“Hadduu gaar u maamulo qof waa geel nin leeyahaye
In kastoo gantaal iyo wed iyo gawrac lagu hooyo
Meel loo gunraaciyo haddaan gogoldhig loo yeelin
Mar haddaan garaad loo lahayn way iska gubataaye
Geedkeed be waa sixir haddaan garasho liilayne
Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo waa laf guri taalle”
Abwaan Hadraawi
In kastoo gantaal iyo wed iyo gawrac lagu hooyo
Meel loo gunraaciyo haddaan gogoldhig loo yeelin
Mar haddaan garaad loo lahayn way iska gubataaye
Geedkeed be waa sixir haddaan garasho liilayne
Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo waa laf guri taalle”
Xasan Cabdi Shire |
Hal abuurka
riwaayahada cusub ee reer Burco Sooraan & Jawaan ayaa inta badan ka metela
riwaayado cusub oo la jaanqaadi kara hadba duruufta taagan ee bulsho. Waxaay
meteleen riwaayad aan ku bartay Kartida iyo hal-abuurnimada Raggaas,
riwaayadaas waa mid laga metelay xisbiyada siyaasadda Somaalilaan oo la magac
baxday Xisbul Barri Wal-baxri, riwaayadaas waxaan ka fa’iideey waxyaabo baan oo
aan qiil u waayay, tasoo i tustay inaanay jirin kawaan siyaasiyiinta dadkeenu
lagu cabiraaa & dadka oo u heelan hadba ciddii hor timaada oo ka dhiga
siyaasiyiinta saylad oo kale. Qoraalkaaygani uma jeedo cid gaar ah, umana socdo
dad & dal gaar ah, waxaanse u socdaa magaca siyaasiga ah oo ah kelmad
xirfadeed dadka oo dhan ka dhexeeysa wana kelmad u gaar ah mujtamacu/bulsho
wada leeyihiin.
Aan usee nqodo
dulucda qoraalkaayga yaanan ku talax tagin fasirka riwaayadaas &
hordhacayga. Dunida aan ku noolnahay waxaa bulshooyinka loo kala saaraa
dhinacyo kala duwan oo shaqo: qof waa aqooyahanka bulshada u qabta arimo badan
oo aay ka midyihiin horumarka, toosinta, hagista tubta toosan, aqooyahan waa
inuu ka madax banaan yihiin halista bulshadiisu ku nool yihiin, sida Somaaliada
oo halistooda koowaad ugu jirto qabyaalad. ‘beryahan waxan arkaa dad ku
dhawaaqaya hadaanu nahay wax-yaqaanka & wax-garadka reer hebel. Wax-yaqaan
& reer hebel labadaasi is-magalaan Xoolahadoona kob ma wada daaqaan’.
Qofkale, waa
ganacsade bulshada kusoo kordhiyaa dhaqaale, shaqaalaysiin, kaabis badh ka mid
ah nolosha tabaaladeeda. Ganacsade waa qof xor u ah ganacsigiisa, haddana
dhaqaalaha & dakhligu waxa uu kasoo galaa bulshada oo dhan, hadaad meherad
wax ka iibsanayso kuma eegtid ama uma doorbidid iibkaaga waa qoloma, su’aashu
waxa weeyaan maxaa ganacsade u doorbida marka qof la shaqaalaysiinayo in loo
eegaa Qolodiisa/Reerkiisa? Ogoow qofkasta waxa uu wax kaaga iibsada waa tayada
waxaad hayso ama iibinaayso, adiguna waxaad u baahan tahay Inaad qofka ku
shaqalaaysiiso tayada uu leeyahay.
Qofkale waa Siyaasi
loogu talo galay, ama isugu talo galay inuu umadda ku hago waddada wanaagsan
& hanka ku jira dadka uu metelo dal ahaan & dad ahaanba ee ku nool
wadanka uu kasoo jeedo, waxaana looga baahan yahay inuu ka tago ama ka
tanaasulo guud ahaan ba wixii dantiisa ah, una adeego wax ka dhexeeya dadka oo
dhan. Waxaana caado u ah siyaasiga qeexan waa inaad dad u dhexeeyso si looga
baxo kala qaaybsanaanta sababeen dhibaatooyin badan oo dunida ka jira &
qaar u gaar ah wadamada qaarkood. Siyaasi waa xirfad hogaamineed, maaha benaale
ama hogaamiye xoolo umadeed dhaca marka lagu aamino hogaanka ama loo aqoonsado
siyaasi. Arinku sidaas waa ka soo horjeeda waa hogaamiye nololeed, dhaqan,
horumar, kana caagan inuu bulshadiisa been u sheego kuna hago god madoow &
daluun dheer.
