Qaybtan 2aad wax aan
lafogur ku samaynaya qodobada sharci ee uu xeerku ka kooban yahay; intooda
muhiimka ah. Waxa aan ku deddaalayaa in aan falanqeyn ku sameeyo qodobada
xeerka qaab-qoraalkooda, waafaqsanaantooda Shareecada Islaamka iyo Dastuurka
qaranka iyo meelaha muhiimka ah ee la odhan karo xeerku wuu soo kordhiyey.
Xeerka Kufsiga Soomaaliland (Xeer Lr. 78/2018) wuxuu ka kooban yahay 46
qodob oo shan cutub u kala baxaya. Haddii aan ku horeeyo
ujeeddooyinka xeerka loo dejiyey ee ku cad Qod. 3aad ee xeerka, waxa xusid
mudan in sidoo kale Qod. 3aad ee Xeerka Kufsiga Dawlada Puntland (Sharci Lr.4 ee
03.09.2016) ay isna ku cad yihiin
ujeeddooyinka oo isla intan Qod. 3aad ee xeerka kufsiga Soomaaliland ku cad ah.
Qod. 3aad ee labada xeer ba waxay ujeeddooyinka xeerka ku faahfaahiyeen lix
faqraddood oo aan ku soo koobi karo sidan:
1.
In
la dajiyo xeer waafaqsan ama la jaan qaadi kara dastuurka, minqiyaasyada
caalami ee xaquuqaha aadamaha iyo mab;aadiida guud ee cadaaladda;
2.
In
la xaqiijiyo in dhibeneyaasha iyo markhaatiyada kufsiga iyo fal dambiyeedyada
kale ee galmadu helaan ilaalin iyo dhawrista ay u baahan yihiin;
3.
In
la helo xeerar sahlaya ama saamaxaya in nidaamka maareynta iyo xalinta dambiyada kufsiga iyo xadgudubyada kale ee
Galmada;
4.
In
sida ugu haboon loo ilaasho loona daryeelo
bulshada qaybteeda nugul ee ay ka
mid ka yihiin haweenka, caruurta iyo naafadu;
5.
In
la dajiyo nidaam xaqiijin kara ilaalinta ama dhawrista xuquuqaha dhibaneyaasha
fal dambiyeedyada kufsiga ama xadgudubyada Galmada; iyo
6.
In
dawladdu awood u yeelan karto aqoonsashada iyo dabo galista dambiileyaasha
galay kufsi ama xadgudubyada jinsi.
Fal dembiyeedyada uu Xeerku Jideeyey
Xeerka kufsiga
Soomaaliland iyo ka Puntland ba waxay jideeyeen 11 fal dembiyeed, inkastoo ay
ku kala duwan yihiin qaabka ay u dhigeen fal dembiyeedyada iyo ciqaabaha
qaarkood; aad bay ugu kala afkaar duwan yihiin labada xeer guud ahaan aragtida
galmada iyo sharcinimadeeda – waa mid muujinaysa kala duwanaanshaha labada
bulsho, ururradooda bulshada iyo nidaamkooda xeer-dejineed ee dawladnimo ba.
Sidaas darteed, waxaynu ku horeyn doonaa fal dembiyeedyada uu xeerku jideynayo
iyo shareecada islaamka; waxa ay ka waafaqsan yihiin iyo wixii ay ku khilaafsan
yihiin. Waxaan se ka afeefanayaa in aanan si gaar ah u dul istaagayn qodobada
dhammaantood balse aan intii muhiim ah uun dul istaagi doono.
1. Qodobka 4aad: Kufsi: (1) Qof kasta oo (1.B) isticmaalaya xoog, qasab ama hanjabaad
kula kaca kufsi (galmo aan sharci
ahayn) qof kale oo aan
ogoleyn raalina aan ka ahayn, (1.T) kula kaca galmo aanu sharcigu
bannayn qof kale oo aan awooddin
bixinta raali ahaanshiyo, waxa uu galay fal dambi kufsi ah, waxaanu
muteysanayaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan iyo toban ilaa labaatan
sannadood; (2) Ciqaabta la saarayo ama uu mutaysanayo eedeysanaha lagu
eedeeyo faldambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan, waxay noqonaysaa ciqaab
xabsi ah oo u dhaxaysa Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan sannadood, haddii Dhibanaha fal dambiyeedku yahay qof
carruura oo da’ diisu tahay 15 jir ama ka yar; (3) Qofka gala fal dambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan
waxa uu mutaysanayaa ciqaab xabsi daa’in ah haddii: (B) Uu
eedeysanuhu gaadhsiiyo dhibanaha dhaawac
maskaxeed ama jidheed oo aan laga bogsoonaynin; ama (T) uu sababo
faldambiyeedkaasi dhibenaha oo qaada
cudurka HIV Aydhiska. (4) Qofkasta oo isku daya in uu
galo fal dambiyeed kufsi ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u
dhaxeeya afar ilaa todaba sannadood.
