Pages

Monday, July 22, 2013

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu u Baahan Yahay in la Abuuro Xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman)



11. Hordhac

Markii ugu horeysay taariikhda adduunka ee la abbuuro xafiis noociisu yahay xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman) waxay ahayd sannadkii 221 BC, waxaana abbuuray boqortooyadii Qin ee China (Qin Dynasty) iyo Boqortooyadii Joseon (Joseon Dynasty) ee Kuuriya[i]. Boqortooyada Joseon ee Kuuriya waxay lahayd xafiiska Baadhaha Qarsoon ee Boqortooyada (Secret Royal Inspector), kaasi oo ahaa masuul iyadoon la shaacinayn uu boqorku magacaabo, waxaana loo diri jiray xafiisyada dawladeed ee deegaannada kala duwan si uu uga soo war-bixiyo shaqadooda iyo tabashada dadweynaha. Waxaa xafiiskani la mid ahaa Roman Tribune-kii Roomaaniyiinta oo isna lahaan jiray awood uu ku hor istaago ficilada masuuliyiinta ee waxyeelaynaya dadweynaha. Dhinaca Islaamkana waxaa ugu horaysay xiligii khaliifadii Cumar Binu Khadaab oo abbuuray xafiiska “Diwan al-Mazalim” oo ahayd guddi ay dadweynahu uga soo cawdaan madaxda ku kacda maamul-xumo ama ku gefta xuquuqda dadweynaha . Sidoo kale waxaa jiray xafiiska la odhan jiray ‘Muhtasib’ oo shaqadiisu ay ahayd inuu caawiyo dadka ay madaxdu kula kacdo isir-nacaybka, caddaalad-darrada iyo afcaasha xaq-darrada ah[ii]. Labadani xafiis ee ‘Diwan al-Mazalim’ ama ‘Muhtasib’ ilaa iyo maanta waxaa leh waddamo badan oo islaam ah, tusaale ahaan; dalka Pakistan xafiiskiisa Qareenka Dadweynaha waxaa loo yaqaanaa ‘Wafaqi Muhtasib’ waxaana la abbuuray 1983kii. Waxaa laysku raacsan yahay xafiiska Qareenka Dadweynaha islaamiga ah ee loo yaqaano “Muhtasib” inuu yahay halka ay ka soo farcantay fikirka casriga ah ee ay reer galbeedku ula baxeen Qareenka Dadweynaha (Ombudsman) ee uu hormoodka ka ahaa baarlamaanka dalka Sweden oo taariikhda markii ugu horeysay abbuuray xafiiska noocan oo kale ah sannadkii 1809kii. 

Kelmadani Ombudsman waxay ka soo jeedaa af Norsigii hore waxayna ka timid kelmada umboðsmaðr oo micnaheeda rasmiga ahi uu yahay Wakiil. Waxa ugu horeysay oo isticmaashay dawladda dalka Sweden oo sida imika xafiiskani loo yaqaano u dhaqan galisay. Waxaa aasaasay boqor Charles-kii 12aad ee Sweden oo sameeyey xafiiska Qareenka Sare ee Dadweynaha (Högste Ombudsmannen) sannadkii 1713. Boqor Charles-kii 12aad xiligaasi wuxuu joogay Turkiga, waxaanu u baahday wakiil la socda in garsoorka iyo shaqaalaha dawladu ay sharciga ku shaqeynayaan, waajibaadkoogana si fiican u gudanayaan. Haddii ay waajibaadkooga gudan waayaan, Qareenka Sare ee Dadweynahu wuxuu xaq u lahaa inuu ku soo oogo masuuliyad-darro. Sannadkii 1809 ayuu baarlamaanka dalka Sweden oo loo yaqaano Risksdag, wuxuu aasaasay xafiiska loo yaqaan Qareenka Dadweyne ee Baarlamaanku magacaabo, waxayna shaqadiisu tahay inuu ilaasho xuquuqda muwaadiniinta. Waanu ka madax-bannaan yahay waaxda fulinta ilaa iyo maantana wuu shaqeeyaa. Qarni kadib, talaabadaasi waxaa kaga dayday oo xafiiskaasi sameystay waddamada iskaandaneefiyaanka sida Finland 1919kii, Denmark 1955kii iyo Norway 1962kii[iii].