Asalka kelmada Siyaasadda (Politics) & Nuxurka Wixii loo
Yaqaanay
Siyaasaddu waa
kelmad Carbeed, wadamada reer Galbeedkuna u barteen markii dambe inaay ku
dabaqaan luuqadooda cusub oo ka tusaale ahaan aay ka mid tahay kelmadda ah
(Political). waxaana loo yaqaan mid ka mid ah xirfadaha hogaaiminta ku jirta,
looma yaqaan oo kali ah inaad wadan hogaamiso, ee waa cidkasta oo xirfad
wanaagsan oo ku hagta bulshadaas tubta toosan la timaaada iyagoo hasyta qorshe
cad oo la arki karo, tubtaas oo ka kooban dhinacyo badan oo kala duwan oo meel
laaysugu keeno si loo helo in dad kala duwan qorshayaas u hagaan, lana
hirgaliyo hanaan laaysku dabooli karo, siyasigu waxa uu ilaalinaya ama
raacayana qorshayaal dan-weeyne oo wax ku ool ah, dhinacyada dhaqanka &
nolosha kale. Mararka qaarkood waxaa dadka laays ku khaldaa kelamada siyaasadda
& kelmado kale oo aay ka mid yihiin u doodo xuquuq dadka, ilaaliye dan
guud, u adeege bulsho, dan jire, dal jire, dhamaan tood maaha siyaasi ee waa
qaaybo ka mid ah shaqooyinka hoos yimaada siyaasaga loona baahay in siyaasiga
la socda dhamaantood arimahaas ka imanayaa, waxaan kusoo koobi lahaa mararkaan
Afsomaligeena hibadiisa raacno waa Hage, Bare, Hanuuniyo, Hogaamiye, Hiddo
dhoowr, dhamaan astaamahan aan so qaadanay ma jirto mid hal shaqo oo kali ah
qabata hadaad se u fiirsato midkasta waxaay xambaarsan tahay in ka badan toban
shaqo.
Qeexista Dunidu Dambe ee Hogaamiye Siyaasi ah
waxaa Dunidu laaysku
raacay inuu yahay qofka ku guuleetsya hadba marxaladda taagan ee bulshadu baahi
u qabto, tusaale ahaan hadii koboc dhaqaale loo baahan yahay waa in la helaa dhaqaale
yahan la jaanqaadi kari daboolista & cidhib tirkaa ku socdaa dhaqaale
xumida dalka, haddii nabad loo baahan yahay na wa in la helaa Siyaasi xogo-gaal
u ah nabadda ugu yaraan ku soo guuleeystay dhoowr arimood oo geedi nabdadeed
ah, intaasiba waxaay ka saaraysaa fikirkuu aad siyaasi u taqaanay hadal yaqaan
ah ama afmiishaarnimo. Wax markale siyaasiga lagu qeexaa inuu la qabsan karo
degaanka uu xukumaayo. Aan eegno qaar kamid ah astaamaha siyaasiga looga baahan
yahay ka hor intaaynaan Siyaasigeena dalka jooga aan raad-raac ku sameeyn.
1. La qabsasho
Isbedelada dhacaaya (Adaptation)
Siyaasiga waxaa laga rabaa inuu la jaanqaado isbedelada dhacaayaa una leeyahay
isku filaanshiyo & u adkeeysi dabeecadaha kala duwan, sidoo kale la jaan
qaadi karaa horuamrka & hogaanka wanaagsan ee dunida ka soo jiray.
2. Hadaf Fuli kara
inuu leeyahay Siyaasigu (Goal Atainment).
Siyaasigu waa inuu u barbaarsan yahay hadaf fuli karaa oo la dareemi karo sida
uu fulaayo, waa inuu la yimaada qorshayaal aay ku qeexan yihiin sidii uu qaban
lahaa, halka dakhligu kasoo galaayo, cidda fulin doontaa & aqoonteeda.
3. Dhex galka
Bulshooyinka Kala Duwan (Integration) ama Qabiilada Kala duwan.
Siyaasigu, sida lagu yaqaan waa inuu ka dhisanyahay wadankiisa oo sharaf wax ku
ool ku leeyahay ahmiyadiisuna tahay inuu hirgaliyo isku duubnaan kala dambaayn,
badhaaho & barwaaqo lagu noolaado, waa inuu sitaa afkaar toos ah oo aanay
ku dheehnaayn duluc eex, ama daadafo xaq cidi leedahay.
