Sidii loo joogay baa mar qudha dunida
la gu soo dhex tuuray hadal sheegaya in soohdimaha qarameed ee gobolka Bariga
Dhexe la beddelayo oo dib loo qaabaynayo. Arrintan oo ka soo bilaabatay
khariidad muujinaysa dhul qaybintaa cusub taas oo ay warbaahinta Maraykanku
faafisay aad baa loo faalleeyay, maantana wax aad mooddaa in la wada aqbalay oo
cid waliba qorshaha ku darsatay. Weli la ma ka la hubo khariidaddaasi in ay ka
timid qorshe siyaasadeed oo dawlado wadaan iyo in ay is ka tahay mala’awaal
saxaafadeed, kollayba se waxaa muuqda ifafaale weyn oo isbeddel laxaad leh
gobolkaa u soo sida.
Taariikh ahaan wax aynnu og nahay
soohdimaha qarameed ee maanta ka jira labada qaaradood ee Afrika iyo Aasiya in
uu yahay wax ay sameeyeen reer Yurub xilligii ay labadaa qaaradood ka
talinayeen qarniyadii 19-aad iyo 20-aad. Jeexidda soohdimahaana wax ay ku
saleeyeen oo keliya danahooda dhaqan iyo dhaqaale ee mustaqbalka. Kolkii ay
bulshooyinka labada qaaradood dawladoobeen waxaa la gu qasbay ama ay ku
qasbanaadeen soohdimahaa in ay sidooda u daayaan. Haddii se la doonay taa in
wax la ga beddelo bulshooyinkii waxaa ku dhacay dagaallo iyo burbur aad u weyn.
Dagaallada iyo burburka mar waxaa keenay dadyowga soohdimaasi khuseeyaan oo ku
heshiin waayay, mar kalena dhibaatada waxaa waday reer Galbeedka oo aan
oggolayn in wax la beddelo. Hoog badan oo dunida soo koraysa ka dhacay taas baa
u sabab ahayd.
Gaar ahaan haddii aynnu dib u
milicsanno taariikhda khariidadda qarameed ee gobolka loo yaqaanno Bariga
Dhexe, waxaa la og yahay in ay tahay wax ka soo bilawday mashruuc la gu
magacaabi jiray Heshiiskii Sykes-Picot. Heshiiskaasi wax uu dhex maray
Ingiriiska iyo Faransiiska sannadkii 1916, iyada oo Ruushkana markii dambe la
oggolaysiiyay. Qorshaha heshiiskaa waxaa la gu baabbi’inayay Imbaradooriyaddii
soojireenka ahayd ee Cismaaniyada, dhulalkii islaamka ee ay ka talin jirtay
ayaana la gu qaybsanayay. Magaca Sykes-Picot waa soo gaabinta magacyada laba
diblomaasi oo hawshaa ka soo shaqeeyay oo ka la ahaa Mark Sykes (Ingiriis) iyo
George Picot (Faransiis). Bilawgii wax uu ahaa heshiis qarsoon, sannad ka dib
ayuu se Ruushku shaaciyay.
Si haddaba qorshahaa loo meelmariyo,
Ingiriisku wax uu odayada carabta u ballanqaaday haddii ay talada Cismaaniyada
ku kacaan in uu iyaga u dhisi doono dawlad carbeed oo midaysan. Laakiin kolkii
ay carabtu Turkigii ku kacday ee dhulkeedii oo dhan ka saartay, iyaga oo
Ingiriiska taageero ka helaya, ballantii Ingiriisku ma ay fulin, carabtiina
dawladnimo la ma siin ee Yurub baa dhulkoodii qaybsatay oo qabsatay. Sannadkii
uu heshiiska Sykes-Picot dhacay gugii xigay waxaa soo baxay mashruuca kale ee
isagana loo yaqaanno Ballabqaadkii Balfour, kaas oo ay Ingiriiska iyo niman
yuhuud ahi ku wada qorsheeyeen in dawlad yuhuudeed la ga dhiso dhulka
Falastiin.