22. Xafiiska Qareenka Dadweynaha iyo Wadamada Caalamka

Qareenka Dadweynaha waxaa badanaa magacaaba baarlamaanka ama waaxda fulinta iyadoo la siinaayo madax-bannaani uu ku gudan karo waajibaadkiisa ah inuu u taagnaado danaha dadweynaha isagoo baadhitaano ku sameeya kana jawaaba cabashooyinka dadweynaha ee dhinacyadda maamul-xumada iyo tacadiyada xuquuqda dadka. Xafiiska Qareenka Dadweynaha waxaa samaysan kara Qaranka, Dawladaha Hoose iyo urrarada, Jaamacaddaha iyo shirkadaha ganacsiga oo yeelan kara xafiis Qareen Dadweyne oo gaar u ah. 

Dalalka caalamka badankoogu waxay leeyihiin xafiiska qaran ee Qareenka Dadweynaha (Ombudsman), dalalka qaarkood ayaa xitaa leh xafiisyo gobol oo Qareen Dadweyne tusaale ahaan; Kanada oo sagaal gobol iyo hal degaan (territory) uu mid kastaaba leeyahay Qareen Dadweyne, Dalka Belgium-ka ayaa isna afar gobol ay leeyihiin Qareen Dadweyne iyo waddamo kale oo lamid ah. Waddamada badankoogu, marka laga yimaado xafiiska qaran ama gobol ee Qareenka Dadweynaha waxay leeyihiin Qareeno Dadweyne oo arrimaha qaarkood u khaas ah Tusaale ahaan; Wadamada Australia, Finland, France iyo waddamo kaleba waxaa jira Qareen Dadweyne oo u gaar ah carruurta, dalka Hungary oo kale wuxuu leeyahay Ombudsmen loo yaqaano commissioners sida mid gaar u ah xuquuqda madaniga ah, dadka laga tirada badan yahay ama jiilalka cusub ee mustaqbalka (Future generations).
Qaabka loo abbuuro xafiiska Qareenka Dadweynaha ayey waddamadu ku kala duwan yihiin; waddamada qaar waa dastuuri oo xafiiskani wuxuu ku xusan yahay dastuurkooga, badanaa mar wax ka badel lagu sameynayo dastuurka ayaa lagu daraa tusaale ahaan; Dalka Albania, cutubka VI ee dastuurkiisa waxa lagu abbuuray Xafiiska Garyaqaanka Muwaadiniinta (Citizen’s Advocate) 1998, dalka Netherlands isna qodobka 78aad ee dastuurkiisa 1983kii ayaa lagu abbuuray Qareenka Dadweyne ee qaran (National Ombudsman), dalka Portugal, qodobka 23aad ee dastuurkiisu wuxuu abbuurayaa Qareen Dadweyne (Provedor de Justiça) iyo waddamo kale. Waddamada qaarna waxay leeyihiin xeerar gaar ah oo lagu abuuro xafiiska ama xafiisyada Qareenka Dadweynaha sida Xeerka Qareenka Dadweynaha (Ombudsman Act) tusaale ahaan; dalka yar ee Barbados wuxuu leeyahay Xeerka Qareenka Dadweynaha (Ombudsman Act 1980), dalka Ireland sidoo kale isna wuxuu leeyahay xeer gaar u ah Qareenka Dadweynaha, dalka Kenya oo kale xafiiskani waa Guddida Maamulka Caddaalada waxaana lagu abbuuray xeerka la yidhaa Commission of Administration of Justice Act 2011 iyo waddamo kale oo lamid ah. 