4. Siyaasi Cabir Wanaagsan (Forecaster).
Wa in uu jiraa qof
cabiri karaa humaaga dunida ee sida hadhka guur-guurka badan, hadbana la
jaanqaada dhanka cad-ceedu ka xigto, kasoo haligi kara guud ahaan wdanka aad
hogaamiso ama hirgalin kara wanaag & horumar u horseeda bulshadaada, waxaay
ku xidhan yihiin sidaad u fahanto, waa inaad leedahay cilmi ku saabsan
siyaasada Arimaha dibadda & afkaaraha dunida ka jira si aad uga taxadirto
wixii god kugu ridi kara ama aad leedahay asxaab wanaagsan oo keeni kara
fahankaas farshaxankaas.
5. Siyaasi Haaysta Kalsooni Shacab (People’s confidence)
Halkani waa meelaha
wax ka bedeli karaa in la helo siyaasi wanaagsan, madaamada diirada lagu
saarayo nooca siyaasiga loo baahan yahay, maaha siyaasiga in dadku camalkooda
xun noqdo. Siyaasigy hadii lacag hankiisa kaaga iibsado ogoow beri waxba kuma
lihid waxaagii qandaraas baad ku qaadatay, hadii laaydiin gar-qaado waa lagaa
gar helayaa. Dhanka kale siyaasigu waa inuu aqoonsi ka haaysta guud ahaan dadka
ku nool geyigaas, maaha qabiil mana aha tuulo ama gobol aad kasoo jeedo tusaale
ahaan, inaad dadka dhex u noqotaa waa arin ku aadag awoodda yar ee dadka,
waxaase bedel u ah ciddii sameeysa in Alle ka mid dhigo todobada la hadheeyo
maalinta Qiaamaha ee aan hadh kale jirin, hadhka Alle mooyaanee (Imaam Caadil
ah).siyaasi qabiilnimo lagu unkaa waxaa uu keenaa inuu beri garan waayo halka u
socdo hogaanka siyaasiga uu ku abtirsanaayo. Aan eegno hadaba halka mawduuceenu
u socdo oo oo ah Siyaasiga dalkeena oo aan ugu horeeysiino Siyaasi Dal joog ah.
1.
Siyaasi Dal-joogga ah
Hadaba Siyaasiga
Somaaliga ah ee ka soo jeeda wadamada Somaalidu degto ee Geeska Afrika &
siyaasiga qurbo joogta ah kana soo jeeda wadamadaas, Waxaa inta badan hadheeyay
arimahan soo socda inagoo bar-bar dhigaaynaa qodobada & qeexitaanadii aan
kor ku soo aragnay.
1.2. Siyaasi Qalbiyan U Jilbo Xidhan Baahi Nololeed
Ugu horeeyn xusuuso
in baahidu aanay ahayn waxa kaa maqan, waxaase keena qalbiga marka qofku ka
arradan yahay, Siyaasada Somalida uma baahna in laay-sugu geeyo dadka shaqo
nololeed kadhigatay siyaasada iyagoo maamulaya xoolo umadeed, in laga siiyo
sarifkooda nololeed ee tacabka loogu talo galy waa arin waajib ah, waxaanse u
jeedaa inaad xoolo umadeed uu isticmaasho sidii inaad adigu hantiday, waxaase
lagaa rabaa inad u raacdo oo kali ah sidii inaad leedahay, ama lagu raacsaday.
Siyaasaddu waa falsafad toosan oo xalaal ah oo ummadeeda u horkacaysa in dadka
loo maamulo xoolo aay leeyihiin. waxaa loo baahan yahay inaad ka xaragooto
xoolo mid baahan & mid tabaalaysanba ka dhexeeya.
