Pages

Saturday, July 16, 2016

Nidaamka Caddaaladeed ee Soomaaliland: Himilooyinkiisa Qoran, Ummadda Tasoowday, Bahdiisa Hanka yar iyo Qaranka Hagraday



 “Kulan ay yeesheen ergooyin ka kala yimi beelaha walaalaha ah ee waqooyi degan ….. Waxaa … lays weydiiyey wixii aynu ka dagaalanay maxay ahaayeen? Waxay noqotay oo saldhig u noqotay caddaalad-darro. Halkaa waxaa ka soo baxday baahideena kowaad inay tahay caddaalad in aynu helno. Caddaaladu halkeey ku jirtaa baa markaa isweydiin leh. Waxay noqotay inay caddaaladu ku jirto Diinta Islaamka. Waxa inna dhibtay oo aynu wada ogsoonahay bahal la yidhaa ‘qabyaalad’, oo eex iyo imtixaan dabada ku wadata. Taana waxaa laysla gartay; waxa waxaas oo dhan lagaga bixi karaa inay tahay oo keliya inagoo ku dhaqana Shareecada Islaamka ee ILAAHAY [SWT] innoogu talo galey koownkan markuu inna dhigay isagu, ee uu innagu abuuray in aynu ku dhaqano – isagoo masaalixdeena cid ka taqaanaana aanay jirin.” 
-Aadan Axmed Diiriye oo sharxayey Qodobbadii ka soo baxay Shirkii Burco ee Ergooyinka Beelaha Degan Waqooyiga Dawladdii Soomaaliya, 6-dii Meey, 1991-kii.

Himilooyinka Qoran iyo Ummada Tasoowday
Haa, himilada ugu muhiimsan ee Qarankan Soomaaliland uu u dhisan yahay waa in la helo dawladnimo ummadda wada deeqda, oo la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad - sida ku xusan goggol-dhiga Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Qaranku wuxuu ku dhisan yahay dastuur uu shacabku ansaxiyay. Dastuurkana waxaa saldhig u ah mabaadi’ ay Shareecada Islaamku ugu horeyso. Sida ku xusan qodobbadiisa 5aad iyo 128aad: “Xeerarka dalku waa in ay waafaqsan yihiin Dastuurka iyo mabaadi’da Shareecada Islaamka, waxaana reeban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda”. 

Himilooyinkaas ayaa innoo qoran – ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo in la helo xeerar ku dhisan mabaadi’da Shareecada Islaamka. Maaha! Kuwo aynu qoranay 5 sanno kahor, 10 sanno kahor ama ba 15 sanno kahor, waxaynu qoranay oo ay dhaqangal noqdeen 25 sanno kahor.

Labaatan iyo shantaa sanno ba, waxa ugu badan ee ay shacabku tebayaan waa caddaalad. Waxa ugu badan ee ay ka cawdaan kuna dhaqmaan waa caddaalad-darro iyo qabyaalad. Dhinac walba – garsoorka, maamulka dawladda, saami-qeybsiga kuraasida goleyaasha iyo kheyraadka dalka – caddaalad-darro baahsan ayaa laga sheeganayaa. Inta ba iyadoo af beeleed lagu hadlayo ayaa laga cabanayaa. Iyadoo dan beeleed la wadana wax baynu ka badelnay ayey nu nidhaa. Waxaynu ku sifoownay odhaahdii Alle ha u naxariistee Abwaan Gaarriye uu yidhi:

Xeerkiyo dastuurkii

Loo dejaana kuma fulo

Ummad aan dabci aqoon.”

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Alle ha u naxariistee) ayaa khudbad uu ka jeedinayey Xabaalaha Mako-durduro, isagoo ka hadlaya sida aynaan danteena uga shaqayn ee aynu ugu foogahanahay qabyaalad iyo qaraabo-kiil ee aynaan waxba uga baran hoogii iyo halaagii ina soo maray yidhi:

Dhadhan raaca, sacabka maxaa la ii saaraa? reer hebel maxaa loo qabanayaa? Anniga maxaa la i siinayaa? Inta arrinkeenu kaas yahay ee dawladnimadeenu ku dhisan tahay dhadhamo qabiil, beeleed , qoys ama qof saasay noqonaysaa. Taasaa (xabaalaha) inna huran. Shalay dhacday, berrina dhici doontaa, sahan dambena dhici doontaa. Israaceenii [Soomaaliya] dhowaan buu dumay, soo goosigeenuna ma ahayn barasho aynu soo baranay in aynu shalay lixdankii khalad samaynay – Shalayna waxaynu ku tagnay jibbo, maantana waxaynu ku nimi jibbo. Jibbo meel inna geynaysaa ma jirto! Taa [xabaalaha] weeyi dhaxalkeedu. Jibbo, firkrad darro, iska orod iyo tallo la’aan, taas weeyi dhaxalkeedu.”

