Xukuumaddi waxay noqon kartaa mid ku sifawday maamul-wanaag, marka
ay leedahay hannaan dhisan oo si daahfuran looga arki karo waxqabadkeeda, tallaabooyinkeeda
iyo go'aamadeeda, isla markaana lala xisaabtami karo masuuliyiinteeda iyo
haayaddaheedaba.
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul |
Haddaba,
waxaan jecelahay inaan iftiimiyo waxyaabaha keena inay xukuumadduhu alaabaa la
wada iman kari waayaan sifahaasi "Xukun-wanaagga" ee aynu
xagga hore ku soo sheegnay, iyagoo waliba hoggaankoodu ku dooddayo inuu ku
yimid hab dimuqraadiya. Marka laga hadlayo "maamul-wanaag" waxa loo
jeedaa waa hufnaan, sinnaan, dhex-dhexaadnimo, iyo u darbanaan hawleed. Marka
siyaasad la soo qaadona, arrintu waxay ku xidhantahay go'aamo shaqsiyeed, wax-isdhaafsi,
iyo heshiisyo kooxeed. Marka maamul ama Xukun laga hadlayana inta badan
ma noqdo mid qaab ahaan la jaanqaada macnahaas guud ee la siiyo "xukun-wanaagag"
ama waxani ay ugu yeedhaan "good governance", wuxuu se noqdaa mid leh qaab shakhsiyeed iyo
xidhiidh gaar ah oo u dhexeeya kan wax xukuma iyo kani la xukumaba.
Siyaasinimadu waxay u baahantahay dad taageeroyaal ah, dadkana waxay
koox waliba rabtaa inay taageeradeeda ku hesho waxyaabo badan oo ay tabayso.
Markaasi waxa meesha taalaa waa baahi, danno aan midkastaba kaligiis u
suurtogalin karin. Sidaa darteed ayay labada dhinac u noqdeen kuwo ku qasban
inay wax isdhaafsadaan. In uu siyaasigu helo shaqaale, ciidamo iyo taageerayaal
ay noloshoodu ku xidhantahay xilkiisa. Dadkuna waxay dhaafsadeen daacadnimo, taageero
inay u hoggaansanaadaan amarkiisa, hiilna la garab joogaan. Hannaanka siyaasaddeed
ee ku dhisan qaabkaasi wax laysku dhaafsanayo ayaa loo yaqaan siyaasadda
kala-danaysiga ah (political patronage). Siyaasaddan oo qaabka xukun ee
ka dhashaana aanu noqon karin mid si siman dadku ugu siman yihiin, balse
dheefta dawladnimo midkastaba loogu miisaamayo xaddigii taageeridiisa.
Maamulka
dawladdeed marka uu haddaba yahay mid ay go'aanadiisu, dooddihiisu, qorshayaasiishu
iskugu biyo-shubtaan meel qudha, waxa samaysma waxa uu Weber ugu yeedhay maamul-odayeed,
ama "patrimonialism". Nidaamka noocan ah ee tallada iyo
tallaabo kastoo la qaadaa u noqonayso odayga reerka. Waa nidaam aan lahayn
isla-xisaabtan iyo wada-shaqayn, badanaa ka dhaxeysa waaxaha maamul ee kala
sarreeya amaba si bar-barro ah isugu xidhan. Waxaana isdhexgala xafiiskiisa iyo
xaafadiisa. Wax walibana waxay noqdaan wax isaga khuseeya, isagana ka go'a.
Arrimaha maamul waa qaar isaga u gaar ah. Siyaasadduna waxay kamid tahay
hantidiisa aan lala sheegan karin.
Hoggaamiyaha noocan ahi wuxuu adeegsadaa awooddihiisa maamul ee
xad-dhaafka ah si uu u dhisto gashaanbuur siyaasaddeed oo ilaalisa dannihiisa, damiciisana
ku taageerta. Madaamo oo xilka dawladnimo loo arko inuu yahay naas irmaan oo
hanti badan laga samayn karana wuxuu awooddiisa magacaabiseed u adeegsadaa
sidii uu ugu soo xerogalin lahaa rag badan oo uu u arkayo inay ku
wanaagsanyihiin suuq-geynta siyaasadda ama samaynta macaamiil siyaasaddeed oo u
darban taageeradiisa. Manaasibta xileedna waxa loogu kala dooraa xubnahan kolba
sida ay u kala saamayn badan yihiin. Kuwo loo arko inay kasban karaan taageero
badan ama ay ka hortagi karaan khataro siyaasaaddeed oo ku lidi ah dannaha
odayga waxa inta badan loo magacaabaa meelo qoyan (wet posts) sida
xafiisyo leh awooddo-sare, mashaariic dhaqaale, beero-cashuureed, laaluush
urursi badan. Halka kuwa dhagaha-adag ee guul-wadaynta iyo raali-galinta odayga
waqti badan siin waayana lagu ciqaabo xil-ka-qaadis amaba lagu samirsiiyo
xafiisyo aan dhaq-dhaqaaq badan iyo saamayn maamul oo buuran lahayn.
