedka (b) wuxuu fal-dembiyeed ka dhigayaa in si xoog ama khasab ah lagu guursado haweenka, waana fal dambiyeed ay aasaasi u tahay shareecada Islaamku oo ay shardi tahay in la caddeeyo in xoog ama khasab uu jiray isla markaana aanu guurku ku dhisnayn ogolaanshaha iyo raali ka ahaanshaha dhinaca haweenayda ama waligeeda.

Hadday arrintu tahay in haweenayda la guursaday ay raali ka ahayd guurka balse waligeedu aanu raali ka ahayn isla markaana aanu jirin xoog ama khasab, waxay noqonaysaa in uu meesha ka baxayo mid kamid ah tiirarka uu fal dambiyeedku ku dhisan yahay oo aan lagu dabaqayn fal dambiyeedkan. Shareecada Islaamkuna waxay raali ahaanshaha waliga ama qoyska gabadha ku xidhiidhisay ninka diintiisa iyo dabcigiisa, waxaanay ka digtay in labadaas wax aan ahayn nin loogu diiddo gabadh. Rasuulku SCW wuxu yidhi: “Hadduu idiin yimaado nimaad ka raalli tihiin diintiisa iyo dabcigiisa u guuriya, haddaydan sidaas yeelin waxaa dhacaysa fidno arlada gudaheeda ah iyo fasahaad weyn” (At-Tirmidi 1084, Ibnu Maajah 1967).

Xaraf-faqraddeedka (t) wuxuu qabanayaa dadka kale ee fududeeya ama qaban qaabiya ama meel mariya guur iyagoo aan xaqiijin ogolaanshaha mid kamid ah ama dhammaan dhinacyada uu guurku khuseeyo sida ay dhigayaan Shareecada Islaamka iyo Xeerarka dalku. Laba nooc ayuu fal dambiyeedkani iskugu jiraa – kuwaas oo kala ah 1) in dhinac loo fududeeyo, qabanqaabiyo ama meel mariyo guurka iyadoo aan la xaqiijin raali ahaanshaha dhinaca kale ee uu guurka khuseeyo iyo 2) in iyadoo aan dadkii uu guurku khuseeyey raali ahaanshahooga la xaqiijin ay dad kale qaban qaabiyaan guurkooda.

Sidaas darteed, marka hore waa fal-dembiyeed gacan-siin ama gargaarid ah oo fal dambiyeedka hore ee xarafka b) ku cad lagu gargaarayo ama lagu kaalmaynayo, waxaanu qabanayaa cid kasta oo qayb ka ahayd qabsoomida guur xoog ama khasab ku yimid sida waddaadka wax meherinayey oo kale xitaa haddii aanay ogayn in xoog ama khasab uu jiro sababtoo ah waxaa keliya ee la caddeynayaa waa in aanay xaqiijin ogolaanshaha iyo raali ahaanshaha dhammaan dhinacyada uu guurku khuseeyo ee ay Shareecadu waajibisay in raali ahaanshahooda la xaqiijiyo. 

Marka labaad, waxa soo galaya guurka ay laba qof waalidkoodu qaban-qaabiyaan iyagoo aan xaqiijin raali ahaanshaha labada qof ama midkood. Shareecadu way ogoshahay in waalidku ay qaban-qaabiyaan guurka qofka ay waalidka u yihiin gaar ahaan haweenka, balse waxay iyaguna xaq u leeyihiin in ay ka cudur-daartaan oo raali ahaanshahooda ayuu ku xidhan yahay guurku. Muhiimadu waxay tahay in qodobkan ay saldhig u tahay shareecadu oo aan cid loogu qaadi karin si khilaafsan shareecada.

Faqradda 2aad ee Qodobku maaha mid wax ku soo kordhisay nuxurka qodobka ama la odhan karo way ka duwan tahay faqradda 1aad sababtoo sida aan kor ku caddeeyey tiirka ugu muhiimsan fal-dambiyeed guurka khasabka ah waa in xoog ama khasab uu jiro. Waxa cajiib ah in faqraddan 2aad ee qodobku ay cusleyn ka dhigto isla intaas ku cad faqradda 1aad ee qodobka oo ay odhanayso: “Haddii cida cisha gashay faldambiyeedka ku xusan faqrada koowaad ee qodobkani uu adeegsaday xoog ama uu xoog ku maquuniyo wuxuu mutaysaysanaa xadhig ciqaabeed u dhexeeya todoba ilaa toban sano”. Mar haddii faqradda 1aad ba aanu dembi jirayn haddii aanu meesha ku jirin adeegsiga xoog ama khasbid muquunis ah, majiro farqi u dhaxeeya labada faqraddood ee qodobka.