Haa, waa sababtaas sababta ilaa maanta looga cabanayo caddaalad-darro iyo dulmi. Dadku weli ismay weydiin maxaa innoo dan ah? Hadday isweydiiyeena kamay tegin dhaqankii anaanniyada ahaa iyo qabyaaladdii. Inta ay kuwaasi jiraan oo aanu dadku himilooyinkiisa si dhab ah ugu shaqayna sidaas ayey ahaanaysaa.  

Sawtuu macalinkii wadaniga ahaa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, ILAAHAY naxariista janno ha ka waraabiyo’e, hore bulshada ugu yidhi:

“Haddii aad addintaan oo

Indhaha dhiig laga keeno,

Idinkoon sidan dhaamin

Inaad guul urisaanna

Waa wax aan la arkaynnin.”

Qaran, qoys iyo qof walba talaabo kasta oo uu qaado wuxuu ugu deddaalaa himiladiisa. Si kasta oo ay caqabado iyo dhibaatooyin uga horyimaadaan, dhaqankiisa iyo horumarkiisa ayaa laga gartaa himilada uu hiigsanayo iyo sida ay uga go’an tahay inuu gaadho. Waxaynu nahay ummad muddadaas uu qaranku shaqaynayey ee 25-ka sanno ah maxkamaddaheeda lagaga shaqeeyo xeerarkii dawladdii Soomaaliya ee caddaalad-darrada iyo qabyaalada ku duntay. Xeerar duugoobay oo qodobbadooda qaarkoodna aanay la jaan-qaadi karayn Shareecada Islaamka iyo Xuquuqaha Aasaasiga ah ee uu Dastuurkeenu dammaanad qaaday iyo noloshan casriga ah ee dunuubta cusub iyo waayaha cusub wadata. Waxaynu nahay ummad tasoowday oo uu marin-habow ku dhacay, kana leexatay dariiqii ay kaga dhabayn lahayd himilooyinkeeda.

Bahda Caddaalada ee Hanka Yar
“Waxaaneey nin arkaaya
Ummaddayda tasawdayee
Usha loo qaban waayeyee,
Anigayga biloowoo,
Abwaankeedi ka seexdayee
Wax-aqoonki tabaysa
Af-weynoo laga reeyana
Ujeeddawga dambaynnin.”
 ERGO, Maxamed Xaashi “Gaarriye” (AHUN) 30/04/1992.

Bahda caddaalada waxaan uga jeedaa inta ka hawl gasha nidaamka caddaaladeed ee dalka – waxay iskugu jirtaa hay’addaha qaranka iyo bulshada rayidka ah. Waxay u kala baxaan Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, Qareenno, Culimo, Sharci-yaqaano Madax-bannaan iyo hawl-wadeenno kale. Bahdan ayaa u cummaamadan nidaamka caddaaladeed ee dalka. Muraayada laga dhex arko waxqabadkoodu waa nidaamka caddaaladeed ee dalka u shaqeeya. Markay bulshadu nidaamka caddaaladeed ka cabanayso iyaga ayey ka cabanaysaa. Iyaguna qaranka iyo han yaraantooda ayey u dulman yihiin.

Haa! Bahdani mar qarankay u dulman tahay oo mudnaantii ay lahayd lama siin oo qarankii ay waaxda dhan ka ahayd ayaa hagraday. Marna hankooda yar ayey u dulman yihiin oo waxay sheegan kari waayeen milgahii iyo mudnaantii ay qaranka ku lahaayeen intay ilaashanayeen danneyaal kooban. Sidaas ayuu nidaamkii caddaaladeed u noqday mid ay han yaraanta bahdiisu u soo jiito dhaliil iyo cabasho joogto ah.