Nidaamka maamul ee sidan u dhisan waa mid ay alaaba ka muuqato
is-dhex daadsanaan ballaadhan iyo isku-xidhnaan la'aan maamuleed. Waxaana
gudihiisa ka dillaaca loollan iyo isku-xumayn baahsan oo dhexmarta laamihiisa
kala duwan. Waxaanay masuuliyiintiisu noqdaan qaar tartan ugu jira sidii ay ugu
kala dhawaan lahaayeen hoggaamiyaha. Waxay noqdaan qaar had iyo goor isaga war geeya
oo dhaliilaha kuwa kale ee lamid ka ah kula soo kallaha hoggaamiyahooga, guulahoogana
u buun-buuniya. Islamarkaana isku daya inay kasbadaan xubnaha qoyskiisa ee ay u
arkaan inay si fiican ugu xidhanyihiin odayga. Hawlahan layskaga dhaadhicinayo
hoggaamiyaha iyo xog-warrankiisa ayaana inta badan kala wayn kana mashquuliya
gudashada waajibaadkii xilleed ee ay bulshadu uga fadhiday xafiisyadooda.
Si ayna u waayin macaamiishii siyaasaddeed ee loo baahna waqtiga
cod-bixinta, xubnahani waxay adeegsadaan tabo badan oo isku xidha iyaga iyo
bulshada. Waxay dhistaan shabakado hoose oon rasmi ahayn (cliques or
coteries), kuwaasi oo u soo tabiya xaaladdaha iyo dhaq-dhaqaaqyada
macaamiisha siyaasaddeed iyo saamaynta ay meheradaha kale ku yeelan karaan
taageerada ay ka filayeen bulshadii ku xidhnayd. Shabakadahaasi, oo ah
af-miishaaro, dhex ordayaal iyo dillaaliin ayay inta badan kamaraduhu qabtaan
iyagoo ka muuqda shirar iyo munaasibado siyaasaddeed oo ayna wax
"taytal" ah ku lahayn. Xubnahani intooda badani waa ma shaqaystayaal
ku nool dillaalnimada siyaasaddeed. Waxayna mar walba isku dayaan inay humaagyo
beena iyo warar buun-buunin ah siiyaan masuuliyiintii soo dirtay. Sidoo kalana
waxay u xilsaaranyihiin samaynta difaacista xukuumada iyo faafinta dacaayaddaha
aan xaqiiqada ku salaysnayn ee lagu bahdilayo xubnaha mucaaridka ah ee loo arko
inay kala fur-furi karaan taageeradii siyaasaddeed ee la isku hallaynayay.
Marka laga yimaado u darbanaanta hoggaamiyaha iyo ka lug-qaadis
la'aanta gurigiisa, si aan loo kala dhex marin, xil-sidayaashu waxay ku
mashquulaan sidii ay dannahooga shaqsiyeed u dhammaysan lahaayeen muddada ay
meesha joogaan. Iyagoo awooddahooga maamul adeegsanaya waxay ku go-gortamaan
saxeexooda ruqsad-bixineed. Waxay furtaan akawno qarsoon, waxay hoos u galaan
saamiyo shirkaddeed, waxay lacago dulsaartaan qandaraasyada ay dawladdu wax ku
iibsanayso amaba ku iibinayso. Sidoo kalena waxay qaataan lacago si ay indhaha
uga laliyaan shirkaddaha ku gafa sharciga. Tusaale ahaan, kuwa lunsada
cashuuraha ee deegaanka kharriba amaba si bini'aadamnimada ka baxsan ugu
shaqaysta dadka. Masuuliyiinta noocan ah ee cagaagnaa xilka ka hor, kuna
dhaqaalaystay magacaabista dawladdeed ayaa afka qalaad loogu yaqaan "Bureaucratic
capitalists" amaba "kursi-ku-xoolayste".
