Qaybtan 3aad ee lafogurka qodobada sharci ee Xeerka
Kufsiga (Xeer Lr. 78/2018) waxa aan ku lafogurayaa qodobada la xidhiidha fal
dambiyeedyada diyaar-garowga u ah fal
dambiyeedyada kale, kuwa la xidhiidha
duubista iyo baahinta iyo qaybaha kale ee Xeerka. Waxaan sidoo kale ku soo gudbinayaa gunnaanad, tallooyin iyo soo jeedimo khuseeyo doodda xeerka kufsiga.
1.
Fal
dambiyeedyada diyaar-garowga ah (Inchoate Offences)
Qodobka 11aad: Maandoorin Si ku Talogal
ah:
“Qofka si ula kac ah ku kalifa maan-doorsoommidda qof kale oo aan raali ka ahayn, isagoo ujeeddadiisu
tahay in uu ku sameeyo/ kula kaco ama in
uu fursad u siiyo cid kale in ay ku samayso ama kula kacdo galmo ama fal jinsi
ah qofkaas kale waxa uu galay dambi, waxaana uu mutaysanayaaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa
toddoba sannadood.”
Qodobka
12aad: Afduub iyo Xadhig Sharci-darro ah: “Qofkasta qafaasha, afduuba, u qaata lahaystenimo ama
u xidha si sharci darro ah qofkale si uu ugu la kaco kufsi ama fal xadgudub jinsi ahi waxa uu galay fal dambi afduub iyo xadhig sharci darro ah, waxaana uu mutaysanayaa
xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa
siddeed sannadood”
Madmadowga ku Jira Qodobadan: labadan qodob
waxay dhigayaan fal dambiyeedyo diyaar-garow u ah fal-dambiyeedyo kale
(preparatory offences or inchoate crime), waana sababta uu xeerku cinwaankooda
uga dhigay ‘DIYAARIN FAL DAMBIYEEDYO’. Waxay kamid yihiin fal dambiyeedyada mararka
qaarkood lagu khaldo iskuday fal dambiyeed sida iskuday kufsi ama ka faa’iiddeysi
galmo haddii aan si taxadar leh loo qeexin. Qodobadan kuma cada wax lagu kala
garan karo diyaargarowga iyo iskudayga kufsiga ama falka jinsiga ah sababtoo ah
tiirarkooda kuma cadda wax kala soocayaa, isla markaana xeerkan dhammaantii
kuma cada iskudayga kufsigu tiirarka uu ka kooban yahay – lama qeexin ba.
Iskudayga fal
dambiyeed sidiisa ba wuu ka culus yahay fal dambiyeedyada diyaar-garawga ah
sababtoo ah iskudaygu tusaale ahaan waa in qofku isagoo ay ujeeddadiisu tahay
in uu kufsi ku kaco markii uu ku dhaqaaqay fulinta falka ku fashilmay keliya in
xubintiisa taranku ay gasho xubinta taranka ee qofka kale balse fuliyey
dhammaan tiirarkii kale ee fal dambiyeedka kufsiga ah. Halka fal dambiyeedyada
diyaar-garowga ah ay ka yihiin talaabooyinka ka horeeya iskudayga ee ah
diyaar-garowga sida qorsheynta iyo abaabulida fal dambiyeedka inta aan lagu
dhaqaaqin talaabooyinkii iskudayga kufsiga.
Fal dambiyeedka
maandoorinta ku talogalka ah nuxur
ahaan waa in qofka falka ku kacay uu si badheedh ah oo kelifaad ah u
sakhraamiyey qof kale oo aan raali ka ahayn iyadoo ujeeddadiisu ay ahayd in isaga
ama cid kale u galmooto ama ay fal jinsi ah kula kacdo qofkaas. Sidaas darteed,
tiirarka uu fal dambiyeedkani ku dhisan yahay ee loo baahan yahay in la
caddeeyaa waa 1. In eeddaysanahu uu si badheedh ah oo ula kac ah ugu kacay
falka maandoorinta ah; 2. In dhibanahu
aanu raali ka ahayn oo uu eeddaysanahu ku
kelifay ama ku qasbay in uu maandoorsoomo ama sakhraamo iyo 2. In ujeeddada maandoorintu ay ahayd in eeddaysanaha ama cid kale u galmooto ama fal
jinsi ah kula kacdo dhibanaha.
Haddii
eeddaysanahu aanu si badheedh ah ugu kelifin dhibanaha oo aanay jirin caddeyn
muujinaysa kelifaad ama ku khasbid maandooriye, xitaa haddii la caddeeyo in
dhibanahu aanu raali ka hayn isla markaana ujeeddada eeddaysanahu ay ahayd in
dhibanaha loo galmoodo laguma xukumi karo fal dambiyeedkan sababtoo ah si ula
kac ah umuu gelin falka. Sidoo kale haddii la caddeeyo in eeddaysanahu uu si
ula kac ah u maandooriyey dhibanaha balse aan la caddeyn in ujeeddadiisu ay
ahayd in isaga ama cid kale ay u galmooto dhibanaha, markaasna lagu qaadi maayo
qodobkan oo ma qabanayo.
Sida sharciga
ah qodobkan maandoorinta ee Xeerka Kufsiga waxa la adeegsan karaa keliya haddii
ujeeddada maandoorintu ay la xidhiidho in lagu kaco galmo ama fal jinsi ah.
haddii aanay sidaas ahayn se, waxa eeddaysanaha lagu eeddayn karaa faqradda
5aad ee qodobka 3aad ee Xeerka la
Dagaalanka Mukhaadaraadka (Xeer Lr. 21/2002) haddii qof ay da’diisu ka yar
tahay 15 sanno jir la siiyo mukhaadaraad ama maandooriye. Haddii se qof ay
da’diisu gaadhay 15 sanno ama ka weyn la sakhraamiyo iyadoo loo qariyey ama
lagu khasbay maandooriye ama cunto loogu daray, waxay dembi noqonaysaa keliya haddii
qofkaas oo sakhraansan loo soo bandhigo dadweynaha – dibeda
loo saaray oo dadku ogaaday ama dadka la ogeysiiyey.
Fal
dambiyeedka afduubka iyo xadhiga
sharci-darrada ah ee qodobka 12aad ee Xeerka Kufsiga waxa keliya oo qof
lagu eeddayn karaa haddii la caddeyn karo in ujeeddadu ay ahayd kufsi ama
xadgudub jinsi. Haddii aanay caddeyntaasi jirin afduub iyo xadhig sharci-darro
ahna ay jiraan waxa lagu dhaqmi karaa qodobbada 433 iyo 486 Xeerka Ciqaabta
Guud. Waxa se cajiib ah in fal-dambiyeedkan oo lagu sheegay diyaar-garow kufsi
ama xadgudub jinsi ah uu ka ciqaab cuslaado iskudayga kufsiga laftiisa iyo fal
dambiyeedka xadgudubka jinsi laftiisa oo ciqaabtiisu ay tahay ba hal ilaa saddex sanno sida ku cad
qodobka 8aad. Xaqiiqadu waxay tahay
afduubka iyo xadhiga sharci-darrada ah ayaa ka culus xadgudubka jinsi laftiisa
oo uma noqon karaan diyaarin fal-dambiyeedkaas. Qofna looma afduubo ama looma
haysto xadgudub jinsi oo keliya balse galmo waa loo afduuban karaa sababtoo ah xadgudubka
jinsi waa fara-fareyn sida qabsashada ama xoodaaminta oo kale, intaasina
afduubka dhexdiisa ayey dhacdaa ba – qof aan gacan la saarin lama ba afduubo –
umana baahna diyaar-garow aan sakhraamin ahayn.
2.