Madmadowga
qodobka ku jira: Inta aanan ka hadal qodobkan sharcinimadiisa ama shareecada
sida uu u waafaqsan yahay, waxa aan ka hadlayaa madmadow badan oo ku jira
qaab-qoraalka qodobka oo luminaya macnaha fal-dambiyeedka laftiisa. Taasi oo
sababi doonta in qodobka si khaldan loogu dhaqmo oo arrimo badan oo aan hadda
kufsi loo arag ay mardhoow kufsi noqon doonaan.
GARYAQAAN CABDISHAKUUR |
Qodobkan kelmada ‘xoog’
macnaheedu wuu cad yahay in loola jeedo ‘u awood sheegasho’, kelmada ‘qasab’ na
macnaheedu kama foga oo waa u awood sheegasho balse ujeeddo kale ayay halkan
ugu jirtaa oo ku qarsoon sababtoo ah Qod. 2aad ee xeerku wuxuu ‘qasbid’ ku qeexayaa oo qaababka qasbida
kamid ah ‘isticmaalida caddaadis xaga
maskaxda ah ama handadaad’. Waxa markaa muuqata in kelmad aanu macnaheeda mugdi
ba ku jirin lagu sifeeyey mid iyada lafteedu u baahan in la qeexo oo la
caddeeyo waxa macnaheedu yahay ama loola jeedo.
Maxaa la odhan karaa waa caddaadis
xaga maskaxda ah ama handadaad? Tusaale ahaan. In qof afmiishaar ah uu maskax
ahaan u duufsado qofka kale ama uu ku handado wax aan suurtogal ahayn ama
khatar aan muuqan ayaa dhowaan la odhan doonaa waa qasbid sababtoo ah in maskaxdiisa la duufsado ayaa ba caddaadis maskaxeed lagu sheegi karaa, ama
waxa lagu dooddi karaa qofka maskax ahaan ayaa loogu awood sheegtay oo
Xeer-ilaaliyaha dacwadda oogaya ama Garsooraha xukumayaa macnaha uu doono ayuu
ku sheegi karaa ama uu u qaadan karaa. Taasina waxay daaqad u furaysaa in wax
aan kufsi ba lagu sheegi karin dadka la qabadsiiyo. Xooga iyo qasbida waxaa
laga dambeysiiyey oo la raaciyey kelmada ‘hanjabaad’
oo aan iyadna la qeexin macnaha loola jeedo ee ay qodobka ugu jirto – hanjabaad
noocee ah ayaa ka dhigan awood-sheegasho ama qof lagu qasbi karaa? In la qeexo
ayey ahayd waayo hanjabaad kasta qof
laguma qasbi karo.
Ereyga ‘galmo’ wuxuu Qod. 2aad ee xeerku ku
qeexay “gelitaanka
xaddigey doonta ba ha gaadhsiisnaato’e xubinta taranka ee qof ay gasho xubinta
taranka ama xubin kamid ah jidhka qof kale oo ay isku jinsi yihiin ama kala
jinsi ba.” Waxaan u arkaa aragti lagu badelayo dhaqan
ahaan iyo diin ahaan waxa ay bulshadeenu u kala taqaano ‘galmada’ iyo ‘khaniisnimada. Macnaha saxda ah ee galmadu waa “gelitaanka xubinta taranka ee ragu ay gasho
xubinta taranka ee dumarka”. Xeerkan markaa waxaa iskumid ah galmada
xaaraanta ah ee ka dhex dhacda labada qof ee kala jinsiga ah iyo khaniisnimada qof
xubintiisa taranku ay gasho qof kale oo ay kala jinsi yihiin ama isku jinsi
yihiin xubnahiisa kale sida dabadiisa ama afkiisa. Waxay taasi keenaysaa in uu
meesha ka baxo kala duwanaanshahii galmada dabiiciga ah iyo galmada aan
dabiiciga ahayn ee khaniisnimada ah. Sidaas darteed, dhaqangalka xeerkani wuxuu
ka dhigan yahay dhaqan-gelin dhaqan iyo afkaareed.
Xeerka Ciqaabta Guud ee aynu hadda ku dhaqmaynay sida caadiga
ah ayuu u kala saarayaa falalkan – Qod. 398 XCG wuxuu galmo u aqoonsanayaa sida
caadiga marka labada xubnood ee taranka ee labada jinsi ee kala duwan ay is
galaan. Qod. 400 ayuu isna ku cad yahay fal-dembiyeedka aan caadiga ahayn ee ay
laba qof oo isku jinsi ah ama kala jinsi ay si dabiicinimada ka soo horjeeda
iskugu tagaan, waana dembi ka culus kufsiga. Qod. 409 ayaa isna uu ku cad yahay
dambiga khaniisnimada ee ay labada qof ee isku jinsiga ah ay sida galmada wax
iskaga dayaan.