Musuq-maasuqa maamul ee ay masuuliyiintu ku kacaan ma noqdo mid
naftooda uun ku kooban, balse waxay marka dambe isku dayaan sidii ay awooddooda
maamul ay si gaar ah uguga faa'idayn lahaayeen shaqsiyaad ama kooxo ay
danaynayaan. Kuwaasi oo noqon kara qaar xigto ahaan ugu xidhiin, asxaaba amaba
ay isku qabiil yihiin. Musuq-maasuqan noocan ayaa loo yaqaan (parochial
corruption) kaasi oo aan soomaali ahaan odhan lahaa waa "musuq-maasuq
lagu bahoobay".
Haddaba, kolba haddii awooddihii maamul ay noqdeen qaar iskugu soo
ururay xudun dhexe amaba xukuumadda dhexe, waxay noqdaan mansabada wasaaraddeed
ama laamaha maamul ee madax bannaani qaar ka qiimo iyo saamayn badan mansabyada
baarlamaanka, kuwa heer deegaan iyo gobol ee lagu yimaado codka dadweynaha.
Waxayna codbixiyaashu noqdaan kuwa u kala dheereeya sidii ay mansabadaasi ay
wax ka go'aan ee wax fulin kara ay ugu yeelan lahaayeen cid gaar ah, iyadoo
kooxda aanay hoggaamiyaha cidi u ag-fadhiyin ay isu aragto qolo harraadan oo
aanay ceelka cidi ugu jirin. Sidaa darteed waxay ku qasbanyihiin inay muujiyaan
saamayntooda siyaasaddeed marka uu furmo suuqa siyaasaddeed.
Qaab-dhismeedka xukuumaddeed ayaa isaguna noqda mid ballaadhan oo
loo sii kala jajabiyay laamo fara-badan oo aanay shaqadoodu wax sidaas ah kusii
kala duwanayn amaba waxa dhacda in haayiddihii sii jiray lagu soo kordhiyo
xafiisyo dheeraad ah oo shaqadoodii sii biyo dhiciya sida wasiiru-dawlayaal iyo
agaasimo waaxeedyo tiro badan, kuwaasi oo wada qabta wax hal xafiis qaban
lahaa.Waxaa xilal-samayntan iyo hayaddahan la beekhaamiyay looga gol leeyahay
in la farabadiyo dillaaliinta siyaasaddeed ee hadhawto la rabo inay sameeyaan
macaamiil siyaaddeed (patran-client system) amaba taageerayaal. Waxaanad
arkaysaa haayaddo faro badan oo ku magacaaban hal shaqo oo ay hayad qudh ahi
qaban karaysay. Waxaad arkaysaa qaar shaqadoodii ku koobnayd xilli gaar ah oo
wali sii fadhiya laguna naas-nuujinayo xilalkan beenta ah. Hayaddaahaasi la
koobi-gareeyay ee aan la garanayn macnahay ummada uga fadhiyaan ee aan xaga
hore kusoo sheegay waa qaar ku dul nool bulshada ( parastatal institutions )
oo si xaqdarro ah loogu nuujiyo cashuurtii dadweynaha laga qaaday.
Guntii iyo gabo-gabadii, maamulka siyaasaddeed ee xukunkiisu
noocan yahay waa mid damiir ahaan u musallafay kana arradan milgihii hoggaamineed
iyo kalsoonidii shacabkaba. Wuxuu maamulkani isku dayaa in uu ka faa'iddaysto
baahida bulshadiisa kuna guumaysto cashuurtooda. isagoo ka faa’iddaysanaya
awooddiisa. Maamulka noocan ahi waa kan dadka wax uu ugu soo daro daaye ugu
hanjaba inay waayi doonaan waxay haysteen, inay waayi doonaan shaqaqooda iyo
fursaddahii adeeg ee la siin jiray haddii ay meel kale la maraan codka amaba ay
si kale u hadlaan. Waa maamul xaqiiqada neceb, baahida dadka iyo duruufaha ku
xeeranna isdiidsiiya. Waa maamul dadka ku harawsada been iyo horumar sheeko ah oon
bulshada inteeda badan wax saamayn ah ku lahayn baahiyahooda nololleed.
W/Q: Garyaqaan Maxamed
Axmed Cabdi Bacaluul.
(waddi12@hotmail.com)