Han yaraantooda
Han yaraanta waxaa loo yaqaan in qof/cid awooddeedu ka qarsoonaato, kalsooni-darro darteed in lagu qanco wax hoose iyadoo wax ka fiican xaq loo leeyahay, ku dhici waa in himilooyin iyo hiigsi la yeesho, annaaniyad cadow u aragta cidda han iyo himilo wacan leh.
Taariikhdu waxay sugtay in xukumaduhu aanay iskood u xoojin nidaamka caddaaladeed ee dalalkooda ka jira, sababtoo ah marka hore ba hirdan dhinaca awooddaha ah ayaa ka dhaxeeya saddexda waaxood ee qaranka – Xukumaddaha, sharci-dejinta iyo garsoorka. Sidaas darteed, cidda xoojin karta nidaam caddaaladeed waa aqoonyahanka ku shaqeeya mihnadda-sharci. 

Hadday dawladduhu ka gaabiyaan xoojinta iyo kobcinta nidaamka caddaaladeed, waxaa hadla oo dadweynaha dareen geliya dadka aqoonta u leh garsoorka iyo caddaaladda. Iyagaa guta waajibaadka ka saaran nidaamka caddaaladeed ee ay ummadda ku metelaan. Waajibaadka muwaadinimo ayaa sidaas faraya. Iyagoo isku duuban ayey u dooddaan oo is abaabulaan dabadeedna si joogta ah ugu deddaalaan horumarka nidaamka caddaaladeed. Iyaga ayaa bulshada ka dhiga mid ilbax ah oo xuquuqdeeda garanaysa oo dawladda kula xisaabtami karta dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dejisan. Markaas ayey bulshadu noqotaa mid himiladeeda qaran u taagan oo u deddaalaysa. 

Qareennada, Xeer-ilaaliyeyaasha iyo Garsooreyaashu waxay ku hawshoodaan iswaafajinta dhaqanka, shareecada Islaamka iyo xeerarka. Sidaas ayey ku shaqeynayeen muddo 25 sanno ah. Waxay u shaqeeyaan bulsho xeer, sharci iyo dhaqan ba jeeb qudha ku wada sidata. Qareenku kolba kii dantiisu ku jirto ayuu ku shaqeeyaa. Xeer-ilaaliyahu xeerarkaas dugoobay iyo maslaxaddo guud ayuu ku dhaqmaa. Garsoorayaasha dhaqanka bulshadu seeto iyo xadhig adag ayuu ku noqday, sharciguna waa xayndaab aanay weydaaran Karayn. Hadday mid u khaalis noqdaan, ka kale ayey ku eedoobaan. Waxaa keliya ee ay aakhiradooda iyo adduunyadooda ba ku badbaadin karaan waa hal-adaygnimadooda iyo dadnimadooda. 

Dhibtaas ayay dhammaantood ka siman yihiin, deedna bulshadii ay hoggaanka u noqon lahaayeen ayaa iyagii hoggaanka u qabatay – ku dhaqanka sharciga ayey ugu dhaarsan yihiin, waxaana lagu cannaantaa ka dhego-adkaanta xalka iyo xeeladaha dhaqanka bulshadu uu farayo. Waxay bulshadu u kala jeceshay siday xalka iyo xeeladahaas kale u kala adeegsadaan.

Dad gob ah oo aqoonta sharci iyo mihnadda ba danta guud ugu adeegayaa, labaatan iyo shan sanno dhibtaas kumay jireen oo dantooda oo qudha kumay mashquuleen. Dad uu hankoodu sarreeyo oo in ay iska shaqaystaan uun ka koray sidaas may yeeleen oo muddadaas dheer kumay shaqeeyeen dhismayaal iyo xeerar dugoobay. Waxaa loo baahan yahay in bahdeena caddaaladu ay fahamto doorka ay ku leeyihiin nidaamka caddaaladeed iyo ilbaxnimada bulshada. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in aynaan hay’addo kale ku halayn inay xoojiyaan nidaamkeena caddaaladeed. Waa in laga koraa fikirkan ah qof baad ka tahay bulshadee, iskaa u nooloow.

Ururada Qareennada iyo ururada kale ba maaha inay keliya u dhisnaadaan in ay fuliyaan mashaariic ay hay’addo wataan – oo hankooda iyo hawshoodu ba aanay noqon mashruuc. Waxaa la rabaa inay ka shaqeeyaan danta mihnaddeed ama caddaaladeed – oo ay iskood iskugu hawlaan, uguna deddaalaan. 