Sidaas baa soohdimaha gobolkaa loo
qaabeeyay kuna noqday sida uu maanta u eg yahay. Sidaas baa boqolkii sannadood
ee tagay dadyowgaa loo maamulanayay oo khayraadkooda loo bililiqaysanayay,
xitaa iyaga oo dawlado is moodaya. Tii baad mooddaa haddaba maanta in qorshe cusubi
ka daba yimid, iyada oo malaha caddaanku is tuseen Heshiiskii Sykes-Picot oo
boqol jirsaday in uu gaboobay ayna tahay in la cusbooneeyo. Guud ahaan
kacdoonka xorriyad-doonka ah ee ka dhacay kana socda dhulalka carabta, burburka
iyo ka la daadashada Suuriya iyo Ciraaq, qalalaasaha Liibiya, Yaman, Masar iyo
dalal kale, loollanka isirnimo, diineed iyo mad’habeed ee Dunida Muslinka
gilgilaya, awoodaha cusub ee Israa’iil, Turkiga iyo Eeraan, intaas iyo in
kaleba waa wax sabab u noqon kara runnimada qorshaha la ga hadlayo. Isu soo
dhowaanshaha aan caadiga ahayn ee Maraykanka iyo Eeraan, oo shan iyo soddon
sannadood col iyo cadaawe isu ahaa, dad badan baa rumaysan sababteedu in ay
tahay qorshaha cusub ee gobolka la la maaggan yahay oo Eeraan qudheeda loo
kaashanayo.
Sidee ayay u dhigan tahay haddaba
khariidaddan cusub ee warbaahinta dhex wareegaysaa? Waa khariidad ugu horraynba
la gu salaynayo soohdimo isirnimo, diineed iyo mad’habeed. Tusaale ahaan dadka
kurdida ee ku badan Waqooyiga Ciraaq waxaa loo qoondeeyay dal madaxbannaan oo
ay qoomiyad ahaan keli ku yihiin lana yidhaahdo ”Kurdistaan”. Dhulkaasi imikaba
in uu go’o ayuu qarka u saaran yahay, rajadaa oo ay sii xoojisay Dawladda
Islaamka ee badhtamaha Ciraaq la ga ga dhawaaqay. Aqoonyahan badan baa rumaysan
dawladda Islaamka ee Ciraaq ka soo baxday in Maraykanku oggol yahay kana mid
tahay qorshaha weyn. Dhanka kale, durba dawladda Israa’iil oo gobolka awood iyo
firfircooni badan ku lihi ma ay qarsan niyaddeeda ah in ay taageersan tahay
dawlad kurdida u gooni ah. Sidaas ayay Ciraaq ku noqon kartaa saddex dal oo ay
ka la lee yihiin kurdi, sunni iyo shiico, qolo wal oo saddexdaa ka mid ahina
wax ay jiidan kartaa qolooyin la isir ama la diin ah oo dal kale oo deris ah ku
dhaqan. Tusaale ahaan kurdidu haddii ay dawladoobaan wax ay jiidan karaan
kurdida kale ee Eeraan, Suuriya iyo xitaa Turkiga. Sunniguna wax ay ku darsami
karaan sunniga Suuriya iyo qaybo Sacuudiga ah.
Si taa la mid ah, khariidaddu Suuriya
wax ay u qaybinaysaa isirro iyo mah’habo diineed. Waxaa la mid Lubnaan. Waxaa
la mid ah Sacuudiga iyo dalalka yaryar ee isaga ku wareegsan. Gobolka Siinaay
ee Masar waxaa loo qorshaynayaa in uu noqdo dal gooni ah oo Israa’iil xijaab u
noqda. Masarta hadhay qudheeda in la qaybiyo oo masiixiga dawlad gooni ah loo
sameeyo ayaa hadalhaynta ku jirta. Liibiya wax ay u ka la dhaqaaqi kartaa ilaa
saddex waddan iyada oo isir loo eegayo. Yaman qudheeda mindida qaybinta waa la
dul dhigayaa. Waxaas oo dhami suurtagal ayay u eg yihiin marka la eego laba
masalo: 1) maslaxaddii ninka cad ee gobolka oo beryahan xasillooni darro
gashay; 2) bulshooyinka gobolka oo ay ka luntay midnimadii nafsiyadeed ee
qarannimo iyo awooddii is caabbintu.
Qorshahaasi haddii uu run yahay,
soomaali ahaan wax badan baa innaga galay, waayo shaki la’aan qayb ayaynnu
qaybinta ka nahay. Awalba soohdimaha Geeska Afrika, oo u gu horrayn dhulka
soomaalida la gu qaybiyay, waxaa la gu saleeyay daciifinta soomaalida muslinka
ah iyo xoojinta masiixiga deriska la ah. Colaadda dheeraatay ee soomaalida
dhexdeeda qudheedu daciifintaa ayay ka mid ahayd, waayo wax ay ahayd colaad
habeen iyo maalin debedda la ga soo shido, xalkii ay mudnaydna la ga la
dhabcaalay.