Duubis
iyo Baahin
Qaybtan
oo ka kooban saddex qodob oo kala ah qodobka 13aad (carruurta oo la daawadsiiyo fal jinsi ah), qodobka 14aad (isqaawin anshax-darro ah) iyo qodobka
15aad (duubis, qaybin iyo baahin muuqaalo
fal lidi ku ah jinsi), waa qaybta sharci ahaan ugu muhiimsan uguna wacan
xeerkan sababtoo ah fal dambiyeedyada lagu mamnuucay ayaa ah kuwo dhibaato
culus iyo dhaqan xumo baahsan ku haya bulshadeena. Waa falal waxyeelo culus ku
haya damiirka iyo akhlaaqda bulshada gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada.
Sidaas darteed, waa qaybta ugu muhiimsan xeerkan kana mid ah meelaha uu
xeerkani ku wacan yahay balse haddana qaab-qoraal ahaan iyo sharci ahaan ba aan
ka madhnayd in la dhaliilo.
Madmadowga ku jira qodobadan: Qodobka
13aad oo wuxuu dhigayaa “Qof kasta oo si
ula kac ah ugu qasba ama ugu kalifa
qof carruur ah in uu daawado cid kale oo
samaynaysa galmo waxa uu galay dambi, waxa uuna mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba
sannadood.” Fal dambiyeedka uu qodobku qeexayaa waa mid wax lagaga qabanayo
falkan oo waxyeelo ku ah ama xumaynaya akhlaaqda iyo dhaqanka carruurta.
Haseyeeshee, qodobku wuxuu fal dambiyeedka ku koobay in si ula kac ah qof
carruur ah loogu qasbo in uu daawado dad isku galmoonaya. Taasi oo meesha
ka saaraysa aragtida caamka ah ee ah sharci ahaan in carruurtu aanay marka hore
ba lahayn awoodda garashada xumaanta ama raali ka ahaanshaha dembiga. Qofka carruurta
ah uma ba baahna in la qasbo ama la kelifo sababtoo ah xumaanta iyo samaanta
waxa u kala sheega ama uu ka bartaa waa dadka waaweyn. Qodobkuna taas ayuu
khilaafsan yahay oo ma qabanayo qofka isagoon qasbin ilmaha u horseeda xumaanta
noocan ah. Sidaas darteed tiirarka dambigan ee ah qasbida ama kelifaadu waa kuwo xanibaad ku ah wax ka qabashada in
xumaan iyo dhaqan xumo loo horseedo carruurta, waxaanay ahayd in fal
dambiyeedku u dhignaado sidan: “Qof kasta oo si ula kac ah qof carruur ah u
daawadsiiya dad isku galmoonaya ama muqaal laga duubay waxa uu galay dambi.”
Qodobka 14aad
ee xeerku wuxuu dembi ka dhigayaa in qof uu si ula kac ah iskugu qaawiyo ama
marada uga faydo xubnahiisa taranka dadka dhexdiisa. Taasi oo ah anshax-darro uu
qofku ku muteysanayo xadhig
ciqaabeed u dhaxeeya 3 ilaa 6 bilood iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya
1,000,000 ilaa 2,000,000 oo shillinka Soomaaliland ah. Waa qodob qaab-qoraal
ahaan iyo sharci ahaan ba si fiican u qoran oo aanay anniga shakhsi ahaan ii
muuqan ceeb uu leeyahay.
Qodobka 15aad
wuxuu mamnuucayaa in b) cod, filim ama
sawir laga duubo ama qaado fal
dambiyeed jinsi ah ama muuqaal kale
oo khuseeya galmo ama fal lidi ku ah
jinsi. T) la wadaaga ama qaybiya ama
ganacsi ahaan u haysta cod, film ama sawir laga qaadey faldambiyeed jinsi
ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal jinsi kale. Waxaan u fahmay in
qodobku uu dembi ka dhigayo ka duubista ama qaadista cod, filin ama sawir fal
dambiyeed jinsi ah oo dhacaya, balse maan fahmin waxa loola jeedo muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal lidi
ku ah jinsi. Muuqaalka kale ee khuseeya galmo ma waxa loola jeedaa in la
duubo muuqaal galmo oo aan fal dambiyeed ahayn sida galmo xalaal ah oo la
duubo? Falka lidiga ku ah jinsiga se maxaa loola jeedaa? Maxay kala yihiin ama ku
kala duwan yihiin codka, filimka iyo
sawirka laga duubayo ama qaadayo fal-dambiyeedka jinsiga ah iyo muuqaalka kale ee khuseeya galmadu – ma
isku mid baa mise laba wax ayey kala yihiin? Maxayse kala yihiin ama ku kala
duwan yihiin fal-dambiyeedka jinsiga ah
ee codka, filinka ama sawirka laga qaadayo ama duubayo iyo falka lidiga ku ah jinsigu? Ma kala qeexna oo ma kala cada waxa ay
kala yihiin fal dambiyeedka jinsiga ah, muuqaalka kale ee khuseeya
galmo iyo falka lidiga ku ah jinsigu. Sidaas darteed, nuxurka qodobkan waxaan u fahmay uun in ay dembi
tahay in cod ahaan, muuqaal ahaan, sawir ahaan loo duubo ama qaado fal
dambiyeed jinsi ah oo dhacaya ama wixii galmo la xidhiidha sida qof qaawan oo
sawir ama muuqaal laga duubo ama hadal galmo khuseeya oo cod ahaan loo duubo
iyo in sidoo kale la sii qaybiyo, dadka lala wadaago ama laga ganacsado waxaas
la duubay. Faqradda 2aad waxay dembiga
ka reebaysaa haddii ujeeddada duubista, qaybinta ama haysashadu ay ahayd in
lala wadaago hay’addaha sharci fulinta. Faqradda 3aadna waxay dembiga
ciqaabtiisa ku cusleynaysaa haddii ujeeddada falkani ay ahayd ganacsi..
3. Bilaabida iyo Oogida
Dacwaddaha Fal-dambiyeedyada Xeerkan
Ugu
horeyn waxa cad oo aan qarsoonayn in xeerku uu mudnaanta kowaad siinayo
ilaalinta xuquuqaha dhinaca dhibanaha ah iyo daryeelkiisa. Xeerku ma aha oo
umana qorna sida xeer caddaaladeed oo ay u siman yihiin dhinacyada dacwaddu –
wuxuu ku dhisan yahay ilaalinta xuquuqaha dhibaneyaasha fal dambiyeedyada la
xidhiidha galmada ama jinsiga (Victim based approach). Wuxuu sidoo kale ku
dhisan yahay qaab kala sooc muwaadinimo oo jinsi ku dhisan. Waa xeer ay si toos
ah ugu cadahay ujeeddooyinkiisa qoran ee loo dejiyey. Sidaas darteed, iyadoo aynu
ogsoonahay xaqiiqada dhabta ah ee ah in ay aad u nugul yihiin dhibanayaasha lagu
la kaco fal dambiyeedyada uu xeerkani khuseeyo oo ay u baahan yihiin tageero
iyo gargaar dheeraad ah, haddana qofkasta oo aaminsan isla markaana jecel in
muwaadiniintu ay si siman oo dhex ah u helaan caddaalad iyo sinnaansho, ma
hilmaami karo ilaa xad dhibaatada iyo burburka nololeed ee ku dhaci kara qofka
fal dambiyeed noocan ah oo aanu geysan si fudud loogu eedeeyo ama loogu xukumo.
Dhibanaha xuquuqdiisu kuma jirto in xuquuqda eeddaysanaha lagu tacadiyo. Wixii
labadooda u dan ah ayay danta bulshadeenu ku jirtaa, balse wixii dhinac qudha u
dan ah ee dhinaca kalena tacadi ku ah waa burburkeeda iyo balanbalkeeda.