Waxa kale oo ay waddamadu ku kala duwan yihiin cida magaacoowda Qareenka Dadweynaha? Waddamadu waxay iskugu jiraan qaar uu baarlamaanku soo magacaabo ama doorto Qareenka Dadweynaha, qaar uu Madaxweynaha/Raysal-wasaarahu magacaabo, baarlamaankuna ansaxiyo iyo qaar baarlamaanku magacaabo, Madaxweynahuna ansaxiyo. Waxayse ka siman yihiin inuu xilka hayo muddo cayiman. Tusaale ahaan; Wadanka Argentina, baarlamaanka ayaa cod 2/3 ah ku soo doorta qofka noqonaya Qareenka Dadweynaha oo ay iyagu u yaqaanaan Defensor del Pueblo de la Nación Argentina, waxaanu xilka hayaa muddo shan sanno ah oo dib loo magacaabi karo, waddamada badankoodana baarlamaanka ayaa soo magacaaba ama doorta. Dalka France waxaa magacaaba Raysal-wasaaraha, waxaana ku dhawaaqa Golaha Qaranka, waxaanu xilka hayaa muddo lix sanno ah. Dalka Ireland, waxaa magacaaba baarlamaanka, waxaana ku dhawaaqa Madaxweynaha. Halka dalka Barbados, Badhasaab-Guud uu magacaabo Qareenka Dadweynaha, waxaana ansaxiya labada aqal ee xeer-dejinta. 

In ka badan 80% dalalka caalamka ayaa leh xafiiska Qareenka Dadweynaha. Dalal aan lahayn xafiiskani waxay u badan yihiin qaaraddani Afrika. Dalalka Latin Amerika ayaa iyagu safka hore kaga jira dalal leh xafiiskani, tusaale ahaan; dalalka ku yaal Koonfurka Ameerika, dalka Chile oo qudha ayaan ilaa hadda lahayn xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman).

33. Waa Maxay Baahida ay Soomaaliland u Qabto in la Abbuuro Xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman)?

Waxaynu iftiiminay taariikhda xafiiskani iyo sida uu ku abbuurmay. Sidoo kale waxaynu tilmaanay in dalalka caalamka in ka badan 80% ay leeyihiin xafiiskani iyo qaababka kala duwan ee loo abbuuro xafiiskani. Sidaas darteed, imika waxaynu u gudbaynaa su’aasha ah Somaliland baahi ma u qabtaa inay abbuurto xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman)? Waa su’aasha aan rabo inuu qoraalkani uu u noqdo jawaab waafi ah. Waxaanan jecelahay in aanay jawaabtu noqonin rayi aan annigu keligay kaga jawaabayo, sidaas darteed, waxaan jawaabtayda u samayn doonaa marag-fur cad oo ah daraasaddo kala duwan oo hore loo sameeyey, dadweynahuna ay ka qayb qaateen oo ay rayigooda ka dhiibteen. Waxa cad in Somaliland ay u baahan tahay in la abbuuro xafiiska Qareenka Dadweynaha (Ombudsman) marka la qiimeeyo arrimahani hoos ku xusan:

BB. Waxaa joogto ah oo aad meel kasta oo ay dadku iskugu yimaadaan ka maqlaysaa in dadku ay aad uga deyriyaan qaabka maamulka hay’addaha dawladda tusaale ahaan; waxaad arkaysaa dadka oo hadal haya in hawl yar oo kaa gashay Wasaarad ama hay’ad dawladdeed aanay kaa dhamaanayn oo ay wakhti badan kugu qaadanayso haddii aanad garasho ama waddo kale u marin.  Waxaana taasi kasii daran, ma jiro xafiis gaar ah oo ay arrintani uga cawdaan. Taasina waxaa cadeyn u ah intii u dhaxeysay bilaha May ilaa June ee sannadkan waxaan ka akhriyey saxaafadda kala duwan ee dalka ilaa 40 cabasho oo kala duwan oo ay muwaadiniin reer Somaliland ahi ay kaga cabanayaan maamul-xumo ama caddaalad-darro uu kala kulmay hay’ad dawladdeed. Sababta ay muwaadiniintani cabashadooda ugu soo qoreen saxaafaddu waxay tahay in aanu jirin xafiis dawladdeed oo ay cabashadooda u gudbiyaan si uu wax uga qabto.

