Pages

Saturday, March 1, 2014

Dhallinyarada Maanta Iyo Fikirkooda - Qalinkii:Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Qoraaga weyn Ibraahim Yuusuf Axmed "Hawd"
Dalkeenna waxaa ku soo xoogaysanaysa dhallinyaro waxbaratay oo leh fikir iyo halabuur ay doonayaan in ay dadkooda ku saameeyaan oo ku kobciyaan. Waa wax lagu farxo laguna faano in la arko fac hankiisu sidaa u sarreeyo, waayo wax ay muujinaysaa caafimaad bulsheed iyo isbeddel dhanka wanaagsan u socda. Ummad wal oo ilbax ahi maanta waa ay ku riyootaa barbaarteedu in ay yeelato firfircooni maskaxeed oo ay kaga qaybqaadato dhisidda iyo horumarinta garaadka, fikirka iyo aqoonta dadkeeda. Taas in la helo ayaa wax badan lagu bixiyaa.

Dhallinyarada abuur ahaan waxaa lagu yaqaan nafsiyad kacdoonsan oo ay jecel yihiin wax walba in ay beddelaan, oo weliba si dhakhso ah u beddelaan. Kacdoonkaas baa laga arkaa waxqabadkeeda badanaa, siyaalo ka la duwan ayayna taasi isu muujisaa: xagjirnimo diineed, aragti siyaasadeed oo dhiillaysan, fikir miiggan oo dhiirran laakiin aan xasilloonayn iwm. Dabcan bulsho wal iyo xilli walbana dhallinta qofnimadooda waxaa sooha dhaqanka ay ka tirsan yihiin iyo waayaha ay ku nool yihiin.

Haddaba kolka aynnu u fiirsanno dhallinyaradeenna maantu sida ay u fikirto, ee garashadeeda iyo halabuurkeeda u bandhigto, waxaa inoo muuqanaysa arrin ay tahay in lagu baraarugo, wanaag iyo xumaan ka ay yeelataba. Hab-fikirkaa waxaa aad u hadheeyay fanni aan u bixin karo ”waaniye”. Halabuurka cusubi, jaad kastaba, wax uu u badan yahay mid bulshada waaniya oo la taliya. Gaar ahaan maansada ayay tani aad ugu jirtaa, buugaagta, sheekooyinka iyo maqaalladana ku ma yara. Waa dabeecad wanaagsan dadku in uu xumaha iska celiyo samahana is faro, laakiin fikirka iyo halabuurka siyaalaha loo bandhigaa intaas uun ma ahaan karaan. Waxaa ugu horraysa uguna door roon qofku in cabbiro dareenkiisa, garashadiisa iyo adduun-araggiisa qof ahaaneed. Waa waajib qofku curinta halabuurka in uu ku saleeyo sawir maskaxeedkiisa, khayaalkiisa, mala’awaalkiisa iyo waaya’aragnimadiisa nafsiga iyo garashada ah, kuna dhiso sida ay maskaxdiida iyo naftiisu arrinta la doonayaan, una adeegsado af soomaali tayo leh.

Haddaba tan maanta ee aynnu u bixinnay ”waaniye” wax aan u arkaa in ay ka timid saddex arrimood. Midda hore waa dhallinyarada oo tusaalahooda wanaagsan iyo kudayashadoodu tahay nimanka ku caanbaxay waaninta bulshada (tusaale ahaan Afqallooc, Timacadde, Hadraawi iqk). Asalkeedaba maansada iyo fikirka in bulshada lagu waaniyo oo danta nolosheeda loogu tilmaamo badankiisu waa wax ka dhashay dawlad xumadii iyo qalalaasihii dheeraa. Maansadii waddaniga ahayd ee sannadihii 1940- 60-nadii ujeedkeedu haddii uu ahaa in bulshada dawladnimada la baro, oo xoojinteeda iyo ilaalinteeda lagu guubaabiyo, ama in siyaasigii qalloocday lagu dhaliilo oo lagu toosiyo, tii 1970-80-nadii wax ay ahayd halgan iyo dagaalgelin bulsheed oo lagu ridayo maamulkii kelitaliska ahaa ee Oktoobar, halka ay tan maanta socota oo soo bilaabatay 1990-nadii ay tahay waano. Muddadaas oo dhan waxaa meesha ka baxay, in yar mooyaane, halabuurkii iyo fikirkii qofnimadu iskeed isugu cabbiri lahayd iyo awaalawarrankii qofku tiisa kaga hadli lahaa.