Ilaah
baan kuu dhaartee burburka ay bulshada ku keenayso in hal qof si fudud oo
caddaalad-darro ah loogu xukumo dembi aanu lahayn, kuma keenayso haddii toban
dembiile ay maxkamaddi ku sii deyso caddaymo la’aan. Ujeeddada uu xeerkani uga
dhinac noqday eeddaysanahu waa burbur bulsheed oo ummaddeena lala maagan yahay
ee maaha mid ummaddeena ama qof dhibane ah wax loogu qabanayo.
Qodobka 17aad: Goorta Gudbinta iyo Bilowga Dacwaddaha Galmo “1) Majiro xilli u
xaddidan b) Gudbinta dacwadda ama
cabashada dhacdada fal dambiyeed jinsi, ama t) Billaabista oogista dacwad dhan ka ah la tuhunsane loo haysto
fal-dambiyeed jinsi oo Xeerkan ku dhigan.” Annigu waxaan qabaa dacwaddaha
noocan ah caddaymahooda iyo marag-muujintoodu in aanay wakhti dheer ba isbadel
la’aan jiri karayn. Waxay kamid yihiin dacwaddaha u baahan in la bilaabo inta
ay arrintu qoyan tahay ee caddaymahu aanay tirtirmin ama meesha ka bixin.
Caqligana ma gasho shuruud la’aan in daba furan laga dhigo muddada ay tahay in dacwadda
la gudbiyo.
Qodobku ereyga ‘xili’ ayuu adeegsaday
balse dacwaddahu maaha xiliyeed (seasonal), cinwaanka marka la eegana ereyga
‘goorta’ ayaa la adeegsaday oo isna aan meesha ku haboonayn maadaamaa aanay
jirin gelin ama saacad lagu xidho dacwaddaha gudbintooda. Qodobka 84aad ee
Xeerka Ciqaabta Guud muddo 30
casho gudahood ah ayuu waajibinayaa in dacwadda ciqaabta ah lagu soo gudbiyo
haddii cidi ay cabanayso. Qodobka 21aad ee Xeerka Habka Ciqaabtuna qodobkaas
ayuu waafaqsan yahay, waxaanu dhigayaa shuruuddo ay ku buri karto adeegsiga
xuquuqdani. Haseyeeshee, hore ba umuu jirin qodob xili gaar ah dacwaddaha soo gudbintooda loogu xaddiday,
loomana baahna in xilli loo xaddido sababtoo ah muddo ayaa u
xaddidan.
Markay noqoto bilaabista dacwad oogida
fal dambiyeedyada xeerkan ku cad, waxa khasab ah oo dastuuri ah in la xaddido
muddada qofka la tuhunsanaha ah loo hayn karo baadhis sida ku cad faqradda 5aad
ee Qod. 27aad Dastuurka JSL oo dhigaysa ‘Xeerka
ayaa xaddaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan’. Sidaas
darteed, iska dhaaf in qodobku uu dhigayo in aanu jirin xili u xaddidan
bilaabista dacwad oogidee, waxaa qayrul-dastuuri ah in aanu in aanu qodobku
xaddidin muddada ugu badan ee uu eeddaysanahu xidhnaan karo dacwad oogid
la’aan. Sidaas darteed, qodobkani waa mid khilaafsan sharciga dalka oo uu ugu
horeeyo qodobka 27aad ee Dastuurka JSL.
Qodobka 20aad: Doorka uu Bileysku ku
Leeyahay Baadhista Dacwaddaha: Sida uu qodobkani u dhigayo doorka uu
bileysku ku leeyahay baadhista fal dambiyeedku waa mid khilaafsan dastuurka iyo
xeerka habka ciqaabta labada ba sababtoo wuxuu bileyska awood u siinayaa in uu
sameyn karo xadhig iyo baadhis dhammeystiran oo aanu maxkamadda iyo
xeer-ilaalinta ogeysiin. Hadal ahaan faqradda ugu dambeysa ayey ku qoran tahay “in uu xishmeeyo oo fuliyo amarrada
maxkamadda, oo uu sidoo kalena guto hawlaha iyo waajibaadyada kale ee la
xidhiidha dambi baadhista ee uu dhigayo Habka Xeerka Ciqaabtu.” Taasi maaha
mid qodobkan faqraddahiisa kale xalaalaynaysa sababtoo waxay bileyska awood u
siiyeen wax sharciga khilaafsan oo ah sida ku cad faqradda ‘sh’ ee qodobkan ‘’in uu ku dadaaalo in la soo qabto oo
la xidho la tuhunsanaha/eedaysanaha dambiga, wareysina ka qaado la
tuhunsanaha/eedaysanaha marka la soo xidho, warka uu ka helona diiwaan galiyo
gal dacwadeedka dacwadaasi u furan.” in uu ku deddaalo waxa ka horeysa sifaha loo qaban karo ama loo baadhi karo
eeddaysanaha.
Faqradda 2aad
ee qodobka 25aad ee Dastuurka JSL waxay dhigaysaa ‘ma bannaana in qofna la baadho, la qabto ama la xayiro, haddii uusan
markaa dembi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku
soo saarin Garsoore awood u lehi.” Haddii uu dambi faraha kula jiro kama
ba hadlayo qodobkan 20aad ee xeerku oo wuxuu ka hadlayaa uun marka qof u soo
dacwoodo ee ay dacwadu sidaas ku furanto. Hadda ba, qodobkani in uu toos uga
hor imanayo qodobka 25aad ee dastuurku waa mid iska cad sababtoo ah qodobkan
meel qudha kagama xusna in bilowga baadhista uu bileysku amar qabasho iyo
baadhiseed uu ka dalbado maxkamadda ama xitaa ogeysiiyo qofka uu xidhay ama
qabtay. Majirto faqrad keliya oo yaanay si cad ba u sheegine, muujinaysa
qabashada eeddaysanahu in ay sababaysnaato. Faqraddaha qodobkuna waa kuwo awood
u siinaya bileyska inay iyagoo ka duulaya cabashada dhibanaha iyo waxa laga
qoray, ku deddaalaan inay soo qabtaan eeddaysanaha oo xitaa baadhis forensic ah
ay sameeyaan deedna galka baadhista oo dhammeystiran uun ay xeer-ilaalinta u
gudbin karaan. Taasi waa baadhis ka arradan xuquuqahii dastuuriga ahaa ee
eeddaysanaha oo toos u khilaafsan qodobka 25aad ee dastuurka, waxaanay
dhiirigelinaysaa in xadhig iyo baadhis sharci-darro ah ay kiisasku ka abuurmaan
oo xuquuqda eeddaysanayaasha lagu tacadiyo.
Qodobka 25aad: Carqaladeyn
Caddaaladeed:
Qodobkani runtii waa mid yaabkiisa wata oo cajab badan sababtoo ah ma dhigayo
fal dambiyeed ee wuxuu dhigayaa xukun fal dambiyeed. Maaha qodob u baahan in
dacwad laga furo oo maxkamad horteed laga caddeeyo sababtoo ah isagaa ba
maxkamad la’aan si toos ah u sii xukumaya qofkasta oo qodobkan loo qabsado.
Faqradda 1aad waxay dhigaysaa “Qofka
waxa uu noqonayaa dambiile,
haddii uu faro galiyo gudbinta
cabasho ama warbixin, dambi baadhista ama/iyo oogista dacwad fal- dambi ku cad
Xeerkan si uu u horjoogsado, u
leexiyo, u marin-habaabiyo, ama u carqaladeeyo hannaanka dhagaysiga ama geeddi
socodka nidaamka caddaaladda.” Ugu horeyn, faqraddani waxay sii caddeysay
in qofku aanu eeddaysane ba noqonayn ee uu si toos ah dembiile u yahay haddii
loo qabsado falka faqraddan ku cad. Taasina waxay khilaafsan tahay faqradda
3aad ee qodobka 26aad ee Dastuurka JSL.