Dhaliisha kale ee uu leeyahay Qod. 4aad ee xeerku waa in aan
la qeexin kelmada “galmo aan sharci
ahayn” sababtoo ah dhaliisha ugu culus ee uu Xeerka Ciqaabtu uu leeyahay waxay
ahayd in aanu ku jirin qodob dembi ka dhigaya ‘sinnada labada qof ee aan guur soo marin ay raali iskaga yihiin’.
Garsoorku mararka qaarkood shareecada ayey u cuskadaan sinnada, mararka
qaarkood na waxay qabad siiyaan qodobo nuxur ahaan ka duwan balse u dhoow oo ay
kamid yihiin Qod. 405 XCG oo ah ‘dhileysiga – prostitution’ oo isagu khuseeya
galmada camalka laga dhigto iyo Qod. 426 XCG oo ah ‘gogol-dhaafka’ laba qof oo
uu midkood [ama labadu ba] xaas leeyahay markay isku galmadoon. Guud ahaana
Xeerka Ciqaabta qodobbadiisa khuseeya galmadu ma waafaqsana shareecada, waxaanay
ugu horeeyeen meelaha loo baahnaa in aynu xeerka cusub ku saxno balse sawtan
looga sii daray ee cudur darmaan galay, laga gubay dameero.
Sidaas darteed, haddii daacad laga yahay oo xeerka lagu
buuxinayo galdaloolada sharci ee jiray waxaa si cad loo qeexi lahaa kelmadan ‘galmada aan sharciga ahayn” sababtoo ah hadda
majiro xeer sharci-darro ka dhigaya galmada dhex marta labada qof ee aanu guur
ka dhaxeyn. Maxaynu kaga duwanahay DAWLADDA
PUNTLAND ee isla xeerkeedan aynu iskaga midka nahay isku meeshana la innagaga
keenay ku darsatay Qod. 6aad, faqradiisa 6aad; “Haddii ay caddaato in labada qof
ay si sharci-darro ah raali iskaga ahaayeen falka galmada, waxaa laga soo
qaadayaa fal-dembiyeed galmo oo sinno ah, taas oo lagu xukumayo xuduudda ALLE
[SWT] u jideeyey ee ku xusan Shareecada Islaamka” Allaylahe shacab iyo dawlad ba ku ceeb la’, ILAAHAYNA ka cabsade!
Innaguna…….?
Annigu waxa aan quustay ba markii lays raaciyey ee lays daba
dhigay galmo
aan sharci ahayn iyo qof aan ogoleyn raalina aan ka ahayn.
Macnaha ku jiraa wuxuu yahay in galmada
aan sharciga ahayn, haddii lays ogol yahay in aanay dembi ahayn ee ay
keliya dembi tahay haddii dhinac aanu ogoleyn. Sidaas darteed, galmada
xaaraanta dembinimadeedu waxay ku xidhan tahay raali ahaanshaha labada qof ee
sida xaaraanta ah iskugu galmoonaya.
Waxa iyadna isla qodobkan ku jirta kelmada ‘qof aan awooddin bixinta raali ahaanshiyo’ waxaanay
ugu jirtaa in qofkii u galmooda qofka noocaas ah uu ku kacay kufsi. Su’aashu
waxay tahay qofka noocee ah ayaan
awooddin ogolaansho ama bixinta raali ahaanshiyo? Waxa ka jawaabaya Qod. 2aad
ee xeerka oo odhanaya waxaa loola jeedaa: “b) Qof
dhallaan ah oo ka yar 15 jir; ama t) Qof aan lahayn
awood uu ku fahmo nuxurka iyo nooca falka galmada dhinnansho xaga maskaxda ah
awgeed; ama j) Qof naafonimo
jidheed darteed iska difaaci kari waayay eedeysanaha falka kula kacay; ama x) qof la sakhraamiyay ama
la maandooriyay; ama d) qof hurda ama miyir la’;
ama kh) qof sharci darro loo
xidhay/xabisay ; ama r) haddi cidda fal
dambiyeedka kula kacday ama u gaysatay yahay qof ku tagrifaley meeqaam
aaminaad, awood ama madaxtinimo; ama s) bqof lagu khiyaameeyeyey
ama lagu qalday nooca falka galmo ama cidda uu la [sameynayo].”
Ma ila
socotaa? Dadkan aan awooddin in wax ogolaadaan haddii la kufsado ciqaabtu waa
15 sanno ilaa 20 sanno waxaanad aragtaa in uu kamid yahay qofka ay da’diisu ka
yar tahay 15 sanno, haddana isla faqradda 2aad ee ku xigtaa waxay dhigaysaa haddii dhibanahu uu ka yar yahay 15 sanno
ciqaabtu waxay noqonaysaa 20 sanno ilaa 25 sanno. Labadaas faqraddood ba
carruurtu waa kamid ciqaabtooduna waxay is dheer tahay 5 sanno oo xadhig ah. Dadka
waalan iyo kuwa naafada ah iyagu dadka caadiga ayey lamid yihiin oo wax
culeysin ah kuma leh dembiga ciqaabtiisa. Taasi ayaa caddeynaysa in ciqaabahani
ay lambaro uun iska yihiin ee aanay ahayn wax la dersay muddada fal dambiyeed
walba lagu dhaqancelin karo qofka ku kacay. Qofka la sakhraamiyey ama la maan-dooriyey
maxaa loola jeedaa?