TT. Daraasad ay hay’adda IRI ku samaysay rayi caamka dadweynaha bishii Juun sannadkii 2012ka[iv] ayaa waxay muujisay in xidhiidhka ka dhaxeeya dadka iyo madaxda dalku aanu aad u xooganayn oo aanay badanaa jirin fursad ay dadku ugu gudbiyaan cabashooyinka iyo walaaca guud ee bulshada madaxdooda ay khusayso tusaale ahaan; laba su’aalood oo la waydiiyey dadkii daraasadda ka qayb-qaatey oo ahaa Xildhibaanadii goleyaasha baarlamanka iyo deegaannada ee ay doorteen ma ka dhageystaan cabashadooda ama walaacooga khuseeya arrin muhiim u ah bulshada, 68% kamid ah ayaa ku jawaabay in xil-dhibaanada golaha deegaanku aanay dhageysanin cabashadooda, halka 70% kamid ahina ay ku jawaabeen in xil-dhibaanada baarlamaanku aanay dhageysanin cabashadooda ama walaacooga khuseeya arrimaha bulshada. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo xafiis dawladdeed oo gaar u ah ka jawaabista iyo ka talo-bixinta cabashada muwaadiniinta ee khuseysa arrimaha maamul-xumada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

JJ. Dhinaca Garsoorka, waxaa dhacda cabasho joogto ah oo ay dadweynahu kaga cabanayaan caddaalad-darro ay kala kulmaan hay’addaha garsoorka. Xitaa Madaxweynaha ayaa shir-weynahii dib u-habeynta nidaamka caddaalada ee sannadkii 2011ka ka marag-furay cabashada dadweynaha. Warbixin qabyo-qoraal ahayd oo uu qoray Hawl-galka Kormeerka Xabsiyada ee Wasaaradda Caddaaladu sannadkii 2010kii[v], waxaa lagu sheegay in 351 maxbuus ay gar-sugayaal ahaayeen, 160 maxbuus oo kamid ahina ay muddo dhaaf ku ahaayeen xabsiyada dalka, haddii si kale loo dhigo 47% kamid ah maxaabiista gar-sugayaasha ku ahaa xabsiyadda ayaa muddo dhaaf ahaa xiligaasi. Haddii xafiiska Qareenka Dadweynahu uu jiri lahaa oo arrintani looga caban lahaa, dhibaatadu ilaa xadkaasi may gaadheen marnaba.

44. Haddii la Abbuuro Xafiiska Qareenka Dadweynahu, Muxuu Soo Kordhinayaa?

Waxaynu isla fahamnay baahida uu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la abbuuro xafiiska Qareenka Dadweynaha. Haddaba, sidee ayuu abbuuritaanka xafiiskani xal ugu noqonayaa dhibaatooyinkaasi aynu tilmaanay? Ugu horeyn, sida ay ku qeexeen Guddida Caalamiga ah ee Xeer-beegtidu sannadkii 1974ka, Qareen Dadweyne (Ombudsman) waa “Waa xafiis dawladdeed oo lagu abbuuray dastuur ama xeer xeer-dejineed ama baarlamaanku uu iskii u abbuuro. Waxaa hoggaamiya shakhsiyad madax-bannaan oo uu baarlamaanku la xisaabtamo. Wuxuu u xilsaaran yahay qabashada cabashooyinka dadka lagu xad-gudbay ee ka dhanka ah hay’addaha dawladda iyo Saraakiisha dawladda. Waa inuu awood u leeyahay inuu iskii wax u baadho, dabadeedna u soo jeedin ku samayn karo qaabka wax loo saxayo. Ugu dambeyn wuxuu war-bixin u gudbiyaa baarlamaanka.[vi]” Hawlaha uu qabto xafiiska Qareenka Dadweynahu (Ombudsman) waa:

11.     Ka Jawaabista Cabashada Dadka iyo Xalinta Khilaafaadka Maamul-xumo: Xafiiska Qareenka Dadweynahu waa xafiis loogu talo galay in dadku ay si fudud ku heli karaan marka ay u baahdaan. Waxaanu marka ugu horeysa ku dhaqaaqaa ka jawaabista cabashada dadka, taasoo noqon karta; 1) Inuu qofka cabashadiisa ka dhageysto, kala hadlo dabadeedna uu talo ka siiyo ama xal kale u helo. 2) In markuu cabashada qofka fahmo uu baadhis ku sameeyo arrinta maamul-xumada ama tacadiga xuquuqeed ah ee uu qofku ka cabanayo, dabadeedna uu arrintaasi kala hadlo hay’adda dawladdeed ama sarkaalka ay khusayso, sidaasina ku dhameeyo khilaafkaasi u dhaxeeyey qofka iyo hay’adda/sarkaalka dawladdeed. 3) Inuu sannadkiiba mar ama kolkii loo baahdo ba uu war-bixin u gudbiyo baarlamaanka isagoo soo jeedinaaya soo saarista ama wax ka badel xeer markii loo baahdo.