Mar labaadka, faro-gelinta
gudbinta cabasho ama warbixin waa
marxalad aanay dacwaddi furnayn oo dibada ka ah nidaamka caddaaladeed oo maba
noqon karto carqaladeyn caddaaladeed. Mar saddexaadka, ujeeddada
horjoogsashada, leexinta ama marin-habaabinta dhageysiga ama geedi socodka
nidaamka caddaalada maaha mid lagu gaadhi karo faro gelinta cabashada ama
warbixinta falka balse waa mid lagu kici karo wakhtiga dhageysiga, lamana
qeexin marka la odhan karo marin-habow, leexin ama horjoogsasho ayaa ku timid
dhageysiga ama geedi-socodka dacwadda. Taasi waxay keenaysa in markasta oo ay
bileyska iyo xeer-ilaalintu ku fashilmaan baadhista dacwadda ay si fudud cid
kale dusha uga saaraan guuldarada dacwadda ama ay dhibanaha iyo markhaatiyada
ku qasbaan in aanay ka hor iman si kasta oo ay dacwadda u dhigaan haddii kale
ay qodobkan ku fulin doonaan.
Faqradda
labaad, waxay tacadi ku tahay xorriyada go’aan qaadasho ee dadka sababtoo ah
waxay dembi ka dhigaysaa in labada dhinac ee dacwad fal dambiyeed xeerkan ku
cad oo uu dhageysigeedu maxkamadda ka socdo ay ka heshiiyaan ama ay dibeda
arrinkooda ku xaliyaan, kadibna codsadaan in dacwadda la oodo, eeddaysanahana
la sii daayo. Arrinta heshiisku waa mid ay dhinacyadu xor u yihiin. Arrintan
codsiga dacwad oodista iyo sii deynta eeddaysanahuna waa mid aan la lahayn ba
saameyn dembi sababtoo maaha fal leh natiijo saameyn dembi oo codsigu maaha fal
natiijadiisu ay ka iman karto codsadaha – waa mid ay go’aankeeda leeyihiin
hay’addaha garsoorku.
Runtii waa wax
lala yaabo in falkan aan dembiga ba noqon karayn lagu muteysto xadhiga
ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sanno. Waxay ciqaabtiisu lamid tahay ama
ka culus tahay todobada fal dambiyeed ee ugu culus xeerkan ciqaabta lagu
muteysanayo iskudaygooda iyo afar fal-dambiyeed oo xeerka kamid ah ciqaabtooda.
Saw markaa cajiib maaha in labadii qof ba toos loogu xukumo wixii ay ka
heshiinayeen – hadduu jiray iyo haddaanu jirin ba - ciqaab ka culus dembigii uu
midna dhibanaha ka ahaa midna eeddaysanaha ka ahaa. Maxay se tahay ujeeddada
looga cusleeyey ciqaabta falkan aan dembiga ba lagu sheegin karayn ciqaabaha
fal dambiyeedyada caadiga ah ee xeerka badankooda. Miyaanay ujeeddadu ahayn
dembi tarmin iyo dacwaddo badin ilayn bileyskii waatan xor looga dhigay inay
kiisaska abuuraan, qofkii dacwad ka noqdana waatan dembi culus laga dhigay, kii
talaabo kale qaadana waatan la yidhi soo faro-galin carqaladeyn caddaaladeed
ah.
Qodobka 27aad: Amarrada la Xidhiidha
Badbaadada:
Faqradda 2aad ee qodobkani waxay amarrada badbaadada ku daraysaa
xaraf-faqraddeedka “b” oo dhigaya “in
afar iyo labaatan saacadood gudahood lagaga soo qaado eedeysanaha wixii hub ah
ee ku jira gacantiisa.”
Runtii
tani waa wax lagu qoslo sababtoo ah shay ama hanti uu leeyahay eeddaysanahu oo
aan fal dambiyeed lagu gelin sharci maaha in loola wareego si sharci-darro ah
haddii aanu fal dambiyeedka u adeegsan. Amniga dhibanahu uma xalaalaynayo bileyska
in ay kaga qaadaan eeddaysanaha hub gurigiisa u yaala sababtoo ah dacwaddaha
noocan amniga dhibanaha waxa ka khatar badan kan eeddaysanaha sababtoo ah
isagaa ba wax loo tirsanayaa.
4. Qodobada la Xidhiidha Caddeymaha
Qodobka 33aad: Caddeymaha aan la Aqbali
Karin:
Faqradda 1aad ee qodobkani waxay si gaar ah u reebtay in taariikh-nololeedkii
jinsi ee dhibanaha uu eeddaysanahu isku difaaco, iyadoo si cad u qiraysa in ay
noqon karto caddeyn laysku difaaco ayey haddana si badheedh ah u sheegaysaa in
aanay bannaanayn in laysku difaaco – “Ma banaanna in la xigto
taariikh-nololeedka jinsi (sexual history or background) ee dhibanaha fal dambi
jinsi oo noqon karta caddeyn loo
addeegsado is difaac.” Halkaa kuma joogayso ee waxay sii daba dhigaysaa “ama
loogu andacoodo (dooddo) b) in ay u muuqato in
dhibanahu ogolaaday falka galmo ama jinsi ee dacwaddu khusayso; ama t)
marag kaca dhibanahu yahay mid aan la
aamini karin ama daacad ahayn.”
Faqradda 2aad
ayaa iyadna sidaas si lamid ah uga reebtay eeddaysanaha in uu isku difaaco
caddeynta macaamilka ka dhaxeyn jiray dhibanaha. Waxaanay dhigaysaa “Ma banaana
in uu eedeysanahu ama cid kale oo mataleysa qofka ku eedeysanaha dacwad jinsi
khusaysa sida ku cad Farqadda 1aad ee Qodobkan oo ay caddeyn ahaan u soo
bandhigto in uu dhibanahu la yeeshay ama
horey uga ogolaaday eedeysanaha ama cid
kale fal jinsi ah oo aan ahayn ka ay
dacwadu khusayso.” Bal hadda
cajaa’ibtan eega, qof lagu eeddaynayo in uu qof kale khasbay oo la leeyahay kuma
dooddi karo in uu caddeeyo:
o in aanu khasab
jirin oo hore ba ay iskugu galmoon jireen oo ay wada galeen dembiga
o in aanu muujin
karin ama caddeyn karin in ogolaansho jiray oo aanu khasab jirin iyo
o In dhibanaha
soo dacwooday ee wax sheeganayaa uu haddana isagu isku yahay markhaati wax ku
caddeynaya isaga (eeddaysanaha), isaguna aanu ku dooddi karin in aan la aamini
karin ama aanu daacad ahayn oo aanu isla qofkii soo dacweeyey markhaati noqon
karayn.
Qodobkani waa
mid meel ka dhac ku ah nidaamka caddaaladeed iyo dhexdhexaadnimada garsoorka
sababtoo ah waa qodob nuxurkiisu iskugu soo biyo shubanayo in dhibanahu iska
daa wax kalee uu xitaa yahay markhaati aan la duri karin iyo in eeddaysanahu
aanu xitaa isdifaaci karin. Waa qodob qayrul-dastuuri ah oo khilaafsan faqradda
2aad ee qodobka 28aad ee Dastuurka JSL.