Isla
qodobka 2aad ee xeerka ayaa ka jawaabaya kuye waxaa
loola jeeda ‘xaaladda uu qof ku lumiyo awoodda garashada
sabab la xidhiidha cabid Khamri, qaadasho maandooriye ama walxo kale oo la
dabeecad ah. Waxa la wada qeexay maandoorsoomid
iyo maandoorin; waana laba
kelmadood oo kala macno ah sababtoo ah maandoorsoomid oo keliya ayaa hadda la
qeexay balse maandoorinta ama sakhraaminta uu qof sakhraamiyo qof kale ma
khusayso erey-bixintani waase laga dhigayaa. Sidan hadda loo qeexay waxay u
dhigan tahay haddii dhibanaha uu eeddaysanahu siiyo quraarad khamri ah oo uu
iskii u cabo iyadoon la qasbin ama aan loo qarin in la sakhraamiyey. Ujeeddada
laga leeyahayna waxay noqonaysaa in laba qof oo wada sakhraamay deedna wada
sinnaystay, midna uu eeddaysane noqdo midna uu dhibane noqdo. Maaha mid aan
annigu iska idhi balse waa ujeeddo cad sababtoo ah qofkan la leeyahay waa la
sakhraamiyey oo awoodda ogolaanshaha ayaa ka maqan oo waa dhibane la kufsaday
haddii loo galmoodo ayuu haddana isla xeerku ku sheegayaa dembiile. Waa cajiib,
bal hadda ila akhriya Qod. 35aad oo ka hadlaya xaaladdaha fudedeeya ciqaabta
waxaa kamid ah oo faqraddiisa ugu dambeysa ku cad sidan: “1.x) eedeysanaha oo ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan
markii uu dambiga galayay.” Bal
haddaba Xeerkan dhankee loo raacaa oo qofka la sakhraamiyaa ma dhibane kufsi
baa mise waa eeddaysane kufsi oo ciqaabta uun loo khafiifinayo haddii la xukumo?
Waxaan ku dhaafayaa la joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan in ay noqon
doonto.
Qodobkaas ama fal-dembiyeedkaas oo keliya ayay waxaas oo
khaladaad iyo madmadow aasaasi ah ay ku jiraan qaab-qoraalkiisa oo keliya. Bal
hadda warba waa kan dambeeyee, aan u gudbo Shareecada Islaamku halka ay ka
istaagtay fal dembiyeedkani.
Shareecada
Islaamka iyo Fal dambiyeedka Kufsiga
Qodobkan 4aad ee xeerku wuxuu toos u khilaafsan yahay
Shareecada Islaamka sababtoo ah:
1)
Shareecada Islaamku waxay waxay galmada
xaaraanta ah u aragtaa dembi culus oo bulshada waxyeelo iyo xumaan ku ah. Waxaanay
ilaalisay sharafta qofka bini-aadamka ah iyo xasiloonida iyo dhaqanka ummadda
islaamka. Shareecadu waxay galmada xaaraanta ah u dhigtay ciqaab xad ah oo go’aan.
Suuratul An-Nuur, aayadda 2aad, wuxuu Ilaahay SWT ummadda islaamka ah ku amray
“Zaaniyadda
iyo Zaaniga garaaca midkasta boqol jeedal, yaanay xagooda idiin qaban naxariis
diinta dhexdeeda haddaad tihiin kuwa rumeeyey Alle iyo maalinta dambe
[qiyaamaha] hana joogaan marka la garaacayo koox muuminiin ah.’ Sidoo kale. waxay
Bukhaari, Muslim, Abuu Daauud, Tarmathi iyo Nasaa'i, ay Cabdullaahi bin
Mascuud, kulligood Alle raalli ha ka noqdee, ka wariyeen inuu Rasuulkii Ilaahay
Sallallaahu Caleyhi Wasallam yidhi:
"Xalaal
ma aha dhiig qof muslim ah oo ku ashahaatay inuusan jirin Ilaah xaq lagu
caabudo oo aan Ilaahay ahayn, aniguna aan Rasuulkii Ilaahay ahay, saddex
mooyee: 1. Qof hore u guursaday oo zinaystay 2. Qof Qof kale xaq darro ku dilay
oo qisaas loo dilahayo 3. Qof diintii Islaamka ka baxay oo jameecada Islaamka
ka tegay". Sunnaha uu Rasuulka CSW
innooga tegayna waxaa kamid ah in uu rajmiyey shakhsiyaad iyagoo guur hore soo
maray sinnaystay oo dhagax lagu dilay.