Nidaamka caddaaladeed wuxuu keliya horumar gaadhayaa markuu helo xirfadlayaal sharci oo uu hankoodu sarreeyo, kuna baraarugsan in nidaamku uu iyaga ku dhisan yahay. Waxaa baahi loo qabaa in xirfadlayaasha cusub la baro masuuliyadda aqoonyahannimo. Marka la helo xirfadlayaal kartidoodu gaadhsiisan tahay danneynta nidaamka caddaaladeed ayey bulshaduna noqonaysaa bulsho wacyi-gashan oo taageeri karta nidaamka caddaaladeed. Nidaamkeena Caddaaladeed wuxuu tebayaa mihnadlayaashii horseedka u noqon lahaa ee hir markii la gaadho ba mid labaad hilaadin lahaa. 

Mihnadlayaasha maanta shaqeeyaa waa in aanay caqabad ku noqon marka la damco in wax laga badelo nidaamka caddaaladeed oo aanay ka door-bidin muraado yar yar. Qareennada, Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaashu waa inay isku arkaan bah mihnaddeed oo uu nidaamka caddaaladeed ka dhaxeeyo. Waxa dhici karta mararka qaarkood in uu qofku garsoore ahaan, qareen ahaan ama xeer-ilaaliye ahaan dantiisa ka dhex arko wax nidaamka guud khilaafsan. Sidaas darteed, waa in qofkastaa uu nidaamka guud dartii uga tanaasulaa dannaha gaarka ah. Maaha in waxa markaas taagan oo qudha lagu go’aan qaato, waa in aragti fog oo mustaqbalka mihnaddeed khusaysa la yeeshaa.– in Garsoorahu uu berri Qareen ama Xeer-ilaaliye noqon karo, Qareenkuna uu Garsoore noqon karo.

Qoraaga buugga the prince (1513), Niccollo Machiavelli ayaa cutubkiisa VI ku qortay odhaahdan xaqiiqda ah: “Waa in maskaxda lagu hayaa in aanay jirin wax la fuliyo oo ka dhib badan, ama lagu guuleysto oo ka mugdi badan, ama maareyntiisa ay ka khatar badan tahay in wax loo sameeyo nidaam cusub; maadaamaa inta [isbadelka] samaynaysa ay la coloobayaan dhammaan kuwii faa’iiddada ku qabay nidaamkii hore u jiray, kuwa laga yaabo in ay faa’iiddo ugu jirto nidaamka cusub aanay si dhab ah u difaacayn”

Sidaas oo kale ayaa bahdeena sharciga qaar badan ay isbadelka u arkaan qiyaame dhacaya. Qofkay ka maqlaana ugu arkaan cadow. Qaar badan way arkaan waxyaabo isbadel u baahan laakiin waxaanay ku dhiiran inay ka shaqeeyaan sidii loo samayn lahaa isbadel wax hagaajinaya. Rag tiro yar oo mabda’ leh oo sidaas qoraagu sheegay isbadel baa loo baahan yahay iyo sidani sharci maaha dartood shaqada looga saaray na way jiraan. Dhaqanka ay bulshadeenu hadda leedahay ayaa ah in inta danaysata uun baa macaashto. Hadalku se wuxuu ku dhan yahay wallee ninkii danaystay wuu is waayi doonaa goor ay noqoto ba.

Culimada dalka oo ah bahda ehelka u ah aqoonta shareecada Islaamka ayaa iyaguna siyaabo badan u soo gelaya bahdan caddaalada. Xafiisyo sharci oo dadka loogu garnaqo ayey qaarkood ku shaqaystaan, lama na yaqaano xeerka loogu ogolaaday inay shaqadaas qabtaan. Hadduu xataa jiro xeer arrintaas ogolaanayaa waa mid qayrul-dastuuri ah sababtoo ah dastuurku wuxuu awooddaas u gaar yeelay waaxda garsoorka. Waxaanu reebay in awooddaas ay cid garsoorka qaranka ka baxsani adeegsato. 

Marka la eego qabyada uu leeyahay nidaamka caddaaladeed ee dalku, tan ugu weyn waa doorkii culumida oo meesha ka maqan. Dhaliisha ay ka sheegaan nidaamka caddaaladeed iyo maamulka dawladnimo ee dalka guud ahaan maaha mid yar. Haseyeeshee, marka laga yimaad dhaliishaas, kama arkaysid han sarreeya oo ay kaga dhabayn karaan waxa ay bulshada u sheegayaan. Inay dibada ka joogaan nidaamka caddaaladeed ayaa ah mid han yaraantooda muujinaysa. Caddaalada iyo wanaaga ay bulshada ku wacdiyaan lama yaqaan sababta ka hortaagan inay ficil ahaan uga hawl galaan. Markay nidaamka caddaaladeed noqoto, keliya waxay u taagan yihiin dhaliishiisa iyo cambaareyntiisa. 