5. Ciqaabta
Qodobka 34aad: Xaaladdaha Cusleeya
Ciqaabta:
Qodobkani wuxuu taxayaa xaaladdaha cusleeya ciqaabta oo iskugu jira kuwa
taagnaa wakhtigii falka lagu kacayey iyo kuwo la xidhiidha dhaqanka
eeddaysanaha. Intooda badan waa kuwo sax ah oo lagu muteysan karo in ciqaabta
la kordhiyo. Haseyeeshee, xaaladdaha ay kamid yihiin b) dhibannaha oo ah qof
carruur ah; k) eeddeysanaha oo ah qof
ku tagri falay ama si qaldan uga faa'iideystay meeqaam xileed, mas'uuliyadeed
ama aaminaadeed; ama I) haddii cidda dambiga gashay ay tahay laba qof ama ka badan,
waa kuwo khuseeya qodobbo gaar ah oo aanu qodobkani caddeyn sida loo kala
dabaqayo fal dambiyeedyada ay marka hore tiirarkooda ku jiraan iyo qodobada
kale.
Qodobka 35aad: Xaaladdaha Fududeeya
Ciqaabta:
Qodobku wuxuu dhigayaa afar xaaladdood oo keliya oo fududeeya ciqaabta isla
markaana iyagu dhammaantood sharci ahaan aan sax ahayn. Waxaan annigu u arkaa
in laga badheedhay oo loogu talogalay in aan xeerka lagu darin xaaladdo
ciqaabta fududeyn kara oo sharci ahaan sax ah.
1)
Xaaladdaha
fududeynaya ciqaabta ee xeerka ku cad waxa ugu horeysa eeddaysanaha oo ah qof carruur ah oo da’diisu ay tahay 15 jir ilaa 18
jir. Waxyaabaha la yaabka leh waxaa kamid ah in qodobka 2aad ee Xeerku uu
kelmada ‘carruur’ ku qeexayo “qof
da’diisu ay ka yar tahay 18 jir.” Haseyeeshee, inkastoo xitaa wax ka
badelkii Golaha Guurtida ay ku jirtay oo laga dhigay ‘qofka kasta oo ay da’diisu ka yar tahay 15 jir’, oo Golaha
Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku diidday wax ka badelkaas, wax macno ah oo ay
xeerka ku kordhinaysaa ba ma jiro sababtoo ah 12 jeer oo carruurta laga hadlayo
ba waxaa la xusayaa 15 jir. Halka 18 jirku ay xeerka kaga jirto mar kaliya
marka laga yimaad qeexida, markaasina ay tahay markan qofka carruurta ah ee ay
da’diisu tahay 15 jir ilaa 18 jirka laga fududeeyey ciqaabta.
Macnaha meesha ku jiraa waa in qof
da’diisu ay ka hooseyso 15 jir aanay lahayn masuuliyad dambi. Taasi oo dhan
marka laga eego waafaqsan shareecadda islaamka iyo dhaqanka bulshada.
Haseyeeshee, waxa iyadna meesha ku jirta in carruurta ay da’dooda u dhaxayso 15
jir ilaa 18 jir ay leeyihiin masuuliyad dambi oo la fududeeyey oo ciqaabta laga
dhimi karo saddexdii meelood meel ahaan sida ku cad Qod. 117 Xeerka Ciqaabta
Guud. Arrintani se ma waafaqsana Shareecada Islaamka oo waxay masuuliyadda dembi
kala siman yihiin dadka kale.
2)
Xaaladda
labaad ee fududeynaysa ciqaabta ee xeerka ku cad waa “eeddaysanaha oo ah qof da’a ah ama gaboobey.” Waa mid khilaafsan
shareecada islaamka oo iyadu qabta in qofka weyni uu ka ciqaab culus yahay
qofka dhallinyarada ah gaar ahaan dembiyada waaweyn sida sinnada ama kufsiga.
Waxa kamid ah xadiiska ku yaal saxiixul muslinka ee uu Rasuulku SCW ku sheegay
‘Saddex ilaahay aakhiro lama hadlo; Oday
sinneystay, qof madax ah oo beenaale ah iyo wax ma hayste kibir badan.’ Saddexduba
maaha kuwo laga filayo falalka ay ku kaceen oo cudurdaar maleh.
3)
Xaaladda
saddexaad ee fududeynta ciqaabta ee xeerkan ku cad waa tan ugu la yaabka badan,
waana “eeddaysanaha oo ah qof maskaxda ka
buka.” Waa xeerkii ugu horeeyey oo qof maskaxda ka jiran ka dhigaya
dembiile ee aan arko. Wallee annigu ka yaabay xeerkani sida uu u caashaqsan
yahay qof kasta oo magaca dhibane wata iyo colaada miyir beelka ah ee uu u hayo
qof kasta oo eeddaysane lagu sheego. Wax sharaxaaad u baahan ba maaha oo waxba
ku tiigaali maayee, xeerku waa xeerkaas qofka waalan xukumaya een sharci iyo
shareeco toona u eegin.
4)
Xaaladda
afraad ee fududeynta ciqaabta fal dambiyeedyada xeerkani waa “eedeysanaha oo
ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu dambiga
galayay.” Iyadna waa yaabka yaabkiise
sawka qodobka 11aad ee isla xeerkani fal dambiyeed ka dhigaya in qof la
sakhraamiyo ama maandooriyo si loogula kaco galmo? Qofka la sakhraamiyey ee galmo
ku kaca – rag iyo dumar ba – ma dhibanaa mise waa eeddaysane? Hore ayaan se uga
hadlay sababta isagoo dhibane ah looga dhigay eeddaysane. Xeerku waa xeerkaas
sharciga, shareecada, dhaqanka iyo caddaaladda ba ka madhan ee xaajadiisu ay
tahay xeelad badanleeydaas aan xaq dhawrka lahayn.
Qodobka 37aad: Warka uu Dhiibo ama
Bixiyo Dhibanahu:
Xeerkan cajaa’ibtiisu ma yaree, wax uu soo socda ba wuxuu iskugu soo biyo
shubanayaa halkii uu nuxurka ugu muhiimsan ee xeerka ba laga lahaa uu ku jiray
oo ah 1) in dhibanahu uu yahay markhaati wax caddeeya oo weliba xogta uu isagu
sheegaa ay tahay caddeynta ugu culus ama ugu muhiimsan iyo 2) in si ay
maxkamaddu u go’aamiso xukunka lagu ridayo ama lala tiigsanayo dambiile lagu
xukumayo qodobada xeerkan ay maxkamadda u bannaan tahay in ay tixgeliso ama ku
xisaabtanto warka ama xogta uu afka ka
sheegay ama laga qoray dhibannaha ee tilmaamaysa dhibta iyo dhaawaca ka soo
gaadhay fal dambiyeedka loo geystay.
Haddii intaas
uun lagu joogee, faqradda 2aad waxay sii caddaysay ba in warka ama xogta dhibannahu ay ku filan tahay in loo cuskado xukunka
eeddaysanaha lagu riday waxaanay odhanaysaa “Xogta
ama warka uu bixiyo dhibanuhu ee ee loogu gudbiyay maxkamadda sida waafaqsan
Qodobkan, kama reebeyso maxkamada inay tixgaliso ama ku xisaabtanato caddeyn
kale oo kasta oo ay u aragto inay muhiim u tahay goaan ka gaadhista ciqaabta la
saarayo dambiilaha.” Macnaha maxkamaddu kuma ba khasbana caddeyn kale oo lagu
kaabo waxa uu dhibanahu sheegee, way u
bannaan tahay hadday u aragto in ay muhiim tahay.