Waa macno darro iyo masuuliyad darro in iyagoo isku nuxur iyo tiirar dembi ba ah laga dhigo laba fal dambiyeed oo kala culus oo weliba ay ciqaabtoodu aad u kala culus tahay – faqradda 1aad ciqaabta ay dhigaysaa waa xadhig ciqaabeed hal sanno ilaa saddex sanno, halka ay faqradda 2aad ka dhigayso ciqaab xadhig ciqaabeed todoba ilaa toban sanno ah.

4.  Qodobka 10aad: Ku Tagrifal Xil ama Masuuliyaddeed: “(1) Qofka haya xil, mas'uuliyad ama meeqaam aamineed ee si ula kac ah u gala fal dambi kufsi ah oo ka dhan ah qof da'diisu tahay 15 sanno jir ama ka yar, ama qof naafo ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan Sannadood.” Iyo faqradda 2aad oo khusaysa marka qofka noocan ah uu ku kaco fal dambiyeed xadgudub jinsi ah oo isna mutaysanaya xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todobba sannadood.

Madmadowga ku jira Qodobkan: Ugu horeyn waxaa muhiim ah in la fahmo in qodobkani uu la mid yahay fal dambiyeedyada kufsiga iyo xadgudubka jinsi gaar ahaan qodobka 4aad faqraddiisa 2aad iyo qodobka 8aad faqraddiisa 3aad. Sidaas darteed, dhammaan dhaliilaha dhanka qaab qoraalka iyo waafaqsanaanta shareecada wuxuu la wadaagaa qodobada 4aad (kufsiga) oo hore ayaan uga hadlay oo ku noqon maayo.

Haseyeeshee, su’aashu waxay tahay haddii ba uu fal dambiyeedkani ku cad yahay qodobadaas, maxaa mar labaad qodob gaar ah looga dhigay? Jawaabtu waa sida cinwaanka ka muuqata qofka ku kacaya dambiga oo ah qof haya xil, masuuliyad ama meeqaam aamineed ayaa gaar looga soocay dadka kale ee caadiga ah balse qodobku ma dhigayo fal dambiyeed ka duwan nuxurka qodobadaas kale.

Faqradda 1aad waxay lamid tahay qodobka 4aad faqraddiisa 2aad oo waxba kuma kala duwana xitaa ciqaabta waa iskaga mid. Sidaas darteed, looma ba baahnayn in mar labaad qodob gaar ah laga dhigo. Balse, faqradda 2aad ee qodobkani waxay kaga duwan tahay qodobka 8aad faqraddiisa 3aad dhinaca ciqaabta oo ciqaabta ugu yar oo ay ahayd xadhig saddex sanno ah, faqradda 2aad ee qodobkan waxa laga dhigay shan sanno, halka ciqaabta ugu culus qodobka 8aad faqraddiisa 3aad oo ah shan sanno laga dhigay todoba sanno.

Waxa isweydiin leh haddii aanay waxba ku kala duwanayn haddii qof carruur ah uu kufsado qof caadi ah iyo haddii uu kufsado qof haya xil, masuuliyad ama meeqaam aamineed oo isku ciqaab loo qoondeeyey, maxay ku kala duwanaadeen marka carruurta xadgudub jinsi loo geysto?

Waxa kale oo xusid mudan in fal dambiyeedka kufsiga lagu la kaco qof carruur ah uu tiraba saddex jeer oo kala gaar ah ku cad yahay xeerkan. Tusaale ahaan, haddii kufsi loo geysto qof carruur ah ama naafo ah oo uu weliba u galmoodo macalinkii wax u dhigayey, waxa macalinkaas lagu eeddayn karaa Qod. 4(1.T) sababtoo ah wuxuu u galmooday qof aan lahayn awoodda ogolaanshaha (carruurta, qofka naafada ah iyo qofkasta oo uu u galmoodo qof masuuliyad haya ayaa kamid ah sida ku cad Qod. 2aad ee erey-bixinta), waxaanu muteysan karaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan iyo toban ilaa labaatan sannadood.