Qodobkan 4aad wuxuu keliya khuseeya galmada xaaraanta ah ee
xoog, qasab ama tahdiid qofka loo adeegsado, haseyeeshee galmada xaaraanta ah
ee ay labada qof is ogolaadaan uma arko dembi. Sidaas darteed, waxa uu toos uga
horyimid Shareecada Islaamka gaar ahaan sunnaha rasuulka CSW oo caddeeyey in
galmada xooga ama khasabka ah ay tahay sinno uu qof ku kacay, rasuulka iyo khulaafadii Islaamkuna
ay in ka badan 6 jeer xukumeen qof si xoog ah ugu galmooday haween, kuna
xukumeen sino kufsi ah. Culimada islaamka gaar ahaan afarta madhab
ee waaweyn; Xanafiga, Maalikiga, Shaaficiga iyo xanbaligu ba way isku raacsan
yihiin in qofka caqligiisu taam yahay isla markaana qaangaadhka ah ee si xoogid
ah ugu galmooda qof kale oo aan xalaal u ahayn uu yahay zaani ku kacay galmo
xaaraan ah isla markaana lagu qaadayo xadkaas ay shareecadu sinada u dhigtay –
haddii aanu guur hore soo marin 100 jeedal ah laga jarayo, haddii uu guur hore
soo maray oo uu muxsin ama muxsinad ay yihiina la rajminayo oo
dhagax lagu dilayo markay ku cadaato. Waxaa kale oo ay isku raacsan yihiin in
qofka la xoogay aanu wax dambi lahayn marka ay caddaato in la xoogay, isla
markaana uu xaq u leeyahay magdhowga dhibaabaha.
2) Qodobku sidoo kale muu kala saarin marka qofka falka ku kacay
uu yahay qof aan hore guur u soo marin iyo qofka guur hore soo maray oo isku
xukun ayuu ka dhigay labada ba. Taasina waxay khilaafsan tahay shareecada oo
aayadda iyo xadiiska midna kuma uu dhaqmin.
3) Xiligii casrigii dhexe ayey soo ifbaxeen dhacdooyinka kufsiga
jariimada ah ee haweenka dariiqa loo galo ama iyadoo hub la adeegsanayo la
xoogo, mararka qaarkoodna koox ahaan loo kufsado. Waxay culimadu ku sifeeyeen kufsiga
falalka noocan ah ku yimaad in aanu ahayn sinno oo keliya balse uu ka culus
yahay maadaamaa uu xasiloonidii iyo amnigii ummada halis ku yahay, isla
markaana yahay fasaad iyo fawaaxish lala soo banbaxay oo bulshada weerar iyo
dagaal ku ah. waxaanu ku sifoobay dembiga loo yaqaan xiraabada ee ku cad aayadda 33aad ee Suuratul Maa’ida oo Alle SWT
uu dadka falalka noocan ah ku kacaa ku tilmaamayo kuwo dagaal kala hor yimid
Ilaahay SWT iyo rasuulkiisa CSW; ‘abaalka kuwa la dagaalama Alle iyo
rasuulkiisa oo la socda dhulka fasaad waa in la dilo ama ha la daldalo,
ama isdhaaf loo gooyo gacmahooda iyo lugahooda, ama ha laga fogeeyo dhulka,
arrintooduna waa inay duli mudan yihiin adduunka, aakhirana cadaab weyn.’
Xiraabadu waxay kamid tahay dunuubta xadka ah ee uu Ilaahay ciqaabtooda
xadiday. Haseyeeshee, xagga caddaymaha way ka fudud tahay sinnada oo waxa lagu
caddeyn karaa marag goob-joog ah iyo qaraa’in sida DNA-da iwm. Sidaas darteed,
Qodobkan 4aad wuxuu sidoo kale si cad u khilaafsan yahay aayaddan iyadoo weliba
faqraddiisa 3(B) ay si cad u xusayso kufsiga dhaawaca aan laga bogsanayn keena.
4)
Haddii falka kufsiga ah ee loo sheeganayo eeddaysanahu aanu ahayn
noocan xiraabada ee uu yahay kufsi
sinno ah oo dhibanaha tahdiid ama awood sheegasho caadi ah loogu galmooday,
isla markaana ay suurtogal noqon weydo in la helo afar markhaati oo arkayey
falku markuu dhacayey ama aanu eeddaysanahu qiran, isla markaana ay jiraan qaraa’in caddaymo muujinaya in
eeddaysanahu aanu ka faro madhnayn falka sida maragyo isku arkay iyagoo
wakhtigaas wada jooga iyo caddeymo kale oo wax iftiiminaya balse aan caddeynayn
in eeddaysanaha iyo qofka dhibanaha ah ay isku galmoodeen ama iyadoo ay
caddahay ba in loo galmooday dhibanta balse aan la caddeynin in eeddaysanaha uu
yahay qofka u galmooday, waxaa jira ijmaac
ay sameeyeen culimada islaamku oo ah in markaas uu xukunka xadku ka jabayo eeddaysanaha oo uu
meesha ka baxayo sidii uu rasuulku CSW yidhi;
“xadka
ka taga haddii ba ay shubho timaad”, isla markaana ay xuquuqdii Alle ee
xuduudka ahayd ay qofkaas ka hadhayso, balse lagu xukumayo Tacsiir edbin iyo
dhaqan-celin ah iyo dhibaabaha qofka dhibanaha ah.