22. Ka Hortaga Maamul-xumada iyo Adkeynta Nidaamka La Xisaabtanka: Xafiiska Qareenka Dadweynahu wuxuu dadka u sharaxaa xeerarka iyo siyaasaddaha la xidhiidha cabashadooda sidaas darteed, wuxuu ka qayb-qaataa fahamka ay muwaadiniintu ka haystaan shuruucda. Wuxuu badhaa arrimaha maamul-xumada, waxaanu soo jeedin ku sameeya xalka dhib kasta oo maamul-xumo isagoo la talinaya qofka iyo hay’addaha dawladdaba. Wuxuu hay’addaha dawladda ka caawiyaa inay yeeshaan hab maamul xoogan iyo siyaasaddo habboon oo xoojiya is fahamka dadka iyo hay’addaha dawladda. Xafiiskani wuxuu u taagan yahay adkeynta nidaamka la xisaabtanka dawladda, waxaanu dadweynaha wakiil uga yahay in aanay dhibanayaal ka noqonin nidaam dawladdeed oo aan la xisaabtan jirin. Sidaas darteed, xafiisku mar kasta oo uu ogaado arrin maamul-xumo ama tacadi lagula kacay xuquuq muwaadin wuxuu waajibaadkiisu yahay inuu qaabkii loo sixi lahaa iyo cawil celinta falkaasi la yimaado. Inuu soo taabto sababta fal kasta keentay kadibna xalkeeda la yimaado si aanu falkaasi u soo noq-noqin. Wuxuu soo jeediyaa talaabooyinka lagaga hor-tagi karo maamul-xumo kasta iyo qaabka loo xoojin karo maamul wanaaga iyo addeega ay hay’addaha dawladdu u fuliyaan dadweynaha.

33. Awood-siinta Muwaadiniinta. Siddaynu hore u tilmaanay xafiiska Qareenka Dadweynahu wuxuu talo siiyaa dadka ka cabanaya maamul-xumada iyo tacadiga xuquuqeed isagoo u sharaxaya xuquuqda qofka, shuruucda iyo siyaasaddaha ay khusayso. Sidaas darteed, xafiiskani wuxuu awood siiyaa muwaadiniinta oo qof kasta oo xidhiidh la yeesha xafiisku wuxuu ka faa’iidayaa qaabka cabashada loo sameeyo, qaabka fikirka loo soo bandhigo iyo qaabka looga qayb-qaato hawlaha maamul ee dawladda. Wuxuu dadka baraa wax kasta oo ay awood iyo xuquuq ku leeyihiin dawladda iyo waajibaadka saaran iyo siday ku gudan karaan. Wuxuu dadka ku dhiirigaliyaa xalinta khilaafaadkooga yar iyo waynba, waxaanu ku dedaala in muwaadin kasta oo la soo xidhiidhaa uu noqdo muwaadin firfircoon oo awood u leh inuu xuquuqdiisa ku dooddo, waajibaadkiisana guto kana qayb-qaato xoojinta dawlad wanaaga iyo sinaanshaha.

Qalinkii: Cabdishakuur Calu Muxumed (Good Lawyer)


XIGASHO: Qoraallada aan soo xigtay.
[i] From Wikipedia, the free encyclopedia.
[ii] Pickl, Islamic Roots of Ombudsman Systems, The Ombudsman Journal Number 6/1987, International Ombudsman Institute, Edmonton, Alberta, CanadaT6G 2HS.
[iii] Linda C. Reif, “Introduction” in Linda C. Reif, ed. The International Ombudsman Anthology (Kluwer Law International: The Hague, 1999) at xxiii-xxiv.
[iv] IRI and ORB – International, Survey of Somaliland Public Opinion. Hargeisa. June, 2012.
[v] MOJ, Prison Monitoring Report, 2012.Unpublished. 
[vi] Rudolf Machacek, LAW AND JUSTICE: TWO COINS OF THE SAME COIN, FACTA UNIVERSITATIS Series: Law and Politics Vol. 1, No 5, 2001, pp. 571 - 580

No comments:

Post a Comment