Qalinkii:
Cabdishakuur Cali Muxumed
Annigu
qof ka hadli maayo. Waxaan ka hadlayaa xafiis, awood sharci, wareegto, go’aan
iyo talaabo ku dhaqan sharci leh. Waxaan ka hadlayaa Wareegtada Wasiirka
Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka ee summaddeedu tahay WHG/G/XW/117/2O14 oo soo baxday
10/3/2013-ka. Waa wareegtada ay qoonsadeen Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa,
taasi oo ay ku sheegeen mid sharci-darro. Golaha Deegaanku xaq buu u leeyahay
inuu wareegtadaasi ka jawaabo, waxaase qurux badneyd inay qoraal kaga
jawaabaan. Waxaa wanaagsanayd inay dhaliisha meesha ka saaran. Wasiirku dhaliil
muu sameyn, iyagana waxay ahayd, haddiiba ay shir-jaraa’id kaga jawaabayaan
inay luuqad dawladnimo iyo ixtiraam wada-shaqayneed ka muuqato ku hadlaan. Imikase
sidii dad shacab ah ayey wax u dhaliileen. Waxaaba la odhan karayey, way
caytameen. Taasi aan intaasi ku dhaafo. Mawduuca u kaalay.
Wareegtadani
kor ku xusan, ujeeddadeedu waa joojin sharciyeynta iyo qorsheynta dhulka
bannaan ee magaalooyinka dalka iyo bixinta danaha guud. Waxay amray ku
bixinaysaa afartani qodob:
1.
Waxaa la
joojiyey laga bilaabo maanta qorshaynta iyo sharciyeynta dhulka lagu tilmaamo
beeraha ilaa amar danbe.
2.
Dawladdaha
hoose ee dalka waxa reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta
oo uu yahay sida ku cad; Qodobka 3-aad ee xeerka ismaamulka dhulka ee Xeer No;
17/2001.
3.
Waxa ka reeban
Dawladdaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu
aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha.
4.
In aan la iibin
Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin
dhismayaasha Dawladda sida ku cad wareegya madaxweynaha JSL ee dibu soo celinta
iyo gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda cidii ku cadaato
arrimaha qoddobkan ku qoran kuma yeelan doonto xukuumadda Mag-dhaw.
Waa afartani qodob, wareegtadani ay
Golaha Caasimadu ka qaylinayaan. Haddaba, afartani qodob sharci ma yihiin mise
maaha? Kolba mid inoo soo qaad, bal ila arka sharciyaddooda.
1. Waxaa
la joojiyey laga bilaabo maanta qorshaynta iyo sharciyeynta dhulka lagu
tilmaamo beeraha ilaa amar danbe.
Ugu
horeyn, Dawladdaha hoose ma awood bay u leeyihiin inay qorsheeyaan oo
sharciyeeyaan beeraha? Maya, awood uma leh. Haddaa yaa awood u leh? Waxaa awood
u leh Guddida Naqshadaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud. Sida ku xusan Qodobka
5(1) Xeerka Lr. 17/2001-da, Dawladda hoose marnaba malaha qorsheynta dhulka oo
qodobku wuxuu leeyahay ‘Naqshadda guud ee magaalo ama qaybo ka mid
ah waxaa soo codsanaya Maamulka Dawladda Hoose, mar kasta oo ay timaado baahi
keenta fidinta Magaalo ama sameynta degsiimo cusub, iyagoo tilmaamaya jiidda ay
codsanayaan in la qorsheeyo.’ taasi waa dhulka magaaladdu gaadho iyo
qorsheyntiisa iyo naqshadayntiisa guud. Sidoo kale, Dawladda hoose awood uma
laha bixinta iyo sharciyeynta dhulka beeraha ah ee ay naqshada magaalo gaadho. Waxaana
caddeynaya Qodobka 8(1) Xeer Lr. 17/2001 oo odhanaya ‘Maamulka Dawladda Hoose waxaa ka reebban in ay bixiso dhul ku yaala meelaha:
Macdanta, dhul-beereedka, xeebaha, iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.’ Qodobkaasi
sidaasuu ku cad yahay inay wareegtadu ku saxsan tahay.
2.
Dawladdaha
hoose ee dalka waxa reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta
oo uu yahay sida ku cad; Qodobka 3-aad ee xeerka ismaamulka dhulka ee Xeer No;
17/2001.
Qodobkani
sharciyaddiisa in muran laga keenaba may ahayd waayo si cad oo la fahmi karo
ayuu xeerka ugu qoran yahay. Waxaan ku soo koobayaa oo qudha in sharci ahaan,
hay’adda qudha ee naqshad dhul sameyn kartaa ay tahay Guddida Qaran ee
Naqshadaynta Dhulka oo uu Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidku uu
Guddoomiye u yahay. Sida ku xusan Qodobka 3(1) Xeer Lr. 17/2001-da, waxaa
guddida soo raaca Xafiiska Naqshada ee Wasaaradda Hawlaha guud oo markuu helo amarka
guddiga qaran ee naqshadaha dhulka magaalooyinka u sameynaya naqshad guud (Master
Plan), oo lagu muujiynaayo dhulka loogu talo galay
degsiimada, warshadaha, ganacsiga iyo dannaha guud. Sidaynu hore u sheegnay,
Dawladda hoose markasta oo ay u baahato naqshadayn dhul waa inay codsataa.