5)
Tacsiirtu waa
awoodda ikhtiyaariga ah (Discretionary power) ee maamulka ummadu ama qaranku uu
ciqaab ugu dejin karo falalka aanay shareecadu xad ama qisaas u dhigin
ee loo arko in ay bulshada waxyeelo ku yihiin. Waana halka ay ku arrooraan
xeerarka uu qaranku soo saaro ee uu xeerkani kamid yahay. Waxana shardi u ah in
aanay kahoriman quraanka kariimka ah iyo sunnaha Rasuulka CSW. Faqradda ugu
dambeysa Qodobkan 4aad oo ah iskuday
kufsi ayaa sax ku ah Tacsiirta
balse iyadna ma qeexna waxa ka dhignaan kara iskuday kufsi, mana jiro wax lagu kala sooci karo fal dembiyeedkan iyo
kuwa ku cad Qod. 8aad (xadgudub jinsi), Qod. 11aad (Maandoorin), Qod. 12aad
(afduub), Qod. 13 (daawadsiin falal anshax-darro ah) iyo Qod. 14aad (Isqaawin)
sababtoo ah dhammaantood waa talaabooyinka diyaar-garowga kufsiga. Markaa
majiro wax uu kaga duwan kuwan kale. Sida uu hadda u qoran yahay waa fal
dambiyeed aan lahayn tiirar uu ku dhisan yahay oo caddeyntooda lagu xisaabtami
karo balse sidani waxay noqonaysaa inuu iska noqdo kolba sidii ay
xeer-ilaalintu ka dhigato, maxkamadduna ay uga garaabi karto.
2. Qodobka 5aad: Kufsi
Wadareed: Qofkasta oo gala fal dembi kufsi isagoo ka mid
ah koox abaabulan, waxa uu galay kufsi wadareed.
Madmadowga ku jira qodobka: Fal
dambiyeedka qodobkan ku cad waxa uu kaga duwan yahay fal-dembiyeedka kufsiga,
waa in ay koox dadka ah ay fal-dembiyeedkan si wadajir ah u galayaan.
Haseyeeshee, kelmada ‘koox abaabulan’
ayaa marin-habow ku keenaysa nuxurka fal-dembiyeedka oo iskaba fudud haddii loo
dhigi lahaa tusaale ahaan sidan: “Qofkasta
oo ay qof kale ama dad ka badan si wadajir ah ugu kacaan kufsi waxa uu galay
kufsi wadareed”. Waa maxay farqiga u dhaxeeya tusaalaha iyo kelmada isagoo kamid ah koox abaabulan? Farqiga
u dhaxeeyaa waxa weeyi kelmada ‘koox
abaabulan’ waxa uu Qodobka 2aad ee xeerku ku qeexay; “laba qof ama in ka badan oo isu abaabulay inay si
wadajir ah u galaan ama u sameeyaan fal
dambiyeed”, sida uu fal-dembiyeedku u qoran
yahay marka shakhsiga laga hadlayo laga yimaad, waa in ay jirtaa koox abaabulan
oo uu xubin ka yahay. Sidan lagu qeexay marka la raaco kooxdaas waxay ka
koobnaan karaa ugu yaraan laba qof macnaheedu wuxuu markaa noqonayaa kufsi
wadareedka waxaa geli kara ugu yaraan saddex – qofkan laga hadlayo (subject) + kooxda
oo ugu yaraan laba qof noqon karta. Waxa laga yaabaa in aad isweydiiso oo aad
tidhaa haddiiba la yidhi isagoo ka mid ah
miyaan isaga iyo qof kale aanay kooxda laga hadlayaa ba noqon karin? Maya
weeyi jawaabtu isaga marka laga yimaad dee qof baa meel ku hadhayee, kooxdee
abaabulan oo uu kamid yahay? Sidaas darteed, sidan imika uu qodobku u dhigan
yahay haddii laba qof ay si wadajir ah kufsi u galaan laguma dabaqi karo qodobkan
kufsi wadareedka. Koox haddaad maqasho waa saddex qof iyo wixii ka badan.
Dhaliisha
kale ee ay kelmadan ‘koox abaabulan’ leedahay
waxa weeyi waxa waajib ku noqonaysa Xafiiska Xeer-ilaalinta haddii ay xitaa
caddeeyaan kooxda tiradeeda oo noqon ba karta dadka dacwadda u xidhan tiradooda
in ay haddana caddeeyaan abaabulnaanteeda haddii kale waxaa jabaya qodobka
tiirarkiisa mid kamid ah. Sidaas darteed, qaabkaas aan u dhigay oo kale ayuu
nuxurku ay ujeeddada tahay ku jiray balse kelmadan caalamiga ee loo adeegsado
kooxaha caalamiga ah, qaran ama maxaliga ah ee u abaabulan ku shaqeysiga
dembiyada booskeedu wuxuu ahaa faqraddaha dambe in la geliyo oo dembi culeysin ah
laga dhigo tusaale ahaan: ‘haddii
eeddaysanayaasha kufsi wadareedku ay yihiin koox abaabulan waxaa lagu
ciqaabayaa’ ayaa qodobka xaga dambe laga gelin karayey. Kulama se yaabayo
oo waxaan ogahay in ay jiraan kooxo abaabulan.