Hadda
fal dambiyeedyadan qofkii soo dacwooday afkiisa loogu xukumayo eeddaysanaha,
waxa ku jira kuwo uu ILAAHAY ciqaab xad
ah u dhigay oo ay shareecadu waajibisay in afar qof wax ka yar aanay
caddeyn karin sida kufsiga sinnada aanu qofka kale raalida ka ahayn uun ah,
kufsi loo galmooday ilmaha yar oo sinno ah, kufsiga loo galmooday qof aanay
maskaxdiisu dhammayn oo isna sinno ah iyo kufsiga qasabka ah ee hubka loo
adeegsado qofka loo galmooday oo xiraabo
ah iwm. Waynu roonahay haddii uu ILAAHAY innaga saamaxo nidaamkeena
dawladdeed ee sidaas u dhalan-rogay shareecadda Islaamka iyo nusuustii uu innoo
soo dejiyey.
Qodobka 38aad: Ciqaabista
Dambiilayaasha sida Wadajirka ah Dembiga u Gala:
Markii aan falan-qaynayey qodobka 5aad ee xeerka oo jideeyey fal dambiyeedka
“kufsi wadareedka”, waxaan tilmaamay in eeddaysanayaasha lagu wada eeddaynayo
kufsi wadareedka aan la kala saarin marka laga hadlayo faqradda 3aad ee
jidaynaysa in haddii dhaawac culus ama xanuunka AIDS-ka uu dhibanahu qaado ay
ciqaabtu noqonayso xabsi daa’in. Waxaan ku doodday “maadaamaa hal shakhsi uu dhaawaca geysan karo ama uu xanuunka
AIDS-ka wada qaadsiin karo dhibanaha iyo eeddaysanayaasha ba, waxay ku fiicnayd
in si cad loo qoro in masuuliyadaas uu leeyahay qofka dhaawaca gacantiisa ku
geystay ama xanuunka laga helo sababtoo ah dadka wada eeddaysan dembiga
masuuliyadiisa way wadaagaan waanay kala leeyihiin sababtiisa (joint and
several liablity).”
Qodobkani
wuxuu dhigayaa “Qof kasta oo
haga, amra, dhiirigaliya, la taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala
shaqeeya, gargaara ama qof kale ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada
Xeerkan wuxuu muteysanayaa xukun ciqaabeed ku haboon dembiga inta uu ku
leeyahay sida waafaqsan xeerka ciqaabta guud.” Marka qodobka
sidan u qoran lagu sheegayo dembiilayaal si wadajir ah dembi u galay, malaha
ereyadani waa kuwo qodobka uun lagu qurxiyey oo maaha kuwo macnahooda dhabta ah
loogu talogaley in ay ka turjumaan. Nuxurka qodobku waa dambiga ay dad badan ka
qayb-qaataan (participation) gelitaankiisu in qof walba uu muteysanayo xukun
ciqaabeed ku haboon dembiga inta uu ku leeyahay sida waafaqsan Xeerka Ciqaabta
Guud.
Inkastoo Xeerka
Ciqaabta Guud qodobkiisa 71aad ay ku cadahay ka sinnaanta ciqaabta dembiga ay u
siman yihiin dadka fal dambiyeedka ka qayb-qaataa, haddana, faqradda 1aad ee qodobka
73aad ayaa gaar u xusaysa [masuuliyadda iyo kaalinta ay dembiga ku kala
lahaayeen darteed] in ciqaabta gaar loogu kordhinayo: b) qof kasta oo u bilaaba, abaabula ama haga talaabooyinka dadka kale ee fal dambiyeedka ka
qayb-qaadanaya; c) qof kasta oo masuul ah oo awooddiisa [qasab], hagidiisa ama
amarkiisu uu dadka uu maamulo ku sababo in ay fal dambiyeedka ku kacaan.
Faqradda 2aad ayaa si cad u sheegaysa in ciqaabta lagu kordhinayo xaaladaha ku
cad xarfo-faqraddeedyadan la dabaqayo xitaa haddii dadka fal dambiyeedka laga
qayb-gelinayo ama ku kacayaa aanay lahayn masuuliyad dembi.
Qodobka 75aad
ee Xeerka Ciqaabta Guud wuxuu ciqaabta ka khafiifinayaa qaar kamid dadka si
wadajirka uga qayb-qaatay fal dambiyeedka: 1) Haddii Garsoorahu uu u arko in ay
aad u kooban tahay gargaarida ama kala
shaqaynta uu qof ka qayb-qaadanayey fal-dambiyeedku ku lahaa diyaarinta iyo
fulinta fal dambiyeedka wuxuu ka dhimi karaa ciqaabta sida waafaqsan qodobka
119 XCG. 3) ciqaabta wuxuu sidoo kale ka dhimi karaa dadka lagu sababay in ay
ku kacaan ama ka qayb-qaataan fal dambiyeedka sida ku cad xaaladaha ku cad
xaraf-faqraddeedka c) iyo d) ee faqradda 1aad ee qodobka 73aad ee Xeerka
Ciqaabta Guud.
Qodobka 45aad: Burid iyo Laalid: Ujeeddada
kowaad ee xeerka waxaa lagu sheegay “in
la dejiyo xeer waafaqsan shareecada islaamka, dastuurka qaranka JSL,
mabaadi’da guud ee caddaalada, qiyamka iyo dhaqanka suuban ee ummaddu
leedahay”, faqradda 2aad ee qodobkan 45aad na waxay dhigaysaa “Xeer
kasta oo kale ama qodobkasta oo sharci ama Xeer dhaqameed kasta oo ka soo
horjeeda, ama aanan waafaqsanayn xeerkan waa la buriyay waxaana lagu baddalay
qodobada Xeerkan.” Dhega! Xeerkii dhaqanka ummadda la
waafajinayey sawkan buriyey ee laallay dhaqanka laftiisii ee qodobadiisa ku
badalay. Maxaa kuu baxay?
TALLOOYIN IYO SOO JEEDIMO
1.
Ugu horeyn, annigu shakhsiyan Cabdishakuur ahaan, ujeeddada
aan bulshada ula wadaagayey aragtidayda shakhsiga ah ee aan ka qabo Xeerkan
Kufsigu waxay ahayd inaan aaminsanahay in xeerkan aynu bulsho ahaan aad uga
baahnayn balse aynu ku hungoownay oo aynu kala kulanay wax aynaan uga fadhiyin
oo bulshadeena diinteeda, dhaqankeeda iyo masiirkeeda ba khilaafsan. Xaaladda
aynu ku suganahay na maaha mid aan is leeyahay cid bay farxad gelinaysaa oo
jecel in xaaladan lagu sii jirno oo aaminsan in aan xeer-ciqaabeed cusub loo
baahnayn.
Xeerkan kufsiga oo keliya kuma koobna ceebaha sharci ee aynu dugsanaynaa
oo Xeerka Ciqaabtu ba wax badan ayuu la wadaagaa waxyaabaha aynu xeerkan ku
diiddanahay khaasatan markay noqoto waafaqsanaanta Shareecada Islaamka. Sidaas
darteed waa in lagu baraarugsanaadaa oo aynaan xeerkan uun ku koobin doodda oo
aynu fursadan uga faa’iideysanaa in la saxo dhammaan xeerarka aan waafaqsanayn
diinta iyo dhaqanka ummadda si loo helo xeerar ka turjumaya mabaadi’da sharci
ee uu ku dhisan yahay Dastuurka JSL oo ay ugu horeyso Shareecada Islaamku.
2.
Qaabka
fudud ee loo ansaxiyey iyo geedi-socodkii lagaga soo shaqeeyey Xeerkan Kufsigu waxay
inoo muujinayaan sida fudud ee ay suurtogal u tahay in la afduubo masiirka
ummadda isla markaana loo adeegsan karo Golayaasha Qaranka gaar ahaan
Xeer-dejinta oo karaamada iyo awooddii shacabka ee ay huwanayeen lagu
shaqaystay.