3.
Waxa ka reeban
Dawladdaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu
aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha.
Waa
arrin sharci ah, lagamana murmi karo tani. Sida ku xusan Qodobka 7(3) Xeer Lr.
17/2001 ‘Beer kasta oo magaaladu gaadho waxaa danguud looga jarayaa 30%
cabirkeeda guud, waana in lagu muujiyaa naqshada guud.’ Sida
uu dhigayo Qodobka 8aad ee xeerkani dhulka, Dawladda hoose waxaa ka reeban
bixinta ‘dhul ku yaala meelaha: Macdanta,
dhul-beereedka, xeebaha, iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.’ Iyadna halkaasi
kaga kaalay.
4. In
aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi
Karin dhismayaasha Dawladda
Markasta
oo laga hadlayo bixinta iyo maamulista dhulka, waxaa sal u ah mabda’a odhanaya ‘Ilaahay ka sokow, dhul oo dhan dawladda ayaa
iska leh’ sida ku xusan Qodobka 1aad ee Xeer Lr. 17/2001-da ‘Eebe ka sakow, guud ahaan dhulka jamhuuriyadda
Somaliland waxaa leh Dawladda Somaliland (Sida uu tilmaamayo qoddobka 12aad,
faqradiisa 1aad ee Dastuurku) sidaa awgeed awooddiisa maamul, wareejintiisa iyo
soo jeedintiisa sharci- u -dejineed waxay gaar u tahay Golaha Xukuumada.’ Taasi
waaba dhulka oo dhane ka kaalay, wax alla wixii dan guud ah sida xafiisyada iyo
guryaha dawladda waxaa mamuulkooda iska leh Dawladda Dhexe, waxaana uga masuul
ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka. Waxaanay ku caddahay
Qodobka 2(2) ee xeerkani dhulka.
Golaha Deegaanku qodobkani way qaateen. Sharcinimadiisa
waxba kamay odhane, waxay se yidhaahdeen ‘Madaxweyne,
adiga wareegtadaadu waa sharci’ iyagoo daba socda xeerkii Madaxweyne ee
summaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014, ee soo baxay. Bal haddaba, aynu qoraalkani ku soo
gebogebayno waa maxay awooddaha
Dawladdaha hoose ee dhulku?
Waxaynu
soo qaadanayaa oo inagaga filan hal qodob. Sida ku xusan Qodobka 2(1)
ee xeerkani dhulka ‘Maamulka iyo bixinta
jagooyinka dhisme ee magalooyinka ( degmooyinka ) dalka JSL, waxaa iska leh
maamulka Dawladda Hoose ( Guddiga Fulinta ee Dawladda Hoose).’ Dhulka ay
magaaladu gaadho marka la qorsheeyo ee loo kala saaro degsiimo, warshado,
ganacsi iyo dan guud, ayey Dawladdaha hoose xaq u yeelanayaan inay maamulaan oo
qof wax ka siiyaan iyagoo wadada sharciga ah u maraya dhulka degsiimada loogu
talogalay. Wax dhul ah oo dhaafsiisan dhulka degsiimada loogu talogalay shaqo
kuma laha. Xildhibaannadu waxay si qaldan u addeegsadeen Qodobbada 110, 111 iyo
112aad ee Dastuurka Qaranka oo ka hadla nidaamka dawladdeed iyo maamul
daadejinta (Governance System and Decentralization) oo aan arrintani toos ula
xidhiidhin. Qodobbada kale ee ay ku dooddayeen waa Qodobbada 4, 5, 6, 8 iyo 31 ee
xeerkani dhulka. Waxaan ku qoslay in Qodobadani badankooga oo kor ku sharaxay
ay si cad uga hadleen arrintani. Waxaa iyadna naxdin ah in Maayar ku-xigeenku
uu xeerkani oo ka kooban 35 qodob oo qudha uu haddana ku dooddo Qodobka 68 ee
Xeer Lr. 17/2001 oo aan jirinba, isagoo ku soo daray qodobbada uu sheegayey
inay awood u siiyeen maamulka dhulka danta guud.
Waxaan Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda
Soomaaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ku
bogaadinayaa talaabada wanaagsan ee ay ka qaadeen ilaalinta hantida qaranka iyo
danta guud. Waxay kamid tahay talaabooyinka ay tahay in xukumadda lagu
taageero. Indhaheenu waa inay waxqabadka arkaan. Garaadka wanaagsani wuxuu ina
farayaa inaynu garab istaagno talaabooyinka horumarka ah, kana hadalno
waxyaabaha khaladka ah ee aynu aragno. Waxqabad iyo maamul-xumo midkoodna
indhaheenu yaanay arki waayin. Wax kasta aynu ka run sheegno. Wanaag oo dhami
mahadda alle ayuu u sugnaaday (SW).
Qalinkii:
Cabdishakuur Cali Muxumed
Burco,
Somaliland.
No comments:
Post a Comment