Faqradda
2aad ee qodobku waxay ku bilaabmaysaa ‘haddii
eeddaysanahu kula kacay dambiga qof carruur ah…” sawtaynu koox falka wada
gashay ka hadlaynay waa maxay eeddaysanahu? Ma hal qof baa laga hadlayaa mise
kooxdii eeddaysanayaasha ahayd oo dhan baa hal qof loo arkaa. Labadan faqradood
ee dambe siiba faqrada 3aad waxaad moodaa arrimaha dembiga culeysinaya ee sida
dhaawaca dhibanaha iyo u gudbinta dhibanaha xanuunka Aafada Idleysay Dadka Sinaysta (AIDS), in qoraal ahaan loo fahmi karo in ciqaabta
culeysinta ee ka dhalanaysaa ay ku wada dhacayso eeddaysanayaasha dhammaantood,
inkastoo hal shakhsi uu dhaawaca geysan karo ama xanuunka dhibanaha iyo
eeddaysanayaasha ba wada qaadsiin karo, waxay ku fiicnayd in si cad loo qoro in
masuuliyadaas uu leeyahay qofka dhaawaca gacantiisa ku geystay ama xanuunka
laga helo sababtoo ah dadka wada eeddaysan dembiga masuuliyadiisa way wadaagaan
waanay kala leeyihiin (joint and several liablity). Waxaa kale oo meesha ka
maqan masuuliyada dembi in ay tiirar ka abuuranto haddii falka dhacay uu yahay
in dhibanaha AIDS ka qaaday mid kamid ah eeddaysanayaasha, waxaa iyadna meesha
ku jirta ma isagoo og in uu xanuunkaas qabo ayuu falkana u badheedhay? Hadday
sidaas noqoto, waxaa tixgelin la siinayaa in qasdiga uu isagu dembiga u galay
ba ay ahayd in uu xanuunka wada qaadsiiyo oo xitaa waxaa haddii aad loogu dhug
yeesho soo bixi karta in uu isagu ba lahaa abaabulka fal dambiyeedka si uu
ujeeddadiisa u gaadho. Arrinta muhiimadaas lehna wey ka maqan tahay xeerka.
Ciqaabta dhammaantood lagu wada qaadi karaana waa xabsi daa’in.
Waxa
xusid mudan marka carruurta laga yimaad in fal dambiyeedkana aan la kala saarin
haddii kufsi wadareed lagula kaco qof naafo ah, mid maskaxda wax uga dhiman
yihiin iyo qofka caadiga ah. Hadda la soco fal-dembiyeedkan wuu ka culus yahay
kufsiga caadiga oo waa kufsi kooxeed, waxaan is idhi culeysinta qudha ee ay
qodob walba daba dhigeen ayaa ah in dhibanaha la gaadhsiiyo dhaawac maskaxeed
ama jidheed oo markaas waxay is yidhaahdeen kuwani hore ba maskax iyo jidh ba
kamay fayoobayne dadka wax ha la qabaan. Culeysintu maaha mid dhibanaha ay
danni ugu jirto balse waa mid laga qiimeynayo dembiga uu qofku galay
khasaarahiisa iyo axmaqnimadiisa. Qof walba wuu garanayaa in kooxi ay qof caadi
ah kufsato iyo in ay qof waalan kaxeysato ama qof naafo ah qaadato sida ay u
kala culus yihiin uguna kala xanuun badan yihiin damiirka qofka.
Xaga
shareecada waxay ka siman yihiin fal-dembiyeedka kufsiga, waxaanu si gaar ah u
khuseeyaa oo uu ku sifoobayaa xiraabada iyo
xadkeeda ku cad ayaadda 33aad ee Suuratul Maa’ida. Faqradda iskudayga
dembiga lafteeda waxaa saameyn ku yeelan karta kelmadaas kooxda abaabulan oo
haddii qof uu kooxda kamid yahay balse aanu kooxdiisa falkaas kula jirin waxa
dhici karta in kamid ahaanshaha kooxda loo raaciyo. Sidaas darteed waxaa muhiim
ahayd in la qeexo iskudayga kufsi wadareedka ay koox abaabulani sameyn karto.
Tusaale ahaan, haddii ba intooy ku heshiiyeen inay dembi galaan uu midkood hawl
kale yeeshay oo intii uu maqnaa ay falka iskudayeen kuna fashilmeen qofkaas
heshiiska kula jiray balse ka baaqday in aanu ku jirin in la caddeeyo ayey
ahayd oo iskudayga iyo kelmadan baas ee abaabulka laga fogeeyo. Dadka qaar
waxaabay iskudayga u fahmi karaan abaabulnaanta oo keliya maadaamaa aanu jirin
ba tiirar kale oo fal-dembiyeedkan iskudayga ah lagu qeexay.