Sababta keliya ee ay taasi u dhacday waa mid aynu garan karno oo ah in
aynu nahay ummad tasoowday oo qof walba uu dannihiisa gaarka ah eryanayo
isagoon aan xitaa xeerinayn diin, dan guud iyo masiir ummaddeed midna. Sidaas
darteed, la yaab maleh in la innoo keeno xeerar aanay danteenu ku jirin oo aan
diinteena iyo dhaqankeena toona lagu saleyn. Waanay socon doontaa oo maaha mid
si dhibyar u joogsan karta ilaa inta aynu ka baxayno tasoowga aynu ummad ahaan
ku jirno.
Hore ayaan laba sanno kahor u tilmaamay halka ay sartu ka qudhantay iyo
sababta aynaan xitaa waxba uga qaban karin arrimaha noocan ilaa aynu ummad
ahaan la nimaad han ummaddeed oo aynu kaga xoroobi karno aragtiyaha iyo afkaarta
ay cid kale leedahay ee aan xal u ahayn mashaakilaadka sharci ee inna haysta.
Waxaad ka akhrisan kartaa qoraalka aan mawduucan kaga kaga hadlay laba sanno
kahor ee cinwaankiisu uu yahay Nidaamka
Caddaaladeed ee Soomaaliland: Himilooyinkiisa Qoran, Ummadda Tasoowday,
Bahdiisa Hanka yar iyo Qaranka Hagraday. Qoraalkan ayey ku dhan yihiin
tallo iyo tusaale wixii khuseeya nidaamka sharci iyo caddaalada ee aan u gudbin
lahaa bulshada gaar ahaan Mihnadlayaasha Sharciga.
3.
Waxa iyadna mushkilad ah in bulsho ahaan aynaan arrimahan
noocan ah ugu dooddi karin si mawduuci ah oo ku kooban fikirka uu qofku diiddan
yahay ama uu difaacayo, balse sida hadda muuqata dadka qaar ay cid gaar ah
dhaleecaynayaan, qolooyinkii xeerka loo soo dhiibayna doodda qudha ee ay
dhiiban karaan ba waxay noqotay “waxa
xeerka diiddan ragga oo dumarka dhibaatadooda jecel iyo dad kufsiga bannaysanaya
ama wax kufsan jiray.” Dadka sidaas u hadlayaa waa dad aqoonyahan
sheeganaya iyo xildhibaanno golaha wakiilada ka tirsan. Sidaas darteed, waxaan
soo jeedin lahaa in si ikhlaas ah looga hawl galo arrimaha noocan ah oo aynu ka
baxno annaaniyada, danneysiga iyo isku muuqashada. Xeerka dooddiisu waa mid
sharciyeed oo ay shareecaddu ugu mudan tahay – wixii diinta khuseeyaana wax
lagu dheeldheeli karo maaha. Mana qurux badna in warbaahinta iyo social
media-ha uun ay ku koobnaato doodduye waxa loo baahan yahay in hannaanka sharci
ee lagu sixi karo loo maro sixitaanka xeerka oo doodda loo gudbiyo Goleyaasha
Qaranka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, ciddii difaacaysaana halkaas ha ka
difaacdo. Sidaas darteed, waxaan ku talinayaa oo aan soo jeedinayaan soo
jeedimahan hoos ku faahfaahsan:
Sharciyaqaannada,
Aqoonyahanka, Siyaasiinta iyo Culimada
waxaan u soo jeedinayaa:
·
In laga wada shaqeeyo sidii xeerkan iyo kuwo kale ba
loo sixi lahaa si loo helo xeerar ku dhisan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka
JSL.
·
In ay sameystaan shabakado ay ku mideysan yihiin oo
u taagan la socoshada xeerarka iyo shuruucda dalka dejintooda iyo fulintooda ba
·
In la derso nidaam ahaan qaabka xeer-dejineed iyo
geedi-socodka ay maraan xeerarka uu baarlamaanku dejiyo.
·
In ay xidhiidh wada shaqeyneed la yeeshaan Golayaasha
Qaranka iyo urrurada bulshada ee madaxa-bannaan.
·
In ay si dhoow ula socdaan habka shaqada nidaamka
caddaaladeed ee dalka isla markaana xoojiyaan la xisaabtanka xukumada iyo
garsoorka
Golaha
Wakiillada iyo Xukumadda waxaan u soo
jeedinayaa:
·
In aanay dhayalsan xilka iyo waajibaadka gole ahaan loogu
igmaday isla markaana sida ku cad faqradda 1aad ee qodobka 38aad ee dastuurka
JSL in ay reeban tahay in xeer-dejinta
loo wareejiyo cid kale. U dhaqma oo ha idinka muuqato in aad tihiin XEER-DEJIYEYAAL oo yaanay dib u dhicin
in aad ahaataan ANSAXIYEYAAL XEER AANAY
DEJIN.
·
Xasuusnaada in sida ku cad qodobka 38aad,
faqraddiisa 4aad: “himilooyinka
xilgudashada baarlamaanka ay ugu muhiimsan tahay t) In Jamhuuriyadda
Soomaaliland ay yeelato dhammaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad Islaami ah.”
·
Ogaada in xubin kasta ay ku dhaaratay "WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO
DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN
IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".
Urrurada Bulshada ee aan Dawliga ahayn waxaan u soo jeedinayaa:
·
Haddii ay idinka dhab tahay in aad bulshada meteshaan
waa in aad ilaalisaan dhaqankeeda, diinteeda iyo masiirkeeda ba.
·
Ha noqonine kuwo mashaariicda iyo aqoonta keliya ee ay
bulshada ugu adeegayaan ay tahay wixii ay wax ku bixiyaan ee ay idiin dhiibaan Urrurada
Caalamiga ah iyo hay’addaha QM xataa haddii aanay ka turjumayn rabitaanka iyo
qiyamka bulshada aad mateshaan. Ha idinka muuqato aqoonta iyo kartida aad iskaga
baandhayn kartaan isla markaana kaga kaaftoomi kartaan mashariicda shisheeyahu
idiin dhiibo ee aydaan curintooda iyo fikirkooda midna lahayn ama aanay
bulshada danni ugu jirin.
·
Waxa aad ka duulaysaan ha noqdo diinta iyo dhaqanka
bulshada oo yaan idinka la idin doorin si aydaan idinkuna bulshada dhaqankeeda
iyo diinteeda u doorin.
AYNU ISA
SAAMAXNO OO ILAAHAY HA INNOO DEMBI DHAAFO, DARIIQA SAXDA AHNA INNA WAAFAJIYO.
AAMIIN.
Qalinkii: Garyaqaan
Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)
Email: goodlawyer2014@gmail.com
Burco/Hargeysa,
Soomaaliland
LIFAAQ:
Goleyaasha Xeer-dejinta Soomaaliland Maxay ku Kordhiyeen Xeerka?
Kalfadhigii 29aad ee Golaha Wakiilada, fadhigiisii
11aad oo qabsoomay 14kii bisha Diisember 2015 ayaa loo qaybiyey mudanayaasha
Golaha Wakiillada qabyo-qoraalka Xeerka Kahortagga Kufsiga iyo Xadgudubyada la
xidhiidha oo ka koobnaa 23 bog oo 46 qodob ah. Golahaas dhan waxa uu xeerka hadda
dhaqan-galka ku soo kordhiyey ama lagu daray talaabooyinka hoos ku cad:
1.
Magaca qabyo-qoraalka oo ahaa “Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada
Xidhiidhka Laleh (Xeer Lr./----/2015)” waxaa lagu badelay “Xeerka
Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga ah (Xeer Lr. 78/2018.)”
2.
Gogoldhiga (preample) waxaa lagu daray “Markuu arkay Qodobada 77aaad iyo 78aad ee
Dastuurka Soomaaliland.”