Iska daa wax kaloo raggaas culimada ah ee waa weyn ma filayo in ay yeeli ba lahaayeen haddii shaqada garsoorka loo dhiibi lahaa. Haddii uu dulmi jiro waa raggaas aqoontii leh ee bulshada ku daawanaya, haddii ay dhaliilo jiraana, waa raggaas aan gacan ka geysanahayn xalkooda. 

Culimadii hore saameyn balaadhan ayey ku lahaayeen nolosha bulshada. Maanta oo ay culimadu kamid tahay dabaqada bulshada ugu dhaqaalaha roon, maxaa keenay inay isku koobaan wax sheeg? Miyaanay u muuqan in iyaga laftoodu ay ku dhaqmeen aragtidii reer galbeedka ee ahayd diinta iyo siyaasadda ha la kala saaro? Bulshadu waxay tabaysaa doorkii hoggaamineed ee aqoonyahanka aqoonta diimeed iyo maamulka bulsho leh.

Qaranka Hagraday
Qaranka Soomaaliland oo ah dal ujeeddada kowaad ee madax-bannaanidiisa loola soo noqday ay ahayd in caddaalad iyo sinnaan la helo iyadoo lagu dhaqmayo shareecada Islaamka, ayaan lagu arkayn horumarkii caddaaladeed ee uu muddo 25 sanno ah ku talaabsan lahaa dal ujeeddadaas u dhisan.

Nidaamka caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha aanu qaranku mudnaanta siin marka la eego miisaaniyada uu qaranku ku bixiyo. Dhismeyaasha maxkamadduhu waa kuwo aad u kooban oo dugoobay oo wakhtigii guumeysiga la dhisay. Maxkamad uu dhismaheedu ka kooban yahay 2 qol ayey ka hawl-galaan 7 ilaa 10 garsoore oo uu mid walba xafiis u baahan yahay, looguna talo-galey in loogu shaqeeyo dadweyne ilaa 200,000 kun ah.

Dhinac kasta hadday tahay qalabka, dhismayaasha, shaqaalaha, gaadiidka iyo xuquuqaha ba, nidaamka caddaaladeed wuxuu kamid yahay meelaha ugu liita hay’addaha qaranka. Dhinaca shuruucdana, wuxuu kamid yahay meelaha ugu baahida badan in shuruuc cusub oo lagu shaqeeyo loo sameeyo, haseyeeshee, aanu baarlamaanku 25-kaa sanno mudnaanta siin.
Markaad aragto miisaaniyada qaranka ee sannadkan 2016-ka, waxaad is odhanaysaa malaha qarankani maaha Soomaaliland-ta ujeeddada ay u dhisan tahay ba ay ahayd caddaalad iyo sinnaan. Sababtoo ah hadda oo uu garsoorku ugu ba miisaaniyad badan yahay 25-kaa sanno, waxaad arkaysaa in wadarta miisaaniyadda Maxkamadda Sare (4,992,726,480), Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (5,573,350,480) iyo Maxkamaddaha hoose ee dalka oo dhan (16,725,781,920) ay tahay 27,291,758,880 Shilin Somaliland. Sidaas darteed, miisaaniyada loo qoondeeyey waaxda garsoorku waxay miisaaniyada dalka oo ah 1,218,000,000,000 ka noqonaysaa 2.2%, waxaanay u dhigantaa miisaaniyada Wasaaradda Warfaafinta (27,921,252,192) oo keliya. Waxay weli taagan tahay halkii uu marxuum Cali Maarshal Alle ha u naxariisto’e sannadkii 2004-ta ka lahaa “waa qaran intuu ku deddaalo wararka la buunbuunshaa ay ka badan tahay intuu ku deddaalo garsoorka  

Wax walba deddaalka la geliyo ayuu maxsuulkiisu na u dhigmaa. Haddii wixii gacanta innoogu jiray aynu garanay in aynu waaxda garsoorka uga qoondayno 2.2%, macnaheedu wuxuu yahay himilooyinkeena qaran caddaaladu waxay ka tahay 2.2%. Xaqiiqdu se waxay tahay “cadli dooja mooyee, wax kaloo rag deeqoo, dadka lagaga eed baxo, nin u doonay heli waa” – Gaarriye.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)
                Burco, Somaliland.

No comments:

Post a Comment