Dad badani wax ay is wayddiiyaan,
iyada oo la hubo midnimo dambe oo soomaalidu yeelato in aan reer Galbeedku
oggolayn, haddana maxay Soomaalilaand u aqoonsan waayeen? Marar horena waan
idhiye, dadka soomaalida oo dhan baa la doonayay horta in aad loo jilciyo oo la
gaadhsiiyo heer aanay waxba ka la dooran karin, oo waxba dooni karin waxbana
diidi karin. Markaa qalalaasaha koonfurta ka dami waayay iyo go’doominta iyo
cunaqabataynta Soomaalilaand saarani waa is ku ujeed iyo is ku qorshe.
Soomaalilaand oo aqoonsi hesha macnaheedu waa dawlad soomaaliyeed oo dunida la
shaqaysan karta codna ku leh, taasi in ay timaaddana sida muuqata ilaa imika
reer Galbeed ma jecla, sida aanay u jeclayn soomaalida kale oo isu lugo duwata
oo qaran dhab ah noqota. Waana arrin la hubo soomaalidu maanta iyada oo tii
shalay ka tacliin, dhaqaale iyo tiraba badan haddana in ay aad u ga daciifsan
tahay aadna u ga dadnimo liidato. Daciifnimadaa nafsiyadeed heerka ay gaadhay
qofna loo ga sheekayn maayo.
Haddii se uu jiray qorshe la gu
doonayay in soomaalida la gu geliyo colaad, gaajo iyo ka la daadasho, si loo
jilciyo, waxaa la gu sheegi karaa in uu ahaa qorshe doqonnimo iyo sheyddaannimo
labadaba ah, waayo dhibaatooyinka maanta soomaalida la ga sheeganayaa
dhammaantood wax ay ka dhasheen qorshahaa qudhiisa. Tusaale ahaan xagjirnimada
diineed iyo argagixisada, budhcadbadeedda, iyo malyuumaadka qaxootiga ah ee
dunida dhan walba u gu fatahmay waa natiijada ka dhalatay colaadda, qalalaasaha
iyo dawlad la’aanta.
Soomaalidu la ga soo bilaabo bilawgii
dawladnimadeeda ma ay aqoonsan soohdinta Ingriisku u sameeyay, laakiin haddana
waa ay ku guuldarraysatay iskuday walba oo ah in ay soohdintaa wax ka beddesho;
maya ee waxaaba la dhihi karaa iskudaygaa waa ay eedday. Midnimadii
Soomaaliland la gashay koonfurta sannadkii 1960 waxaa la gu sheegi karaa
tijaabo dhiirran oo la gu diiddanaa qaybinta soomaalida, la guna baadi doonayay
Soomaaliweyn. Laakiin dhab ahaantii tijaabadaasi wax ay qayb weyn ka ahayd
burburka iyo colaadda soomaalida ka dhammaan waayay, sidii ay qayb u ga ahayd
dagaalladii Soomaalidu ku qaadday Itoobbiya. Tijaabadaa fashilantay iyo
burburkii weynaa ee ka dhashay ayaa mar kale sabab u noqday Soomaalilaand in ay
dib u go’do.
Soomaalida koonfurtu ka ma ay
garaabin talada ay Soomaalilaand ka ga noqotay midnimadii labada gobol,
dacaayado colaadeed oo aad u kulul baana la gu soo afuufay. Dacaayad iyo colaad
madhan ayay se ahayde, dadaalka qudha ee go’itaanka Soomaalilaand la gu baajin
kari lahaa waa koonfurta oo nabad iyo dawladnimo dhulkeeda ka hirgelisa,
dabadeed wadahadal caqliyaysan Soomaalilaand la yeelata. Dhanka kale reer
koonfurku burkaba bahal ka ma ay filan oo intii ay is qalanayeen, marna
Soomaalilaand ka daba qaylinayeen, dabka waxaa u saarnaa dheri la gu bislaynayo
iyaga qudhoodu in ay sii ka la qaybsamaan. Maanta ”Soomaaliya” waa is ka magac
afka la ga yidhaahdo laakiin xaqiiqo jirta ma aha. Tusaale ahaan Buntlaand wax
ay u dhaqantaa sidii dawlad madaxbannaan, Dawladda Dhexe ee Muqdisho fadhidana
wax amar iyo talo ah ka ma qaadato. Waxaa la mid ah maamulka Sawaaxiligu wataan
ee Jubba. Maamullada badan ee waddada ku soo jiraana is la tubtaas bay ku
socdaan.