1.3. Siyaasiga & Cabsida Dunida Lagu Abuuray ( Gacan-Ku-Bacramis)
Dunida waxaa lagu
abuuray cabsi fari badan, gaar ahaan wadamahada xooggoodu cajabiyay, kuwaasoo
doonaayo meel kasta oo dunida ka mid ah inaay ka helaan siyaasi afkaartooda
aaminsan. Alle ayaa waxa uu leeyahay ‘Alle ka baqa, cidkale haka baqinina’
waxaa loo baahan yahay adigoon dunida dhibaayn mashaakilna ku abuurayn waa
inaad u abuuran tahay tubta toosan & dhaqanka lagu faray, baahida dadkaaga
haysta waa inaad muunad u tahay. Qodobka labaad ee haysta siyasiga Somaaliga ah
waxaa ka mid ah, inay jirto adeegsi loo adeegsado wadankiisa isagoo u adeegayaa
waddan kale, taasina waxaay meesha ka saarta siyaasi la dan ah dadkiisa waana
sababta keentay is-fahansiinta la’aanta marka xilka uu qabto siyaasi qab ku
jiro oo u haysto in cidi keensatay, ama labo siyaasi kasta aay isu haystaan
iyagoo waajibaad loo kala qaaybshay sida Muqdisho ka dhacda, waxaana meesha ka
baxda dantii dadka tabaalaysan, Somaalidu waxaay ku maah-maahdaa ‘’dameeralay
dad la dan maaha’’.
1.4. Siyaasi & Qabyaalad
Qabiilnimo waa
tuulka ugu fiican ee dhisay siyaasi tabar daran, mana aha waxaay keentay
tabaalada dunidu, waayo waxaad ka maqashaa siyaasiyiinta inaay yiraahdaan
Qabiilnimo & siyaasadi ma kala maar-maan, hadii siyaasigu xirfadiisu noqoto
kala soc-siinta qabiilnimo, maxaa loo diidayaa in madax dhaqameedkuna ha ahaado
ruug-cadaa siyaasi?.
Siyaasaddu wa inaay
aqoomay-santahay, waa in loo geliyga hu’ asturan, waa in dadka ugu ixtiraamka
badani galaan, maaha inaay galaan dadka aan ehel u ahaayn, siyaasdana waxaay
gali karta cidkasta oo leh han buuxa. . Waxaan ku dhaafayaa gabaygan Cabdilaahi
Suldaan Timo Cadde oo ka hadlaya utunta qabiilka & siyaasadda.
Innaga oon ardaa buuxin baad, kala irdhowdeene
Utun iyo olole weerar baa, isugu idlaateene
Anaa adag anaa kaa isira aniga yay gaadha
Asalkayga laylama hadlee haba I soo eegin
Isku-digato iimaan-qallalan, Eebbe Kama yaabto.
Utun iyo olole weerar baa, isugu idlaateene
Anaa adag anaa kaa isira aniga yay gaadha
Asalkayga laylama hadlee haba I soo eegin
Isku-digato iimaan-qallalan, Eebbe Kama yaabto.
‘’Abdilaahi Suldaan Timo-Cadde”
1.5. Siyaasiga & Durufta Nololeed
Qodobka Afraad ee
siyaasiga Somaaliga ah leeyahay waxa weeyaan iloowga qiimaha qofnimadiisa,
Somaalinimadiisa, wadankiisa halka uu ku yaalo, kuna talaalan dhiigiisa, waxna
aanu ku kordhin Karin waxna ka bedeli karaayn habka maamulkiisa. waxaad
maqlasyaa dastuurka sidaas buu yiri, lama bedeli karo, ogoow maaha muqadas
dastuurku hadaanu ka turjumin baahida dadka ku nool wadankaas. Qiimaha
hogaamiya qarnigani ee la oran karo wuu hoseeya waxaay keentay inaan wax la
qaban kari waayo loona dawarsi tago wadamo kale oo ka fa’iideyay dhulkooda haba
yaraadenee. Inad garan waaydo qiimahaaga wa arimaha ugu adag ee aan laga
dawaayn karin qofka hadii uu la koro muddada uu ku barbaaryo dhaqanka
siyaasadda, arinaaski waxa uu keeni kara inuu qofku kugu rido daluun dheer
isagoo ka door bidaaya duruufo cid kale leedahay, oo aan lahaayn wax
is-waaydaarsi (bargaining).
1.6. Halbeegga Xulashada Siyaasiga oo ah mid aan laga Fiirsan
Qodobka ugu dambeeya
waxa weeyaan Somaalidu siyaasiga hor boodaya, ma imtixaamaan kamana qaadaan
dhiig si loo ogaado ma muwaadin baa, ma leeyahay xirfad siayaasadeed, masoo
daboolay baahidiisa si aanu ugu daqaqamin xoolaha umadda. Arinka Somaalidu
sameyso waxaa ka mid ah inaay suu horboodaan madaama uu reer hebel yahay.
Siyaasigu marka uu xirfadaas siyaasada qaato, cid gaar ah ma xulan karto inaay
aaminto ee bulsho oo dhan buu ka dhexeeya, waxaana loo baahan yahay in lagu
qiimeeyo waxqabadkiisa, tariikhdiisa & hankiisu inoo qorsheeysan yahay.
