Pages

Wednesday, April 23, 2014

Ururka Qareennada Somaliland oo Madaxweynaha ka Codsaday inuu Wax ka Qabto Tacadiyada lagula Kacayo Bahda Garsoorka


Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ayaa dhaleeceyey Xadhiga ay Ciiddamada Booliska Gobolka Sanaag kula kaceen bahda Garsoorka ee gobolka Sanaag.
Hoggaanka SOLLA oo shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si weyn u dhaleeceeyay xadhiga lagula kacay bahda  Garsoorka gobolka Sanaag gaar ahaan Guddoomiyihii ururkooga ee gobolka Sanaag, waxaanay tilmaameen inay talaabadaasi tahay mid sharci-darro ah oo aad u fool xun.
Guddoomiyaha SOLLA Garyaqaan Foosi Sheekh Yoonis ayaa cambaareeyey falkan lagula kacay Guddoomiyaha SOLLA ee gobolka Sanaag, waxaanu dhiilo culus ka sheegay xaaladda garsoorka gobolka Sanaag. “Waxaanu Cambareynaynaa Falka Lagula kacay Garyaqaan Cali Siciid, waxaanu halkan bulshada uga sheegaynaa, Madaxweynaha Somaliland u sheegaynaa, hay’addaha sharciga u sheegaynaa, guddida caddaaladda u sheegayna, in aanu gobolka Sanaag sharci ka shaqeyn, sababta oo ah markaanu eegnay dhacdooyin badan oo kala danbeeyey oo aanu diwaangalinay marka la eego, waxa ka mid ah Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo qufushay dhammaan xafiisyadii Garsoorayaasha Maxmaddaha; waa dhacdo dhacday oo ku soo baxday saxaafadda oo illaa wakhtigan aanay xukumaddu waxba ka qaban, waxa kale oo dhacday Garsoorayaal xoriyadda laga qaaday iyadoon guddida caddaaladdu ogolaan. Taliyaha Qaybta Bileyska ee Gobolka Sanaag intuu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka xafiiskiisa ugu soo galay, ayuu ku hor jeexjeexay amarkii uu u qoray oo uu ku yidhi: 'Ma anniga ayaad I amri kartaa; sideed waar anniga wax iigu soo qortaa istubidhyahow, yaa ku yidhi anniga amar ii soo qor' markaasuu caagad ku dhuftay weliba. Sharciga haddii ayaa lagu kala socdaa; haddii sharciga la ixtiraami waayo, nina nin kama weynaanayo.” ayuu yidhi Guddoomiye Foosi Sh. Yoonis, Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA).
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka SOLLA Xasan Cali Xasan “Xasan Banfas” oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa xukumadda ugu baaqay inay xoriyaddiisa u soo celiso Guddoomiyaha SOLLA ee gobolka Sanaag, waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga lagula kacayo bahda Garsoorka, isagoo arrintani ka hadlayana wuxuu yidhi: “Waxaanu cambaareyn kulul u jeedinaynaa cidii xidhay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac, runtii xuquuqdii uu lahaa Garyaqaankasi waa lagu tacadiyey iyo waliba xuquuqdii dadkii uu matalayey ee uu xuquuqdooda difaacayey. Arrintaasi waxaanu u aragnaa fal-danbiyeed aad u xun, oo aan ku koobnay shakhsiyada Qareenka, balse saameynaysa dhammaan ummadda waayo Qareenku wuxuu mataleyey oo uu dacwad u hayey oo uu xuquuqdooda difaacayey dad muwaadiinin ah oo waliba ah dadka saboolka ah ee aan iska biixin Karin lacagta Qareenka lagu qabsado. Waxa jira in sannadahan danbe ay isa soo tarayaan tacadiyo ka dhan ah bahda Garsoorka, oo ay ku badan tahay xadhig la xidho, waxaa hore loo xidhay Guddoomiyaha Ururka Qareennada, isla Garyaqaanka Cali waxa hore loogu la kacay jidh-dil, imikan wuu xidhan yahay. Waxa kale oo la xidhay Garsooreyaal; sida uu Guddoomiyahuba [Foosi] sheegay. Weligeed may dhicin in Garsoore la xidho!”
Waxaa isna shirkani Jaraa’id ka hadlay Garyaqaan Xuseen Maxamed Shabbeel oo ka mid ah Golaha Sarre ee SOLLA, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay tacadiyada loo geysto bahda caddaaladda, isagoo arrintani cambaaraynaya waxaanu yidhi: “Waxaanu Cambaareynaynaa falka tacadiga ah ee loo geystay Garyaqaan Cali Siciid oo aan ahayn markii koowad ee tacadiyo noocaasi ah loo geysto bahda Garsoorka iyo looyaradaba. Waxaanu ugu baaqaynaa Xukumadda tallada haysa iyo Madaxweynahaba in la illaaliyo Sharafta bahda Caddaaladda oo halkeedii lagu soo celiyo oo laga daayo dibin-daabyada.”

Source: Waheen Media Group

No comments:

Post a Comment