Maamullada madaxabannaan ee koonfurta
la ga dhisayo waxaa la huwinayaa maro la yidhaahdo ”faddaraal”, laakiin intii
suurtagal ah waxaa la gu hoos ururiyaa dad qabyaalad isu raacaya. Haddii dadka
maamulkaa ku hoos jiraa is ku qabiil noqdaan, waa la aqbalaa oo loo arkaa reer
geeliisii meel wada daaqsanaya (tus. Buntlaand). Haddii se ay dadkaasi is ku
reer noqon waayaan waxaa ka dhasha muran iyo qalalaase xoog leh (tus.
Jubbalaand). Shalay kolkii la soo saaray heshiis dhigaya qaybo ka mid ah gobollada
dhexe in ay maamul samaysanayaan, Buntlaand waa ay goysay xidhiidhkii Dawladda
Dhexe, sababta oo ah maamulka Buntlaand wax uu dareemay in reero ay Buntlaand
hayb ahaan tirsanaysaa xaggaa raaceen. Waa is la khilaafka ku dhex jira
Soomaalilaand iyo Buntland. Meel walba sidaas baa ka socota.
Arrintaasi laba xaqiiqo ayay inoo
muujinaysaa. Midda hore waa sida ay u adag tahay Koonfurta Soomaalida in uu ka
hirgalo hab dawladeed faddaraal ah oo aan ku dhisnayn qabyaalad ee ku dhisan
sida ay dad soomaaliyeed oo meel wada degaa dan u wadaagaan, iyada oo aan la ga
go’in ee la hoos joogo awoodda dawladda dhexe. Midda labaadna waa sida
maamulladaa faddaraalka ku magacaaban laakiin qabyaaladda ku dhismay ay hadhow
u gu sii durkayaan dawladnimo buuxda, halkaas oo ay ka soo baxayaan qarammo
yaryar oo soomaaliyeed.
Qayb ka mid ah khariiddada cusub ee
dhowaan dunida la gu soo dhex tuuray wax ay muujinaysaa soomaalida oo loo
qaybinayo Soomaaliland, Buntlaand iyo Soomaaliya. Waxaa se taa ka horraysa
soomaalidu iyadu waxa ay doonayso iyo sida ay mustaqbalkeeda u qorshaysan
karto. Qorshahaa waxaa u gu liita in soohdimo qabyaaladeed loo jabo oo naf la
ga raadiyo. Soohdimo qabyaaladeed oo ay soomaalidu u qaybsanto ama loo qaybiyaa
laba aayaxumo ayay keenayaan. Ta kowaad waa sida aanay kolka horeba soohdimo
noocaas ahi u suurtoobi karin, waayo reeraha soomaalidu waa ay is ku wada
dhafan yihiin oo geed walba wada joogaan oo wada daaqaan. Aayaxumada labaad ee
ay soohdinta qabyaaladeed keenaysaa waa iyada oo ay adkaan doonto mustaqbalka
dambe in ay soomaalidu isu soo noqoto, waayo xinka iyo colaadaha ka dhalanaya
qabyaaladda dawladaysan ayaa aad u raagi doona, haddiiba aanay dadka soomaalidu
taa ku baabbi’in.
Sidaa darteed soohdinta Soomaalilaand
la yeelanayso Soomaaliyada kale, iyo maamul goboleedyada dhismahooda koonfurta
la ga wado, giddigood waxaa wanaagsan in la ga ilaaliyo in ay qabyaaladoobaan,
taa beddelkeedana la gu saleeyo danta iyo duruufaha dhuleed iyo bulsheed ee
meeshaa ka jira. Taas baa shiiqin karta xintanka reeraha iyo colaadda, taas baa
dhayi karta dhaawacyada nafsiyadeed ee la ka la qabo, taas baana soo dedejin karta
mustaqbalka in la midoobo.
No comments:
Post a Comment