3. Qodobka
6aad: Kufsi Xad ka gudub ah: “Qof kastoo isagoo ujeedadiisu tahay inuu galo fal
kufsi ah ee xubin jidhkiisa ka mida
ama shay kale galiya xadigay
doontaba ha gaadhsiisnaatee xubinta taranka ama xubin kale oo ka mid ah jidhka qof kale wuxuu galay fal dambiyeed
kufsi xad gudub ah.”
Madmadowga ku jira qodobka: waxa
keliya ee uu qodobkani kaga duwan yahay labada qodob ee hore waa in laba qodob
ee hore qofka falka ku kacayaa uu isticmaalayey xubintiisa taranka oo keliya
balse qodobkan qofka falka ku kacayaa wuxuu adeegsanayaa xubin jidhkiisa kamid
ah [tay doonto ha noqotee] ama shay kale [wuxuu doono ha ahaadee] oo uu
gelinayo xubin kale oo kamid ah jidhka qof kale [meeshii wax geli karaan ba].
Waxaa xusid mudan in fal-dembiyeedkan loo bixiyey kufsi xadgudub ah [kufsigu waa jariimo isagaa ba ka culus
xadgudub], ujeeddada uu qofku falkan u gelayo waxaa lagu sheegay in uu galo fal kufsi ah. Sidaas darteed,
waxay ku haboonayd in uu fal-dembiyeedkani noqdo faqrad kamid ah qodobada hore
oo dembi culeysin ah.
Waxa uu
fal-dembiyeedkani iskugu jiraa kufsi iyo iskuday kufsi - kufsiga wuu ka culus
marka dhan laga eego oo qofka ku kacayaa kufsi iyo afcaashaa kale ee meel walba
uu gelinayo wax walba ayuu ku wada kacayaa, marna tusaale ahaan waxa dhacaysa isagoo
is leh wax kufso oo aanu galmo samayn oo weli xaabxaabashadii ku jira ayuu
farta meel daran la helayaa deedna halkaas baa lagu qabanayaa ama ay cidi u
baxaysaa qofkii miskiinka ahaa ee baxarka ku jiray. Saw markaas noqon mayso
iskuday kufsi isla markaana qodobkan lagu dabaqi maayo ilayn xubin aan
xubintiisa taranka ahayn iyo xubin kale oo ku taal jidh qof kale leeyahay ayaa
isgalaye.
Markaan
soo urursho waa fal-dembiyeed culeysin kufsi iyo iskuday kufsi iskugu jira
balse markasta ciqaabtiisa ugu yar ay ku dhow dahay tan ugu badan kufsiga
caadiga ah sababtoo ah waa fal-dembiyeed kufsi la beekhaamiyey ah. Fal-dembiyeedyadii
kala duwanaa ee uu midna ahaa laba qof oo kala jinsi ah oo is xoogay midna ahaa
laba isku jinsi ah oo wax iska dayey ayaa la mideeyey, wixii isku hal fal
dambiyeed ahaan jirayna laba fal dambiyeed ayaa laga kala dhigay. Waxaan arkaa
farqigii u dhaxeeyey labada jinsi in la mideeyey oo isku mid laga dhigay –
labka iyo dhediga ba waa loo galmoodaaye waxba kuma kala duwana ayuu xeerkani
ku farayaa. Xubnaha jidhka hore iyo gadaal, kor iyo hoos, halkii aad jaleecdaba
galmo waa gelin oo waa xeelad badanleey ayuu xeerkani ku leeyahay. Waa loo wada
joogaa in uu galmada xaaraanta ah ka hortago oo uu wax ka qabto iyo in uu wax
aan hore loo arag abuuro.
Muxuu
toloow noqonayaa iskudayga fal dambiyeedkani? Muxuu se kaga duwan yahay
iskudayga kufsi? Bal ka warama xeer dhan oo ay faqradaasi qodobkii fal-dembiyeed
ka hadlaya ba ay ugu dambeyso oo ay xitaa isku si u qoran tahay ciqaabta mooyaane.
Waxa muhiim ahayd in horta xeerka lagu qeexo waxa uu xeerku u yaqaan iskuday
ama uu meel kale oo ay ku qoran tahay tilmaamo, haddii kale qodob walba sifo
gaar ah ayuu iskudaygiisu leeyahay taabashada iyo dhunkashada iskudaygoodu
muxuu noqon toloow? Mooji!
Waa innoo
todobaadkan gudahiisa iyo inta ka dhiman qaybtan 2aad oo aynu dhammeystiro
haddii Alle SWT uu innoo saamaxo.
Qalinkii: Cabdishakuur Cali
Muxumed (Good Lawyer)
Email:
Abdishakur Ali Mohumed
Burco/Hargeysa, Somaliland
No comments:
Post a Comment