Sidoo kale waxa lagu eeddayn karaa faqradda ku xigta ee Qod. 4(2) waxaanu muteysan karaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan sannadood, sababtoo ah wuxuu u galmooday qof carruura oo da’diisu tahay 15 jir ama ka yar.

Waxa sidoo kale lagu eeddayn karaa Qod. 10(1) oo wuxuu muteysan karaa ciqaab u dhaxaysa xadhig ciqaabeed Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan Sannadood ah, sababtoo ah waa qof haya xil, masuuliyad ama meeqaam aamineed.

Waa saddex fal-dambiyeed oo isku hal dambi ah. Waxaa ba laga yaabaa in xubnaha garsoorka ah qaarkood u fahmi doonaan in saddexda ba lagu wada qaadi karo qofkaas oo ay iskugu geyn doonaan saddexda ciqaabood ba. Haseyeeshee, shareecadda islaamka markay noqoto macalinkaasi waa qof sinnaystay uun waxaanu muteysanayaa haddii aanu hore guur u soo marin ciqaabta xadka ah ee ku cad Suuratul An-Nuur, aayadda 2aad oo 100 jeedal ah ayaa laga jari, haddii uu hore wax u soo arkay oo uu guur soo marayna waa la dili oo la rajmin sida uu jideeyey sunnaha rasuulka SCW iyo khulaafadii Islaamka ee ka dambeysay ba haddii dembiga loogu caddeeyo sida ay shareecadu waajibinayso.

Faqradda 2aad ee qodobkan oo khusaysa xadgudubka jinsiga ah ee lagu la kaco carruurtu maaha galmo dhacday. shareeco ahaana malaha ciqaab xad ah balse waa dembi dhaqan xumo ah oo ay bannaan tahay in xukun tacsiir ah lagu ciqaabo qofka ku kaca. Waana mid uu xeerku soo kordhiyey oo loo baahnaa in ciqaabta uu muteysanayo qofka haya xil, masuuliyad ama meeqaam aamineed laga cusleeyo tan uu muteysanayo qofka caadiga ah ee aanay xil ama masuuliyadi ka saarnayn qofka uu falka kula kacay. Waana mid uu xeerku ku ammaanan yahay.

Madmadowga ugu culus wuxuu ku jiraa qodobkan faqraddiisa 3aad oo dhigaysa wax aan annigu fahmi waayey dhan alla dhan aan u qaado. Xaraf-faqraddeedka b) wuxuu dhigayaa in ‘qofka haya xil, masuuliyad ama meeqaam aamineed ee gala fal dambiyeedka ay dhigayso faqradda 1aad ee qodobkan uu muteysanayo xadhig ciqaabeed u dhaxeeya todoba ilaa toban sanno.” Xaraf-faqraddeedka t) wuxu isna dhigayayaa in “qofka haya xil, masuuliyad ama meeqaam aamineed ee gala fal dambiyeedka ay dhigayso faqradda 2aad ee qodobkan uu muteysanayo xadhig ciqaabeed u dhaxeeya laba ilaa afar sanno.”

Faqraddaha 1aad iyo 2aad fal dambiyeedyada ay dhigayaan ciqaabtoodu iyaga laftooda ayey ku cadahay. Faqraddan 3aadna isla fal dambiyeedyadaas ayey u jidaynaysaa ciqaab aad uga hooseysa ciqaabta faqraddahaas ku cad, waana isku hal qodob. Sidaas darteed, waaba yaabka yaabkii se ma cillad farsamaa oo iskudayga fal-dambiyeedyada faqraddahaas ku cad ayay ujeeddadu ahayd? Mise waa ujeeddo kale oo loogu talogaley in ciqaabta dembiga lagaga khafiifinayo dadka xilalka iyo masuuliyadda haya ee kufsiga iyo xadgudub jinsi u geysta carruurta? Mooji! Annigu kolay ba xukumi maayo dadka laabtooda wixii ku jiray balse ku darsoo weliba sidaasaa xeerka loo soo bandhigay qaybaha bulshada isla markaana uu sidoo kale goleyaasha baarlamaanka iyo Madaxweynaha ba soo maray – haddadan aynu joogno waa xeer dhaqangal ah. Iyadna waa tabaalaha wakhtigan aynu aragnaaye halkaa ha innoogu joogto. Waa innoo todobaadka dambe iyo qaybaha innooga hadhay xeerka haddii Alle SWT uu innagu simo.

Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Burco/Hargeysa, Soomaaliland


No comments:

Post a Comment