Ma aha marxaladahaas in aynnu dhaliilaynno, ama ay ahaayeen wax dhaqanka ku scusub, waayo weligeedba maansada hidduhu badanaa arrimaha bulshada iyo dagaalladeeda ayay u badnayd. Wax aan se uga dan lee yahay in aynnu ku baraarugsanaanno sida wax u dhacayeen una socdaan, si aynnu u qiimayn karno halabuurkaasi sida uu ahaa maantana yahay. Taas bay dhallinyaradu maanta ku daydeen oo sii wadaan. Ta labaad ee xaaladdan dhalisay waa dhallinyarada maanta waxbaratay oo isbidday aqoon ay dadka ka waaweyn la’aanteeda ku tuhmayaan. Sidaa darteed wax ay isa saarayaan xilka talada iyo tilmaanta maskaxeed. Tan qudheedu wax ay ku taxan tahay waayaha bulsheed oo boqolkii sannadood ee tegay, intii tacliinta cusubi timid, fac waliba ka uu ka dambeeyo ayuu tacliin iyo ilbaxnimo dhaamay.

Arrintaa aynnu ka hadalnay midho dhalkeedu wax uu ka muuqdaa ka la duwanaanta halabuurka iyo fikirka dhallinyaradeenna iyo bulshooyinka kale qaarkood.

Dhallinyaradu erayga qoran iyo guud ahaan halabuurka in ay sidaa u jaheeyaan oo bulshada ku la taliyaan maxaa ku jaban? Waxba ku ma jabna ee waa ay wanaagsan tahay. Qudha dhallintaasi waa in ay hubiyaan taasi in aanay ka jeedin halabuurkii ay naftooda ku cabbiri lahaayeen, ee ay guud ahaan waayahooda fikir iyo nafsiyaddooda ku bandhigi lahaayeen.

Qodobka labaad ee aan halkan ku soo qaadayaa waa kaalinta bulsheed ee ay isla dhallinyaradan maanta waxbaratay isa siisay , ama ay tahay in ay qaadato, iyo sida ay xilkaa ku gudan karto. Kaalintaasi waa ta loo yaqaan ”aqoonyahan”. In aad sheegato ama lagugu sheegaa ”aqoonyahanka umadda” waa xil aad u weyn aadna u qiimi iyo qurux badan, oo milge iyo maamuus leh. Sidaa darteed dhallinyarada kaalintaa qiimiga weyn qaadanaysa xil aad u weyn baa fuulaya, xilkaas oo ah in ay yeeshaan wacyi iyo aqoon durugsan oo ay kaga run sheegi karaan kaalintaa ay isu dhigeen. Ugu horrayn waxaa ku waajib ah in ay aad iyo aad wax u akhriyaan, ilaa ay u taagnaan karaan heerka ugu sarreeya aqoonta iyo fikirka umaddooda. Waa ay dhacdaa qofka yari in uu is mahadiyo oo isla boodo isaga oo aan weli gaammurin. In aad matasho ummaddaada heerkeeda ilbaxnimo ee ugu sarreeya, dhan walba, hawl fudud ma aha. Dhallinyaradeenna waxbaratay inta hankaa lihi taa ha ogaato.

Haddii aad xilka sidaa u culus isku rarto, saddex wax oo qudha ayaad ku gudan kartaa : 1) maskax wanaagsan oo aad u dhalatay; 2) akhris badan oo aan soohdin iyo tiris lahayn; 3) wacyi durugsan oo ku dherersan fahanka ugu sarreeya ka dunida maanta jira. Kolka aad kaalintaa isu sharraxayso waa in aad liqday boqollaal iyo boqollaal buug; waa in ogaanshaha dunida iyo waxa ka jiraa kuu noqdaan sidii wax calaacashaada saaran; waa in aad si buuxda uga warhaysaa oo uga ilhorraysaa dhaqdhaqaaqa fikir ee ilbaxnimooyinka kale. Haddii aadan sidaa yeelin naftaada waad hafraysaa dadkaagana waad hoosaasinaysaa, umaddaadana waa laga ilbaxnimo adkaanayaa. Ogowna kaalintaa umadda soomaalidu idil ahaanteedba sabool bay ka tahay.

ibraahimhawd@hotmail.com
www.ibraahimhawd.com
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Dhallinyarada-Maanta-Iyo-Fikirkooda-QalinkiiIbraahin-Yuusuf-Axmwd-Hawd.html#sthash.X05p888j.dpuf

No comments:

Post a Comment