2. Siyaasi Qurbo Joogga
Su’aali kama taagnaa
hadaad u fiirsato beryahan dambe waxaad arkaysaa siyaasiyiin qurbo joog ah
kuwaaso caqabad adag ku ah hanaanka daawladnimo ee aay leeyihiin dadka
Somaalida ah, kama hadlaayo dawlad gaar ah waxaan ka hadlaayaa guud ahaan
geyiga Somaalidu degto dawaladaha aay leeyihiin . Qurbo joogtu waxaad mooda
inaay miciinsi bideen qabyaalada badan, waana dadka ugu badan ee gala siyaasada
mar kale miciin baad mooda inaay bideen waayo 75% siyaasiyiinta wasiirnim ama
xisbi siyaasdeed buuxiyay waa qurbo joogta, waxaana ka maqan siyaasaddooda
xirfaddii & xeeladii looga baahnaa inaay la yimaadaan ugu yaraana kaga
duwanaadan dadka dalka joogay lana kulmay bur-burka, Qurbo joogta markaay
galaan siyaasda waxaa Xeeladiisii koowa noqotay lacag. “Xeer nimaan aqoon baa
ku xad gudba”.
Xaggee Xalku Ku Jiraa?
Xalkani waxaan
is-leeyahay waa mid aan ku dooran karno siyaasi waara oo keena waxaaynu rabno,
si’aan ugaadhno dunida kale ee sii koraysaa. Xalkani Waa dad u dhexeeye.
1. Siyaasi Alle
Yaqaan, Kana Cabsan Kara Imtixanaadka Aduunka & Aakhiro.
Dadka Somaalida ahi waxa weeyaan, in la helo siyaasi Allihiis yaqaan oo ku toosa duruufta aay dadku u xilsaarteen si wanaagsan, kana xishooda xoolaha umadda. Meel ka dambaaysa ma jirto hadaan qofku ka xishoon Allihii. “Cilmi waa caqli iyo caqiido la aruurshay”
Dadka Somaalida ahi waxa weeyaan, in la helo siyaasi Allihiis yaqaan oo ku toosa duruufta aay dadku u xilsaarteen si wanaagsan, kana xishooda xoolaha umadda. Meel ka dambaaysa ma jirto hadaan qofku ka xishoon Allihii. “Cilmi waa caqli iyo caqiido la aruurshay”
2. Siyaasi ka
Caafimaad Qaba Utunta Baahida, leh Qalbi Qani ah ama Dhaqaale ku Filan.
Siyaasigu hadii uu doonaayo inuu umadda xoolaheeda ka bad-baado waa inuu
leeyahy qalbi aan baahi badan ku jirin, ama dhaqaale ka reeba boobka xoolaha
umadda, siyaasigu waa inuu isagu u huraa xoolihiisa danta umadda, hadii kale
badbaado siiya danta guud. “Quruxdu qofka sheegay indhihiisay saaran tahay” waa
maah-maah Somaaliyeed, siyaasiyiintu waxaay sheegaany wanaag badan oo aan
muuqan, waxaase looga baahan yahay inaay sameeyaan wanaag la arki karo.
3. Siyaasi aay ku
Yartahay Xanafta Qabiilku/Utun badan aan tirsanaayn.
Siyaasigu waa inuu dadkiisa & dadkiisuba aay ku yaraadaan, aanayse ku badan
oo qabiilo badan u kala saarin, dadka oo dhana u wada sinaadaan, si loo helo
dad isku dan ah. Waxaana lagu gaadhi karaa iyadoo dadka aay isku baahi &
isku duruuf ahaadaan, meelna looga soo wada jeesto xabsiga siyaasiga ee la
galay.
Gebo-Gebo.
Siyaasigu waa doorka
nololeed ee hogaamiye keeni karaa bad-baado qaran, si loo helo xasilooni lagu
wada noolaado, sida dhibaatooyinka wadankaas haysta, gaar ahaan waxa ina hasyta
haddeer waa xoog qabyaaladeed, tahriib, & duruufo kale oo u baahan in dadka
la xasiloyo. Waxaan k dhaafaya siyaasiga maanta maah-maahdan ‘Ragu sadex waa
iskaga mid Magaca, magta iyo maganta’’ lakiin waa in siyaasda & doorarka
kale ee la kala qaatay lagu kala duwanadaa.
No comments:
Post a Comment