3. Qodobka 1aad oo
ahaa “Magaca Xeerka” waxaa loo badelay “Erey-bixin”.
4. Erey-bixinta
kelmada “" Xadgudub Galmo (Sexual Act)” Waxaa loola jeedaa galmo toos ah
ama fal kale oo lagu xidhiidhin karo galmo oo lagula kaco qayb ama xubin ka
mid ah jidhka qof si loo kiciyo dareenka ama loo dhaawaco hammadda galmo ee cid
kale.” Waxaa lagu badelay
“"
Fal Jinsi (Sexual Act)” Waxaa loola jeedaa galmo, ama fal kale oo khuseeya,
ku luglahaansho, fal jinsi loo aannayn karo oo lagula kaco xubnaha taranka,
dabada, afka ama xubno kale oo ka mid ah jidhka.”
5.
Erey-bixinta kelmada “kufsi” waxaa loola jeedaa galmo aan
sharcigu jidayn oo iyadoo loo addeegsanayo xoog, cabsi galin ama hanjabaad uu
qof kula kaco qof kale oo ay kala jinsi yihiin ama la jinsi ah ; waxaana loo
arkayaa in uu kufsigu dhacay marka xubinta taranka ee qofka falka ku kacayaa, xaddigay
doontoba ha gaadsiisnaato’e gasho ama lagaliyo xubinta taranka ama xubin
kale oo ka mid ah jidhka qofka kale.
Waxaa
lagu badelay “galmooda/galmoodo” (Sexual Penetration) waxaa loola jeedaa
gelitaanka xaddigay doontoba ha gaadsiisnaato’e xubinta taranka ee qof ay gasho
xubinta taranka, dabada ama afka qof kale”
6.
Erey-bixinta kelmada " Wasaaradda" Waxa loola jeedaa Wasaarada Arimaha
Bulshada iyo Shaqada. Waxaa
lagu badelay "Wasaaradda" Waxa loola jeedaa hay’adda xukumada uga
masuulka ah arrimaha qoyska iyo haweenka”
7.
Erey-bixinta kelmada " Wasiirka" Waxa loola jeedaa Wasiirka Arimaha
Bulshada iyo Shaqada. Waxaa
lagu badelay "Wasiirka" Waxa loola jeedaa Madaxa hay’adda
xukumada uga masuulka ah arrimaha qoyska iyo haweenka”
8. Qodobka 2aad oo
ahaa “Qeexida Ereyadda Xeerka” waxaa loo badelay “Magaca
Xeerka”.
9.
Qodobka
3aad: (1) “In la dajiyo xeer waafaqsan
ama la jaan qaadi kara dastuurka, minqiyaasyada caalami ee xaquuqaha
aadamaha iyo mab;aadiida guud ee cadaaladda oo ku haboon waxna ka tari kara in
la mamnuuco lagana hortago
kufsiga iyo fal dambiyeedyada kale ee galmada” Waxaa lagu badelay “in la dajiyo xeer waafaqsan shareecada
islaamka, dastuurka qaranka JSL, mabaadi’da guud ee caddaalada, qiyamka iyo
dhaqanka suuban ee ummaddu leedahay”
10. Cinwaanka “CUTUBKA LABAAD: XADGUDUBYADA
GALMADA” Waxaa lagu badelay CUTUBKA LABAAD: XADGUDUBYADA JINSIGA”
11.
Cinwaanka
“Qaybta
kowaad: Fal Dambiyeed Kufsiga” Waxaa lagu badelay “QAYBTA
1AAD:KUFSIGA IYO XADGUDUBYADA JINSIGA”
12. Qodobka 6aad cinwaankiisa oo
ahaa “Kufsi Xad-gudub ah” Waxaa lagu badelay “Ku-Xadgudub Keentay Kufsi/Kufsi Awood Sheegasho”
13. Qodobka 6aad: “Qof kastaa isagoo ujeedadiisu tahay inuu
galo fal kufsi ah ee xubin jidhkiisa ka mida ama shay kale galiya
xadigay doontaba ha gaadhsiisnaatee xubinta taranka ama xubin kale oo ka mid
ah jidhka qof kale waxa galay faldabiyeed kufsi xad gudub ah, waxaana mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa Todoba
iyo Toban ilaa Saddex iyo Labaatan sanadood oo xadhig ah.” Waxaa lagu badelay “Qof kastaa isagoo ujeedadiisu tahay samayn galmo
ee xubin jidhkiisa ka mida ama shay kale galiya xadigay doontaba ha
gaadhsiisnaatee xubinta taranka ama xaga dambe ee qof kale waxa uu ku
sifoobay galayna faldabiyeed ku xad gudub kufsi/kufsi awood sheegasho, waxaana
mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa Todoba iyo Toban ilaa Saddex iyo Labaatan
sanadood oo xadhig ah”
14. Waxaa
la saaray
cinwaanka “Qaybta 2aad: Falalka xidhiidhka laleh Xad-gudubyada Galmada”
15. Cinwaankii marka hore ahaa “Qaybta
3aad: Diyaarinta iyo ka Qayb-qaadashada Faldambiyeedyo Xadgudub Galmo” Waxaa
lagu badelay “QAYBTA 2AAD: DIYAARIN FAL DAMBIYEEDYO”
16. Qodobka 11aad: Waxaa laga saaray faqraddii 3aad
oo u qornayd sidan “Qofkii isku daya in
uu galo fal dambiyeedka ku xusan qodobkan, waxa uu mutaysanayaa xadhig
ciqaabeed u dhaxeeya hal ilaa saddex
sannadood.”
17. Qodobka 12aad: Waxaa laga saaray faqraddii 3aad
oo u qornayd sidan “Qofkii isku daya in
uu galo fal dambiyeedka ku xusan faqrada kowaad qodobkan, waxa uu mutaysanayaa
xadhig ciqaabeed u dhaxeeya saddex ilaa shan sannadood.”
18. cinwaanka “Qaybt AFRAAD: kAYDINTA, DuubisTA iyo BaahinTA
FAL XADGUDUB GALMO” Waxaa
lagu badelay “QAYBTA 3AAD: DUUBIS IYO BAAHIN”
19. Qodobka 13aad: Waxaa laga saaray faqraddii 2aad
oo u qornayd sidan “Qofkii isku daya in
uu galo fal dambiyeedka ku xusan qodobkan, waxa uu mutaysanayaa xadhig
ciqaabeed u dhaxeeya laba ilaa saddex sannadood.”
20. Qodobka 21aad: Waxaa lagu daray “Warbixinta baadhista caafimaad ee uu
bixinaayo hawl-wadeenka caafimaadku waa in ayna si cad u qeexin ama sheegin in
uu dhacay fal dambiyeed kufsi ama xadgudub jinsi ah”
21. Qodobka 38aad oo u dhignaa “Qof kasta oo haga, amra, dhiirigaliya, la
taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala shaqeeya, gargaara ama qof kale
ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada Xeerkan wuxuu muteysanayaa xukun
ciqaabeed la mid ah ka uu mutaysto ama la saarao qofka dambiga galay (the principal
offender).” Waxaa loo badelay
““Qof kasta oo haga, amra, dhiirigaliya,
la taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala shaqeeya, gargaara ama qof
kale ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada Xeerkan wuxuu muteysanayaa
xukun ciqaabeed ku haboon dembiga inta uu ku leeyahay sida waafaqsan Xeerka
Ciqaabta Guud”
22. Qodobka 39aad: Waxaa lagu daray “Eeddaysanaha haddii lagu waayo dembiga lagu
soo oogay waxa uu yeelanayaa magdhow waafaqsan shareecada islaamka iyo wixii
khasaare ee soo gaadhay muddadii ay ku socotay dacwaddu.”
No comments:
Post a Comment